-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-11052020-sx.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in gabar ka mid ah dadka deegaanka ay Sun ku cabtay gudaha degmada Guriceel oo ka tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in gabadhaasi oo magaceeda lagu sheegay Ifraax la dhigay isbitaalka magaaladaasi, islamarkaana haatan lala tacaalayo xaaladeeda caafimaad. Lama oga sababta ka dambeysa in ay sun cabto gabadhaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaasi ay salka ku heyso arrimo la xiriira qoys, gaar ahaan muran u dhexeeya, Ifraax iyo Sayigeeda oo ka diiday inuu furo, kadib markii ay ka dalbatay. Xaaladda caafimaad ee gabadhaan oo haatan dhaqaatiirtu ay la tacaalayaan ayaa laga deyrinaa, iyadoona ku jirto xaalad aad u adag, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah. Dhowaan ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah laga soo wariyey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa oo loo diiday gabar uu jecla uu sun ku cabay gudaah degmadaas, inkastoo uu la aqal galay markii dambe.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Laamaha Amniga gobolka Bari ay xabsiga dhigeen ilaa saddex ruux, oo looga shakisanyahay malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish. Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay saddex ruux oo looga shakisanyahay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku ka fuliyeen Boosaaso. Saraakiisha ayaa sheegaya, in baaritaan lagu wado saddexdaasi xubnood ee lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah, inkastoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka, islamarkaana aan si buuxda loo caddayn eedaymaha loo haysto. Sidoo kale, maalin ka hor, Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay weerar ay soo qaadeen dableey hubaysan oo ka tirsana Daacish, kuwaas oo midkood ciidanku toogasho ku dileen, halka kii kale oo sarkaal sare ahaana dhaawac lagu qabtay. Hawlgalkaas, ayaa sidoo kale lagu qabtay gaari miinaysan oo ay wateen dableyda, kaas oo laga soo buuxiyay hub iyo qaraxyo la doonayay in laga fuliyo gudaha Boosaaso. PUNTLAND POST The post Shakhsiyaad lagu tuhunsanyahay Daacish iyo Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya & Somaliland, iyo cudurka Coronavirus, isagoona si yaab leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay mucaawinada Mareykanka ee ku aadan Somaliland, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada. Safiirka ayaaa sheegay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Madaxdii kala duwaneyd ee talada Somaliland iskaga kala dambeeyay, isagoona si dad-ban u xusay in taageerada Mareykanka ee Somaliland ay door muhiima ka ciyaareyso midnimo labada dhinac, midaasi oo uu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd mid xoogan. Donald Yamamoto ayaa aaminsan in haddii maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u shaqeeyan in wax badan lagu talaabsan karo, weliba xiliga adag ee dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Yamamoto ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay rabitaanka Mareykanka ee ku aadan midnimada Soomaaliya, midaasi oo meesha ka saareysa doonista Somaliland oo iyadu muddo 30-sanno ah baadi-goobeysay ictiraaf aan miro-dhalin, iyada oo xiligan ay sareyso xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka. Waxa kale oo uu carabaabay Safiirku in deyn cafinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Covid-19 ay qeyb weyn ka qaadan doonaan doorka lagu rabo midnimada, maadama ay laga maarman u tahay in si isku mid ah u wajahaan, iyagoo koox keliya ah oo si wada-jira u wada shaqeynaya. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto, ayaa arrimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo dhawaan ku qabsoomay adeega ZOOM, iyada oo su’aalo kala duwana lagu weydiiyay, wuxuuna yiri “Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somalia. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo, waana bilow aad u fiican”. “Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda. Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan”. “Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somalia maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada-shaqeeyaan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somalia iyo Somaliland”. “Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Somalia iyo Somaliland ayaa doonaya. anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay”.
-
Roma (Caasimada Online) – Silvia Romano, oo shalay dib ugu laabtay dalka Talyaaniga kadib 18 bilood oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab, ayaa shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay. Silvia, oo ah gabar ka shaqeysa samafalka oo neovember 2018 laga soo afduubtay Kenya, ayaa Talyaaniga ka degtay ayada oo xiran xijaab iyo dirac Soomaali, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan inay islaamtay, waxayna xaqiijisay in sidaas ay dhacday. Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu yimid bartamihii la haysashadeeda, islamarkaana uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo ana lagu qasbin. “Waxaa la I weydiiyey inaan aqristo qur’aanka, kadibna waan ku qancay, anigaana doortay inaan qaato diinta Islaamka, oo ma ahayn mid la igu qasbay,” ayey tiri Silvia Romano oo ay soo xigteen warbaahinta Talyaaniga. “Bilihii la i haystay waxaan sidoo kale bartay qaar ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay i bareen kuwii I haystay, waxaana mar walba la isiin jiray kitaabka qur’aanka oo aan aqrisan jiray.” Silvia waxay sidoo kale sheegtay inuusan jirin wax guur ama xiriir ah oo ay la sameysay kuwii haystay. “Qaadashadeed diinta waxay ahayd mid ku timid si tartiib ah. Ma jirin wax guur ama xiriir ah oo aan la lahaa kuwii I haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayey tiri Silvia Romano. Waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale loola dhaqmay si wanaagsan islamarkaana aysan ku xirneyn qool, balse loo ogolaa inay dhaq-dhaqaaqo ayada oo dusha sare lagala soconayo. “Waxay ii xaqiijiyeen inaan la I dili dooni, balse meelo badan oo kala duwan oo weliba xaafado la degan yahay ayaa la ii wareejin jiray muddo kadibba,” ayey tiri. Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xilli shalay laga reebay diyaarad u socotay magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo. “Sida ay wax ku wadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda, wax aan awel indhaha ka qarsanay oo hadda aanaa ka aamusi karinbaa jira, waxa Jubbaland ka socda, oo si gaar gobolka Gedo uga socda, wax laga aamusi karo maaha” ayuu yiri Sanetor Fartaag. Waxa uu sheegay in gobolka Gedo uu qabyaaladeeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu maanta gooni uga goostay gobollada maamulka Jubbaland oo uu ka tirsanaa, isaga oo leh ‘reerkeyga ayaa dega’ sida uu hadalka u dhigay Senator Fartaag. “Gobolka dhan ee Gedo oo lawada ogyahay shaqadii uu kasoo qabtay maamulka Jubbaland, in la qabyaaladeeyo oo Madaxweynihii dhamaa yiraahdo inta qabiilkeygu degan yahay ayaan gooni u goosanayaa waa arin aad u fool-xun, umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in Gedo ay ka tirsan yahay Jubbaland dastuuri ahaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator Cabdullaahi Fartaag. Sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in kol hore seddax xildhibaan oo u socday gobolka Gedo laga hor istaagay inay ka duulaan garoonka Muqdisho, sida isaga ku dhacdayba, taas oo uu ku macneeyay in Madaxweynuhu uu kala jeedo “Qabiilka aan ka dhashay, yeysan dhaqdhaqaaq ka sameyn halkaas” sida uu hadalka u dhigay. Xayiraadii looga reebay diraayaddii meydka wasiirkii Jubbaland u siday Kismaayo Senator Fartaag waxaa ku wehliyey, Senator Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Carab oo ah afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland, waxuuna si toos ah ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda Soomaaliya, isaga oo ka beri-yeelay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Senator Fartaag oo wareysi siinayey Idaacadda Kulmiye waxa uu sheegay in diyaaradda laga reebay uu kireeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, balse amarka looga reebay uu lahaa taliska sare ee NISA, sida ay ku war geliyeen xubnihii loo soo diray inay diyaaradda ka reebaan oo sida uu sheegay ka tirsanaa Nabad sugidda Soomaaliya. Intaas kadib waxa uu sheegay in agaasime ka socday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda uu toos ula xariiray Ra’iisul Wasaare Kheyre, isla markaana uu ku wargeliyey in senatorada loo diiday inay raacaan diyaaradda, balse Kheyre ayaa amray in la fasaxo oo aan mas’uuliyiintaas laga reebin diyaaradda. Amarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu sheegay inay ka dhega adeygeen xubnahaas ka tirsanaa NISA, isla markaana ay ku adkeysteen in laga reebo diyaaradda, waxuuna si weyn uga mahad celiyey Ra’iisul wasaare Kheyre dadaalkii uu ku bixiyey inay Jubaland gaaraan, balse suurta geli waayey.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xiray Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xiriir la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW). HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku ay Amiir Faysal Bin Cabdullah kasoo xireen dhisme uu qoyskiisu ka deganyahay woqooyi-bari magaaladda Riyadh, 27-kii March, halkaas oo uu isku karaantiilayay sababo la xiriira xanuunka Coronavirus. Ma jirto wax ay mas’uuliyiintu xarigiisa u sababeeyeen. Qofka ay xiganeyso HRW ayaa sheegay in xubnaha qoyska Amiir Fayal aysan ogeyn meesha uu ku xiran yahay iyo maqaamkeeda ilaa iyo hadda. Amiir Faysal ayaa kol hore lala xiray tobanaan ruux oo ay ku jiraan xubno qoyska boqortooyadda ka tirsan. Xilligaas waxa ay ahayd 2017-kii oo uu socday raaf ka dhan ah waxa lagu sheegay musuq-maasuqa. Sida ilo wareedku sheegay, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Amiir Faysal la sii daayay December 2017-kii kadib markii ay kula heshiisay in uu u gacan geliyo hanti uu lahaa, waxaana lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah. “ka sokow mowjado cambaareyn ah, dhaqanka sharci daradda ah ee masuuliyiinta Sucuudiga inta uu talinayo Maxamed bin Salmaan waa mid aan habooneyn,” ayuu yiri, Michael Page oo ah ku xigeenka agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW. “Hadda waxaan Amiir Faysal ku dareynaa boqolaalka qof ee sharci-daradda loogu xiray Sucuudiga,” ayu yiri Page. “Xariga Amiir Faysal waxaa mar kale muujinayaa sida ay mas’uuliyiinta Sucuudigu u xushmad darreynayaan sharciga iyo baahida loo qabo in cadaaladdu shaqayso.” HRW waxay sheegtay in Dowladda Sucuudigu ay xirtay sedax amiir bishii March ee sanadkaan, kuwaas oo ay ku jiraan Axmed bin Cabdulcasiis, Maxamed bin Nayef iyo wasiirkii arrimaha Dibadda ee la eryay bishii June 2017, kadib muddo dheer oo uu xabsi guri ku jiray.
-
Waraysigan hoose wax laga qaaday Kornaylkii fuliyay Xasuuqii Jasiira, gacan-ku-dhiigle Canjeex. Inkasta oo uu Kornaylkani si aad ah isugu dayayo inuu marin-habaabiyo xaqiiqada, haddana wuxuu bixinayaa xogta rasmiga ah isaga oo qiranaya arrimahan soo socda: Wuxuu qiranayaa in habeenkii dadka la xasuuqay uu 12:00kii habeennimo la soo hadlay Jeneraal Maslax Maxamed Siyaad oo taliyaha ciidanka ahaa, dabcanna ahaa ninka bixiyay amarka dadka lagu xasuuqay. Waxa uu ku andacoonayaa in nooca amarka ah ee la siiyay uu ahaaa inuu soo hubiyo in rabshadi ka jirto meesha Daabay la yidhaahdo, haddana isla waraysiga wuxuu ku qiranayaa inuu meesha Tarabuunka la yidhaahdo uu ka raacayo laba guuto oo kale, sidaasna ay ciidankii gaas ku noqonayaan (gaasku waa sadddex guuto oo isu tegay). Saacadda uu qiray inuu xeradiisa ciidan ka soo kaxaystay oo ahayd 12:00kii habeennimo, waa wax yar ka hor kolkii guriyahooda laga soo ururiyay dadkii la xasuuqay. Wuxuu qirayaa inay dhammaan ciidankii israaceen oo ay tageen xaafadda Buulla-xuubay la yidhaahdo, isaga oo sheegaya in xaafaddaas sababta loo bartilmaameedsaday ay ahayd in dadka reer Woqooyiga ahi ku badnaayeen. Dabcan, xaafaddaasi waa xafaddii laga soo ururiyay dadkii la xasuuqay, isla wakhtiga uu Canjeex sheegayna waxa ay ku dhawayd wakhtigii uu Cumar Muuse qiyaasay ee ahayd illaa 1:00 habeennimo. Wuxuu qirayaa in saddexdii gaadhi ee lagu guray dadka la xasuuqayay ay ahaayeen baabuurtii laga soo kaxeeyay xeradii uu isagu maamulayay. Waxa fajiciso ah inuu sheegayo laba shay oo aanay ogaan karin cid ka maqnayd goobtii dadka lagu xasuuqay: kow, noocii qoriga ahaa ee dadka lagu laayay. Laba, eraygii la yidhii kolkii rasaasta la furayay. Cumar Muuse, wuxuu sheegay kolkii ay rasaasta furayeen inay yidhaahdeen: “Maxaad sugaysaan”, ka dibna ay dadkii rasaastii ku fureen. Isla eraygaas ayuu Canjeexna waraysigan ku sheegayaa inay yidhaahdeen kolkii rasaasta la furayay. Inkasta oo uu Canjeex sheegay inuu ka maqnaa goobta dadka lagu laayay, haddana labadaas Nooca qoriga ee uu sheegay iyo eraygii la yidhi kolkii rasaasta la furayay, waxay caddayn xooggan u tahay inuu xaadir ku ahaa goobtii dadka lagu laayay. Ugu dambayn, Canjeex wuxuu magacaabayaa laba markhaati oo uu sheegay inay caddayn karaan in aanu isagu dadkaas layn. Wariyaha waraysigan qaaday wuxuu la xidhiidhayaa labadaas markhaatiba, kolka loo tagana waxa ay si isku mid ah u diidayaan inay marag ka noqdaan wuxuu Canjeex sheegayo. Intaasi waa waxyaabaha ugu waaweyn ee uu afkiisa ka qirtay Canjeex. Kolka nuxurka waraysiga la soo ururiyo, waxaa inooga soo dhex baxaysa intan: 12:00kii habeennimo ayuu Jeneraal Maslax Maxamed Siyaad la soo hadlay Kornayl Canjeex, wuxuuna ku amray inuu kaxaysto guutadiisa iyo baabuur waaweyn oo dad badan lagu guro, ka dibna uu tago fagaaraha Tarabuunka. Maslax wuxuu u sheegay inay halkaas ugu iman doonaan laba guuto oo kale, saddexdaas guutana inta ay israacaan ay tegaan xaafadda Buulla-xuubay oo ahayd xaafaddii dadka laga soo ururiyay. Cidda lagu amray inay fuliso amarkii Maslax ee ahaa xasuuqa, waa cidda baabuurtii ay wadatay lagu qaaday dadkii la soo ururiyay. Canjeexna wuxuu qirtay in baabuurtii xeradiisa ka timid lagu guray dadkii, dabcanna wuxuu si dedban u qirtay inuu isagu ahaa ninka fulinayay amarkaas xasuuqa ah. Waxa lagu amray inay dadka geeyaan Xeebta Jasiira, ka dibna ay halkaas ku laayaan oo aanu midi ka bixin, bal se ehelladoodii loo sheego in dadkoogii la xidhxidhay oo ay nool yihiin. Qaraabadu weligood ma ay xaqiijiseen inay dadkaasi nool yihiin. Si aan ku talagal ahayn ayay qof nool uga tageen iyaga oo moodaya inuu dhintay, qofkaas ayaana noqday kii fashiliyay dambiyadii waaweynaa ee halkaas ka dhacay. Mar haddii Canjeex labadii markhaati ee uu ku kalsoonaa ay diideen inay u marag furaan in aanu isagu dambigaas gelin, macnaheedu waa in anu dambigaasi dhinacnaba u dhaafsiisnayn dhagarqabe Canjeex. Halkan ka daawo waraysiga: Waraysi Canjeex 3.mp4 Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay xaalada Coronavirus ee gudaha Somaliland oo si weyn ugu baahay deegaanadaasi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bulshada reer Somaliland u diray baaq xasaasiya oo ku aadan cudurka safmarka ah ee Coronavirus, xili uu soo jeediyay in bulshadu qofkasta oo ka tirsan uu si iskeed ah uu iskaga baaro cudurkaasi, maadama uu shaqeynayo sheybaarkii cudurkaasi ee gudaha Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Wasaarada caafimaadka Somaliland ay awood u leedahay baarista cudurkaasi, midaasi oo lagaga maarmayo natiijadii mudada badan la sugayay, iyada oo loo dirayey dalka dibadiisa. “Ta aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xanuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland. Biixi ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in la raaco talooyinka caafimaad ee wasaarada, taasi oo lagaga baaqsan karo in cudurkaasi uu kusii fido dad hor leh oo bulshada dhexdeeda. Sidoo kale waxa uu xusay in lagu dadaalo nadaafada iyo kala fogaanshaha, si looga bad-baado cudurkaasi, isagoona meesha ka saaray aragtida ceebeysan ee dadka qaarkood ay ka qabaan qofka laga helo Coronavirus, isla markaana ku booriyay inaan la qarsan cudurka ee la tago goobaha caafimaadka. Baaqa kasoo yeeraya Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xili ay maanta wasaarada caafimaadku ay shaacisay in cudurkaasi u dhintay qofkii shanaad, iyada oo ay sarre u kacday Kiisaska Coronavirus ee gudaha Somaliland.
-
Silvia Romano, an Italian aid worker kidnapped 18 months ago in East Africa, landed in Rome on Sunday a day after being freed. Gunmen seized Romano, who was working for an Italian charity called Africa Milele, in southeastern Kenya in November 2018. No group claimed responsibility for the kidnapping. She was found in Somalia, some 30 km (19 miles) outside the capital, Mogadishu, and was released thanks to efforts by the external intelligence agency, Italian Foreign Minister Luigi Di Maio said. Romano, 24, touched down at Rome’s Ciampino airport aboard a special flight at about 2 p.m. (1200 GMT). Escorted by masked men from the intelligence service, she temporarily removed her protective mask to wave as she descended the steps from the jet before hugging relatives waiting for her at the airport. She was greeted by Di Maio and Prime Minister Giuseppe Conte. In her home neighbourhood in Milan, church bells saluted her arrival, with many people on their balconies, SKY TG24 showed. Romano is expected to meet prosecutors in Rome later on Sunday. “I was strong and resisted,” Romano was quoted by Italian newspapers as saying after her release. Conte said the task force working to free Romano had been in the final stages “for the last months”, after having proof that she was still alive. He added that details were not disclosed so as to not compromise the operation. “We are so glad to welcome Silvia back in such a delicate moment for the country. The state is always there, and will always be there,” Conte said. He thanked the intelligence services, the judiciary and the defence and foreign ministries, all involved in the release of the woman. Later on Sunday, Turkish security sources said Romano was rescued after a joint effort by Turkey’s MIT intelligence agency and Italian and Somalian government authorities. “The MIT began work in the region on determining Silvia Romano’s condition in December 2019 upon a request from Italian authorities,” the sources said. They added that Romano was delivered to Italian authorities in Somalia on Saturday after the joint efforts. “I am literally bursting with joy at this moment. But it is hard even only to think, please let me breathe. I need to withstand the shock, happiness is so big that it is exploding,” Silvia’s father, Enzo, was quoted as saying by several Italian newspapers on Sunday. View the full article
-
A kidnapped Italian aid worker who had been held in an al-Shabab-controlled area of Somalia has been freed. Source: Hiiraan Online
-
Somali Ambassador to Egypt and Arab league Abdiqani Mohamed Wa’ays died due to the coronavirus, officials said on Sunday. In a statement, Somalia Prime Minister Hassan Ali Khayre also confirmed the envoy’s death and said: “My deepest condolences to the Somali people and the family of our ambassador to Egypt and the Arab League, Ambassador Abdiqani Mohamad Wa’ays. We will remember him his long service to the country. May Allah have mercy on him.” Somali Health Ministry on Sunday confirmed 57 new coronavirus cases in the country over the past 24 hours, bringing the tally to 1,054. The death toll in Somalia stood at 51, with a total of 118 recoveries. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Lacagtii ay dowladda Jabuuti ugu deeqday biya xireenka loo sameynayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo mudo sanad ah la la’aa ayaa la ogaaday inay ku jirtay gacanta dowladda federaalka. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiita Twitter-ka ku xaqiijiyey in dowladda federaalku ay ku wareejisay maanta lacagtaas oo cadadkeedu dhamaa $600,000, taas oo sanadkii hore ay dowladda Jabuuti ugu deeqday in biya xireen loogu sameeyo magaaladan sanadkiiba laba mar biya baxadu ku dhacdo. Waxaa la yaab noqotay sababta mudadii sanadka aheyd ee lasoo dhaafay lacagtaas wax loogu qaban waayey dadka reer Beledweyne, oo intaas dalbanayey in laga gacan siiyo biya xireen lagu sameeyo wabiga Shabeelle. Sidoo kale Waare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in lacagta maanta lasoo gaarsiiyey ay ku jirto $500,000 ee dowladda federalku u balan qaaday reer Beledweyne iyo $42,000 oo uga timid guddiga gargaarka heer Qaran, waxuuna cadadka lacagtaas isku noqonayaa 1,142,000 oo dollar. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa afka furtay waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan, kuwaas oo cabsi ka qaba in magaalada mar kale biya harqiyaan, waxayna xukuumadda federaalka ku eedeynayeen in laga la’yahay lacagtii ay ugu yaboohday Beledweyn iyo tii ay ugu deeqeen dowlado ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Somaliland iyo sidoo kale deeqo gacantooda ku soo dhacay gurmad yadii kale ee xilligaas la aas-aasay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay amray wasaaradda maaliyadda inay fududeyso kharashka ku baxaya dadaallada looga hor tegayo in fatahaadi ka dhacdo magaalada Beledweyne sanadkan. Beledweyne waxaa haatan ka socda carratuur iyo qorshayaal kale oo lagu xakameynayo biyaha wabiga Shabeelle, kuwaas oo ay wadaan guddiyo isku tashi oo ay iska aas-aaseen dadka ku nool magaalada. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka baxay magaalada Jowhar ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaas oo sida uu sheegay uu u tegay sidii uu talo iyo gacan siinba ugu biirin lahaa dadaallada socda ee lagu xakameynayo fatahaad dambe oo uu magaalada ka geysto wabiga Shabelle.
-
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Madaxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka jiraan howllo looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Baladweybe. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa kasoo kictimay Magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Goboleedka Hirshabeelle. Qeybo ka mid bulshada ,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxwyeneha waxaana loo qaaday isaga iyo wafdigiisa gudaha Magaalada halkaasi oo lagu wado inay ku yeesheen kulamo ay uga arrinsayaan xaalada fatahaada wabiga iyo sidii loo xakameyn lahaa maadaama uu haatan qeybo ka mid Xaafadaga Magaalada ka bilaawday fatahaad. Maamulka Gobolka ,kan Degmada, Ganacsatada deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa u waday howllo ay ku sameeynayeen Caro tuuryo goobaha laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga sidoo kale waxaa jira cabsi xooggan iyo barakac soo wajahay dadka deegaanka Maadaama qeybo ka mid haatan uu ka bilaabay inuu fatahaad ka sameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa weerar ku qaaday sida uu Madaxweyne Trump u maareynayo cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, waxaana uu ku tilmaamay “musiibo guud”. Wadahadal la dusiyay oo uu habeenkii Jimcaha la yeeshay xubno ka tirsan maamulkiisii, hore ayuu Obama sidoo kale ku sheegay in go’aankii waaxda cadaaladda ay ku joojisay eedeeyntii Michael Flynn ay khatar gelineyso sarreynta sharciga. Codka wada hadalka waxaa markii ugu horreysay helay Yahoo News, waxaa Obama uu shaqaalihiisii hore ku booriyay in ay kala qayb qaataan isu soo bax uu ku taageerayo Joe Biden, oo doorashada soo socota kula tartami doona Donald Trump. Maraykanka, oo ilaa iyo hada hogaaminaya tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa waxaa ka dhintay dad ka badan 78,000 oo qof. Daneystenimo iyo qabyaalad “Waxa aan ka hortageyno waa dhaqan kaan mudada dheer ah, ee ah daneystenimo, qabyaalad, kala qaybsanaan, iyo in kuwa kale loo arko cadow-taas oo ka mid noqotay nolosha dadka Maraykanka,” ayuu Obama u sheegay saaxiibadii ay wada shaqayn jireen. “Waa qayb ka mid ah sababta ay jawaabta Coronavirus u noqotay mid tabar darran oo aan tayo lahayn,” ayuu hadalkiisa kusii daray Obama. Obama waxaa uu sheegay in tuuristii dacwaddii ka dhanka ahayd Flynn ay ahayd arrin welwel leh. “Waa meesha ay kaaga billaabaneyso in aad welwesho – ma ahan dhaqan hey’adeed, fahamkeena sarreynta sharciga khatar ayuu ku jiraa,” ayuu yiri. Obama ayaa waxaa uu taageerayaa musharaxnimadda Biden, waxaa uuna uu sheegay in uu ku lug lahaan doono ololaha ka dhanka ah Donald Trump. Hoos ka daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maanta diyaarad ka duuleysay garoonka Aadan Cadde laga reebay senatorrada kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ iyo Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ayaa waxay Muqdisho ku qabteen shir jaraa’id, oo si kulul uga hadleen xayiraadii loo geystay. Diyaaradda laga reebay labadaas Senator ayaa siday meydka Allaha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland Macallin Maxamed Ibraahim oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya, kaas oo maanta lagu aasay magaalada Kismaayo. Fartaag ayaa sheegay in amarka looga reebay diyaaradaas u socotay magaalada Kismaayo ay bixiyeen Taliska Nabad sugidda Soomaaliya iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya. Senator Fartaag oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka dhawaajiyey in falkaas xayiraadda ah ee lagula kacay ay maxkamad kula tiigsan doonaan Madaxweyne Farmaajo oo sida uu sheegay sharcigii lagu doortay ku tumanaya iyo taliska Nabad sugidda oo uu ku eedeeyay xayiraadii maanta iyo arrimaha ka taagan gobolka Gedo. “Maxamed Cabdullahi Farmaajo dastuurkii lagu doortay ayuu ku tumanayaa, isaga oo adeegsanaya taliskiisa Nabad sugidda, marka warbahintaan kala hadlayaahe, dastuurkii lagu doortay madaxweynaha meesha ay uga qorantahay in Senator gobolkii laga soo doortay aadaya oo tacsi wada diyaaradda laga reebi karo waan ka rabnaa mana ka aamuseyno illaa maxkamadda ugu sareysa dalkan waan isla gaareynaa, maadaama uusanba dalku laheyn maxkamadii dastuuriga aheyd,” ayuu yiri Senator Fartaag. Senator Cabdullahi Fartaag ayaa sidoo kale labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan falalka nuucaan oo kale ah oo dalka ka socda, isagoo ku cel-celiyay in talada dalku ay god kusii dhaceyso. “Guddoonaka iyo xildhibaanada labada aqal waxaan rabaa arintaas in aysan dhayalsan, ‘baroortu orgiga ka weyn’ maanta waa lagu deyaa, berri mar kale ayaa lagu deyaa, maalinka dambena waxaa imaaneysa albaabada haloo xiro labada aqalba inay dhahaan. Waxaan hubaa nimanka aan maanta arkaayey inay beri dhahayaan labada aqal ee baarlamaanku way xiran yihiin wax hadli karana malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Senator Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland. Halkan ka Daawo
-
Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa soo saaray Amaro ka dhan ah Dhulalka iyo Dadka Dhisanaya Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa Bulshada looga digay inaysay Dhisin Dhulalka iyagoon soo ogaysiin Maamulka. Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay maalmahaan soo bateen kiisaska is qab qabsiga dhulalka waxaana maamulka ku sababeeyay inaan sharciga loo hogaansamin . Sidoo kale maamulka Magaalada waxa uu sheegay in cidi la helo iyadoo sharciga baal mareysa laga qaadi talaabo sharciga waafansan islamarkaana bulshada ay qaataan nidaamka Dowladnimada. Dhinaca kale Maamulka ayaa Mamnuucay inaan la qaban karin Shirarka iyo Kulamada Bulshada ee aan Maamulka la soo ogaysiin si looga hortago faafitaanka Xanuunka Covid-19. Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanan la ogeyn shirarka ay dadweyne isugu imaanayaan madaama loo baahanyahay in la qaato fariimaha wacyigalinta ee looga hortagayo Faafitaanka Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyruska. “Lama ogola in la qabto shirar iyo in laysku yimaado goobaha bulshada ay ku kulmaan maxaa yeelay cudurkaan sida ugu fudud uu ku faafi karo waa isdhaxgalka sidaa daraadeed waa muhiim la qaato fariimaha wacyigalinta “sida ayuu yiri guddoomiye Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah Muqdisho laga joojiyey in ay ka duulaan labo senator oo ka tirsan aqlka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xili ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland sabab la xiriirta Aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa laga reebay diyaaradda xili ay damacsanaayeen in ay wax ka galbiyaan Janaasada wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland oo diyaaradii siday ay soo gaartay Muqdisho si ay ugu sii gudubto magaalada Kismaayo Sidoo kale Senator Fartaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay markii diyaaraddu damacday in ay duusho in sargaal ka tirsan Nabad sugidda uu amray in diyaaradda la joojiyo waxaana uu xusay in lagu amray duuliyayashii diyaaradda in haddii la rabo in diraaraddu duusho inaan ka harno aniga iyo Ifiin Saxan Baasto ayuu yiri senatorka. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo hadalkiisa siiwato wuxuu saxaafadda sidoo kale u sheegay in amarka looga reebay diyaaradda isaga iyo Senoter ka kale uu ka yimid wasiirka duulista iyo hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar iyo sidoo kale Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoon ka Qaranka Soomaaliya. Hor istaagga maanta lagu sameeyey labada senator oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo weli aan xal waara laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyo madaxda dowlladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo dhowr jeer masuuliyiin laga hor istaagay in ay aadaan magaalad Kismaayo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-10052020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaan Saalax Carab oo in muddo ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii uu dhawaan xabsiga kasoo dhex duubay cod uu ku sheegayo inuu yahay ‘Nin Yemeni ah oo u heesa Soomaalida’. Sababta rasmiga ee ka dambeysay xariga fanaanka ayaa ilaa hadda cadeyn, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in loo haystay in uu kawada heesay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho oo uu kasoo laabtay markii xabsiga loo taxaabay. Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga dhigta Fanaaniinta iyo Wariyeyaasha u socdaal magaalada Muqdisho, midaasi oo ay u aragto dambi laga galay qaranka, arrinkaasi oo dhowr jeer dhaliilo kala duwan loogu jeediyay xukuumada, xili ay ku doodo inay ka go’day Soomaaliya. Fanaan Saalax Carab oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen ayaa sheegay inuusan marnaba abaal kala dhaxeyn fanaaniinta Somaliland, midaasi oo sii if-bixineysa Cadaawad cusub oo dhawaan ka dhex qaraxday fanaanka iyo kooxaha fanka ee Somaliland. Saalax Carab ayaa bulshada reer Somaliland, xisbiyada mucaaridka iyo Jaaliyadiisa Yementa ee gudaha Somaliland uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixiyeen in uu dib u helo xoriyadiisa. Fanaanka ayaa muddo ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, iyada oo ay lasoo daristay xaalad xumo caafimaad, oo xiligaasina gebi ahaanba loo diiday inuu helo adeeg caafimaad.
-
Popular Contributors
