-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay la wareegeen degaanno ka tirsan gobolkaas. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay hawlgal dagaal kula wareegeen degaannada Bandhuub iyo Biilane oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Bandhuub iyo Biilane waxaa horay gacanta ugu hayay malayshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo isaga baxay halkaas kadib markii ay hawlgal military ku soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed. Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii malayshiyaadka Al-shabaab looga durkin lahaa degmada Diinsoor oo ay go’doomiyeen kadib markii Al-shabaab jid-gooyo u dhigteen gaadiidka Raashinka iyo alaabta geeya degmadaas. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo AL-shabaab kala wareegay degaannada Bandhuub iyo Biilane ee gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
-
War kooban oo kasoo baxay dalka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in si rasmi ah xayiraaddii looga qaaday xoolihii Soomaalida ee loo iibgeyn jiray. Warkan oo lasoo dhigay barta Twitterka Wasaaradda Deegaanka ee dalka Sucuudiga ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Waxaa xayiraadda laga qaaday xoolihii Soomaaliya laga soo iibsan jiray.” Si kastaba, warkan ayaa si weyn u farxad gelinaya ganacsatada ka shaqeysata xoolaha oo xilligan oo kale uu ahaa waqtiga ugu muhiimsan ee ganacsiga xoolaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga ka hortaga COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in kiiskii laga shakisnaa ee magaalada Dhoobley laga waayay xanuunka Corona Virus, ka dib markii magaaladaasi lagu arkay qof qaba calaamadaha COVID-19. Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa maalmo ka hor waxaa laga helay ruux lagu arkay calaamadaha xanuunka, kadibna baaritaan ayaa lagu sameeyay, Waxaana loo diray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana guddigu u xaqiijiyay in shaqsigaas laga waayay xanuunka COVID-19. Jubbaland ayaa horay u xaqiijisay kiisas laba ah oo la xiriira caabuqa Coronavirus, waxaana labadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo walloow markii dambe la sheegay in shaqsiyaadkaasi ay baxsadeen. Guud ahaan Soomaaliya kiisaska laga diiwaan galiyay cudurka COVID-19 ayaa waxa ay gaaraysaa 136 kiis sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in degamadaasi ay ka taagan tahay cabsi laga qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabelle. Dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa degan xaafadda Horseed ayaa wal-wal ka muujinaya in wabiga Shahabelle uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolka Sh/ Dhexe. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay jawaano caro ah dhigaan halkaasi, si looga hortago fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga. Mas’uuliyiin uu ka mid ah yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka HirShabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaarim Daqare ayaa ka mid ah dadka wax ka dhigay Jawaanada ciida oo dadka deegaanka ay uga hortagayaan fatahaada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah. “Laga soo bilaabo Deefoow Gobolka Hiiraan illaa Degmada Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah waxaa ku dhex jira goobo laga cabsi qabo in uu karkaarada ka jabsado Wabiga Shabeelle waana 59-meel, mana jiraan Hay’ado u diyaarsan in ay wax ka qabtaan oo si deg deg ah uga jawaaba cabsida dadka deegaanka” ayuu yiri wasiir Maxamed Bashiir. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
-
Mudanayaal, aniga oo og inaad u taagantihiin sidii shacabkeenna aad uga badbaadin lahaydeen masiibada ka soo fool leh xanuunka COVID19, hubana in aad qaaddeen tillaabooyin ay ka muuqato masuuliyad iyo u diirnixid shacab, haddana waxaan jeclaystay inaan dadaalkiina ku kabo talooyiin ay iila muuqatay inay wax ku ool yihiin. Mudanayaal, waxa aad ogtihiin in dawladaha caalamka koobaad ee uu xanuunkaani ku habsaday, aanu illaa imminka xanuunku si isku mida u saamayn. Waxaa jira kuwo si mug leh u maareeyey xanuunka, kuwo meel dhexe jooga iyo kuwo ku fashilmay wax ka qabashadiisa. Dawladahaani waxa ay ka simanyihiin in dhammaantood ay yihiin kuwo qaniya, ay leeyihiin daryeel caafimaad oo heer sare ah, haystaanna technologiyad u sahalaysa xakamaynta xanuunka. Mudanayaal, waxa kaliya ee ay dawladahaani ku kala duwanyihiin, natiijada u soobaxayna kala gaddisay ayaa ah, sida ay u kala hor baraarugeen, u kala hor diyaargaroobeen, go’aamadana u kala hor qaateen. Sidaas daraadeed ayaa dalalka fakhriga ahna natiijadoodu ku xirnaan doonan sida ay tillaabooyinkaan u kala hor qaadaan. Mudanayaal, waxaan idinku bogaadinayaa tillaabooyinka hordhaca ah ee aad horay u qaadeen. Mudanayaal, inkasta oo aynu sabool nahay awooddeenu na koobantahay, haddana tillaabo walba oo aynu horay u qaadnaayi waxa ay xakamaynaysaa fidista xanuunka. Sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu qaadno tillaabooyin dheeraada oo wax inoo badbaadin kara, kharash badanna aan inoogu kacayn. Tillaabooyinkaas waxaa ka mida kuwaan hoos ku xusan. Kow, mudanayaal, cid walba oo xanuunkaan dagaal kula jirtaa waxa ay leedahay qorshe u daggan oo ay xanuunka kula tacaasho. Sidaas daraadeed waa muhiim in aynu innagu na qorshe leenahay. Waxaa jira dhawr qaab oo xanuunka lagula tacaalayo oo ay dawladaha caalamku dawlad waliba ay mid qaadatay. Qorshaha ugu wayn ee inta badan dawladaha caalumku ay qaateen na waa kii China ee Lockdawn-ka dadka oo la xanibo. Qorshaani waa adagtahay in uu innaga inoo hirgalo, maxaa yeelay qaabkaas dadkeenu uma carbiyaysna dalkeenuna uma qaabaysna. Dhanka kale, waxa aynu nahay bulsho isugu dhex nool dadkii waawaynaa iyo kuwii yaryaraa, oo dadkii waawaynaa xanuunka u nugulyihiin. Mudanayaal, maadaama dadkeenu u badan yihiin dhalinyaro, ayna dhici karto in ay xanuunka iska difaacaan, waxaan ku talinayaa in qorshaheenna koobaadi uu noqdo in aynu xoogga saarno qaybaha nugul ee bulshada sida: dadka da’da ah iyo bukaanka xanuunada culus qaba. Mudanayaal, waxaa ila habboon in dadkaan lagu booriyo in ay magaalooyinka waawayn uga baxaan tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha, taas oo laga yaabo in ay yarayso khatartii ay kala kulmi lahaayeen magaalooyinka. Labo, mudanayaal, markii dawladaha Chine, Taiwan, Honkong, Japan, iyo South Korea oo ah dawladaha safka hore ee xanuunka xakameeyey ay dadkooda ku khasbayeen in ay afka xirtaan, WHO iyo hay’adda ka hortagga xanuunada faafaa ee Maraykanka CDC, labaduba waxa ay ku talinayeen in dadka xanuunsan oo kaliya ay afka xirtaan. Imminka markii la ogaaday in 25% -%50 dadka xanuunka qabaayi aanay wax calaamadaa aanay lahayn (daraasad ku aadan xanuunka oo lagu sameeyey dalka Iceland ayaa sheegaysa in 50% dadkii xanuunka laga helay aanay wax calaamada lahayn) xanuunkana fidinayaan, waxaa lagu taliyey in cid waliba ay afka xirato. Mudanayaal, innaga oo ka duulayna muhiimadda uu “Afxirku” leeyahay, ogna koobnaanta awoodeenna iyo in aynaan heli karin Face Maski ay warshadi soo samaysay, haddii aynu helna na bulshadeenu aysan gadan karin, waxa aan ku talinayaa in dawaarlayaasha lagu booriyo loona jiheeyo in ay tolaan “afxirka”. Waxaa kale oo aan ku talinayaa in ragga lagu amro in ay afka cimaamdo ku xirtaan , dumarka na lagu booriya in ay niqaabka xirtaan. Mudanayaa, waxaa haboon in magaalo walba laga abaabulo samafalayaal tabarucaad u aruuriya tolista “afxirka”, dadka muxsiniinta ah ee wax haystana lagu booriya in ay u gurmadaan maalgalinta tolista afxirka, si loogu qaybiyo inta nugul iyo danyarta. Saddex, mudanayaal, markii ugu horraysey ee uu xanuunkaani ku faafay dalka South Korea meeshii ugu horraysay ee uu ka faafay waxa ay ahayd kaniisadda Shincheonji Church Of Jesus. Meeshii ugu horraysay ee uu dalka Iiraan xanuunku ka soo galayna waxa ay ahyd magaalo diimeedka Shiicada ee Qum. Halkii ugu horraysay ee uu Faransiiska ka faafayna waxa ay ahayd kaniisadda Open Door Church ee Mulhous. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in masaajidda oo ah meelaha ugu badan oo dadka ugu badani isugu yimaadaan, qorshe cad loo sameeyo. Afar, mudanayaal, maadaama uu xanuunkaani yahay mid ka mida xanuunada faafafa, waxaa lagama maarmaana in la raadiyo cid walba oo aqoon ama takhasus u leh xanuunada faafa, si ay u bixiyaan talooyin ku aadan qorahayaasha ku habboon in la qaado. Sidoo kale waxaa habboon in la sameeyo guddi dhakaatiira oo uu garwadeen u yahay dhakhtar ku takhakhusay xanuunada faafa si ay u hoggaamiyaan dadaalada lagula dagaalamayo xanuunka. Mudanayaal, waxaan idiin rajaynayaa guul, waxa aanaan aaminsanahay in tillaabooyinka aad qaadeen iyo kuwa aad qaadi doontaanba ay yihiin kuwo wiiqi doona fiditaanka xanuunka Mohamed Ahmed Elmi. The post Talo ku socota guddiga la dagaalanka xanuunka COVID-19 ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Cabsi xoogan oo laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe. Dadka deegaanka ayaa wal-wal ka muujinaya in markale wabiga uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolkaasi. Meelaha sida weyn cabsida looga dareemayo waxaa ka mid ah degmada Jowhar, gaar ahaan xaafadda Horseed oo la dhigay jawaano caro ah, si looga hortago fatahaada. Sidoo kale waxaa halkaasi booqday mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle oo ku baaqay in la sameeyo dadaallo looga gaashaamanayo fatahadaasi. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article
-
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa looga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu tacsiyadeeyey dowladda federtaalka Soomaaliya, golaha shacabka ee baarlamaanka JF, Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Allaha u naxariistee Maruuxm Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya). Sidoo kale AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Xildhibaanka oo ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka uu door wanaagsan ka soo qaatay arrimaha horumarinta ee dhalinyarada. Si kastaba ha’ahaatee Xildhibaanka geeriyooday ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Muqdisho, waxuuna uu la’ il darnaa xanuunka macaanka, View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda lo soo gaabiyo (IMF) ayaa sheegtay inay siin doonto $ 11 bilyan 32-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaas oo codsaday caawimaad si aay ula dagaallamaan cudurka halista ah ee Corona Virus, kaasi oo sameen ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha wadamada soo koraya. Dowladda Galbeedka Afrika ayaa kudalbatay taageero bulsho iyo mid dhaqaale oo gadheeysa 1.7 tirilyan oo u dhiganta ($ 2.8 bilyan), si ay hortag ugu sameyaan xanuunkan halista ah. Dhibatooyinka uu sababay COVID 19 waxaa ka mid ah hoos u dhigida canshuuraha shirkadaha iyo ganacsiga yar yar iyo dhimista kharashka sanadlaha ah ee wadamada taagta daran. Wadanka Ivory Coast ayaa kamida dalalka qaaradda Africa dhaca ee uu saameyey Xanuunka Covid-19, waxaana uu diiwaangaliyey 688 qof oo qaba Cudurkan, halka 193 kamida ay kasoo bogsadeen, waxaana u geeriyooda Fayruskan 6 qof. Source
-
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Ciidamada oo qaaday howlgallo qorsheysan ayaa gaaray deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay. Xaaladda ayaa saaka ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedka degmada Diisnoor ee gobolkaasi. View the full article
-
Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Ciidamada Dowladda oo deegaanno cusub kala wareegay Xarakada Alshabab. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed M Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula taliyay inay qaataan talooyina caafimaad ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka CORONA. Tiftaraha Goobojoog oo Talaaladii lagu xiray Muqdisho oo dib u helay xorrriyaddisa. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa shaacisay in labo ruux ay u dhinteen Coronaviras 19 kalana uu soo ritey. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa Sheegay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19. Madaxweynaha Galmudug oo magacaabis cusub sameeyay. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog-19-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-190420-Okey.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano hoos-yimaad degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in u-jeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi oo uu tilmaamay inay ku dhibaateeyaan dadka dhacabka ah ee isaga kala gooshayada wadooyinka gobolka Baay. Dhankiisa guddoomiyaha Diinsoor Cabdi Salaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in xilliyada ay soo dhow-dahay bisha Ramadaan ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saarto degmada, balse wuxuu tilmaamay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaasi. Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Weli dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa deegaano iyo degmooyin ka heysta gobollada Baay iyo Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya.
-
Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in magaalo kasta oo ka tirsan Puntland laga samaynayo xarun caafimaad oo uu la xiriiro qof kasta oo isaga shakiya xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa lagu go’aamiyay in magaalo kasta oo Puntland ku taalla laga sameeyo xarun caafimaad oo uu xiriir la sameeyo qofkii isaga shakiya xanuunka si xaruntaas u hagto qofka tallaabooyinka uu qaadayo. Guddiga ayaa wada dadaallo kala duwan oo ku wajahan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus inkastoo aan weli degaannada Puntland laga soo sheegin kiisas la xiriira cudurkaas. Waxaase xusid mudan in ay jiraan dad looga shakiyay xanuunka oo qaarkood laga waayay halka kuwa kalena haatan la sugayo natiijada baaritaankooda oo maalmaha soo socda la shaacin doono. PUNTLAND POST The post Puntland oo kordhinaysa xarumaha la tacaalidda COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga dowlad goboleedka Jubaland u qaabilsan ka hortagga xanuunka COVID-19 ayaa shaaciyay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunkaas. Qofka laga shakiyey oo sida guddigu sheegay ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa baaritaanka natiijadiisu noqotay in laga waayay cudurka Sidoo kale Guddiga ka hortaga Cudurka COVID19 ee Jubbaland waxaa ay sheegeen in markii hore qofkaas lagu arkey calaamaha xanuunka Coronavirus taasi oo keentay in baaritaan la mariyo Guddiga ayaa dhowaan markii u horraysay shaaciyey in laba qof oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay xanuunka kuwaasi oo labaduba rag ahaa. PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay natiijada dad laga baaray xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, oo wareysi siiyey VOA, ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyay mashruuca dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo khasaaraha kasoo gaaray weerarradii ay ku qaadeen Al-Shabaab. Mashruucaas ayaa dhowr jeer lala beegsaday qaraxyo, waxaana mid ka mid ah qaraxyadaas oo dhacay 28-kii December lagu dilay dad ka badan 90 qof, oo ay ku jiraan kuwa u dashay dalka Turkiga. Hase yeeshee Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab aysan ku guuleysan hadafkooda ahaa inay joojiyaan dhismaha waddada. “Nasiib darro waxa ay aheyd dhacdo aad u xun oo aan u soo joognay, muwaadiniinteena waxaa la dhintay qaar badan oo ka mid ahaa walaaleheena Soomaaliyeed, kuwa la dilay waxay ka shaqeynayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, dhacdooyinkaas xanuunka badana wax caqabad ah kuma aysan keenin howshuna si wanaagsan ayey halkii uga socotaa,” ayuu yiri safiirka. Mehmet Yilmaz ayaa dhinaca kale sheegay in markii uu soo idlaado mashruucan ay mid la mid ah ka billaabi doonaan gobollada kale ee dalka. Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya dowladda Qatar, hase yeeshee qandaraaska dhismaha ayaa waxaa ku guuleysatay shirkad Turkish ah. Weerarkii ugu dambeeyey ee 28-kii December ayaa waxaa dadkii ku dhintay ku jiray laba muwaadiin oo Turkish ah oo ka shaqeynayey dhismaha waddada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay galab saddex qof ka kaxeestay maqaayad ku taala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, sida ay noo sheegeen goobjoogeyaal iyo saraakiil kuwa ammaanka ah. Saddexdaan qof oo laba kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha maqaayadda iyo qofka sadexaad oo ah macmiilka maqaayadda lana sheegay inuu ahaa askari dharcad ah ayaa indhaha laga xiray waxaana lagu riday oo lagu kaxeystay gaari ay ciidanka wateen. Dadkaan ayaa laga qabtay maqaayadda oo ku taala Xaawo Taako, waxaana maqaayadaan sida la sheegay iska leh Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya lamana oga sababta ka dambeysa arrintaan. Dadka yaqaana labada qof ee maqaayadda ka tirsanaa oo kala ah wiil dhalinyaro ah iyo nin da’a ah ayaa sheegay in ay ahaayeen dad aad wanaagsan oo aan marna laga filan karin xumaan ama dhibaato amni, inkasta oo waxa u qarsan aysan cidna ogeyn. Sidoo kale macaamiisha maqaayadda ayaa waxaa la yaab ku noqotay xariga dadkaan oo ay yaqaanaan sanado badan balse ma jirto ilaa hada cid faah faahin ka bixisay xarigooda. Ciidamada dowladda weli kama aysan hadlin sababta loo xiray shaqaalahaan balse xog hoose ayaa sheegaysa in ay dalbadeen in laga war sugo ilaa maanta si ay ugu sameeyaan baaritaano.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dalka Turkiga ay go’doon ku yihiin labada guddoomiye ee baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Mas’uuliyiintaan oo nasiino iyo shirar siyaasadeed u aaday dalka Turkiga ayaa ka hor inta aysan soo laaban waxaa dalkaas ka bilaawday Covid-19 iyadoo kadibna dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaan ay dalbadeen in Xukuumadda Soomaaliya ay u dirto diyaarad soo qaada labada Guddoomiye iyo Xildhibaano badan oo dalkaas ku xayiran. Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in dhawaan fududeeyaan soo laabashada mas’uuliyiintaan oo muddo dheer halkaasi ku qaatay sida ay noo sheegeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay cudurka faafa ee Covid-19, waxa uuna xirtay xuduudihiisa bad, berri iyo cirba waana sababta keentay in mas’uuliyiintaas ay soo laaban waayaan.
-
Mareykanka oo Digniin culus u jeediyey Shiinaha Mareykanka ayaa maanta oo Sabti ah dalka Shiinaha u diray digniin culus oo uu ku sheegay iney joojiso ‘daandaansiga’ ay ka waddo Badda Koonfurta Shiinaha, isaga oo sheegay Shiinaha inuu saliid iyo gaas uu ka baaro badda lagu muransan yahay. Ila wareedyo dhinaca ammaanka gobolka ka howlgala oo Reuters u warramay waxay Jimcihi sheegeen inuu Shiinaha badda lagu muransan yahay uu u diray markab saliid iyo gaas ka baaro oo ay leedahay shirkadda Petronas tallaabbadaasina ay Mareykanka ka careysiisay. Markabka Haiyang Dizhi 8 wuxuu horraantii toddobaadkan uu ku sugnaa Vietnam, halkaasi oo markabkaasi kal hore xilligan oo kalana uu saliid ka baarayey. “Mareykanka oo warbixin qoraal oo uu digniin ugu dirayo Shiinaha soo saaray wuxuu sheegay Shiinaha inuu in mudda ahba waday tallaabbooyin daandaansi ah.” “Shiinaha waa inuu joojiyaaa dabeecadaha noocani ah ee xiisad iyo xasilooni darro ka abuuri karo gobolka” ayuu yiri Mareykanka. Wuxuna Mreykanka intaa uu ku diray tallaabbooyinka noocani ah iney waxyeelleynayaan ammaanka ayna wiiqayaan suuqa tamarta ee Hindiya ilaa iyo baasafika.” Horraanti toddobaadkan xilli uu Markabka uu ku sugnaa dalka vietnam, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu sheegay Markabka inuu howlihiisa caadiga ah watay balse madaxda Mareykanka ay eed aan jirin dusha ka saarayaan Beijing. Shiinaha ayaa ku andaconaya Badda Koonfurta Shiinaha ee kheyraadka qaniga ku ah iney tahay tubta ugu wanaagsan ee ganacsiga loo maro. Dalalka Philippines, Brunei, Vietnam Malaysia iyo Taiwan waxay eed noocaasi u soo jeediyeen Shiinaha. Badda Koonfurta Shiinaha ee ay ku murmayaan Shiinaha iyo Mareykanka waxaa sida oo kale lahaanshaheeda sheegta oo mudda badanba isku hayey Vietnam, Malaysia iyo Shiinaha laftiisa. Laamaha ammaanka dalka Shiinaha waxay sheegeen Markabka Haiyang Dizhi 8 iney galbinayeen ugu yaraan 10 doomah ay ciidamada badda Shiinaha ay leeyihiin. Sida oo kale waxaa Markabka weyn ee Petronas la socday markab laga leeyahay dalka vietnam. Qaran News
-
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa bilowday qorshe lagu xakamaynayo fatahaad uu xilli roobaadyada sameeyo Webiga Shabeelle. Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Xaaji Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay bilaabeen qorshaha looga gaashaamanayo fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo Webiga Shabeelle maadaama lagu jiro xilli roobaadkii gu’ga.. Sidoo kale Wuxuu xusay Wasiir Xaaji Cabdulle in qorshaha ugu horreeyay ee ka hortagga fataahada ay ka bilaabeen Xaafaddo ka tirsan Magaalada Jowhar. Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle waxa uu shacabka ku dhaqan degaanada maamulkaas ka codsay in ay ka qeyb qaatan sidii looga hortegi lahaa fatahaada Webiga Shabeelle maadama la guda-galay xili roobka Gu’ga. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo wadda qorshe lagu xakamaynayo Fatahaadda webiga Shabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada Sacuudiga oo khaarajisey Nin Yemeniya oo Toori la dhex qaaday Fanaaniin Spanish oo Jaas & Qoob ka ciyaar ka tumeysay Masrax-Riyaad Fagaare bandhig faneed lagu dhigayo Nin toorri la dhacay ugu yaraan saddex qof oo Spanish ah oo ka mid ahaa koox qoob ka ciyaar ku soo bandhigayey xaflad lagu qabtay Sucuudiga ayaa la dilay. Weerarkaa kooxda lagu qaaday wuxu ka dhacay magaalo madaxda Riyadh bishii Noofember oo ay bandhig lagu qabtay. Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay inuu Al-Qaacida xidhiidh la lahaa ninkaa weerarka qaaday oo magaciisa la yidhaa Cimaad Al-Mansuur oo ah 33 jir Yemeni ah. Dhacdadani waxay dhacday iyada oo Sucuudigu fudaydiyey xayiraaddii mudada dheer saarayd madadaalada ee ay soo rogeen wadaadada diinta ee muxaafidiinta ahi. Weerarku wuxuu dhacay 11 Noofember markaas oo ninku isku qaaday masrax ku yaal fagaraha Boqor Cabdallah oo uu halkaa ku tooriyeeyey xubnahaa ka tirsanaa kooxda. Maxkamad gaara oo qaada dacwadaha aragixisada ah ayaa Al-Mansuuri ku heshay inuu galay dembi badan oo lagu oogay oo uu ka mid yahay inuu falkaa ku geystay isaga oo fulinaya amar uu siiyey hogaamiyaha Al-Qaacida ee Yemen. Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha guduhu ayaa lagu sheegay in Khamiistii lagu dilay magaalada Riyadh. Al-Qaacida may sheegin in ay iyadu weerarkaa fulisay. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionBandhig faneedyada in ay ragga iyo dumarku ka wada qayb galaan waa la fasaxay Nin labaad oo kale ayey maxkamadda gaarka ah ee dembiyadu ku xukuntay 12 sano iyo badh xabsi ah. Maamulka Sucuudigu waxay ku doodeen in Al-Mansuuri muuqaal iska duubay uu ugu hanjabayo wakaaladda madadaalada ee dhawaan dalkaa laga hirgeliyey, muuqaalkaasina uu ku faafay baraha bulshada. Dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa waagii loo magacaabay 2017 kii ballan qaaday barnaamij casriyey iyo isbedel ah oo uu u bixiyey Aragtida 2030. Xayiraad saarrayd mudo todbanaan sano ah simimooyada, bandhigyada fanka iyo in labka iyo dheddigu is dhex geli karaan ayaa la laalay, haatanna waxa haweenka loo ogolaaday in ay u daawasho tagi karaan garoonnada kubadda cagta. Balaayiin doolar ayaa loo qoondeeyey horumarinta madadaalada hooballada caalamiga ah ee badhigyada ku qabtay dalkaana waxa ka mid ah K-Pop, Cirque du Soleil iyo Mariah Carey. Lahaanshaha sawirkaAFPImage caption. Laakiin furfurnaantaas waxa dhaawacay markii haween badan oo xuquuqda dumarka u dooda la xidhxidhay iyo dilkii saxafigii Jamaal Khaashoqji 2018 ee lagu khaarajiyey qusuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee Turkiga. Sannadkii hore ayaa badhig ay ku qaban lahayd dalkaa fanaanadda Nikki Minaj ay baajiyey waxaanay ku sababaysay in ay arintaa ku taageerayso haweenka iyo dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya. Bishii Feeberweri ayaa gabadh heesaa ah oo Sucuudiyad ah la xidhay ka dib markii ay soo saartay muuqaal hees ah oo ay u bixisay Gabadhii reer Makka. Maamulka Sucuudigu waxay sheegeen in weerarkaa dhacay bishii Noofember ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii qorshaha furfurnaanta ah la bilaabay. Mowduucyada la xiriira Qaran News