Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ay ku saxiixan yihiin illaa 54 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada maamulkaasi, kaas oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa Madaxweynaha HirShabelle waxa ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo musuq-maasuq. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Xuseen ayaa isla xalay Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-Xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre. Mooshinada is-barbra socda ayaa muujinaya halka uu la egyahay Khilaafka soo kala dhex galay madaxda maamulkaasi oo marba marka ka dambeysa ka sii daraya. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-270420.mp3 View the full article
  3. In ka badan 60 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Sheikh Cusmaan Barre. Mooshinka oo loo gudbiyay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geeddi waxaa ku saxiixan 63 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle kuwaas oo Guddoomiyaha ku eedeeyay in uu jebiyay Dastuurka islamarkaana baal-maray kala madax-bannaanida hay’adaha Fulinta iyo Sharci-dejinta. Xildhibaannada Mooshinka gudbiyay ayaa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka waxay ka dalbadeen in uu furo Fadhiga Golaha iyadoo uu aqblay soo jeedinta si looga doodo Mooshinka. Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre ayaa isna sheegay in uu qabtay mooshin kale oo ka dhana Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare kaas oo ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan kuwaas oo Madaxweynaha ku eedeeyay Musuq maasuq baahsan iyo ku tagri-fal awoodeed. Mooshinnada iska horjeeda ee ka socda Hirshabeelle ayaa ka dhashay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas kaas oo keenay in xildhibaannada Baarlamanku la kal saftaan labada mas’uul. PUNTLAND POST The post Mooshino iska horjeeda oo ka socda Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  4. Saudi Arabia's King Salman has ordered an end to the death penalty for crimes committed by minors, according to a statement Sunday by a top official. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu go’aan ka gaari doono khilaaf culus oo u dhaxeeya guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Muuse Macallin Cabdi iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed. Khilaafka labadaan masuul ayaa soo jiitamayay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, waxa uuna sababay in guddoomiyaha maxkamadda gobalka lagu sameeyo shaqo joojin lana magacaabo mid ku-meel gaar ah, inkastoo uusan u hogaansamin shaqa joojintaas. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyadu ay gudbiyeen tabashooyinka ay kala qabaan kadibna la sugayo in Villa Somalia ka soo baxo natiijada xalka u noqon karta khilaafkooda. Go’aanka soo bixi doono, oo aan la ogeyn inuu noqon doono mid warbaahinta lala wadaago iyo in kale, ayaa la sheegay in dhinacyadu ay heli doonaan, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maxkamadda gobalka Banaadir. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka labadaan masuul uu salka ku haayo muran ka dhashay arimo lacageed iyo laba qof oo ka tirsan shaqaalaha Maxkamadda gobalka Banaadir oo mid kamid ah loo xiray eedo musuq maasuq midna loo xiray amar diido, kuwaas oo midkood ay qaraabo yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare. Lama oga nooca go’aanka ay Villa Somalia ka gaari doonto khilaafka labadaan dhinac hase yeeshee khilaafkooda ayaa saameen weyn ku yeeshay howlihii garsoorka ee socday muddooyinkii la soo dhaafay, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadka shaqada u doontay maxkamadda gobalka Banaadir.
  6. The chief epidemiologist of Sweden, the author of the Swedish strategy for combating coronavirus Anders Tegnell believes that the closure of borders and lockdown in Europe could not stop the spread of coronavirus, Berlingske reports. Source: Hiiraan Online
  7. New-car sales could drop by 25 per cent this year and your vehicle’s value fall by 17 per cent in a best-case scenario due to the COVID-19 crisis, while worst-case could see sales fall by 40 per cent, and vehicles drop by a quarter of their value. Source: Hiiraan Online
  8. 1 – Askari ah 24 jir oo toogtay labo muwaaddin oo dhallinyaro ah (iyo ku dar askar kale oo iyaguna toogtay bajaajleey). 2 – Shacab dhallinyaro u badan oo sameeyay muddaaharaad dhaliyay khasaare iyo burbur ah hanti dadweyne. Igu celi qodobka koowaad: Waxaa ii muuqdo 24 jir (u badi inuu dhashay 1996) ku soo hoos koray dagaal-ooge arxan darran, misana Itoobiyaan dul yimid, misana ay al-Shabaab ugu sii dambeysay. Wuxuu askarigaas markhaati ka soo noqday nolol qallafsan oo bin’aadnimada ka baxsan, kana tan weyn maskaxdiisa caruurnimo — oo laga yaabee in xitaa uu sidaa ku waayay waalid ama walaal ama xigto. Isagoon bogsoon cilmi-nafsi ahaan — oo aysan ka tirmin cajaladdii arxan-darrada aheyd ee uu sida tooska ah u soo daawaday markuu yaraa — ayaa maanta la yiri nabad-suge noqo, qorina loo dhiibay. Aan u gudbo qodobka labaad: Dhallinyaro aan helin nolol iyo nidaam si buuxda u haqabtiro baahidooda tan iyo 1991 ayaa ciil-bax biday jeexidda sawirro tabeelle suran iyo shaagag laammiga lagu gubo iyo burburinta boosteejada baabuurta. Xasuuso: Shacabkaas iyo askarigii wax dilayba da’doodu waxba ma kala weyna. Sidoo kale xasuuso askariga iyo shacabkuba dhufsane weynaha ay wadaagaan waa nolol duruufo adag leh oo ay markhaati ka ahaayeen. Dagaal-oogaan u turin. Itoobiyaan baan u turin. Al-Shabaab baan u turin. Siyaasi baan u turin. Ganacsato ayaan u turin. Dhallinyaradaas duruuftaas ku jirtay baa iyagana la yiri hal habeen ku noqda shacab la mid ah shucuubta weligood hoos harsanayay dowlad iyo nidaam. Isku soo duub, way sahlan tahay inaynu la kala safanno labada qodob midkood. Wayna sii sahlan tahay in la siyaasadeeyo oo la yiraahdo askarigu wuxuu metalayaa Villa Somalia iyo mayee shacabka bannaan-baxayo waxay metelayaan oo gadaal ka soo riixayo mucaadradka. Hayeeshee waxaan sahlaneyn — xalkuna yahay — in dhallinyarada Soomaaliyeed laabta lagu qabto, loo turo, aan lagu danaysan, duruufaha adag ay ku jiraanna laga saaro kooda askariga ah iyo kooda shacabka ahba. Wabillaahi Towfiiq Cabdullaahi Janno -Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.janno@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in ay ku dhiban yihiin baaritaanka COVID-19, oo dowladda Soomaaliya ay shacabka u sameyso. Qaar kamid ah shacabkaan ayaa noo sheegay in ay heli waayeen natiijada baaritaanka dhecaanadii laga qaaday islamarkaana ay qaarkood ka quusteen. Sida caadiga markii qofka laga qaadayo baaritaanka waxaa loo sheegaa 24 saac gudahood hadii aysan Jimco soo gelin, balse waxaa la kulanay tobaneeyo dad ah oo ay natiijada ka maqan tahay 4 ilaa 5 maalin iyo qaar waayay oo ay ka soo wareegatay todobaadyo kadib markii laga qaban waayay numberadii loo qoray. “Waxaan tagay 19-kii bishaan ilaa hada ma helin jawaabta baaritaankii laygu sameeyay waxaana waayay qof i dhaha ma qabtid ama waa qabtaa waayo waxaan qaadan lahaa daawooyin kale iyadoo aan layga hubina COVID-19 layma siin karo daawo kale,” ayuu yiri qof aan magaciisa qarinay oo kamid ah dadka ku dhiban natiijada baaritaanka COVID-19. Kaliya ma ahan muwaadinkaan ee sidoo kale Caasimada Online waxay la kulantay dad ay siyaasiin ku jiraan oo arrintaan wajahaya “aniga oo aqaano wasiiradda wici karo hadii aan waayay maxaa ka filaysaa qof shacab ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan mid kamid ah dowlad gobaleedyada dalka uu baaritaan u tagay Martiini. Dowladda Soomaaliya ayaa maalin walba soo bandhigta tiro dad ah oo ay ku sheegtay in laga helay cudurka, balse waxaa jira boqolaal kale oo baaritaanka maray kadib markii ay iska shakiyeen, kuwaas oo aan wali la siinin natiijada. Qaar kamid ah dadkii iska shakiyay ee is baaray ayaa hadda bilaabay iney shaqa tagaan waxaana suurtagal iney dad kale qaadsiiyaan haddii ay qabaan cudurka ay isaga shakiyeen COVID-19.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu aad u saameeyey dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, isagoo walaac badan ka muujiyey sida xowliga ah ee cudurkaas uu ugu sii faafayo dalka. Dr. Fuje ayaa sheegay in xanuunkaas uu ku dhacay dhakhaatiir badan, isbitaalada waaweyna midka ugu yar uu uga dhacay illaa 50 qof oo shaqaalaha caafimaadka ah. “Hadii ay dhacdo in cudurkan dadka dhan uu gaaro isbitaal looma hayo, dhakhaatiirna looma hayo oo dhakhaatiirta aad ayuu nooga dhacay, waxaan idiin sheegayaa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho kan ugu roon illaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii caafimaadka ah, marka ma jirto cid shaqeyneysa oo dadka baxnaanineysa, hadii sidaan wax kusii socdaan, marka waxaan soo jeedinayaa aan joojino oo hakino cudurkan”ayuu yiri Dr. Fuje. Dhakhtarka ayaa ku taliyey in dadka waaweyn ay guryaha joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan dhalinyarada ay waalidka u yihiin oo ay macquulka tahay inay cudurkaas u keenaan, maadaama ay iyagu u nugul yihiin. Dadka illaa hadda gudaha dalka ugu dhintay cudurkaas ayuu sheegay inay u badanyihiin dad da’doodu ay ka weyntahay 50-sano jir. Sidoo kale waxa uu aad ugu cel-celiyey Dr. Fuje in qof kasta uu xirto Maasgaraha afka lagu duubto, isagoo dadka ku shaqeysta Harqaamada kula taliyey, inay ka dhigtaan shaqa abuur oo ay sameeyaan maaskaraha afka lagu xirto, oo sida uu sheegay gaashaan weyn u noqon karta cudurka COVID-19. In lakala fogaado ugu yaraan hal mitir, laguna dadaalo nadaafadda ayuu mar kale dhakhtarku kula dardaarmay bulshada. Si buu yiri ‘loo yareeyo faafitaanka cudurka COVID-19 oo kusii faafaya gudaha dalka’. Halkan ka Daawo
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka ayaa xiligan u muuqda mid hoos udhacay, xili ay Mas’uuliyiinta Somaliland ay aaminsan yihiin in uu xidhiidhka labada dhinac uu hoos uga dhacay meeqaamkiisi hore. Caasimada Online ayaa isbar-bar dhig ay ku sameysay xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, xiligii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Muuse Biixi, ku ogaatay in xukuumadihii Kulmiye ay gebi ahaanba lumiyeen xidhiidhkii adkaa ee labada dhinac. Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa waqtigii uu talada Somaliland hayey safar ku tagay dalka Mareykanka, isagoona kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Mareykanka ee xiligaasi, midaasi oo uu si weyn u cambaareeyay Madaxweynihii Soomaaliya ee waqtigaasi, Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Arrinkaasi oo Somaliland markii u horeysay u suurtagaliyey in magaalada Hargeysa ay ku soo dhaweyso oo safar uu ku tago Kaaliyihii Mareykanka u qaabilsanaa Afrika, Jendayi Frazer sanadku markuu ahaa 2008-dii. Socdaalkaasi ayaa xiligaasi u noqday Somaliland guul ay indhaha caalamka ku soo jeesato, midaasi oo horseeday in saxaafada caalamku ay qaado dhigto dalkaasi yar ee raadinaya aqoonsiga caalami ah. Madaxweyne Rayaale ayaa dowlada Mareykanka xiligaasi ka dalbaday inay gacan weyn ka siiso howl-gal ay midowga Afrika dhexdiisa uga dhex raadineysay aqoonsi, sida ay faafisay shabakada siraha kashifta ee Wikileaks. Rayaale ayaa ku doodi jirey in Somaliland ay gebi ahaanba ka gudubtay khilaafkii colaadaha ee Soomaaliya la daala-dhaceysay, isla markaana ay Somaliland ay istaahisho in la siiyo aqoonsi caalami ah oo ay ku noqoto dal madax-banaan. Haddaba, xiligan uu talada hayo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu dhulka galay xidhiidhka meeqaamkiisu sareeyay ee Somaliland iyo Mareykanka, oo mar rajo laga qabay in uu horseedi karo inay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah. Madaxda ugu sareysa Somaliland ayaa hadda lagu eedeya inay gebi ahaanba lumiyeen dhamaan fursadihii ay xidhiidh adag ula sameysan lahaayeen dalalka caalamka ee quwadaha leh, isla markaana awoodoodii ku koobnaatay dhaleecaynta beesha caalamka iyo inay u xaglinayaan dhanka dowlada federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa dhowr jeer eedeymo dusha uga tuurtay Danjire Yamamoto oo ku sugan Muqdisho, iyadoo ku eedeysay inuu uleexiyay gebi ahaanba mucaawinayoonkii dowlada federaalka ee ka talisa Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta ka dambeysa in xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay gebi ahaanba lumisay xidhiidhka ay xukuumadii Riyaale la laheyd Mareykanka, ay tahay inay ka urineyso in uu Mareykanku xiligan diyaar u aheyn inuu ku taageero dadaalada aqoonsi raadiska, oo xiligii Rayaale uu culeys weyn saaray sidii uu Mareykanku u gadaal uga riixi lahaa. Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah u taageerta dowlada federaalka Soomaaliya, midaasi oo Somaliland ay u aragto in uu Mareykanku duulaan ku yahay madax-banaanida ay ku doodeysay mudada badan. Waxaana xusid mudan in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, dhowr jeer oo uu safar ku tagay Hargeysa, uusan marnaba Madaxweyne Muuse Biixi ku soo hadal qaadin in uu Mareykanku qeyb ka noqdo dadaalada ay beesha caalamka kaga baadi-goobayaan Ictiraafka, balse arrinka kaliya ee ay ka wada-hadlaan uu ku qotomo doorashooyinka iyo taageero maaliyadeeda oo kaliya. Ictiraaf raadinta Somaliland ayaa u muuqata inay mareyso meeshii u hoseeysay xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye, inkasta oo tii Siilaanyo ay weli rajo ka qabeen shacabku Ictiraaf raadinta, inkasta oo uu hadda gabalkeedu dhacay. Madaxda Somaliland qaarkood iyo Odayaal dhaqamadkeeda ayaa xiligan u muuqda kuwo ka quustay in Somaliland ay hesho madax-banaani, iyada oo dhowaana ay isasoo tarayeen baaqyada dib loogu dalbanayo midnimada umadda Soomaaliyeed.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo shalay dil iyo dhac ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Sanaa . Ragga lagu soo qabtay howlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa tiro ahaan gaaraya illaa labo ruux, kuwaas oo shalay toogasho ku dilay marxuum Cabdiwahaab Cawil, xilli ay kala dageen gaari uu watay oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee gobolkaasi. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaariga marxuumka oo ay horay u kaxeysteen raggaasi iyo laba qoray oo ay wateen. Saraakiishaan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay ku raad joogaan saddex ruux oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la soo qabtay. Inta badan dilalka ka dhaca Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay salka ku hayaan dilal la xiriira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelaha wada daga gobolladaasi.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda labo qof oo shacab ahaa ugu geystay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilka oo ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Baar Ismaaciil ayaa waxaa la sheegay inuu askariga u geystay labada qof oo mid ka mid ah ay aheyd haweeney. Wararka ayaa sheegay in askariga wax dilay iyo labada marxuum uu soo kala dhex-galay muran, kaas oo sababay inuu mar qura rasaas ku furo. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsam kuwa dowladda oo howlgallo lagu baadi goobayo ka sameeyey askarigii ka dambeeyey falkaasi oo baxsaday. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi. Afgooye oo inta badan weeraro qorsheysan ay ku fuliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa had iyo jeer ka dhaca falal liddi ku ah nabad-gelyada.
  14. Jowhar (Caasimada Online)-Khilaafkii maalmahaan ka dhex taagnaa madaxda maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray in caawa magaalada Jowhar lagu qabto mooshino iska soo horjeeda. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in 54-xildhibaan uu ka qabtay mooshin la rabo in xilka looga qaado Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare, oo khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre. Waxaa maalmihii dambe cirka isku sii shareerayey khilaafka siyaasadeed oo soo kala dhex galay madaxda maamulka Hir-Shabeelle. Khilaafka ayaa xoogiisu waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo isku dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxayna ku wada sugan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.
  15. Agaasimaha Cusub Maxamed Xuseen La-xabaal Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreeto uu maanta oo Axad ah soo saaray xilkii kaga qaaday Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland Maxamuud Axmed Saalax Caato. Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka lagu magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (La-xabaal). Maxamuud Axmed Saalax Caato ayaa xilkaasi hayay mudda sannad iyo sagaal bilood ah kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu 28-dii June 2018 u magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas xilka ka qaaday Xassan Shire Abgaal oo mudda dheer ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Puntland balse 28-dii June 2018 loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  16. Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyay kiisas cusub oo gudaha Puntland laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Warbixinta guddiga oo goor dhaw soo baxday ayaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus maanta laga helay afar qof, oo ka mid ahaa 10-qof oo baaritaan la marsiiyey. Seddax kamid ah afartaas qof ee cudurka laga helay waa rag, halka qofka kalena uu yahay dumar, mana jiraan wax dhimasho ama bogsasho ah oo guddigan uu maanta diiwaan geliyey. Sidoo kale warbixinta guddiga waxaa lagu sheegay in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 xaaladood, isla markaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka iyo cid ka bogsatay toona. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa galabta shaacisay in 46-kiis la diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidoo kale shan qof ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda inay u geeriyootay cudurkaas. Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunka Corona ayaa gaartay 436-kiis, halka ay dhimashaduna gaartay 23 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Lama oga in kiisaska cusub ee Puntland ay caawa shaacisay ay qeyb ka yihiin kuwii ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federal, maadaama aan warbixinta lagu xusin halka ay kala joogaan dadkaas.
  17. Garowe (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay afar kiis cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona. Bukaanada cusub ayaa kamid ahaa tobban qof oo maanta laga baarey caabuqa dilaaga ah, sidda lagu sheegay warbixinta guddiga. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in illaa iyo haatan aysan jirin cid u dhimatay caabuqa ama kasoo caafimaadey fayruska. Sikastaba ha ahaatee, shaacinta kiisaska cusub ayaa ka dhigan wadarta xaalada xanuunka ee Puntland ay tahay tobban. Warbixinta oo kooban View the full article
  18. Guddiga Xukuumadda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ayaa caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland laga helay 4 bukaan oo qaba cudurka Coronavirus. Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Axad ah xanuunka laga baaray 10 bukaan oo looga shakiyay COVID-19 balse laga helay 4 qof oo keliya inkastoo aysan xusin magaalooyinka ay ku kala sugan yihiin. Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in 10 bukaan ee cudurka laga baaray 7 ay rag ahaayeen halka 3-da kalena ay dumar ahaayeen. Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Puntland ay gaartay 10 ruux islamarkaana aysan jirin cid u geeriyootay xanuunka iyo cid ka bogsatay midna. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta magacaabay labo wasiir oo cusub kuwaas oo ku biirayo wasiiradii dhowaan uu madaxweynaha magacaabay, madaxweynaha ayaana magacaabay wasiirrada Qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug iyo wasiirka xanaanada Xoolaha Qoraal kooban ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri. “Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug; Markuu tixgeliyay: baahida looqabo magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug; Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda leh ee shacabka Galmudug ka sugayaan xukuumadda cusub; Markuu la tashaday : Madaxweyne ku- xigeenka Galmudug. Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:- 1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-260420.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan caawa ka heleyno xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lagu qaaday weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal. Dad ka ag dhow Xalane ayaa sheegay inay maqleen jugta dhowr gantaal oo qoriga hoobiyaha ah, kuwaas oo lagu tuuray xerada UN-ka ee Xalane oo ku taalla degmada Wadajir. Al-Shabaab oo weerarrada nuucaan ah marar badan ku qaaday xaruntaas weli wax war ah oo ku aadan weerarkan kama soo bixin. Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood lagu qaaday xarunta Xalane, barqanimadii saakay ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal lagu garaacay xaruntan oo si aad ah loo ilaaliyo ammaankeeda. Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay gudaha xaruntaas saakay, sida ilo deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxayna qaar ka mid ah hoobiyeyaashaas ku dhaceen xaafado ka agdhow xerada Xalane oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo xero lagu xareeyo Geella oo ku taalla xaafadaha ku teedsan Xalane ayey haleeleen qaar kamid ah madaafiicdii saakay lagu garaacay xaruntaas. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ururka Al-Shababaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii saakay, waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane. Al-Shabaab ayaa dhaw mar weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday xarunta Xalane oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howgala dalka, isla markaana ay ammaankeeda sugaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo si weyn u ilaaliya xaruntaas.
  22. Muqdisho (SMN) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saartay war-Saxaafadeed ay uga hadleyso xaaladda dalka gaar ahaan falalkii ugu dambeeyey ee ka dhashay bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa maqribnimadii hore ee caawa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ku toogtay laba nin oo hubeysnaa, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Inta aysan ciidamadu toogan labadaas nin, ayaa waxaa la sheegay inay dileen nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Gaab. Sidoo kale kooxdan ayaa la aaminsanyahay inay fuliyeen dilal isla degmadaas Dharkenley loogu geystay ganacsade kale oo lagu bagacaabi jiray Axmad Dheere iyo sidoo kale wiil Dhakhtar ahaa oo caan ka ahaa degmada Dharkenley. Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin dhacdadaas. Shaqaaqadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo bandow habeenkii ah uu saaranyahay magaalada Muqdisho. Toddobaadyadii dhowaa, kooxaha dilalka ka gaysta magaalada Muqdisho ee Al-Shabaab ayaa sii yaraanayey, waxaana kuwooda ku guuleysta inay dilal fuliyaan dhacday marar badan in ayagana la dilo ama la qabto