-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhowaan heshiiska la gaaray maamulka Jubbaland ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada kismaayo. Axmed Madoobe oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay. Qoraal shalay ka soo baxay xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay heshiiska magaalada Nairobi ay ku galeen madaxda Jubbaland iyo xubnihii mucaaradsanaa maamulka Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya oo iyadu horey u qaadacday doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe ayaan wali wax war ah ka soo saarin heeshiiskaan ay wada gaareen siyaasiyiinta Jubbaland Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ayaa xalay duqeymo ka fuliyay degmooyinka Bu’aale iyo Salagle ee gobalka Jubada Dhexe, sida ay noo sheegeen saraakiisha Soomaaliya ee Jubbooyinka. Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha. Wararka aan ka helnay saraakiil ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegaya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan xarun lagu diyaariyay dagaalamayaal weerar ka geesta gobalada dalka iyo Muqdisho 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dagaalamayaasha qaar ee duqeynta ku dhintay loo diyaariyay in todobaadkaan ay weeraraan degmada Baardheere ee gobalka Gedo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gedo. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada howlgalka fuliyay hase yeeshee saraakiil xog ogaal ah ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus ka soo gaaray duqeyntii xalay. Sidoo kale Al-Shabaab wali kama aysan hadlin duqeyntii lala beegsaday xarumahooda Jubbooyinka, gaar ahaan Bu’aale iyo Salagle, inkasta oo aysan inta badan ka hadal weerarada ka dhanka ah. Duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa heer aan horey loo arag la gaarsiiyey afarta bil ee ugu horreysay sanadkan ayada oo xubno badan looga dilay kooxdan, waxaana weerarada badankood fuliye ciidanka Mareykanka.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho, ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble. Madaxweyne Deni, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Xarunta. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu min hal derejo dallacsiiyay, dhammaan ciidankii u gurmaday samata-bixinta shacabka Qardho, kadib daadadkii ku soo rogmaday magaalada. Madaxweyne Deni, ayaa ciidanka ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen badbaadinta Shacabka, kadib markii habeen hore daadad Fatahaad ah ku soo rogmadeen Qardho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dallacsiiyay dhammaan ciidankii u gurmaday Shacabka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
At least ten people died on Tuesday after floods hit Qardho town in Somalia’s northern region of Bari, an official confirmed. Said Osman, governor of Qardho town told reporters that torrential rains which lasted for 24 hours caused casualties and damages to the population. “At least 10 people have died after floods wreaked havoc in the town and more than 20 others injured and are now getting treatment in a city hospital,” Osman said, adding that the death toll may rise as they are still exploring the extent of the damage. Residents said there were heavy rains in the town. “Last night it was terrible, many houses have been destroyed by floods and parked cars have been washed away,” said Hinda Abshir, a resident. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee dalka UK ugu geeriyooday xanuunka Covid_19, ayaa gaadhaysa 40 ruux. Sidaana waxa ku dhawaaqay Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Diiriye, oo sheegay inuu hayo liiska Dad gaadhaya 40 Qof oo reer Somaliland oo Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday dalka boqortooyada Ingiriiska. Cabdi Cabdillaahi Diiriye, Safiirka Somaliland u jooga dalka Ingiriisku wuxuu sheegay in Dadka dhintay isugu jiraan Dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku filiqsanaa Gobollada dalka UK. “Dadka uu (Covid_19 ku dilay Ingiriiska) Soomaali baa ku jirta, gaar ahaan Somaliland illaa hadda Dadka liiskoodu na soo gaadhay illaa 40 ayay gaadhaysaa, illaa 40 Qof oo dhallinyaro ku jirto, waayeel ku jiro ayaa illaa hadda liiskoodu na soo gaadhay oo la soo ururriyey.” Ayuu yidhi, Wakiilka Somaliland u jooga UK oo u warramay Telefiishanka Qaranka oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay ha innaga dul-qaadee meel aad iyo aad u halis ah ayuu marayaa.” Safiirka oo la waydiiyey inuu xidhiidh la sameeyay ehellada Dadka u geeriyooday Covid_19, maaddaama oo aan laga qayb-galayn Aaska Dadka u dhinta Xanuunkaasi, ayaa ku jawaabay “Waanu la hadalnay intii aanu la hadli karaynay, Waayo? London oo qudha maaha, waa Sheffield, Liverpool, Bristol, Birmingham, Coventry intaasi oo dhan ayay ka kooban yihiin, markaa intii aanu la hadli karaynay ee aanu Telefoonadoodii helnay waanu u Tacsiyadaynay..”ayuu yidhi. Source
-
Qardho: Waddooyinkii Fatahaadda ku xirmay oo dib loo furayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddiga gurmadka magaalada Qardho, ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen daadadku, si dib loogu furo isu-socodka dadka iyo gaadiidka. Guddiga oo isticmaalaya gaadiidka CAGAF-ta la yiraahdo, ayaa saaka banneeyay goobo kala duwan oo ku xirmay Fatahaaddii habeen hore ka dhacday degmada Qardho, si loo soo celiyo isu-socodka magaalada. Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf. Daadadkii ku fatahay Qardho, ayaa xiray waddooyin iyo gooba kale oo muhiim u ahaa magaalada, waxayna xannibeen isu-socodka qaar kamid ah xaafadaha Qardho. PUNTLAND POST The post Qardho: Waddooyinkii Fatahaadda ku xirmay oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post. -
Magaalada Qardho oo Habeyn hore uu Daad kusoo rogmaday ayaa wali la tacaalaysa biyaha faraha Badan ee Magaalada inteedabadan qaaday. Gurmad ka yimid Bosaso iyo [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golihii Isbedal-Doonka maamulkaas oo uu ugu horreeyo Cabdirashiid Xidig. Sidoo kale waxaa Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan. Axmed Madoobe ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo uu heshiis kula soo saxiixay xubnihii ugu saameynta badnaa ee mucaaradkiisa. Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha Jubbaland la hadli doono warbaahinta, isagoona ka warbixin doono safarkii uu ku tegay dalka Kenya. Heshiiska ay wada gaareen dhinacyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey xubnaha beesha caalamka, walow uu weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka dhashay doorahadii ka dhacday Kismaayo.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Madaxweyne Deni, ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar, sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay, Fatahaadda, si deg deg wax looga qabto. Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy midna, waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddiga gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), isagoo ka duulaya saameynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Qardho ayaa wuxuu magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ee degmadaasi. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre Siyaasi Cali Abdi Awaare Guddomiyaha Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Guddomiyaha Degmada Qardho Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre Siyaasi Cali Abdi Awaare Guddomiyaha Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Qardho ayaa sheegaya in saaka dib loo helay dadkii lagu waayey daadadkii habeen hore ku dhuftay magaaladaas, kadib baadi-goob ay si wadajir ah u sameeyeen Puntland iyo shacabkeeda. In ka badan 10 ruux oo ay go’doomiyeen daadadkaasi ayaa la soo bad-baadiyey, kuwaas oo dib ula midoobay qoysaskooda. Xaaladda Qardho ayaa weli ah mid adag, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo qoysaskii ku guryo beelay daadadkii ku rogmaday halkaasi. Fatahaadaha iyo daadka is-watay ayaa waxaa ku naf waayey illaa 6 ruux oo isugu jira saddex caruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood ay haweeney aheyd. Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeeya u gurmashada dadkaasi. Guddigan oo ka kooban llaa 24 xubnood ayaa waxaa laga soo dhex xulay golaha wasiirada maamulkaasi. Halkaan hoose ka aqriso liiska: 1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) 2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga 4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska 5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda 6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha 7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka 8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta 10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska 11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA 12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha 13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi 15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye 16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre 17. Siyaasi Cali Abdi Awaare 18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar 19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar 20. Guddomiyaha Degmada Qardho 21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda 22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda. 23. Axmed Cabdi Hurre 24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in markale xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya laga dareemayo deegaanada dhaca xadka labada dal. Xiisadaan dib u soo cusboonaatay ayaa timid, kadib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ee ku sugan duleedka degmada Beled-xaawo ay Bam-Gacmeed ku tureen dhanka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in falkaasi kadib ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen xadka labada dal, iyadoona saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi ay sheegeen inay ka hortagi doonaan, haddii weerar lagu soo qaado, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan duleedka Beled-Xaawo oo ku aadan eedeyntaasi. Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen Beled-Xaawo ayaa xaaladda xadka waxa ay aheyd mid ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo xoogan, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamadiisa ay galeen Mandera. Kenya oo xiriir dhow la leh Jubbaland ayaa waxaa lagu eedeeyey inay gabaad siisay wasiir amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo baxsad ka ah dowladda federaalka, sidoo kalena ay ka qeyb-qaadatay dagaalkii labada dhinac ku dhex-maray halkaasi.
-
The 35th fleet of the Chinese People's Liberation Army (PLA) Navy on Tuesday left the port city of Zhoushan in east China's Zhejiang Province for the Gulf of Aden and waters off Somalia to escort civilian ships. Source: Hiiraan Online
-
Gurmadkii ka baxay Garoowe Gurmadii ugu horreeyay oo ka yimid magaalada Boosaaso, ayaa saaka soo gaaray degmada Qardho, halkaas oo uu ka socdo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay Fatahaaddii Roobka Gu’ga. Laba kamid ah gaadiidka Xamuulka ah, oo sida kaalmo ka kooban Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo agabka aas’aasiyaadka nolosha, oo laga soo uruuriyay dadweynaha Boosaaso, ayaa saaka soo gaaray degmada Qardho sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinka. Gurmadkaas ka yimid magaalada Boosaaso, ayaa noqday kii u horreeyay ee soo gaaray Qardho tan iyo markii habeen hore fatahaadda daadadku ay khasaaraha ba’an ka gaysteen magaalada. Sidoo kale, gurmad laga soo uruuriyay dadweynaha caasimadda Garoowe oo saaran laba gaari oo nooca Xamuulka ah, ayaa saaka ku wajahan Qardho, waxaana la filayaa in ay uu saacadaha soo socda gaaro halkaas. PUNTLAND POST The post Dadweynaha Garoowe iyo Boosaaso oo gurmad u diray Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
