-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Adis ababa 08/05/2020–Pi– kadib markii Mucaraadka Itoobiya ay badankoodu kasoo horjeeste qorshe ay Xukuumadu doonayso inay Doorashada Dib ugu dhigaan ayaa Raysal wasaaraha Dlkaas abiy [...] Source
-
Xubno ka mid ah golaha wasiiradda Puntland oo laga helay cudurka Coronavirus Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in labo Xubno ka mid ah Golaha wasiiradda Puntland laga helay Covid-19. Labadaan xubnood ayaa qeyb ka ah sideed qof oo maanta laga helay cudurka ka dib markii baahditaan lagu sameeyay 22 Qof. Wasiirka caafimaadku ma shaacin xog intaas ka badan oo ku saabsan wasiiradda laga helay cudurka Covid19, balse wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay. Dadka helay cudurka ayaa 4 kamid ah laga diiwaan galiyay magaalada Qardho. Gaalkacyo ayaa labo xaaladood laga helay halka labada kalena laga helay Garowe. Wasiirka caafimaadka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dad badan oo lagu arkay calaamadaha Covid19 ay ku dhinteen Bosaso iyo meelo kale iyagoo aan wax baadhitaan ah marin. Tirada guud ee dadka qaba cudurka Coronavirus ayaa gaadhtay 59, halka dhimashadu marayso labo qof. Qofkii labaad ayaa maanta u geeriyooday cudurka, wuxuuna ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Puntland ee Gobolka Nugaal. Qaran News
-
Ilhaan Cumar oo si lama filaan ah u saxiixday warqad ka timid urur Yahuudi ah oo ka dhan ah dal Islaami ah Ilhaan Cumar, oo lagu yaqaan inay si adag u dhaleecayso siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka ee ku wajahan Iran iyo Guddiga u ololeeya Israel ee AIPAC, ayaa ka yaabisay tageereyaasheeda kadib markii shaaca laga qaaday in ay saxiixday warqad Washington ugu baaqaysa in ay cusbooneeysiiyo cuna-qabateynta saaran Iran. Kooxda u ololeysa Israel ee magacooda loo soo gaabiyo AIPAC waxaa lagu yaqaaqaana in ay yihiin tan ugu weyn ee naqshadeysa siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Bariga Shexe, waxaaana si joogto ah loogu cambaareeyay in ay saameyn aan habooneyn ku yeesheen siyaasadda Maraykanka ee gobolka. Waxa la yaabka ka dhigay saxiixa Ilhaan Cumar, oo sidoo kale ay saxiixeen 391 xubnood oo ay aqalka ka wada tirsanyihiin, ayaa ah in Ilhan qudheeda ay kol hore si xooggan cambaareeysay AIPAC. Waxa sidoo kale xiisaha u yeelaya ayaa ah in Ilhaan Cumar ay dooratay in ay ka leexato xubno kale oo ka tirsan Congress-ka sida Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo la sheegay in aysan warqada saxiixin. Warqadda waxaa gadaal ka riixayay gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka Eliot Engel iyo Mike McCaul oo Jamhuuriga ka tirsan, waxayna ugu baaqaysaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo “in uu kordhiyo cuna-qabateynta si Iran looga ilaaliyo in ay hub iibsato iyo in ay iska iibiso.” Markii ugu horeeysay go’aanka Ilhaan Cumar waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Al-Monitor 4-tii May, warbixintaas oo ay durbadiiba faafiyeen warbaahinta Israel. Bryant Harris oo ka tirsan Al-Monitor ayaa kasoo xigtay war kasoo baxay xafiska Ilhaan Cumar “Xildhibaan Ilhaan waxay si joogto ah, muddo dheerba, u taageeri jirtay cuna-qabateynta hubka ee ka dhanka ah kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha.” “Ma jirto sharaxaad u qalanta oo uu bixiyay xafiiska Ilhaan, ama caqli ahaan u qalanta go’aankaan ceebta ah” ayuu yiri suxufi Falastiin u dhashay oo lagu magacaabo Ramzy Baroud, tifatire na ka ah wargeyska The Palestine Chronicle. “Ilhaan Cumar aaminaadda waxay ku heshay awoodda ay u leedahay in ay caqliga iyo dareenka wanaagsan u bandhigto siyaasaha Maraykanka ayna soo jeediso doodo cusub oo siyaasadeed oo ku wajahan siyasadda arrimaha dibadda Mareykanka, si gesinimo leha” ayuu yiri Baroud. Bishii January, Ilhaan Cumar waxay soo jeedisay qaraar ujeedkiisu ahaa in la hor istaago in Maraykanku uu awood militari u adeegsado Iran isaga oo aan ogolaansho ka heysan Congress-ka. Talaabadaas waxaa dhiiri geliyay shirqoolkii Maraykanku ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan militari-ga Iran, Gen. Qassem Soleimani. “Dilkii Qasem Soleimani waxaa uu ahaa ficil dagaal oo aan fasax ka ahaysan Congress-ka, xadgudubna ku ah dastuurka Maraykanka. Congress- ahaan waa in aan qaadanaa waajibkeena dastuuriga ah, aanna awooda u adeegsanno in aan joojino dagaal musiibo ah,” ayey Ilhaan ku sheegtay war soo saartay 5-tii January. Ma cadda in Ilhaan Cumar ay hadda kadib ka tanaasuli doonto booska ay ka taagantahay Ssyaasadaha Maraykanka iyo in kale. Qaran News
-
Qaran News
-
Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiis cusub oo ah cudurka Coronavirus. Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayey ku sheegeen in bukaanada ay ka mid yihiin 23 lagu baaray sheybaarka yaala magaala madaxda maamulkaas ee Garowe. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay. Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay ka mid yihiin labo wasiir, balse ma uusan magacaabin. Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa 2 ka mid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa labo, sidda warbixinta lagu sheegay. Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay inay haatan wanaagsan tahay. Puntland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran ugu faafayo xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku haya Soomaaliya. View the full article
-
Somalia’s confirmed cases of Covid-19 were on Thursday night hurtling towards 1,000 after 55 more people contracted the virus disease. Source: Hiiraan Online
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay, Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo aha guddoomiyihii ciyaaraha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka kooxo hubeysan ay ku dhex dileen masjid ku yaalla magaalada Afgooye, isaga oo ku dukanayey Salaada Taraawiixda. Raggii ka dambeeyey toogashada ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen falka ka dib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Marxuum Gaatamow oo muddo ku soo jiray Sport-iga ayaa sidoo kale ahaa Gool-Hayihii hore ee xulka Kubada Cagta Qaranka Soomaaliya. View the full article
-
Xog ku saabsan qaar ka mid ah Soomaalida cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey UK Kumanaan kun oo qof ayaa dalka UK ugu geeriyooday cudurka Covid19, waxaana dadkaasi ka mid ah ku dhowaad 40 qof oo Soomaali ah. Waxay isagu jiraan da’ kasta – waayeel iyo carruur – kana mid ahaa qaybaha bulshada. Tiro koobkii ugu dambeeyey ee laga sameeyey UK 2011, wuxuu muujinaya in Soomaalida degan UK ay yihiin 108,000, laakiin haddii la tirko koobo dadka British-ka ah ama dalalka kale ee reer Yurub dhalashooda haysta ee UK ku nool waxay tiradaasi noqon kartaa in ka badan 300,000. Xog ururrintii u dambeysay ee Dawladda UK ka soo baxday ayaa muujinaysa in dadka madow iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka kale ee laga badan yahay ay dalkeeda ka yihiin 14% tirada guud ee bulshada, haddana macluumaadka caafimaadka ayaa tilmaamaya in dadka u geeriyooday iyo kuwa uu sida xun ugu dhacay cudurka Covid19 ay yihiin 34% dadka la isku yiraahdo BAME ama bulshooyinka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay. Soomaalida oo ka mid ah bulshooyinkaas ayuu cudurka saameyn ku yeeshay. Dad badan oo Soomalai ah ayaa u dhintay balse waxaan halkan ku soo koobeynaa qaar ka mid ah, Allaha u naxariistee, Soomaalidii ku dhintay Nuur Cadde Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), ayaa Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009. Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii, waxaana 1-dii April 2020 uu ugu geeriyodeey Isbitaal ku yaal magaalada London cudurka Covid19. Nuur Cadde, Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dadka Soomalaida ee UK ugu dhintay coronavirus Nuur Cade ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dawladdii wadaaga aheyd ee uu qaybta ka ahaa Isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea. Nuur ka hor intii aanu siyaasadda ku biirin wuxuu soo noqday ciidamadda Booliiska, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed. Xudeydi Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”. Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray. Xudeydi wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay. Xudeydi ka sakow kamanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu gacan siiyey xornimo doonkii Jabuuti. Biriq Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya, una ciyaari jiray naadigii Batroolka, ka hor intii aanu u soo guurin Ingiriiska oo uu soo galay 1992-kii. Biriq wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sanadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa laacibiintii gobolka Hiiraan u matali jiray ciyaaraha gobollada. Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya. In muddo ahba, Biriq wuxuu laanta af-Soomaaliga ee BBC-da kala qayb gali jiray barnaamijyada falanqeynta cayaaraha sida tebinta tooska ah. Waxaa kale oo uu ku lahaa mehrad ganacsi xaafadda Harlesden ee degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada London. Wuxuu ahaa shakhsi aad uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee London oo uu xubin firfircoon ka ahaa. Baana Cali Injineer Baana Cabdalla Cali wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya, isla markaana udub dhexaad u ahaa dib u soo nooleynta kubadda koleyga Soomaaliya. Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo suuqeynta ee xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya. Baana Cali Waxaa kale oo uu xubin ka ahaa xiriirka ciyaaraha basketball-ka Afrika. Baana Cabdalla marka laga tago kubadda koleyga wuxuu xubin firfircoon ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee UK. Wuxuu cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey London 28-kii April. Baana Cali oo shahaadada Injineeriyada ka qaatay Jaamacad ku taalla London ayaa sidoo kale u shaqeyn jiray waaxda gaadiidka London, gaar ahaan qaybta tareennada. Khadiija Baar-cad Khadiija Maxamed Cali Kaar waxay aheyd 60 sano jir, waxaa ay iyada caruurteedu deganayeen dalka Sweden, hase yeeshee magaalada London oo ay ku nool yihiin qoyskeeda ayay booqasho ku joogtay, ka hor intii aanu ku dhicin cudurka Covid19. Khadiija Maxamed Cali Kaar waxay aheyd 60 sano jir, Khadiija oo qabtay xanuun xagga wadnaha markii uu cudurku ku dhacay waxay ka biyo diiday inay tagto Isbitaal, iyadoo ka qabtay walwal in ay ku dhimato Isbitaalka iyadoo aanay la joogin qoyskeeda, sida uu noo sheegay walaalkeed Cabdalla Maxamed Cali Kaar (Cabdalla Nairobi). Ismaaciil Ismaaciil Maxamed Cabdiwahaab wuxuu ahaa ardey 13 sano jir ah, wuxuuna 30-kii March 2020 Covid-19 ugu geeiryooday magaalada London, isagoo noqday xilligii dhimashadiisa qofkii ugu da’da yaraa ee cudurka ugu geeriyoodey UK. Ismaaciil oo deganaa xaafadda Brixton ayaan qabin wax cudur ah sida qoyskiisu ay sheegeen taasi oo meesha ka saartay in fayraska Corona uu Khatar ku yahay dadka waayeelka ah ee qaba cuduradda oo kaliya. Bog Internet oo dhaqaale ururin ah oo ay walaashiis sameysay oo yoolku ahaa in loo ururiyo $4,944 doolar ayaa maalmo gudahood loogu uruuriyey in ka badan $60 kun oo doolar. Ismaaciil wuxuu ku geeriyoodey Isbitaalka King College London oo ah Isbitaalkii uu ku geeriyoodey Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade). Waxaa lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee Eternal Gardens Maxamed Maki Maxamed Xaaji Maki wuxuu ahaa 49 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku geeriyoodey Isbitaalka Middlesex ee waqooyiga London, halkaasi oo uu ku ku jiray miyir doonsanaan muddo ku dhow afar todobaad. Maxamed Maki Muniir Maki oo uu dhalay marxuum Maki ayaa u sheegay BBC in aabihiis uu ahaa shakhsi aad Soomaalidu u taqaannay, waqooyiga iyo guud ahaan magaalada London, taasi oo ay ugu wacneyd farsamadiisa gacanta ee guryaha iyo goobaha ganacsiga. Muniir wuxuu sheegay in aabihiis uu sidoo kale caan ku ahaa arrimaha bulshada Soomaalida, isagoo ka qayb qaadan jirey gurmadka masaajidyada, dhismaha masaajidyada, caawinta bulshada iyo arrimaha Jaaliyadda Soomaalida. Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin “Aabahey maalintii uu dhintay illaa iyo hadda dad ayaa na soo wacaya oo leh lacag ayuu igu lahaa, shaqo ayuu ii qabtay oo lacagteedii ma siin, taasi waxay muujinaysaa in uu ahaa shakhsi dadka aan ku dhibi jirin lacag haddii aanay haysan” ayuu yiri Muniir. Maxamed Maki wuxuu ka tagay 8 caruur ah iyo xaas. Qaran News
-
Degmada Kaxda iyo degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay isaga hor yimid tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Labada degmo oo ku wada jiray groupka D ayaa sidoo kale u dambeeyey guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaxda ayaa la yimid 8 dhibcood, halka si la mid ah Hodan ay iyana keensatay 8 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuukar. Kaxda ayaa lugtii hore soo garaacday ama ka soo badisay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Hodan ayaa kulankii hore barabro la soo gashay dhiggeeda degmada Waabri, kadib markii ay la yimaadeen min 12 buundo. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in xaalado bani’aadanimo ay ku haysato gudaha xabsigaasi. Maxaabiista aan la hadalnay ayaa tilmaamay in aysan jirin wax daryeel ah oo ay ka helaan maamulka xabsiga dhexe. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in qaar ka mid ah Maxaabiista ay la-daala dhacayaan xanuuno kala duwan, iyagoona ka codsaday DF inay il gaar ah ku soo fiiriso. Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku jira Maxaabiis fara badan, kuwaas oo ku eedeysan fal-dambiyeedyo kala duwan, waxaana hadalkooda uu ku soo aadayaa, xilli uu haatan Soomaaliya fara ba’an ku hayo cudurka saf-marka ah ee dunida saameeyey Covid-19. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka fogaan-aragga guddiga Qaran ee xakameynta Coronavirus. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii loo xoojin lahaa dadaallada ay xukuumadda federaalka uga hortageyso Covid-19 oo haatan ku sii faafayo guud ahaan dalka. Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaday sidii loo ballaarin lahaa wacyi-gelinta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska. “Shirka fogaan-aragga ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Hassan Ali Khaire ayaa looga hadlay ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Khayre. Tirada Covid-19 ee Soomaaliya ayaa ku dhow 1000 qof, waxaana ay sii cagacageyneysaa 928 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka. View the full article
-
Turkey's lira briefly fell to a record low against the United States dollar on Thursday as investors fretted about depleted currency reserves and the need for foreign financing as the coronavirus pandemic drains the economy. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-080520.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay halkaas uu fatahaad ka sameeyay webiga Shabeelle, isla markaana dadka ay barakaceen. Degaannada ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka,Huriwaa, Diinlaawe, Duduble iyo Mansoor,waxaana dadkii deganaa ay u barakaceen tuulooyin ka fog Webiga oo aysan ka dhicin fatahaad. Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax, ayaa sheegay in fatahaada Wabiga uu baabi’iyay dalagyo badan oo ku yaallay Beeraha, isla markaana weli ay jiraan deegaano kale ay fatahaada gaartay. Waxaa uu sheegay, in dadka badankood ay u barakaceen deegaannada,Fiidow, Buurane iyo Caasimadda Shabeellaha Dhexe ee Jowhar,kuwaas oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah. Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada uu fatahaada ka sameeyo Wabiga gaar ahaan deegaannada hoostaga, Jowhar ,Balcad, Mahadaay iyo deegaano kale,waxaana dadka ay yihiin kuwo barakacay. PUNTLAND POST The post Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay tuulooyinka hoos yimaada degmada Mahadaay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacagta ay ku taageereyso doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dabayaaqada sanadkan illaa horraanta sanadka dambe. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo shalay jir jaraa’id oo dhanka muuqaalka intenetka ah u qabtay suxufiyiinta Muqdisho, ayaa sheegay in qambsoomidda doorashooyinka Soomaaliya ay u diyaariyeen lix milyan oo dollar. “Waxaan heynaa lacag aan ku caawineyno doorashada taasi oo dhan qiyaastii lix milyan oo dollar, oo 4 milyan oo ka mid ah aan hadda gacanta ku hayno,” ayuu yiri Yamamoto. Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda, taasina ay kala hadleen madaxweynaha iyo guddiga qaran ee doorashooyinka. “Doorashada soo socota, muhiimada waa qabashada doorashada waqtigeeda, waa inaad aamintaan tani waa midda aan kala hadlay madaxwayne Farmaajo, ra’iisul wasaraaha, gudoomiye Xaliimo Yareey iyo beesha caalamkaba, muhiimada ugu weyn waa qabashada doorashada waqtigeeda,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ah in la qabto doorasho dadka ay codeynayaan iyo in laga gudbo nidaamka qabiilka ku dhisan. “Waxaan dooneynaa in habkii qabiilka laga gudbo, oo baarlamaanka ay dadka doortaan, markaaas wax waliba oo aad rabtiin waan idinka taageyreynaa 100 %, sababta oo ah waa doorashadiina, sidaas darteed waxaan bixineynaa taladda ugu fiican,” ayuu yiri Yamamoto. Hadalka Yamamoto ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo, ayaga oo ku cudurdaaranaya cudurka Coronavirus.
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar, oo lagu yaqaan inay si adag u dhaleecayso siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka ee ku wajahan Iran iyo Guddiga u ololeeya Israel ee AIPAC, ayaa ka yaabisay tageereyaasheeda kadib markii shaaca laga qaaday in ay saxiixday warqad Washington ugu baaqaysa in ay cusbooneeysiiyo cuna-qabateynta saaran Iran. Kooxda u ololeysa Israel ee magacooda loo soo gaabiyo AIPAC waxaa lagu yaqaaqaana in ay yihiin tan ugu weyn ee naqshadeysa siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Bariga Shexe, waxaaana si joogto ah loogu cambaareeyay in ay saameyn aan habooneyn ku yeesheen siyaasadda Maraykanka ee gobolka. Waxa la yaabka ka dhigay saxiixa Ilhaan Cumar, oo sidoo kale ay saxiixeen 391 xubnood oo ay aqalka ka wada tirsanyihiin, ayaa ah in Ilhan qudheeda ay kol hore si xooggan cambaareeysay AIPAC. Waxa sidoo kale xiisaha u yeelaya ayaa ah in Ilhaan Cumar ay dooratay in ay ka leexato xubno kale oo ka tirsan Congress-ka sida Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo la sheegay in aysan warqada saxiixin. Warqadda waxaa gadaal ka riixayay gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka Eliot Engel iyo Mike McCaul oo Jamhuuriga ka tirsan, waxayna ugu baaqaysaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo “in uu kordhiyo cuna-qabateynta si Iran looga ilaaliyo in ay hub iibsato iyo in ay iska iibiso.” Markii ugu horeeysay go’aanka Ilhaan Cumar waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Al-Monitor 4-tii May, warbixintaas oo ay durbadiiba faafiyeen warbaahinta Israel. Bryant Harris oo ka tirsan Al-Monitor ayaa kasoo xigtay war kasoo baxay xafiska Ilhaan Cumar “Xildhibaan Ilhaan waxay si joogto ah, muddo dheerba, u taageeri jirtay cuna-qabateynta hubka ee ka dhanka ah kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha.” “Ma jirto sharaxaad u qalanta oo uu bixiyay xafiiska Ilhaan, ama caqli ahaan u qalanta go’aankaan ceebta ah” ayuu yiri suxufi Falastiin u dhashay oo lagu magacaabo Ramzy Baroud, tifatire na ka ah wargeyska The Palestine Chronicle. “Ilhaan Cumar aaminaadda waxay ku heshay awoodda ay u leedahay in ay caqliga iyo dareenka wanaagsan u bandhigto siyaasaha Maraykanka ayna soo jeediso doodo cusub oo siyaasadeed oo ku wajahan siyasadda arrimaha dibadda Mareykanka, si gesinimo leha” ayuu yiri Baroud. Bishii January, Ilhaan Cumar waxay soo jeedisay qaraar ujeedkiisu ahaa in la hor istaago in Maraykanku uu awood militari u adeegsado Iran isaga oo aan ogolaansho ka heysan Congress-ka. Talaabadaas waxaa dhiiri geliyay shirqoolkii Maraykanku ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan militari-ga Iran, Gen. Qassem Soleimani. “Dilkii Qasem Soleimani waxaa uu ahaa ficil dagaal oo aan fasax ka ahaysan Congress-ka, xadgudubna ku ah dastuurka Maraykanka. Congress- ahaan waa in aan qaadanaa waajibkeena dastuuriga ah, aanna awooda u adeegsanno in aan joojino dagaal musiibo ah,” ayey Ilhaan ku sheegtay war soo saartay 5-tii January. Ma cadda in Ilhaan Cumar ay hadda kadib ka tanaasuli doonto booska ay ka taagantahay Ssyaasadaha Maraykanka iyo in kale.
-
In a video message released this morning Prime Minister Abiy Ahmed issued a stern warning that his government will be forced to take all the actions against those who are engaged in illegal political activities and acts that are threatening to violate the constitution and constitutional order in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Flooding as a result of recent heavy rains has killed more than 260 people across East Africa. Source: Hiiraan Online
-
SAVANNAH, Ga. (AP) — Georgia authorities arrested a white father and son Thursday and charged them with murder in the February shooting death of a black man they had pursued in a truck after spotting him running in their neighborhood. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
