-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ku hanjabay in dowladdiisa ay tallaabo ka qaadi doonto dadka ku xadgudbaya dastuurka, “si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga dadweynaha.” Abiy oo ka hadlay arrimaha ka taagan dalka ayaa sheegay in baahida hanaan diqmoraadi ah oo laga wada qeyb-galo uu yahay waxa ay tiigsaneyso Itoobiyada cusub, islamarkaana doorashooyinka qaran ee soo socda ay muhiim u yihiin si hadafkaas loogu guuleysto. Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyey go’aankii Guddiga Qaran ee Doorashooyinka ay soo saareen 31-kii march, ee ahaa inaan la qabin karin doorashooyinka la waqtiyeeyey bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Taas waxa uu macnaheedu yahay in doorasho aysan dhici karin ka hor waqtiga uu ku eg yahay muddo xileedka baarlamanka oo ah bisha October. Dastuurka Itoobiya si cad uma qeexayo habka ay tahay in dib u dhigis doorasho loo sameeyo, taasi oo keentay in baarlamanka uu u saaro guddi soo sameeyo sharaxaad dastuuri ah. Hase yeeshee waxaa taas ka hor-yimid xisbiyada qaar. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyinka. Ra’iisul wasarae Abiy ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay go’aankaas ka hor-timaada laga qaadi doono tallaabo, islamarkaana ay dowladdiisa qaaddi doonto tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyso kuna difaaceyso dastuurka. “Cid kasta oo doorasha aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. “Kuwa doonaya inay hab aan dastuuri ahayn kula wareegaan awoodda, waxaa ciqaabi doona sharciga,” ayuu Abiy ku yiri khudbad uu jeediyey oo uu soo dhigay bartiisa facebook. “Ma ahan in dhallinyaradu ay dhintaan, ma ahan in hooyooyinka ay ooyaan, mana ahan in la gubo guryo, si siyaasiyiin ay u helaan xukun,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “Xisbiyada doonaya awood wadaag ayada oo aanay doroasho dhicin ma ahan wax la qabali karo, waxayna jebineysaa dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga.” TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.
-
(SLT-Hargeysa)-Gabadh ku nool magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Hani Asad Daahir ayaa ka warrantay qiso xanuun iyo naxdin badan oo ay kala kulantay dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa. Hani Asad Daahir waxa ay tidhi sidan tan: “Magacaygu waa Hani Asad Daahir, dhawaan ayaan isku arkay caalamadaha #Covid19, waxaan isku arkay Qufac, xumad iyo neef-qabatoow, saa’id ah, waxaan la xidhiidhay telefoonka Heeganka waana layga qaban waayey. Kadib wiil ayaa i caawiyey oo usoo sheegay wuxuu igu yidhi dawooyin baan message kuugu soo dirayaaye isticmaal, haddaad ku ladnaan waydo igu soo celi, dawooyinkii baa laysoo iibiyay, waan ku ladnaan waayay, naqaskii baa aad ii qabtay, kadibna telefoonkii ayaan dib u garaacanay maqribkii ilaa dhawr jeer markii nalaga qaban waayay anna naqaskii i qabtay, ayay xaafaddu go’aan satay in lay qaado oo dhakhtarka lay geeyo, anakoo dhexda ku sii jirna ayaa telefoonkii nalaga qabtay, waxaana naloo sheegay in Dhakhtarka Wayn (Hargeisa Group Hospital) lay keeno, kadibna dhakhtarkiibaan sidaa ku tagay, qaybta Emergency-ga, markii aan galnay ma jirin adeeg caafimaad oo degdeg ah oo lay fidiyay, waxaana laysoo dhaweeyay qaybta Emergency-ga oo ay joogaan dad xanuuno kala duwan qaba, halkii ay ahayd in goob gaar ah laygu eego, waxoogaa markaan goobtii fadhiyay ee sariir bannaan lay waayay, ayaan wiil dhakhtarka ka shaqeeya oo ay xaafaddayada macaariif yihiin ii shaqeeyay iina gudbiyay Qololka Danbe ee Dhakhtarka (Qaybta Payment-ka). Halkii ayaa lay dhigay, walaashay oo ila socotay ayaa la yidhi iyada ayaa ku haynaysa, waxaana laygu rakibay Oxygen. Walaashay lama siin wax ka hortag ah oo qalab ah maadaama ay iyadu i haynayso, xitaa Mask iyo Golf’s ha u yaraadaane, Anigayga Bukaanka ah xattaa layma siin. Walaashay Nimco Asad, waxay suuqa nooga doontay Mask iyo Golf’s oo halkii mask qiimo ahaan yahay wax ku dhaw $1. Ma jirin gargaar lay qabtay, xumaddii oo iga yara dejiyey mooyee qufaacii iyo neefqabatoowgii wali waan dareemayay. Xalay gabadhii neerasta ahayd waxay Ilawday inay isiiso dawadii aan qaadanayey Walaashay ayaa dhawr jeer xafiiska tagtay waanay weydey Ana waxaan dareemayey xanuun Saacad iyo badh kabacdi waxay isiisay Nimco Dawadii Oo ay igasiisay kaanoolihii aan xidhnaa Markii aan dawadii qaatay saacad kabacdi ayey iitimi oo gabadhii Nurse-ta ahayd i weydiisay dawadii waanan u sheegay in aanu weynay dhamaantood oo qaadanay dawadii. Shift C gii ayey soo galeen qoladii kale Wuu isoo maray kadib wuxuu idhahay Dawo ayaan kuu qorayaa haye ayaan dhahnay Xafiiskiisii ayuu ku noqday waanuu ilaabay inuu iikeeno dawadii isna oo sidii ayuu saaka waagu ku baryey. Meesha ma joogaan Cid nadaafada ka shaqeysaa, waxaanu xaafada ka dalbanay Masaxaad iyo baaldi iyo iskoobe aanu iskaga nadiifino. Saaka subaxnimaddii ayaan Wiil kamid ah Nurse-ta meesha ka shaqaynayay walaalo ka codsatay in uu Sariirta ii hagaajiyo, Cay iyo Aflagaado ayuu ugu jawaabay , Aniga ayà u kacay oo soo xareeyey nimco Waliba iyada oo ooyeysa, oo ka ooyeysa Xaalka meesha iyo daryeel la’aanta waliba Kibirku la socdo Waxaanan u sheegay in Innaku aynu ubaahanahay oo aan iskaga dul qaadano inta uu Xaalkaygu dhinac uun u dhacayo oo soo baxayso jawaabtu Ayuu Si Cad noo dhahay naa Baxa oo na dhaafa. Ugu danbayn. Markii aan waayay adeeg caafimaad oo lay qabtay aan ka ahayn Oxygen-taas, markii aan waayay Qalab aniga lay siiyo oo aan isku ilaaliyo, ama walaashay oo i haynaysay la siiyo, markii Nurse-ta meesha joogtaa si fiican noola dhaqmi wayday, ee cay iyo afladaago lay raaciyay, dhakhtarkii waan iskaga soo baxay, hadda qolkaygii ayaan Alle ku sugayaa. Waxaa layga qaaday baadhis, shalay oo ay taariikhdu ahayd 6-May-2020, wali waan sugayaa jawaabtayda. Isoo duceeya walaalayaal. Ilaahay ayuunbaa inoo maqan” Source
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray maamulka golayaasha iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare. Marxuumka oo sidoo kale ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-07052020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in shan qof ay cudurka Coronavirus ugu dhinteen Soomaaliya 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Waxay sidoo kale sheegtay inay kordheen dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, islamarkaana kiisaska ay hadda gaareen 928, halka sidoo kalena dad kale ay ka bogsadeen. Wasaaradda ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in dalka laga helay 55 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 19 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dowladda ay maalin qura shaaciso inay xanuunka ka bogsadeen. Guud ahaan waxaa hadda cudurka ka bogsaday 94 qof. 55-ka kiis ee cusub ayaa 41 ka mid ah waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka qof kalena uu yahay qof jooga deegaanada HirShabelle. Wasaaradda ma shaacin halka ay joogaan 13-ka kale, inkasta oo loo badinayo Puntland oo xalay tiradaas shaacisay. Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 55-ka bukaan ee cusub ay 37 ka mid ah yihiin lab, halka 18 kale ay yihiin dhedig. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 928 qof. Dhimashada illaa hadda waa 44 qof, waxaana bogsaday 94 qof.
-
Kabtanka kooxda Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed ayaa heshiisa cusub u saxiixay kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Gaadiidka uu horomar wanaagsan iyo guulo waaweyn ee la gaaray sii joogitaanka halkan uu kaga mahad celinayo maamulka ciidanka xoogga dalka ee Horseed. Macallinka Kooxda Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha naadiga DR.Maxamed Axmed Maxamed,isagoo sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida magaca Horseed dhamaan ciyaartooydana uu la yahay saaxiib aad u dhaw. Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay ka shaqeyn donaan horomarinta iyo kor u qaadida xirfadlayaasha u ciyaara naadiga ciidanka xooga ee Horseed. “Waan ku faraxsanahay sii joogitaanka kooxdda Horseed waxaan rajaynayaa in aan la gaaro guulo waaweyn mustaqbalka dhaw,waxaan u mahad celinaynaa saaxiibadii iyo maamulka igu dhiiri geliyay in aan sii joogo kooxdayda” ayuu Goobjoog u sheegay kabtanka naadiga Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Saxiixa Kabtanka Kooxda Horseed Source: goobjoog.com
-
Iyada oo dalku uu ka jiro Covid 19, baarlamaanka federaalka ah oo fasax tahay ayaa hadana waxaa dhow doorashada 2020/2021 oo ay aheyd in xilliga ay meel fiican mareyso. Haddaba Goobjoog News ayaa arrintaas kala hadashay Prof Afyare Cabdi Cilmi, Cabdinuur Daahir, Faysal Cabdi Rooble iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Ugu horreyn, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah. Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto, sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”. Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda isaga oo yiri“Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” . Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku iman karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo, laakiin waxaan kaloon ognahay waayahaan dambe oo dhan waxa inta si ula kac ah dib loogu dhigo oo la lug jiido ayaa marka saddexda bilood ee dambe la eryaa oo la rashgareeyaa laga yaabee inay taas hadda isleeyihiin taas ayaan yeelaynaa waana inay isku yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka si ay go’aan uga gaaraan waqti intee la eg ayaa lagu dari karaa” ayuu yiri. Dhankiisa, Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul oo u warramay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah. Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga hal qof iyo hal cod hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas” ayuu yiri Cabdinuur Daahir. Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo”. “Soomaaliya doorashadeeda dadka saameynta ku leh ama taageeraya beesha caalamka aa ka mid ah oo lacagta doorashada lagu sameeya dhiiba waxaa sidoo kale ka mid ah ciidanka AMISOM labadoodiba waxa ay ku mashquulsanyihiin inay iska difaacaan cudurka Coronavirus marka waxaan isleeyahay haddii ay dhacdo in Coronavirus sadexda ama afarta bil ee soo socota laga guuleysto waa laga yabaa in doorashadu laba ama saddex bil dib ha u dhacdee inay dhacdo laakiin haddii caalamka ay ku qaadato 5 bilood Soomaaliyana ay ku qaadato 10 bilood in doorashadu hal sanno dib u dhacayso ayey ila tahay” ayuu sii raaciyay Cabdinuur Daahir. Falanqeeyahan ayaa sidoo kale sheegay in xitaa Soomaaliya haddii uu waqtigaan ka dhamaado Coronavirus ay marwalba doorashadu waqtigeeda kadaba marayso isaga oo yiri “Anigu waxaan qabaa oo aan isleeyahay marwalba doorashaan Soomaaliya dib waa u dhacaysaa xilliga loogu tala galay ma qabsamayso Corona dhan haddii xitaa Soomaaliya laga waayo ma suurta galaeyso in bisha December ee soo aaddan baarlamaanka dalka lagu soo doorto hal qof iyo hal cod”. Waxaa sidoo kale, doorashada 2020/2021 Goobjoog News kala hadlay ka mid ah, aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika isaga oo yiri “Aad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo, madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer ha u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto, dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato” . Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in guddiga ay shaqo wadaan, oo haddii lagu dhaqaaqo in doorasho la qabto ay awoodaan. Mar aan weydiiney sida Covid 19 u saameyn karo shaqadooda waxa ay tiri “ Waan ku faraxsanahay, dadkana ay aad uga welwelaan, waddankan waxaa uu soo maray dhibaatooyin badan, waxaa uu soo maray xuquuq la’aan, dimoqoraadiyad la’aan, isdardar iyo is dilid, waxaanna hiigsaneynaa adduunka sida uu u socdo, kama duninin, oo dad banii’aad ayaan nahay, xoolo ma nihin, maskax ayaa ilaah na siiyey, dadku waa fekerayaan oo dunida wax fiican ayaa ka socdo.., waxaa lagu wada fekeraa in aan noqonno kuwa wax fiican hiigsada, doorasho wax caan ah, oo adduunyada oo dhan ka dhacda, oo qofkii, hey’addii ama dadkii la rabay in dalkaan maamulaan, in la doorto, oo raali laga yahay, shacabkeena middaas ayey sugayaan, xuquuq ka maqan waayey 50 sano. Covid dunida ayaa la mid nahay, waan ka tabar yahay, oo 30 sano ku dhawaad dagaal ku jiray ama soo kabanaayo, hadana la isma dhiganaayo, oo wixii la qaban karo ayaa la qabanaa, oo sida adduunka u saameeyo ayuu noo saameyn doonaa”. Guddiga baarlamaanka u saaray habraacyada waxay ka tiri” Waajibka saaran waxaa waayey, afta qeybood ee ahaan magaalada Muqdisho maxaa laga yeelayaa? Haweenka side loo ilaalinaa 30%, Somaliland xagee doorashadeeda laga qaban doonaa iyo kuraasta xagee la kala geynaa golaha shacabka”. Ma dhaceysaa doorasho qof iyo cod ah sanadkan waxaa ay ka tiri “Doorasho qof iyo cod ah wey dhaceysaa haddii umadda Soomaaliyeed ay u soo diyaar garoobaan, guddi ahaan innaga diyaar ayaan u nahay iney dhacdo doorasho” Ugu dameyntii waxaa ay Xaliimo Ismaaciil guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay sheegtay in May 27 hotgati doonaan Baarlamaanka iyaga oo wada go’aanka la xiriira dhicista doorashada ee waqtigeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
London (Caasimadda Online) Inkastoo dadka lagu adkeynayo iney wali kala fogaadaan maadaama xaalad adag lagu jiro, hadana Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay iney sidii caadiga aheyd u shaqeyn doonaan xawaaladaha lacagta lagu diro. Dhaq-dhaqaaqa xawaaladaha waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxeyna arintaas keentay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha si la mid ah nolosha beni’aadamka. Ingiriiska wuxuu ka mid yahay wadamada laga helay kiisaska ugu badan COVID19, sidoo kalana waa wadanka labaad ee dadka ugu badan ay ku geeriyoodeen sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee la qoray. Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa tallaabadaan ku tilmaantay mid u ogolaaneysa dadka Soomaalida ee ku nool wadanka galbeedka yurub ku yaala iney taageeraan qoysaskooda ku nool gudaha dalka. Wasiirka Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in dalka uu khasaari karo 5 Bilyan oo Dollar sabab la xiriirta COVID19, hadii uusan helin kaab dhaqaale oo dibadda kaga yimaada. Qoysas badan oo ku noo Soomaaliya ayaa ku tiirsan kaalmo dhaqaale oo kaga timaada dibadda, UK ayaana ka mid ah wadamada ugu badan oo ay Soomaalida wax ka sugaan, waxaana nolosha dadka halkaas ku nool ciriiri galiyay caabuqa Coronavirus.
-
“Madaxweyne Muusoow Haddii Aad U Badheedhayso Deegaankan Waxa Kaasoo Horreeyaa Waa Rag, Mushkiladda Ku Haysataana Waa Maxamed Kaahin Oo Aannaan Marnaba Ogolayn Beel Ahaan” Chief Caaqil Maxamuud Cali (SLT-Burco)- Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo ah Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Abokor (East Burco Clan) ayaa dhaliilo culus waxa uu dusha u saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in aanu nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Gobolka Sanaag daacad ka ahayn isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay aad uga soo hor jeedaan deegaan ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku tilmaamay shakhsi aan deegaankaasi laga jeclayn oo aanay raallo ka ahayn halka uu Madaxweynaha ugu baaqay in haddii uu baddali waayo siyaasadda ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay deegaankooda ay ka tashan doonaan. Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo shalay ka mid ahaa odayaal deegaanka ka tirsan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco waxa uu eedo u jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Daakhiliga halka uu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex maryau deegaanka Fadhigaab in ay walaalo noqdaan oo nabadda qaataan isaga oo Guddidii Beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan ugu baaqay in ay qaataan Masuuliyadda nabadaynta beelahaasi ku dirirsan Sanaag. Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Halkan waxa isugu yimid Beesha Muuse Abokor. Anigu waxaan ahay Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Abokor waxaanan xubin ka ahay Guddidii Gar-adag ee Beelaha East Burco Clan. Mudane Madaxweyne horta in aad wax waddo aniga waa la ii sheegay. Waanan kaa arkayaa oo waxaad daawatay Cajalado aan lagaa soo edit garayn oo waxa ay ku yidhaahdaan waa Kacaan diid. Dadkaa halkaa ka hadlayaa ee Cabanayaa waa dadkii rasmiga ahaa ee waddankana wax ugu filnaa waxna yeeli karayay. Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa halkaa deegaankaa Fadhigaab wax aka dhacday mashaqo. Labada beelood ee ku dirirsanba waxaannu ugu baaqaynaa nabad-galyo. Waxaanu leenahay waar walaalo ayaad tihiine gacmaha is qabsada. Beelihii Burco ku shiray waxaanu leenahay Guddidii ha hawl gasho. Dawladda waxaan leeyahay dawladeey ciidan fara badan iyo Tikniko ayaad soo kaxaysay Fadhigaab baad keentay oo aan qaadiba karayn laba Tikniko ah. Madaxweyne haddii farriin qaldan laguu keenana wax sax haddii aad waxan u badheedhaysana waxan aad ku socotaa waa rag. Madaxweynahayagii baad taay waanu ku ixtiraamaynaa sharaf baanu kuu haynaa. Dhibta ugu weyn ee ku haysataa waxa weeyi Maxamed Kaahin Axmed. Haddii aad rumaysan lahayd iyo haddii aanad rumaysateenba waa Maxamed dhibka ugu weyn eek u haystaa. Maxamed Kaahin raalli kama nihin. Reerkaa la yidhaa Axmed Faarax annaga ayaa xadhig u ah oo qabana. Sacad Yoonis iyo Biciide waxaanu leenahay waar tolow nabadgalyo iyo wanaag wax innoo dhaammaa ma jirtee aan wanaag ka wada shaqayno oo aan nabad qaadano. Walaalo noqda oo gacmaha is qabsada”. Ayuu hadalkiisa ku soo kooban Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud. Source
-
Shirkad lagu magacaabo Maandeeq ayaa muddo 16-sanno ah qaab aan la garanayn u maamulata Dakhli Culus oo Xukuumadda meel weyn ka gufayn lahaa kaasi oo aanay habayaraatee Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye hoos u eegin islmarkaana aanay Daraasayn mihiimka ku samayn Nadaafadda kawaanka Xoolaha Hargeysa oo Xoolo tiro badan iyo dakhli Culus laga dheefo. Sida lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Somaliland ee ay ka mid yihiin shabakadda wararka ee Wargeyska Yool (yoolnews.com) oo aanu warbixintan si rasmi ah uga soo xiganay, Shirkadda Maandeeq ayaa waxa mashruuca Nadaafadaynta “Hygiene” ee Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Magaalada Hargeysa ku wareejisay Xukuumaddii Daahir Riyaale wakhti ku siman Bishii January – 1-Deedii 2006-dii, taasi oo uu door weyn ku lahaa Maayarkii Wakhtigaasi ee Dawladda Hoose Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,oo la sheego inuu isaga laftiisu ka mid yahay saamilayda Shirkaddan, Waxaanay tan iyo wakhtigaasi oo ay hadda kaso wareegtay 16-sanadood si xor ah iskaga manaafacaadsanaysaa Kawaanka Xoolaha Hargeysa iyadoo aan wax la xisaabtan ah iyo jeekin ah kala kulmin Xukuumaddihii ka dambeeyay Xukuumadii UDUB, Wallaw la sheego inay Qaab laaluusho iskaga maamulan tahay shirkaddani. Shirkaddan ayaa waxay Neefka Geella ah ee lagu qalo Kawaanka ka qaadaa cashuur dhan, 58000-kun oo Shilin Somaliland ah oo nadaafad ah, Neefka Adhiga ahna 12000-kun, halka ay Neefka Lo’da ahna ka qaado 33000-kun, waxa isku celcelis ahaan Maalintii Kawaanka Hargeysa lagu qalaa Xoolo isku gayn noqonaya 5000-Neef oo iskugu jira Lo, Adhi iyo Geel, kuwaasi oo ay ka soo xerooto lacag ka badan 12-kun oo dollar, taasi oo sanadkii Noqonaysa Dakhli ka badan afar Milyan oo dollar, waxaanay lacagtaasi muddo 16-sanno ah sifo aan la garaynayn ugu dhacaysay jeebka Shaqsiyaasi gaar ah oo iska manaafacaadsadda. Arimaha Cajiib ah ee ka yaabiyay Ganacsatada Hiliblayaasha Hargeysa ee ay shirkaddani ku arkayayeen muddo dheer ayaa wax ka mid ah inay shirkaddani si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ay uga been sheegto tiradda xoolaha maalinlaha ee lagu qalo Kawaanka Hargeysa si ay u lunsato cashuurta yar ee kuwaajibtay inay Dawladda u xerayso, waxay si maalinle ah tiradda Xoolaha lagu qalo Kawaanka Xoolaha Hargeysa u gudbiyaan Maayarka Hargeysa, iyagoo si layaableh tirada Xoolaha u yareeya, tusaale ahaan waxay geella ka dhigaan 7-neef oo qudha halka ay boqolaal Neef oo Geel ah Kawaanka lagu qalo, taasi oo burbur ku ah nidaamka dakhli ururinta ee Qaranka, iyadoo aanay shirkaddani wax qaliin ah shaqo ku lahayn balse ay mashruuc ku haysato Nadaafadii “Hygiene” Dawladda Hoose qaban jirtay. Dakhli culus ayaa Xukuumadda kaga laaban Kawaanka Hargeysa oo ay shirkaddani nadaafadaynteeda gacanta ku hayso,haddii si fiican loo maamulo waxay kafayn kartaa qaybo dhan oo ka mid ah kharashaadka muhiimka ah ee Qaranka, gaar ahaan Dawladda hoose ee Hargeysa. Waa deked qalan oo aan la ogayn islamarkaana ay dheeftaan shaqsiyaad aan ku xisaabtamayn inay maruun la kulmi doonaan la xisaabtan dawladeed. Source
-
AU, UN hail investigation into cargo plane crash in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The African Union and the UN have welcomed the decision by leaders from Somalia, Kenya, and Ethiopia to investigate Monday’s plane crash in southwest Somalia which killed six people on board. In separate statements on Wednesday, senior officials of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UN humanitarian agency said they were saddened and troubled by the unfortunate incident involving an aircraft which was carrying aid supplies for use in the fight against the novel coronavirus. “We would like to pledge our continued solidarity with the governments of Somalia, Kenya and Ethiopia and will support and facilitate investigations aimed at clarifying the circumstances surrounding this incident,” Francois Madeira, AMISOM head of mission said. Both Kenyan and Somali leaders spoke on phone on Tuesday and resolved to conduct joint investigations into the cause of the crash. The Kenya-registered aircraft, belonging to African Express, crashed on Monday in Bardere, southwest Somalia as it approached the airport under unclear circumstances. The plane had six people, including the pilot, co-pilot, flight engineer and a trainee pilot. Kenya and Ethiopia are troop-contributing countries to the AMISOM which has, over the years, been supporting the Somali government in its effort to end the war, bring peace and develop the country. Adam Abdelmoula, resident and humanitarian coordinator for Somalia, said the UN will do everything possible to establish the cause of the incident, noting that the commercial plane was carrying humanitarian cargo for an international NGO. View the full article -
At least 16 people have died while more than 200,000 others have been affected by torrential rains and riverine floods since the Gu (April-June) rains started in Somalia a month ago, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Wednesday. OCHA said 10 other people are missing due to floods and at least 2,000 farms have been swamped by water. “The rains are likely to increase the risk of water-borne diseases,” OCHA warned in its latest report on the impact of floods in Somalia. The forecast by the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) indicates that the moderate to high flood risk is likely to persist at least through mid-May. This, the UN says, threatens urban and riverine populations, including in BeletWeyne (Hiraan) and Jowhar (Middle Shabelle) of Hirshabelle state. According to the UN, river levels have risen along the Shabelle basin and there is a high risk of flooding in the coming days and advised riverine communities in BeletWeyne to prepare for possible relocation during the week. The UN said the most impact has been felt in Puntland where a heavy downpour on April 27 killed eight people and displaced more than 22,000 people, and in Galmudug where six people have died and about 22,000 others are affected by floods. It said more than 100,000 people in South West State have been affected by floods while Jubaland has more than 11,800 flood-affected displaced families reported in Lower Juba region. The UN agency warned that the ongoing Gu (rainy season)’s flooding will exacerbate the humanitarian situation, joining the COVID-19 pandemic and locust infestation to form a “Triple Threat”. It said disruptions to transport due to damaged roads and COVID-19 restrictions have pushed food prices up in some affected areas. View the full article
-
Bodies of the four Kenyans who died in a plane crash in Somalia will be brought home on Thursday (today) evening. The private aircraft went down after being hit twice by Ethiopian forces rocket-propelled grenades in Bardale area in Baidoa on Monday, killing six people, four Kenyans and two Somalis. The cargo aircraft registered in Kenya as 5Y-AXO was reportedly shot down by a rocket missile while operating a domestic flight between Mogadishu and Baidoa, in Somalia. The plane, which belonged to the African Express Airways, is reported to have crashed around 3:30pm local time, killing all six people on board. The plane was delivering supplies related to the coronavirus pandemic and had initially left the Somali capital Mogadishu for Bardale. INVESTIGATIONS It was delivering medical supplies and mosquito nets to Bardale, Somalia at the time of the incident. Somali and Kenyan officials have agreed to investigate the crash jointly, an incident many thought could further escalate political tensions between the two countries. Members of the Somali militant group Al Shabaab remain active in southern Somalia. although Bardale and its airstrip are secure. The regions are under the protection of Somali forces and Ethiopian troops who are part of the African Union peacekeeping mission based in Somalia. Nairobi News View the full article
-
Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ayaa bayaan uu soo Saaray kaga Hadlay Colaada Deegaanka Ceel Afweyn. Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waxa uu ku yidhi sida tan: Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen Waxaan leeyahay samir iyo iimaan Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono Dhamaan qodobadii shirkii burco ee ay ku heshiiyeen West Burco Clan iyo East Burco Clan waxaan Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha East Burco Clan Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay Beelaha biciide iyo guud ahaan East Burco Clan Waxaan baraha bulshada ku arkaayey Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha East Burco Clan Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo Ilaalinta qaranimada iyo isutanaasulka Wabilaahi tawfiiq Source
-
Qaahira (Caasimadda Online) Shady Habash oo ahaa filim soo saare u dhashay dalka Masar ayaa xabsiga ku geeriyooday kadib markii uu cabay Khamri Sumeysan sida ay sheegtay dowladda. Shaqsigaan caanka ah ayaa la xiray kadib markii uu muuqaal jees jees ah ka sameeyay madaxweynaha talada wadanka Masar haya ee Cabdul Fataax Al Sisi. Sida lasoo wariyay Habash ayaa ku geeriyooday xabsiga Tora ee ku yalla magaalada Qaahira kadib markii uu si qaldan u cabay dareeraha gacmaha lagu dhaqdo oo ay ku jirto maaddo khamri ah. Sababta dhimashadiisa waxaa sheegay dacwad oogaha guud ee dalka Masar kaas oo arrinta Shady Habash loo xilsaaray. Jeermis dilaha uu isticmaalay wuxuu ahaa mid loogu talagalay maxaabiista si ay gacmaha ugu dhaqdaan wuxuuna ka mid yahay ololaha looga hortagayo cudurka Coronavirus ee dunida gilgilaya sida uu sheegay dacwad oogaha. Waxaa lasoo wariyay in Habash la xiray sanadkii 2018 iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, eeda uu xabsiga ku muteystay waxaa lagu sheegay inuu faafinayay warar been abuur ah iyo inuu ka tirsanaa urur argagixiso taasoo kiiskiisa sii cusleysay. Dhanka kale ninka geeriyooday ayaa horay u beeniyay inuu sameeyay muuqaalka lagu eedeeyay ee ah inuu ku jees-jeesay madaxweyne Sisi, waxaana sidoo kale jirta in kooxaha u doodaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen inuu waayay gar-gaar deg-deg ah taasna ay sababtay inuu xabsiga ku dhex geeriyoodo.
-
Khabiir caan ah, kuna mashquulsanaa helida daawada cudurka Caronavirus-ka ayaa la toogtay , waxaana warkan uu noqday mid dad badan ka nixiyay si weyna u hadal hayaan Warbaahinta dalka Mareykanku Bing Liu, oo ahaa khabiir ku xeel dheer dhanka baadhitaannada daawooyinka kana tirsanaa Jaamacadda Pittsburgh ee dalka Mareykanka ayaa lagu dhax toogtay guriga uu degnaa oo kuyaala deegaanka Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh ee Dalkaasi Maraykanka. Saraakiisha booliiska Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in khabiirkan lagu dhax dilay gurigiisa, waxa ayna sheegeen in ay socdaan baadhitaano lagu ogaanayo cida dilkiisa ka dambeesay iyo sababta loo dilay. Jaamacada uu katirsanaa khabiirkan la dilay ee Pittsburgh ayaa sheegay in Bing Liu uu ahaa khabiir wax badan kusoo kordhiyay cilmiga sayniska, waxa ayna Jaamacaddu sheegtay in khabiirkan ku dhawaa in uu helo daawada cudurka Caronavirus ee wakhtigan Aduunka saaqay ee cabsida nafeed ku haya. “Wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay dr Bing Liu.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay. Dilka loo geestay Khabiirkan ayaa kusoo aadaya xili Dhaqaatiir, Culumo iyo shirkado waa weyn dadaal badan ugu jiraan sidii loo heli lahaa daawada cudurka Caronavirus oo dad badan ku laayay dunida kuwa kalana hada la il daran yihiin. Source
-
(SLT-Garoowe)-Kormeerihii waxbarashada gobolka Nugaal ee maamul gobolleedka Puntland Cumar Guure ayaa maanta u geeriyooday cudurka Coronavirus, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Puntland. Mas’uulkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray xarunta lagu hayo dadka qaba Covid19 ee magaalada Garowe, kadib markii laga helay cudurka safmarka ee Coronavirus. Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee katirsan Puntland oo cudurka Covid19 u geeriyooday. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa naftiisa geliyay “xaalad adag” kadib markii go’aanno is xig-xigay ay dhaxal siiyeen in uu Washington ku yeesho saaxiibo yar iyo cadow badan, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta Bloomberg. “Dhaxal suguhu waxaa uu ku dhowyahay in loo naco si aan loo nicin xubin sare oo qoyska boqortooyadda ka tirsan mudada 75-ta sanno ah ee uu jiray isbahaysiga Maraykanka iyo Sucuudiga,” ayuu Bobby Ghosh ku qoray Bloomberg. “Waxaa uu ku dhowyahay in laga weeraro dhammaan xarumaha Dowladda ee Washington, arrimo badan awgood, kasoo billow dagaalka Yemen iyo xarigga dadka u ololeeya xuquuqda haweenka ilaa dilkii Jamal Khashoggi,” ee ka dhacay Istanbul, ayuu qoraalkiisa ku daray. Bin Salmaan waxaa uu sidoo kale curyaamiyay awooddiisa uu dhaq-dhaqaaq uga sameyn lahaa Washington markii uu dagaal saliidda ah la galay Ruushka, si uu u kordhiyo wax soo saarka boqortooyadda saliida hodanka ku ah, muranka uu Moscow la galayna waxaa uu qiimaha saliida geeyay meel hoose. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isku dayey in uu xakameeyo hoggaamiyaha Sacuudiga intii uu socday wada-hadal dhanka telefoonka ah oo uu si adag ugu goodiyay in uu ciidanka Maraykanka ka saarayo Sacuudiga, hadii uusan Bin Salmaan ka bixin muranka Saliida, sida ay dabacday Reuters. Hanjabaadda uu Madaxweyne Trump gudbiyay isagoo sheegaya in uusan ka hortagi karin sharci ciidanka Maraykanka looga soo saarayo Sucuudiga, ayaa Bin Salmaan ku kaliftay in uu la-taliyeyaashiisa ku amro in ay qolkiisa dibadda uga baxaan, Trump-na telefoonka ayuu ku damiyay Maxamed bin salmaan. Dhaxal suguhu “waa in uu hadda garowsadaa xadidaadyada istiraatiijiyadiisa aan caqli galka ahayn si uu salka ugu dhigo xiriirka Maraykanka, oo ah xulufada lama huraanka ah ee boqtooyadda, gaar ahaanna horumarinta qoyska koowaad,” ayuu qoray Ghosh. “Hoggaamiyeyaashii hore ee Sucuudiga waxay awoodeen in ay ku tiirsanaadaan saaxiibo ay ku leeyihiin congress-ka, si ay ugu doodaan dabacsanaanta Aqalka Cad. Laakiin MBS saaxiibo yar ayuu ku leeyahay Washington, islamarkaana, dadka olololeeya ee uu ku leeyahay halkaas ayaa ah kuwa xadidan, haddii uu adeegsan lahaa xasaradaha,” ayuu aragtidiisa ku daray qoraagu. Si ka duwan sidii hore, boqortooyadu mucaarad yar kuma lahan Congress-ka, dagaalka saliidda oo dhaqaalaha caalamku uu hadda kasoo kabanayo ayaa sidoo kale saameysay dhaxal sugaha Sucuudiga. “Dhaxal suguhu hadda xaalad adag ayuu ku suganyahay” ayuu yidhi Ghosh. “Waxa uu si aad ugu baahan yahay in uu xihiidh la sameysto Congress-ka, laakiin hadda taasi waa ay ku adkaan doontaa sababtoo ah waxaa uu ku dhaawacmay danaha shidaalka ee Maraykanka.” “Waqtiga uu Madaxweyne Trump bah-dilay bin Salmaan waa mid aan sahlaneyn: laba qaraxa dagaalka saliidda iyo safmareenka Coronavirus ayaa si weyn u dhaawacay dhaqaalaha Sacuudiga waxayna daciifiyeen hamigii dhaxal sugaha ee ahaa in uu isbedel ka sameeyo wadanka,” ayuu yidhi qoraaga maqalkaan. “Hadda dhaxal-suguhu waxaa uu ku go’doonsan yahay meesha uu la doonayey Madaxweyne Trump. La-taliyeyaashiisuna waa in ay rajeeyaan in si joogto ah dibadda loogu saari doono markii dhaxal sugaha laga soo waco Aqalka Cad.” Source
-
Taleefishinka qaranka ee Venezuela ayaa soo bandhigay muuqaal lagu muujinayo in muwaadiniin Ameerikaan ah ay maleegayeen inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Nicolás Maduro oo ay misana geeyaan waddanka Mareykanka. Luke Denman waxa uu ka mid ahaa 13 qof oo la xiray dabayaaqadii todobaadka. Venezuelana waxa ay sheegaysaa in ay ahaayeen “calooshood u shaqeystayaal” weerrarkoodii hubaysnaa lafashiliyay. Daawo: Mr Maduro ayaa badanaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu ku eedeeyaa inuu iskudayayo inuu xoog ku soo galo dalkiisa oo uu isaga xilka ka tuuro. Mr Trump ayaa bilowgii todobaadkan waxa uu gaashaanka u daruuray in Mareykanku uu arrintaas ku lugleeyahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka “ay adeegsan doonto wax walba” oo ay ku xaqiijinayso in raggaasi Ameerikaanka ah ay dib ugu soo laabtaan. Arbacadii ayaa waxaa muuqaal ku soo baxay, Mr Denman, oo ah 34-jir, kaas oo u muuqanayay inuu sharaxayay sida loogu soo kiraystay inuu dad u dhashay Venezuela ku tababaro Colombia ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Caracas oo uusan la wareegin gacan ku haynta garoonka diyaaradaha si uu u fududeeyo in Mr Maduro dalka looga saaro. “Waxaan dadka Venezuela gacan ka siinayay inay dib ula wareegaan maamulka dalkooda,” Mr Denman, oo hore uga tirsanaan jiray ciidammada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ayaa u muuqanayay inuu sidaasi leeyahay. Mr Denman ayaa sheegay in isaga iyo Airan Berry, oo 41-jir ah, uu qandaraas siiyay Jordan Goudreau, oo ah halyey hore oo milateriga Mareykanka ah kaas oo hogaamiya shirkadda Mareykanka ee Silvercorp, si ay howlgalka u fuliyaan. Venezuela ayaa sheegtay inay dalban doonto in loo soo dhoofiyo Mr Goudreau, kaas oo qirtay inuu howlgalka ku lug lahaa. Sida uu sheegay Mr Maduro, shirkadda Silvercorp ayaa waxa ay qandaraas la saxiixatay hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaidó, kaas oo ah siyaasi ay Mareykanka iyo dalal badan oo Yurub u arkaan hogaamiyaha sharciga ah ee Venezuela. “Donald Trump ayaa ah madaxa hogaaminayay weerrarkan”, ayuu yiri Mr Maduro mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay kaddib mar la baahiyay muuqaalka Mr Denman. Madaxweynaha Venezuela ayaa sheegay in raggaasi Mareykanka ah heli doonaan maxkamadayn cadaalad ah. Xogkale oo dheeraad ah oo ku saabsan meesha raggaasi lagu hayose muusan bixin. Mana ay cadda in qareen uu arki karo iyo in kale. Maxay yihiin muwaadiniinta Mareykanka ah ee la qabtay? Wax badan lagama oga cidda ay yihiin Luke Denman, oo 34 iyo Airan Berry, oo 41 jir ah. Taliye sare oo ka tirsan milatariga Venezuela ayaa sheegay in labada ruux ay xubno ka yihiin ciidamada ammaanka Mareykanka. Warbaahinta Mareykanka ayaa tabiyay inay yihiin xubno horay uga tirsanaa ciidanka, laakiin arrintan wali si rasmi ah looma xaqiijinin. Madaxweyne Trump oo Talaadadii raggaas wax laga weydiiyay ayaa yiri: 2Waan ogaan doonnaa. Waan maqalnay arrintooda,”. Wuxuu intaas ku daray inaysan labadaas qof wax xiriir ah la lahayn dowladdiisa. Hase ahaatee, Jordan Goudreau, oo horay uga tirsanaa milatariga Mareykanka ayaa durba sheegay in dadkaas ay ka mid ahaayeen ciidanka. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayuu ku yiri: “Way ila shaqeynayeen. Waa raggeyga.” Mr Goudreau, oo madax ka ah shirkad si gaar ah si gaar ah loo leeyahay oo amniga ka shaqeysa, laguna magacaabo Silvercorp USA, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadka diyaarinayay qorshaha afgambiga. Baaritaan ay dhawaan sameysay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa lagu sheegay in Mr Goudreau uu ka mid ahaa koox horay milatariga uga howlgabtay oo rag ka soo goostay ciidanka Venezuela ku tababarayay xero qarsoodi ah oo ku taalla Combia. Waxaa lagu soo warramay inay horay u qorsheeyeen howlo ka baxsan xuduudda oo lagu guul darreystay. Qprshaha ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah lagu damacsanaa weerar ka dhan ah sladhig milatari, si loo abuuro kacdoon horseeda in ugu dambeyn xilka laga tuuro madaxweynaha. Warbixinta ay AP soo saartay Jimcadii ayaa lagu sheegay in la helay caddeyn muujineysa in dowladda Mareykanka ay qorsheyaashan ku lug leedahay. Qaran News
-
Dawladda UK Britain oo shaacisey in adeegyada xawilaadaha ay sii furnaan doonaan ilaa iyo inta. Dowladda Boqortooyada Britain ayaa xaqiijisay in adeegyada xawilaadaha ay sii furnaan doonaan inta lagu jiro waqtigan adag ee la tacaalida cudurka Covid19. UK, ayaa kamid ah wadamada uu sida ba’an ugu faafay covid19, waxaana u geeriyooday dad gaaraya 30,000 halka uu ku dhacay dad ka badan 201,000 Bayaan kooban oo kasoo baxay safaaradda UK, ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tilaabadan ay ka dhigan tahay in qurba joogta Soomaaliyeed ay sii wadi karaan inay taageeraan asxaabtooda iyo eheladooda ku sugan Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aankaan, isagoo sheegay xawaaladuhu inay kaalin muhiimka qaataan nolasha dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan iyo sidoo kale dib u dhiska dalka. Tan iyo markii uu dillaacay Covid19, waxaa hoos u dhacay shaqooyinkii xawaaladaha iyo bangiyada, iyadoo ay saameeyeen tilaabooyinka lagula dagaalamayo covid19. Qaran News
-
Mareykanka oo si rasmi ah u shaaciyay 132 qof oo ku dhintay duqeymaha uu ka fuliyay Soomaaliya iyo wadamo kale Howlgallada milatariga Mareykanka ee ka socda afar dal illaa sanadkii 2019 waxaa ku dhintay 132 qof oo rayid ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Pentagon. Intaa waxaa u dheer, 91 qof oo rayid ah ayaa lagu dhaawacay hawlgallada ka socda Ciraaq, Suuriya, Afgaanistaan iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin sannadeedka Wasaaradda Difaaca ee ku saabsan khasaaraha rayidka ee la xiriira hawlgallada Mareykanka. “Qiimeynta waaxda difaaca Maraykanka ma aysan aqoonsanin wax khasaare ah oo rayid ah oo ka dhashay howlgalada militariga Mareykanka ee Yemen iyo Liibiya sanadka 2019,” ayaa lagu yiri warbixinta. Dhammaan hawlgallada Milatari ee Maraykanka ee sannadka 2019 waxaa loo fuliyay si waafaqsan sharciga shuruudaha dagaalka, oo ay ku jiraan sharciga ilaalinta dadka rayidka ah si loo yareeyo halista waxyeellada, ”ayaa lagu yiri warbixinta. Sida warbixinta lagu sheegay, khasaaraha ugu badan ee rayid ayaa ka dhacay Afghanistan, iyadoo 108 ay ku dhinteen 75 kalena ay ku dhaawacmeen. Ugu yaraan 22 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay 13 kalena waa lagu dhaawacay Ciraaq iyo Siiriya, halka laba qof lagu diley saddexna lagu dhaawacay Soomaaliya. Qaran News
-
At least 16 people have died while more than 200,000 others have been affected by torrential rains and riverine floods since the Gu (April-June) rains started in Somalia a month ago, UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Dadka Soomaalida ee isticmaala barta twitter-ka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay wadahadal la sheegay inuu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo iyo dhigiisa dalka Ciraaq Barham Saalix. Barta rasmiga ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu daabacay xaqiijinta wadahadalka dhexmaray labada masuul, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan sida looga hortagi karo xanuunka COVID19 iyo iskaashiga ay ka sameyn karaan la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada. Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo in ku dhaw Nus Malyan taageerayaal ah ku leh barta twitter-ka ayey dadka ku xiran siyaabo kala duwan uga falceliyeen qoraalka uu madaxweynaha soo qoray oo sidaan u qornaa. Waxaan khadka telefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha dalka Ciraaq walalakay Barham Saalix. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka aan kula jirno ka hortagga COVID19 iyo in 2da dal ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah. pic.twitter.com/EDZxV3AlFY — Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) May 6, 2020 Dadkii ka falceliyay waxaa ka mid ahaa Brahim Abdalle qof ku isticmaala oo sooq oray: “Madaxweyne oo hada Ciraaq Maxaa Dan Ah Oo Noogu Jirto Xiriirkooda Waa Dal Naga Liita Dhan Walba Amni Hadii La Dhaho Anaga Ayaa 100% Ka Fiican Dhanka Nolosha Iyo Dagnaashaha Anaga Ayaa Ka Fiican .. Mar Walba Waxaa La Fiiriyaa Dadka Kaa Koreeya Lama Fiiriyo Kuwa Kaa Hooseeya MUDANE” Abdirahman Farah qof ku isticmaala ayaa sidoo kale soo qoray: Labo qaawaan isma qaado” Waxaa jira qof kale oo madaxweynaha weydiiyay goorta uu la hadli doono Ra’isulwasaaraha Itoobiya isagoo leh: “Ciraaq xiriikeedu wax ah miyad ah oo gooni ah malahan hadii la jarane wax dhib ah kuma jiran ee madaxweynuhu gormow qadka kula hadli doonaa ra,iisul wazaaraha ithopia” Dhannka kale waxaa jira dad badan oo Madaxweynaha ku amaanay sida uu usoo nooleynaayo xiriirka wadamada dibadda, gaar ahaan kuwa carabta, iyadoo Ciraaq la aaminsan yahay iney ka mid tahay dalalka ugu xadaaradda badan dunida. “Cilaaqaadka Ciraq waan soo dhaweynayaa jaalle madaxweyne muhiimadu maaha dhaqaalaha iyo awoodda maanta ee cilmiga walaalnimada iyo xulufo badsiga siyaasadda intuba waa muhiim” waxaa sidaan soo qoray Shuceyb Dhuubane. Qof kale ayaa sidaan soo qoray: “Ciraaq waxay ka mid tahay waddamada caalamka ugu cimriga dheer, waa hooyadii aqoonta, waana wax wanaagsan in xiriirdhow aan yeelanno. Wax tarku maaha caloosha oo laguu buuxiyo ee waa cilmiga oo laguu buuxiyo (lagu siiyo)”
-
Popular Contributors
