-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Reer Gaalkacyo ayaa Caawa waxay lacago Gargaarka ku dirayaan Barnaamij cusub oo Qardho Lacag loogu ururinayo, Barnaamijkaasoo Idaacadaha Gaalkacyo si toosa ay Dadku Lacagaha ugu [...] Source
-
Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 oo maanta Puntland laga helay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa caawa shaacisay in maanta oo keliya 12 bukaan, oo horleh laga helay xanuunka COVID-19 Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan, ayaa sheegay in maanta xanuunka laga baaray 20 ruux, islamarkaana laga helay 12 kamid ah, halka 8 kale laga waayay. Bukaannada maanta la baaray, ayaa isugu jiray 16 rag ah iyo 4 dumar ah, waxaana xanuunka laga helay 9 nin iyo 3 haween ah. Dadka cudurka laga helay ayaa da’doodu u dhexaysaa 15-sano jir ilaa 65-sano jir. Wasiir Jaamac, ayaa tilmaamay in tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ay gaartay 23 ruux, kuwaas oo uu ku jiro bukaan u geeriyooday xanuunka balse aysan jirin cid weli ka bogsatay. PUNTLAND POST The post Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 oo maanta Puntland laga helay appeared first on Puntland Post. -
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhowaan la filayaa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ay usoo dirto wefdi culus oo qeyb ka noqonaya mucaawino dhowaan ay dowladdaasi kasoo dejinayso madaarka Hargeysa. Sida ay tibaaxayaan xogo aanu ka helayno safarka wefdigaasi, ayaa kusoo aadi doono dhamaadka ama bilowga todobaadka cusub, iyaga oo la socda diyaarad mucaaawino caafimaad ah, oo wax weyn ka caawin doonto xukuumada Somaliland dhanka la dagaalanka cudurka Coronavirus/Covid-19. Wefdigaasi ayaa la filayaa in deeqdaasi ay ku wareejiyaan guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga ee Somaliland, oo Madaxweyne Muuse Biixi u igmaday inay hormuud u noqdaan dagaalka ka dhan ah Coronavirus. Mana cadda ilaa hadda in deeqdaasi ay ku imaneyso codsi ay Somaliland u gudbisay dowladda Qatar, iyo in si iskeed ah ay Qatar usoo gaarsiineyso mucaawinadaasi, xili ay dhowaan dowlada Imaaraadka Carabtu ay deeq caafimaad ka dejisay magaalada Hargeysa. Dowladda Qatar ayaa inta badan lagu tiriyaa inay xiriir dhow oo saaxiibtinimo ay la leedahay dowlada federaalka, iyada oo deeqdan la filayo ay dadka qaarkood u arkaan in Qatar ay daneynayso inay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub la sameysato Somaliland, walow uusan si rasmi ah u cadeyn arrinkaasi. Waxayna deeqdaasi ay noqon doonta midii u horeysay ee nooceeda ah oo dowladda Qatar ay si toos ah ugu deeqdo xukuumada Somaliland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socota dooddii ka dhalatay gargaar saddex diyaaradood saarnaa oo shalay la geeyey Garoowe, si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Qardho. Gargaarkaas ayaa waxaa markii hore sheegtay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, oo sheegay inuu yahay gargaar ay dowladda soo dirtay, hase yeeshee waxaa beeniyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sheegay in gargaraka uu ka yimid UNHCR. Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Johann Siffointe ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka u muuqday inuu xaqiijinayo warka Puntland, isaga oo si dadbanna u duray dowladda federaalka. Johann Siffointe ayaa sheegay in gargaarka uu ka yimid UNHCR, balse dowladda federaalka ay lahayd abaabulka iyo inay gaarsiiso magaalada Garoowe. “UNHCR waxay ku faraxsan tahay dadaallada dowladda federaalka iyo Puntland ee looga jawaabayo xaaladda deg degga ah ee daadadka Qardho. 920 agab gargaar oo horey oo ay qoondeysay UNHCR, ayaa waxaa mas’uuliyaddooda iyo abaabulkooda qaatay dowladda federaalka oo diyaarado ku gaysy Garoowe,” ayuu yiri Siffointe isaga oo adkayanaya in agabkan ay bixisay UNHCR. Waxa uu intaas ku daray in UNHCR ay sii wadi doonto inay ka qeyb qaadato jawaabaha laga bixinayo daadadka, ayada oo loo marayo hoggaanka dowladda federaalka iyo wada shaqeynta maamulka Puntland. Madaxda dowladda federaalka, oo lagu eedeeyo inay aad u faan jecel yihiin, ayaa marar badan beenin kala kulamay gargaar ay bixiyeen hay’ado shisheeye oo ay sheegteen ayag oo aan xusin cidda bixisay gargaarka balse ka dhigay mid ay dowladda ugu deeqday shacabka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale u sheegtay in dowladdiisa ay abuurtay barnaamij la dhaho Baxnaano oo lacag lagu siinayo qoysas dhibaateysan, isaga oo aan xusin Bankiga Adduunka oo maal-geliyey barnaamijkaas, taasi oo keentay in Bankiga Adudunka ay ka daba hadlaan, sheegaanna inay ayaga bixiyeen barnaamijka balse loo dhiibay dowladda si ay u fuliso.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-020520.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa laga yaabaa inay xirto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas. Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay macquul tahay in Dowladda Kenya ay xirto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya maadaama uu sheegay inuu aad u faafay cudurka Coronovirus. Wasiirka ayaa tilmaamay in xuduuda laga xiri doono dhanka Wajeer, halkaas oo uu sheegay in laga diiwaan geliyey illaa 500 qof oo qabo cudurka COVID19. ” Xadka laga soo gudbo Wajeer iyo Soomaaliya oo laga helay in ka badan 500 kiis oo cudurka Coronavirus ayaa waxay u badan tahay in la xiri doono si loo yareeyo faafitaanka cudurka” ayuu yiri Kutahu Kagwa. Wasiirka Caafimaadka si rasmi ah uma sheegin waqtiga la xiri doono xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka Wajeer, waxaana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho. Dhawaan ayey aheyd markii dhawr qof lagu karantiilay Wajeer kuwaas oo ka imaaday gudaha Soomaaliya, waxaana maalmo kadib la xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyey ee Coronovirus in laga helay Wajeer.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa dhaliilay xil ka qaadis ay xukuumadda federaalka ku sameysay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo. Darwiish oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah in ay jahwareer ka abuureyso gobolka. Xukuumadda dhexe ayuu ku booriyey in ay ka fiirsato talaabooyinkaas oo uu ka dhawaajiyey in ay yihiin sharci darro, sidda uu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata, Darwiish ayaa daboolka ka qaadey maamulka Jubaland uu aqoonsan yahay gudoomiyeyaashii hore. Shalay ayay ahayd markii gudoomiyaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u magacowday gobolka Gedo uu xilalkii ka xayuubiyey gudoomiyeyaasha degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka roobka Gu’ga ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay. Wasaarada ayaa warbixinteeda ku sheegtay meelaha ugu khatarsan ee waxyeelada badan kasoo gaari karto fatahaadaha ay sababaan roobabka Gu’ga ee bishan May, kuwaasi oo qaarkood ay hadda saameyn weyn ku yeesheen degmooyin ka tirsan dalka. “Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeelan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada. Waxaana la saadalinayaa in waqtiga lagu gudo jiro bisha May ee sanadkan ay fatahaado hor leh dhici doonaan, kuwaasi oo saameyn baaxad leh ku yeelan doona degmooyin dhowr ah oo uu maro webigu, sida Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo kuwo kale. Sida warbixinta lagu sheegay waxa sidoo kale khatartaasi wajahi doona, gobolo kamid ah dalka, sida Sanaag, Bari, Nugaal, Sool, Awdal iyo kuwa kale, oo looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dheeriya mudada lagu jiro bishan bilowga ah. Warbixinta wasaarada ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay inay adkaan doonto in si deg-deg ah loogu gurmado dadka ay waxyeeladu kasoo gaadho fatahaada iyo daadadka roobabkaasi, maadama uu dalka faro ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.
-
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona. Gabagabadii, Fowziya ayaa ugu baaqday dadweynaha in ay hogaan-samaan talooyinka caafimaad. Waxay sheegtay in xukuumadda ay ku dedaaleyso siddii ay u yareyn lahayd khasaaraha guud ahaan waddankeena. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-02052020.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay tallaaboyinka cusub ee dowladda federaalka ay ka qaaday gobolka Gedo, oo xiisad cusub abuuray. Xiisadda cusub ee gobolka ayaa salka ku haysa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka oo uu xilka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga ee Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, oo ku xiran dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gobolka Gedo ka abuureyso jahwareer siyaasadeed oo aad u xun, sida uu hadalka u dhigay. Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ay gadaalay ka riixeyso dowladda federaalka inay yihiin kuwo sharciga baalmarsan, waxuuna sharci darro ku tilmaamay in xil ka qaadis lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo. Darwiish ayaa sheegay in Jubbaland ay aqoonsantahay guddoomiyeyaashii ay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland u magcowday degmooyinka gobolka Gedo, isaga oo mid aan sharci aheyn ku tilmaamay maamuladii ay dowladda federaalku dhawaan u magacawday degmooyinka gobolkaas. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish ayaa dowladda federaalka uga baaqay inay ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, si gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha heer federaalka ayuu ka dalbaday inay arrimaha gobolkaas wax ka bedesho.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag yihiin, halka 22-na haween yihiin. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka sedaxdna ay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda Soomaaliya oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Kiisaska Karoona oo aad u kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay yihin rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19, halka Sedax bukaan oo cusub ay cudurka ugu geeriyoodeen gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay yihiin, halka 22-na ay yihiin haween. Saddex qof oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka, sida ay sheegtay wasaaradda. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 qof. 31 qof oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.
-
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 70 kiis cusub oo ah Coronavirus. Saddex kamid ah kiisaskaas ayaa laga helay degaanadda Somaliland, sidda ay warbaahinta u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas. Fowziya ayaa tilmaamtay saddex kale ay gudaha waddanka ugu dhinteen Covid-19. Muqdisho, Puntland iyo Somaliland ayay xusteen in ay ku geeriyoodeen. Sidda laga soo xigtay wasiiradda, waxaa sidoo kale ka caafimaadey caabuqa saddex bukaan kale, kuwaas oo caasimadda ku sugan. Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska ay gaareen 671; dhimashadda ay dul-tagtay 31, dadka ka bogsadeyna ay sii mareyso 34 ruux. View the full article
-
Nine members of the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) contingent in Somalia are under isolation after coming into contact with a confirmed case who is in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
TACSI MADAXWEYNE- 02/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH TACSI MADAXWEYNE: 01/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Faarax Dhoore oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2020, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka, kana mid ahaa muwaadiniintii ka soo qayb-qaatay horumarka dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka oo uu ugu danbeeyey wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay gargaarkii uu soo diray Soomaaliya ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu madaxweyne Erdogan ku yiri ““Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliyeed. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.” #MilliTeknolojiHamlesi ile geliştirdiğimiz solunum cihazları Somalili kardeşlerimize nefes olacak. Medeniyet imkân değil, vicdan meselesidir. Milletimizin imkânları da vicdanı da mazlum ve muhtaçların yanındadır. Aziz Milletim, senin kalbinde merhamet adlı bir çınar vardır! pic.twitter.com/z5aqyPqZe9 — Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) May 2, 2020 Dowladda Turkiga ayaa qalabkan usoo dirtay Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar Jimcihii kasoo baxay madaxweyne Erdoğan, sida uu sheegay afhayeenka madaxweynaha Ibrahim Kalin. Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan. Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay.
-
MOGADISHU ( HOL) - Three officials from the EU Mission in Somalia have contracted COVID-19, the Mission has said noting those who came into contact with the three have been put under quarantine. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta ku sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan. Warbixin ka kooban ilaa shan bayj ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba. Waxaa sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan. Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen Xilligii Deyr-ta ee dhammaadkii sanadkii hore 2019, waxaa Dalka ka dhacay mid ka mid ah fatahaadihi ugu ba’naa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Sidoo kale Gugi sanadkii ka horreeyay ee 2018 waxa dhacday fatahaad maasheysay hanti iyo kaabaashi dhaqaale iyagoo barakiciyay kumannaan dad ah. Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka. Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale. Marka loo barbar dhigo dhulalka wabi mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga Gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka. Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale. Iyadoo ay bulshooyinkeennu haatan la daalaa dhacayaan saameeynta dhaqaale iyo mida caafimaad ee uu keenay caabuqa safmarka ah ee COVID19, waxaa murugo iyo tiiraanyaba leh sida ay u muuqato in fatahaaduhu ay sii murjinayaan xaalad horeba dadku ay ula daalaa dhacayeen dhaqaale xumi baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo ka jirta wadanka dacaladiisa. Warbixintan oo ay diyaariyeen qubarada ka howl-gasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxaa ku jirta talooyin muhiim ah oo haddii ay bulshooyinka qaataan yareyn karta halista ay wajahayaan “Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta. In bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto. Iyo in xilligan xasaasiga ah dartiis la mideeyo ka jawaab bixinta caabuqa COVID19 iyo ka jawaab celinta Fatahaadaha iyo Daadaka roobka si loo baajiyo dayac ku imankara qeyb bulshadeena ka mid ah. View the full article
-
Popular Contributors
