Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The health ministry of Somalia said on Sunday that 57 more coronavirus cases have been reported in the country, which has increased the total number of coronavirus infected patients across the countryto 1,054. Source: Hiiraan Online
  2. The International Organization for Migration say they are concerned about people risking their lives to reach Saudi Arabia Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah galabta ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa maanta diiwaan gelisay 35-kiisa oo intooda badan laga helay gobolka Banaadir, sidoo kale Puntland iyo Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey qeybo ka mid ah kiisaskan. Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda in laga diiwaan geliyay 24 xaaladood, halka Puntland laga diiwaan geliyay 8-kiis, sidoo kale deegaanada Somaliland ayaa laga helay 3-kiis oo Coronavirus ah. Hal qof ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay xanuunkaas u geeriyooday Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaraddu, halka seddax kalena ay kasoo bogsadeen. 25 ka mid ah 35-ta qofood ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 10-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,089 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 121, halka dhimashada uu sababay xanuunkaas ay gaartay 52 qofood, inta la ogyahay.
  4. (SLT-Hargeysa)-Maareeyaha guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Mudane Maxamuud Raage Ibraahim oo hawlaha nabadeed ee xukuumaddu ka waddo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag muddooyinkii ugu dambeeyey u joogay deegaamada Sanaag Galbeed oo doonayay in uu soo ladqabeeyo Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Gobolka Sanaag ayay Maleeshiyaad Suldaanku ku urursaday deegaanka Laasdoomaarre ku rasaaseeyeen gaadhigii uu watay iyo 18 xubnood oo la socday. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Wafti ka kooban 18 Xubnood oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Md. Maxamuud Raage Ibraahim waxa ay safar ku tageen Deegaanka Laasdoomaare halkaasi oo uu Maareeyuhu doonayey in uu ku soo ladqabeeyo waan waanna ula tago Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo la sheegay in uu ku dhawaad 100 Maleeshiyaad ah ku urursanayay muddoba deegaankaasi kaasi oo markii waftiga Maareeyuhu Suldaanka u tagay ee la isugu Yimid goob lagu wada hadlo uu Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale Maareeyaha u sheegay in uu iska noqdo oo aanay wax jirin wax ay ka wada hadleen balse uu taasi diiday Maareeyaha Madbacadda Qaranku Mudane Maxamuud Raage Ibraahim. Tani waxa ay keentay in Markii Maareeyuhu diiday in uu noqdo amar lagu siiyay maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa in ay xoog kaga saaraan deegaanka iyaga oo u adeegsaday hub fara badan iyo rasaas xoog leh. Ilo-wareedyada xog-ogaalka ah ee sida rasmiga ah Wargeyska Foore xalay uga helay waftiga Maareeyaha ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in markii Maareeye Maxamuud Raage Ibraahim diiday in uu dib u noqdo illaa xal iyo waan-waan la gaadho ay maleeshiyaadkii Suldaanku deegaankaasi ku urursaday rasaas iyo hub culus ku bilaabeen gaadhigii uu watay Maareeyaha Madbacadda Qaranka iyo xubnihii la socday oo ka koobnaa 18 Nin inkasta oo wax khasaare ah oo nafeed ahi aanu halkaasi ka dhalan balse ay sidaa ku qaateen moobiladii iyo agab kale taasina ku khasabtay waftiga Maareeyuhu in ay ku soo laabtaan degmada Ceel Afweyn. Xogta Rasmiga ah ee aannu dhacdadan ka helnay waxa ay noo xaqiijisay Markii Waftiga Maareeyaha Madbacadda Qaranku ku soo laabtay Degmada Ceel Afweyn inay degmada ka dhacay isu soo bax ay wax-garadka, odayaasha iyo aqoonyahanada deegaanku sameeyeen oo ay ku shalay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkan lagula kacay Maareeyaha iyo waftigiisa iyaga oo ku baaqay in xaaladda degdeg loo dejiyo nabadna la qaato iyaga oo ku baaqayay dadka deegaanku in Miiska wada hadalka la isugu yimaad oo dhinaca lala qabto dadaallada xukuumaddu ka waddo deegaankaasi ee nabadaynta ah, sidoo kalena ay markii dambe Maareeyaha loo keenay moobiladii iyo agabkii ay kooxda Suldaanku qaateen. Xaaladda ayaa imika degan waxaanay Gobolka Sanaag ku sugan waftigii xukuumaddu u dirtay in ay qaboojiso xaaladda deegaanka Fadhigaab ee Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag oo dhawaan laba beelood oo walaalo ahi isku fara saareen. Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Deegaanka ayaa dhawaan si adag uga hadlay tallaabadii xukuumaddu dib ugala noqotay Huteelka Hargeysa Kilaab (Hargeisa Club) oo isaga iyo Muwaadin kale hore loo siiyay balse xukuumaddu dhawaan amar ku soo saartay in dib loogala noqday arrintaasi oo keentay in Suldaanku si weyn uga kaco warkanna noo xaqiijiyay in uu deegaankaasi ku urursaday 100 maleeshiyo beeleed ah. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Waxaa soo ifbaxaya inaanay Hay’addaha Qaranka Xukuumadda Somaliland ka sinayn islamarkaana ka midaysnayn hanaanka wacyigalineed ee lagaga hortagayo Fiditaanka Cudurka Carona kaasi oo ay ugu horayso in bulshada la kala fogaayo, lalana dagaalamo isku imaadyada iyo isku ururka. Hay’adda Barakacayaasha Somaliland ee uu gudoomiyaha ka yahay Cabdikariin Xinif, ayaa waxa maalmahana ka socda talaabooyin ka yaabiyay bulshada intii indhaha ku dhufatay, waxaanay kaamboolka dayrka ay ku wadaagaan wasaaraddaha kale ka buux dhaafiyeen boqolaal qaxooti yaminiyiin u badan kuwaasi oo aan ku wacyigashayn ololaha qaranku wado ee lagaga hortagayo Cudurka Carona Virus ee maanta sida baahsan ugu dhex fidaya Somaliland waxaanay si habacsan Shalay oo u dambaysay isku dhex daadsanaayeen xafiiska Xinif hortiisa, taasi oo u muuqatay inay iskugu yeedheen oo ay raali kaga ahaayeen Masuuliyiinta sare ee Hay’addaasi. Arintan ayaa ku soo aadaysa Wakhti la mamnuucay kullamada iyo isku imaanshaha bulshadda si looga hor tagga faafi taanka Cudukra karoona Fayras, taasi oo muujinaysa in Xinif aanu dheg jalaq u siin go’aamadda Madaxweynaha iyo guddida karoona Fayras, balse uu tiisa iska wato. Arintan ayaa keeni karta khatar caafimaad darro xili ay sii korodhayso tiradda dadka u geeriyooday iyo kuwa oo soo ritay cudurka karoona Fayras guddaha Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay in la joojiyey kullamada iyo shirarka si looga hor-taggo cudurka karoona Fayras, iyadoo guddida karoona Fayrasna ay sidaas oo kale sheegeen in aan la ogolayn isku imaansha dadka,isla markaana in tallaabo laga qaadi doono ciddii u hoggaansami weyda go’aamdaas. Wallow aanay ogolanayn Hay’addaha kale ee kaamboolkaasi kula jiraa, haddana lama garanayo talaabadda ay xukuumaddu ka qaadan karto si aanay mar dambe arintani u dhicin. Dhanka kale arintan ayaa muujinaysa Guddoomiye Xinif inuu u muuqda masuulka kaliye ee ka tirsan Xukuumadda Madaxwenyne Biixi ee ka hor yimid go’aankii Xukuumadda ee xakamaynta cudurka karoona Fayras gaar ahaan kala fogaanshiyaha (Social distance), isagoo ku soo beegaya kulamadiisa wakhtigan oo ay Xukuumaddu la tacaalayso sidii ay uga horteggi lahayd faafitaanka cudurka Karoona Fayras . Dhawr jeer oo aanu telefankiisa gacanta garaacnay Xalay Gudoomiye Xinif si aanu wax uga waydiino arrintan ayaanay noo suurto galin in aannu ku helno kadkaasi. Source
  6. (SLT-Berbera) Magaalooyinka Boorama iyo Berbera, ayaa noqday magaalooyinka ugu horeeyey ee laga joojiyo tukashada salaada Taraawiixda si looga hor taggo faafista cudurka karoona Fayras, waxaana loogu baaqay dadka inay ku tukadaan guryahooda. Toddobaadkii hore ayey labada Masaajid ee ugu waa weyn Magaalada Boorama ee Al-Hudda iyo Geed Goble ay imaamyadoodu sheeciyeen in ay joojiyeen tukashada salaada Taraawiixda si looga foojignaado faafista cudurka karoona Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka safka ah ee Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafi karro isku imaanshaha Bulshada. Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masaajidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masaajidka, balse laga joojiyo uun salaada Taraawiixda. Madaxweyne Biixi iyo gollihiisa wasaaradda ayaa shirkoodii maalintii khamiistii ina dhaaftay ku bogaadiyey imaamada labada masaajid ee Boorama joojista ay joojiyeen salaada Taraawiixda inta lagu gudda jiro la dagaalanka ka hor-tagga faafista cudurka karoona“Ugu dambayn waxay golluhu ay boggaadinayaan iimaamada labada masjid ee masjidka Al Hudda iyo masjidka Geed Goble ee Magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo hakiyey salaadihii Jamaacadda Muddada lagu jiro cudurkan saf mareenka ah ee karoona Fayras, taasi oo ay muujiyeen inay lexejeclo weyni ay ka hayso dadkooda iyo dalkooda, madaama oo uu cudurkani uu ku fidayo isku imaantinka .”Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Dhanka kale Maamulka gobolka Saaxil iyo culimadda gobolkaas, ayaa isla qaatay in la joojiyo tukashada salaada taraawiixda si looga gaashaanto fiditaanka cudurka karoona “Culimadda gobolka Saaxil gaar ahaan Berbera waxaanu isla fahanay oo isla qaadanay in aynu salaadii sunaha ahayd ee Taraawiixda dhammaanba Masaajidada laga joojiyo .” Ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Geesta Kale Qaar kamid ah culimadda Magaalada Berbera oo halkaas ka haddlay ayaa ugu baaqay bulshada inay ku tukadanaa guryahooda salaadaha taraawiixda “Waxaanu isla qaadanay in salaadii Tarawiixda la joojiyo oo dadku ay guryahooda ku tukadaan oo aynu inta aynu qof bad-baadin karrayno bad-baadino oo xanuunkaasi aanu sabab teena ku faafin,oo salaada Taraawiixda ay dadku guryahooda ku tukadaan, go’aankaasi wuu ka dhaqan galay Masaajidadda Berbera habeen hore ayey fuliyeen oo ay joojiyeen salaadaha taraawiixda .” Source
  7. Rome (Caasimada Online) – An Italian aid worker, who was abducted in Kenya in November 2018 has revealed that she converted to Islam. An Italian news outlet reported. Ms Romano, was seen wearing full Islamic clothes after she stepped off an Italian government plane at Rome-Ciampino International Airport. The young woman dismissed speculations that she suffered psychological problems during her kidnapping, she also declined she was forced to get married and convert to Islam. “Nobody forced me, it’s not true that I was forced to get married, I didn’t have any psychological problems, It happened in mid-captivity when I asked to be able to read the Koran and I was satisfied”. Romano denied speculations that she married one of her jailers, she said these reports are baseless and an attempt to spread false information against me. “I was held in different places and I never felt imprisoned, Quran was made available to me, I learnt some Arabic which further facilitated me to comprehend the teachings of Islam, my conversion process went slowly” Romano, 24, touched down at Rome’s Ciampino airport aboard a special flight at about 2 p.m. (1200 GMT). Escorted by masked men from the intelligence service, she lowered her mask briefly to display a broad smile after she descended the steps from the jet before hugging relatives waiting for her at the airport. Shortly after Romano spent some time with her families, she was taken to the barracks to meet the prosecutors who started an investigation surrounding her kidnapping in Kenya. “Every three months I changed my lair”, I was held in three different Lairs namely, Bula Falay, Harardhere and Janale. Silvia told the investigators giving new details of those past months without ever having been tied up or seeing her captors in the face. I never met other women, so the jailers, always the same and present in three, she explained. “They assured me that I would not be killed and so it was,” she added. Silvia Romano was abducted in late November 2018 by unknown armed men in Kenya while volunteering as an aid worker but later ended up in the hands of militants linked to Somalia’s al-Shabab Islamic extremists.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho. Roobabka oo geystay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxaa saameynta ugu daran ay ku yeesheen dadka danta-yar, gaar ahaan kuwooda barakcayaasha ah. Wararka ayaa sheegaya in illaa labo qof ay ku dhinteen roobabkii xalay, kuwaas oo ku sugnaa degmada Wadajir, kadib markii uu ku soo dumay dhismo ay daganaayeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dad badan ay isaga barakaceen guryahooda, kuwaas oo deganaa Ceel-Qalow, Tarabuush iyo xaafada kale. Dhinaca kale roobabkaan oo saacadihii la soo dhaafay si xoogan iga da’ay Muqdisho ayaa sameeyey wadooyinka waa weyn caasimada, kuwaas oo uu burbur soo gaaray. Waxa kale oo jira gawaari fara badan oo godad ku dhacay, kadib markii ay biyuhu jareen jidad badan oo muhiim u ah shacabka. Dhibaatada ugu daran ayaa waxaa wajahaya qoysaska barakayaasha iyo kuwa danta yar, kuwaas oo aan heysan meel ay kaga gabaadsanaa roobka iyo dhaxanta dhaceysa.
  9. Mogadishu (HOL) - Two Senators and a former government spokesperson from the Gedo region were forced to disembark from a Kismayo-bound aircraft transporting the body of Jubaland minister of education, Mohamed Ibrahim Mohamud on Monday. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Two Senators and a former government spokesperson from the Jubaland region were forced to disembark from a Kismayo-bound aircraft transporting the body of Jubaland minister of education, Mohamed Ibrahim Mohamud on Sunday. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xidhay Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xidhiidh la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW). HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku ay Amiir Faysal Bin Cabdullah kasoo xidheen dhisme uu qoyskiisu ka deganyahay woqooyi-bari magaaladda Riyadh, 27-kii March, halkaas oo uu isku karaantiilayay sababo la xidhiidha xanuunka Coronavirus. Ma jirto wax ay mas’uuliyiintu xadhigiisa u sababeeyeen. Qofka ay xiganeyso HRW ayaa sheegay in xubnaha qoyska Amiir Fayal ayna ogeyn meesha uu ku xidhan yahay iyo maqaamkeeda ilaa iyo hadda. Amiir Faysal ayaa kol hore lala xidhay tobanaan qof oo ay ku jiraan xubno qoyska boqortooyadda ka tirsan. Xilligaas waxa ay ahayd 2017-kii oo uu socday raaf ka dhan ah waxa lagu sheegay musuq-maasuqa. Sida ilo wareedku sheegay, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Amiir Faysal la sii daayay December 2017-kii kadib markii ay kula heshiisay in uu u gacan geliyo hanti uu lahaa, waxaana lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah. “ka sokow mowjado cambaareyn ah, dhaqanka sharci daradda ah ee masuuliyiinta Sucuudiga inta uu talinayo Maxamed bin Salmaan waa mid aan habooneyn,” ayuu yidhi, Michael Page oo ah ku xigeenka agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW. “Hadda waxaan Amiir Faysal ku dareynaa boqolaalka qof ee sharci-daradda loogu xiray Sucuudiga,” ayu yidhi Page. “Xadhiga Amiir Faysal waxaa mar kale muujinayaa sida ay mas’uuliyiinta Sucuudigu u xushmad darreynayaan sharciga iyo baahida loo qabo in cadaaladdu shaqayso.” HRW waxay sheegtay in Dowladda Sucuudigu ay xidhay saddex amiir bishii March ee sanadkaan, kuwaas oo ay ku jiraan Axmed bin Cabdulcasiis, Maxamed bin Nayef iyo wasiirkii arrimaha Dibadda ee la eryay bishii June 2017, kadib muddo dheer oo uu xabsi guri ku jiray. Source
  12. (SLT -Hargeysa) Qaar kamid ah Shaqaalaha ammaanka ee Garoonka Diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay ka gadooday lacag ay laga musuq-maasusay oo ay lahayeen,waxaanay cabasho la hor-teggeen xafiiska Mareeyaha Hay’adda Duulista Shaqaalahan ayaa la sheegay inay hore ugu gudbiyeen Cabashadooda Masuuliyiinta Hay’adda duulista iyo Hawadda Somaliland, balse markii ay wax-ba ka qaban waayeen cabashoodooda ay keentay inay sameeyaan gadood cabasho ah oo la hor-taggeen xarunta Hay’adda Duulisa iyo gaadiidka cirka Dhanka kalena shaqaalahan ammaanka Madaarka Hargeysa ee laga musuq-maasuqay lacagahoodii, ayaa waxay la weriyey inay cabashooda ay soo gaadhsiiyeen Hay’adda Shaqaalaha Dowlada, kadib markii ay ka caal waayeen inay wax u qabato Hay’adda Duulistu. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, balse waxay shaqaalaha ammaanka ee Madaarka Hargeysa ay sameeyeen shalay gadood ay la hor-taggeen xarunta Hay’addaas, iyagoo ka cabanayey lacago laga musuq-maasuqay. Source
  13. Waxaa Puntland ka socda Howlgal balaaran oo lagu raad joogo Shabakado Argagixasada ka tirsan gudaha Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo, waxaana ilaa hada xabsiga loo taxaabay [...] Source
  14. (SLT-China)-Dalka Shiinaha waxaa mar kale sare u kacday tirada uu soo ridanayo cudurka Corona ka dib markii Isniinta maanta ah dalkaas laga diiwaangaliyay 17 kiis oo cusub. Shan ka mid ah kiisaskan ayaa waxaa laga diiwaangaliyay magaaalada Wuhan . Magaaladan oo ah goobtii uu cudurka Covid-19 ka soo bilaabmay ayaa waxaa kiisaskani ay yihiin kuwa ka dashay gudaha magaalada oo aan meel kale uga iman. Waa tiradii ugu badnayd oo laga helo Wuhang tan iyo intii shaaca laga qaaday in cudurka laga soo afjara magaaladaasi. Saraakiisha caafimaada ayaa rumaysan in 5 kiis ee la helay ay yihiin shaqsiyaad hal goob ku nool. Magaalada Wuhan oo xudun u ahayd cudurka Corona ayaan dhowr maalmood wax kiisas ah laga soo sheegin. Dalka Mareykanka waxaa 24 saac ee ugu dambeysay cudurka u dhintay 776 qof taasi oo tirada sii kordhinaysa. Waxaa tirada guud ee Mareykanka cudurka ugu dhimatay ay imika gaadhay 79,526. Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ay dowladda ka digtay in mowjad labaad oo cudurka Corona ah laga cabsi qabo. Dalka Australia labada gobol ee ugu wayn dalkaasi oo kala ah New South Wales (NSW) iyo Queensland ayaa waxaa maanta dib loo furayaa iskuulada. Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay dajinayso qorsha si tar-tartiib ah xayiraadaha loogu qaadayo. Source
  15. Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdulaahi Cabdi Xirsi oo uu haleelay Covid19 ayaa hada Xaaladiisa Caafimaad ay soo wanaagsanaanaysaa. Mudo Todobaad ah oo Xanuunka uu hayay Wasiirka [...] Source
  16. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex nin oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in raggaasi ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ka war sugayaan natiijada. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadaasi oo looga hortagayo falalka amaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Maalin ka hor ayey sidoo kale markii Boosaaso lagu qabtay nolol iyo geeri rag hubeysan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo weerar ka geysan rabay gudaha magaaladaasi. Magaalooyinka Puntland, sida Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe la dhigay ciidamo dheeraad, si loo adkeeyo amniga magaalooyinkaasi.
  17. Waxaa Xalay Magalaada Muqdisho ka da’day ma hiigaan ahaa, oo daad watay kaas oo keenay in ay ka dhalato dhibaato naf iyo maal leh. Xaafado ka tirsan Muqdisho oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegaya in roobkaasi uu dhibaato u geystay qoysas badan, oo qaarkood la la’yahay halka qaar kale isbitaallo jiifaan. Dhanka kale, waxaa uu burbur soo gaaray guryo ku yaalla xaafadaha Muqdisho kuwaas oo meelo hoose ku yaalay, daadka u galay halka guryaha qaar ay xalay oo dhan biyo dhaamin ku jireen. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in barakacayaasha ay sidoo kale soo wajahday dhibaato adag taas oo ka xanuun badan dadka ku nool xaafadaha. Weriyeyaasha Goobjoog ayaa ku kallahay qeybo ka mid ah degmooyinka Xamar, wixii ka soo baxa la soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid dowladaha Somaliya iyo Jabuuti. Waare iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa iney kulamo la qaateen maamulka iyo waxgaradka Hiiraan si loo qiimeeyo xaaladda fatahaadda webiga Shabeelle gaar ahaan agagaarka Baladweyn. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in lix boqol oo kun oo dollar ay ka soo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale qoraalka ayuu ku sheegay in shan boqol oo kun oo dollar ay soo gaarsiisa Dowladda Federaalka Somaliya, halka laba iyo afartan kun oo dollar ay siiyeeyn guddiga gurmadka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ay ka fuliyeen duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Carabow oo 50 KM u jira magaaladaasi, gaar ahaan goob uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare xoogan ku gaasiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gabi ahaan cagta mariyeen goobtii uu shirka ka socday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu midkood ahaa Ajnabi ka soo jeeda dalka Maali, kaas oo uu magaciisa ku soo gaabiyey, Abuu Ayman. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale tilmaamay in labada kale ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan magacyadooda. Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarkan ay ku laayeen dagaalyano kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, walow uusan shaacin tiradooda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.
  20. NAIROBI, Kenya — When Valentine Ochogo arrived home in Kenya after being laid off from her job at a hot-air balloon business in Dubai, she was put in quarantine in a university dormitory with other travelers — one step in the government’s aggressive, often-lauded campaign to prevent the spread of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  21. Turkey’s National Intelligence Organization (MIT) helped rescue a kidnapped Italian aid worker in Somalia, according to a security source on Sunday. Source: Hiiraan Online
  22. Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo midkood ajnabi yahay. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA, ayaa saraakiil ka tirsan Kumaandooska ka soo xigatay, in hawlgalkaasi ka dhacay degaanka Carabow oo qiyaastii 50km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo halkaas shir uga socday. SONNA, oo xiganaysa Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa ku warrantay in ciidanku ay cagta mariyeen goobtii shirku uga socday horjoogayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddex sarkaal oo midkood ajnabi yahay. Gaashaanle Maalin, ayaa magaca horjoogaha ajnabiga ah ku soo koobay Abu-ayman, oo ka soo jeeda waddanka Maali, balse ma xusin magacyada labada sarkaal ee Soomaalida ah, isagoo sheegay in ay dib ka shaacin doonaan. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Soomaaliya oo laayay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo ajnabi ku jiro appeared first on Puntland Post.
  23. Degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan ee G/Banaadir ayaa xalay isaga hor yimid tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo soo bandhigay tartan xiiso badan ayaa galay barbaro, waxaana ay ka wada tirsanaayeen group-ka A, wareega koowaad ee tartanka Shabelle. Wadajir ayaa la timid 12 dhibcood, halka Kaaraan ay iyana keensatay 12, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Guddoomiyaha guddiga tartanka ayaa sidoo kale sheegay in group-ka A oo ay ku wada jireen illaa afar degmo ay ka soo baxeen degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag oo iska sii xaadiriyey wareega labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  24. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyey shirka guddiga qaran ee xakameynta COVID19 ayaa bogaadiyay dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka oo bilaabay in ay ka howlgalaan isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Khayre ayaa sidoo kale baaq u diray aqooyahanada kale ee Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay ka qeyb qaataan la-dadaalanka Coronavirus. “Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 ayaa bogaadiyay dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka oo bilaabay in ay ka howl galaan isbitaalka Martini iyaga oo garab istaagaya dalkooda iyo dadkooda si loo dabiibayo dadka uu soo ritay cudurka Covid19. isaga oo aqoonyahannada kale ee dalku leeyhay ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dadaallada socda.” ayaa lagu yiri qoraal kooban ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Soomaaliya oo dalalka Afrika ee uu saameeyey cudurka Covid-19 haatan kaga jirta kaalinta 13-aad ayaa waxaa kiisaska la xaqiijiyey ay kor u dhaafeen illaa kun qof. View the full article
  25. La-taliyaha sare ee wasaaradda caafimaadka XF, Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo gashay kaalinta 13-aad kala sareynta dalalka Afrika uu saameeyey Covid-19, ayna tahay wax laga naxo faafidda uu sameenayo cudurka. Dr Fuje ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in qof walba uu ku dadaalo qaababka looga hortagi karo caabuqa, iyadoo ay u tahay bad-baado naftaada iyo qoyskaaga. Sidoo kale wuxuu baaq udiray dhalinyarada, isaga oo ka dalbaday in ay noqdaan badbaadiyaha qaranka iyo bad-qabka bulshada Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cod-jaamac.mp3 View the full article