Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wareekto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay wasiir dowlaha wasaaradda dastuurka maamulkaasi ee Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo guddoomiyaha maxkamadda farcfaanka gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur. Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii wasiirkaan lagu soo eedeeyay inuu jabiyay amar la xiriira ka hortagga xanuunka Coronavirus islamarkaana uu sameeyay isu imaatin maadaama maamulka Hirshabeelle wasiir ka tirsanaa uu xanuunkaan u geeriyooday. Sidoo kale Cali Cabdulle Nuur oo ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobalka Shabeellaha dhexe ayaa isagane wareektadaan waxaa looga joojiyay shaqooyinkii uu hayay ka dib markii isaga lagu eedeeyay amar jabin ku aaddan ka hortagga COVID-19. Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ee ku aaddan masuuliyiintaan uu maanta shaqada ka joojiyay islamarkaana ka tirsan maamulkiisa. Halkaan ka akhriso dikareetada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya marayo, gaar ahaan arrimaha la tacaalidda Xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mudane Khayre uu mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka. Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19. Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee ku wajahan la tacaalidda xanuunka Coronavirus ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Beesha caalamka oo sheegtay in Taageerada ay Soomaaliya siiso u weecinayso La tacaalidda COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  3. Pyongyang (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato. Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey. Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas. Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay. Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April. Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan. Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April. CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin. REUTERS
  4. Gaariga la dhacay balse dib loo soo furtay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar, ayaa Maanta warbaahinta u soo bandhigay, Gaari nooca Xamuulka ah oo ay ka soo furteen dableey hubaysan, kuwaas oo xalay ku dhacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Qardho. Taliska ayaa sheegay, in saddex nin oo hubaysan ay Gaarigaas xalay ka dhaceen meel u dhexaysa magaalada Qardho iyo Tuulada Yakka ee Gobolka Karkaar, islamarkaan ay ula baxsadeen dhinaca Degmada Taleex ee Gobolka Sool, balse uu kaga xumaaday halka lagu magacaabo Dhaxan oo ka tirsan Sool. Saraakiisha Booliiska Gobolka Karkaar, waxay sheegeen in ay xoog ku soo furteen Gaarigaas Xamuulka ah iyo Alaabtii saarnayd, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen saddexdii nine ee Gaariga af-duubtay, kuwaas oo jeelka loo dhaadhiciyay. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar, oo u hawlgalay in ay soo bad-baadiyaan Gaarigaas Xamuulka ah iyo dhammaan ALaabtii saarnayd. PUNTLAND POST The post Qardho: Gaari la dhacay iyo Dableeydii la baxsatay oo la soo qabtay appeared first on Puntland Post.
  5. Deeqdan ayaa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation waxay maanta u qeybisay, ilaa 10kun qoys oo ka mid ah Qoysaska Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka km-13 Qeybinta Deeqdan ayaa waxay horudhac u tahay Barnaamijka Taakuleynta Dadka danyar ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Caawinaada u sameyso Hay’adda Hormuud Telecom Foundation. Sidoo kale Hay’adda Hormuud telecom foundation ayaa deeqdan waxay ugu talagashay in ay ka faa’ideystaan Dadka nugul ee aan awoodin inay helaan waxyaabaha Aas Aasiga ah ee nolosha looga maarmin. Qaar ka mid ah Dadka la siiyay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay Madaxda ugu sareysay Hay’adda Hormuud telecom foundation iyagoo sheegay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xiligii ay u baahnaayeen Madaama ay ku jiraan Diyaargarowga Fadliga Bisha Barakeysan oo Fooda nagu soo heysa. Cabdulahi Nuur Cismaan Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan uu daah fur u yahay Deeq noocaan oo kale oo maalmahan soo socda la siin doono dadka u baahan gar gaarka Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Hormud Foundation waxaa uu sheegay in kaalmooyinka noocaan ah ay ugu talagaleen dadka soomaaliyeed in ay si weyn uga faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan Sanad Walba Marka la gaaro bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa sidan oo kale Hay’adda hormuud Foundation waxay Caawinaad u sameysa dadka Somaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobolada Dalka oo dhan. halkaan ka daawo sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Maamulka Gobalka Banaadir oo uu hor boodayo duqa caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxa ay sheegeen inay magaalada Muqdisho ka bilaabeen olo’ole caasimadda looga buufinayo cudurka Coronavirus ee saameynta ku yeeshay caalaka oo idil. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana olo’olahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisa iyo xukuumadda dhexe ay isla garteen in xilliga habeenkii ah oo ay magaaladu bandowga tahay in guud ahaan magaalada Muqdisho laga buufin doono xanuunka COVID-19, waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray inay sii wadi doonaan wax kasta oo cudurkaan looga hortagi karo. Cudurka Coronavirus ayaa haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya maadaadama wasaaradda caafimaadka dalka ay xaqiijiyay tirade guud ee dadka laga helay cudurkaan inay gaarayaan 237 qof halka ay Soomaaliya xanuunkaan ugu geeriyoodeen 7, waxaana wasaaraddu ay sidoo kale sheegtay in COVID-19 ay ka bogsatay 3 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay hadal dhowaan ka soo baxaya madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni kaasi oo ku aaddanaa in ganacsatada reer Puntland aysan wax badeeco ah u dirin deegaanno kale oo ka baxsan kuwa Puntland. Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan ayaa hoosta ka xariiqay in haddii maamulka Puntland aysan ka laaban hadalkaasi ay iyaguna ka bixin doonaan jawaab ku haboon hadalkaasi oo uu madaxweyne Deni ku fasiray in la beekhaaminayo raashinka yaal deegaannadooda. Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxaa uu ku hanjabay in ay canshuur xad dhaaf ah saari doonaan badeecada ay u iib geeyaan deegannada Puntland isaga oo ku goodiyay in tanagga yaanyada ah ay canshuuri doonaan lacag dhan 20 doolar, waxa uuna ka dhawaajiyay in aysan iyagu joojin doonaanin badeecahada ay halkaasi u diraan. Lama oga halka uu sal dhigan doono khilaafkaan iminka soo kala dhexgalay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi deni iyo guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, inkastoo wali aysan jirin hadallo ka soo baxay ganacsatada labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) - The newly minted governor of Hiiraan, Ali Jeyte Osman has expressed his disappointment in the recent remarks made by the Puntland President Said Deni about sharing food resources during the COVID pandemic. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta shir ku saabsan hogaaminta iyo ansixinta mashaariicda Cadaaladda ee dalka, waxa uu la qaatay Hay’adaha Bahda Cadaaladda Federaal-ka iyo dhinaca kale Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah. Shirka oo ka qabsoomay Khadka Video-ga ee Internet-ka, waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo madaxda UNDP-Soomaaliya iyo UNSOM madaxa qeybta Cadaaladda iyo Amniga. Waxaa shirka goob joog ahaa deeq bixiye yaasha sida Netherland, Midowga yurub iyo Sweden Waxaan lagu anisixiyey howl qorsheyntii 2020 oo dib u eegis iyo wax ku dar lagu sameeyey. Sidoo kale, waxaa lagu anisixiyey in mashruuca waqtigiisa ku egyahay 2020 laagaarsiiyo 2021 si hakad uusan ugu iman adeegga cadaalladda ee loo hayo dadka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Shir la qaatay hay’adaha Taageera Bahda Cadaaladda dalka appeared first on Puntland Post.
  10. Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato. Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey. Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas. Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay. Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April. Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan. Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April. CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin. Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay. Laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Korea-da Koonfureed ayaa ku gacan seeray warbixinta CNN, ayaga oo aan sharxin in Kim uu qalliin maray iyo in kale. Madaxtooyada Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi. Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee maamula Shiinaha, gaar ahaan qeybta qaabilsan arrimaha Korea-da Waqooyi ayaa Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in Kim uusan xanuunsaneyn. China ayaa ah xulufada ugu weyn ee Korea-da Waqooyi. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Warar is-khilaafsan oo laga werinayo xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un appeared first on Puntland Post.
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeeyey ee cudurka halista badan Covid-19 laga helay deegaanada maamulkaasi. Wasiirada ayaa sheegtay in qofka laga helay xanuunka haatan lagu hayo isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale Naciimo Maxamed Catoosh ayaa carabka ku dhufatay inay jiraan dad kale oo looga shakiyey cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay shaacisay nay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo hoostaga maamulkaasi. Wasiir Naciimo ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen isbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada Galmudug inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu marba marka ka dambeyso cudurka Covid-19 uu ku sii baahayo gudaha dalka, kaas oo kiisas ugu badan laga helay Muqdisho. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 8 ruux.
  12. The U.S. has donated 350 hospital beds to Somalia to bolster the fight against COVID-19 as the number of cases in the country rise sharply. Source: Hiiraan Online
  13. Midowga Yurub ayaa Soomaalida ugu deeqay 27 milyan oo Euro, oo loogu tallo galay la dagaalanka Covid_19. Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa kulan uu Hargeysa kula yeeshay ururada bulshada oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnayeen, wuxuu ku sheegay in lacagtaas oo uu Midowga Yurub soo marin doono dawladda Soomaaliya ay Midow Yurub ahaan ugu tallo galeen inay Somaliland hesho 10 milyan oo Euro oo ka mid ah, waxaanu ururada ka codsaday inay dabo-gal ku sameeyaan qorshahan Midowga Yurub si ay lacagtaasi u soo gaadho Somaliland. Hase yeeshee waxa yaab noqday ka dib markii ay toddobaadkan Ururka Midowga Yurub iyo Ergayguba bartooda twitterka ku baahiyeen qorshe ka duwan oo ah in dhaqaalihii dhammaa 27 Milyan ee Euro laga saaray qaybtii Somaliland oo badankiisa la geliyay miisaaniyadda dawladda Soomaaliya iyo horumarinta imkaaniyaadka gobalka Banaadir. Sida ka muuqata Jaantuuska lagu baahiyay barta twitterka ee xafiiska Midowga Yurub ee Soomaalida qaabilsan 55.6% ka mid ah lacagtaas oo qiyaastii ah 15 million oo Euro, waxa toos loogu taageerayaa miisaaniyadda dawladda Soomaaliya, halka 20.4% milyan oo lacagtaas ka mid ah oo u dhiganta 5.5 milyan Euro loogu tallo galay horumarinta baahiyaha caafimaad ee gobalka Banaadir, iyadoo 24.1% oo u dhiganta 6.5 milyan loogu tallo galay wacyigelinta iyo kaabayaasha caafimaadka ee dhammaan dhulka oo dhan. Qaybtan dambe ee dhan 24.1% ayaa loogu tallo galay maamul goboleedyada ka tirsan dawladda Soomaaliya oo loo qaybin doono. Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Midowga Yurub u bedelay qorshihii uu hore u dejistay, meeshana uga saaray qoondadii ay ugu tallo galeen Somaliland. Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dawladda Soomaaliya ay iyadu samaysay qorshahan oo ay ku laashay qorshihii uu Midowga Yurub hore u dejiyay ee uu qaybteeda ku siiyay Somaliland, ka dib markii ay shir dhinaca telefoonka ah yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo xubno ka tirsan saraakiisha Midowga Yurub. Lama oga in dawladda Somaliland la socoto qorshahan lagu qadiyay Somaliland ee meesha lagaga saaray qaybtii ay Somaliland ka heli lahayd deeqdan. Laakiin xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa Geeska Afrika u sheegay inay walaacooda arrintan la xidhiidha qoraal ahaan ku gaadhsiiyeen ergayga Midowga Yurub oo aanay weli jawaab ka helin. Wasaaradaha qorshaynta iyo arrimaha dibadda oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan ayaanay noo suurtogelin. Xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub ayaa muddooyinkan dambe aad isugu soo dhawaaday ka dib markii uu diblomaasigani dhexdhexaadiyay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka oo uu dhex dhigay heshiis dejiyay xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay guddiga doorashooyinka qaranka. Source
  14. Toronto (HOL) - The Toronto Development Association of Youth (TODAY) group has announced that the annual Somali Week tournament held in Toronto will be cancelled because of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - Somalia recorded 73 cases of COVID-19 Monday, the highest ever noted since the first case last month amid concerns the country could be headed for a crisis as the pandemic spreads rapidly in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen maraakiibtooda inay isticmaalaan khad cusub oo u dhaxeeya iyaga iyo dalalka Bariga Afrika, wakaalada wararka Sacuudiga (SPA) ayaa werisay sidaa. Ku dhawaaqistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Sacuudi Carabiya ay kor u qaadday maalgashiga dekeddeeda warshadaha King Fahd ee ku taalla xeebta Badda Cas si ay u buuxiso baahiyaha gobolka. Khadkan cusub ee maraakiibta ayaa gacan ka geysan doona kor u qaadista gaadiidka xeebaha ee u dhexeeya dekedaha Boqortooyada iyo dekedaha Bariga Afrika. Sacuudigu wuxuu sheegay inuu khadkan bixin doona adeeg toos ah oo toddobaadle ah oo cusub oo u dhaxeeya Boqortooyada, Kenya Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo loo sii marinayo 4 markab oo heeggan ah. Source
  17. (SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov. Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay wada hadal muhiim ah oo dhinaca qadka taleefanka inuu dhex-maro Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka. Arrimaha labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iyo iskaashiga ku aadan dadaalada lagaga hortagayo cudurka Coronavirus. Sidoo kale bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu daabacay wada hadalada khadka taleefanka ee dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Source
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa haatan soo shaac-baxay khilaaf xoogan oo u dhexeeyo labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland, kaas oo ka dhashay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus ee dhowaan ka dilaacay Soomaaliya. Khilaafka ayaa yimid, kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu faray ganacsatada deegaanada maamulkiisa in aysan raashin u iib-geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Deni ayaa arrintaan oo saameyn ku yeelatay reer Hiiraan ku sheegay mid lagu xakameynayo cudurka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. “Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan.” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee HirShabelle, Cali Jeyte Cismaan oo ka jawaabay arrintaan ayaa shaaciyey in wax laga xumaado ay tahay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay in ganacsatada maamulkaas iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo aad u xoogan. Sidoo kale Jeyte oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Beledweyne ayaa raalli-gelin ka dalbaday Madaxweyne Deni, wuxuuna wacad ku maray haddii uu bixin waayo inay qaadi doonaan tallaabo ka daran mida ay qaadeen, sida uu hadalka u dhigay “Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii ay sii socoto arrintaan inay kor u qaadi doonaan ka maamul ahaan lacagaha Canshuuraha ee xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolka Hiraan ee la geeyo deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. “Ganacsatada waxa aan u ballan qaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan.” ayuu markale yiri Jeyte. Khilaafkaan ayaa durbo saameyn ku yeeshay xiriirka ganacsi ee HirShabelle iyo Puntland, iyadoona dhibaatada ugu daran ay wajahayaan ganacsatada labada dhinac.
  19. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns in the strongest terms possible the arrest of a prominent journalist in Baidoa, Southwest State of Somalia, for a news report featuring rape case. Journalist Mukhtar Mohamed Atosh, a reporter for Voice of America (VOA) Somali Service and Secretary of Trainings of NUSOJ, was today arrested in Baidoa by Southwest State police and taken to Crimes Investigation Department (CID), where he will be spending the night. A dozen of Southwest Police officers, led by Divisional Commander for Bay region Mr. Amin Mohamed Osman, carried out the operation to arrest the journalist at Jeeri Tower in the centre of Baidoa at around 17hrs. Police officers indicated Atosh was arrested for reporting yesterday the death of 14 years old girl who was raped and taken to Baidoa hospital where she died due to injuries sustained in the rape attack. “It is very appalling that instead of targeting the suspected rapists, Southwest administration chose to arrest and persecute journalist Mukhtar Mohamed Atosh for informing the public about the rape case and serious bodily harm that caused the victim’s death. The journalist has a right to shed light on this crime and Mukhtar Mohamed Atosh must regain his freedom,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. Following the VOA news report about the rape case, Southwest Authorities ordered the administration of Bay regional hospital to not talk to journalists and deny that the rape victim died at the hospital. Consequently, local journalists who sought to conduct interviews today were denied any information. “Clearly the arrest and detention of Mukhtar Atosh is in an attempt to silence his reporting on a serious sexual assault and the ramification of his arrest is to stop local journalists spreading the truth. This must stop now, people must know the truth, the rape victim deserves justice and journalists must continue doing their journalistic work freely and without intimidations” added Osman. View the full article
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiiru dowlihii wasaaradda dastuurka maamulkaasi, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle, kadib warqad uu soo saaray. Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirka uu si buuxda u jabiyey amarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan la’isugu imaan karin kulamo dadweyne, isagoona lagu eedeeyey inuu shalay ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar. Amarka la sheegay inuu jabiyey Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle ayaa la xariira mid looga hortagayo cudurka Coronavirus, kadib markii dadka u geeriyooday uu ka mid noqday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda maamulkaasi, marxuum Khaliif Muumin. HirShabelle ayaa geerida mas’uulkaasi, kadib mas’uuliyiinteeda oo ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxa ay is-galiyeen xaalad go’doon ah ama karantiil, si loo xakameeyo cudurka faafa ee Coronavirus oo ah mid saf-mar ah. Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, waxaana tirada ugu badan ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho.
  21. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee hada lamagacaay Cali Jeyte Cismaan ayaa ku hanjabay in ay Puntland ka joojinayaan Xoolaha iyo Qudaarta haduudan Madaxweyne Deni uusan ka [...] Source
  22. The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) said Monday it has enhanced its cooperation with Somalia to curb the spread of desert locust in the country. Source: Hiiraan Online