-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xeer madaxweyne waxa uu xilalkii uga qaaday taliye ku xigeennada booliska maamulkiisa isaga oo magacaabay taliyaha booliska Puntland. Masuuliyiina xilalka laga qaaday ayaa kala ah Sareeyo guuto Bile Faarax Cali oo ahaa yaliye ku xigeenkii 1-aad ee ciidanka booliska Puntland iyo gaashaanle sare Axmed Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka 3-aad ee booliska Puntland. Haddaba halkaan ka akhriso dikareetada ka soo baxday madaxweyne Deni Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Deni ayaa taliyaha booliska Puntland u magacaabay Sareeyo guuto Cabdi Xasan Xuseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee maamulkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay soo farageliyaan xiisada kala dhexeysa Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Waare, si xal looga gaaro. Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ku eedeeyey Waare iyo ku xigeekiisa Guudlaawe inay lunsadeen, islamarkaana ay musuq-maasuqeen hantida shacabka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in 54 Mudane uu ka qabtay mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha maamulkaasi, kuwaas oo ku eedeeyey arrimo ay ka mid tahay ku takrifal awoodeed. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah iyo kala jiidasho xildhibaanada ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi. Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan mooshinada is barbar yaacaya ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo markale banaanka soo dhigay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya madaxda maamulkaasi. Si kastaba ha’ahaatee xiisada siyasaadeed ee ka soo cusboonaatay Jowhar ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan gabagaba uu yahay muddo xileedka hoggaanka sare ee maamulkaasi. HirShabelle oo marar badan ay hareeyeen khilaafaadyo siyaasadeed ayaa waxaa ay saameyn xoogan ku yeesheen horumarka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid Qoysaskii Danyarta ahaa ee deganaa buurta Kala-Jeexan ee Galbeedka Magaaladda Hargeysa ayaa baaq culus iyo hanjabaad u diray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisa oo ay ku eedeeyeen in ay si badheedh ah uga qaadayaan dhul ay iyagu lahaayeen, Waxaanay ku hanjabeen inay hadda diyaar u yihiin inay iska caabinayaan wax ay ugu yeedheen dulmi ay ku hayaan Qoyska Reer Biixi sida ay hadalka u dhigeen. Dumarkan oo goob cidlo ah fadhiyay, islamarkaana dharyo ku karsanayay Shalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyaga iyo raggoodiiba diyaar u yihiin inay difaacdaan dhul ay sheegeen inay ku haystaan qoyska Reer Biixi, waxa kale oo ay sheegeen inay iskaga soo gurmadeen dadkoodi degenaa Dalka Itoobiya oo raggii halkan ku diyaar yihiin iyagga iyo qoryahoodii islamarkaana ay hadda isku diyaariyeen inay ku dhintaan dhulkaasi. Hadalka Dumarka waxaa ka mid ahaa “Madaxweyne Caadil ah ayaanu moodaynaye, Alle hanaga qabto, Ilaahay xaqa hagaransiiyo, Dhulka Muxuu ku fali, Illaa Tukaraq illaa lawyacado ayuu xukumaaye, Muxu ku falayaa Buurtan, ma dahabbaa kaga lumay, Agoomaa degan, Masaakiin ayaa degan, waydinkaas arkaya dadka banaanka wadhan ee danyarta ah“ Waxa kale oo ay yidhaadeen“Waanu diyaar garawnay oo Hubkiina waanu soo guraney, Rag iyo Dumarba Heegan ayaanu nahay, Waxaanu isku raacnay inaanu iska celino Dawladda Muuse, illaa Jiingaddii ayaa laga yimid, Itoobiya kii deganaa Halkan ayuu yimid Qorigiisii wuu haystaa, Dhimasho kama naxayno, Alaahu akbar ayaanu ku dhimanaynaa” Waxa kale oo hadalkooda ka mid ahaa “Maalintii dhawayd ee ay Cagaftu nagashay Siyaad Barre ayaanu xasuusanay, inay wadada noo samaynayaan ayaanu moodaynay, cadaw nagu soo socda oo nagalaybay ahaayeen, dhulka anaga ayaa leh Muusaw, naga qabo Reerkiinna”. Dhinca kale, maalmihii udambeeyay waxa kulamo gooni gooni ah Hargeysa ku yeelanayay Jufadda ay kasoo jeedaan dadkan danyarta ahi iyo jufada Madaxweyne Biixi kuwaasi oo ka arrinsanayay arrintani, waxaanay u muuqataa inaan wax natiijo ah laga gaadhin kulamadaasi. Source
-
Taliyaha Xilka laga qaaday Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse. Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii looga qaaday Taliyaha Booliiska Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana xilkaasi loo magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare). Sidoo kale, waxaa xilkii laga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska sarreeye Guuto Bile Faarax Cali iyo Taliye ku xigeenkii saddexaad Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag). Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli loo magacaabay Taliye ku xigeenka kowaad iyo saddexaad ee Booliiska. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliiska Gen Muxiyadiin appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Sanaag)-Kadib markii ciidamada Qaranka Somaliland hawlgallo culus oo hub ururin ah ka bilaabeen deegaamo ka mid ah Gobolka Sanaag ee muddoba shaqaaqadu ku dhex maraysay labada beelood ee walaalaha ah, waxa deegaamadaasi qaar ka mid ah shalay ka dhacay mudaharaadyo kooban oo dadka qaar kaga soo horjeedo tallaabada ay xukuumaddu qaadday ee la xidhiidha in dadka hubaysan ee deegaamadaasi lagu arko hubka lagala wareego oo hubka laga ururiyo. Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag waxa ay sheegayaan in Mudaharaadyo ka dhaceen deegaammada huluul, kalbooc, Ceellahelay, Bohol Iyo Siiga-Dheer, Laasadabare, iyada oo ay ciidamada qaranku deegaamadaasi ku qabqabteen hub ay ka mid yihiin 16 qori iyo laba qabaal oo Tikniko ah halkaasina kula wareegaan. Kooxo u badan dhallinyaro iyo dad da’ dhexe ah ayaa taayiro ku gubay, isla markaana jidadka maray deegaamada qaar iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo ay kaga soo hor jeeddaan tallaabooyinka ay ciidamada qaranku deegaamadaasi ka qaadeen ee nabad islaaxinta iyo hub ka ururinta ah. Sida dad waxgarad ah oo deegaanka Huluul ka tirsan warbaahinta u xaqiijiyeen, waxa saacadihii la soo dhaafay ciidamada qaranka Somaliland ay hawlgallo ka fuliyeen deegaamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin huluul, kalbooc, Ceellahelay, Bohol Iyo Siiga-Dheer, Laasadabare, kuwaasi oo ay xataa guryaha ku baadheen halkaana ka soo gureen hub iyo saanad kaleba kadib markii ay masuuliyiinta dawladda ee deegaamadaasi iclaamiyeen in cid kasta oo hub sidata oo deegaamadan shaqaaqadu ka dhacdo lagu arko hubka lagala wareegi doono taasi oo keentay in ciidamadu hub badan goobo kala duwan ka soo ururiyaan. Tuulooyin ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayay wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in ay ciidamada qaranku tallaabooyin ka qaadeen oo ay ku soo qabqabteen hub fudud oo dad maleeshiyaad ahi haysteen halka ay sidoo kale guryo baadheen taasi oo keentay in kooxo isa soo abaabulay ay mudaharaad arrintan ka dhan ah ka sameeyaan tuulooyin deegaanka ka tirsan iyaga oo ka cabanaya arrintaasi. Dhinaca kale waxa Gobolka Sanaag ku sugan wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo halkaasi u tagay xaaladda nabad kusoo dabbaalista kadib shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Tuulada Fadhigaab ee ay mar kale isku fara saareen labada beelood ee walaalaha ah ee muddoba colaaddu halkaasi ku dhex maraysay. Source
-
The health ministry of Somalia’s Federal government announced Sunday it has recorded five new COVID 19 deaths in the past 24 hours. The health officials have also confirmed 46 new Coronavirus cases, mainly in Mogadishu with whom 33 of them are male while the remaining 13 are female. The country has now 436 positive cases amid fears that the situation could get worse if the Federal government fails to convince the public to adhere to the prevention guidelines. The government has closed the learning institutions and suspended all international and domestic flights to curb the spread of the deadly disease engulfed the world. View the full article
-
Taliye ku xigeenka Booliiska S/guuto Bile Faarax Cali Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeennadii kowaad iyo saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland. Dikteeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka looga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska Puntland sarreeye Guuto Bile Faarax Cali. Sidoo kale, waxaa dikreetadaas xilkii looga qaaday Taliye ku xigeenkii saddexaad ee Ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag). Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli xilalkaasi loo magacaabay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Taliye xigeennadii Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Roobab mahiiggaana oo saacadihii u dambeeyay si xawliya uga da’ayay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa daadad xooggan ku celiyay xaafadaha kala duwan ee Qardho. Daadadka oo xooggoodu ka dhashay Roobkii galabta iyo caawa ka da’ay gobolka Karkaar ayaa buux dhaafiyay xaafadaha magaalada Qardho waxaana la soo sheegaya in gurya badan dumeen halka qaar kalena laga cabsi qabo in ay dumaan haddii daadadku sii socdaan. Sidoo kale biyaha Roobka ayaa qoysas badan guryaha ku buuxiyay halkaas oo laga daad-gureeyay carruurta iyo dadka tabarta yar islamarkaana ay agabyo kala duwan qaateen. Ilaa iyo haatan si rasmiya looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay daadadkaas ku rogmaday Qardho balse waxaa la hubaa in ay saameeyeen dhammaan xaafadaha magaalada. Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda wada dadaal xooggan oo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen daadadka si loo badbaadiyo xaafadaha buuxsamay ee khatarta ku sugan. PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo daadad xooggan ku fatahay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday HirShabelle, kaas oo u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi. Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay burburin ku hayaan maamulka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay in dhaqaale ay bixiyeen oo loogu talo-galay la-dagaalanka Coronavirus loo isticmaalayo mooshinada iska soo horjeeda ee haatan ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Jeesow ayaa dhanka kale qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Nasiib daro ka weyn malaha $500,000 oo coronavirus looga tala galay in loo isticmaalay xalay laaluushid xildhibaan. Lacatiis shalay ayay Jowhar gaartay, xalayna waa baxday. Dowladda federaalka ah maalin dhaw ayaan u sheegay in ay lacag kaash ah aaysan dirin.” Xildhibaanka ayaa xusay in mudanayaasha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxda maamulkaasi looga baahan yahay inay fiiriyaan danaha shacabka, kana tanaasulaan waxyaabaha gaarka ah ee ay isku hayaan, si looga gudbo khilaafaadka haatan jira. Ugu dambeyn Daahir Amiin Jeesow ayaa carabka ku dhuftay in HirShabelle ay u baahan tahay bad-baadin iyo in hore loo dhaqaajiyo, si ay ula tartanto maamullada kale. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel saare uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre oo labaduba laga gudbiyey mooshino iska soo horjeeda oo uu mid kasta doonayo inuu kan kale xilka uga qaado.
-
Cabbane Muuse Caynab Xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu, oo shalay liiskooda la shaaciyay kadib markii la soo dhammaystiray xulistooda, ayaa Maanta oo Isniin ah Doortay Guddoomiye Cusub. Xildhibaannada oo ka kooban 18 xubnood, ayaa Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmada Baargaal u doortay, nin lagu magacaabo Cabbane Muuse Caynab, kaas oo 13-cod ka helay Doorashada, halka Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde oo mar kale tartmay uu helay 5-cod oo keliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo Goobta kaga dhawaaqay Natiijada Doorashadaaas, ayaa si rasmiya u shaaciyay in xilka Guddoomiyaha Golaha Degaanka Baargaal uu ku guulaystay Cabbane Muuse Caynab. Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaannada Golaha Degaanka Baargaal oo ka kooban 18 xubnood ay codeeyeen, kuwaas oo Cabbane ka helay 13-cod, halka 5-cod ee kale uu helay Guddoomiyihii hore ee Baargaal Abukar Indhacadde. PUNTLAND POST The post Puntland oo Maamul cusub u dhistay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada booliska Somaliland ayaa soo qabtay shixnado qaad ah oo si aan sharci ahayn loosoo galiyay gudaha waddanka, xili ay mamnuucday xukuumadda madaxweyne Biixi. Xarunta guud ee ciidanka booliska ayaa saaka goor dhawayd lagu gubay qaadkan oo ciidamadu ay soo qabteen, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha lagu gubayay xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha, madaxtooyada iyo saraakiisha booliska. Inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan, waxa ay Somaliland dhammaan deegaanadeeda ka mamnuucday qaadka. Source
-
Tillaabo nooceeda ah tii ugu horeysay ah tan iyo markii la bilaabay hannaanka yegleelidda jahhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya burburkii kadib ayey sabtidii dadweyne careysan ku gubeen gudaha caasimadda Muqdisho sawirada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Farmaajo halla gubo” “Halla gubo ajar ayaa laga helayaa”, iyo erayo kale oo caro iyo ciil ka muuqatey ayey ku celcelinayeen shacabka iyaga oo dhagxaan u qeybinayey bidix iyo midig, waxaa ay isku dayeen iney galaan xarumo dowladeed waxaa kale oo ay burburiyeen meherado ganacsi ay shacab leeyihiin halka ciidamada dowladda federaalka ah ay mararka qaar kor u ridayeen rasaasta nool. Dibad-baxa oo ka dhaca qeybo ka mid ah bariga Muqdisho gaar ahaan Boondheere iyo Shingaani ayaa ka dhashay dil uu dable booliis ah u geystay afurka kadib Madiinno Cabdullahi Cabdi oo 17 jir aheyd iyo Xasan Cali Cadaawe oo 24 ahaa, labaduba waa 25-kii bishan lagu dilay Boondheere. Cadhada ayey qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho kula dul dhaceen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo saaray mas’uuliyadda bandowga iyo wax kasta oo dhacaya. Dibad-baxayaal ku sugnaa isgoyska Shingaani ayaa soo riday baalle uu surnaa sawirkiisa, qaar sawirrada waa gubeen halka kuwii ku adkaadana ay jeexjeexeen. Si shacabka loo dejiyo, taliska ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan 24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta hay’addaha garsoorka, waxaa sidoo kale xilka laga qaaday taliyaha booliiska degmada Boondheere Najiib Carab iyada oo dib loo dhigay saacadda bandowga, lana qafiifiyey isu socodka. Dilka loo geystay Madiinno Cabdullahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe waxaa cambaareeyey sidoo kale odeyaasha dhaqanka, madasha xisbiyada qaran iyo waxgaradka Soomaaliyeed iyaga oo dalbaday in lala xisaabtamo cid walbo oo arrinkaas ku lug lahaa. Waa Sawiirada Dibad-baxa: Source: goobjoog.com
-
Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka ku soo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale. Sidoo kale Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay la soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay. Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo COVID-19. View the full article
-
Somalia has launched a portal to publicise information how donor money is utilised in a bid to raise the transparency in the eyes the public and the international community. Source: Hiiraan Online
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran oo uu hoggaamiyo ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga saaran magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo rogtay dowladda federaalka uu yahay mid sharci darro ah soona marin habraaca saxda ah ee ku qeexan dastuurka ku meel gaarka ah. “Madashu waxay caddeynaysaa bandowgaan la soo rogay uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan datuurka JFS qodobka 131-aad sidaa darted uu yahay sharci darro” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya madasha xisbiyada qaran. Dhanka kale madasha ayaa ka tacsiyadeysay dadkii lagu dilay degmada Boondheere, waxa ayna ku baaqday in ciddii falkaasi ka dambeysay oo isugu jirta saraakiil iyo askar sharciga la hor keeno. Ugu damebeyn madasha ayaa dowladda Farmaajo ugu baaqday inay ilaaliso mabaadii’da caalamiga ah ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka u yaalla. Dowladda Soomaaliya ayaa bandow dhowr jeer wax laga badalay ku soo rogtay caasimadda Muqdisho iyada oo haatan lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan dadka ayaana bandowgaan walaac ka muujinaya. Halkaan ka akriso warka ay soo saartay madasha Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha maaliyadda iyo maamulka Ibraahim Mahad Alle iyo guddoomiye ku xigeenkii gobalka Banaadir ee howlaha guud Fiidoow, isaga oo magacaabay masuuliyiin cusub. Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada guddoomiye Ku Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla, Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa 26ka Abriil, 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laamaha Amniga Puntland ayaa nawaaxiga degaanka Buraan ee Gobolka Haylaan ku qabtay laba kamid ah dableey hubaysan oo shalay dil ka gaystay jidka u dhexeeya tuulooyinka Cawsane iyo Midigale ee Gobolka Sanaag. Kooxda ayaa shalay subax dil u gaystay nin dareewal ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab Cawil kaasi oo watay gaari Land Cruiser islamarkaana ka yimid dhanka Ceeldaahir sidoo kale waxay wateen gaarigii marxuumka. Dableeyda ayaa gaarigaas ula baxsaday degaanka Buraan ee Gobolka Haylaan halkaas oo laga soo qabtay laba kamid ah kooxda oo ka koobnaa shan ruux inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin saddexdii kale. Labada nin ayaa lagu soo qabtay gaarigii marxuumka iyo laba qoryaha fudud ah waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga si loo hor-geeyo sharciga. PUNTLAND POST The post Dableey hubaysan oo dil iyo dhac ka gaystay Gobolka Sanaag oo la soo qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii madaafiicda ee ay shalay ku qaaday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay guullo uga sheegateen weerarkaasi, iyaga oo shaaciyey inay ku dileen illaa afar Ajaaniib ah oo ku sugnaa xeradaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warkaan ku sheegatay inay weerarkaasi hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacday illaa saddex kale, sida ay hadalka u dhigtay. “Duqeyntii ay dagaayahanada Al-Shabaab shalay ku qaadeen Xalane waxaa ku dhintay 4 ajnabi ahaa, seddax kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray.” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee degan xarunta Xalane oo ku aadan weerarkaasi. Xalane oo ay sidoo kale dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar kale oo madaafiic ah, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Si kastaba ha’ahaateen weerarkii shalay ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray qoysas daganaa xaafadda lagu magacaabo Tarabuushka oo ka tirsan degmada Wadajir, kadib markii ay ku dhaceen qaar mid ka mid ah hoobiyeyaashii la tuuray.
-
Kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in afar sarkaal oo Ajnabiya ay ku dhinteen duqeymo Al-shabaab la beegsatay xarunta XALANE oo uu ku yaallo Taliska ugu weyn ee AMISIM islamarkaana ay deggan yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka. Al-shabaab waxay sheegtay in madaafiic xiriir ah oo ay shalay ku garaacday xarunta XALANE ay ku dhinteen afar sarkaal oo Ajnabiya kuwaas oo ku sugnaa gudaha xarunta sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeyntii lala beegsaday XALANE ay haleeshay bartil-maameedkii laga doonayay kadib markii ay gudah Xarunta ku dishay xubno ka tirsan Shisheeyaha ku sugan XALANE. Balse Al-shabaab faahfaahin kama bixin hay’adaha ay ka tirsanaayeen dadka ku dhintay madaafiicda ku dhacday xarunta XALANE iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan midkoodna. Dhinaca kale Taliska AMISOM weli war kama soo saarin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta in duqeyntii shalay lagu dilay saraakiil Ajnabiya oo ku sugan xaruntooda. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegatay in ay saraakiil Ajnabiya ku dileen gudaha xarunta XALANE appeared first on Puntland Post.
-
Click here to read Qaran News
-
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu xalay Afgooye ku dilay laba qof oo shacab ah. Askariga ayaa la sheegay in uu si bareer ah rasaas ula dhacay labada qof ee rayidka ah kadib markii muran soo kala dhexgalay halkaasna ay ku geeriyoodeen labadii marxuum. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in askarigii dilka gaystay uu goobta isaga baxsaday islamarkaana maydadka labada qof ee shacabka ah daqiiqado kadib goobta laga soo qaaday. Dilka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka uu magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo shacab ah kuwaas oo nin iyo haweeney ahaa inkastoo la soo qabtay askarigii dilkaas fuliyay. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan dowladda Federaalka oo dad Rayid ah ku laayay Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Laascaanood)-Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta gobolka Sool ayaa dhaawac xabad ah loogu geystey magaalada Laascaanood xarunta gondola Sool xalay maqribkii. Suxufigan ayaa laba xabadood ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Gargaar isagoo ay xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad noo sheegeen. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey. Source
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaan dal-dali doonin dadka gala dambiyada xilliga ay daad’dooda yartahay, waxaa sidaasi shaaciyay guddigaa xuquuqda aadanaha dalkaaasi. Ku dhawaaqidda arrintan ayaa timid ka dib digreeto uu soo saaray boqorka Sacuudiga boqor Salmaan, waxaayna ku soo beegmaysaa maalmo uun ka dib markii ay boqortooyada sheegtay inay mamnuucayso ciqaabta Karbaashka. Cahddiga Qaramada Midoobey ee xuquuqdad caruurta oo ay saxiixday Sacuudiga ayaa dhigaya in caruurta aan lagu ciqaabin dambiyada ay galaan marka ay yaryar yihiin. Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay sacuudiga ku tilmaameen dalka ugu xun dhanka dhowriidda xuquuqul insaanka. Waxay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in xorruyatul qowlka dalkaasi uu yahay mid hooseeya islamarakna dadka dowladda dhaliila lagula kaco xarig aan loo meel dayin. Dad ay tiradooda gaarayso 184 qof ayaa boqoortooyada Sacuudiga lagu dal-dalay 2019, sida ay sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Ugu yaraan hal qof ayaa ka mid ahaa dadkaasi oo loo dadalay daambi uu sameeyay markii uu yaraa, sida ay sheegtaay Amnesty. Bayaan uu Axaddii daabacay gudoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Sacuudiga, Awwad Alawwad, ayaa lagu sheegay in dambiyada ay galaan caruurta marka ay da’dooda yartahay badalkii la daldali lahaa lagu badalay 10 sano oo xarig ah oo lagu haynayo xabsiyada caaruurta. “Digreetadan waxay naga caawinaaysaa in aan helno xeer ciqaabeed casri ah,” ayuu yiri Mr Alawwad. Ma cadda waqtiga go’aankan oo aan laga baahin warbahinta dowladda uu dhaqangali doono. Tan iyo waxii ka dambeeyay dilkii saxafigii Jamal Khashoggi 2018, waxaa isha lagu hayaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga. Horraantii toddobaadkan mid ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeeya xuquuqda aadanaha Sacuudiga ayaa ku dhex dhintay xabsiga ka dib markii la shegay in caafimaadkiisa la dayacay. Source
-
Degmada Dayniile ayaa xalay guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe oo ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo u dambeeyey Group-ka B is aragiisa koowaad ayaa muujiyey dadaal fara badan hayeeshee waxa ay guusha raacday tartamayaasha Dayniile oo la yimid dhibco gaaray 10, halka Balcad ay keensatay 8 buundo. Dayniile ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee guul gaarta, tan iyo markii la bilaabay tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Barnaamijka oo caawa galaya habeenkiisa 5-aad ayaa waxaa ku madalsan degmooyinka Warta Nabadda iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labadaan degmo ayaa ku wada jira Group-ka C, is aragiisa koowaad oo caawa lagu daah-furi doono Warta Nabadda iyo Marka. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Popular Contributors
