-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Naiorbi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah Masuuliyiintii Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe (Galmudug), ee looga itaalka roonaaday dagaalkii magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in ujeedka ay u joogaan Nairobi uu yahay mid shaqo. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay inau kulamo la leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka. Waxa uu shaaca ka qaaday in inta badan xubnaha Ahlu-Sunna, marka laga reebo dhowr mooyee, ay ku sugan yihiin deegaanada Galmudug, ayna sii wadi doonaan inay difaacaan, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Shaakir ayaa dhinaca kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay uga baxday heshiiskii ay la galeen, si ay si buuxda ugu qabsato awoodda Galmudug. Waxa uu sheegay inuu ballan-qaadayo in Galmudug ay midowdo oo ay hal noqoto, haddii sida uu sheegay ay dowladda federaalka ogolaato in wax la wada yeesho, oo la wada dhisto. Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Shaakir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/560b7020-fd60-4db9-a643-c4695047aa1d_48k.mp3
-
Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen. Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Cod u qaadista muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). 87 Xildhibaan oo Maanta kulanka soo xaadirtay ayaa Cod gacan taag ah muddo kordhin hal sano ah ugu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen oo xil-hayntiisu ku e kayd 2024. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa kasoo wareegtay Muddo dhan 2-sano waxaana haatan la is waafajiyey Mudda xileedka Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas iyo Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Koofur Galbeed oo mudda kordhin u sameeyay Madaxweyne Laftagareen appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has put up a 24 hour call centre and two more hospitals to treat COVID19 patients as the country battles a surge in the number of citizens testing positive for the global pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali sabab la xiriirta eedeeyn musuq-maasul. Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey lacag sharci darro ah, Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii degmada Shibhis ee gobolka Banaadir oo xilka qaadis iyo xarig la isu’gu daray appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (PP News Desk) — The founder of the global money transfer company WorldRemit Dr Ismail Ahmed has donated one million US dollars to the Covid-19 Fund in Somaliland. The donation to the Fund comes in the form of medical supplies and equipment to combat Coronavirus. It is the first and single largest donation from a pioneering Somali business person to efforts to prevent spread of Covid-19. The donation to the Fund boosts efforts by Somaliland Government through Somaliland health service providers to which it committed three million dollars. The Director of the Somaliland Diaspora Department Sa’ad Mohamed Abdi thanked Dr Ismail and WorldRemit for the timely contribution to the Somaliland Covid-19 Fund. WorldRemit is based in London. © Puntland Post Monthly, 2020 The post WORLDREMIT FOUNDER DONATES ONE MILLION DOLLARS TO COVID-19 FUND IN SOMALILAND appeared first on Puntland Post.
-
Somali elite forces have liberated two villages in Southern Somalia following operations against al-Shabaab. According to a statement issued by SNA on Monday, Somalia’s DANAB forces have engaged al-Shabaab fighters in Abdi-Dhore and Berhani villages which lies 50km west of Kismayo town in Lower Jubba region. The forces managed to dislodge the group’s fighters from the villages. The locals in the villages have welcomed Danab soldiers. The villages are now secure and are in the hands of the forces,” the statement reads in part. The military said in its statement that the forces killed a number of al-Shabaab fighters during the clashes. The liberation of the two villages came hours after the Somali national army recaptured Bandhub and Bilane villages near Dinsor district of Bay region. The Somali government has intensified aerial and land operations against al-Shabaab in southern Somalia. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali, xilli uu wajahayo eedeymo la xiriira musuq-maasuq. Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa markii xilka laga qaaday kadib lagu xiray xarunta dambi-baarista CID ee Muqdisho, ayada oo uu ku socdo baaritaan musuq-maasuq oo ka dhashay lacag lagu soo rogay dadka degan degmada Shibis. Maamulka Degmada Shibis ayaa dhowaan waxa uu qoysaska dagan degmadaasi ku amray in ay bixiyaan lacagta dhan 12$, taasi oo laga rabo guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaalla degmada. Lacagta ay soo rogtay degmada Shibis ayaa ahayd mid ku kooban oo maamulka gobolka uusan ka war-hayn islamarkaana aysan la wadaagin degmooyinka kale ee gobolka. Warqadda lacagta oo lagu sheegay lacag diiwaan-gelin ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay dadka xaafadda, ayaga oo cabasho ka muujiyey taasi oo sida la sheegay maamulka gobolka uu ka war-helay. Markii maamulka Shibis uu soo saaray amarkan, ayaa dadka xaafadda la amray inay bixiyaan lacagtan dhan 12$ qoys kasta, qoyskii diidana laga qaadi doono tallaabo adag, sida ku qoran warqado shacabka loo qeybiyay. “Ma awoodno lacagtaan sababtoo ah shaqo ma jirto, shaqooyinkii waxaa loo fasaxay Covid-19 caruurtayda ayaa u la’ahay waxay cunaan meel kale lacag igama soo gasho dowladda waxaan ka codsanaynaa iney naga joojiso go’aankaan,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool degmadaasi oo la hadlay Caasimada Online.
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faah-faahinno kala duwan oo ka soo baxaya laba Qarax oo barqabbinadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose. Sheikh Shaakir oo sheegay in Dowladda federaalka ay dano gaar ah ka leedahay Siyaasadda Galmudug. Guddiga ka hortagga CRONA VIRUS oo ka digay halista ka dhalan karta in la qarsado xanuunkaan. Puntland oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka CRONA laga helo deegaannada Maamulkaasi. Maamulka Puntland oo Kordhinayay Goobaha lagula Tacaalayo Xanuunka Coronavirus oo dhowr iyo boqol kiis laga helay gudaha Dalka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay 3 milyan oo doller ay u diyariyeen la tacaalidda xanuunka COVID-19. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-20-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Shibis, Cabdiraxmaan Sayid Cali. Qoraal kooban oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale xabsiga la dhigay mas’uulkaasi, islamarkaana loo heysto musuq-maasuq. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu haatan Cabdiraxmaan Sayid Cali ku xiran yahay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, islamarkaana lagu hayo baaris. Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo loo xero eedeymo la xaruura wax is-daba marin ama musuq-maasuq. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Sanaaga ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda deegaanka Fadhigaab oo ay shalay ku dagaalameen labo beelood. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay haatan socdaan dadaallo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in labada beelood oo walaalo ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Dagaalkii u dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 5 qof oo isugu jiray dhinacyada diriraya iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan. View the full article
-
Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay tahay ka hortagga faafitaanka Covid-19. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo qorshuhu ahaa inuu maanta furmo kal-fadhiga 7-aad ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso: oon View the full article
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka adeegyada mashaariicda Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNOPS ayaa 12 gaadiid ah kuwa ammaanka ah ku wareejisay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. QM ayaa sheegtay in gaadiidka ay ku wareejiyeen Booliska Soomaaliyeed loogu tala galay in lagu xoojiyo ammaanka baraha koontarool ee magaalada Muqdisho. Gaadiidkaasi ayaa waxaa UNOPS kala wareegay ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda amniga, Mudane Axmed Cabdi Kooshin. Sidoo kale mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay kala wareegay gaadiidkaan ayaa waxaa ka mid ah agaasimaha gaadiidka ee Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Cabdulaahi Dabshid. Mas’uuliyiintii ka socday wasaaradda amniga iyo Booliiska ee la wareegay gaadiidka ayaa QM uga mahadceliyey deeqda ay soo gaarsiiyeen. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada iyo ammaanka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Waxaa maanta baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay muddo kordhin u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo wax ka yar saddex sanno ay uga harsan tahay muddo xil heyntiisa. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyay in madaxweyna Cabdicasiis Laftagareen loogu daro muddo hal sanno ah, si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. 87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka hal mar wakhtigooda ku egyahay oo ay isla dhacayaan. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen. 87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka madaxweynaha iyo barlamaanka hal-mar wakhtigooda ku egyahay. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa muddadii la doortay waxaa haatan ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood, balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article