-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa warar dheeraada laga helayaa nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dilka shaqsigaasi ay fuliyeen kooxo hubeysnaa. Dilka marxuumka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan waxaana sababka ka dambeysay dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan waxaana wararka qaar ay sheegayaan in marxuumka loo dilay taleefankiisa gacanta oo kooxda dilka u geysatay ay doonayeen inay ka dhacaan balse uu isagu ka dhaga adeegay sidaasi loo dilay balse lama xaqiijin karo sababta dhabta ah ee ka dambeysay dikiisa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geysatay. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ay fiicnayd dilalka qorsheysan iyo qaraxyada balse haatan ayaad moodaa in falalkaasi ay dib ugu soo badanayaan caasimada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha aqalka sare ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu uga soo horjeestay qorshaha dowladda ee ku aaddan iibgeynta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan 7-ada balook ee ku kala yaalla Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Jubbaland. Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xsbiga Himilo Qaran ayaa warka uu soo saaray ku sheegay in xilligaan qiimaha shidaalka ee caalamka uu yahay mid aad u hooseeya, islamarkaana uu saameeyey cudurka adduunka halakeeyey ee Coronavus. Sidoo kale Sanator Ilyaas Cali Xasan ayaa intaasi ku daray in tani ay tusaale u tahay qorshe xumada xukuumadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag.” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga kheyraada ee golaha aqalka sare. Todobada balook ee lagu soo bandhigi doono, si ay ugu tartamaan shirakadaha daneynaya ayaa waxaa la furi doonaa tartanka 4-ta bisha August ee sanadkaan,illaa bisha Maarso ee 2021-ka, kuwaas oo horay loo baaray sanadihii 2014-kii illaa 2015-kii. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baarayo ee Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyey kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye, wuxuuna dilkiisu ka dhacay xaafadda Seybiyaano, degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka fulisay ay doonayeen inay marxuumka ka qaataan taleefanka, balse uu ka dhaga adeegay, iyagoona kadib toogtay. Sidoo kale waxaa dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka ka qaaday halkaasi, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi. Naaleeye ayaa ahaa ganacsade caan ka ahaa caasimada, wuxuuna dalka keeni jiray baabuurta oo uu sii iibin jiray. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan darri oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
-
Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday taliyihiin booliska deegaannada Galmudug gaashaanle sare Cabdikariin Macallin Xuseen isaga oo taliye cusubna magacaabay ka dib dikareeto xafiiskiisa ka soo baxday. Xijaar ayaa taliyaha guud ee booliska Galmudug u magacaabay sareeyo guuto Bishaar bshir Geedi waxaana sii hayaha hoggaanka caafimaadka booliska laga dhigay sareeyo guuto Cali Xirsi Barre halka Taliyaha xilka booliska Galmudug laga qaaday ee Cabdikariin Macallin loo dhiibay qeybta laanta socotada booliska. Xilka qaadista taliyaha booliska Galmudug ayaa ku soo aadeysa xilli 8-dii bishan uu iscasilay taliyihii booliska magaalada Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isagoo iscasilaaddiisana ku micneeyay in saraakiil boolis ah oo isaga ka sareysa ay sii daayeen rag la tuhunsanaa inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al shabaab. Halkaan ka akhriso dikareetada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Doha)-Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airway ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso Boqol kun oo tikidh oo Bilaash ah oo Caalamka idil. Shirkadu waxay sheegtay inay Boqol kun oo Tikidh oo lacag la’aan ah la siin doono Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka ee la dagaalamaya cudurka Covid-19 Shirkadu waxay sheegtay in arrintan ay tahay mid lagu abaal marinayo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka Covid-19 iyo badbaadada dadka uu soo ritay cudurku Dalbashada Tikidhada oo ku eg 18 bishan May ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iidaysanaya qoysaska shaqaalaha caafimaadka. Shirkadda Qadar Airway ayaa hadda waxay duulimaad ku samaysaa ilaa 30 Magaalo oo caalamka, waxaana la filayaa in dhammaadka Bisha June ee soo socota inay gaadho 80 Magaalo oo caalamka. Source
-
(SLT-Riyadh)-Horraantii bishii March, Sacuudiga waxay bilaamay dagaal dhanka qiimaha saliidda ah oo caalami ah, kadib waxaa caalamka ku dhuftey cudurka COVID-19. Khasanadaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa hoos u dhacdey, waxaana ay bilaabeen in ay sameeyaan lacago keyd ah. Maalintii Shalay waxaa Boqortooyada Sucuudigu jartey lacagta gunnada gaarka ah ee billaha ah oo u dhiganta 250$ ee la siiyo dhammaan shaqaalaha dowladda sidoo kale waxaa kor loo qaadey qiimaha canshuurta iibka ee loo yaqaan VAT bisha Juun 2020. Canshuuraha VAT-ka dalka wuxuu ahaa 5% waxaana la gaarsiinaya 15 boqolkiiba, taas oo saameyneysa qoysaska dakhligoodu hooseeyo. Saameynta Korona Fayras ku yeeshay caalamka ayaa ah mid dalkasta xanuujineysa, laakiin tan si gaar ah looga dareemi karo gudaha Saudi Arabia, halkaas oo dad badan oo degani ay ku barteen inay ku noolaadaan daryeelka samafalka oo ay uga mahadcelinayaan saliida dalkaasi hodanka ku ahaa. Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa in kabadan kala bar Saliida caalamka loo dhoofiyo soo saara. Wadamada ku jira OPEC badanaa waxay galaan heshiisyo lagu xadidayo wax soo saarka saliida si kor loogu qaado qiimaha saliida marka baahidu ay timaado. Laakiin markii qiimaha saliida uu hoos u dhacay horaantii 2020 sababo la xiriira fayraska ‘cKrona’, Ruushku waxa uu diidey in uu dhimo soo saaridda saliida, taas oo keentey in Sucuudigu dhulka dhigo qiimaha saliida si waxyeelo u gaarto dhaqaalaha Ruushka looguna khasbo dhimidda wax soo saarka. Wasiirka Tamarta Ruushka Alexander Novak ayaa wariyeyaasha ugu sheegay bannaanka xarunta OPEC ee Vienna in Ruushku diyaar u yahay inuu kordhiyo wax soo saarka saliida bisha Abriil, taas oo Sucuudiga ka caraysiisey. Sucuudiga ayaa si lamid ah caalamka waxaa saameeyey dhaqaalahooda Coronavirus, waxaana ay hadda bixinayaan qiimihii ugu saraysey dagaalkii ay galeen horraantii bishii March. Shirkadda ugu weyn dalkaas ee Saliida ARAMCO ayaa hoos u dhacay dhaqaalaheedu 25%. Source
-
(SLT-Moscow)-Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus ay gaadhay 232,000 oo qof iyadoo uu noqoday dalka Ruushka dalka labaad ee ugu badan ee cudurkan uu saameeyay. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa dadka laga helay cudurkan dalka Ruushka waxa ay gaadhay 10,899 qof waxaana ka mid ah dadkaas afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov. Hase yeeshee tirada dadka ugu dhintey cudurka Coronavirus ee dalka Ruushka ayaa ah 2,116. Mr Peskov ayaa u sheegay wakaalada wararka ee TASS in markii ugu dambeysay ee shaqsi ahaan ay kulmaan Madaxweyne Putin ay ahayd bil kahor. Afhayeenka ayaa la dhigey isagoo warbaahinta u xaqiijiyay in la daweynayo. Raysal Wasaaraha Ruushka Mishustin ayaa laga helay coronavirus labo toddobaad kahor iyadoo sidoo kale wasiirada dhaqanka iyo warshadaha dalka Ruushka laga helay cudurkan. Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ku dhowaaqay dabcin dhinaca bandowga ah oo uu hore ugu soo rogay iyadoo shaqaalaha ay dib ugu laabteen xarumahooda. Dhinaca kale dab ka kacay isbitaal ku yaal magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ruushka ee St Petersburg ayaa waxaa ku dhintey shan ruux oo ka mid ah dadka uu cudurka Covid-19 soo ritey. Source
-
NAIROBI (HOL) - Somalia will launch its offshore licensing rounds in August putting on sale seven oil blocks as the Horn of Africa nation seeks to exploit its vast oil resources. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi waxa uu ka daah furay shir loogu magacdaray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxaana Axmed Madoobe uu halkaasi ka jeediyay khudbad taabanaysay dhinaca nabadda. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa golihii isbadal doonka ee dhowaan heshiiska la galay madaxda Jubbaland waxaana halkaasi sidoo kale hadallo ka jeediyay madaxdooda. Axmed Madoobe ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay inay israacdo Jubbaland isaga oo hoosta ka xariiqay in isaga laftiisa dhaliilo loo jeedin karo islamarkaana wixii tabasho ah loo baahan yahay in lagu xaliyo miiska wadahadalka. Dhanka kale hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay inay nabadda la qaataan maamulkiisa isago oo xusay inay yimaadaan deegaannada Jubbaland waxa uuna xusay inuu ka mahadcelinayo muddadii ay kala xirnaayeen iyaga iyo dowladda Farmaajo. Axmed Madobe ayaa sidoo kale sheegay in xilligan laga bilaabo aysan jirin wax la yiraahdo isbadal doon taa badalkeeda ay Jubbaland Mid tahay isaga oo intaas raaciyay in kulankii xalay ay ka dambeyn doonaan kulamo kale waxa uuna si gaara u xusay in haweenka Jubbaland uu kulamo gaar ah u sameyn doono kuwaas oo lagu xalin doono tabashooyinkooda. Shirka nabadeynta loogu magacdaray ee uu daah furay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah balse Madoobe ayaa ku guuleystay inuu dhammaan isu keeno dadkii kula loolamayay kursiga, lamana oga tallaabada ay dowladda Farmaajo ka qaadan doonto maamulkan. Halkaan ka daawo sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Batroolka xukuumada federaalka Soomaaliya, Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyey balookyada saliidda ee laga baarayo Soomaaliya, kadib markii ay wasaaraddiisu soo bandhigtay xirmooyinka shidaalka ee dalka laga helay, kadib sahmin lagu sameeyay. Ugu horreyn wuxuu sheegay inay raaci doonaan, kuna dhaqmi doonaan Hindise sharciyeedka Batroolka dalka ee lagu heshiiyey, islamarkaana ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray cabashooyinka ka imaanaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo ku doodaya in aysan caddeyn qaybsiga saamiga. “Ma arko Khilaaf ka taagan, waa loo dhan yahay ka faaiideysiga Khayraatka oo uu kamid yahay Batroolka, waxaa ansixiyay labada Gole ee BFS oo wakiilo ka kala ah Dowlad Goboleedyada, iima muuqata cid ka maqan marka la eego dhammaan dhinacyada ogolaaday” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tartanka shirkadaha daneynaya ay furi doonaan 4-ta bisha August ee sanadkaan, lana joojin doono bisha Maarso ee 2021-ka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in xogtii laga soo uruuriyey ciidda ee ay dowladda amartay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo oo la qorsheynayo in la baaro ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil.
-
Degmada Marka ayaa xalay ka adkaatay dhiggeeda degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxaa ku gacan sarreeyey Marka oo guusha la hoyatay. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in Xamarjajab ay la timid 12dhibcood, halka tartamayaasha Marka oo su’aalihii la weydiiyey intooda badan ka jawaabay, kuwa kalena ka faa’iideystay ay keensadeen 14 buundo, waxaana sidaas ay ugu gudubtay wareega 2-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ka tirsan gobolkaan Banaadir. Sidoo kale labada degmo ayaa u dambeeya group-ka C, wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dadka Reer Jubaland ay cagta saareen toobiye ku jihaysan dib u heshiisiin, kaas oo u baahan in ay ku soo biirto cid kasta oo haatan mucaaradsan. Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in heshiiskii dhexmaray maamulkiisa iyo golaha isbeddel-doonka Jubaland, uu ahaa mid dadaal iyo wakhti badan la geliyay, balse ugu dambayntii mira-dhal noqday, sidaasna lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorrashadii Agoosto 2019. Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale xusay in uu sii wadi doono dib u heshiisiinta Jubaland, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo wax ka tabanaysa maamulkiisa, si cabashooyinka jira wada-hadal loogu dhammeeyo. Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay, in ay maamulka Jubaland kala shaqayso dib u-heshiisiinta socota sidoo kalena ay ka tanaasusho mowqifkeedii hore, maadaama uu dhammaaday marmarsiin yihii ahaa, in dhinacyo kala duwan isku hayaan Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo sheegay in Jubaland cagta saartay toobiye ku jihaysan dib u-heshiisiin appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegaya in weli aaney dowladda federaalka ah bixin magdhow ay xukmisay maxkamadda sare ee dalka horraantii April ee sanadkan taasoo la xiriirtay xayiraadii safar ee bishii September ee sanadkii hore la saaray madaxweyne Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo. Mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga oo la hadlay Goobjoog News codsadana in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in maxkamadda sare ay u xukmisay in dowladda federaalka ah bixiso ilaa $34,000 laakin aan weli la bixin. Mas’uulka ayaa intaa raaciyey in arrinta lacagta ayba ka daran tahay in dowladda federaalka ah ay weli sii waddo falkii galka dacwadda loogu furay, loogana adkaaday ee ahaa iney celiso muwaadin ama mas’uul safraya. Arrintan ayaa imaaneysa maalin uun kadib markii xisbiga kale ee UDP uu go’aansaday inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad middan la mid ah. Isniintii ayey aheyd markii garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah Muqdisho laga joojiyey in ay ka duulaan labo senator oo ka tirsan aqlka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xili ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland sabab la xiriirta Aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa laga reebay diyaaradda xili ay damacsanaayeen in ay wax ka galbiyaan Janaasada wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland oo diyaaradii siday ay soo gaartay Muqdisho si ay ugu sii gudubto magaalada Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Hiiraan oo ka warbixiyey fatahaada webiga Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, Sh. Xuseen Cismaan Cali oo u waramay Shabelle ayaa faah faahiyey fataahada webiga Shabelle uu ka sameeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Somalia. Sheekh Xuseen ayaa sheegay in webiga uu ku fatahay xaafado ka tirsan Beledweyne iyo deegaani hoos yimaada, islamarkaana uu saameeyey dhul beereed ku yaal halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoysas badan ay isaga barakaceen Beledweyne, kadib markii ay biyuhu buux dhaafiyeen guryihii ay daganaayeen. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xoojiso dadaallada loogu gurmanayo dadkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-baladweyne-.mp3 View the full article -
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdikadir Hilaal ayaa talaadadii waxaa uu bartiisa Twetterka soo dhigay in dowladda federaalka ah ay bilowday xaraashka ilaa 7 bolook oo shidaal isaga oo intaa raaciyey in hawshan ay sanad qaadan doonto. Hilaal oo sii hadlaya waxaa uu xusay in 130 ka tirsan shirkadaha wax maalgeshta ay qeyb ka ahaayeen shirka lagu bixinayey leysinnada lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya. Goobaha ay ceelaha ku yaallaan waa : Galmudug(152, 153), Hirshabelle(164, 165), South West(177, 178) iyo Jubbaland(204). Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdikadir Hilaal waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in xaraashka loo marayo sharciga shidaalka, lana saxiixi doono marka la isla meel dhigto sharciga canshuurta. Dhankiisa, Senator Ilyaas Cali Xuseen oo madax ka ah guddiga kheyraadka ee aqalka sare oo arrinkan ka hadlay ayaa yiri “iib-geynta shidaalka Soomaaliya xilligan oo uu adduunka maraayo qiimaha shidaalka meeshii ugu xumeyd oo ah yaa iga qaata iyo adduunka oo la dalai dhacaya dhibaatada Coronavirus, waxay tusaale u tahay qorshe xumida iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xilligan adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ballaaran oo xalay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, iyadoona uu horkacayey taliyaha qeybta galbeed Yuusuf Xundubey. Ujeedka baaritaanadaan ayaa waxaa lagu sheegay kuwo looga hortagayey falal liddiga ku ah amniga ee maalmahaan dambe ka dhacayey degmooyinkaasi. Sidoo kale howlgallada ayaa daba socda sida la sheegay weeraradii hoobiyeyaasha ee dhowaan lagu qaaday Xalane iyo dilal ka dhacay saddexdaasi degmo ee dariska ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Booliska ay ka jawaabeen cabashada ka soo yeereysa shacabka degmooyinkaasi oo qeylo dhaan ka muujiyey amni darro heysata. Sida aan xogta ku helnay ciidamada ayaa howlgalladaasi ku soo qab-qabtay tiro dad ah u ah u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood la sii daayey markii su’aallo la weydiiyey. Ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ay ka bixiyeen baaritaanadaasi. Ammaanka degmooyinkaan ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad loogu deyrinayey, kadib markii ay ku soo bateen falalka liddi ku ah nabad-gelyada ee ka dhacaya halkaasi.
-
Bahalka loo yaqaan Gungume(Jilbis) oo badanaa laga helo Miyiga ayaa laba caruura ku qaniiney Miyiga Xingalool ee Gobolka Hayland, Caruurtaasoo isla goobtii ku geeriyootay. Caruurta [...] Source
-
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha qeybta Galbeed, Yuusuf Xundubey. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka howlgalladaasi uu ahaa kuwa looga hortagayey falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey xaafadaha degmooyinkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-goobjooge-howlgalka-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-13052020.mp3 View the full article
-
Diyaarad uu diray amiirka Dubai oo maanta Muqdisho ku wajahan +Sawirro Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo amiirka Dubai, ayaa amar ku bixiyey in diyaarad gargaar sidda loo soo diro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Diyaaradda oo la filayo inay maanta soo gaarto Muqdisho ayaa sidda agab ka kooban mashiinada dadka neefta siiya (ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19, iyo agab kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta. Gargaarkan, oo dhan 35 tan, ayaa sida la sheegay qeyb ka ah dadaalka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu kaga jawaabayo cudurka COVID-19, iyo dadaallada haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku caawineyso dadka ay daadadka ku saameeyeen Soomaaliya. Nadia Jbour, oo ah madaxa UNHCR ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in gargaarkan uu caawin doono kumanaan qof oo daadadka ay ku barakiciyeen gudaha Soomaaliya. “Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana ka cabsi qabnaa in xaaladdan oo lagu daray cudurka COVID-19 ay yeelan doonto cawaaqib burbur leh,” ayey tiri. Waxay uga mahad-celisay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum jawaabta uu ka bixiyey marxaladda iyo caawimaadda deg degga ah ee dadka ay saameeyeen musiibooyinka. Qaran News
-
Haweeney candhuuf lagu tufay ka qaadday coronavirus oo geeriyootay Belly Mujinga waxay geeriyootay bishii April Haweeney u dhalatay dalka Congo, oo ka shaqeyneysay xafiiska tigidhada tareennada lagu jaro ee magaalada London, ayaa u geeriyootay cudurka coronavirus kaddib markii uu candhuuf ku tufay nin sheegay inuu qabay Covid-19. Belly Mujinga, oo 47 jir ahayd, horayna u qabtay xanuunno dhinaca neef mareenka ah, waxay ka shaqeyneysay xarunta Victoria ee magaalada London markii 22-kii bishii March uu weeraray ninkaas, iyadoo ay la socotey ahweeney kale oo ay isla shaqeynayeen. Maalmo yar markii ay kasoo wareegeen dhacdadaas, kabada dumarka ahba waxay la xanuunsadeen fayraska. Booliska gaadiidka ee Britain ayaa sheegay in baaritaan lagu billaabay dhacdadaas, sidoo kalena lagu raad joogo ninka candhuufta ku tufay haweenkaas. Ms Mujinga seygeeda, oo lagu magacaabo Lusamba Gode Katalay, ayaa sheegay in ninka uu xaaskiisa weydiiyay waxa ay sameyneysay iyo sababta ay halkaas ku joogtay. “Waxay u sheegtay inay shaqo ku jirtay kaddibna ninka wuxuu sheegay inuu fayraska qabay, candhuuf ayuuna ku tufay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Mrs Mujinga waxaa la dhigay isbitaalka 2-dii bishii April waxaana lagu xiray qalabka neefsashada caawiya. Laakiin waxay geeriyootay saddex maalmood kaddib, sida uu sheegay ururka shaqaalaha gaadiidka. Mrs Mujinga waxay UK u guurtay kaddib markii ay ka tagtay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, sanadkii 2000, xilligaasoo ay ka baxsaneysay qalalaase siyaasadeed, sida ay ku warrameen warbaahinta ITV News iyo The Mirror newspaper. Qaran News
-
Maydadki Carruurta oo la aasayo Wararka ka imaanaya Miyiga magaalada Xiingalool ee Gobolka Haylaan ayaa sheegaya in halkaas uu bahal-hoose ku cunay laba carruuro walaalo ah kuwaas oo labadiiba geeriyooday. Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas. Bahalka oo ahaa nooca loo yaqaan gungumaha ee halista badan ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda waxaana labaduba geeriyoodeen isla markiiba. Gungumihii Carruurta cunay oo dib ugu laabtay kob meesha ku tiillay ayaa saaka si weyn looga baadi-goobaya aga’gaarka qoyska si looga badbaadiyo dadka inta hartay inkastoo aan weli lagu guulaysan in la helo. PUNTLAND POST The post Gungume halis ah oo carruur ku laayay Miyiga Xiingalool appeared first on Puntland Post.
-
Haweeneydii ugu da’da weyneed dalka Spain oo Corona ka badbaaday Maria Branyas Haweenay 113- sano jir ah islamarkana la rumaysan yahay inay tahay qofka ugu da’da wayn dalka Spain ayaa ka bogsatay cudurka coronavirus, sida ay sarakiisha dalkaasi sheegeen. Maria Branyas ayaa laga helay Covid-19 ka dib markii dalkaasi Spain xayiraad lagu soo rogay si cudurka loo xakameeyo. Balse toddobaadyo Karantiil ay ku jirtay ka dib, Ms Branyas ayaa cudurka ka soo kabsatay iyada oo qaab saf-mar ahan ah uu cudurka u haleelay. Waxay micnaheedu tahay in ay u soo joogtay cuduro badan oo safmareen ah sida Hargabkii Spain ee 1918 ilaa1919,dagaalkii sokeeye ee Spain iyo imika oo ay ka badbaaday coronavirus. “Imika way wanaagsan tahay, waa qof la yaab leh, waxay doonaysaa inay hadasho si ay sharaxaad uga bixiso wixii ay soo martay ,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay gabadh ay dhashay. Maria Branyas aya sanadkii 1907 ku dhalatay dalka Mexico, waxayna labo sano ka dib iyada iyo seygeeda oo ahaa saxafi u dhashay Spain ay u soo wareegeen gobolka Catalan xilligii uu socday dagaalkii kowaad ee adduunka. Waxa ay dhashay saddex caruur ah oo midkood imika uu 86 snao jir yahay . Waxay imika 20 sano ku nooleyd goob dadka waawayn lagu xanaaneeyo. Qaran News
-
Popular Contributors
