Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Yemen's Minister of Public Health, Dr. Taha Al-Mutawakil, announced on Tuesday, first confirmed case of a Coronavirus (COVID-19) in the capital Sana'a, in which a Somali immigrant found dead in a hotle. Source: Hiiraan Online
  2. Shabelle Media Network [SMN], a privately-owned radio and TV is celebrating its 18th anniversary of existence to mark the day when the Radio first came to air on 6th May 2002 in Marka, the regional capital of Lower Shabelle region. During the 18 years on air, SMN with its motto “A gateway to accurate news” has broadcasted several unique and quality programs that have revived the hopes of the people, these programs include “Qoomo” which inspired many militiamen to put the gun during the era of the warlords in Somalia. Somalia’s Senate speaker, Abdihashi Abdullahi and Abdinur Mohamed, the Director of Communications, the office of the president sent congratulations to SMN on its 18th anniversary of existence. In addition, General Mahad Abdirahman, the chief of custodial Corps was among the officials who have encouraged Shabelle Media Network to double its tireless efforts of airing unprejudiced news. During the 18 years of service for the public, Shabelle Media Network has expanded to all over the world as Somali people abroad are now able to listen to the news and programs through live stream. View the full article
  3. (SLT-Addis Ababa)-Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara iyaga iyo dowladda federaalka dalkaas. Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa salaasadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sannadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada ama Prosperity Part (PP). Xisbiga TPLF ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, inkasta oo federaalka uu hakiyey. “Waxaan u diyaar garoobeynaa inaan qabano doorasho, si xuquuqda dadkeena uga ilaalino qaska,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay TPLF. Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan TPLF ka helin wax codsi ah oo ku aadan inay qabtaan doorasho, islamarkaana cid aan ayaga ahayn aysan lahayn sharciyad ay ku qabtaan doorasho noocee doonto ha noqotee. Bayaanka TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah. PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka PP Awelu Abdi. Isbahaysiga EPRDF oo awoodda qabsaday 1991-kii ayaa waxaa xooggiisa maamulayey Tigrayga laga tirada badan yahay, waxaana sanado badan ay awood ku daboolayeen xiisadaha qowmiyadaha ku dhisan ee dalkaas, ayaga oo xirayey cid kasta oo mucaarad ah. Hase yeeshee si-beddeladii uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed sanadii 2018 ee dadka siiyey xoriyad ay ku hadlaan, ayaa suurta-geliyey inay banaanka usoo baxaan carrooyinkii sanado badan loo qabay dowladda. Itoobiya waxay hadda qarka u saaran tahay dagaal qowmiyadeed dalku ku hoobto. Dastuurka Itoobiya ayaa xukuumadda siinaya muddo xileed shano sano ah. Muddo xileedka Abiy Ahmed wuxuu dhacayaa bisha September. Source
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Somaliland,Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) oo goor dhow jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka faafa ee Coronavirus. Wasiir Bade ayaa sheegay inay soo kordheen illaa saddex xaaladood oo cusub oo Covid-19 ah, kuwaas oo uu sheegay inay diiwaan-geliyeen saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhammaan saddexadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugan yihiin Hargeysa, islamarkaana la geliyey xaalad karantiil ah. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixintiisa ku shaaciyey hal qof oo dhimasho ah, kaas oo noqonaya ruuxii labaad ee uu Somaliland ku dilay Covid-19. Dhinaca kale tirada guud ee deegaanada Somaliland ee laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa haatan mareysa illaa 12 qof. Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa wada dadaallo ballaaran oo lagu xakameynayo fidista cudurkan oo weli fara ba’an ku haya wadamo ku yaall caalamka.
  5. Bandowgii lagusoobrogay Magaalooyinka waaweyn wuu hirgalay laakiin Bandowgii ma gaarsiisan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Wadanka, waxaa sidaas cadeeyay Warbixin soo socota oo Warbaahinta Puntlandi.con ay soo [...] Source
  6. Sadex maalin ka hor waxaa Gobolka ka dhacay Dagaal Beeleed ay Dad ku dhinteen. Maantana Duleedka Magaalada waxaa lagu dilay Qof rayid ah. Dilka maanta [...] Source
  7. Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba’an ku haayo xanuunka covid-19. Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aadan doorashada sanadkan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay. Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay, in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa dhintey. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa. Saraakisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo. Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 milyan oo kiis iyo in ka badan 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee ku taal Baltimore. Booqashada madaxweynaha ee warshadda ayaa imaneysa iyadoo uu toddobaadyo uu ku sugnaa Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo. Waxa uuna weriyaasha u sheegay in Guddiga la dagaalanka Coronvirus iyo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ay shaqo wanaagsan qabteen balse ay haataan tahay in isbedal lagu sameeyo iyadoona markaan laga duulayo badqabka iyo dib u furidda ganacsiyada dalka. Dadka wax dhaleeceya ayaa madaweynaha ku eedeeyay inuu ku qamaarayo caafimaadka dad-weynaha Mareykanka isagoo aad u daneynaya dib u furidda dhaqaalaha Mareykanka iyadoo bisha Novembar lagu wado iney dalkaasi ka dhacdo doorashada madaxtinimada. Gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan kuwaasi oo ogolaaday in ganacsiyada qaar dib loo furo, ayaa haatan waxaa lagu arkayaa kiisas cusub oo coronavirus ah, waxaana ka mid ah gobolladaasi Texas, Minnesota, Tennessee, Kansas, Nebraska iyo Indiana. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Federaalkaa in bisha soo socota ay in ka badan 3,000 oo qof ay maalintii u dhiman karto fayraska Corona. Balse Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray warbixintaasi isagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay saaka kooxo maleeshiyaad ah ka geysteen deegaanka Miiracad hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Maleeshiyada hubeysan oo goobta ka baxsaday ayaa toogasho ku dilay nin shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan agagaarka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale dilkaan ayaa daba socda dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Qalaanqalle oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu dilay illaa shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda maleeshiyaadka labada dhinac ay ka wadaan halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dilka saaka ka dhacay deegaanka Miiracad, balse waxaa socda dadaallo lagu qaboojinayo xiidada ka taagan deegaankaasi oo ay wadaan odayaal dhaqameedyo. Inta badan gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo ku wada sugan gobollladaasi.
  9. Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Alshabaab oo sida la sheegay bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ku taalla waaxda Horseed ee degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay kormeer lug ah ku maray xaafadaha Juungal,Towfiiq iyo Horseed ee degmada Yaaqshid ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigaan bamba gacmeedka ku tuurayay bartaasi koontarool oo ciidamadu hubinayay gaadiidka ay ku sugnaayeen. Guddoomiyaha ayaa maamulka degmada iyo bulshada ku ammaanay sida ay uga wada shaqeeyaan sugidda amniga isaga oo shacabka degmadaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka. Guddoomiye Tuulax ayaa ciidamada ammaanka ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan u adeegidda shacabka, isagoo ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin har iyo habeen difaaca dalka iyo dadka. Marka laguda galo bisha ramadaan ayaa Al shabaab waxa ay kordhiyaan weerarada qorsheysan oo ay ka fuliyaan caasimadda dalka ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aas aaska shabakadda warbaahinta Shabelle. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay hormuudka warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday, iyadoo aysan jirin warbaahin badan. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed. Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayey in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurto-gelin. View the full article
  11. Taliyaha ciidamada Asluubta, Sa/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Shabelle oo u dabaal dageyso sanad guuradeeda 18-aad oo maanta ku beegan. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in muddo dheer ay Shabelle u soo shaqeyneysay Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo lagu jiray xilli adag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Idaacadda Shabelle iyo taliska Asluubta Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo xiriir wada shaqeeneed oo aad u wanaagsan. Ugu dambeyn taliyaha ayaa maamulka iyo shaqaalaha Shabelle kula dardaarmay inay xoojiyaan shaqada adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Faadumo-1.mp3 View the full article
  12. Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa uu uga hadlay tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda iyada oo lagu guda jiro tobaadkii loo dabaa dagayay xorriyatul hadalka. Taabid ayaa waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in xilligaan dil iyo jirdil loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu sheegay inay marxalad adag ku shaqeeyaan isaga oo ka tacsiyadeeyay dilkii Muqdisho loogu geystay wariye Saciid Yuusuf cali waxaa uuna dhanka kale cambaareeyay falkii jirdilka ahaa ee todobaadkaan loo geystay wariyayaal ka tirsanaa warbaahinta Shabeelle. “Waxaan ku jirnaa toddobaadkii booggaadinta iyo qirashada dadaalka saxaafadda xorta ah ee caalamka, waana nasiib daro weyn in lasoo wariyey dhimashada iyo jirdilka suxufiyiin Soomaaliyeed oo u adeegayay dadkeena iyo dalkeena isla usbuucan. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida wariye Siciid Yuusuf, waxaana si adag u cambaareynayaa tacdigii loo geystay bahda Shabeelle TV” ayuu yiri Taabid Cabdi. Sidoo kale Taabid ayaa sheegay in saxaafada xorta ah ay muddo fog bud dhig u ahayd hannaanka dimuquraadiyadda dalka isaga oo yiri “Saxaafadda xorta ah ee Somalia waxey mudo fog bud-dhig u aheyd hannaanka dimuquraadiyadda, cadaaladda, caawimaadda iyo xog-ogaalnimada dalkeena”. Dowladda Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay caburiso saxaafadda madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay ka badisay dhiggeeda degmada Cabdicasiis ee gobolkan Banaadir, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ay xalay tartanka ku awood sareysay Marka ayaa ka wada tirsanaa group-ka C, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Cabdicasiis ayaa la timid 4 buundo oo kaliya, halka Marka ay keensatay dhibco gaaraya 18, waana degmadii ugu horreysay oo tiro intaasi la’eg ku badisa, tan iyo markii uu bilowday tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka ku madlan degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamarjajab oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Warta Nabadda ayaa horay uga soo badisay degmada Marka, halka Xamarjajab laga soo badiyey, kadib markii ay isku soo aadeen degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  14. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa isaga iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada la filayo inay dalka ka qabsoomto. Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in safiir Ben Fender ay kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashada dalka, saameynta xanuunka COVID-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen Galmudug iyo Jubbaland. “Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender. waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran. Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in safiirka ay isla soo hadal qaadeen wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland kuwaas oo uu sheegay inay soo bilawdeen xilliggii uu xafiiska joogay. Guddoomiyaha ayaa yiri “Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney”. Bilawga sanadka soo aaddan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho aan wali waqtigeeda la sheegin balse madaxda hadda joogta ay qabaan in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Qoraal ka soo baxaya taliska guud ee booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay afhayeen cusub kaas oo u hadli doona taliska. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya aya dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) u magacaabay inuu noqdo afhayeenka guud ee booliska dalka. Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ciidanka booliska ku soo biiray sanadkii 2007-dii islamarkaana uu soo dhameystay layli sarkaal oo saddxe sanno ah. “Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Afhayenka Ciidanka u magacaabay Dhame;- Sadiiq Adan Cali (Duudishe). Sarkaal ayaa Ku Soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana Soo dhameystay Layli Sarkaal mudò dhan 3sano dalka dibadiisa. Afhayenka ayaa Ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo afka hooyo. Sarkaalka ayaa Ka Soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo Soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya taliska booliska. Taliyaha ciidanka booliska ayaa maalmihii dambe waday magacaabisyo kala duwan kuwaas oo lagu tayeynayo ciidanka booliska Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa looga hadlay diyaaraddii maalin ka hor ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalkaasi ay ku soo rideen degmada Bardaale ee gobolka Baay. Qoraalkaan oo uu soo saaray madaxa guud ee ciidanka AMISOM, ahna wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa lagu sheegay inay fududeyn doonaan baaritaanada socda, si loo cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi. Sidoo kale AMISOM ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada lixdii qof ee ku dhintay shilkaasi diyaaradeed. Warka ka soo baxay xafiiska Madeira ayaa sidoo kale lagu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. “Diyaaradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho, hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiye-yaasha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.” Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu yiri “Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.” Shalay ayey aheyd markii wafdi ka socday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay gaareen goobta ay ku dhacday diyaaradda oo ah degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaan haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu u dhacay shilkaasi.
  17. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Puntland, ayaa la xaqiijiyay in aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin, go’aanno shalay ka soo baxay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan hannaanka qaadista imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka. Go’aanno wadajir ah, ooTalaadadii Shalay ka soo baxay kulan ay yeesheen wasaaradda Waxbarashada heer Federaal iyo kuwa maamul goboleedyada ka dhisan koonfurta Soomaaliya, waxa ugu muhiimsanaa in dowladda Soomaaliya soo diyaariso imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare (Form Four), halka dowlad goboleedyadana la siiyay in ay diyaariyaan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe. Balse, Xukuumadda Puntland oo ka maqnayd shirkaasi shalay, ayaa la xaqiijiyay in ay si madax-bannaan u qaadan doonto imtixaankeeda Shahaadiga ah, kaasi oo sida qorshaysan loo fariisan doono 30-May 2020, haddii ay saamaxdo duruufta, iyadoo hadba lagu salayn doono heerka uu marayo xanuunka COVID-19. Dhammaan maadooyinka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ayaa wakhtigaan diyaarsan, waxaana la dhammaystiray dhammaan hawlaha lagama maarmaanka u ah imtixaanka sida diiwaan-gelinta Ardayda, xarumaha lagu gelayo, macallimiinta ilaalinaysa iyo ID-kaarada Ardayda. Sidoo kale, Casharradii ka harsanaa sannad-dugsiyeedka, waxay Ardaydu kala socdaan Telefishinnada, kadib markii dowladda Puntland hirgelisay barmaamijkaas, si loo dhammaystiro muqarrarka, maadaama goobihii Waxbaraashada loo xiray ka hortagga faafidda COVID-19. ©PUNTLAND POST The post Goodax oo mar kale quus ka taagan Imtixaanka Puntland! appeared first on Puntland Post.
  18. ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia’s Tigray region plans to hold elections, its main party said, setting it on a collision course with the federal government and testing the country’s fragile unity. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladoo KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyey wadahadal dhanka khadka taleefanka ah oo uu la yeeshay safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya Amb Ben Fender. Qoraal uu soo saaray Sheekha ayuu sheegay inay ka wada hadleen diyaar garowga doorashada 2020/2021, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland. Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay inay isku soo hadal qaaden isaga iyo safiirka arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo weli hakad ku jira. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka:- Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay maanta safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender. waxaan ka hadalney diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland. Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii aan xafiiska joogay maantana hakad kujira ayaan isla soo qaadney. Ugu dambeyntii waxaan isla garannay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.
  20. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo ku hadlayey afka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray howlwadeenada Shabelle oo maanta u dabaal dagaya sanad guurada 18-aad ee aas-aaskeeda. Cabdinuur ayaa sheegay in Shabelle ay tahay Idaacad madax banaan, islamarkaana ay ku soo shaqeysay daruufo adag. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhalinyaro badan oo suxuufiyiin ahaa laga dilay Shabelle, iyaga oo bulshada u adeegaya. Shabelle ayaa si rami ah hawada u soo gashay sanadkii 2002-dii, iyadoo xilligaas lagu aas-aasay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-cabdinur-.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-06052020.mp3 View the full article
  22. 6-da May maanta oo kale sanadkii 2002-dii ayey aheyd markii si rami ah ay hawada u soo gashay shabakadda warbaahinta Shabelle, xilli markaasi ay adkeyd in Idaacad ay ka shaqeyso gudaha Soomaaliya, maadaama ay dalka ka jireen hoggaamiye Kooxeedyo. Shabelle ayaa dhabarka u xiratay baahinta warar, barnaamijyo iyo sheekooyin caan-baxay oo dhagaha bulshada in badan ay jecleysteen. Agaasimaha guud ee shabakadda warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamuud (Abuukar Sky) ayaa ka warbixiyey marxaladii kala duwanaa ee ay soo martay Shabelle. Sidoo kale agaasimaha ayaa Tacsi u diray halyeeyadii ka geeriyooday Shabelle, iyaga oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed. Idaacadda Shabelle oo sanadihii u dambeeyey horumaro ballaaran sameyneysay ayaa haatan yeelatay TV caalami ah, kaas oo laga daawado dunida oo dhan. Halkaan hoose ka dhageyso codka agaasimaha. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-.mp3 View the full article
  23. In ka badan 1.1 milyan oo qof ayaa ka bogsaday feyriska Corona guud ahaan caalamka. Balse waxaa lagu kala duwan yahya waqtiga ay qaadanayso in uu qofa cudurka ka soo kabsado ama uu ka bogsado Inta badan dadka waxa uu cudurka ugu dhacaa qaab sahlan oo calaamadaha ka soo muuqda ayaa sahlan yihiin islamarkana uusan u baahan dhakhtar iyo isbataal. Waxay qaadnaysaa in uu qofka noocaas ah ka soo kabsado toddobaadyo, bilooyiin iyo xitaa Sanado. Dadka uu qaabka sahlan ugu dhacay ayaa waxay qaadataa in ay ka soo kabsadaan toddobaad am ka badan. Qofka uu sida daran u haleelo cudurka ayaa waxay qaadataa xitaa inuu ka soo kabto in ka badan 1 sano. Dhakhaatiirta xarunta daryeelka ka so kabasada cudurada ayaa ku talinaysa in dadka balwadda leh ay tahay inay joojiyaan. Joojinta Sigaarka, cabbidda Khamriga, jimicsiga iyo in uu qofka miisaankiisu uu la socdo ayaa isbadal sameyn karta. Dadka uu cudurka u haleelo qaabka sahlan ayaa waxaa ay iska joogi karaan guriyaha waxayna qaadan kartaa inay boqsadaan toddobaad iyo ka badan. Balse toddobaad ka dib marka calaamadaha cudurka ay hoos u dhacaan waa iska caado in toddobaadyo uu qofka sii qufaco. Magufuli: Ri’ baan ka helnay cudurka corona Qaabka uu jirkaaga isaga difaaci karo fayraska Corona Sida fayraska Corona uu xurmadda uga qaaday asturaadda meydadka Waxaa sidoo kale jirta in dadka qaar marka ay cudurka ka soo kabsadaan ay wali dareemaan daal islmarkana xitaa in qofka uu dharka xirto iyo in uu howlaha yaryar qabsdo uu dareemo daal badan. Dadka noocaas ah waxay u baahan yihiin in ay nastaan, ay cunaan cunto isu dheelitiran isalmarkana ay biyaha badsadan. Dadka uu cudurka sida daran u haleelay ee isbataalada la dhigay islamarkana u baahdan in lagu xiro qalabka neefsashada waxaa marka ay cudurka ka soo kabsado ay wali dareemayaan dabardaro iyo neefsashada oo dhibta. Dadka noocan ah waxay qaadan kartaa in ay cudurka ka soo kabsadaan 2 toddobaad iyo xitaa 8 toddobaad . Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Image caption Bukaan la xanuunsan Corona Saameynta dhanka Maskaxda Marka laga soo tago saameynta dhanka jirka ee uu qofka ku yeesho cudurka Corona ayaa waxaa sidoo kale jira saameyn dhanka maskaxda oo uu qofka ku yeesho cudurka. Qofka marka laga helo cudurka islamarkana isbataal la dhigo ayaa waxaa bukaanka la soo gudboonaadaa walwal iyo walbahaar badan gaar ahaan marka ay waayaa wax soo booqda. Dadka uu Feyriska Corona ku dhaco ayaa waxay u baahan yahiin marka ay ka so kabsadaan in laga caawiyo sidii ay noolasha caadiga ah ula qabsan lahaayeen islamarkana ay maskax ahaan iyo bulsha ahaanba dadka ula qabsan lahaayeen. Dadka lagu xiray qalabka neefsashada islamarkana la dhigay qeybta xaaladaha culus ayaa waxay qaadan kartaa in cudurka ay si toos ah uga soo kabsadaan 12 ilaa 18 bilood. Dadka qeybtan la dhigay waxay sidoo kale u baahan yihiin in ay sameeyaan jimicsi iyo in la dhiirigaliyo. Bukaanada la dhigo qeybta xaalada culus ee ICU loo yaqaan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaca jahwaeer islamarkana qaarkood waxay maskaxdooda dib u milicsataa xaaladii ay soo mareen. Qaran News
  24. Ankara (Caasimada Online) – Doorashooyinkii saddexda ahaa ee sanada gudihiisa ka dhacay Israel waxay keeneen hubaal li’i badan oo gudaha ah; waxayna dood ka abuureen gudaha dhismayaasha Dowladda ee magaaladda Ankara: Benjamin Netanyahu, ninka Madaxweyne Erdogan ku tilmamay “keligi-talis Yahuudda neceb,” ugu dambeyntii ma bixi doonaa? Su’aal la’aan, sarakiil Turki ah ayaa rajeeyay in jawaabta su’aashaas ay noqon doonto “haa”, iyagoo rumeysan in tegista Ra’iisul Wasaaraha muddada dheer ay xallin doonto madax xaanuun badan oo ka heysta gobolka. Labada Dowladood waxay caadi kusoo celiyeen xiriirkoodii sanadkii 2016-kii, midkoodna ma uusan martigelin safiirka midka kale sababtoo isku dhac u dhexeeya labada hogaamiye ayaa ka dhashay su’aasha Falastiin. Hal arrin waa la hubay: Ankara suurtagal uma aysan ahayn in ay laabto bogga hogaamiyaha Israel, kaasi oo si sharci darro ah u deegaameeyay Daanta Galbeed, go’doomiyay, duqeeyayna marinka Gaza, gunana ku bixiyay olole dagaal oo ka dhan ah Dowladda Turkiga oo ka socda Washington. Saraakiil Turkish ah, oo si qarsoodi ah ula hadlay Middle East Eye, ayaa sidoo kale dareensan in ay u baahanyihiin in uu wax uun ka sameeyay dadaallo Israel ay ku sameyneyso xulafo ka dhan ah Turkiga oo ay ka sameyneyso bariga Mediterranean-ka iyadoo taageero ka heleysa Maraykanka. Israel, Khubrus, Greece iyo Masar waxay qorsheynayaan in tubo sida gaaska Israel ay geeyaan Europe, si ay u yareeyaan danaha Turkiga, iyagoo ku dhawaaqaya aagooda dhaqale ee gaarka ah. Xukuumadda Ankara waxay sanadkii 2016-kii sameysay baaritaan si ay u hesho qaabka ay Dowladda Israel u marayso mashruuca ka dhanka ah ee gaaska qaadi doona, laakiin isku dhac la xiriira Falasiin iyo Afgambigii July ee isla sanadkaas ayaa dilay mashruucii. Danaha ay wadaagaan Dhibka uu Turkigu ku qabo Israel intaas kuma dhamaan. Ankara waxay sidoo kale cadaadis ka wajaheysaa dhanka Congress-ka Maraykanka, halkas oo koox sanatarro careysan ah ay gadaal ka riixayaan sharciyo lagu ciqabayo Turkiga, kaas oo ku saabsan Weerarkii Turkigu uu ku qaaday Waqooyi-bari Syria iyo xasuuqii Armenia. Saraakiishu waxaa ay rumeysanyihiin in ololeeyeyal u shaqeeya Netanyahu ay ka dambeeyaan sharciyadda Maraykanka ee Turkiga ka dhanka ah. Wada-sheekeyso gaar ah oo uu la yeeshay muwaadiniin Turkish ah, Netanyahu waxa la sheegay inuu muujiyey inuu doonayo inuu wanaajiyo xiriirka Turkiga. Hase yeeshee siyaasadihiisa ku wajahn Falastiiniyiinta ayaan wax fursad ah siineyn inuu dib ula heshiiyo Erdogan, oo u arka inuu yahay sheydaan kasoo horjeeda jiritaanka Falastiiniyiinta. Waa taas sababta madaxii hore ee ciidamada Israel Benny Gantz uu war wanaagsan ugu ahaa Turkey. Saraakiisha Turkiga waxay ogaayeen in inkasta oo Gantz uu sidoo kale siyaasad khalafsan ku wajahayo Gaza, haddana ay jirtay rajo ah in ugu yaraan uu muujin doono isxakameyn maadaama uu u baahan yahay taageerada xisbiyada Carabta Israel, si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha Israel. “Turkiga iyo Israel waxay wadagaan dano ka dhan Dowladda Siiriya iyo maleeshiyaadka Iran ee gobolka. Waxaa jira meelo ay labada Dowladoodba ka wada shaqayn karaan,” sida uu sheegay ilo wareed ku dhow Dowladda Turkiga. “Xiriir wanaagsan oo Israel lala yeesho waxaa uu yareynayaa dadaalada Turkiga ka dhanka ah ee ay wadaan congress-ka Maraykanka.” Tan iyo sanadkii 2008-dii, xajmiga ganacsiga ee Turkiga iyo Isra’iil waxaa uu kordhay 60 boqolkiiba, waxaana uu gaaray $5.6 billion, halka dalxiisayasha Israel ee taga Turkiga ay dhaafeen nus malyuun sanadkii 2019-kii, waxay kor u kacday 28 boqolkiiba sanadba sanad. Fursadaha la seegay Si kastaba ha ahaatee, rajada saraakiisha Turkiga ee sixidda xiriirka labada dhinac waxaa jabiyay xulifadii ay dhowan sameysteen Netanyahu iyo Gantz. Hogamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen in lasoo dhiso Dowlad uu wasiirka koowad ka yahay Netanyahu, Gants-na waxaa loo qorsheyay in uu shaqada la wareego 18 bilood kadib. Heshiiska xulifada waxaa ku jira arrin aduunka oo dhan la isku khilaafsan yahay: Netanyahu waxaa uu meel marin doonaa sharci dhigaya in Israel ay goosato xirmooyin ka tirsan Daanta Galbeed 1-da Julay, Washington-na waa ay taageersan tahay talabadaas. Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa horraantii Todobaadkaan sheegtay in ay tageersantahay sharciga ay sameyneyso Israel. Todobaadkii lasoo dhaafay, Wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa cambareysay howsha la xiriirta goosashada dhulka Falastiin waxayna ku tilmaantay talaabo “aad khatar u ah.” “Waxaan rumeysanahay in talaabadaas nafwaga ah oo ku tumandoonta Sharciga caalamiga ah ay keeni karto cawaaqib wadaraeed dhanka banii aadanimada ah, ma aqbali karo, mana taageeri karo xubin ka tirsan beesha caalamka ee leh dareen cadladeed iyo masuuliyad,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga. Haddii Netanyahu uu meesha ka bixi lahaa, oo uu Gantz xilka qaban lahaa, qorshaha Turkiga ee ahaa xiriir wanaagsan oo lala yeesho Israel, lana joojiyo dhibka ka dhanka ah Falastiiniyiinta, waa uu meel-mari lahaa, balse guul-darrada Gantz ayaa taas meesha ka saartay. Nihat Ali Ozcan, oo ah khabiir siyaasadda arrimaha dibedda oo ka tirsan machadka TEPAV ee Ankara, ayaa sheegay in labada dalba ay xiriirka kusii wadi doonaan sida uu hadda yahay, sababtoo ah marka ay noqoto wada-shaqeynta iyo ganacsiga waa ay isku baahan yihiin.
  25. Guddigii uu madaxweynaha Galmudug u magacaabay u gurmadka degaannada daadadku sameeyeen aya xalay gaaray degaanka Bacadweyne ee Koonfurta gobolka mudug si ay u qiimeeyaan xaaladda degaanka oo ay saamayn xooggan ku yeesheen Roob ka da’ay halkaasi. Guddoomiyaha gobolka mudug oo degaanka galabta tegay ayaa xalay ku soo dhaweeyay Guddi ka kooban Wasiiro kuwaasoo uu magacaabay Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka iyo Senator Abuukar oo ka tirsan Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda degaanka Bacadweyne. PUNTLAND POST The post Guddi ka tirsan Galmudug oo gaaray degaanka Bacadweyne appeared first on Puntland Post.