Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19 waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurkan. kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkeenna.. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda weyn ee shacab iyo dowladba ina saaran, gaar ahaan Bahda Caafimaadka oo ah indhihii dalka wakhtigan adag. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka. Madaxweynaha ayaa ugu bishaareeyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan Xarumaha Karantiilka Bukaannada cudurka COVID-19 in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  2. Sida aan la wada socona 7 bishan May ayaa Gudigii Gurmadka waxyeeladii Fadahaada Wabiga Shabeele ee Baladweyne ee Sannadkii hore ayaa sheegay in aanay soo [...] Source
  3. Warbixin kooban oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faahfaahin looga bixiyay kulan maqal iyo muuqaal ah, oo khadka internet-ka ku dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre, madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka, kaas looga wada-hadlay dardar gelinta Gurmadka magaalada Qardho ee Karkaar. Warbixintaas ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ay Puntland codsatay uu fududeeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ,islamarkaana uu ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre loogana hadlay sidii shacabka Qardho loogu heli lahaa biyo xireen ka leexiya ka leexiya daadka. Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si wadajir ah xubnaha Beesha Caalamka ee kulankaas ka qayb-galay uga codsaday, in la dardar geliyo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay fataahaaddii dhowaan ku dhuftay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar “Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Siciid Cabdillaahi Deni. Kulanka madaxweyne Deni uu la qaatay dowladda dhexe iyo beesha caalamka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo gurmad uu ka socdo lagu samato bixinayo magaalada Qardho oo dhowaan dad ay ku soo rogmadeen kuwaas oo saameyn xoogan u geystay bulshada ku dhaqan magaalada Qardho ee gobolka karkaar ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki ayaa Axaddii, 3-dii May, waxa uu booqasho lama filaan ah ku tegay dalka Itoobiya, isaga oo soo afjaray warar laysla dhex-marayey oo ku saabsan halka uu ka baxay kaligii-taliyahan caburinta ku haya dadkiisa. Booqashadan ayaa layaab ku noqotay dad badan sababtoo ah sida uu cudurka Coronavirus u billowday madaxda caalamka waxay intooda badan kulamooda ku qabanayeen muuqaal xagga internet-ka, sidaas darteeda waxay tani abuurtay su’aalo la iska weydiiyo ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya socdaalka. Waxaa hadda soo baxaya in qorshaha safarka Afwerki uu la xiriiray inuu ku beeniyo warar ay aad u hadal hayeen qurbo-joogta Eritrea iyo dadka Itoobiya oo ku saabsan in sababta aan muddo loogu arag fagaaraha dadweynaha ay tahay in xaaladdiisa caafimaad ay liidato. Socdaalkan ka hor, Afwerki ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegay dalka Sacuudiga, oo sida la sheegay uu u aaday xaalad caafimaad, taasi oo sare u qaaday wararka la xiriira in caafimaadkiisa aanu wanaagsaneyn. William Davidson, oo ah fallanqeeyaha sare ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga, International Crisis Group (ICG) u qaabilsan Ethiopia, ayaa sheegay in sababta Afwerki u doortay in kulamo lagu qaban karo online uu u tegoAddis Ababa ay tahay inuu yiraahdo “waan caafimaad qabaa.” “Kadib markii wararka xaaladdiisa ay sare u kaceen, Afwerki wuxuu doortay inuu sameeyo jawaab xooggan, oo ah in caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay, islamarkaana weli uu xiriir wanaagsan la leeyahay Abiy, kaalin fir-fircoonna ku leeyahay diblomaasiyadda gobolka,” ayuu yiri William Davidson. Si kastaba, taxliilayaasha qaar ayaa rumeysan in go’aanka Afwerki uu uga jawaabay wararka ku saabsan caafimaadkiisa laga yaabo inay sii xoojeysay tuhunkii ayada oo dirtay farriin ah inay wax ka jiraan, sababtoo ah “warar aan waxba ka jirin, kama jawaabeyn.”
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___-Qumanaha-wararka-11052020ww.mp3 View the full article
  6. Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegtay gacanta ku dhigay illaa saddex nin oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka argagixasada Al-Shabaab iyo Daacish. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo shakiga laga in ay tursan yihiin dagaalamayaasha Al-shabab iyo Daacish sida ay sheegeen saraakiishu. Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalada looga hortagayo falalka amaan dari ee mararka qaar ka dhaca deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso oo dhowr jeer falal amniga lid ku ah ka dhaceen Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo adaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada magaalada Qardho ee gobolka Karkaar oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada deg degta ah ee hadda loo baahan yahay si loo soo celiyo nolosha dadka magaalada Qardho maadama daadaka ku soo rogmaday magaalada ay dhinac weliba ay ka saameeyeen oo xitaa ganacsigii magaaladu istaagay. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen ayna wajahayeen xaaladda adag ee dhanka nolosha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Martiini oo ah isbitaal gaar u ah la tacaalidda cudurka Coronavirus ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo haatan isbitaalka laga saaray. Dadkaas 34 kamid ah waxay ahaayeen rag, halka sideeda kale ay dumar ahaayeen. Inta badan bukaannadaas ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxaana lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsadaan. Sida lagu baahiyey warbixin kasoo baxday. Baadi Duqoow Macallin waxa uu ahaa bukaan muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd ee uu geliyay xanuunkaas, haatana dhakhaatiirta ayaa u ogolaatay in uu gurigiisa isku karantiilo. Baadi waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiin sababo la xiriiro cabsi laga qabay in uusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay daryeel fiican, sida lagu sheegay warbixinta. “Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow. Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag oo neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan xanuunkan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladoodana ay dhakhaatiirtu la socon doonaan. Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Dahabo Xasan oo isbitaalka la geeyay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay ‘inaan isbitaalka Martiini la geynin’ balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID-19 ayey go’aansadeen inay geeyaan Martiini. “Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka la i keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaahey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo. Isbitaalkan waxaa la sheegay in lagu sameeyay horumarin waxaana ka howl gala dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal isku bedela shaqada, kuwaas oo xilli kasta heegan ah. Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay daryeel u fidinta dadka la il daran xanuunkaas ee la keeno Isbitaalka iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Corona. Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday, sida lagu sheegay warbixintan. Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhakhaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin.
  9. Mogadishu (Caasimada Online) – Five members of a family including four children were killed when portion of their house collapsed following heavy rains in Mogadishu on Sunday night. The incident occurred at Wadajir district in the capital during the wee hours of the night while the victims were at sleep. ‘’A mother and her four children died in the terrible incident’’ said a local resident who visited the site of the accident. The heavy downpour also hit hard in other parts of the capital leaving hundreds of people homeless and destroyed property of unknown value. The bodies of the victims were retrieved from the drenched debris after the overnight downpour. Added the local resident. On 27 April, massive flash flooding swept through the city of Qardho in the northeastern Bari region, part of the autonomous Puntland state. At least 10 people have died and several others are thought to be missing. Hundreds of families have reportedly lost their homes. The rains are likely to increase the risk of water-borne diseases,” UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) warned in its latest report on the impact of floods in Somalia. The forecast by the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) also indicated that the moderate to high flood risk is likely to persist at least through mid-May. According to the UN, river levels have risen along the Shabelle basin and there is a high risk of flooding in coming days and advised riverine communities in BeletWeyne to prepare for possible relocation during the week. The UN said more than 100,000 people in South West State have been affected by floods while Jubaland has more than 11,800 flood-affected displaced families reported in Lower Juba region. The UN agency warned that the ongoing Gu (rainy season)’s flooding will exacerbate the humanitarian situation, joining the COVID-19 pandemic and locust infestation to form a “Triple Threat”. It said disruptions to transport due to damaged roads and COVID-19 restrictions have pushed food prices up in some affected areas.
  10. Ciidamada Kumandoska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay iney weerareen degaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, iyaga oo sheegay in ay khasaare ugu geysteen Al-shabaab. Saraakiisha ciidamada Xoogga ee Danab ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka ku qaadayeen uu degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerar ku qaadeen markii ay xogtaas heleen sida ay sheegeen taliska ciidamada xoogga dalka ee Danab. Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandoska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa wuxuu Warbaahinta qaran u sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen goobtii uu shirku uga socday saraakiisha ka tirsan Al-shabaab waxaana ay sheegeen in ciidamada ay weerarka ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ajaanib iyo Soomaali isugu jira. G/lle Maalin ayaa xusay iney weerarka ay ku dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu kasoo jeedo dalka Maali oo ka tirnasanaa Al-shabab iyaga oo intaas ku daray oo mid ka mid ah , lagu magacaabo (Abuu Ayman) Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada Sarkaal ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen dagaalamayaal fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa. Goobjog News Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada xoogan ee ka dhalatay Heshiiskii 30-sanno ee ay ka baxday dhawaan, kaasi oo gebi ahaanba ay dib ugula soo laabatay huteelka Hargeysa Club. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore ayaa sheegay inay xukuumada Somaliland ay xaq u leedahay inay soo ceshato hantida maguurtada ah ee gacanta ugu jirta dadka shacabka ah. Wasiir Saleebaan Koore ayaa ka dhawaajiyey in Hargeysa Club uu kamid yahay hantida dowladdu ay dib usoo ceshatay intii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi, isagoona xusay in xukuumadu ay xaq u leedahay inay xiliga ay rabto la wareegi karto hantideeda. Wasiir Koore ayaa inkasta oo uusan si faah-faahsan uga hadlin Xiisadaasi ayaa haddana waxaa uu carabka ku adkeeyay in dowladdu ay xaq u leedahay inay la wareegto huteelkaasi, iyada oo aysan cidna u daba fadhiisaneyn. Koore ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu dad shacab ah kala wareegay dhul balaadhan, taasi oo ku sheegay in laga dhisayo Madaxtooyo u qalanta meeqaamka Somaliland, midaasi oo soo if-bixineysa awooda ay xukuumada Biixi u adeegsaneyso shacabka, maadama ay la wareegayso hanti shaqsi ah oo uu Dastuurku ilaaliyay. Xiisada ka dhalatay huteelka Hargeysa Club ayaa horseeday inay galbeedka gobolka Sanaag ka abuurmato Jabhad cusub oo ka soo horjeeda talaabadaasi, midaasi oo uu ka dambeeyo Suldaankii ay xukuumadu sida qasabka ah ugala wareegtay huteelkaasi, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay xogta Jabhadaasi oo uu abuuray Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada qof ee xukuumadu ay hore ugu wareejisay huteelka Hargeysa Club, lana saxeexday heshiiska 30-ka sanno ah ee ay uga baxday. – Halkan ku dhufo si aad xogtaasi oo dhan u aqrisato
  12. Guddiga Gurmadka Fatahaadihii ka dhacay magaalada Beleweyne ayaa 7-dii bishan laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin intii ay wadeen u gurmashada dadka ku nool magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xaqiijisay in lacagtaasi ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka dowladda federaalka Soomaaliya, hase yeeshee madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalintii shalay sheegay in lacagtaas lasoo gaarsiiyey shalay. Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) oo wareysi siinayey VOA-da ayaa xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay Safiirka dowladda Jabuutti ayaa sheegay in lacagta iyaga dhankooda ay ka soo wareegtay sanadkii 2019-ka. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kasta ay dhibaato dhacdo ahaa midka ugu horeeyo waa kii kol hore soo diray dhowr diyaaradood qalab caafimaad iyo cuntada nafaqada leh ay ka mid ahaayeen iyo Jeeg lacag oo $600,000 ah waa tii loo soo diray markii fatahaduhu ka dhaceen Baledweyne 2019-kii, lacagtaasi waxaa ay qeyb ka aheyd gurmadkaas loo fidinaayey dadkii ku dhibaatooday fatahadihii labo dowlad goboleed ayaa ugu darnaa sidaan xasuusto Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo intaba ay dhibaatooyin ay ka dhaceen ayey aheyd” ayuu safiirku. Safiirka dowladda Jabuutti oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in maamulka lacagtaas 2019-kii lagu wareejiyey guddigii dowladda federaalka ay u magacowday gurmadka qaran oo uu hoggaaminaayey wasiirka wasaaradda Garraarka iyo Musiibooyinka Xamse Siciid Xamse isaga oo intaas ku daray in maamulka looga dambeeyey DFS. “Qorshaha iyo arrimaha farsamada ahba dowladda Soomaaliyeed ama ha noqoto dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada ha noqoto, lakiin shacabka reer Jabuutti wixii ay ugu soo gurmadeen walaalahooda waxaa waajib ka saaran yahay in ay u dhibaan dowladdii dhexe, guddigii dowladda Soomaaliya ay u magacowday gurmadka qaran oo uu hoggaaminayey wasiirkii wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyika Xamse uu hoggaaminayey ayaan annagu gacanta kaga ridnay waadna ogtahay sida uu waajibku yahay waa sidaas” ayuu yiri Safiirka dalka Jabuutti. Safiirka Jamhuuiyadda Jabuutti ayaa carabka ku dhuftay in iyaga dhankooda ay guteen waajibkii ka saarnaa ka qeyb qaadashada gurmadka loo sameynayo dadka ay saameen fataahadaha isaga oo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato sidiii loogu gurman lahaa fatahaadaha ka dhacay meelo badan oo dalka ah waxaana uu yiri isaga oo ka hadkayo. ” Gargaarkaas wuu naga soo tagay umadda Soomaaliyeedna hoggaankeedii ayaan u dhiibnay annaga xageena inaan waajibkaas umadda Jubuutti ay gudatay kuwa soo socdana uu xil naga saaran yahay oo walaalaheenna aan u gurman doono kan maanta jooga iyo kii yimaado kuwii isku gurmado aan nahay waxaan rajaynaynaa masiibada maanta taagan ee cusub umadda Soomaaliyeed ee ganacsatada ah shicibka iyo culimada ay gurmato hey’adaha caalamka iyo kuwa goobolka waa inaan u gurmanaa umaddaas Soomaaliyeed ilaa ay cagaheeda auy isku taageyso. Hadalka ka soo yeeray Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle uu sheegay in sanadkii hore lacagtii loogu talo galay fatahaadii Baladweyne aan la gaarsiin isaga oo sheegay in lacagtaas sanadkaan ay timid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wasiirka caafimaadka Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu 11 May 2020 la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay dalka ee COVID-19. Dr. Fowsiya ayaa ku dhawaaqday in tirada xaaladaha cusub ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay saddex maamul goboleed oo kala duwan. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyey 24 xaaladood, maamulka Puntland 8 xaaladood iyo maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan. Ugu dambeyn waxa ay bulshada u sharaxday qaabka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareynta bixida ama aadista meelaha la’isugu yimaado. View the full article
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-11052020.mp3 View the full article
  15. Roma (Caasimada Online) – Wargeyska Corriere della Sera ee dalka Talyaaniga ayaa qoray in Silvia Romano oo ahayd gabadhii ay haysteen Al-Shabaab ee lasii daayey habeenkii Jimcaha, lagu sii daayey madax furasho kadib wada-xaajod socday lix bilood. Wargeyska ayaa Silvia kasoo xigtay inay rumeysan tahay in wada-hadallada lagu sii daayey ay billowdeen bishii November ee sanadkii tegay, markaasi oo ay ahayd sanad guuradii koowaad ee afduubkeeda, sababtoo waxaa markaas laga duubay muuqaal caddeynaya inay nooshahay. “Waxaa la ii sheegay inaan duubo muuqaal aan ku sheegayo magacayga iyo taariikhda iyo inaan xaqiijiyo inaan bad-qabo,” ayey tiri Silvia, oo intaas ku dartay inay duubtay saddex muuqaal oo kala duwan kahor inta aan lasii deyn. Corriere della Sera ayaa qoray in sirdoonka Talyaaniga ay kala shaqeeyaan kuwa Turkiga iyo kuwa Soomaalida sidii loo sii deyn lahaa. Silvia waxay sheegtay in 17-kii Janaayo ay duubtay muuqaal kale, ayada oo intaas ku dartay inay rumeysan tahay in muuqaalkaas uu ahaa kii ay ku xaqiiqsatay in lasii dyan doono. Wargeyska ayaa qoray in horaantii sanadkan la gud agalay wejigii ugu dambeeyey ee wada-xaajoodyada, islamarkaana dadkii isku xirayey Talyaaniga iyo Al-Shabab lacagtooda la siiyey, lana diyaariyey lacagta madax furashada. Weli ma cadda lacagta ku baxday sii daynteeda, hase yeeshee Corriere della Sera ayaa qoray inay u dhaxeyn karto laba illaa afar milyan oo euro oo kaash ah. Kadib markii dunida uu ka dillaacay cudurka Coronavirus, waxaa adkaaday in xiriiro la sameeyo, taasi oo sii deynta dib u dhigtay, balse waa ay furnaayeen wada-hadallada, sida lagu sheegay warbixinta Corriere della Sera. Bartamihii April, sirdoonka Talyaaniga ayaa helay muuqaalkii la duubay 17-kii Janaayo, kaasi oo ay ku tiri “waxaan ahay Silvia Romano, waa 17-ka Janaayo.” Markaas kadib, sirdoonka Turkiga ayaa Talyaaniga siiyey in dib loo billaabo wada-xaajoodyada, waxaana toddobaad kahor inta aan lasii deyn Silvia ay war farxad leh ka maqashay kuwii haystay oo ku yiri “hadda waan kusii dayneynaa.” Isla waqtigaas koox ka socotay sirdoonka Talyaaniga ayaa soo gaaray Muqdisho, si ay Silvia ugala soo wareegaan gacanta Al-Shabaab, waxaana kadib maalmihii xigay la guda galay in la isku raacay xilliga iyo goobta ballanta. Sida ay tiri warbixinta Corriere della Sera, waxaa la isku raacay deegaan 30km u jira magaalada Muqdisho in lagula kala wareego Silvia, habeenkii Jimcaha ee 8-da May. Habeenkaas ayaa waxaa jiray in hoobiyeyaal lagu tuuray xerada Xalane, sidoo kalena ay da’een roobab xooggan, taasi oo howl-galka kala wareegistay halis gelisay, balse si kastaba lagu sii dhaqaaqay. Kooxdii Talyaaniga ayaa tagtay goobta, waxaana yimid afduubayaashii oo waday Silvia. Waxaa la tijaabiyey caafimaadkeeda maskax iyo mid jir ahaan, kadibna markii kooxda la siiyey lacgatooda, ayaa halkaas lagula wareegay Silvia. Dhowr saac kadib Silvia ayada oo nabad qabta ayey soo gaartay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, maalin kadibna Rome ayaa loo duuliyey.
  16. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah ka dib maanta wasaaradda caafimaadka baaritaanno ay sameysey. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in hal ruux uu u geeriyooday, 3 qofood oo kalana ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 24 Somaliland 8 iyo Puntiland 3. Bukaannda cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089 xaaladood, 52 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 121 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna ku dhaqmaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Sanatar Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farayaag oo mar soo noqday Madaxweyne Xigeenka Jubbaland iminkana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa Waraysi uu maanta siiyey Saxaafada [...] Source
  18. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Wuxuu la hadlay Beesha Caalamka oo uu kala hadlay Qorshaha Mustaqbalka Qardho. Kulanka oo ku dhacay qaab [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo Iimaan Caddow ayaa galabta isagoo xiran laga soo dejiyay magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Guddoomiye Iimaan Caddow ayaa dhawaan diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenka gobalka Gedo ahna ku simaha guddoomiyaha gobalka. Waan waan ay sameeyeen odayaasha degaanka iyo masuuliyiinta gobalka ayaa mira dhali weysay, waxaana la sheegay in guddoomiyaha uu diidanaa xil ka qaadistiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka soo qabtay magaalada Garbahaareey, waxaana diyaarad gaar ah looga soo qaaday isla magaaladaas. Lama oga sida ay ka yeeli doonto dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu kamid yahay mas’uuliyiin dhowr ah oo diiday isbadalka gobalka, kuwaas oo qaarkood sidaan oo kale Muqdisho loo keenay. Maamulka Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in faro-gelin ku heyso maamulkaas gaar ahaan arrimaha Gedo, iyadoo ka digtay qatar arintaas ka dhalan karta.
  20. Qaar ka mida culimada waa weyn ee reer Somaliland ayaa soo jeediyay in salaadaha Faralka, Taraawixda iyo Taajudka lagu tukaddo guryaha, inta xannuunka safmareerka ah ee Covid-19 uu taagan yahay. Waxaana ay sidan ku sheegeen culimadu shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa. Sheekh Cabdirisaaq Albani oo isagu warbaabinta la wadaagay bayaanka ay culimadu soo saartay ayaa yidhi “Sidaasi darteed anagga oo ka duuleyna daliilada kor ku xusan iyo fadwada culimada ee xaalada Covid-19 ku saab waxaa aanu ummada u sheegayna ‘Salaadaha Faralka iyo Taraawiixda iyo Taajudka’ ay ku tukadaan guryahooda maadama ay jirto cabsi dhabba oo laga qabo fiditaanka xannuunka Covid-19 isu imaatinkuna uu ka mid yahay, asbaabaha u waa weyn ee uu xannuunkani ku fido” Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dalka Soomaaliya si weyn ugu sii faafayo cudurka COVID19, taasoo la sheegay inay caqabad ku noqotay howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya. Iyada oo aysan Soomaaliya heysan Kaabayaal Caafimaadka iyo Shaqaalo ku filan ayaa waxaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyey 1,054, iyo 51 dhimasho ah, iyadoo ay xusud mudan tahay in laba asbuuc ka hor ay tirada dadka uu cudurkaan ku dhacay ay ahaayeen 26 qof oo kaliya. Illo wareedyo ka tirsan AMISOM ayaa wargeyska The East African u xaqiijiyey in 37 ka tirsan Ciidamada AMISOM uu ku dhacay cudurka COVID19, guud ahaan waxay kasoo jeedaan dalka Uganda marka laga reebo 7 kamid ah oo u dhashay Burundi. 37-ka askari ee ka tirsan AMISOM ee uu cudurka ku dhacay ayaa la sheegay in lagu hayo xerada Xalane, welina war lagama helin sida ay tahay xaaladooda caafimaad maadaama ay arrinta tahay mid khuseyso Militariga. Xerada Xalane ayaa sidoo kale lagu warramayaa inay ka jirto cabsi xooggan iyo jahwareer ayada oo laga yaabo in cudurka dad kale gaaro amaba uu gaaray. Tan iyo markii uu cudurkaan soo gaaray Soomaaliya, AMISOM ayaa hoos u dhigtay howlgalkeeda ka dhanka ah Al-Shabaab, inkastoo ay howlgal taxadar uu ku dheehan yahay ay ka wado qeybo kamid ah Gobolka Shabeelada Hoose. Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in cudurkaan uu yahay dhibaato loo soo diray Gaalada.
  22. Beeraleyda Degmada Xuddur ee gobolka Bakol ayaa marlabaad dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga xuddur ku da’ay iyadoo sanadkaan roobabka Gugg’a ay si wanaagsan ay uga da’ayaan guud ahaan dalka. Daadadkaan oo marwalba sanadu barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada xuddur gaar ahaan kuwa qudaarta lagu beero waxay ka imaadaan roobabka ku da’a dhulka taaga ah oo ilaa 50km waqooyi ka xiga magaalada Xudur . Roobka Gugga oo daadad lasocdeen ayaa siweyn usaameeyey khudaar xilligii jiilaalka labeerey oo bisha ramadaan loogu talagalay in ay soo go’do iyo geedo waa weyn, waxaba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey khudaartiis daadad latageen oo sanadkaan waxba beeran maadaama xiligii Deyrta uu khasaare badan ka soo gaaray Beeraha. Guddoomiye kuxigeenka degmada xuddur Mustaf Aadan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in saameynta dadalka maamulka uu wado qorshe wax looga qabanayo saamaeynta shacabka roobabka da’ayo. Waxa jira togag waa weyn oo biyo keena magaalada Xuddur xilliga uu roob ku da’o meelo ka baxsan magaalada hase ahaatee ma muuqato qorshe biyo xireen loogu sameeyo daadadkaan soo noqnoqday magaalada Xudu. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Marka la guda galo xilli Roobaadyada shacabka M/ Muqdisho ayaa la kulma dhibatooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan burbur xoogan oo soo gaara jidadka muhiimka ah, taas oo sababta inuu hakad ku yimaado isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba. Sidoo kale waxaan jirin diyaar garow xilli hore ah, si looga gaashaanto khasaaraha ka dhalan kara Roobabka ka da’aya caasimadda. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhowaan qiray in uusan maamulkiisa wax ka qaban karin burburka wadooyinka. Shacabka Muqdisho oo laga qaado canshuur ayaa hadana dhibane u ah maamulka G/Banaadir, waxaana suuragal aheyn in aad isaga kala gudubto gudaha caasimadda. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Ismaaciil-Turki-Wadooyinka-bur-bursan-ee-muqdisho-.mp3 , View the full article