-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xarsi ayaa shaaciyey in uu ka dhacay xanuunka safmareenka ah Covid-19. Wasiir Cabdullaahi ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook qoraal uu soo dhigay ku sheegay inuu ku dhacay Covid-19, haddana ay xaaladiisu wanaagsan tahay oo ku jiro katantiil. “Waxaa igu dhacay Covid19. waana ladanahay hadda. Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maalmihii lasoo dhaafay. Waxaan isku xanibay guriga, cidna isma aragno, meelna umma baxo. Si aanan dad kale u qaadsiin, waxaan xanibnaan doonaa muddo 14 beri ah insha Allaah” ayuu qoraalka ku yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland. Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland ayaa dadweynaha u soo jeediyey in qofkii uu ku dhaco Covid-19, uu is karantiilo, si uusan u faafin xanuunka. “Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii xanuunsada uusan gurigiisa dhaafin. Hadii qofkaas Covid-19 ku dhacay caafimaad dareemayo, waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covid19” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi. Tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland ayaa ah 76 kiis, halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo xaqiijiyey in uu ku dhacay Covid-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Coronavirus ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 3 bukaan ay geeriyoodeen cudurka, halka 8 qof oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somaliland 17 iyo Puntiland 17. Bukaannda cusub 41 kamid waa rag 16-ka kalana waa haween, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 kiis, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 3 bukaan ay geeriyoodeen 8 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somaliland 17 iyo Puntiland 17. Bukaannda cusub 41 kamid waa rag 16-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada. Dowladda Soomaaliya oo xoogga saareysa xakameynta faafintaanka cudurka COVID-19, ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta cudurkaani bulshada ku yeelan karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somali ambassador to Egypt and the Arab League Abdikani Mohamed Wa’ays has died in Kuwait after contracting COVID19. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 3 bukaan ay geeriyoodeen, 8 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliua Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23, Somaliland 17 iyo Puntiland 17, bukaannda cusub 41 kamid ah waa rag,16-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiurka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Kiisaska Karoona oo kor u dhaafay Kun appeared first on Puntland Post.
-
Roma (Caasimada Online) – A young Italian woman who was kidnapped by unknown gunmen from Kenya while volunteering as an aid worker has finally landed in Rome on Sunday a day after being released. A plane carrying Silvia Romano and other government officials has on Sunday touched down Rome’s Ciampino airport at about 2 p.m. (1200 GMT). Romano, accompanied by several masked men from the intelligence service, was given an arousing welcome by high ranking officials including Prime Minister Giuseppe Conte and Di Maio who greeted her. Prime Minister Conte hailed efforts by the task force, the judiciary, the defense and foreign ministries who took part in the release of the young lady. “We are so glad to welcome Silvia back in such a delicate moment for the country. The State is always there, and will always be there,” Conte said. Silvia Romano was working for an Italian charity called Africa Milele in Kilifi Kenya before the terrible incident occurred. Reports said that after her kidnapping, Ms. Romano ended up in the hands of militants linked to Somalia’s al-Shabab Islamic extremists. Al-Shabab has been blamed for a series of kidnappings of foreigners along Kenya’s coast. Kenya said the abductions of four foreigners prompted it to send troops to Somalia in 2011 to fight al-Shabab members. In 2011, a British man was shot dead and his wife kidnapped from a resort island, while weeks later a French woman was taken from her home on the Lamu archipelago. Soon afterward Al-Shabaab gunmen abducted two Spanish aid workers from the Dadaab refugee camp close to the Somali border in the only confirmed case of kidnapping inside Kenya by the jihadists. In April 2019, two Cuban doctors were kidnapped in northeastern Kenya and whisked to Somalia before $1.5 million (1.35 million euros) was demanded for their release. Kenyan police sources said the kidnapping bore the hallmarks of Al-Shabaab, a militant outfit that has been waging an insurgency against Somalia’s foreign-backed government for over a decade.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah cudurka Covid-19. Warbixinta wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 57 qof laga helay xanuunka, kadib baaris lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in 23 ka mid ah dadkaasi laga diiwaan-geliyey Muqdisho, Somaliland oo ah 17 iyo Puntland oo laga diiwaan-geliyey 17 qof. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhimashada ay tahay 3 ruux, taas oo tirada guud ee dhimashada Covid-19 ka dhigeysa illaa 51 qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 1,054 kiis, iyadoo dadka ka bogsadana ay gaarayaan 118 qof, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia. View the full article
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Waare ayaa waxaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa, waxayna magaalada Beledweyne ay u tageen sidii ay qeyb kaga noqon lahaayeen dadaalada looga hortagayo fatahaadda webiga Shabelle. Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa xusay in la kordhin doono dadaalada looga hortagayo fatahaada webiga Shabelle. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Maydka Allaha u naxariisto wasiirkii wax barashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud ayaa maanta laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Sayyid Muxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo si aas qaran loogu sameeyo wasiirka gudaha magaalada Kismaayo. Waxaa janaasada marxuumka garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland oo ay hor kacayaan madaxwayne Axmad Maxamad Islaam Madoobe iyo labada madaxwayne ku xigeen . Meydka Marxuumka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo salaada janaasada ah lagu tukaday laguna aasay halkaasi iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen madaxda maamulka. Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismaayo ee caasimada dowlad goboleedka Jubbaland maadaama wasiirka uu ku geeriyooday wadanka Hindiya ka dib markii wasiirka uu haleelay xanuunka kansarka ugu dambayna uu u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland marxuum Macalin Maxamed Ibraahim oo maalmo ka hor ku geerIyooday dalka Hindaya ayaa Aas loogu sameeyey magaalada Kismaayo. Diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho ayaa maanta Kismaayo keentay meydka Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim, waxaana markii meydka la keenay garoonka ku sugnaa madaxda ugu sarreysa Jubbaland iyo dad shacab ah. Meydka marxuum Macalin Maxamed Ibraahim waxaa diyaarada ka soo dajiyay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxaa diyaarada waday meydka Wasiirka la socday qaar kamid ah eheladiisa, xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka ah iyo xubno kale oo magaalada Kismaayo u yimid sidii ay uga qaybgali lahaayeen aaska. Meydka ayaa la geeyay qubuuraha magaalada Kismaayo, halkaas oo salaada janaasada lagu tukaday, iyadoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo kala duwan. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo lagu aasay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Roma (Caasimada Online) – Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, ayaa maanta ku laabatay magaalada Roma, kadib markii laga sii daysay kooxda Al-Shabaab oo in ka badan sanad iyo bar afduub ugu haysatay Soomaaliya. Silvia, oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay kasoo qafaalatay deegaanka Chakama ee County-ga Kalifi ee dalka Kenya bishii November ee 2018-kii, ayaa lagu sii daayey howl-gal habeenkii Jimcaha ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho, kaasi oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka talyaaniga ee Aise. Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Silvia kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ciampino ee magaalada Roma, halkaasi oo ay cago dhigatay diyaaraddii ka qaaday magaalada muqdisho. Waxaa la arkayey ayada oo aad u faraxsan oo dhoola-cadeeneysa islamarkaana hab siineysa hooyadeed iyo walaasheed “Aaad ayaan u fiicanahay iminka, waxaan doonayaa kaliya inaan la midoobo qoyskeyga oo aan muddo arag,” ayey tiri Silvia. Diyaaradda Silvia ka qaaday Muqdisho, ayaa ka degtay garoonka Ciampino 2:00pm ee xilliga Roma, waxaana dadkii soo dhoweeyey ka mid ahaa, ra’iisul wasaare Giuseppe Conte, wasiirko arrimaha dibedda Luigi Di Maio iyo xubno ka mid ah qoyskeeda. “Nasiib wanaag, jir ahaan iyo maskax ahaan waan wanaagsanahay. Aad ayaan u faraxsanahay, kadib wax badan waa ay wanaagsan tahay inaan soo laabtay,” ayey tiri Silvia. Silvia ayaa waxa ay xirneyd dhar Soomaali dirac iyo xijaab ah, ayada oo sidoo kalena sidatay maaskaro iyo gacmo gashi looga hortago cudurka Coronavirus. “Soo dhowow Silvia. Waa astaan rajo iyo kalsooni muujineysa in dalkaaga uu ku joogo, oo aanay dhibaatooyinka kale ee jira ka mashquulin inuuku caawiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Conte. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sii deysmada Silvia ayaa waxaa muddo ka shaqeynaysay Hay’adda Sirdoonka Dibedda iyo Amniga Talyaaniga ee loo soo gaabiyo Aise, ayaga oo ay kala shaqeeyeen kuwa Soomaaliya iyo Turkiga. Hoos ka daawo sawirrada iyo muuqaalka Silvia ee Roma
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hanjabaadii la weriyey in madaxweyne Donald Trump uu u geystay dhaxal-sugaha dalkaa Maxamed Bin Salmaan. Afhayeen u hadlay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington oo lagu magacaabo Fahd Nazer ayaa sheegay in warbixintii Reuters ee ku saabsaneyd wadahadalkii teleefonka ku dhexmaray Donald Trump iyo Maxamed Bin salmaan “ayna ka turjumeynin xushmadda u dhaxaysa labada dhinac.” Warbixinta Reuters oo soo xigatay saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga ugu goodiyay in uu joojin doono Taageeradda millatari ee boqortooyadda. Fahd Nazer ayaa warbixinta waxaa uu ku sheegay inay “gebi ahaanba weecisay nuxurkii iyo ujeedkii wadahadalka” ee dhacay 2-dii April. Madaxweynaha Mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan waxaa uu weydiistay in uu yareeyo soo saarka saliidda, si loo xakameeyo qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacday markii khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Sucuudiga uu sii xoogeystay. Sucuudiga iyo ururka wadamadda shidaalka dhoofiya ee loo yaqaano OPEC ayaa dhankooda sheegay in ay yareynayaan soo saarka saliidda iyagoo ka jawaabaya dalabka Madaxweyne Trump. Wakaaladda Warraka ee Reuters ayaa kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah in dhamaadkii bishii April Madaxweyne Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu hanjabay in uu dhimayo taageeradda millatari ee Sucuudiga haddii aanu joojin loolanka suuqyadda shidaalka. Reuters waxay warbixinteeda ku sheegtay in Trump uu Maxamed Bin Salmaan u sheegay in xukuumadda Washington ay la bixi doonto ciidankeeda jooga boqortooyadda haddii ururka OPEC aanu yareyn soo saarka saliidda. Source
-
Marxuum Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa waxuu dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988. Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008. Ambassador Cabdiqani Maxamed Waceys oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976. Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986. Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987. Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988. Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991. Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001. Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009. Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012. Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016. Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019. Marxuum Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka. Ugu dambeyn wasiir cawad ayaa yiri ” Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba ka tirsan Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta laga reebay diyaarad ku socotay magaalada Kismaay iyagoo qorshahooda ahaa sida ay sheegeen iney ka qeyb galaan aaska wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo dhawaan geeriyooday. Cabdullaahi Shiekh Ismacil (Fartaag) iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa labaduba laga dajiyay diyaarad ku socotay magaalada Kismaayo. Sida uu saxaafadda u sheegay C/llaahi Fartaag, diyaaradii siday Meydka Wasiirka ayaa soo martay Itoobiya, waxeyna maanta kusoo dagtay Muqdisho ka hor inta aan loo qaadin Kismaayo, wuxuuna ka mid ahaa tiro dad ah oo Kismaayo ugu socday ka qeybgalka Aaska loo sameynayo Wasiirka. “Markii aan garoonka tagnay ee nala saaray diyaaradii ayuu Sarkaal Nabadsugid ah amar ku bixiyay diyaaradda in la damiyo, soona dagaan dadkii saarnaa,” ayuu C/llaahi Fartaag u sheegay mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah. Sidoo kale Senator-ka wuxuu cod dheer ku sheegay cidda ka dambeysay xayiraadda la saaray, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay in hawlwadeenada diyaaradda loo sheegay ineysan diyaaradda dhoofi karin hadii aan la reebin labadooda. Fartaag wuxuu saxaafadda sidoo kale u sheegay in amarka looga reebay diyaaradda uu ka yimid Wasiirka Duulista iyo Hawada xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda Nabad-Sugidda. Ugu dambeyntiina wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda ay wakhti ku bixiso siyaasi mucaarad ah oo aas u socday. HALKAAN KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Codka-Fartaag.mp3
-
Degmada Bosaas ee xarunta Gobolka Bari waxaa afartii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ku yeelanayay dhallinyaro ka socotay magaalada Melbourne ee Dalka Australia iyo qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan gobolka Bari,waxayna arintan dhiiri-gelin u noqotay dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanada Puntland,iyagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso isu soo dhawaashaha labada dhinac. Guddoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne DR.Xuseen Xararkow ayaa u u mahad celiyay shacabka iyo bahda isboortiga degmada Bosaaso sida weyn ee loogu soo dhaweeyay degmadaas wuxuuna sheegay 2019 in ay ku soo aadeen xili roobaad oo aad u degan dhallinyarada ay ka heleyn. Tababaraha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay kooxihii ay kula ciyaareen degmada Bosaaso,ay dhallinyarada si wanaagsan ula qabsadeyn tan ay qeyb ka tahay is dhaxgalka bulshada ay kooxda Melbourne ku marayso maamulka Goboleedyada Soomaaliya Taageerayaal badan ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka qeyb galay kulamadii saaxiibtinimo ay deegaanada Boosaaso ku ciyaareen dhallinyarada Melbourne iyo xidigaha ka dheela deegaanada Maamulka Puntland,iyagoo sheegay in ay tahay is dhaxgalka aad u wanaagsan oo labada dhinac ah Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Dhaxgalka Ciyaartooyda Puntland Iyo Melbourne Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa su’aal ka keenay sharciga ay dalka ku joogaan ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM. Guuleed ayaa saluugsan habka ay ciidamada Itoobiya ku joogaan gudaha dalka, waxaana la ogyahay in baaritaankii ay AMISOM ku sameeyeen diyaaradii ku burburtay Bardaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo aan ka tirsaneyn kana amar qaadan taliskooda. Iyadoo ay taasi jirto ayuu siyaasigaan weydiiyay dowladda federaalka laba su’aalood oo ay tahay iney ka jawaabaan. Ciidamada Itoobiya ee la sheegay inay soo rideen diyaaradda, sharcigee ayey dalka ku joogaan kuna soo galeen, mala hor keenay sharciga, sidoo kalana golayaasha qaranka ma ansixiyeen? Yaa qaadanaya masuuliyadda dadkii Soomaaliyeed oo ay dileen, xad gudubka ay ku sameeyeen madax banaanida dalka iyo dhibaatada ay geesteenba? Inkastoo arrintaan aan si weyn loo falanqeyn, haddana dowladda waxey ku qasban tahay inay ka jawaabto su’aalaha la hordhigay, waxaana laga sugayaa sidii ay uga falcelin laheyd dhibtaas dhacday. Ugu dambeyntii madaxweynahii hore Galmudug ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid noqon doono musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka isu soo taagi doona marka la gaaro wakhtiga xiga ee doorashada.
-
Qaran News
-
Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya is-aragii 3-aad ee wareega koowaad ayaa waxaa caawa ku madlan Wadajir iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan Wadajir ayaa labadii kulan ee hore kulan soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Kaaraan ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna laga soo badiyey. Dhinaca kale Xasan Weli Sheekh Abuubabar oo ah guddoomiyaha guddiga tartanka Shabelle oo ka warbixiyey kulanka caawa ee Wadajir iyo Kaaraan ayaa sheegay in dib loo durjiyey waqtiga uu barnaamijka soo gali jiray oo aheyd 9:00 habeenimo, wuxuuna tilmaamay in caawa laga bilaabo uu tartanka soo galayo 10:05 daqiiqo, kadib talooyin ka yimid degmooyinka sanadkan ka qeyb galaya tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saacada soo socda Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare uu ku wajahan yahay magaalada Beledweyne ee gobolkaasi. Cali Jeyte ayaa tilmaamay inuu Madaxweynaha u kuur-geli doono xaaladda adag ee magaaladaasi oo laga cabsi qabo in markale uu ku fataho webiga Shabelle. Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa carabka ku dhuftay inay xabsiga dhigeen dad u shaqeeya NJO, islamarkaan si gaar ah uga faa’iideysanaya dhibaatada heysata shacabka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Waare.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
