-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Puntland oo hub fara badan lagala baxsaday,Halka lala galay & wararkii ugu dambeeyey Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa gobolka Bari ay habeen hore la baxsadeen hubkooda, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah uga fakadeen deegaanka Af-Urur. Ciidamadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaag, iyaga oo doonaya inay iibsadaan hubkaasi oo u badan AK47. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta baxsatay ay yihiin kuwa dhowaan tababar loogu soo xidhay xerada Xorgoble ee Qardho, iyadoona kadib la geeyey deegaanka Af-Urur, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan buuraleyda Bari. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa amray saraakiisha ciidamada maamulkaasi in si deg-deg ah loo soo qabto askartaasi. Sidoo kale taliyaha oo haatan ku sugan degaanka Badhan ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciidamadaasi, islamarkaana ay la tiigsan doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay askar ka baxsato Puntland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo hub iyo gaadiid la goostay oo ku biiray Somaliland. Share this: Qaran News
-
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, oo ah ganacsade ka soo jeeda dalka Jabuuti, ayaa madaxweyne ku xigeenka somaliland ahna gudoomiyha Guddida Covid-19 ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ku wareejiyey $100.000 oo doolar. Halka uu ku wareejiyey gudoomiyaha hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed qadar lacageed oo dhan $70.000 oo bulshadda jilicdasan raashin loo siin doono . Source
-
Gabadh Soomaali ah oo qoyskeeda ay ku ogaadeen arrin aysan ka filaneynin “Maxaa tiri?! Hilibka waan ka caagganahay aa?….yaah?!… Maxaa xiga marka… ma waxaad tuuri rabtaa xijaabka?!” Hadalladaas waxaa tiri Sumaya hooyadeed, ka dib markii ay ogaatay in gabadheedu aysan hilibka cunin balse khudaarta oo kaliya ay cunto. “Waxaan jeclaan lahaa inaan hooyadey muuqaal ka duubo markaas! jirkeeda oo dhan wuu isbaddalay. Waxay ii arkeysay sidii inaan qof dilay oo kale”, ayey tiri Sumaya oo 18 jir ah, kana soo jeedda galbeedka London. “Anigana waxaan dhahay ‘hooyo, aniga qof bani’aadan ah ma dilin. Wax sidaasoo kale u weyn ma sameynin”. Sida dad badan oo reer Britain ah ay maanta yihiin, Sumaya waxay isku tahay dhowr waxyaabood. Haweeney, muslim ah, xijaab xirata, Soomaali ah. iyo tan ugu dambeysay oo ah inay tahay qof hilibka ka caaggan oo khudaarta kaliya cuna. Qiyaastii 540,000 oo dadka hilibka ka caaggan ah ayaa ku nool waddanka Britain, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii. Tiradaas waxay 150,000 ka sarreysaa halkii ay mareysay sanadkii 2006-dii, taasoo ka dhigan in dadka noocaas ah ay sii kordhayaan. Diinta Islaamka, in hilibka xoolaha la cuno waa xalaal, taasina micnaheedu waa in dadka muslimiinta ah ay hilibka cunaan iyagoo diintooda raacaya. Dadka Muslimiinta ah qaarkood waxay aaminsan yihiin in haddii la iska mamnuuco wax diinta lagu xalaaleeyay ay tahay tallaabo xaaraam ah. Sidey Sumaya qoyskeeda ku ogaadeen inay hilibka ka caaggan tahay? Sumaya durbaba waxay si shakhsi ah u dareentay khilaafka noocaas ah ee salka ku haya in waxa ay diintu banneysay la iska xaaraantinimeeyo. Waxay muddo lix bilood ah qoyskeeda ka qarineysay inay khudaarta kaliya cunto, oo aysan hilib cunin. Laakiin habeen habeennada ka mid ah ayuu aabaheed u keenay raashin aad loo soo hagaajiyay, oo ah digaag la dubay. Da’deedu waxay ahayd 16 xilligaas, jilibka ayeyna ka dhaawacneyd, sidaas darteed ayuuna aabaheed ugu keenay wax fiican. “Markii uu guriga yimid, wuu ii yeeray, raashinka digaagga ah ayuuna gacanta ku hayay”, ayey tiri iyadoo dib u xasuusaneysa dhacdadaas. “Waa raashinkii aad ugu jecleyd ayuu igu yiri isagoo dhoollacaddeynaya”. Baahidii heysay ayaa isu baddashay walwal iyo naxdin ku saabsan sida ay ka yeeleyso arrinta markaas heysatay. Laakiin waxaa la joogay wakhtigii ay mowqifkeeda caddeyn lahayd. Sumaya waxay ku kortay qoys muslim ah oo Soomaali ah, hilibkuna gurigooda wuxuu ka ahaa cuntada joogtada ah. “Quraacda, qadada iyo cashadaba hilib ayaan ku sameysan jirnay, hilib ayaa raashin walba noo ahaa”, ayey tiri. Gudaha Britain tirada Muslimiinta waxay ka tahay qiyaastii 4.6% ka mid ah tirada guud ee shacabka, laakiin sida lagu sheegay daraasad ay sameysay hay’adda wax soo saarka hilibka ee AHDB Beef & Lamb, 20% ka mid ah hilibka lagu sameeyo UK waxaa isticmaala muslimiinta. Sumaya markii ay 15 sano jirtay ayey billowday inay ka fikirto xaddiga hilibka ay cuni jirtay, iyo saameynta uu caafimaadkeeda ku leeyahay, sidaas darteedna waxay dareentay inay isbaddal u baahneyd. Waxay gashay Youtube-ka, iyadoo raadineysa nooca raashinka ah ee ay ku baddalan karto hilibka. “Waxaan arkay gabdho caddaan ah oo dhuudhuuban, oo sheegaya in qofkii sidooda oo kale doonaya inuu cuno khudaarta kala duwan”, ayey tiri. “Markii aan isku dayay, oo aan dhowr bilood waday, waxaan dareemay inaan aad ugu fiicnaanayay”, ayey tiri Sumaya. Maxay sameysay maalintii uu aabaheed u keenay digaaga? Cabbaar markii ay taaban weysay hilibkii ayuu aabaheed dareemay inaysan cuni rabin. “Aabe wuxuu igu yiri: ‘maxay tahay xushmad darradan, waa maxay sababta aad u cuni la’dahay raashinka aan kuu keenay?”. Halkaas ayey arrinteedii ku caddaatay, qoyskeedana waxay ku noqotay fajac. Sumaya waxay hadda wax ku qortaa website looga hadlo faa’iidada khudaarta, waxayna farriimo taageero ah ka heshay dad badan oo muslimiin ah, kuwaasoo doonaya inay billaabaan cuntada khudaarta kaliya ah. Qaran News
-
Jamaame (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan goballada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in xalay duqeyn lala beegsaday dagaalamayaal Al-Shabaab ah, oo ku sugnaa xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xogta la helay ayaa sheegeysa in duqeynta lagu aadiyay iyadoo loo khudbeynayo ciidamo Al-Shabaab ah oo loo diyaariyay iney weeraraan degaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in la duqeeyay xubno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe. Duqeynta Jilib ayaa la sheegay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan Golaha fulinta ee Al-Shabaab. Wali magaciisa lama helin balse wararka qaar ayaa magaciisa ku soo koobaya Yuusuf. Duqeynta ugu culus ayaa ka dhacday degaanka Haway ee gobalka Shabeellada Hoose waxaana lala beegsaday la taliyaha gaarka ah ee hogaamiyaha Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Caato. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Mustaf Caato oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan la dilay waxaana sidoo kale duqeyntaas ku dhintay xubno isaga la socday oo u badan ilaaladiisa.
-
Wararka ka imaanaya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose. Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay askariga toogteen, xilli uu ku sugnaa suuq ku yaalla deegaankaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada geysatay ay horay u sii qaateen qoriga askarigaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhacdada kadib ay goobta soo gaareen ciidanka amniga, ayna qabteen hal qof oo laga shakiyey. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka askarta dowladda ee ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo duleedkeeda. View the full article
-
Upon the request of the Government of Puntland, the UN envoy James Swan facilitated a meeting for International Partners to mobilize humanitarian support and re-construction efforts for the flood-hit Qardho. During the meeting, President Deni has thanked all international partners who participated in the meeting and said Puntland looks forward to the humanitarian mobilization efforts. Somali PM Hassan Ali Khaire has also participated in the virtual conference on the Qardho flood crisis, according to Puntland state presidency. At least 6 people lost their lives after a flash flood in the town last month, making hundreds of residents homeless and destroying houses and commercial buildings. View the full article
-
At least two soldiers were reported to have been hurt in a hand grenade attack targeted a security checkpoint in Mogadishu, the Somali capital on Monday night. The attack took place at the Tarabunka junction, where Somali police search the vehicles as part of the security measures put in place in the capital by the Federal Government. Following the explosion, the police opened fire at different directions with reports that two civilians at a nearby area have been wounded by the stray bullets. There was no immediate claim of responsibility for the attack, however, such blasts are mostly attributed to Al-Shabaab, the Al-Qaeda affiliate fighting the government. View the full article
-
Guddoomiyaha arrimaha bulshada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Cabdullaahi Xasan Cabdi (Toosane) oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in kiisas ka mid ah cudurka Coronavirus laga diiwaan-geliyey magaaladaasi. Toosane ayaa sidoo kale tilmaamay in saameynta Covid-19 si weyn looga dareemayo magaalada Afgooye, islamarkaana ay jiraan dad badan oo u dhintay cudurkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga xitaa uu ku dhacay Coronavirus, balse uu haatan ka caafimaaday. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda dhex inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan shacabka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cccccc.mp3 View the full article
-
Puntland oo amartay in la soo qabto askar hub kala goosatay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland, Generaal Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo askar ka goosatay maamulkaasi. Yaasiin Cumar Dheere ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la baxsadeen hub xilli habeen ah, iyaga oo ka tegay fariisin ku taalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaaga ee waqooyiga Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan inay iibsadaan hubkaasi. Lama shaacin tirada askartaasi oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamadii dhowaan lagu tababaray xerada Xorgoble ee magaalada Qardho. View the full article -
Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii u dambeeyey ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Fatahaada ayaa ka timid, kadib markii roobab ay ka da’een degaano ku teedsan Wadiga Shabeelle, isla markaana wabiga uu keenay biyo xad dhaaf ah, taasoo sababtay uu in bilowday barakac hor leh oo qabsaday reer Beledweyne. Xaafadaha u sida weyn ugu fatahay Wabiga, waxaa kamid ah xarunta Lamagalaay, Kooshin, Kutiinbo iyo Raadeerka, waxaana dadkii deganaa ay badankood uga baxeen degaanka Ceel Jaale oo horay ugu dhibaateysnaayeen dad ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle. Magaalada Beledweyne waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dadaalo xooggan oo lagu moosayo jiinka Wabiga, waxaana la dhigayay carro tuur badan, balse xowliga biyaha oo aad u xoogan ayaa jabsaday, taasina waxay keentay in xaafado hor leh ay biyo galaan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay jiraan dad dano gaar ah oo dadka barakicinaya, waxaana uu uga digay ha’adaha samafalka in ay gurmad gaarsiiyaan dadka ka baxay fatahaada, isagoo dhanka kale ka cosday in ay ka qeyb qaataan sidii xal loogu heli lahaa fatahaada Wabiga Shabeelle. fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sanadihii u dambeeyey soo noqnoqonaysay, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay. PUNTLAND POST The post Beledweyne: Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado hor leh appeared first on Puntland Post.
-
Degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Labad degmo ayaa ku wada jira group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sidoo kale degmooyinka Xamarjajab iyo Marka ayaa isku dhibco ah, marka dibloo eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana degmo waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena laga soo adkaaday. Tartan aqooeedka Shabelle ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana wareega labaad iska sii xaadiriyey illaa afar degmo oo kala ah Howlwadaag, Wadajir, Dayniile iyo Xamarweyne oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahiyay in tiradii ugu badneyd ee hal mar kasoo goosta ciidamada maamulka Jubbaland lagu soo bandhigay goobo ka tirsan Jubbada Hoose. Sida lagu qoray warbaahintaas, ilaa iyo shan ka mid ah askarta maamulka Jubbaland ayaa ka goostay saldhig ku yaala deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka ka ah magaalada Kismaayo. Ciidmada ka goostay maamulka Juubaland iyo hubkooda waxey sida la sheegay isku dhiibeen xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida. Warka lagu faafiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in ciidamada is dhiibay ay dhibaato ka tabanayeen ciidamada Kenya. Liiska Ciidamada isku dhiibay Al-Shabaab: Aadan Cismaan Cumar Cusmaan Maxamed Xuseen Ibraahim Xasan Cabdullaahi C/qaadir Cumar. Maxamed Cali Bakar Al-Shabaab waxey sheegteen iney ciidamada kasoo goostay maamulka Jubbaland lacago ugu badaleen hubkooda isla markaana ay rajeynayaan iney dib ugu laabtaan eheladooda.
-
Wararka naga soo gaaraya magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in webiga biyaha ay soo galeen inta badan magaalada iyaga oo go’doomiyey xaafado badan. Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyne waxaa uu sheegayaa in biyaha ay guud ahaan go’doomiyeen xaafadaha Buundaweyn iyo Hawl-wadaag halka Xaawo Taako iyo Kooshin ay soo galeen balse dad ay ka qaxeen. Dadka ayaa u qaxay duleedka magaalada waxaana la filayaa inay wajahaan dhibaato bani’aaddanimo maadaama ay guryahoodii iyo dhammaan wixii ay haysteen ka tageen. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay maamulka Hiiraan ay horey u sheegeen iney ka adkaadeen biyo-baxa webiga isla markaana ay dadaallo badan sameeyeen. Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlayay 10-kii bishan soo dhoweynta madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay ka adkaadeen biyaha taasi oo u muuqata inay been noqotay. Guddoomiye Jeyte oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Annaga waxaan sameysay raaca 1-aad, raaca 2-aad, raaca 3-aad iyo raaca 4-aad kali kali ayaan ka dhignay biyo hal xabo aan ku soo fashilanay waa qooqani, wey naga soo adkaadeen kii 2-aad waa hortaagannahay kii saddexaad waa kaas waa noo fiyowyahay waa sidiisii, kii 4-aad oo ay saakay injineerka soo dhigeen cidina ma gaarin, biyo horta sidaas ayaan uga adkaanay” Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay. Sanadkasta wabiga Shabeelle ayaa ku fataha meelaha uu ka maro goballada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay uu khasaaro xoggan ka geytay goballadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xariga guddoomiyihii Garbahaarey iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horreyn sheegay in wax laga xumaado ay tahay faro-gelin uu tilmaamay in hay’adda nabad sugida Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiintii gobolkaasi ugu magacaawnaa Jubbaland ay wajahayaan xaalado adag iyo dhibaatooyin uga imaanayaan dowladda dhexe. Ku xigeenka 1-aad ee Axmed Madoobe ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay mowqif cad ay ka qaadanayaan dowladda dhexe, ayna la wadaagi doonaan beesha caalamka. Ugu dambeyn Sayid Aadan ayaa soo hadal qaaday xarigii guddoomiyihii degmada Garbahaarey, Cadow Iimaan Kaarshe oo shalay laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna dalbaday in deg-deg xorriyaddiisa loo siiyo mas’uulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-12052020.mp3 View the full article
-
Roma (Caasimada Online) – Wargeyska Le Rupubblica ee Talyaaniga ayaa qoray warbixin ku saabsan sida agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, Turkey iyo Qatar ay Talyaaniga u gacan siiyeen sii deynta Silvia Romano. Warbixinta ayaa si gaar ah u eegeysa sida Fahad Yaasiin uga shaqeeyey xoreeynta gabahdan. Warbixinta oo Caasimada Online ay sideeda usoo tarjuntay, hoos ka aqriso. Bilihii dhowaa, dhowr jeer anagoo qaban-qaabinayna idaacadda “Afrika Oggi” ee Radio Radicale, waxaan raadinay macluumaad ku saabsan xaaladda Silvia Romano, waxaana si soo noq-noqosho leh u heleynay astaamo muujinaya inay nooshahay. Si taxaddar leh, si kastaba ha noqotee, waxaan dooranay inaan ka aamusno mawduuca, si aanan u carqaladeynin howsha cajiibka ah ee kuwa ka shaqeynayay inay dib ugu soo celiyaan xorriyaddeeda. Maanta, waxaan dhihi karnaa in kuwa ku guuleystey inay xiriir la sameeyaan afduubeyaashii Silvia Romano ay ahaayeen sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayada oo uu hagayo madaxooda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, weriyihii hore ee Al Jazeera isla markaana ka mid ah la-taliyayaasha uu ugu dhageysiga badan yahay Madaxweyne Farmaajo. Intaas waxaa dheer, madaxweyne Farmaajo wuxuu aad u daneynayay sii deynta Silvia Romano, maxaa yeelay afduubkeeda ayaa dhacay intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga aheyd ee Talyaaniga. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan Soomaaliya, waxaana sababo la xiriira xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Qatar, uu ahaa maskaxdii ka dambeysay doorashadii labada madaxweyne ee Jamhuuriyadda Federaalka ee xilligii kala guurka: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (2012) iyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo (2017). Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo Soomaaliya waxay dhammaantood gacan ka geysteen siideynta Silvia Romano, iyadoo oo uu hagayo hoggaanka NISA, oo runtii ahaa udub dhexaadka dhabta ah ee siideynta gabadha aan isku dalka nahay. Talyaanigu wuxuu si cad u danaynayay sii deynta Silvia Romano, ayada oo la eegayo caqiidada ah in dadka Talyaaniga ah ee la afduubto aan waligood lagu halleyn naftooda, xaalad kasta oo qalalaase ee adduunka ka jirta. Turkiga waxa uu lahaa kaalinta damaanad qaadidda bixinta madax furashada, iyagoo hubinayey in lacagtu aysan ku dhici doonin ugaarsadayaasha iyo afka kuwa iimaanka darran. Waxay sidoo kale ku yabooheen qalabka farsamo ee howlgalka. Qatar waxay lahayd kaalinta dammaanad qaadka si wanaagsan ula dhaqanka Silvia Romano. Qatar waxaa horey loogu eedeeyey inay maal-geliso Al-Shabaab, taasi oo gaartay heer eedeyntani ay ka mid ahayd doodihii ay taageertay Sacuudiga markii 2017 ay u jartay xiriirka diblomaasiyadeed, ayada oo ay wehliyaan dalal badan oo ka mid ah kuwa Khaliijka. Weligeed ma jirin wax caddeyn ah oo ku saabsan maal-galintaas, laakiin Qatar waxaa la rumeysan yahay in xiriirka ay la leedahay kooxda Al-Shabaab uu yahay mid ay ku raadineyso dib-u-heshiisiin guud oo dadka Soomaaliyeed ah iyo hab sharaf leh oo ay ku baxaan maleeshiyada Al-Shabaab, haddii ay ka tanaasulaan halganka hubaysan. In Silvia loola dhaqmo si bani’aaadannimo waa waxa ay Qatar dooneysay. Wax ay ahaataba, Qatar iyo Turkiga waxay xulafo ku yihiin siyaasadda dhaqaale iyo duruufo kale oo badan oo juquraafi ah, kasoo billow Syria ilaa Ikhwaanul Muslimiinka, inay wada mucaaradsan yihiin Al Sisi, oo xukunka la wareegay markii uu afgambiyey “Walaalkood” Morsi, iyo inay taageeraan Al Serraj-ka Libya. Xiriirka Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya waa qeyb kale oo ka mid ah xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, waxaana ninka xudunta u ah isbaheysigan uu yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gacmihiisa ay qorsheeyeen sii daynta Silvia Romano. Maanta, waxaan dib u milcsan karnaa, in ku dhawaad toban maalmood ka hor Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ka duulay magaalada Muqdisho una aaday magaalada Kismaayo oo qiyaastii 300 kiilomitir u jirta soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, iyadoo shaqada rasmiga ah ee safarka ay ahayd idib isugu keenidda dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo uu u arko in si sharci darro mar saddexaad loogu doortay inuu madaxweyne u noqdo gobolka koonfurta ee Jubaland, iyadoo Kenya ay taageereyso, inkasta oo sharcigu oggol yahay in la doorto laba mar kaliya. Safarkaas waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wada-hadallada sii deynta Silvia iyo soo helista caddeymo muujinaya in weli ay nooshahay. Waxaa xigey taas in Silvia loo wareejiyay meel u dhow Afgooye, oo ah magaalo qiyaastii soddon kiiloomitir koonfur ka jirta Muqdisho, laakiin hadda ku dhow in lagu daro caasimadda sii ballaaraneysa. Halkaas, Silvia Romano waxay dhowr maalmood ku sugeysay sii-deynteeda. Is-dhaafsiga Silvia iyo lacagta mnadax-furashada ayaa ka dhacay meel u dhow beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ahaa mudane xubin ka ahaa kooxdii “Il Manifesto”, taasi oo 1989-kii ayada oo uu hogayo qareen Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, kasoo horjeestay Maxamed Siyaad Barre. Dhaqdhaqaaqaasi waxaa markii dambe ka dhashay USC – United Somali Congress – oo aakhirkii uu la wareegey Jeneraal Maxamed Faarax Xasan, oo loo yaqaanay Caydiid oo gacan ka geystay dhicitaankii Siyaad Barre. Hal-abuurka hawlgallada ayaa horseeday guusha himilada taasi oo qof walbaa uu ku farxi karo. Gaar ahaan, hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab waxay ku farxeen, markii ayaga oo fadhiya fadhi carbeedyadooda, ishana ku hayo roogga quruxda badan, gacanna kula cayaaraya garkooda la mariyey cillaanka, gacanta kalena ku tasbiixsanaya, ay Internet-ka ka daawadeen muuqaallada Silvia oo diyaarad kasoo dageysa garoonka Ciampino. Waxay aad ula dhaceen muuqallada Silvia Romano oo madaxeedu xijaaban yahay, gacmahana ugu jiraan gacmo-gashi, ayna xiran tahay burqo. Waxay ku farxi doonaan, inkasta oo ay sii daayeen inay haddana weli ku dhaqmeyso diinta Islaamka oo ay shaaca ka qaaday inay qaadatay. Waa muuqaa guul u ah koox shalay ka hor loo arkay argagixiso dadka cunaha gooya.
-
Rescued Italian aid worker Silvia Constanza Romano, who has embraced Islam, says she converted on her own will and not by force. Romano, 25, was abducted from Kenya’s southeastern coastal town of Chakama in November 2018. She was rescued on Sunday through joint efforts by Turkish, Somali and Italian intelligence services. “They assured me that I would not be killed, and so it was,” Romano told Italian news agency ANSA. On her conversion to Islam, Silvia said it happened mid-captivity. “It was spontaneous and not forced. In these months I was given a Koran and thanks to my captors I also learned some Arabic,” she said. “They explained their reasons and culture to me. My conversion process has been slow in recent months. There was no marriage or relationship, only respect.” Italy’s deputy foreign minister acknowledged Turkish cooperation during the rescue operation. “There had been cooperation with the Turkish intelligence service to locate her and take action at the right time,” Marina Sereni told LA7 TV channel. View the full article
-
Wararka aynu ka heleyno magalada Baladweeyne ee xurunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya Wabiga Shabeelle oo maalmihi la soo dhaafay waday biyo aad ufarabadan in uu maanta ku fatahay xaafado ka mid ah magalada Baladweyn. Biyaha wabiga ayaa galay xaafadaha magaalada qaarkood, dad badan ayaana isaga barakacay guryahooda kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen halkaasi. Dadaalo lagu doonayay in looga hortago fatahaada wabiga Shabelle oo ay iska kaashanayaan Maamulka Hirshabelle iyo dowlada federaalka ayaa ka socda gudaha magalada si looga baajiyo in ay khasaaro lixaad leh geysan. Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay. Sanadkasta wabiga Shabeelle ayaa ku fataha meelaha uu ka maro goballada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay uu khasaaro xoggan ka geytay goballadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ma aan markii u horaysay ee Dowlada Qatar iyo Al-Shabaab la sheegey in Xiriir fiican uu ka dhexeeya, Wadamada Reer Galbeedka, Saciidiga iyo Emaaraatka ayaa [...] Source
-
Many uncertainties haunt the world’s campaign to counter the COVID-19 pandemic, but one thing is now sure: Global economic activity will suffer greatly, with large-scale consequences for the incomes and welfare of all, but especially for the most vulnerable food import-dependent countries. In the absence of timely and effective policy responses, this will exacerbate an already unwelcome increase in the number of people who don’t have enough to eat. Last year The State of Food Security and Nutrition in the World, the SDG2 monitoring report that the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) produces in collaboration with other UN partners, warned that economic slowdowns and downturns helped explain rising undernourishment levels in 65 of the 77 countries that recorded such rises between 2011 and 2017. The International Monetary Fund has just slashed its global gross domestic product forecast by a huge 6.3 percentage points, making FAO’s analysis all the more relevant as part of a worldwide toolkit to prevent the health crisis from triggering starvation. In January, the IMF anticipated global GDP would expand by 3.3 percent, but in April, when much of the world was shutting down to contain contagion, it issued a new forecast of minus 3.0 percent. Sub-Saharan Africa, a region that is home to the world’s highest hunger rates and where the average age is around 20 years, must now brace for its first recession in a quarter of a century. Analyzing data of food supply since 1995, linked to FAO’s statistical development of the prevalence of undernourishment (PoU) indicator, and correlating them to past local economic trends in countries that are net food importers, we find that millions of people are likely to join the ranks of the hungry as a result of the COVID-19-triggered recession. That number will vary according to the severity of GDP growth contractions, ranging from 14.4 million to 80.3 million depending on the scenario, with the latter figure a truly devastating contraction of 10 percentage points in all 101 net food-importing countries’ GDP growth. The actual outcome could be worse if current inequalities in access to food are worsened – something that absolutely should not be allowed to happen. The world is not facing food shortages, which is why FAO has from the pandemic’s outset advocated that all countries must do their best to keep food supply chains alive. With the new estimates emerging from a strictly economic analysis – based on food supply and availability and not other central pillars of food security – FAO is emphasizing that all countries must also foster measures to protect people’s ability to access food that is locally, regionally and globally available. The nexus between undernourishment and economic performance was already driving the world away from the goal of eradicating hunger by 2030. FAO’s global PoU number has been rising since 2015, albeit slowly, ending decades of decline. It is now around where it was in 2010, and undernutrition affects one in nine people globally, with much higher rates in large swathes of Africa and Asia. Governments are rolling out unprecedented fiscal and monetary stimulus to conserve economic capital and support safety nets for the newly unemployed. Many countries lack the tools to deploy such liquidity injections and public spending commitments. The international community must facilitate their capacity to act, while these countries must exert fiscal responsibility and objectivity to reallocate their own resources along with assistance to the most urgent needs that the COVID-19 pandemic has created. Health is the first priority, but sufficient and healthy food is a central part of the health response to the pandemic. Inadequate action will also severely weaken vulnerable populations for years to come. This would make prospect of achieving the Sustainable Development Goals all the more difficult. So not only must efforts focus on keeping food supply chains alive, but it’s imperative to focus on food accessibility for all. Governments have an opportunity to tackle this issue head on by targeting the required official stimulus packages to the poorest and undernourished. Tools such as cash and in-kind transfers, new credit lines, safety nets, food banks, keeping school-lunch programmes alive can be useful. Keep in mind that emphatically focusing on “have nots” will have a doubly positive effect, both helping those most in need and maximizing the impact of public resource outlays on maintaining the dynamism of demand. There could be a third positive effect as well: Minimizing outright hunger in ways that avoid food insecurity and malnutrition will reduce the long-term scars inflicted by the recession, fostering more vitality and less dependence in the future. Indeed, insofar as possible stimulus measures that tackle the current menace to food access should be designed with a view to start building the resilience of food systems to safeguard them against economic slowdowns and downturns in the future. Marco V. Sánchez Cantillo – Deputy-Director, Agricultural Development Economics Division of the Food and Agriculture Organization of the United Nations
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Telefishinka Tgcom24 ayaa sheegay in Qatar ay door weyn ku laheyd sii deynta Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay Al-Shabaab. TV-ga Tgcom24 ayaa shaaciyey in dowladda Qatar ay hoggaamineysay wada xaajoodkii lala galay Al-Shabaab ee lagu bixiyey lacagta madax furashada ee lagula soo wareegay Silvia Romano, taas oo lagu sheegay illaa saddex milyan oo Dollarka Mareykanka ah. Sidoo kale Telefishinka Tgcom24 ayaa Qatar ku eedeysay inay xiriir la leedahay kooxda gacan-saarka la leh Al-Shabaab ee Al-Qaacida. “Qatar ayaa xiriiro muhiim ah la leh [xoogaga gacanaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida].” ayaa lagu yiri warbixinta uu sii daayey Tv-ga. Silvia Romano oo 18 bilood ay afduub ahaan u heysteen Al-Shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka sida ay shaacisay, kadib markii ay ka degtay magaalada Rooma caasimada wadanka Talyaaniga, halkaas oo ay dib ugula midowday qoyskeeda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay loo shaaciyey in deysmada Silvia Romano ay iska kaashaadeen siroodanada Talyaaniga, Soomaaliya iyo Turkiga.
-
A section of Eastleigh residents took to the street yesterday to protest restriction of movement in the area and appealed to the government to provide them with relief food. Source: Hiiraan Online
-
Somalia on Monday confirmed 35 new cases of COVID-19, largely due to community transmission, bringing the tally of infections to 1,089 in the country. Health minister Fawziya Abikar said 24 of the 35 new cases were recorded in Banadir, while Puntland had eight and Somaliland three. One person succumbed to respiratory disease, raising the death toll to 52. The number of recoveries rose to 121, after the latest addition of three, Abikar said. The spike in COVID-19 cases comes at a time when Somalia is grappling with heavy flooding and a threat of desert locust infestation. The World Health Organization has warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. Somalia has closed schools, banned large gatherings, and suspended international and domestic passenger flights contain the spread of the novel coronavirus. View the full article
-
Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa saacadaha soo aaddan la filayaa in maamulka Jubbaland uu go’aan cad ka qaadato dowladda federaalka ah ka dib markii ay ku eedeeyeen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso burburinta maamulkaasi. Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in markii golaha aminga Jubbaland ay xeeriyeen sida dowladda dhexe ay ula dhaqmeyso maamulkooda ay isku raaceen in saacadaha so aaddan go’aan ka dhan ah dowladda Farmaajo inay shacabka la wadaagaan“Dowlad goboleedka Jubbaland wax ay go’aansatay inay mowqif adag qaadato 24-ka saac ee soo socdana ay go’aan ka soo sarto oo ay la wadaageyso ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”. Shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha amniga ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku go’aamiyeen inay go’aan adag ka qaataan dowladda dhexe oo uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan waxaana Maxamuud Sayid Aadan uu tilmaamay in hay’adda nabad sugiida qaranka ay qalalaase ka waddo gobalka Gedo kagadaal markii xabsiga degmada Luuq la dhigay guddoomiyihii degmada Garbahaareey isaga oo arrinkaas ku tilmaamay mid ka fog dowladnimada waxa uuna ku baaqay in la sii daayo guddoomiyaha. “waxa ugu foosha xun waxa ay ahayd guddoomiyihii degmada Garbahaareey oo si xoog ah loo afduubay xorriyaddana looga qaaday waxa yaabka leh ee aan isweydiinayno ayaa ah hay’adda NISA ma qarankii Soomaaliyeed ayey burburinaysaa haddaad qarankaagii burburiso oo hay’adahaadii maamul iyo garsoor burburiso haddii aad sharcigii iyo xeerarkii u dagsanaa Soomaaliya aad tuurto waxa xiga waa maxay? Waxaa xigaya in dowladnimada Soomaaliya ay meesha ka baxdo, dagaalo sokeeya dhacaan, argagixisada ay dalka dib u qabsato anngayaga isfahansanna aan isleyno waxaan soo jeedinaysaa in guddoomiyaha Garbahaareey xoriyaddiisa loo soo celsho” ayii Yiri Maxamuud Sayid Aadan. Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday inay haboonaan lahayd in waxkasta oo is afgarn waa ah in lagu xaliyo miiska wada hadalka badalkii la daadin lahaa dhiig waxa uuna intaa ku daray in iyagu ay iska diideen colaadda haatan ay gobalka Gedo ka hurineyso dowladda dhexe Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan cirka isku sii shareeraya iyada oo horey dowladda u sheegtay inaysa aqoonsanayn doorashadii markale uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe taas oo keentay isqabqabsi ku aaddan sax ahaanshiyaheeda inkastoo markii dambe ay tanaasuleen qolyihii isbadal doonka Jubbaland mana jirto haatan wax isu soo dhowaansha oo ay muujinayaan labada dhinac, balse dowladda Farmaajo oo horey si xoog ah kula wareegtay qeybaha uu ka kooban yahay gobalka Gedo ayaa wali isku dayeysa inay awood ku muquuniso maamulka Axmed Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
