-
Content Count
213,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kan Eritriya Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay shalay ku gaareen heshiis iskaashi oo saddex geesood ah. Madaxda ayaa ku heshiisay inay sare u qaadaan iskaashiga ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen. Labada dal ee Masar iyo Eritrea ayaa mar kale hoosta ka xarriiqay ilaalinta madaxbannaanida dhulleeed iyo qaranimada Soomaaliya. Arrintan ayaa loo qaadan karaa inay tilmaan toos ah u tahay damaca Itoobiya ee ah inay hesho deked badeed, balse dalna si gaar ah looma xusin. Madaxweyneyaasha waxaa wehliyey wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal kuwaas oo iyaguna yeeshay kulamo ay kaga hadleen iskaashiga Ereteriya iyo Masar iyo adkaynta wadashaqayn joogto ah oo lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Muxuu diirradda saarayaa iskaashigan cusub? Bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Eritrea, saddexda hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka iyo hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo “ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka”. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay “in laga hortago faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka iyadoo marmarsiinyo ama qiil loo samaynayo; isku xirka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasiloonida gobolka iyo abuurista jawi ku habboon horumar wadajir ah oo waara”. Khilaaf diblumaasiyadeed oo dhawaan soo shaac baxay ayaa Soomaaliya ku riixay in ay xiriir dhow la yeelato Masar iyo Eritrea oo labaduba uu khilaaf soo jireen ah kala dhaxeeyo Itoobiya. Waxaa jirtay cabsi laga qabo in xiisadda sii kordhaysa ay u gudubto nooc ka mid ah colaadaha. “Tani waa gees ka soo horjeeda [caasimadda Itoobiya] Addis Ababa,” Hassan Khannenje, oo ah maamulaha Machadka Horn International Institute for Strategic Studies, ayaa u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC. “Waxaan u maleynayaa inay tahay isku day lagu doonayo in nacaybka la isugu keeno si loo kordhiyo cadaadiska ka dhanka ah Addis Ababa.” Sida uu muujiyey Hassan, waxaa la qaba wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in heshiiska hadda uu u muuqdo mid laysku bahayssanyo in culays la saaro Itoobiya madaama sida uu xusay ay saddexdan dalba xiisaddi ka dhex tagaan tahay Addis Ababa. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa xusay inaysan sidaasi doonayn dowladda Soomaaliya balse kulanka dhinacyadu uu ahaa mid ku saabsan wada shaqeyn dhex marta saddexda dal. “Ma naga go’na inaan abuurno wax ka dhan ah Addis Ababa,” ayuu u sheegay BBC Focus on Africa. Iskaashigii hore ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii 2018 gaaray heshiisyo is-afgarad ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshooyinka. Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya oo xilliyadii ay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay isbahaysiga samaysanayeen qaar ka mid ah waqtiyadaas hoggaaminayey amuuraha dibadda ee dalka ayaa BBC-da u sheegay in billowgii ujeeddadu ahay in dalalku isku furaan xiriirkooda dhaqaale, bulsho lana gaarsiiyo dhammaan waddamada ku jira urur-goboleedka IGAD. Isagoo ka hadlayey faa’iidooyinka isbahaysigaa hore ee Farmaajo, Abiy iyo Afawerki uu ka helay dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidday in Itoobiya ay ku dhawaaqdo in muwaadiniinta Soomaalida ee dalkooda u safraya ay ku tagi karaan Itoobiya dal ku gal la’aan. Wuxuu intaa ku daray in sidaas oo kale Soomaaliya ay ka faa’iidday in Eritrea ay ciidamo u tababarto dalka Soomaaliya. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay sanadkii 2018-kii magaalada Muqdisho halkaas oo madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada gaareen heshiisyo is fahan oo muhiim ah. Qodobka toddobaad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo isla sanadkaas ku soo dhaweeyey magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya Madaxweyynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa sheegay inay xiriirkoodu yahay mid xoogaystay. Abiy oo mar dambe la hadlayey arday ka qalin jabinaysay jaamacad ku taaalla Bahar Daar ayaa shegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”. “Waxaan rajeynaya saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn,” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Danjire Axmed Ciise Cawad ayaase xusay in iyadoo madaxdu ay heerkaa taagnaayeen haddana ay jirtay u jeedooyin qaarkooda qarsoonaa xilligaas oo markii danbe soo baxay. “Afaweki, wuxuu doonayey inuu go’doonka ka baxo, Abiy-na wuxuu doonayey inuu Eritrea ka gacan siiso dagaal uu ku qaadi rabay Tigraay marka isbahaysigu ma lahayn u jeedo cad oo fog,” ayuu yiri Cawad. Wuxuu sheegay in kan hadda uu isaga ula muuqato inuusan lahayn u jeeddooyin fog oo mustaqbalka ah. Isha: BBC The post Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya iskaashiga gobolka ee Xasan Sheekh iyo kii hore ee Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia, Eritrea, and Egypt have formed a new trilateral alliance, signalling a major shift in the Horn of Africa's geopolitical landscape. The agreement, signed during a high-level meeting in Asmara, brings together Somali President Hassan Sheikh Mohamud, Eritrean President Isaias Afwerki, and Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi in a partnership that challenges Ethiopia's regional influence. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa dalka Eritrea ayaa wuxuu kormeer ku tegay xerada ay ku tababaranayaan ciidamada cirka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga dhageystay warbixinno kala duwan macallimiinta iyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamada, intaasi kadibna wuxuu la hadlay ciidamada uu tababarka u socdo. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo. Sidoo kale wuxuu xusay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida. Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa dhismaha ciidamada kala duwan ee xoogga dalka, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo weli ku xooggan deegaanada qaar. The post Sawirro: Xasan oo u tegay ciidamada lagu tababarayo Eritrea, una sheegay…. appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has embraced Egypt's proposal to send peacekeeping troops as part of the incoming African Union Mission to Support Stabilization in Somalia (AUSSOM) to stabilize the country. The mandate for the African Union's current peacekeeping mission, ATMIS, concludes in December. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud kormeeray xerada uu tababarku uga socda ciidanka cirka Soomaaliya ee dalka Eritrea . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo, waxa uuna xusay muhiimadda ay Ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka Garasbaaley, Waaberi iyo Xamar Jajab, Kaaraan iyo Cabdicasiis, isaga oo dhagax-dhigay waddada isku xirta dabka illaa isgoyska Bakaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka caasimaddu ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha, waxa uuna xusay in Muqdisho hadda ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu intaas ku daray in dib-u-dhiska waddooyinku ay ka jawaabayaan canshuurtii laga qaaday dadka Soomaaliyeed in ay ku dhacday gacan aamin oo dib ugu soo celinaysa bulshada, iyada oo loogu beddelayo horumarka iyo amniga ay u baahan yihiin. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir horumarka iyo dib-u-dhiska ballaaran ee ay ka wadaan Muqdisho, si ay caasimaddu ula tartanto caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo khasaare geystay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka iyo xerada Lamagalaay, wuxuuna dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo kan Hiiraan State. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan HirShabelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan. Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalka saakay ayaa waxaa durba guullo ka sheegtay hoggaanka Hiiraan State, iyada oo ujeedka weerarka ciidanka HirShabelle ku sheegay inay doonayeen carqaladeynta munaasabad loogu dabaaal-dagayo sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan kadib markii odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalkan ay ku guuleysteen inay kala qaadan labada ciidan ee dagaalamay. Hase yeeshe waxaa weli sareysa cabsi la xiriirta in markale dagaalamaan labada dhinac ee gobolkaasi isku haya, maadaama goobaha ay kala joogaan aysan aad u kala fogeyn. Shaqaaqadan ayaa imanaysa xilli maalmihii dambe la warinayay inay sii kala qeybsameen xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhexdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada. The post Dagaal culus oo u dhaxeeya HirShabelle iyo Hiiraan State oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunt gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka oo Jimce ah uu halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State ayaa ka dhacay aagga xerada Lamagalaay oo ay ku taallo xarunta gobolka, waxaana dagaalkaas inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo qof. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada taabacsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarunta maamulka gobolka Hiiraan. Odayaal iyo waxgarad dhexgalay dagaalka ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan labada ciidan, waxaana hadda xaaladu tahay mid degan, inkastoo marwalba la filan karo in markale dagaalamaan labada dhinac maadama goobaha ay kala joogaan aysan kala fogeyn. Waa markii labaad oo ay sanadkan gudihiisa magaalada Beledweyne ku dagaalamaan ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State, bishii Maarso ayaa sidaan oo kale dagaal dhexmaray. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe wajaheysay cadaadis xooggan kadib markii dowladda ay qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah ayaa waxay bilowday qorshe ay ku horumarineyso taatikadeeda dagaalka. Baaris dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Al-Shabaab ay haatan isku diyaarineyso adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka. Diyaaradahan ayey kooxda qorsheynaysa inay u adeegsato laba siyaabood, oo kala ah; 1. Sahminta bartilmaameedka Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda ayaa qorsheynaysa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn u adeegsato sahminta iyo xog soo aruurinta bartilmaameedka, sida; saldhigyada ciidamada iyo xarumaha dowladda. Al-Shabaab ayaa horey sahminta bartilmaameedka u adeegsan jirtay xubno kamid ah dagaal-yahaanadeeda, waxayna hadda taatikadaasi noqotay mid ay ku guul-daraysatay kooxda, kadib howl-gallada ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka iyo qorshaha xasilinta caasimada. 2. Fulinta weerarada Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda ku taameyso inay kusoo biiriso taatikadeeda dagaalka ayaa ah nooca xambaara qaraxyada ama is-qarxiya , kuwaas oo burburin kara bartilmaameedka loo adeegsado markaas. Tan waa midda ugu halista badan, kuna riixeysa kooxda adeegsato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, si ay markaas si sahal ah ugu weerarto saldhigyada ciidanka iyo xarumaha dowladda ee sida aadka loo ilaaliyo, waana midda sida weyn uga digayaan khubarada amniga. Haddaba, halkee kooxda ka keenaysa diyaaradahan horumarsan? Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan xiriir iskaashi la gaartay Xuutiyiinta Yemen, oo iyadu taageero ka hesha Iran, waana halka kooxda ay qorsheynayso inay kasoo waarido diyaaradaha aan duliyaha laheyn. Sida ay ogaatay Caasimada Online intii aan wadnay daba-galka qorshahaan halista, waxaa deegaanada Al-Shabaab gaaray tiro Injineero ah oo dhanka Xuutiyiinta Yemen uga yimid, kuwaas oo ka shaqeynaya tababarka iyo ka dhabeynta qorshahaan bilowga ah. Sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegaysa in kooxda wado inay muddo kadib samayso maktab cusub oo ay ugu magacdarayso, tusaale ahaan; maktabka drones-yada ama maktabka diyaaradaha bilaa duuliyaha ah. Qorshahaan oo hadda wejigiisa koowaad uu socdo ayaa sare u qaadaya halista kooxda Al-Shabaab, waxaana khubarada ku talinayaan in tallaabo deg-deg ah ay qaado dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka si uusan qorshaha ugu gudbin wejigiisa labaad. Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in 26-kii August ee 2024 uu maamulka Puntland qabtay toddobo xubnood oo Shabaab ahaa iyo tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kamid ahaa hubkii ay siteen. Kamikaze ayay Puntland ku sheegtay magacyada diyaaradahaas bilaa duuliyaha ahaa ee ay qabteen. Diyaaradahaas oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay kasoo galeen dhanka Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday Gaalkacyo. Kamikaze waa nooc diyaaradeed ku cusub goobaha dagaallada. Waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine, sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ayaa adeegsada diyaaraddaasi. In kasta oo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, oo ay kamid yihiin Israel, Mareykan, Kuuriyada koofureed, Turkey, Shiinaha iyo Iran. Waa diyaarad xajmi ahaan yar, xawaaraheeda ay gaabiso, joogga ay ku duushana ay tahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli karta maylal badan, waxayna sidaa qaraxyo. Waxay awood u leedahay inay ka dhuumato Raadarka, iyada oo burburin karto bartilmaameedkeeda. Si kastaba, xogahan ayaa muujinaya in kooxda isu diyaarinayso inay horumariso taaktikadeeda dagaal iyo inay masraxa dagaalka ku soo dari doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dheerba. The post Xog: Al-Shabaab oo bilowday qorshe halis ah oo la xiriira diyaaradaha Drones-ka appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa qabsaday kontaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay la wareegeen gacan ku haynteeda. Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan, waxayna gebi ahaanba qabsadeen kontaroolka waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. “Waxaan cabasho ka nahay in aynaan muddo bilo ah naga maqan yahay mushaarkii iyo xuquudayadii,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan oo ka dalbaday dowladda in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda. Maamulka Puntland illaa hadda kama jawaabin gadoodka ciidankan oo salka ku haya cabasho mushaar la’aan billo ah oo maamulka Deni uga maqan tahay xuquuqdooda. Ma ahan markii u horeysay ee ciidan ka gadoodsan mushaar la’aan ay qaadan tallaabo noocaan ah, iyada oo la xasuusto in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulka ay mar isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyada. Si kastaba, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa weli dul hoganaya fashilka bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo ayagu billooyinka qaar aan helin wax xuquuq ah. The post Ciidamo gadoodsan oo qabsaday kontarolka waqooyiga Gaalkacyo + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya pledged to send 600 more police officers to Haiti to help fight gangs controlling capital, Port-au-Prince, and nearby areas. Source: Hiiraan Online
-
High-level security coordination in recent weeks has been under way between Egypt and Somalia on the deployment of Egyptian troops as part of the African Union Mission to Somalia (AMISOM), amid regional concerns over Cairo's mounting strategic and military influence in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay qaraxyo ka dhici kara magaalada oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab 48-ka saac oo soo socda. Waxaa heegan xooggan la geliyey ciidamada amniga, ayada oo sidoo kale la adkeeyey baaritaanada amni, si looga hortagi qaraxyadan oo xogtooda la helay. Meelaha laga digay waxaa mid ah; xaruumaha maamulka iyo goobaha bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay laamaha amniga Beledweyne. Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ka fulisay magaalada, ayada oo Beledweyne ay tahay magaalada labaad ee maleeshiyadan ay ugu beegsi badan tahay kadib caasimadda dalka ee Muqdisho. Qaraxii ugu dambeeyey ayaa dhacay dhammaadkii June, waxaana lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay. Markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka. Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State. Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada. The post Qaraxyo laga digay in 48-ka saac ee socda ay ku soo wajahan yihiin magalaada… appeared first on Caasimada Online.