-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa maanta madaarka Hargeysa lagu qabtay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo laga soo doorto gobolka Awdal. Wararku waxa ay ku darayaan in xildhibaanka la geeyay xarunta CID, sidaasi waxa xaqiijiyay dadkii ku sugaayay madaarka Xildhbaan Maxamed Abiib ayaa ah xildhibaanada mucaaridka ku ah xukuumadda Muuse Biixi, waana shaqsi u ololeeya in wax loo qabto ummadda Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal. Hore ayay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ugu fashilantay in xildhibaan Abiib lagu sameeyo xil.ka xatuubin arinkaasi oo baal marsanaa dastuurka uma ay suurto galin xukuumadda . Qaran News
-
Somalia and Al Azhar University partner to combat extremism
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — The Grand Imam of Al Azhar, Dr. Ahmed el Tayyeb, and Somali Ambassador to Egypt, Ali Abdi Aware, met on Sunday to discuss deepening educational and religious collaboration. Source: Hiiraan Online -
Ciidanka Booliska Puntland ee qaybta Gobolka Raasa’casayr Puntland ayaa gacanta ku dhigay rag Burcad badeed ah,hub iyo gaadiid badeed oo ay wateen. Howlgalka oo socday 24tii saac ee lasoo dhaafay oo uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga degmada Bareeda Xidigle Mohamed Hasan Ciise ayaa lagu sooqabtay Saxiimad ay wateen hub iyo sadex kamida Burcadbadeedii wadatay. Waxaa socda howlgal oo iyana lagu baadigoobayo afar kale oo kamida Burcad badeeda gacanta lagu dhigay. Ciidamada Booliska gobolka Raasi Casayr ayaa ku raad joogaa cidkasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso amniga deegaana Puntland si ay ugu qabtaan gacan adag. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan shir xasaasi ah uu gobolkaas uga socdo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe). Labada madaxweyne oo mar kale isugu tegay deegaanka Burka Dirineed ayaa haatan leh shir gaar ah oo looga hadlayo colaadaha kusoo laa laabtay gobolka. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirro, xildhibaanno iyo odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo colaadda beelaha ee ka jirta halkaasi. Ujeedka shirka hadda socda ayaa ah mid lagu soo afjarayo gogol nabadeed oo muddo dheer tiilay deegaankan, waxaana lagu dhameynayaa colaadddii u dhexeysay beelaha Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar oo marar badan ku dagaalamay halkaasi. Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno culus oo xal loogu raadinayo in mar kale uusan dhiig ku daadan deegaanada dhaca xeebta ee Shabeelaha Dhexe. Horay sidaan oo kale laba beelood oo walaalo ah ayaa lagu heshiisiiyay Burka Dirineed, taas oo iyana lasoo gabagabeeyay todobaadyo ka hor. Dib u heshiistan ayaa waxaa waqti badan geliyay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kaashanaya HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka. Si kastaba, dadaalladan ayaa meesha ka saaraya colaaddii muddada dheer ka jirtay halkaasi, gaar ahaan dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil The post Shir xasaasi ah oo u socda Sheekh SHARIIF iyo Cali Guudlaawe + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen rag Burcad-badeed ah oo hub iyo gaadiid badeed watay. Warbixin lagu daabacay bogga Facebook ee Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kooxdaasi Burcad-badeeda ah ee watay hubka iyo gaadiidka badeed “Ciidanka Booliska Puntland ee qaybta Gobolka Raasa’casayr ayaa gacanta ku dhigay rag Burcad badeed ah,hub iyo gaadiid badeed oo ay wateen” ayaa lagu sheegay Warbixinta Booliska. Hawlgalkaasi oo uu hoggaaminayay Taliyaha Saldhiga degmaada Bareeda Xidigle Maxamed Xasan Ciise ayaa lagu qabtay saddex burcad ah oo watay Saxiimad iyo hub sida uu sheegay Booliska. Warbixinta Taliska Booliska ayaa intaasi raacisay in uu weli socdo hawlgal lagu baadi-goobayo afar burcad ah oo la socday kuwa la qabtay. Halkaan ka eeg Sawirada Boolisku shaaciyay PUNTLAND POST The post Taliska Booliska Puntland oo shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Burcad-badeed hubaysan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar wayn oo dhanka dhaqaalaha sameysay kadib dayn-cafintii dalka, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige. Wasiirka oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay hormar la taaban karo gaartay bilihii lasoo dhaafay, taasina ay ku timid guushii wayneyd ee laga gaaray Barnaamijka Dayn-cafinta. Biixi Iimaan Cige ayaa qiray in dayn-cafintii kaddib uu dalka sameeyay horumar dhanka dhaqaalaha ah, taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray. “Soomaaliya, dayn-cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, waana arrin lagu farxo, ” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige. Sidoo kale wuxuu ka hadlay safarkiisa dalka Mareykanka iyo kulamo gooni gooni ah oo uu la qaatay madaxda hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunka oo uu kala hadlay halka uu dalka marayo iyo isbaddelka ka jira. Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa boggaadiyay Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, isaga oo sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, taasina loo baahan yahay. Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana jira fursado kale oo ay sahashay dayn-cafinta, maadaama la helayo maal-gashadeyaal caalami ah. Isbedallada la dareemay waxay ku yimaadeen dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay sidii loogu talagalay loo qaado canshuuraha oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha ee guud ahaan dalka. The post Soomaaliya oo guul wayn gaartay, kadib dayn cafintii appeared first on Caasimada Online.
-
Ku dhowaad 10 bilood ayaa laga joogaa xilligii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd muddo ku 31 siman sano, taas oo ahayd mid kamida guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray dib u dhiska dowlidnimada dalka. Qaadista cuna-qabatayntu waxay ahayd tillaabo ay dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu farxeen, islamarkaana loo arkayay mid xoojinaysa ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka oo muddo dheer u nuglaa fara-gelinta shisheeyaha, soohdimihiisuna ay iska furnaayeen oo ciddii doontaahina ay iska soo geli jirtay. Guushaas taariikhiga ah ka dib Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadista cuna-qabatayntu ay horseedi doonto in ciidanku xoogga dalku ay heli doonaan hub culus iyo saanad casri ah oo ay cadowga gudaha iyo midka dibedda ku waji karaan . Inkastoo arrimaha iyo xogta ciidamada qaranku ay yihiin sir aan faafinteedu habboonayn haddaba xilligan oo uu dalku xaalad adag ku jiro, islamarkaana difaaca dalka shacab iyo dowladba loo diyaargaroobaya helidda hubka midka cadowga Itoobiya lamida ama ka casrisani waa riyo rumaynteeda Alle ka sokow ay lama huraan tahay in madaxda qaranka wax laga weydiiyo. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Isbaheysiga Milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ka socda Geeska Afrika, taas oo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, waxaana jira walaac laga qabo in iskaashigu uu noqdo mid ka badan dagaal afka ah. Xiisaddan ayaa sare u kacday todobaadkan markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaareen labo diyaaradood oo nooca C-130 oo laga leeyahay dalka Masar. Tallaabadan ayaa muujineysa billowga heshiiskii horraantii bishii Agoosto la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira. Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masaari ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale la sheegay in si gaar ah loogu daabuli doono. Itoobiya, oo kamid ahayd dalalka caawinayay Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka lagula jiro dagaalyahannada xiriirka la leh Al-Qaacida, isla markaana ay Masar isku hayaan biyo-xireen weyn oo ay ka dhistay webiga Niil, ayaa sheegtay in aysan “iska taagnaan doonin, xilli ay dowlado kale qaadayaan tallaabooyin xasillooni darro ku ah gobolka.” Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyay, isagoo yiri Itoobiya waa inay joojisaa “baroorta” iyadoo qof walba “uu goosan doono wixii uu beertay” taasoo muujineysa xiriirkooda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacay muddo bilo ah. Maxay Itoobiya uga xun tahay falcelinta Soomaaliya? Soomaaliya kaliya ma aysan keenin ciidamada dowladda Masar oo kaliya oo Itoobiya ay u aragto cadawgeeda, balse waxay sidoo kale shaacisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota. Tani waa markii saddexaad ee ciidamo lagu daabulo Soomaaliya tan iyo markii hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika uu bilaabmay, kii ugu horreeyay waxaa la geeyay 2007 bilo kadib markii ciidamada Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaab, oo markaas gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya. Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen, haddii aysan ka bixin heshiiska dekedda ee ay la gashay Somaliland. Itoobiya waxay taasi u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda, “wax-u-huriddii ay askarta Itoobiya u galeen Soomaaliya.” Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockney, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute. Qorshaha la qorsheeyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudkeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doona mid cabsi gaar ah leh, ayuu raaciyay. Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya oo ku yaal galbeedka dalka khatar jirta, waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto “tallaabo” haddii ammaankeeda la halis galiyo. Warbixintan qeybo kamid ah waxaa laga soo xigtay BBC. The post Maxay Itoobiya dhiillo ugu aragtaa isbahaysiga Soomaaliya iyo Masar? appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’iil ayaa lagu baaqay shaqo joojin guud iyadoo ay wali socdaan dibad-baxyada looga soo horjeedo waxaa loo arko in dowladdu ku guul-darraysatay inay sii deyso la haystayaasha gacanka ugu jira Xamaas. Xiisadda ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii sabtidii ay ciidamadu soo saareen meydadka lix qof oo la qafaashay, taasoo keentay caro dadweyne. Dadka isku soo baxay guud ahaan Israa’iil ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo dowladdiisa inaysan wax ku filan ka sameynin in heshiis laga gaaro la haystayaasha haray ee Xamaas ay qafaasheen weerarkii 7-dii Oktoobar. Baaqa shaqoojinta oo ah hal maaalin oo bilaamanaya maanta oo isniin ah waxaa soo saaray ururka shaqaalaha ee ugu weyn Israa’iil, ee la yiraahdo Histadrut, kaas oo hogaamiyahiisa, Arnon Bar-David, uu sheegay in waddanku uu helayo “Maydad halkii heshiisyo la gaari lahaa ” Dowladda ayaa si caro leh uga jawaabtay tallaabada ururka, iyadoo wasiirka maaliyadda ee midigta fog Bezalel Smotrich, uu ku eedeeyay inay ku ciyaareyso gacanta Xamaas. Ma cadda sida baaxadda leh ee loo arki doono shaqa joojinta, ka dib markii dhowr magaalo iyo degmooyin ay ku dhawaaqeen inaysan ka qayb qaadan doonin. Si kastaba ha ahaatee, baaqa shaqo joojinta dalka oo dhan ayaa ah calaamadii ugu dambeysay ee muujineysa in carada dadweynuhu ay ka qabaan dilalkii ugu dambeeyay ee dadka la qafaashay aysan hoos u dhicin. Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa goor sii horeysay sheegay in lixda qof ee meydkooda laga helay god dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla deegaanka Rafax ee koonfurta Qasa. Bbcsomali Qaran News
-
457752509_502955029138648_3929254289574423913_n ĺ Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Somaliland ay xireen xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo xildhibaanno ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka laga qabtay garoonka magaalada Hargeysa xilli uu ka oo laabtay dalka Imaaraadka Carabta. Xildhibaan Abiib ayaa lagu yaqaan hadallo kulkul oo uu kaga soo horjeedo xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Bishii July ee sanadkan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland waxa uu Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Maxamed Abiib. Eedaha xilligaasi loo soo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ah, in mas’uuliyiin ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha Ciidamada Somaliland uu ka hadlay. Bartamihii Bishii August ayaa kulan ay arrintaasi Baarlamanka Somaliland ka yeelan lahaayeen waxaa uu u baaqday ka dib markii uu buuxsami waayay kooramka si xasaanadda looga qaado xildhibaan Abiib. Ma cadda in xarigga Xildhibaan Abiib uu daba socdo dacwaddii Xeer Ilaalinta Somaliland iyo in kale. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo maanta Hargeysa lagu xiray appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sida wararku tilmaamayaan waxay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo Xasaanad ka qaadista 25 xildhibaan oo taageeray dowladda Itoobiya. In ka badan 40 mudane oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida la sheegay saxiixay Mooshinka lagu dalbanayo Xasaanad ka qaadista 25 xildhibaan oo taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Xildhibaannada Mooshinka saxiixay ayaa ayaa doonaya in Xasaanadda laga qaado 25-ka xildhibaan ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya waxaana ay ku tilmaameen kuwa Khiyaano Qaran ku kacay oo cadow Shisheeye taageeray. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Guddoomiye Aadan Madoobe oo ay isku degaan ka soo jeedaan xildhibaannada eedaysan uu baajiyay fadhi uu Maanta yeelan lahaa Baarlamaanka islamarkaana aanu weli qaban Mooshinka Xasaanad ka qaadista. Xildhibaannada Mooshinka diyaarinayay ayaa dhinaca kale lagu eedaynayaa in ay gadaal ka riixayso Villa Somalia si ay meesha uga saarto Xubnaha ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya. PUNTLAND POST The post Mooshin laga diyaariyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Duulista Rayidka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo dal Shisheeye. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in aanay suura-gal ahayn in Hawada dalka lagu wareejiyo gacan Shisheeye, taasina aysan ahayn qorshe ay og tahay dowladda Federaalka Soomaaliya. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Hay’adda. Warka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa soo baxay saacado yar kadib markii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka digay in Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo gacan Shisheeye, oo uu ku tilmaamay dalka Imaaraatiga Carbeed. PUNTLAND POST The post Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo beenisay in Maamulka Hawada dalka lagu wareejinayo gacan Shisheeye appeared first on Puntland Post.
-
In the dusty, war-ravaged outskirts of North Darfur, a mother at the Zamzam camp cradles her emaciated child, her eyes hollow with exhaustion and fear. Fatima, a 32-year-old widow, once led a simple but stable life, selling groceries at a local market in El Fasher, the besieged capital of her homeland. Source: Hiiraan Online
-
Warbaahinta dunida, gaar ahaan midda reer galbeedka ayaa si weyn u hadal-haysa Sheekada Nibiri nooca loo yaqaanno beluga ah oo meydkiisa laga helay xeebaha koofureed ee dalka Norway. Nibirigan oo ay dalalka reer galbeed u bixiyeen HValdimir oo ah magaca sawir qaade reer Norway ah, sidoo kalena dhawaaq ahaan u dhow magaca madaxweynaha Ruushka, ayaa looga shakisanyahay inuu ahaa basaas ay adeegsadaan ciidamada badda dalkaasi. Noolahan oo uu qoorta ugu xirnaa suun lagu shaabadeeyay wax u muuqda kaamirooyinka wax duuba ayaa markii ugu horreysay lagu arkay xeebaha Norway sanadkii 2019, waxaana taniyo xilligaas laysla dhex marayay warar aan la hubin oo sheegaya inuu ahaa basaas ay ciidamada Ruushku adeegsadaan, islamarkaana tababar heer sare ku qaaday xeryo militari oo ciidamada dalkaasi ay Leeyihiin . Saraakiisha Norway ayaa xilligaas sheegay in laga yaabo in Hvaldimir uu ka soo baxsaday xero ay ku tababarayeen ciidamada badda Ruushku , balse Moscow waligeed kama jawaabin wararka la isla dhexmarayo oo ku saabsan Nibirigan rabbaayadda noqday ee la dhaqanka dadka aadka ugu wanaagsanaa. Meydka Hvaldimir oo ah nibirigan ay dunida hadal-hayso ayaa waxaa helay kalluumeysato reer Norway, waxaana hadda lagu hayaa deked ku taalla dalkaas, ayadoo baaritaan lagu samaynayo sida ay sheegtay warbaahinta Norway oo xiganaysa Saraakiisha sar sare oo ka tirsan masuuliyiinta dalkaas. Source: goobjoog.com
-
Liverpool crushed Manchester United at Old Trafford on Sunday to go joint top of the Premier League alongside Manchester City with three wins from three games. Source: Hiiraan Online
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay isaga baxeen guud ahaan degmada Xarardheere oo maalmahaan ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay xilka qaadis dhowaan lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka degmadaas, Maxamed Yuusuf Kulmiye. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada hubeysan ee deegaanka laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen degmada Xarardheere, si loo qaboojiyo xaaladda magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amar sare oo kasoo baxay madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug looga fogeeyay ciidamada Macawiisleyda magaaladaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa isna magaalada Muqdisho soo aaday guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Yuusuf Kulmiye oo weli diidan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweyne Qoor Qoor. Shalay waxaa Xarardheere ka dhacay dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo taabacsan guddoomiye Kulmiye iyo kuwa kale oo la socday guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, kuwaas oo ay is rasaaseyn ku dhex-martay halkaasi. Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Xarardheere, isla markaana dhaliyay xiisadda taagan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay. Guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa. Si kastaba, xaaladda murugsan ee degmada Xarardheere ayaa laga digayaa sii socoshadeeda, maadaama ay saameyn karto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo horay looga xoreeyay magaaladan, kadib sanado ay maamulayeen. The post Ciidamada Macawiisleyda oo isaga baxay Xarardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Duulista Soomaaliya iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka duusho diyaaradda Kenya Airways. Hay’adda ku haysata diyaaradda Kenya Airways sababo la xiriira in ay sharraxaad ka bixiso tacadi ay kula kacday muwaadiniin Soomaali ah oo muddo ka badan 48 saac iyagoon wax xaquuq ah helin lagu hayay garoonka diyaaradaha Nairobi. Kenya Airways ayaa baajisay duulimaadkeedii saddexdii maalin ee u dambeysay ee Muqdisho imaan lahaa , waxaana duulimaadkaasi uu soo qaadi lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo ka yimid dalal kala duwan, inan la dejin hotel, ama dal ku gal loo oggolaan waxaa ka dhalatay saacado badan inay ku sugnaadaan garoonka , taa oo baalmarsan shuruucda duulimaadka. In ka badan 15 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ku soo gudbiyay xaaladda tacadiga ah ee ay ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo ay hadda Kenya Airways wajahayso inay magdhow siiso muwaadiniinta ay tacadiga kula kacday. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo garoonka Muqdisho ku xannibtay diyaaradda Kenya Airways appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sidaas sheegaya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku yiri “Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.” Waxa uu intaas ku daray “Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.” “Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.” Si kastaba warkaas ayaa waxaa beeniyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. “Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda. Warar maalmahan la isla dhex-marayey ayaa sheegayey in Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya, balse wararkaas ayaa ahaa kuwa aan sal adag lahayn. Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayey in lacagaha hay’adda ay ka hesho diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya lagu shubo akoono dibadeed oo ku yaalla Imaaraadka Carabta, kuwaas aan weli caddeymo loo hayn. The post DF oo beenisay arrintii uu sheegay madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.