-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Without a coherent war plan, al-Shabaab is here to stay. What happens then, when we become aware of the fact that we do not meet our aim of defeating al-Shabaab? Like the dissonance theory, the self-discrepancy theory predicts that these attacks on our self-esteem will cause psychological tension and the motivation to reduce the inconsistency we associate with self-discrepancy. The Somali government and the society are each trying to explain this discrepancy between the reality (powerlessness to defeat the enemy) and the expected aim (defeat of al-Shabaab), employing various forms of self-justification. President Farmaajo during his inauguration speech declared a total war against the movement. He declared that he would destroy Al-Shabaab once and for all. Three years later, the group, still controls large areas of the countryside and regularly carries out attacks, especially in Mogadishu. Despite putting a total lock on Mogadishu and numerous military operations by Amisom, a regional peace mission of the African Union, together with the weak Somali army, a victory over the terror organization has not been achieved. On the contrary, al-Shabaab succeeded to expand its control to a large part of the Mogadishu and its surrounding areas. Al-Shabaab infiltrated if not all, most of the government departments (especially security sectors), due to governments’ naïve programme which provides work without proper check on defectors from the group. It is almost impossible to defeat Al-Shabaab with this arrangement in force. But two big obstacles makes almost impossible to defeat Al-Shabaab; the first obstacle is the situation of the Somali army itself. The soldiers fight without proper strategy, their positions are mostly isolated and there’s no logistical support available. Roads are mostly controlled by Al-Shabaab forces. Often they do not get their pay, despite the millions of dollars in support from Western donor countries. Corruption is the main reason for this. Civil servants and army leaders put the funds in their own pockets. Soldiers become demoralized and don’t want to risk their lives at the front when they are not paid. Some sell their weapons in the market to get money; others defect to Al-Shabaab, which has the reputation of paying their soldiers regularly and well. Recently, some of the Lower Shabeele positions of the Somali army were easily captured by the terrorist movement as the soldiers were isolated and without support. The second obstacle is the demography of the country; the country has many young people who are in the prime of their lives and at the same time have no prospect of work. Joining Al-Shabaab comes with the opportunity to eat every day, belong somewhere and fight for a common cause, while they may not be able to see the bad consequences of their choice as distraught youngsters. Because of weak governments, Al-Shabaab is in a position of power that they can use to their advantage: for example, the levy taxes on the population to buy new weapons and to expand the area of terror. Corruption also embodies the contrasts between rich and poor. The badly paid police officer manning checkpoints looks another way, puts a dollar from a terrorist driving a car full of explosives in his pocket. The top officer and minister build a villa of the misappropriation or bribe. Every time Transparency International issues a report, putting Somalia at the first of the list of the most corrupt land, Farmaajo’s government takes some measures. Lower officials are hit, but the big profiteers are left out. Al-Shabaab carried out an increasing number of attacks and assassinations in Somalia in the past months. At the same time, the United States is striking back from the air, with drone strikes against terrorist group fighters in the vast countryside without any tangible result to show. In 2021, the military from Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya and Djibouti (known as AMISOM) must be gone. The Somali army must then be able to take over peacekeeping and cope with Al-Shabaab. However, the Somali army is far from being able to take over the role of the African peacekeeping force. Somali military personnel are poorly trained underpaid and have inferior weapons. As mentioned earlier, because soldiers receive too little pay, corruption lurks and their weapons are sold on. Indeed, Al-Shabaab has somewhat weakened. That is why their focus is attacking soft targets like hotels, politicians, journalists, and the street assassination. Al-Shabaab fighters are very mobile. They still do a lot of damage with land mines, car bombs and improvised explosives. So far thousands of Somalis did not survive the terror of al-Shabaab. However, it remains to be watched if defeating al-Shabaab is possible with current government’s strategy and the limited training and equipment available to the Somali military. The risk remains that the Somali government will not be able to maintain the security level in Mogadishu and all of Somalia in the post-AMISOM era. I assume that, with the current political atmosphere in the country, as soon as the last Amisom soldier leaves the country, the government will collapse and the civil war will restart again. As for Al-Shabaab, it will not certainly mean the end but reinventing. Dr. Mohamed Hassan Tifow can be reached at mxtifow@yahoo.co.uk Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Puntland: Wasiir Uu haleelay Xanuunka Coronavirus oo Diyaarad khaasa Loo Dalbay Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo muddo ku xanuunsanayay magaaladda Garoowe kadib markuu uu dhacay cudurka Covid-19, Diyaarada ayaa wasiirka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxayna u qaaday magaalada Muqidisho iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo wadanka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo Saraakiil ka tirsan Bahda Caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegtay in Wasiirku uu ka bogsaday Cudurka Covid-19 hase yeeshee uu waxyeelo gaadhsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada taasi oo keeni karta inay gebi ahaanba ay shaqada joojiyaan sambabadu haddii uusan helin dhakhaatiir Takhakhus u leh Wasiirka diyaarada khaaska ah looga qaaday Garoowe ayaa ah Wasiirka wasaarada Deegaanka & Beeraha Puntland ismaaciil Diirye Gamadiid. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka soo horjeestay wasiiro iyo wasiir ku xigeenadii uu xalay magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Warqad uu soo saaray Karaash ayaa wuxuu ku sheegay inay sharci darro tahay magacaabistaasi, islamarkaana ay ka soo horjeedo dastuurka Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan lagala tashan xubnaha wasiirada cusub ee la magacaabay. Ugu dambeyn Axmed Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan ay Puntland ku jirto xaalado adag oo dhanka ammanka iyo caafimaadka ah, islamarkaana loo baahan yahay in wax ka qabashada arrimahaasi loo istaago. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo mudooyinkii la soo dhaafay uu cirka isku sii shareerayey khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash. Halkan hoose ka aqriso:-
-
Madaxweyne-xigeenka Puntland oo ganafka ku dhuftay Wasiiro uu magacaabay M/weyne Deni Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka horyimid wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno cusub oo uu xalay magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Axmed Karaash ku sheegay in aan la tashi lagala samayn magacaabidda wasiirada iyo wasiir ku xigeennada cusub sidaas darteedna ay baal-marsantahay Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa caddeeyay in ay waxba kama jiraan tahay in isaga la tashi lagala sameeyay magacaabidda wasiirada iyo wasiiro ku xigeennada cusub islamarkaana uusan waxba ka ogayn magacaabiddaas. Mudane Karaash ayaa sidoo kale xusay in magacaabidda lagu soo beegay wakhti adag oo Puntland wajahayso xaalad Amni iyo mid caafimaad. Hoos ka akhri qoraalka Rasmiya: Qaran News
-
Ugu yaraan 5 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo maanta koonfurta Gaalkacyo ku dhexmaray ciidanka kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubaysan. Malayshiya-beeleedka oo ka gadoodsan nin Ganacsade ah oo habeen ka hor ciidanka DANAB ay gurigiisa kala baxeen ayaa saaka isku gedaamay xarunta ciidankaasi ku leeyihiin koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana mudda kooban oo labada dhinac is hor fadhiyeen kadib halkaasi ka dhacay dagaal xooggan. Malayshiya-beeleedka ayaa markii hore dalbaday in ciidanka dowladdu ay si deg deg ah ku sii daayaan Ganacsadaha u xiran balse Taliska DANAB ayaa ku gacan sayray dalabkooda taasi oo keentay in dagaal ka dhex qarxo labada dhinac. Dagaalka oo saacado halkaasi ka socday ayaa markii dambe is taagay duhurnimadii maanta waxaana haatan socda waan-waan lagu dhex dhexaadinayo ciidanka iyo malayshiyaadka dagaallamay sida laga soo xigtay Odayaasha koonfurta Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Mareykanka oo dhaliil culus Tunka u saaray Farmaajo+Baaq & Digniin uu u diray Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay khilaaf weli socda ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasi oo ay ku qeexday mid aan la aqbali karin. Sii-hayaha ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee QM, Cherith Norman Chalet ayaa kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ka sheegtay inay arrin walaac leh tahay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada aysan muddo kulmin, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka. Waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu deg deg u qabto kulan uu la yeelanayo madax goboleedyada. “Waxaan ku boorineynaa madaxweyne Farmaajo inuu ku baaqo kulankii Golaha Amniga Qaranka, sida uu qabo dastuurka, sida ugu dhaqsiyaha badan si looga wada-hadlo qorsheynta doorashooyinka, wada-shaqeynta amniga, iyo ahmiyadaha qaranka ee deg degga ah,” waxaa sidaas tiri danjire Chalet. Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in ciidamada xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah. “Waxaan sidoo kale walaacsannahay in kheyraadkii amni ee loo baahnaa in lagula dagaalamo Al-Shabaab si qaldan loogu adeegsanayo xifaaltan siyaasadeed oo ka socda gobollo qaar ah,” ayey tiri danjire Chalet. Danjiraha ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda federaalka ay ku guul-darreysaneyso fulinta jadwalkii doorashooyinka qaranka. “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada ay Soomaaliya weli waddo ee ay ku qabaneyso doorashooyinka la qorsheeyey dhammaadka sanadkan, hase yeeshee waxaan ka walaacsanahay inay ka dib dhaceyso jadwalka,” ayey tiri. Qaran News
-
Kulan ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka covid-19 oo ahaa qaab muuqaal ah oo loo adeegsaday Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay safmarka Covid19 iyo hoos u dhaca ka muuqda heerka faafidda cudurkaasi. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee guddiga qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo yeeshay kulankoodii joogtada oo ahaa qaab muuqaal ah oo loo adeegsaday Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay safmarka Covid19 iyo hoos u dhaca ka muuqda heerka faafidda cudurkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaeaha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona diirada lagu saaray xaaladaha cudurka Covid-19. Sidoo kale Khayre ayaa xubnaha guddiga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus. Sidoo kale waxaa intii uu socday kulanka lagu soo qaaaday fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah dalka. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka horyimid wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno cusub oo uu xalay magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Axmed Karaash ku sheegay in aan la tashi lagala samayn magacaabidda wasiirada iyo wasiir ku xigeennada cusub sidaas darteedna ay baal-marsantahay Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa caddeeyay in ay waxba kama jiraan tahay in isaga la tashi lagala sameeyay magacaabidda wasiirada iyo wasiiro ku xigeennada cusub islamarkaana uusan waxba ka ogayn magacaabiddaas. Mudane Karaash ayaa sidoo kale xusay in magacaabidda lagu soo beegay wakhti adag oo Puntland wajahayso xaalad Amni iyo mid caafimaad. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka horyimid wasiiro uu magacaabay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
New coronavirus cases dropped to zero in China for the first time Saturday but overwhelmed hospitals across Latin America – both in countries lax about lockdowns and those lauded for firm, early confinement. The virus hit a reopened church in Germany and possibly a restaurant, too. Source: Hiiraan Online
-
Maleeshiyo ka tirsan Maleeshiyaadka Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxay jidgooyo dhigteen irada hore ee Saldhiga oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowlada [...] The post Breaking News— Faahfaahin Dagaal ka dhex Qarxay Maleeshiyada Baraxley Iyo Ciidanka Dowlada Federaalka ee isla Xaafadaha appeared first on . Source
-
Dagaal xooggan oo u dhexeeya malayshiya-beeleed gadoodsan iyo ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa haatan ka qarxay koonfurta magaalada Gaalkacyo sida ay sheegayaan goob-joogayaal halkaasi ku sugan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii malayshiy-beeleed hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ay isku gedaameen xarunta Kumaandooska DANAB ee koonfurta Gaalkacyo kadib markii ay ka gadoodeen Ganacsade habeen ka hor ay Ciidankaasi xirteen. Labada dhinac oo mudda kooban halkaas isku hor fadhiyay ayaa waxaa ka dhex bilowday dagaal xooggan oo la isu adeegsanayo Hubka culus islamarkaana ku sii fidaya xaafadaha ka agdhow xarunta DANAB. Malayshiya-beeleedka ayaa ciidanka dowladda Federaalka ka dalbaday in ay si deg deg ah u sii daayaan Ganacsadaha balse Taliska Ciidanka ayaa diiday in ay ninkaas sii daayaan waxaana durbadiiba bilowday dagaalka. Waxaanse weli xog sugan laga helin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ee kala gaaray labada dhinac xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo sida ay ku soo warramayaan dadka degaanka. Xaafadaha ka agdhow xarunta Kumaandooska DANAB iyo nawaaxigeeda ayaa barakac bilaabay iyadoo dadka Rayidka ah ay naftooda kala cararayaan Hubka culus oo meesha ka dhacaya. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo ka qarxay koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
AstraZeneca has said it has the capacity to manufacture one billion doses. Credit: PA AstraZeneca has said it has the capacity to manufacture one billion doses of the University of Oxford’s potential Covid-19 vaccine and will begin supply in September. The pharmaceutical firm said it has secured the first agreements for at least 400 million doses of the vaccine. It said it aims to conclude further deals in order to expand capacity over the next few months to “ensure the delivery of a globally accessible vaccine”. On Monday, Health Secretary Matt Hancock said that if the University of Oxford’s Covid-19 vaccine candidate proves successful, then up to 30 million doses for the UK could be available by September. The Oxford team is currently testing the vaccine candidate in humans. Meanwhile, a separate group from Imperial College London is expected to start human trials next month. However, some scientists have warned that a vaccine might not be widely available until next year. Professor Robin Shattock, head of mucosal infection and immunity at Imperial College London, told the BBC he believes vaccines “won’t be readily available for widescale use until the beginning of next year as the kind of most optimistic estimation.” AstraZeneca said it has now finalised its licence agreement with Oxford University for the “recombinant adenovirus vaccine”, which will now be known as AZD1222 Pascal Soriot, chief executive of AstraZeneca, said: “This pandemic is a global tragedy and it is a challenge for all of humanity. “We need to defeat the virus together or it will continue to inflict huge personal suffering and leave long-lasting economic and social scars in every country around the world. “We are so proud to be collaborating with Oxford University to turn their ground-breaking work into a medicine that can be produced on a global scale. “We would like to thank the US and UK governments for their substantial support to accelerate the development and production of the vaccine. “We will do everything in our power to make this vaccine quickly and widely available.” The company said on Thursday that is has received more than £820 million from the US Biomedical Advanced Research and Development Authority (Barda) for the development, production and delivery of the vaccine, starting in autumn. Source IT News Qaran News
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya inay dib u bilaabaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Warbixinta saddex biloodka ah ee uu xoghayaha guud u gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu ku bogaadiyay kulankii Biixi iyo Farmaajo ku dhex maray Addis Ababa, “Kulankii dhex maray Farmaajo iyo Biixi wuxuu ahaa talaabo togan. Waanan bogaadinayaa.” Ayuu yidhi xoghaaha guud waxaanu intaas raaciyay “Farmaajo wuxuu soo saaray warbixin guud oo uu ku qiray xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqal insaanka ee ay dawladii Maxamed Siyaab Barre samaysay, Mr. Biixina wuu aqbalay talaabadaas. Waxaan ugu baaqayaa labada hoggaamiyeba inay ku dul dhisaan xidhiidhkan si ay ugu kobciyaan xidhiidhka oo ay uga sameeyaan horumar dib u bilaabista wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.” Geesta kale ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, oo isagoo Muqdisho jooga khadka Internetka kaga qayb galay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay inuu jiro wada xaajood heerkoodu sareeyo oo u socda Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inuu dhiirigeliyay Qaramada Midoobay, waxaanu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya u muuqdaan inay sii wadayaan xidhiidhka oo ay doonayaan inay wada hadaladu intaas ka sii gun dheeraaadaan. Geeska Qaran News
-
Waa talo kooban oo maanta ii muuqata, haddii la dhinac marona waqtigu uun baynu isku dheeraynaynaa, dhaxalkuna wuxuu u ekaanayaa halkii hore looga socon lahaa in dib loo noqdo. Talada ii muuqataa waxa weeye, maanta meesha Soomaaliyi taallo waynu aragnaa, soddon sano oo aan dawlad dadka wada meteshaa jirin ayaynu madaxa ka goyney. Waxa inoo dheer ku dhowaad toban sano oo ka sii horreeyey oo wixii hore loo dhisay la duminayey oo burbur iyo kala irdhoow iyo colaado geyiga ka jireen. Afartan sano oo khasaare ah ayaynu badideennu isla qirsannahay (tabashooyinka gaarka ah marka gees la dhigo). Maanta koonfur dawlad Xamar keliya ku filani xitaa kama jirto. Gobolladii koonfurta ee maamullada Federaalku ka jirey qaarkood iyo xukuumaddii Federaalku heshiis maaha. Degaammo badan Shabaab baa ka taliya, meelaha kale oo dhanna dhanka koonfurta gacanta kula jira oo qaraxyo iyo dilalna ka geysta cashuurna ka qaata. Waxa hadda ka aloosan Xamar xummaddii qabiilka oo siyaasiyiin iyo ganacsato dabada ka riixayaan. Maamulka Somaliland muddo ayay gobolladii waqooyiga qayb ka mid ah nidaam iyo kala danbayn ka hirgeliyeen, halka gobollada waqooyi qaarkoodna diiddanaayeen maamulkaas goosashada ku dhawaaqay. Waxase xaqiiqo ah in amni iyo kala danbayn la isku hallayn karo “marka la barbardhigo koonfurta Soomaaliya” uu gobollada taabacsan maamulka Somaliland ka hir galay. Dadaalkii maamulka Somaliland wadey wuxuu maanta soo gaadhay meeshii ugu dambeysey oo dad fakhri ah oo aan la aqoonsanayni gaadhi kari lahaa. Halka ay maanta taagan tahay kor ugama sii kici karto, waayo wixii tamar iyo karti ay lahaayeen ee iyaga gacantooda ku jirtey oo dhan way soo isticmaaleen. Muddadaa Somaliland ictiraaf la’aanta la xarbiyeysey, dadkeedu wuu sii kordhayey, baahida dadkuna way isa sii beddeleysey oo sii kordhaysey. Mar haddii tiradii dadku saddex laabantay (qiyaas ahaan), xukuumadduna tamarteedii gaadhsiisey meeshii ugu sarreysey, waxa halkaa ay taagan tahay ka dhaqaajin karaa si baahiyaha dadka looga jawaabo waa in lahelaa dawlad adduunka la falgasha oo la ictiraafsan yahay. Dawlad adduunka ka heli kara maalgashi caalami ah, bankiyo wax la deymiyo, dawlad wax la amaahin karo, deeq toos ahna la sin karo oo dawladaha xidhiidh toos ah la geli karta iyo mid wadareedba (bilateral and multilateral agreements), dawlad mashaariic horumarineed toos ah heli karta iwm. Hadalkoo kooban Somaliland waxay taagan tahay figtii ugu sarreysey ee garaafka, waxana figtaas hoos ka soo fananaya tiradii dadka oo badatay iyo baahidii dadkoo korodhay marka figta lagu kulmona hoos baa la isula soo dhaadhacayaa (the law of diminishing returns). image.png Maxaa talo ah haddaba. Mar haddii koonfuri haysato ictiraafkii dawladnimo ha yeeshee ay ku shaqaysan kari weydey, sidaa daraadeed ay khasaaraysay. Dhanka kalena Somaliland ay hayso kartidii iyo keni adaygii ay iyadoo aan la aqoonsanayn, degaanadii hore magaca Somaliland u wadaagi jireyna aanay fikirka goosashada ku midaysnayn, haddana ay suurto gelisay goobahay gacanta ku wada heysey inay ka hirgeliso amni, kala danbayn, iyo weliba adeeg bulsho (intii karaankeeda ah). Ha yeeshee Somaliland-na caqabadda dib u celinaysaa tahay ictiraaf la’aanta haysata, miyaanay habboonayn in turubkaa dib loo baandheeyo labada dhinacba. Kartida iyo keni adayga Somaliland iyo ictiraafka Xamar yaalla ee la khasaareeyey dhexdooda miyaan talo laga raadin karin? Waxay ila tahay Simaliland hoos-u-dhicii garaafku waa xaqiiq maanta taagan. Waxaa ka markhaati kacaya, qareemmada baaqa soo saaray, dhallinyarada baaqa soo saaray, qaylodhaanta “Mar kale midnimo”, saluugga iyo ismari waaga xukuumadda iyo ururrada mucaaradka, jabhadihii kala danbeeyey ee sanaag, qabiilooyinka iyo suldaammada saxaafadda hadh iyo habeen taagan, kalsooni darrada beelaha ka dhex dhalatay ee degaamnada la isku haysto iwm. Waxan oo dhammi maaha khalad xukuumadda Muuse Biixi la wada timid, ee waa ceelkii oo biyo yareeyey iyo xoolihii oo oomman oo darkii ku kulmay. Dhanka Xamar intii ay riwaayad isu dhigi karayeen way isu dhigeen, maanta waxay taagan tahay in kuwii madaxweynayaasha dalka ka soo noqday ay abaabulayaan wax u eg colaadihii qabiilka ee 1991kii, waxa muuqda haddaan Alle jid u furin in saacaddu dib ugu noqoto xusuuso la soo hilmaamayey, iyo boogo soo bogsoonayey oo la damqo, daawona aan loo hayn. Gebagebadii: Sida keliya ee lagu badbaadin karaa dhammaan dadka Soomaaliyeed waa in “QOLOBA QOLADA KALE BADBAADISO”. Waa in reer Somaliland wixii ka dhinnaa soddonkaa sannadood oo ah ictiraafka Xamar ku dulman iyaga gacanta loo geliyaa oo l madaxnimadana iyaga loo dhiibaa si ay ummadda Soomaaliyeed oo dhan uga faa’iideeyaan. Cidda maanta wax u unkan yihiin ee faa’iidada ugu badan ka helaysaa waa reer Soomaaliland maxaa yeelay waxa u tolan hadhuubkii ay wax ku maali lahaayeen oo ah amni iyo kala danbayn. Xukuumadda Xamar joogta ee ictiraafka dhaafsiin kari la’ gudaha Villa Somalia, ee karti darrada iyo aragti gaabnidu la degtayna waa inay ka faa’iidaystaan kartida iyo keni adaygga reer Somaliland iyo khibradda soddonka sano wax lagu soo wadey. Haddaan sidaa la yeelin oo talo cid walba u dan ah la gaadhin koonfur iyo waqooyi, waxa iman karaya waa waagoo horteenna ku barya iyo labada dhinac oo mid waliba iskii u dumo (Ilaahay kama dhigee). Soomaalaay kala guuleysan weynee, waxa la soo gaadhay waqtigii aynu wada guulaysan lahayn. Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
-
Guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul Fidriga,iyagoo u rajeeyay dembi dhaaf iyo caafimaad. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ciidda ayaa shacabka Soomaaliyeed u rejeeyey in alle uu dembi dhaaf siiyo,acmaashoodina uu ka aqbalo. Sidoo kale guddoomiyaha golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la qeybsaday hambalyada ciidda,wuxuuna alle uga baryay bash bash iyo barwaaqo. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay iscaawiyaan,islamarkaana ka wada shaqeeyaan horumarkooda. View the full article
-
Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo warramaya in halkaasi ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubaysan. Malayshiya-beeleedka hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka isku gedaamay xarunta Ciidanka DANAB ay ku leeyihiin Koonfurta Gaalkacyo waxaana sida la sheegay ay dalbanayaan in si deg deg ah loo soo daayo Ganacsade u dhashay Beeshooda oo habeen ka hor ay xabsiga dhigeen Kumaandooska DANAB. Labada dhinac oo haatan isku horfadhiya koonfurta Gaalkacyo ayaa laga cabsi qabaa in halkaas dagaal ku dhexmaro waxaana aga’gaarka la isku hor fadhiyo ka socda barakac ay samaynayaan dadka degaanka si aan loogu dul-dagaallamin. Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayan in aysan sii dayn doonin Ganacsadaha xiran islamarkaana ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadayaan malayshiyaadka hor fadhiya haddii aysan dib u laaban. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
