Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Ugandan military has immediately suspended the rotation of its peacekeeping troops to Somalia and capacity building in Equatorial Guinea over COVID-19 pandemic, a spokesperson said Saturday. Brig. Richard Karemire, Ugandan military spokesperson told Xinhua by telephone that Uganda People’s Defense Forces (UPDF) high command took a decision to protect thousands of troops in foreign missions. The decision comes barely a week after a Ugandan peacekeeper serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) tested positive for novel coronavirus in the capital, Mogadishu. “It is one of the safety measures against COVID-19 taken in respect of UPDF troops deployed abroad in Somalia and Equatorial Guinea,” said Karemire. Somalia and Equatorial Guinea like Uganda are currently combating the novel coronavirus pandemic outbreak, which has infected hundreds of people. Uganda has over 6,000 troops serving under the AMISOM in the volatile Horn of African nation and over 100 officers in Equatorial Guinea helping to build capacity and professionalization of the west African nation’s army. The east African country deploys troops to Somalia and Equatorial Guinea on a one-year rotational basis. View the full article
  2. Somalia has announced 70 new cases of the Coronavrus during the last 48 hours. This takes the national COVID-19 tally to 671. Minister for Health and Social Care Fowziya Abikar Nur announced in her daily briefing that 67 of the cases were recorded in Banadir region (Mogadishu and its environs) and three were registered in the breakaway region of Somaliland. She also submitted that the country has recorded three deaths, taking the death toll from the pandemic to 31. Three more people have recovered from the disease, taking the total number of recoveries to 34. The latest announcement comes amid fears of mass spread of the virus among the population, especially in the capital, Mogadishu, with some reports indicating that there are many cases not recorded by the government. View the full article
  3. Families of seven Kenyans held at Raskiamboni in Somalia are calling for government intervention to have them freed and brought back home. Source: Hiiraan Online
  4. English club Arsenal’s star Mesut Ozil has donated 713,000 Turkish liras ($101,000) to the Turkish Red Crescent for an aid campaign for the Muslim holy month of Ramadan. The money will be used to provide iftar – the evening meal to break the daily fast during the month – to 16,000 people in Turkey, according to the group. Families in Turkey and Syria will receive 2,000 food packages through Ozil’s donation, while 90,000 iftar packages will be distributed in Somalia’s capital Mogadishu. Kerem Kinik, head of the Turkish Red Crescent, thanked the London-based footballer for the donation. “We will deliver the packages provided with the donation of my brother Mesut to people in need as soon as possible,” he said. View the full article
  5. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay sii korortay tirada dadka uu soo ritay cudurka faafa ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi. Wasiirka wasaaradaasi, Dr Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in baaritaan lagu sameeyey illaa 20 qof, islamarkaana xanuunka laga helay 12 ka mid ah. Sidoo kale wasiirka caafimaadka Puntland ayaa tilmaamay in 9 ka mid ah dadka laga helay cudurka Covid-19 ay rag yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin haween. Tirada Covid-19 ee Puntland ayaa haatan mareysa illaa 23 ruux, waxaana u geeriyooday xanuunka hal bukaan, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi. View the full article
  6. Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah. “Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu raaciyay. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay ‘Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,’ iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta. Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey cudurka halista badan ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi. Dr Jaamac ayaa shaaciyey in baaritaan lagu sameeyey illaa 20 qof, islamarkaana xanuunka laga helay 12 ka mid ah. Wasiirka ayaa xusay in 9 ka mid ah dadka laha helay Covid-19 ay rag yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin haween. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka laga helay xanuunka ay da’dooda u dhexeyso 15 illaa 65 sano jir, kuwaasi oo ah dad aan safar gelin Sideed ka mid ah 20-ka ruux ee la baaray cudurka faafa ee Coronavirus ayuu sheegay in laga waayey cudurka. Tirada guud Covid-19 ee deegaanada Puntland ayaa haatan caga-cageyneysa illaa 23 ruux, waxaan u geeriyooday xanuunka hal bukaan oo ku noolaa degmada Galdogob. Warbixintan oo ah tii u dambeysay ayaa muujineysa in deegaanada Puntland uu ku sii faafayo cudurka halista badan ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.
  8. Federation of Somali Journalists(FESOJ) ayaa qoraal sanadle ah waxaa ay ka soo saartay heerka xuriyadda hadalka ee Soomaaliya iyada oo soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo arrinkan la xiriirta. Sida ay daabacday Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020, 4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 64 ayaa la xiray, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray. Saxafiyiinta sanadkii hore la dilay waxaa ka mid ahaa Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsan SNTV iyo Cabdiweli Cali Xasan oo warbaahinta Kulmiye ahaa. Warbixinta waxaa ku jira in Websiteyo dowladda dhaliila hawada laga saaray, in saxafiyiin badan ay dalka ka carareen kadib markii naftooda u cabsadeen, iyada oo NISA ay dacwo ku furay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxaa sidoo kale dhaliil uu ka qoray Covid 19 loo xiray tifaftiraha guud iyo agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group Cabdi Caziz Axmed Gurbiye kaas oo hadda dammaanad lagu soo daayey balse lagu amray in aanu ka hadli karin ama wax ka qori karin kiiska isla markaana aanu dhaleeceyn karin xataa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. FESOJ waxaa ay sheegtay iney diidan tahay tallaabo walbo oo lagu xakameynayo ama lagu garba duubayo xuriyadda hadalka iyada oo ku baaqday in la baa’biyo xeerarkaas boorinaya in sidaasi la sameeyo. Waxaa kale oo qoraalka FESOJ ku jira in gabdhaha ku jira warbaahinta ay caqabado badan la kulmaan sida in wiilasha laga fadilo, in la waxyeeleeyo, mushaarka oo lagu yareeyo iyo arrimo kale. Akhriso: Warbixinta oo dhameystiran. Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo u warramayey warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay daadadkii xooganaa ee dhowaan ku rogmaday degmada Qardho ee maamulkaasi. Wasiir Xaange ayaa sheegay in fatahaadahaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 8 qof, sidoo kalena ay ku ku barakacayeen in ka badan 3500 oo qoys. Sidoo kale wuxuu tilmamay inay ku waxyeeloobeen daadadkaasi goobo ganacsi oo aad u badnaa oo ku yaalla gudaha magaalada Qardho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Feyruus.mp3 View the full article
  10. The Coronavirus pandemic has brought about a political complication to Ethiopia. It is now clear that the election can not take place in August 2020 as scheduled before. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee Gobolada Bari, islamarkaana ah Masuulkii gacanta ku hayay Huteelka Hargeysa Club ee ay Xukuumaddu kala wareegtay, ayaa sheegay inuu si adag uga falcelinayo Arrintaasi islamarkaana aan sifo sharci ah loola iman ee uu maqlay uun in Degreeto Madaxweyne lagula wareegay Huteelkiisii. Wargeysa Foore oo Khadka Teleefanka Kula Xidhiidhay Suldaanka, islamarkaana arrintan wax ka waydiiyay ayaa ku jawaabay sidan: “Arrintaas Raali kama ihi, Haddii aan raalli ka ahay Degreeto Madaxweyne kuma soo baxdeen, wakhti dhaw inaan faah faahin iyo war weyn ka bixiyo ayaan rabaa, maanta Hawlo kale ayaan ku jiraa oo nabadayn ah, waxaan rabaa inaan u soo gacan baxo oo aan si adag bayaan uga soo saaro, Hargeysa ayaan imanayaa oo aan warbixin Faah faahsan Warbaahinta ku siinayaa laakiin hadda wax baddan odhan maayo”. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Waxa kale oo uu yidhi “Anigu waan fogahay hadda, Meel Fog ayaan joogaa, Gobolka Sanaag, Waxaan gacanta ku hayaa Hawlo nabadeed, arintaasna waan ogahay oo waata dhacday, markaa inaan hadda wax badan ka warramo ma jecli, waxaan doonayaa inaan ka aamuso, wakhtigeeda Hadii Alle yidhaah ayaan ka hadlayaa”. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa 2005-tii waxa uu Mashruuc heshiis kula galay Huteelka Hargeysa Club Xukuumaddii Wakhtigaasi ee Daahir Rayaale Muddo lagu sheegay 20-Sanno, taasi oo aanu wax maal-gashi ah oo muuqda ku samayn marka laga reebo dhismayaal Qabyo ah oo uu Wajahadda hore ee Huteelkaasi Ganacsade kale kusii wareejiyay. Dorraad ayay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland baahisay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland kaasi oo lagu laalay heshiiskaasi islamarkaana Huteelkaasi Hargeysa Club dib loogu celiyay gacanta Xukuumadda. Ciidamo xukuumaddu dul dhigtay Huteel Hargeysa Club ayaa wakhtigan dul fadhiya huteelkaasi oo ay xukuumaddu si rasmi ah ula wareegtay. Source
  12. Waxaa maanta May 3, dunida oo dhan laga xusayaa maalinta xuriyadda saxaafadda iyaga oo la badinayo wacyigelinta arrinkan la xiriirta, waxaa sidoo kale dowladaha looga digayaa iney ku xadgudbaan xuriyadda hadalka. Sida ay daabacday Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020, 4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray. Dowladda Soomaaliya ayaan warbaahinta u ogoleyn macluumaad la xiriira covid 19 iyo guud ahaan shaqada hey’adaha kala duwan ee dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda. Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya. Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan. Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan Si kastaba, Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo. Xigasho: BBC View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku soo dhigay Gaadhi (Hard Top) ah oo Lambarkii Dawladda ee GT-gu ku yaallo kaasi oo sida la sheegay lagu soo cabeeyay Geedka qaadka ah islamarkaana lagu soo kootarabaaninayay. Gaadhigan Toyota ah oo midabkiisu ahaa Midabka caddaanka oo ay Ciidanka Booliisku habeen hore ku qabteen mid ka mid ah jidadka dhinaca koonfureed kasoo gala Magaaladda Hargeysa iyadoo qaad lagu soo kootaraabinanayo ayaa sida la xaqiijiyay ay lahayd Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha dawladduiyadoo wararka qaarna ay sheegayaan inuu gaadhigaasi ka mid yahay islmarkaana uu ka tirsan mid ka mid ah Xafiisyadda masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo uu si gaar ah ugu adeegto. Inkasta oo aanay wali ka hadal hay’addaha ay arrintani khusayso, haddana Lama garanayo sababta ku kaliftay in gaadhi dawladeed lagu soo kootarabaaniyo Qaad, balse wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in gaadhigii iyo dirawalkiiba ay xidhan yihiin islamarkaana ay baadhis ku hayaan hay’addaha baadhista Dambiyadda Dawladdu. Dhinaca kale waxay arintani fajiciso ku riday Shacabka Somaliland intii maqashay oo saacadihii la soo dhaafay isku dhaafsanayay baraha bulshada, waxaana islamarkiiba si xoog ah loogu qaadaa dhigay oo lasoo dhigay sawirkii gaadhiga iyo goobta lagu qabtay oo lagu sheegay Masalaha Koonfurta Magaalada Hargeysa. Source
  15. (SLT-Boorama)-Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada ayaa magaaladda Boorama kulan kula yeeshay Gudiyada amniga iyo Guddida ka hortaga heer gobol ee Xannuunka Covid19. Kulankaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada gobolka isla markaana looga hortagi lahaa xanuunka covid-19. Xubnaha golaha wasiirada ah ee guddiyadaasi kulanka kula qaatay Boorame waxa kamid ahaa Wasiirka horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, iyo wasiirka Ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajan). Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in shirkaasi lagaga hadlayay Nabad gelyada iyo sidoo kale shirk u saabsan xaaladda caafimaad ee gobolka iyo ka hortagga covid-19. Wasiirka horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sheegay in xaaladda xanuunka coronavirus ay maraysi mid khatar badan oo uu bulshada dhexdeeda ku fidayo. Waxaanu usoo jeediyay inay bulshadu raacdo tilmaamaha caafimaadka ee ku saabsan ka hortagga xanuunka covid-19. Source
  16. (SLT-Ankara)-Laacibka Mascuud Ozil ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda. Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya. Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan. Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan. Si kastaba, Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo. Source
  17. Muqdisho ( Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka guddiga xakameynta cudurka faafa ee Covid-19, kaas oo habeen weliba la qabto. Kulanka ayaa intii uu socda waxaa looga hadlay sida ay u socdaan dadaallada lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ku aadan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo fataahadaha ay sameeyeen wabiyada. Khayre ayaa faray xubnaha guddiga in la’isku dhinac wado xakameynta cudurka Covid-19 iyo gurmadka la gaarsiinayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa amray in la dadajiyo dadaalada loogu gurmanayo dadka taabaaleysan, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Dhowaan ayey aheyd markii dowladda dhexe ay Puntland gaarsiisay gurmad loogu talagalay qoysaskii ay saameeyeen daadadkii magaalada Qardho ee maamulkaasi.
  18. Guddoomiye Axmed Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaaahin ka bixiyay dagaal culus oo xalay ciidamo taabacsan Galmudug ay ku qaadeen Saldhig ciidan, oo Daraawiishta Puntland ku leeyihiin galbeedka Magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in Shufto isa-soo abaabushay oo ka soo gudbay dhinaca Galmudug, ay weerar xooggan ku soo qaadeen saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Degaanka Teerage ee galbeedka Magaalada Gaalkacyo, balse Ciidanku iska difaaceen weerarkaas. Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, wuxuu beeniyay in Weerarka ay soo qaadeen Ciidamo Galmudug iyo xataa Ciidan Beeleed midna, waxaase uu sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen Shufto abaabulan oo ka yimid dhinaca Galmudug, kuwaas oo doonayay in ay arbushaad ku sameeyaan Ciidanka Puntland. Hal askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa ku dhintay dagaalka halkaas ka dhacay, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha, isagoo xusay in kooxdii weerarka soo qaaddayna la sheegayo in qof ka dhintay, ha yeeshee uusan xaqiijin Karin. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamo xooggan oo ka tirsan Puntland ay tan iyo xalay gaareen Degaanka lagu dagaallamay, si ay u xoojiyaan Ciidanka halkaas ku sugan waxaase uu ku cel-celiyay in aysan dagaal doonayn, islamarkaana dhankooda si adag u xakamayn doonaan Ciidanka. Halkaan ka daawo Wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo faahfaahin ka bixisay Dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  19. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel aad u xiiso badan, gaar ahaan is-araga labaad ee wareega koowaad ayaa waxaa xalay ku baratamay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenley ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadana ayaa waxaa guul ka gaartay Dharkenley, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Karaaan . Dharkenley ayaa la timid 14 dhibcood, halka Kaaraan ay keensatay 12 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  20. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka guddiga qaran ee ka hor tagga Covid-19, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Waxaa kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray xakameynta Coronavirus iyo sidoo kale gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada. Khayre ayaa faray guddiga in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta Covid-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha haatan ka jira dalka “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiisa Ra’iisul wasaaraha. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal looga hortagayo Coronavirus iyo sidoo kale gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha. View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay deegaanka Teerage oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyeey illaa laba qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii diriray iyo dad shacab ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana bilowday dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-030520-sx.mp3 View the full article
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay. Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay. Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  24. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Dagaalka oo u dhexeeyey maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa xoogiisu waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Teerage oo dhaca Galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in muddo ah la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan laba qof ku geeriyooday dagaalkaasu, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalka labada dhinac, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada Puntland iyo Galmudug. Xaaladda ayaa saaka ah mid yare degan, waxaana bilowday dadaallo looga hortagayo xiisadaasi. Maleeshiyaadka labada dhinac ka soo kala jeeda ee ku sugan gobolka Mudug ayaa inta badan ku dagaalama gobolkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro rayidka.
  25. Sawirkan maanta maaha waa mid hore Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, oo ka baxay magaalada Gaalkacyo, ayaa saaka isku fidiyay degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo xalay dagaal culus ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug. Ciidanka oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka, ayaa difaacyo kala duwan ka xirtay goobihii xalay lagu dagaallamay ee nawaaxiga saldhiga Teerage, si ay u xoojiyaan difaacyada ciidanka Daraawiishta ee ku sugan halkaas. Tallaabadaas ayaa ku soo beegmatay, kadib markii xalay ciidamo taabacsan Galmudug ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Teerage, halkaasna uu ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale, waxaa saaka labada dhinac ee magaalada ka socda gurmad iyo hub-urursi ciidan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal toos ah ka dhex qarxo ciidamada Puntland iyo Galmudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo ciidamo xooggan gaysay goobihii xalay lagu dagaallamay appeared first on Puntland Post.