Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allow Public Debate on Security, Covid-19 Responses Source: Hiiraan Online
  2. Ciidamo ka soo jeeda Galmudug ayaa xalay weerar ku soo qaaday degaanka Teerage ee galbeedka magaalada Gaalkacyo waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac inkastoo markii dambe ay dib uga laabteen. Ciidamada ka yimid Galmudug ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku yaalla degaankaas waxaana goobta ka dhacay dagaal culus oo mudda saacad ah socday. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalka ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland saddex kalena waa ku dhaawacmeen balse lama oga khasaaraha gaaray ciidamadii weerarka soo qaaday. Wararku waxay sheegayaan in haatan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland uu ka socdo gurmad xooggan iyo hub-urursi taasi oo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro labada dhinac. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo saaka ka aloosan magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  3. Saudi Arabia will need to take “painful” measures and look for deep spending cuts as the kingdom faces a double crisis caused by the coronavirus pandemic and the meltdown in global oil markets, its finance minister said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  4. Ciyaarahan Mascuud Ozil oo Soomaaliya ugu deeqay Raashin Af-fur ah Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda. Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya. Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan. Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan. Si kastaba, Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo. Qaran News
  5. The South African Government has officially moved to shut down South African Airways and form a new national airline. Source: Hiiraan Online
  6. ISTANBUL (AP) — The Turkish Trade Ministry lifted temporary export restrictions and a requirement for private companies to obtain advance permission before shipping abroad medical equipment used in treating COVID-19. Source: Hiiraan Online
  7. U.S. Rep. Ilhan Omar launched her political career with an underdog win over a well-known fellow Democrat. Now she’s facing a challenger trying to pull off the same kind of upset. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia receives a boost in fight against COVID-19 in the form of home-made mechanised respirators, created by 21-year-old Mogadishu-based mechanical engineer Source: Hiiraan Online
  9. Ethiopian Public Health Institute called up on the pubic not to be lured by the numbers and continue to practice prevention measures including social distancing. No Coronavirus cases reported on May 2. Source: Hiiraan Online
  10. AHU, waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, ganacsatada iyo shacabka JSL geerida ku timid Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi [Bidhaan] oo Hargeysa xaqii ugu yimid, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu ku maamuuso Jannooyinkiisa sarsare. Aamiin Aamiin pic.twitter.com/HtqSteAl4P — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) May 2, 2020 Qaran News
  11. Booliska dalka Norway ayaa dacwad kusoo oogay haweeney soomaaliyaa taas oo haweeney kale oo iyana soomaali ah ay is af-dhaafeen qaniinyo uga goysay mid ka mid ah faraheeda. Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha masjidka soomaalida ee Tawfiiq Islamsk Senter ee magaalada Oslo sagaalkii bisha Febraayo ee sannadkan, waxaana haweeneyda dacwadda lagu soo oogay ay jirtaa da`da kontameeyada. Kaddib dhacdadan ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana iminka ay wajahi doontaa maxkamad taas oo go`aan ka gaadhi doonta kiiskeeda. Haweeneyda farta laga gooyay oo iyana jirta da`da 30-meeyada ayaa waxaa xilligaas laga dabaqaaday farteeda oo looga dabageeyay dhakhtarka si dib loogu rakibo. Wali ma cadda waxa ay isku qabsadeen labadan dumar ah, balse xilliga ay dhacdadu dhaxeysay ayaa waxaa ka taagnaa masjidka Tawfiiq is-qab-qabsi dhanka maamulka ah. Qaran News
  12. London (Caasimada Online) – Xiddiga kooxda Kubadda Cagta Arsenal iyo dalka Jarmalka Mesut Ozil ayaa gargaar loogu talo-galay bisha Ramadan ka qeybinaya goobo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ozil ayaa lacag 101,000 oo dollar ah ugu deeqay hay’adda Bisha Cas, si ay gargaar ugu qeybiso muslimiinta dhowr dal, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan. Lacagtan ayaa waxaa loo adeegsan doonaa in afur lagu siiyo 16,000 oo qof oo ku nool dalka Turkiga, inta lagu guda jiro bisha Ramadan, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Turkey. Sidoo kale qoysas ku kala nool Turkiga iyo Syria ayaa 2,000 oo xirmo oo gargaar ah ka heli doona deeqda Ozil, halka 90,000 oo xirmo oo afur ah laga qeybin doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kerem Kinik, oo ah oo ah madaxa hay’adda Bisha Cas ee Turkey, ayaa xiddigan fadhigiisu yahay magaalada Lodnon uga mahd-celiyey deeqdiisa. “Waxaan qeybin doonaa xermooyinka gargaar ee uu ku deeqay walaalkey Mesut, waxaana u gaarsiin doona dadka loogu talo-galay sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Kerem. Ozil, ayaa ku dhashay kuna koray dalka Jarmalka, hase yeeshee qoyskiisa ayaa asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.
  13. #MilliTeknolojiHamlesi ile geliştirdiğimiz solunum cihazları Somalili kardeşlerimize nefes olacak. Medeniyet imkân değil, vicdan meselesidir. Milletimizin imkânları da vicdanı da mazlum ve muhtaçların yanındadır. Aziz Milletim, senin kalbinde merhamet adlı bir çınar vardır! pic.twitter.com/z5aqyPqZe9 — Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) May 2, 2020 Qoraalkan oo M/weyne Erdogan soo bandhigay Bartiisa Twitterka ayaa u dhigan Sidan:- “Mashiinada neefta bixiya (oxgyen ventilators) ee lagu sameeyey gudaha dalka Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheena Soomaaliya oo ay hayso baahi weyn oo xagga mishiinada lagu neefsado ah. Dareenkeena wuxuu mar walba la jiraa kuwa la cabudhiyo & Dalalka baahida qaba.” Turkey supports Somalia in the fight against Covid-19. Upon the instruction of the President of the Republic of Turkey, H.E. Recep Tayyip Erdoğan, a military cargo plane brought medical assistance to Somalia today. pic.twitter.com/yAhMSmMMzN — Turkey in Somalia (@TC_Mogadishu) May 2, 2020 Qaran News
  14. Turkiga oo si weyn ugu bah-dilay Imaaraadka Carabta dagaalka ka socda Libiya Dagaal dhanka afka ah ayaa Khamiistii ka dhex billowday Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii Abu Dhabi ay sheegtay in Ankara ay dhibaato ka waddo dalal Carbeed oo ay ku jirta Libya, halka Ankara ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto kooxo argagixiso oo ay ka mid tahay Al-Shabaab. Dagaalka dhanka afka ah ee labada dal ayaa yimid xilli Imaaraadka Carabta iyo Jeneraalka ay taageeraan ee fallaagada ah ee Khalifa Xaftar guul-darrooyin culus ay ku wajahayaan dagaalka Libya. Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Xaftar ee la baxay LNA. Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Xaftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli. Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Guulaha is-daba joogga ah ee ciidamada dowladda ay ka gaareen fallaagada Xaftar ayaa mowjado argagax leh u diray Abu Dhabi, oo diyaarado Drone ah laga soo iibiyey Shiinaha iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ku taageeray Xaftar, si loo rido dowladda. Xaftar ayaa dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha Libya, kadibna ku dhowaaqay xabad-joojin Ramadanka soconeysa, taasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku qeexeen isku day uu doonayo inuu dib isugu soo abaabulo. Bayaanka Khamiistii kasoo baxay Imaaraadka ayaa lagu macneeyey mid ka tarjumaya carrada Imaaraadka Carabta ay ka qaadeen xaaladda Libya, oo ay u babac dhigi waayeen awoodda Militari ee Turkiga ku taageeray dowladda, ayada oo ballaayin dollar oo ay ku bixiyeen Xaftar kadib ku guuleysan waayeen inay dowladda ridaan. Xiisadda Turkey iyo Abu Dhabi ayaa aad u sarreysay tan iyo afgambigii 2016-ka fashilmay ee Turkey. Inkasta oo labada dowladooda ay kala taageereen dhinacyo badan oo isku haya dalal badan oo Bariga Dhexe, oo ay ruxeen kacdoonadii Carabta, Ankara waxay hadda rumeysan tahay in Abu Dhabi ay isku dayeyso in afgambi kale ka fuliso Turkey. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray oo ku aadan munaasabadda maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka, waxa uu ku boorriyay ixtiraamka xorriyadda saxaafadda Soomaaliya. Hoos ka aqriso warsaxaadeedka oo dhameystiran Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah. “Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu raaciyay. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay ‘Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,’ iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta. Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah.
  16. Mogadishu (PP News DesK) — Ali Mohamed Gedi, a former Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia and the leader of Somali Patriotic Party, has clarified why his party is not a member of Forum for National Parties. In an interview with Puntland Post Monthly Mr Gedi said differences in principle and political programmes make the case for forming a pact with the Forum tenuous. Ali M. Gedi: In favour of one person, one vote Mr Gedi said Somali Patriotic Party is based on secularism and human rights. Former TFG President Sharif Sheikh Ahmed heads the The Forum for National Parties. President Hassan Sheikh Mohamud’s Peace and Development Party is a member of the Forum. “The Forum is an alliance of parties viewed by many potential voters as opportunists using religion to gain power again by hook and crook” says Saleh Aden, a political commentator. “Both President Sharif and President Hassan Sheikh Mohamud belong to Aala Sheikh and Damuljadiid groups respectively. Mr Gedi is right to differentiate Somali Patriotic Party ideologically. Secularism is not anti-religion in the Somali context. Those using religion to gain political power are putting people off politicians with overt or covert religious platforms.” One person, one vote elections are slated to take place in Somalia in 2021. Somali Patriotic Party was formed in 2016. It has branches in Federal Member States. © Puntland Post, 2020 The post A FORMER SOMALI PRIME MINISTER’S PAR CHARTS A SECULAR COURSE IN SOMALI POLITICS appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka ka imaanaya degaanka Teerage oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas ay dagaal culus ku soo qaadeen ciidamo ka soo jeeda dhinaca Galmudug. Ciidamadaas oo ka soo gudbay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa dagaal xooggan la galay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo degaanka difaaac kaga jiray Teerage waxaana halkaas ka dhashay khasaare aan weli si rasmiya loo xaqiijin. Wararka hordhac ah ayaa tibaaxaya in hal askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku dhintay dagaalka saddex kalena ay ku dhaawacmeen balse weli lama oga khasaaraha gaaray dhanka Galmudug Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga dhinaca Puntland oo warbaahinta Puntland Post xiriiro kala duwan la samaysay ayaan ilaa iyo haatan suura-gelin in ay ka jawaabaan Taleefannadooda. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaallamay duleedka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  18. English club Arsenal’s star Mesut Ozil has donated 713,000 Turkish liras ($101,000) to the Turkish Red Crescent for an aid campaign for the Muslim holy month of Ramadan. The money will be used to provide iftar – the evening meal to break the daily fast during the month – to 16,000 people in Turkey, according to the group. Families in Turkey and Syria will receive 2,000 food packages through Ozil’s donation, while 90,000 iftar packages will be distributed in Somalia’s capital Mogadishu. Kerem Kinik, head of the Turkish Red Crescent, thanked the London-based footballer for the donation. “We will deliver the packages provided with the donation of my brother Mesut to people in need as soon as possible,” he said. Copyright 2020 Anadolu Agency. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten, or redistributed.
  19. Uur sagaal toddobaad ah ayay lahayd kolkii uu jidh-dilku ku bilaambay. Shan bilood oo xidhiidh ah ayaa hooyo Nuura si bahalnimo ah loo jidh-dilayay, illaa iyo ay gaadhay heer ay miyir-beesho. Kaligeed ayaa lagu xidhay qol yar sagbad ka samaysan. Wehelka qudha ee ay haysataa wuxuu ahaa qaylada ka soo yeedhaysa dadka sida wuxuushnimada ah loogu jidh-dilayo qolalka kale ee ku hareeraysan. Cuntadeedu waxay ahayd in marmar loo keeno roodhi engagan oo la soo raaciyay biyo yar. Xiitaa waxa loo diiday inay suuliga isticmaasho, xaajadadeedana waxay ku gudan jirtay isla qolka yar ee ay ku xidhan tahay. Ciidanka xabsiga haysta ayaa isla qolka ay ku jirto kaadida la iman jiray iyaga oo hooyadan uurka leh korkeega ku kaadji jiray. Waxay madaxa u gelin jireen bac, ka dib waxay ku muquunin jireen biyo dhexdood illaa iyo ay ku sigato dhimasho. Isla markaas, waxa dhafoorka lagaga qaban jiray afka qoriga. In ninkeegu uu SNM ku biiray ayaa ahayd marmarsiiyaha qiilka looga dhigtay in sidaas bahalnimada ah loo jidh-dilo qof biri-ma-geydo ah oo cid in uun damiir lihi aanay xagtin u quudheen. Xiitaa hadday dhab ahayd eeddaasi, iyadu ma ninkii baa? Dambi ay qirayaan inuu qof kale galay sidee ayaa loo dul saari karayay iyada? Nuura Maxamed waa hooyo 36 jir ah (waraysiga Landhan ayaa lagaga qaaday 1990-kii). Waxay sheekadeeda u soo tebinaysaa si adkaysi iyo sharafi ka muuqato, marka qudha ee ay ilmadu indhaheega qoynaysaana waa kolka ay xasuusato afarteedii hablood ee ay kaga timid xeryihii qoxoontiga. Tacaddi badan ka dib Nuuri waa ay baxsatay, iyada iyo hablaheeguba waxa ay ka tallaabeen xadka Itoobiya. Jidhdilkii badnaa ee loo geystay wuxuu ku keenay dhiig-bax gudeed, sida oo kale waxa isugu darsamay xanuunka Duumada iyo rafaadkii ka soo gaadhay baxsadkii dheeraa ee ay soo gashay. Mararka qaar, dharaaro ayay u socon jireen si ay in uun biyo u helaan, kolka uu roob da’ana waxay kaga gabban jireen isla geedaha hoostooda. Qoyskaasi wuxuu ku bedbaaday kaymaha dhexdooda oo ay kaga dhuuman jireen askartii dawladda. Dabcan, dugaagga ayay ka dhawaysteen ciidankii Afweyne. Addis Ababa dhakhtarrada joogaa waxay u sheegeen in aanay waxba ka qaban karayn xaaladdeeda caafimaad, ka dib ayaa ururka “Medical Foundation for the Care of Victims of Torture” uu siiyay Fiise ay ku tagto Boqortooyada Biritan si loogu soo daweeyo, inkasta oo kolkii dambe ay magangelyo heshay. (Ururkaasi hadda wuxuu magiciisa u beddalay Freedom From Torture). Immika qudheeda, nabar buluug ah ayaa ka muuqda garabka bidix ee Nuura kaasi oo ah dhaawac ka soo gaadhay soodhka qoriga. Cagaheega – inkasta oo ay immika xidhan tahay kabo buudh ah oo huudhaydh ah, haddana waxa ka sii muuqda nabarradii ay ku dhigeen silsiladihii lugaha lagaga xidhi jiray intii ay xabsiga ku jirtay. Sida oo kale hooyadani kuma dhawaaqi karto xarfaha shaqallada ah ee Ingiriisiga, maadaama oo ay ka dhaawacan tahay lafaha daanka oo si joogto ah loogu garaaci jiray qori-dabadii, feedh iyo dhirbaaxaba. Hooyo Nuura Maxamed waxay sheegtay in daryeelka caafimaad ee loo fidiyay uu mar labaad dareensiiyay inay weli nooshahay oo aanay rejo-dhigin, waxaana loo ballanqaaday in ciyaalkeega loo keeni doono. Dabcan dadka sidaas ugu naxariisanayaa waxay u badnaayeen gaalo, halka kuwa sidaas u galay ay ahaayeen Soomaali. Waraysigan waxa lagaga qaaday dhisme Landhan ku yaalla oo lagu ururiyo dadka dhibbanayaasha u ah talisyada ugu bahalsan ee dunida ka jira (wakhtigaas ka jiray). Labada sawir ee sare: Midi waa joornaalkii lagu soo daabacay sheekada Nuura Maxamed 1990-kii. Sawirka kalena waa sawir laga qaaday isla Nuura, tobanlihii hore ee qarnigan 21aad. F.G: Sheekada Joornaalka waxaan u kala horraysiiyay sidii ay u kala horreeyeen dhacdooyinku. Qore: Maxamed Sharma’arke sharmaake91@gmail.com Qaran News
  20. Warbixin hordhac ah oo wali aan sobrani ah loo shaacin ayaa Dowlada Puntland ay ka diyaarisay khasaaraha gaaray Magaalada Qardho oo Daad kusoo rogmaday 28 [...] Source
  21. Wasaarada caafimaadka ee xukumadda Farmaajo ee ka talisa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay kaga warantay xaalada xanuunka ee Coronavirus. Waxana ay warbixintaasi ku sheegtay in xanuunkaasi ay u bukaan 3 qof oo reer Somaliland ahi, war saxaafadeedkaasi oo warbaahinta caalamka loo qaybiyana waxa uu u dhignaa sidani hoos ku xusa, waxana ay warbixintani ka hor imanaysaa, warbixintii ay xukumadda Somaliland hore uga sheegtay. PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: Update on COVID-19 in Somalia 02 May 2020 MOGADISHU, Somalia, May 2, 2020/ — New cases confirmed today: 70 Benadir: 67 Somaliland: 3 Male: 48 Female: 22 Recovery: 3 Death: 3 Total confirmed cases: 671 Total recoveries: 34 Total deaths: 31 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia. SOURCE Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia Qaran News
  22. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Covid-19 reported cases in Ethiopia – 2 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 2, 2020/ — New Cases: 0 Active Cases: 59 Critical: 0 New Recovered: 3 Total Recovered: 69 New Deaths: 0 Total Deaths: 3 Total Cases: 133 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  23. QARNIYADII TAGEY , QADHAADHKII LA SOO MARAY , QODXIHII LA SOO GURAY , QUMAATI U SIXIDA QALADAADKII HORE , QURXINTA WAXA AYNU HAYSANO , QORI ISU DHIIBKA JIILASHA IYO QARANIMADA SOMALILAND !!! Somaliland Waa qaran halgano badan oo kala wada duwan ku soo jiray ilaa sanadkii 1885 ee ay boqortooyada Ingiriisku dalkan ka dhigatay mahmiyad ay iyadu gacanta ku hayso iyada oo sida taariikhda ku xusan ay Somaliland muhiim ugu ahayd boqortooyada ingiriiska arimo badan oo ay ka mid yihiin halka ay aduunka ka dhacdo ama kaga taalo Somaliland oo meel aad u muhiima ahayd marka la eego loolanada awood ku dirirka, dhaqaalaha iyo danaha dawladooda oo uu ugu muhiimsanayd in ay saldhigii weynaa ingiriisku ku lahaa Cadan , Yemen in uu ka ilaashado. 1885 ilaa 1991 waxa ay soo gashay halgano adag oo kala duduwan oo aad u qadhaadh, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, gumeysi la dirir, gobanimo doon , halgankii dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee lagu guulaystay 1991 kii , halgan kasta oo la galay nafo iyo maal waxii dadkani haystay ayaa galay, markii ugu dambaysayna Somaliland waxa lagu soo celiyey halgan ay ku geeriyoodeen 10,000 kun oo halyey oo xaq u dirir iyo xoriyad u dagaalan ahaa , sida oo kale waxa barkacii iyo duqeymihii dawladii kalitaliska ahayd ku nafwaayey dad 50,000 oo qof ah , halka dad badan oo kalena ay u dhinteen xanuunadii gaajadii iyo barakacii dalka ka dhacay. Tacab badan iyo talo saarasho Alle waxa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo qarnimadii Somaliland ( Somaliland British Protectorate ) ee ay Ingiriiska ka qaadatay 26 June 1960 kii , iyada oo 1 July 1960 kii midnimo aan la mahadin la yeelatay koonfurta Somalia (Italian Somaliland) taasi oo la sameeyey dal la yidhaahdo Jamhuuriyada Somalia oo jiray 30 sanadood oo murug, dagaalo iyo kalitalisnimo la isku maamulayey mark laga reebo 9 sanadood oo talinayeen dawlado rayid ahi. 1991 kii ayaa ay dadka Somaliland isku tashadeen waxaana ay ku dhawaaqeen 18 May 1991 in ay dib ula soo noqdeen qaranimadoodii , halkaasi ayaa hadana waxa seeska laga soo bilaabay halgan dib u dhis dal , dad iyo dawladnimo ah , maadaama hore loo baabiiyeey dhulkana loola simay waxii tacab mood iyo noolba lahaa ee ay soo dhaqanayeen intii Alle ku uumay dhulkan, halgankani oo isaguna ahaa mid adag oo kuwii hore ka sii adag maadaama sagxada iyo seeska laga soo bilaabay guud ahaanba noloshii ayaa waxa laga gaadhay guulo wanaagsan oo la taaban karo. Waxa la dhisay dalkii, dadkii iyo dawladnimadii tacab badan oo caqabadihiisa iyo waayaha ku gedaanaa ka dib waxa lagu guuleystay in la abuuro nolol iyo dawladnimo isaga oo qofwaliba si iskaa wax u qabso ah halkii kaga beegnayd nolosha tabar iyo tacab galiyey, kagana midho dhaliyey oo maanta la dareemi karo waxqabadkii iyo halkii dalka laga soo dhaqaajiyey iyo halka uu maanta taagan yahay oo ah mid aad u kala fog marka aad eegto waxa inoo qabsoomay. Waxa xusid mudan oo kaalinta dhismaha qaranka dhidibada u ahaa odayadii dhaqanka ee lahaa salaadiin, cuqaal, Guurti, waayeel iyo waxgarad ee ka shaqeeyey in nabadgalyo la dhiso oo la sameeyo isa saamax iyo dib u heshiisiin, arimahani oo ah kuwa salka u dhigay dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana dhidibada u adkeeyey, ilaa maantana la garab taagan talo , tilmaan iyo toosin. Madaxdii qaranka soo martay duruufaha ay soo mareen iyo dariiqyada ay qaadayeen ha kala duwanaadeen ee waxa dedaal loogu jiray oo laga sinaa sidii qaranka Jamhuuriyada Somaliland u taabagali lahaa , taasi oo ay isa soo badeleen shan Madaxwayne mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin oo uu qaranka Jamhuuriyada Somaliland gaar uga taagnaa amaba dib ugala soo noqday dawladnimadiisii. Qori isu dhiibka madaxdii dalka soo martay ayaa waxyaabaha lagu xasuusto amaba aynu kaga duwanahay mandaqada ay Somaliland ku taalo ee lagu amaano waxa ka mid ahaa wadatashiga, isutanaasulka iyada oo danta qaranka waxwalba laga horeysiinayo, walow ay jiraan duruufo badan oo aan dani keenin ee dad samee ah oo ay ka mid yihiin dhicid la’aanta ay doorashooyinkii xiligoodii ku dhici laayihiin, mudo kordhiska goleyaasha qaranka Somaliland ee caadada noqday ee ay dhashay doorasho la’aanta iyo xagal daaca ku yimid nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee Somaliland. Waxa jira arimo badan oo Aduunku Somaliland ku amaanay laguna ixtiraamo oo ay gobolka ay ku taalo marka la eego ku mutaysatay cadaawad badan, waxaana ugu horeeya nabadgalyada, dimuqaradiyada iyo doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul qawlka, wadatashiga iyo isku tanaasulka oo aanu jecelahay qaybo badan oo ka mid ah in la soo celiyo. Waxaana wanaagsan in danta guud ee dalka meel looga soo wada jeedo, loolanada siyaasada iyo tartanka hanka iyo hogaaminta qaranka ku salaysanina uu ahaado mid aad looga fekero si aan danaha dalka uga hor Iman isla markaana adigu maalinta aad fursada hesho dabar iyo caqabad kuugu noqon, iyada oo aan hadba hogaanka jooga looga habranayn lexojeclada iyo wanaajinta dalka oo ah waajibaad Ina wada saaran oo si isku mid ah inoo damqaya. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
  24. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay Waxaa Yurub iyo Amerika ka socda olole balaaran oo dhaqaale loogu ururinayo Shacabka Qardho. Jamcadii waxaa meelo badan laga ururiyay [...] Source
  25. Federation of Somali Journalists ‘Annual Press Freedom Report’ for Somalia has expressed concerns over the escalating climate of intimidation and harassment affecting the freedom of expression and access to information environment in the country, said a report issued by the group on Sunday. Between May 2019 and May 2020, Somali journalists and media workers faced a deadly climate of violence and repression. In total, four journalists were killed, 47 were physically tortured or harassed, 7 wounded, 5 media outlets were attacked while 64 were arbitrarily arrested in different parts of Somalia while carrying out their duties. Although, article 32 of Somalia’s provisional constitution protects the citizens right to access information, in practice, journalists, activists, researchers and citizens routinely face bureaucratic roadblocks in their quest to access even basic information. This is especially common across many ministries and office with the presidency and the prime minister “the least compliant”. In the midst of of the coronavirus outbreak, none of the Somali media institutions were accorded the opportunity to engage and ask either President or the Prime Minster questions about the country’s plans to combat COVID-19. The lack of opportunities for the press to speak directly with the leaders is a clear demonstration of an administration reluctant to interact with the media and to directly respond matters of public concerns. “The Right of Access to Information law is one of the most important tools citizens have to ensure the openness and transparency of their government and its institutions, and it plays a role in the promotion and protection of democracy, so FESOJ with the help of other media organisations in Somalia will prioritize in the coming years for Somalia to have access to information law” said Mohamed Ibrahim Moalimuu Secretary General of Federation of Somali Journalists (FESOJ) Fighting Misinformation in the Age of the Coronavirus Journalists covering the coronavirus pandemic in Somalia are facing a variety of challenges such a movement restrictions and lack of access to timely and reliable pandemic information. This has the potential to raise the risk of false information spreading in the country. In spite of assurances from the Somali Prime Minster who announced that journalists will be classified as part of “essential services in the fights against #COVID19” in order to guarantee unhindered media operations during the curfew, still, at-least three journalists who were detained while working on stories about coronavirus. The issue of misinformation related to the outbreak of coronavirus (COVID-19) has been rampant in Somalia since the first diagnosis emerged on 16 March,2020 with conspiracy theories and falsities being shared online regarding the origin, scale and various other aspects of the disease. Some of the most common claims include that the coronavirus doesn’t kill Muslims. In other instance, some traditional healers claimed to have treated patients with COVID-1. These kinds of myths may worsen the situation and the media should care such misinformation. Rumors also proliferated that Somalis are immune to the disease and that the virus cannot survive in high-temperature climates like Somalia and so on. “Journalists working in this period of influx of misinformation over COVID-19 need to refer official figures to the authorized agencies involved in Coronavirus control, such as the Ministry of Health and WHO and so on, otherwise they may write false information which can put danger the lives of many people” Moalimuu added. See full annual report here: https://fesoj.org/wp-content/uploads/2020/05/FESOJ-REPORT-2020.pdf https://fesoj.org/from-bad-to-worse-press-freedom-in-somalia-continues-to-decline/ End.