-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxaad Ka Taqaan Astaamaha Cudurka Covid19? W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Korona fayrus waa nooc fayras caan ah oo keena infakshan ku dhaca sanka ama cunaha sare. Inta badan korona fayrusku khatar muu ahayn Laakiin horraantii 2020 ka dib markii uu ka dillaacay Shiinaha bishii Diseembar 2019 ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu u aqoonsaday covid2019 kaas oo noqon kara mid dilaa ah. Cudurkan ka dillaacay shiinaha ayaa si dhakhso ah ugu faafay adduunka oo dhan isaga oo ku faafaya xidhiidhka qof-ka-qof iwm Astaamaha cudurkani waxay ku soo muuqan karaan 2 ilaa 14 maalmood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen ka dib marka uu qofka soo gaadho ama uu haleelo cudurku astaamahiisu waxay aad ugu eegyihiin astamaha hargabka caadiga ah waxana ugu caansan astaamahan hoos ku taxan. Neefsashada oo yaraata Sanka oo cabudha Madax xanuun Cune xanuun Qandho Qufac Neefsashada oo adkaata ama neefsashada oo dhib noqota Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara: Daal Xumad badan Sanka oo dareera Shuban Matagid Oof wareen W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa xalay Xaafada Tabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ku dilay dhaqtar dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabay Dr. Cabdullaahi Yusuuf Suudaan. Dr. Cabdullaahi Yusuuf Suudaani ayaa waxa uu xarun dadka lagu daaweeyo oo Farmshiye ah uu ku lahaa kasoo horjeedka Masjidka Al-Nuur degmada Dharkeenleey. Dr. Cabdullaahi ayaa markii la dilayey waxa uu ku howlanaa sidii uu u xiri lahaa Farmashiyaha si uu u aado Salaada Cishaha oo lagu jirey. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, oo u diyaar garoobayey dhaqan gelinta bandowga la saarey Muqdisho, ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ay ciidamada xir xireen dhallinyaro ku sugneyd meel aan ka fogeen halka lagu diley Cabdullaahi. Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilka wiilka dhaqtarka ahaa ayaa u jeediyey eedeyn yaab leh oo ahaa inuu ahaa sirdoon. Al-Shabaab ayaa sheegtay Dr. Cabdullaahi nuu ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka dowladda, gaar ahaan qaybta dharcadka, balse eheladiisa qaar ayaa arrintaasi been abuur ku tilmaamay. Wiil qaraabo dhaw la ah Cabdullaahi ayaa sheegay inay tahay war been abuur ah hadalka ka soo baxay Shabaab ee lagu sheegay in Dr. Cabdullaahi uu ahaa askari ka tirsan Nabad Suggida. Allaha u naxariistee Marxuumka Shabaab xalay ay dileen ayaa wuxuu Jaamacad uga soo baxay dalka Sudan, halkaasi uu ku soo bartay Cilmiga Caafimaadka.
-
Washington (SMN) – War-saxaafadeed uu soo saaray taliska Mareykanka AFRICOM ayaa lagu beeniyay in qof rayid ah lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay bishan April ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in Al-shabaab ay baahiyeen in duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ay ku dileen qof shacab ah. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka uu soo saaray ku beeniyay warka kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa in Mareykanka uu ruux shacab ahaa duqeyn ku dilay,waxaana uu sheegay Mareykanka in duqeyn diyaaridihiisa ay 10-kii bishan April ka fuliyeen Jamaame ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab,sida lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM. Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa warka kasoo baxay ku xusay in ruuxa ay ku dileen duqeyntii ka dhacday Jamaame uu ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana uu horay u geystay dilka lix ruux oo shacab ah. Mareykanka ayaa inta badan lagu eedeeyaa in uu qariyo qasaaraha duqeymaha uu ka fuliyo kasoo gaara dadka rayidka ah,iyadoo dhawaan hay’adda xuquuql insaanka ee Amnesty International ay u jeedisay eedeyn arintaasi la xiriirta,waxaana markii ugu horeysay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay uu qirtay in uu duqeyn ku dilay hooyo cunugeeda oo deganaa gobolka Shabeelada Hoose. View the full article
-
Yurub (SMN) – Soomaalida ku nool wadamada Yurub ayaa la sheegay in ay kamid yihiin dadka ugu badan ee uu saameeyay Coronavirus. Sidda lagu sheegay warbixin cusub, sababta waxay tahay qaabka ay u nool yihiin iyo in ay ku badan yihiin goobaha dadka ku kulmaan. Wadamada Ingiriiska iyo Sweden ayaa waxay kamid yihiin meelaha ay geerida ugu badan ee Soomaalida laga soo wariyey. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Soomaalida iyo Ciraaqiyiinta ay yihiin qaxootiga ugu badan ee caabuqaan dilaaga ay uu saameeyay. Tan iyo markii uu bishii December ee 2019-kii uu ka dilaacay Shiinaha, Covid-19 ayaa ku dhacay laba milyan oo ruux; kumanaan kuna wuu dilay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in miiska wadahadalka lala fariisto Al-Shabaab si loosoo afjaro dagaalka daba dheeraadey. Mudanaha oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Shabelle ayuu ku booriyey in ay gartaan ahmiyadda ay leedahay in la baajiyo dhiiga daadanaya. Isagoo hadalkiisa sii wata, sharci-dejiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay darafyadda in ay isku tanaasulaan si dalka uga baxo dhibaatada amni. Hadalka Xildhibaanka ayaa wuxuu kusoo aadaya xili doorasho la sheegay in ay tahay qof iyo cod ay ka dhaceyso dalka sanadka soo aadan ee 2020-21, taas oo qasab ka dhigeysa in isbedel lagu sameeyoo dhanka ammaanka iyo siyaasadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-160420.mp3 View the full article
-
The US military on Wednesday denied killing a Somali civilian in a strike last week against Al-Shabaab militants, providing rare details of its operations against the jihadist group affiliated with Al-Qaeda. US Africa Command disputed reports from two news outlets that said an innocent civilian was killed in the precision air strike near the southern town of Jamaame on Friday. “These allegations are based on al-Shabaab propaganda and are false,” Africom said. “The terrorist that was killed in the Apr 10 air strike was an al-Shabaab member complicit in the murder of at least six innocent Somalis.” To support its claim, Africom — which has been accused by Amnesty International of concealing the number of civilian victims in its almost daily drone strikes — gave details of the incident. “Immediately prior to the air strike, this al-Shabaab terrorist displayed the murdered bodies of Somali National Army (SNA) soldiers in a village,” the statement said. “Once isolated in a remote and secluded area, the terrorist was killed by an air strike.” Africom named one of the news outlets as “al-Shabaab associated news affiliate SomaliMemo.” Army Major General William Gayler said that “it was a war crime by an al-Shabaab terrorist who desecrated bodies to scare and intimidate innocent Somalis into submission.” Amnesty last year accused the US military of indiscriminately hitting civilians, killing farmers, workers and even children in Somalia. After an internal investigation, the military admitted responsibility for the death of a woman and a child. View the full article
-
Somalia has reported a spike in the number of COVID-19 infections with 20 more cases announced today in addition to three deaths. Somalia’s Minister of Health and Social Services Fowziya Abikar Nur announced in her daily COVID-19 briefing that the total number of COVID-19 cases in the country has risen to 80 while three more patients have died of the disease, bringing the total deaths to five. Minister Fowziya urged the public to take instructions of the health authorities seriously in order to contain the rapid spread of the disease in the country. The total number of coronavirus cases in the world has surpassed two million, according to the data compiled by the Johns Hopkins University. About 130,000 others have died of the disease. View the full article
-
Wasiir Cabdiwali ayaa ka tirsan Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar garowga iyo ka hortagga Covid-19 Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiwali Mire Xirsi ayaa sheegay in dadka hantida haysta iyo goobaha ganacsiga ee caanka ah aysan u hoggaansamin awaamiirta dowladda ee la xiriirta Covid-19. Wasiir Cabdiwali Mire oo maanta oo Khamiis ah hadal ka jeediyey munaasabad ay xilka kula wareegayeen maamulka cusub ee gobolka Nugaal ayaa ka dhawaajiyey in goobaha caanka ah ay furan yihiin habeenkii, halka dad danyarta ah ee aad u dhiban ay sharciga u hoggaasamaan, taasina ay tahay caddaalad darro weyn. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in awaamiirtii Puntland ka soo saartay Qaadka ay jabiyeen ciidamada, oo uu sheegay in ay shacabka ka qaadaan, kadib ay iyagu isticmaalaan. Wasiirku ma sheegin arrinta caddaalad darrada ah ee la xiriirta awaamiirta, waxa ay ka qabanayaan Guddiga uu ka tirsan yahay ee ka hortagga Covid-19. Bandowga habeenkii ee Puntland oo hadda socday muddo labo todobaad ah, labo todobaad oo kalana lagu daray ayaa saameeyey danyarta iyo goobaha ganacsiga ee yaryar, halka dad wax haysta iyo goobaha ganacsiga ee caan ah uusan saameyn. PUNTLAND POST The post Caddaalad darro ka jirta bandowga habeenkii soo rogtay Punland appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, halkaasi oo si ku talo-gal ah loogu abuuray Sidoo kale xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ogtahay ee ku saabsan xaqiiqda cudurkan. Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la ogeyn. Hase yeeshee waxaa horey loo sheegay inuu ka dillaacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasi oo Mareykanka ay shaki weyn ka qabaan. Taleefishinka Fox News ayaa Arbcadii sheegay in fayruska uu ka yimid sheybaar ku yaalla Wuhan, balse aan looga dan lahayn in hub ahaan loo adeegsado ee uu qeyb ka ahaa dadaal Shiinaha ay ku muujinayaan awooddooda ah inay aqoonsan karaan oo ay fayrus ula dagaalami karaan si la mid ah ama ka awood badan Mareykanka. Warbixintan iyo kuwa kale ayaa sheegay in qof uu fayruska ku qaaday sheybaarka kadib tegay suuq xoolaha lagu gowraco halkaasna uu ka billowdo faafitaanka. Trump oo isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay inuu ka warhayo wararka sheegaya in fayruska uu kasoo baxsaday sheybaar ku yaalla Wuhan. “Waan baari doonaa xaaladdan aadka u xun ee dhacday,” ayuu yiri Trump. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo la hadlay Fox News kadib shirka jaraa’id ee Trump ayaa yiri “waxaan ognahay in fayruska uu ka yimid Wuhan. Islamarkaana sheybaarka Wuhan Institute Virology dhowr mile oo kaliya ayuu u jiraa suuqa xoolaha.” “Waxaan ka dooneynaa dowladda Shiinaha inay is-furto, oo ay sharaxdo sida cudurkan u faafay, dowladda Shiinaha waa inay runta caddeyso,” ayuu yiri Pompeo. Sheybaarka Wuhan Institute of Virology ayaa bishii Febraayo ku gacan seeray xanta ku saabsan in fayruska si ku talo-gal ah loogu abuuray halkaas, kadibna uu kasoo baxsaday. REUTERS + VOA
-
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar ay saxaafadda tebisay oo sheegaya in guddigaasi qorshaynayo in ay dib u dhigaan doorashada madaxtinimada dalka. Warbaahinta qaar ayaa xubno ka tirsan guddigaas oo aysan magacaabin horay uga soo xigtay in guddigu ay doonayaan in ay dib u dhigaan doorashada maadaama dalka uu ka jiro xanuunka Coronavirus. Balse War rasmiya oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararkaas ku saabsan in guddigu qorshaynayo in ay dib u dhigaan doorashada sababa la xiriira xanuunka COVID-19. “Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn ayaa lagu yiri” qoraalka guddiga. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in COVID-19 dartiis dib loogu dhigayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Laascaanood)-Ciidamadda booliska gobolka Sool ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan nin maanta magaaladda Laascaanood ku dilay nin kale oo shacab ahaa. Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo caawa khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN. Kaasoo ay ciidamadu soo qabteen isagoo magaaladda ka dhinaca Koonfureed uga sii baxayay. Waxaanay ciidamadda booliska Laascaanood kadib markii dilku dhacay ay qaadeen hawl-gal balaadhan oo lagu soo qabanayo ninka dilka gaystay. Iyadoo badhasaabka laftiisu hogaaminayay hawl-galkii ninkaasi lagu soo qabtay. C/qani Maxamuud Jiidhe, oo faahfaahin ka bixinayay sidii dilkaasi u dhacay waxa uu yidhi, “Saaka barqadii, markay saacadu ahayd 11-kii iyo afartan daqiiqo, ayaa nin ka mida dadka Laascaanood ku nool, waxa uu magaaladda Laascaanood ku dilay (Toogtay) nin kaloo shacab ahaa. Kadib markii dilku dhacay, waan ka hawl-galnay, ninkii dilka gaystayna waan soo qabanay”. “Kowdii duhurnimo ee isla maanta ayaan soo qabanay gacan ku Dhiig lihii. Dhinaca Koonfureed ee magaaladda Laascaanood ayaan ka soo qabanay. Waanan ku soo guulaysanay in aan soo qabano ninkaasi. Ciidamadda bilayska iyo anigoo hawl-galka watay, oo ciidanka bilayska la socday. Sharciga ayaana la hor gayn doonaa gacan ku dhiig laha, mar haddii la qabtay”ayuu yidhi badhasaabka Sool. Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu sheegay in dilkaasi uu la xidhiidho Aanno qabiil, taasoo ah arrin inta badan ka dhex dhacda bulshadda. Waxaanu yidhi, “Sababta dilka keentay, baadhis ayaa weli ku socota. Laakiin, waxaa loo sheegayaa in ay la xidhiidho Aanno qabiil, ama Aarsi, ayuu ninkaasi, ninkaa kale u dilay. Waanay dhacaan, inta bada-na way soo noq-noqdaan in had iyo jeer Aanno qabiil la isku dilo. Muhiimadu waxay, sida wax looga qabto iyo qaabka looga hawl-gallo. Aniga ayaana hogaaminayay, hawl-galkaasi, oo ciidamadda booliska la socday, markii ninkaa la soo qabanayay”. Dhinaca kale badhasaabka ayaa u mahad celiyay ciidamadii ku soo guulaystay soo qabashadda ninkaa dilka gaystay, gaar ahaana taliyaha qaybta booliska Sool, taliye ku-xigeenka iyo ciidamadaba. Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa cid kastoo nagala qayb qaadatay hawl-galkaasi. Gaar ahaana ciidamadda bilayska, oo tallaabo wanaagsan ka qaaday hawshaasi, oo la’antood aanay suurto gasheen”. “Waana ciidan xoogan runtii, ciidamadda bilayska ee gobolka Sool ku sugan. Taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Sool, oo dhawaan xilka la wareegay, oo shaqo wanaagsan qabtay, oo magaciisa la yidhaaho Maxamed Saleebaan Gooni. Taliye ku-xigeenka qaybta booliska Sool, oo isna hawl-galkii maanta igu weheliyay, iyo hawl-gelinta, dhamaanba waan u mahad celinayaa ciidamadda bilayska. Shaqo wanaagsan ayay qabteen, waanay mahadsan yihiin”ayuu yidhi badhasaabka Sool. Source
-
More than eighteen thousand sheep were brought to Salalah Port from Somalia on Wednesday in order to boost availability of food supplies. Source: Hiiraan Online
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxda ururka Ahlu sunna ayaa waxa eedeyn kulul loogu jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya waxaana Ahlu sunna ay sheegtay in dowladda ay doonayso inay Galmudug ku abuurto kooxaha Al shabaab iyo Daacish sida ay hadalka u dhigeen. “DFS waxay xoogga saartay inay burburiso heeshiiskaas taariikhiga ahaa ayna meesha ka saarto ASWJ si ay ugu abuurto kooxaha xagjirka ah sida Al shabaab iyo Daacish ayna ka dhisto maamul aan loo dhamayn kana turjumayn labadii maamul ee midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya madaxda Ahlu sunna. Sidoo kale Ahlu sunna waxa ay ka dhawaajisay inaysan qeyb ka ahyn maamulka Galmudug ee dowladda Soomaaliya ay ka dhistay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi. Ahulu sunna ayaa waxaa looga adkaaday siyaadda Galmudug waxaana ay iyagu naf ahaantooda sheegen inay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug balse wixii ka dambeeyay markii ay isaga baxeen deegaannadaasi waxaa jiray waqrqado dhowr ah oo ay uga hadlayeen maamulka uu hoggaamiyo Axmed Qoorqoor. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen Ahlu sunna Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macaadinta kale ee deegaanada maamulka Puntland. Warqadda kasoo baxday Xaafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu socod dhamaan wasaaradaha xukuumadda Puntland iyo taliska booliska Puntland. “Waxaa dhamaan wasaaradaha iyo taliska ciidanka booliska ee sida tooska ah ay waqadani ugu socoto lagu wargelinayaa in laga bilaabo maanta la joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanka” ayaa lagu yiri qoraalka. Taliska ciidanka Booliiska Puntland, ayaa si gaar ah loogu amray in uu tallaabo sharci ah ka qaado, cid kasta oo lagu qabto dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta. “Sidaas darteed waxaa taliska ciidanka Booliska la farayaa in cidii lagu qabto laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan”ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xaafiiska madaxweyne Deni. Qoraalkan kuma cadda sababta ka dambeysa in Madaxweyne Deni uu soo saaro amarkan lagu mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdinta oo sida la sheegay loo dhoofin jiray dalka dibadiisa.
-
Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa waxa ay fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ee gobalka Jubbada hoose ku toogteen 6 qof oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaysay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay hadalk u dhigeen. Goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dadweyne ah, waxaana raggaan ay Shabaab sheegeen inay si dhow ula shaqeyn jireen sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira. Ragga Al shabaab ay toogteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamada Iidow Aadan, Aadan Cabdullaahi Xaaji, Cusmaan Cabdulle Afrax, Xassan Hafow Saney, Maxamada Cali Madkeerow iyo Hilowle Bashiir Aadan. Goobaha ay dalka kaga suganyihiin Al shabaab ayaa waxa ay sidan oo kale uga fuliyaan dilal kala duwan oo ay ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tifaftiraha Goobjoog News oo ku xiran amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee Farmaajo, kuna xiran xabsiga dhexe ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku wajahayo xaalad khatar caafimaad ah maadaama wariyaha uu xanuunsanayo. Badqabka maxabiista ee Coronvirurs , iyada oo laga fakarayo ayaa kol hore madaxwaynaha dowladda federaalka uu sheegay in uu cafis u fidiyay Maxabiista ku xiran xabsiga dhexe. Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo xanuusan ayaa isaga oo garmaqalkiisa dacwaddiisa aan la dhagaysan waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga Dhexe , taas oo culeys ku sii keeni karta caafimaadka Weriyaha. Qolalka xabsiga dhexe oo Maxabiista ay aad isugu dhow yihiin ayaa dhaqaatiirta waxa ay sheegayaan in taas ay keeni karto faafida Covid 19 oo kiisas hore leh laga helay dalka sida Wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay. Ururada u dooda xoriyada hadalka iyo kuwo aadanaha ayaa si wadajir ah ugu baaqaya in xoriyaddiisa la siiyo Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo si sharciga baalmaran ugu xiran dowladda Soomaaliya. Tifaftiraha Goobjoog ayaa maalinkii saddexaad u xiran amar ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana siyaasiyiin, xildhibaano, ururada u dooda saxaafadda xorta ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay xarigga wariye Gurbiye ku tilmaameen mid lagu caburinayo xoriyatul qowlka iyo saxaafadda xorta ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in ciidamo uu wato guddoomiyaha dhawaan la magacaabay ee gobolka Hiiraan ay saakay la wareegeen xarunta maamulka ee degmada Beledweyne. Ciidamadii uu watay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Jeyte Cusmaan ayaa si nabad ah kula wareegay xarunta maamulka gobolku uu ku leeyahay degmada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan maamulka degmada Beledweyne. Horay waxaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka ay ugu sugnaayeen ciidamo daacad u ahaa guddoomiyihii kasoo hor jeestay in uu xilka wareejiyo Cali Maxamed Caraale. Xubnaha aan la hadalnay waxa ay sheegeen in qorshaha guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan uu saakay ahaa in si xoog ah uu kula wareego xarunta maamulka, balse ciidamadii ku sugnaa ee daacadda u ahaa guddoomiyihii hore Caraale ay isku dhiibeen guddoomiyaha cudub Cali Jeyte. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 30-kii bishii hore ee Maarso xilka ka qaaday guddomiyihii gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, balse Caraale ayaa kasoo hor jeestay xilka qaadistaas, isagoo ku tilmaamay qeyb ka mid ah ololaha doorashada soo socota ee Hir-Shabeelle sharcina aysan aheyn. Waxii maalintaas ka dambeeyay gobolka Hiiraan ayaa galay is qabqabsi maamul oo u dhaxeeyay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii mudo seddax jeer ah loo magacaabay guddoomiyaha gobolkaas.
-
Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay eedeymo kufsi ah oo loo jeediyay askar ka tirsan ciidanka xoogga kuwaas oo todobaadyo ka hor la wareegay deegaanka Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose. Wasaaraddu waxa ay sheegtay inay socdaan baaritaano ku aaddan sax ahaanshiyaha in ciidan ka tirsan xoogga ay gabdho Soomaaliyeed ku kufsadeen deegaanka Janaale oo Al shabaab ay ka talin jireen. Dhanka kale wasarsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay waddo baaritaanno ku aaddan dhacdadaasi. Ciidanka dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa inay kufsi ka gesytaan deegaanada ay kala wareegaan dagaalamayaasha Al shabaab. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
