Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,505
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa saacadaha soo aaddan la filayaa in maamulka Jubbaland uu go’aan cad ka qaadato dowladda federaalka ah ka dib markii ay ku eedeeyeen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso burburinta maamulkaasi. Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in markii golaha aminga Jubbaland ay xeeriyeen sida dowladda dhexe ay ula dhaqmeyso maamulkooda ay isku raaceen in saacadaha so aaddan go’aan ka dhan ah dowladda Farmaajo inay shacabka la wadaagaan“Dowlad goboleedka Jubbaland wax ay go’aansatay inay mowqif adag qaadato 24-ka saac ee soo socdana ay go’aan ka soo sarto oo ay la wadaageyso ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”. Shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha amniga ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku go’aamiyeen inay go’aan adag ka qaataan dowladda dhexe oo uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan waxaana Maxamuud Sayid Aadan uu tilmaamay in hay’adda nabad sugiida qaranka ay qalalaase ka waddo gobalka Gedo kagadaal markii xabsiga degmada Luuq la dhigay guddoomiyihii degmada Garbahaareey isaga oo arrinkaas ku tilmaamay mid ka fog dowladnimada waxa uuna ku baaqay in la sii daayo guddoomiyaha. “waxa ugu foosha xun waxa ay ahayd guddoomiyihii degmada Garbahaareey oo si xoog ah loo afduubay xorriyaddana looga qaaday waxa yaabka leh ee aan isweydiinayno ayaa ah hay’adda NISA ma qarankii Soomaaliyeed ayey burburinaysaa haddaad qarankaagii burburiso oo hay’adahaadii maamul iyo garsoor burburiso haddii aad sharcigii iyo xeerarkii u dagsanaa Soomaaliya aad tuurto waxa xiga waa maxay? Waxaa xigaya in dowladnimada Soomaaliya ay meesha ka baxdo, dagaalo sokeeya dhacaan, argagixisada ay dalka dib u qabsato anngayaga isfahansanna aan isleyno waxaan soo jeedinaysaa in guddoomiyaha Garbahaareey xoriyaddiisa loo soo celsho” ayii Yiri Maxamuud Sayid Aadan. Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday inay haboonaan lahayd in waxkasta oo is afgarn waa ah in lagu xaliyo miiska wada hadalka badalkii la daadin lahaa dhiig waxa uuna intaa ku daray in iyagu ay iska diideen colaadda haatan ay gobalka Gedo ka hurineyso dowladda dhexe Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan cirka isku sii shareeraya iyada oo horey dowladda u sheegtay inaysa aqoonsanayn doorashadii markale uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe taas oo keentay isqabqabsi ku aaddan sax ahaanshiyaheeda inkastoo markii dambe ay tanaasuleen qolyihii isbadal doonka Jubbaland mana jirto haatan wax isu soo dhowaansha oo ay muujinayaan labada dhinac, balse dowladda Farmaajo oo horey si xoog ah kula wareegtay qeybaha uu ka kooban yahay gobalka Gedo ayaa wali isku dayeysa inay awood ku muquuniso maamulka Axmed Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shaqaaqo khasaare geysatay oo barqanimadii maanta ka dhacday waaxda Tawakal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen shacab iyo ciidan Boolis ah. Dhacdadaan ayaa timid, kadib markii ciidamada amniga ee ka howlgala Yaaqshiid ay ku dayeen inay burburiyaan guryo la’isku heystay oo ku yaalla dhabarka dambe Miisaanka Dhuxusha, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbax ay dhigeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dadweynaha isku soo baxay oo haween u badnaa ay hor istaag ku sameeyaan ciidamada, balse askartu ay u adeegsadeen rasaas. Ugu yaraan labo haween ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen halkaasi, kuwaas oo loola cararay isbitaalka, sida uu xaqiijiyey qof goobjooge ah. “Waxa aan kusoo baxay nuuq ka taagan xaafadda, durba waxa aan isku dayay in aan kala dhexgalo si qaab nabadeed loogu dhameeyo rabshada taagan, balse dadka ayaa dhagaxaan ku tuuray askarta oo iyanna rasaas ay fureen ku dhaawacmeen labo Gabdhood oo loo qaaday isbitaal” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhaawaca loo geystay haweenkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana socda dadaallo lagu xalinayo xiisadaasi, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka.
  3. Cali Jeyte Cusmaan guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa waxa uu digniin adag u diray hay’adaha NGO’s-ka ah ee howlaha samafalka ah ka fuliya gobalkaasi isaga oo sheegay in ha’addii amarkooda diida inay xabsiga dhigi doonaan. Guddoomiyaha ayaa h’ayadahaasi waxa uu ku eedeeyay in shacabkii ku dhaqanaa magaalada Baladweyne ay iyagu barakiciyeen islamarkaana bannaanka magaalada ay doonayaan inay ku siiyaan kartoomo iyo wax dadkaasi aysan ku nacfinayn. Hay’adahaasi ayuu guddoomiye Jeyte u sheegay inay hormar ka sameeyaan gudaha magaalada Baladweyne waxa uuna ugu goodiyay in hay’addii banaanka magaalada ku qeybiso macaawino inay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana ay magaalada ka ceyrin doonaan sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray in shacabka Baladweyne aysan ahayn qaxooti waxa uuna hoosta ka xariiqay in h’adaha NGO-yada ah ay doonayaan in hooyooyinkeenna ay siiyaan wax qiimo ahaan gaaraya 5 doolar oo qoraxda ay istaajinayaan. Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan magaalada baladweyne uu ka bilawday barakac baahansan ka dib markii wabiga Shabeelle ee halkaasi mara uu soo fatahay magaalada waxaana jira lacago gurmad ah oo loogu deeqay maamulka Hirshabeelle si ay u xakameeyaan fatahaadahaasi. Halkaan ka dhageyso codka guddoomiyaha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) - The Minister of Transport and clan elders have rebuffed claims made by two senators alleging they were forcibly removed from a Kismayo-bound flight on Sunday as they escorted the body of Jubaland's Minister of education, Mohamed Ibrahim Mohamud. Source: Hiiraan Online
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xjiaar) ayaa waxaa taliye cusub loogu magacaabay ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug. Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay xilkaasi, sida lagu sheegay wareegtada. Bishaar ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna mar soo noqday taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu mar soo ahaa taliyihii laanta dambi baarista Booliska ee CID-da, wuxuuna sidoo kale soo qabtay xilal kale. Taliye Bishaar Abshir Geedi ayaa bedalaya Gaashaanle Sare Cabdikariin Xussen Macalin oo xilkaasi hayey wax ka yar saddex bilood, waxaana loo magaacay 22-kii bishii February ee sanadkaan 2020-ka, kadib wareegto ka soo baxsay xafiiska taliye Xijaar.
  6. Mas’uuliyinta maamulada Galmudug, Puntland, waxgaradka deegaanka iyo talista Qaybta 21aad ee ciidanka Xoogga ayaa ka wada qayb-qaatay Heshiisiinta Beela wada-dega Gobolka Mudug. Heshiiskaan ayaa horudhac u ah dagaal muddooyinkaan dambe u dhaxeeyay beelo walaaalo ah oo wada-dego deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana ugu dambeyn laga gaaray hishiis nabadeed. Sidoo kale Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-Aad ayaa qeyb-ka ahaa dadaalada nabadeynta ee lagu hishiisiinayay dadka walaaala ah ee dirirtu ay dhaxmartay iyagoo halkaasi geeyay ciidan illaaliya nabadda . “Labada dhinac waxaan ka codsanayaa inay nala qaataan illaalinta maalka ,Nafta iyo nabad-gelyada dadweynaha maxaa yeelay har iyo habeen waxaan u taaganahay inaan dadkeyna iyo dalkeyna aan u sheqeyno sidoo kale waxaan rabnaan inaysan soo laaban dhacdooyinkaan foosha xun ee ummaadeyna dhibaatooyinka ay kasoo gareen” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis Cabdullahi Cabdi (Qooje) Taliyaha qeybta 21-Aad. Ciidamada Xoogga dalka , Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hore ugu guuleystay inay heshiisyo ay dhagax dhigaan dad walaalo ah oo wada-dego deegaano ka tirsan gobolka Galmudug ee Galmudug iyo Puthland kuwaa oo muddoyinkaa dagaalo ay ku dhaxmareen Gobolada dhexe ee dalka. View the full article
  7. Maamulka Soomaaliland ayaa shaacisay in tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Coronavirus ee gudaha maamulkaasi ay kororortay ka dib markii ay maanta shaaciyeen kiisas dhowr ah. Warbixinta maalin laha ah ee Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in 5 qof oo cusub laga helay Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 426, waxaana ay sheegeen in xanuunkaasi ay u dhinteen 5 qof halka ay bogsadeen 6. Dadkan maanta laga helay xanuunka Coronavirus ayaa waxa ay kor u qaadeysaa tirade guud ee laga diiwaan geliyay guud ahaan deegaannada Soomaaliland waxaana madaxweyne Muuse Biixi shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxadar ku aaddan safmarka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Claims that residents of Nairobi are sneaking out of the city back to their rural villages in Garissa have left authorities concerned that the trend could aid the spread of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeen oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weerarka oo ka dhacay barkoontarool oo ku taalla isgoyska Tarabuunka ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo meesha isaga baxsaday falka kadib. Wararka ayaa sheegaya in Bambada ay tuureen raggaasi ay ku dhaawacmeen illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada la weeraray ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo rayid ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa howlgallo kooban sameeyey, kadib weerarkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen falkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradaan oo ah kuwa gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho, inkastoo aysan weli ka hadlin dhacdadaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqsgiid, kaas oo lagu dilay askari ka tirsanaa dowladda.
  10. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19 waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurkan. kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkeenna.. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda weyn ee shacab iyo dowladba ina saaran, gaar ahaan Bahda Caafimaadka oo ah indhihii dalka wakhtigan adag. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka. Madaxweynaha ayaa ugu bishaareeyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan Xarumaha Karantiilka Bukaannada cudurka COVID-19 in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Masuuliyinta Maamulada Galmudug ,Puntland ,Waxgaradka Degaanka Iyo Talista Qaybta 21aad Ee Ciidanka Xooga ayaa kawada Qayb-qaatay Heshiisiinta Beela wada-dega Gobolka Mudug. Heshiiskaan ayaa horudhac u ah dagaal muddooyinkaan dambe u dhaxeeyay beelo walaaalo ah oo wada-dego deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puthland waxaana ugu dambeyn laga gaaray hishiis nabadeed. Sidoo kale Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-Aad ayaa qeyb-ka ahaa dadaalada nabadeynta ee lagu hishiisiinayay dadka walaaala ah ee dirirtu ay dhaxmartay iyagoo halkaasi geeyay ciidan illaaliya nabadda . “ Labada dhinac waxaan ka codsanayaa inay nala qaataan illaalinta maalka ,Nafta iyo nabad-gelyada dadweynaha maxaa yeelay har iyo habeen waxaan u taaganahay inaan dadkeyna iyo dalkeyna aan u sheqeyno sidoo kale waxaan rabnaan inaysan soo laaban dhacdooyinkaan foosha xun ee ummaadeyna dhibaatooyinka ay kasoo gareen” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis Cabdullahi Cabdi (Qooje) Taliyaha qeybta 21-Aad. Ciidamada Xoogga dalka , Maamulada Puthland iyo Galmudug ayaa hore ugu guuleystay inay hishiisyo ay dhagax dhigaan dad walaalo ah oo wada-dego deegaano ka tirsan gobolka Galmudug ee Galmudug iyo Puthland kuwaa oo muddoyinkaa dagaalo ay ku dhaxmareen Gobolada dhexe ee dalka. Goobjooj News Source: goobjoog.com
  12. Bukaanno ku jiray isbitaal martiini kuwaas oo uu soo ritay safmarka COVID-19 islamarkaana la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay ka sheekeeyeen haatan xaaladooda caafimaad sida ay tahay iyo waxyaabihii ay ka kulmeen isbitaalka intii lagu dabiibayay. Dadkaan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxa ay ugu horeyn sheegeen in haatan xaaladooda caafimaad ay tahay mid wanaagsan islamarkaana ay sidii hore aad uga fiicanyihiin iyaga oo badan kood sheegay in markii isbitaal Martiini la keenayay ay xaaladooda caafimaad ahayd mid aad u liidata. Sidoo kale waxa ay sheegeen in isbitaalka uu leeyahay daryeel fiican oo uu ka wanaagsan yahy sida markii hore ay fikir ahaan uga aamnisanaayeen islamarkaana ay heleen dhaqaatiir heegan ah oo si joogta ah ula tacaalayay xaaladooda caafimaad iyaga oo intaas raaciyay inay helayeen cunto aad u tayeysan. Ugu dambeyn waxa ay bulshada kale ee ka cabsanaysa isbitaal Martiini ugu baaqeen inay tagaan isbitaalka si xaaladooda caafimaad loo daryeelo iyaga oo sheegay inay jiraan dad qaba xanuunka kuwaas oo guryaha fadhiya. Halkaan ka dhageyso codkooda https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/10000000_285915415904957_392228254695555072_n-online-audio-converter.com_.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland ay la goosteen hub iyaga oo la aaday dhinaca gobalka Sanaag waxaana ka soo baxaya faahafaahinno kala duwan. Ciidankan goostay ayaa ku sugnaa deegaanka buuraleyda ah ee Af-urur waxa ayna ka mid ahaayeen askar dhowaan tababar loogu soo xiray deegaanka Xorgoble ee magaalada qardho waxaana markaas ka dib loo wareejiyay buuraleyda Af-urur si ay uga qeybqaataan dagaalka lagula jiro Daacishta halkaasi ku sugan. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in askartaan goosatay ay habeen ka hor isaga baxeen Af-urur waxaana la sheegay in hubka ay la baxsadeen uu u badan yahay qoryaha fudfudud ee loo yaqaan AK-47, waxaana la soo warinyaa in ciidankaasi ka tirsanaa daraawiishta Puntland ay qorsheynayaan in hubkaasi ay iibsadaan si ay ugu badashaan lacag. Taliska ciidanka daraawiishta Puntland ayaa faray hay’adaha amaanka inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan askartaasi la baxsatay hubkii maamulka, waxaana talisku uu sheegay inay raggaasi sharciga marsiin doonaan. Deegaannada Puntland ayaa falkaan waxa uu ka noqonayaa mid naadir ah maadaama ciidanka Puntland inta badan aysan ku kicin falal ku aaddan inay hub la baxsadaan, lamana oga tallaabada xigta ee maamulka Deni uu qaadi doono si arrinkaan uusan u noqon mid ku sii faafa askarta maamulkaasi Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa gobolka Bari ay habeen hore la baxsadeen hubkooda, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah uga fakadeen deegaanka Af-Urur. Ciidamadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, iyaga oo doonaya inay iibsadaan hubkaasi oo u badan AK47. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta baxsatay ay yihiin kuwa dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Xorgoble ee Qardho, iyadoona kadib la geeyey deegaanka Af-Urur, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan buuraleyda Bari. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa amray saraakiisha ciidamada maamulkaasi in si deg-deg ah loo soo qabto askartaasi. Sidoo kale taliyaha oo haatan ku sugan degmada Badhan, gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciidamadaasi, islamarkaana ay la tiigsan doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay askar ka baxsato Puntaland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo hub iyo gaadiid la goostay oo ku biiray Somaliland.
  15. Waxay tuducdaasi ka mid ahaayeen, gabay uu Alle ha u naxariistee Adeerkay Cumar Xaaji Huruuse ku sagootiyay walaalkii. Saakana waxa la ii soo sheegay oo xaqii oofsaday, Ilaahay hoygiisa jannada Fardowsa ha ka dhigee abtigay, Daahir Xaaaja Cali Maxamed. Source: Hiiraan Online
  16. Degmada Dayniile ayaa xalay guul ka gaartay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle, kadib markii ay dhinaca dhulka u dhigtay degmada Heliwaa ee G/Banaadir. Labada degmo oo u dambeeyey group-ka B wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxaa ku gacan sarreeyey Dayniil oo guusha la hoyatay. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in Heliwaa oo ay la timid 8 dhibcood, halka tartamayaasha degmada Dayniile oo su’aalihii la weydiiyey intooda badan ka jawaabay, kuwa kalena ka faa’iideystay ay keensadeen 18 buundo. Dayniile iyo Xamarweyne ayaa ka soo baxay group-ka B oo ay ku wada jireen illaa afar degmo. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labada degmo ayaa tirsan group-ka C wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  17. Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay Qalalaase Siyaasadeed oo sida ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo. Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo Kulankaas ka warbixiyay, ayaa sheegay in hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Qalalaase siyaasadeed oo lagu burburinayo Maamulka Jubaland ay ka waddo Gobolka Gedo. Maxamuud Sayid, ayaa sheegay in shalay oo u dambaysay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, ay af-duubtay Guddoomiyihii Degmada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo Iimaan Caddow Kaarshe, kadib markii uu ka dhega’ adaygay in uu ka qayb-qaato burburinta Jubaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, wuxuu caddeeyay in Kulanka Golaha Amniga Jubaland ee xalay ka qabsoomay Magaalada kismaayo lagu go’aanshay in Mowqif adag Jubaland ka qaadato Qalalaasaha Siyaasadeed ee Villa Somalia ka waddo Gobolka Gedo. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowlad Goboleedka Jubaland aysan mar dambe u sii dulqaadan doonin Siyaasadda Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan Gobolka Gedo, taas oo sida uu sheegay lagu wiiqayo awoodda Jubaland ee Gobolkaasi. Marka laga yimaado Arrimaha Siyaasadeed, sidoo kale waxa Gobolka Gedo ka taagan xaalad banii’aadanimo oo cakiran kadib markii webiyada Jubba iyo Daawa ay fatahaad ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Gedo. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay in ay Mowqif adag ka qaadan doonto Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay shir Puntland ay ka codsatay beesha caalamka oo uu fududeeyey ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeyb-galay Ra’iisal wasaaraha XF Xasan Cali Kheyre. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayey, sidii looga falcelin lahaa fatahaadii dhowaan ka dhacday magaalada Qardho ee maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday lagu soo qaaday marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintaan. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  19. Until last week, Walid and Mustafa had never met. Owing to their disparate backgrounds, they might not have had anything in common, bar their age: both turned 18 this year. Source: Hiiraan Online
  20. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay barkoontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa Bam-Gacmeedkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas au fureen ciidamada la weeraray ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo rayid ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada ammaanka Soomaaliya. View the full article
  21. Somalia’s fast-rising cases of Covid-19 are exposing African Union Mission peacekeepers to the disease, risking key operations against the militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada degdegta ah ee hadda loo baahan yahay. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa. Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen. View the full article