-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Kadib 18 bilood oo ay ku jirtay gacanta kooxahii afduubtay, Silvia Constanzo Romano ayaa dib xoriyadeeda u heshay Sabtidii, waxeyna maalintii xigtay si nabad ah ku tagtay Talyaaniga oo ay kasoo jeedo. Warbaahinta Turkiga ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabkii Turkiga ay ugu lug yeesheen wada-xaajoodyadii madax-furasho ee lagu sii daayey Silvia. Anadolu Agency oo ah wakaaladda wararka Turkiga ayaa carabka ku dhufatay in codsi ka yimid dowladda Talyaaniga kadib lagu dhaqaaqay soo bad-baadinta Silvia Romano. Dhamaadkii sanadkii hore ayey ahayd markii dowladda Talyaaniga ay codsi u gudbiyeen dhigooda Turkiga, sida uu sheegay muuqaal baahiyaha TRT, waxaana lasoo bandhigay saddex hab oo loo maray badbaadinteeda. Wararka warbaahinta Turkiga waxey sheegayaan in sirdoonka dowladda Turkiga ay markii hore xaaladda guud ee haweeneyda u kuur galeen, waxeyna tallaabada koowaad ku ogaadeen iney weli nooshahay. Sida uu sheegay TR, waxaa markaas xigtay in la hawlgaliyay sirdoon baadi-goobay meesha rasmiga ah ee lagu hayo, taasi oo lasoo ogaaday, walow aan warbixinta lagu cadeyn wakhtiga ay ogaadeen. Sirdoonka Talyaaniga ayaa ka qeyb noqday habka saddexaad ee soo bad-baadinta haweeneyda, oo ay ahayd wada-xaajoodka iyo sii deynta, waxeyna la dhinac ahaayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Turkiga, waana marka lasoo bad-baadinayo Silvia. TV-ga ku hadla afka dowladda Turkiga ayaa tibaaxay in hawlgalka badbaadinta uu dhacay laba maalmood oo ka mid ah isbuuca labaad ee bishaan May. “8-9-ka May ayuu dhacay hawlgalka lagu soo badbaadiyay Silvia” ayey yiraahdeen. Balse marnaba warbaahinta Turkiga sooma hadal qaadin iney lacag ku bixiyeen madaxa haweeneyda samafalka u timid Afrika, marka dib loogu laabto sanadkii 2018 dabayaaqadiisii gaar ahaan bisha November ayey aheyd markii Silvia laga kaxeystay tuulada Chakama ee dhacda koofur Bari dalka Kenya. Tan iyo wakhtigaas waxey ku jirtay gacanta la heystayaasha, waxaana xusid mudan in goobahaas ay aad ugu xoogan yahiin Al-Shabaab.
-
ISTANBUL (Reuters) - Turkey accused the United Arab Emirates on Tuesday of bringing chaos to the Middle East through its interventions in Libya and Yemen, allegations which are likely to inflame tensions between the regional rivals. Source: Hiiraan Online
-
Turkish firm Yapi Merkezi donates dry food to flood victims in eastern Somali national regional state Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa Axaddii Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BF ku xanibay garoonka, una diiday inay u safraan magaalada Kismaayo. Senatoradaan ayaa laga reebay diyaarad siday meydka Allahha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland waxayna warbaahinta u sheegeen in loo diiday ka qeybgalka aaska marxuumka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wafdiga Senatorada ah aysan ka qeyb geli laheyn aaska Marxuumka oo kaliya balse ay doonayeen iney ka qeyb galaan shir dood ka taagan tahay oo ka furmayay Kismaayo. Shirkaas ka furmay Kismaayo ayaa looga hadlayay, dib u heshiisiinta Jubaland, iyo colaadii ka dhacday Galbeedka Kismaayo una dhaxeysay beelaha walaalaha balse waxaa diidan hal dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay. Beel kamid ah beelaha dagaalka dhaxmaray oo shirkaas diidaneed ayaa la sheegay in Villa Somalia ay ka dalbatay in Senator Iftiin Xasan Baasto oo kursiga ku matala uusan ka bixin Muqdisho, si uusan shirkaas kaga qeyb gelin maadaama uu saaxiib la yahay Axmed Madoobe, talooyinka beeshana diiday. Xogta ayaa sidoo kale sheegeysay in Jubbaland ay damacsaneed in shirkaas muunad kale u yeesho oo ay ku casuunto siyaasiinta beelaha halkii ay aheyd in lagu casuumo dhaqanka si ay xal uga gaaraan colaadii dhacday oo wali taagan. Inkastoo ay xogta sidaas sheegeyso hadane waxaa jirta in dhowr jeer laga hor istaagay Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Siyaasad cakiran ee u dhaxeysa Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa reebtay saameen weyn oo degaanka ah walina ma jirto xal laga gaaray.
-
Like so many entrepreneurs throughout the city, Yahya Noor, 36, works out of a microscopic space alongside his family. East Boston’s Tawakal Halal Café — hailed by the Globe and by Bon Appétit as one of the best restaurants in the country — serves Somali food in the shadow of Logan Airport: Source: Hiiraan Online
-
Relief to help fight flooding and COVID-19 combat efforts in Somalia Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa marxuum xalay fiidkii lagu dilay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Cali Naaleeye Barkhadle ayaa dableey bastoolado ku hubaysan ku dileen xaafadda Say-biyaano oo ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Laamaha Amniga magaalada Muqdisho oo goobta gaaray ayaan ku guulaysan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka gaystay oo halkaasi ka baxsaday. Alle ha u naxariistee, marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa ganacsade caana oo baabuurta keena magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ugu goodiyay in uu ciidankiisa kala bixi doono boqortooyadda hadddii uusan taageerin dalabka Washington ee ah in la yareeyo soo saarka Saliidda, kadib markii ay telefoonka ku wadahadleen bishii April. Awoodda hanjabaadda Trump ayaa Maxamed bin Salmaan ku khasabtay in uu la-taliyeyaashiisa ku amro in ay qolka uga baxaan, si wada-hadalku gaar ugu noqdo, sida ay daabacday Reuters. Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ku dhaawaaqay Khamiistii lasoo dhaafay in militariga Maraykanku uu uu Sacuudiga kala bixi doono labo ka mid ah gantaaladda difaaca hawada ee Patriot iyo diyaarado dagaal, kuwaas oo markii hore Sacuudiga loo geyay in ay difaacaan warshadaha saliidda. Madaxweyne Trump ayaa arrinta ka bixiyay sharaxaad maldahan waxaana uu yiri “ waxaan Barriga Dhexe iyo meelo kaleba kasameyneynaa dhaq-dhaqaaq badan. Militari ahaan wax badan ayaan aduunyadda ka qabanay, aduunyadana waan u faa’iideynay.” Laakiin khubaradu waxaa ay rumeysan yihiin in Maraykanku uu boqortooyadda ku ciqaabayo isbedelkii deg-degga ahaa ee ay ku sameysay suuqyadda saliidda caalamka taas oo shirkadaha shidaalka Maraykanka ku khasabtay in ay musalafaan. “Waa xurguf u dhaxaysa Maraykanka iyo Sucuudi Carabiya, Washington waxay u sheegeeysaa Riyadh haddii aadan qaadan taladeena shidaalka, Iran ayaan idinkaga tageeynaa,” ayuu yiri Mehmet Bulovali oo ah khabiir Kurdish ah oo ku xeel-dheer arirmaha gobolka. Iran waa mucaaradka ugu weyn ee Sucuudigu ku leeyahay Bariga Dhexe, waxayna ku dagaalameen Yemen iyo Lubnaan. Dad badan aya sidoo kale u arka in weerarkii sanadkii lasoo dhaafay lagu qaday Warshadaha Shidaalka Iran ay ka dambeysay inkastoo ay masuuliyadda sheegteen xuutiyiinta Yemen. Weerarkaasi waxaa uu muddo todobaad ah joojiyay soo saarka Shidaalka ee Sucuudiga. Weerarada kadib, Trump waxaa uu gantaalada difaaca hawada u diray boqortooyadda, oo ah xullufo carbeed ee muhiim ah u ah Washington. Xiisadda Sucuudiga iyo Maraykanka Sabbeynta suuqa shidaalka ayaa abuurtay isku dhac u dhaxeeya xulifadda taariikhda dheer iyadoo Coronavirus uu tobanaan kun ka dilay dadka Maraykanka islamarkaana uu shaqo la’aan dhigay 33.3 million oo qof. Xasarada dhaqaale ee adduunka ayaa waxaa hadda lala bar-bardhigayaa dhaqaale bur-burkii weynaa ee dunida. “Uma ogolaan karno Sucuudi Carabiya in ay harqiso suuqa, gaar ahaan xilligaan ay awooda keydku yartahay, hadda tiradii ugu badneyd ee maraakiibta shidaalka Sucuudiga ayaa ku soo socda xeebaheena,” ayuu yiri Senator Kevin Cramer oo laga soo doorto gobolka North Dakota. Seddaxdii April April, maalin kadib markii ay telefoonka kuwada hadleen Trump iyo bin Salmaan, ayuu Senator Kevin Cramer waxaa uu u sheegay Trump in ay waxba ku fadhin in malaayiin dollar lagu kharash gareeyo difaaca Sucuudiga “haddii ay saaxiibadeen na khiyamayaan.” “Arrintaan soo cuboonaatay waxaa ay keeneysa hoos u dhac ku yimaada is aaminaadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Sucuudiga” ayuu Bulovali u sheegay TV-ga TRT World. Bulovali waxaa uu rumeysanyahay in isku dhaca Sucuudiga iyo Maraykanka uu dib usoo nooleynayo awoodda Iran ee Bariga Dhexe kadib markii ay weysay Generalkeedii qiimaha badnaa Qasim Suleymani oo Maraykanku bishii January ku dilay Ciraaq.
-
Dubai (Caasimada Online) – Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo amiirka Dubai, ayaa amar ku bixiyey in diyaarad gargaar sidda loo soo diro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Diyaaradda oo la filayo inay maanta soo gaarto Muqdisho ayaa sidda agab ka kooban mashiinada dadka neefta siiya (ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19, iyo agab kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta. Gargaarkan, oo dhan 35 tan, ayaa sida la sheegay qeyb ka ah dadaalka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu kaga jawaabayo cudurka COVID-19, iyo dadaallada haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku caawineyso dadka ay daadadka ku saameeyeen Soomaaliya. Nadia Jbour, oo ah madaxa UNHCR ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in gargaarkan uu caawin doono kumanaan qof oo daadadka ay ku barakiciyeen gudaha Soomaaliya. “Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana ka cabsi qabnaa in xaaladdan oo lagu daray cudurka COVID-19 ay yeelan doonto cawaaqib burbur leh,” ayey tiri. Waxay uga mahad-celisay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum jawaabta uu ka bixiyey marxaladda iyo caawimaadda deg degga ah ee dadka ay saameeyeen musiibooyinka.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa xalay guriga Martida ee magaalada Kismaayo ka furmay shir loogu magac daray ‘nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland, kaas oo loo asteeyay in uu socdo seddaxda maalmood ee soo socota. Furitaanka shirkan waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) labadiisa ku xigeen, madaxda golaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska Nairobi kula galay Madaxweyne Madoobe, wasiirro, xildhibaanno, odayaasha dhaqanka beelaha Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Jubbaland. Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ah gudoomiyaha golihii isbadal doonka Jubbaland ee la heshiiyay Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku dhawaaqay in golaha isbadal doonka Jubbaland ay ka tanaasuleen sheegashada xilka Madaxweynaha Jubbaland, taas bedelkeedna ay madaxweynaha haatan kala shaqeyn doonaan isbadallo lagu horumarinayo dowlad goboleedka Jubbaland. Xidig ayaa in taageerayaasha golaha isbadal doonka iyo guud ahaan shacabka reer Jubbaland u sheegay in hada kadib aysan jiri doonin laba dhinac oo isku heysta siyaasadda Jubbaland oo ku wada sugan Kismaayo, sida uu sheegay. Ugu dambayntii Xidig waxa uu madaxda dowladda federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay hoggaanka Jubbaland kala shaqeeyaan dib u heshiisiinta ka bilaabatay deegaanka, taas oo kasoo bilaabatay heshiiskii dhinacyada siyaasadda Jubbaland ee ka dhacay Nairobi, 16-kii bishii hore ee Abriil. Dhankiisa Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo soo xiray munaasabadii furitaanka shirkaas ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay. Ugu horeyn Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay xallinta tabasho kasta oo ay maamulkiisa ka qabaan shacabka iyo mucaaradka reer Jubbaland, hada kadibna uu ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in munaasabadan ay xigi doonaan shirar Kismaayo ka socon doona maalmaha nasoo aadan, kuwaas oo si qota dheer looga wada xaajoon doono qodob walba oo ay isku hayaan beelaha dega Jubbaland ama laga tirsanayo maamulka uu hoggaamiyo. Madaxweynaha Jubbaland waxa uu cid walba oo wax tabanaysa ugu baaqay in ay kasoo qayb gasho shirka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland. Ugu dambayntii Madaxweynaha ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday inay taageeraan shacabka ay hoggaanka u yihiin ee reer Jubbaland oo isugu yimid shirkan dib u heshiisiinta iyo maamulkooda ay raaliga kayihiin.
-
Lamu (Caasimada Online) – Waxaa jirta cabsi badan oo ay dareemayaan dadka dagan gobolka Lamu, kuwaas oo dowladda ku eedeynaya ineysan dhaqan galin xayiraadda xadka ay la leeyahiin Soomaaliya. Dadka waxey aad uga cabsi qabaan in isku socodka xadka u dhaxeeya labada dal uu ka dhalan karo inuu ka dilaaco xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Wararka laga helayo Jasiiradda ayaa sheegaya in ganacsatada qaadka iyo kalluumeystadaba ay wali sii wadaan gacan qaadka dhanka ganacsiga oo ay la yeeshaan dhigooda Soomaalida, waxaana la ogyahay inaan la marsiin hab raaca baaritaanka lagama maarmaanka ah ee xanuunka Coronavirus. Lamu waa mid ka mid ah goobaha aan ilaa iyo hadda laga diiwaangalin hal kiis oo Covid19 ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Soomaaliya ay tirada dadka uu soo ritay xanuunkaan ay dhaaftay 1000 qofood. Waxey aheyd sanadkii hore markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday iney xirtay xadka ay la leedahay Soomaaliya iyadoo laga hortagaayo dadka sida sharci darada ah u galaya gudaha Kenya iyo sidoo kale xakameynta ganacsatada gacan qaadka la leh xooggaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Dhamaan qeybaha dadka ku nool Lamu ayaa walaac badan ka muujinaya sida aysan Dowladda Kenya u fulin hab-raaca ka hortagga Coronavirus maadaama aysan xil iska saarin la socodka xaalad walba oo ka dhalan karta in la gudbo xuduudda.
-
Roma (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wareysi uu teleefonka ku siiyey wargeyska La Repubblica ee dalka Talyaaniga uga hadlay lacagtii madax-furashada ee ay ku qaateen sii-deynta Silvia Romano iyo sida ay ku islaamtay. Cali Dheera ayaa sheegay in lacagtaas loo adeegesan doono in lagu maal-geliyo “jihaadka”. “Lacagta waxaa loo adeegsan doonaa in qeyb ahaan lagu soo iibiyo hub, taasi oo aan u baahannahay si aan u fulinno jihaadka,” ayuu yiri. “Inta kale ee lacagta kasoo harta waxaa lagu maamuli doonaa dalka: waxaa lagu bixin doonaa iskuullada, waxaa lagu iibin doonaa cunooyin iyo dawooyin la siinayo dadkeena, waxaa lagu tababari doonaa boliiska ilaaliya kala dambeynta iyo dhaqan-gelinta shareecada qur’aanka.” Afhayeenka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dhowr iyo toban qof ay ka qeyb qaateen afduubka Silvia Romano, balse aysan hoggaamiyayaasha Al-Shabaab agaasimin afduubka. “Al-Shabaab waxay leedahay nidaam la macaamila inuu keeno lacag lagu wado shaqooyinka ururka, taasi oo kadibna dib loogu qeybiyo dadka Soomaaliyeed. Waa hay’addan tan maamusha ilaha dhaqaale ee kala duwan ee ururka,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyey sababta ay si wanaagsan ugula dhaqmeen Silvia. “Silvia waxay noo aheyd agab aan ku gorgortonno. Waxay sidoo kale ahayd haweeney, anagana haddaan nahay Al-Shabaab xushmad weyn ayaan u haynaa haweenka,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab. “Waxaan sameynay wax kasta oo aan awoodno si aynan dhib u gaarsiin, sababtoo ah Silvia waxay ahayd la-hayste ee ma ahan maxbuus dagaal. Maxaabiista dagaalka waxaan ku wareejinaa ciidamada, si la mid ah waxa ay sameeyaan ciidamada Soomaaliya marka ay qabtaan askari Al-Shabaab ah.” Isaga oo ka hadlayey qaadashada Silvia ee diinta Islaamka, waxa uu yiri: “inta aan ogahaay, Silvia Romano waxay dooratay Islaamka sababtoo ah waxay fahamtay qiimaha diinteena, kadib markii ay aqrisay qur’aanka.”
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qoraal uu Twitter-kiisa ka tir-tiray Aaasinka guud ee xabsiyadda Sucuudi Caraniya ayaa abuuray walaac ku saabsan xaalada caafimaad iyo nolosha dhaxal sugihii hore Maxamed Bin Nayef. Maamulaha xabsiga boqortooyadda ayaa qoraal uu Axaddi ku soo qoray twitter-ka oo uu ugu Jawaabay warar sheegayey in dhaxal sugihii hore uu dhintay waxaa uu ku yiri: “Agaasinka guud ee Xabsiyadda waxa uu beeninayaa wararka sheegaya geerida Amiir Maxamed bin Nayef bin Cabdulaziz Ala Sacuud waxaaana uu xaqiijinayaa in uu ku dhacay wadne xanuun, haddana loo wareejiyay qaybta daryeelka deg-degga ah.” “Shaqaale caafimaad oo taqasusi ah ayaa la socda caafimaadka Amiiir Maxamed bin Nayed marwalba,” ayuu qoraalkiisa ku daray. Qoraalkaaas twitter-ka islamarkiiba waa la tiray, agaasinka xabsiyaduna waxaa uu sheegay in akoonkiisa twitter-ka la jabsaday. المديرية العامة للسجون تستعيد حسابها على تويتر بعد اختراقه pic.twitter.com/cMaEiR5gba — المديرية العـامة للسجون (@pgd_KSA) May 10, 2020 Macnaha: Agaasinka guud ee xabsiyada waxa uu dib u helay twitter-kiisa kadib markii la jabsaday. “Waxaan jeclaanlahayn in aan xusno in akoonka Twitter-ka ee agaasinka xabsiyada la jabsaday Axaddi 10/5/2020 qoraallo qaldanna lagu so qoray,” ayaa lagu sheegay war uu soo saaray maamulka xabsiyadda. Waxaa rali gelin la siiyay taageerayaasha agaasinka, waxaana uu agaasinku balan qaaday “in uu qaaadayo talaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka ah si loo baaro dhacdada islamarkaana la qaadayo talaabo ka dhan kuwa dambiga masuulka ka ah.” Hase yeeshee sheekada jabsashada ayaa loo arkay mid lagu daboolayo xaqiiqda ah inuu fakaday war ku saabsan xaaladda caafimaad iyo nolosha Maxamed Bin Nayef. Maxamed Bin Nayef oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha abtina uu u yahay Boqor Salmaan, waxaa la rumeysan yahay in la xiray bishii March kadib markii Maxamed bin Salmaan saraakiil sare ka eryay boqortooyadda Sacuudiga. Amiirka xiran waxaa loo magacaabay inuu noqdo dhaxal-sugaha boqorooyadda sanadkii 2015-kii, laakiin boqor Salmaan ayaa Maxamed bin Salmaan ku bedelay sanadkii 2017-kii. Kadib markii dhaxaltooyadda laga saaray, Maxamed Bin Nayef iyo dadkii ku hareereysnaa waxaa laga xayuubiyay mobile ladii iyo gunooyinkii, waxaana laga mamnuucay in ay safraan. Ilo wareedyo la hadlay wargeyska Middle East Eye ayaa shegay in amiirku uu u cadawday saaxiibadiis islamarkaana uu warqad u diray boqorka, taasi oo ku saabsan la bixista gudooniyinka uu boqortooyadda ku lahaa. Dad xuquuqda aadanana u ololeeya iyo kuwa isticmala baraha bulshadda ayaa muujiyay walaaca ay ka qaabaan caafimaadka iyo nolosha amiirka iyo waxa sababay dhacdooyinkii u dambeeyay. Dadka qaar ayaa ku macneeyey in xanuunka uu horey u sheegay agaasinka xabsiyada laga yaabo in ujeedkiisu yahay mid qiil loogu soo diyaarinayo in la dilo Maxamed Bin Nayef, si gadaal dambe loogu yiraahdo xanuunkii ayuu u dhintay. Turki Shalhoub oo u dooda xuquuqul insaanka ayaa weydiiyay madaxda xabsiga hadii wadna xanuunka la sheegayo uu horudhac u yahay “in Bin Nayef meesha laga saaro inta uu xabsiga ku jiro”. Waxaa uu su’aal ka kenay in amiiradda kale ay dhaqaaqi doonaan iyo in ay qadartooda ka sugi doonaan gacmaha amiirka da’yarka ah [Maxamed Bin Salman].” محمد بن سلمان يُمهِّد لقتل ابن عمه محمد بن نايف داخل زنزانته. هل يتحرّك الأمراء، أم سينتظرون مصيرهم واحدًا تلو الآخر على يد الأمير المراهق ؟! pic.twitter.com/bllgW3E7o6 — تركي الشلهوب (@TurkiShalhoub) May 10, 2020 Macnaha: Maxamed Bin Nayed waxa uu isku diyaarinayaa inuu axbsiga ku dilo ina adeerkiisa Maxamed Bin Nayef. Amiirada kale ma dhaqaaqdi doonaan mase waxay qadartooda mid mid uga sugi doonaan gacmaha amiirka da’da yar. Ahdjadid oo ah akoon twitter oo dhalleeceeya Sacuudiga ayaa sheegay in dhaxal sugaha uu ku dhacay wadne xanuun ka dhashay “dayacaad ula kac ah oo cafimaad”, waxaana uu tilmaamay in loo beegsanayo dad uu xir-xiray intuu dhaxal sugaha ahaa. تأكد لدي إصابة محمد بن نايف بأزمة قلبية، نتيجة إهمال طبي متعمد، وهو الآن تحت المراقبة الطبية، علماً أن الإصابة نتجت عنها آثار سوف تستمر معه. . شن حملة اعتقالات لقيادات عسكرية بارزة، بعضهم ممن تمت ترقيته عقب تولي ابن سلمان ولاية العهد. . وزير الداخلية غائب عن المشهد. — العهد الجديد (@Ahdjadid) May 10, 2020 Translation: Maxamed Bin Nayef waxaa ku dhacay wadno xanuun ka dhashay dayacaad caafimaad oo ula kac ah, waxaana hadda uu ku sugan yahay kormeer caafimaad, isaga oo og inuu dhaawaca uu sii saameyn doono. Wuxuu billaabay olole xarig oo ka dhan ah shakshiyaad militariga caanka ah, dadkaas qaarkood waxaa la dallacsiiyey kadib markii uu xukunka qabtay Bin Salman. Wasiirka arrimaha gudaha waa ka maqan yahay goobta.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/BAr___Qubanaha-12052020-ww.mp3 View the full article
-
ANKARA, Turkey (AP)-- Turkey on Tuesday accused Greece, Cyprus, Egypt, France and the United Arab Emirates of seeking to form an “alliance of evil” after these countries issued a joint declaration denouncing Ankara’s policies in the eastern Mediterranean and Libya. Source: Hiiraan Online
-
Tuulooyinka Buur-fuule, Oobaale, Diinlaaw, Timire hurawa, Kaluundi iyo kuwa kale ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay gaareen Fatahaada wabiga Shabeelle oo maalmahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano hoostaga Degmada mahadaay. Biyaha yaa gaaray ilaa iyo kun hegtar oo xiligaan dalagyo kala duwan ay ku beernaayeen waxaana dhammaan ay biyaha xaalufiyeen waxyaabihii ku beernaa. Cabdullaahi Yuusuf Xuseen oo ah Gudoomiyaha Tuulada Buurfuule oo kamid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in xilgaan Tuuladiisa ay ubaahantahay in la magacaabiyo guddiga sidii biyaha wabiga loola tacaali lahaa waxaana sidoo kale uu sheegay in xitaa aysan heysan jawaano lagu caro tuuro biyaha si loo celiyo. “Waxaan ku dadaaleynaa sidi aan u celi laheyd Biyaha mana heysano wax jawaano ah oo aan Biyaha nku Celino sidaa daraadeed waxaan iska kaashaneynaa la tacaalidooda “Sidaas ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Xuseen. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Xaji Isgoowe ayaa sheegay inay ka awood badatay fatahaada dadka ku nool Jowhar iyo Mahadaay islamarkaana ay halis ku jiraan loona baahanyahay in Dowlada Dhexe ee dalka ay ka garabsiiso sidii looga hortagi lahaa qasaaro ka dhaso wabiga shabeelle uu geesanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somali health ministry on Tuesday confirmed 81 new cases of the novel coronavirus in the last 24 hours bringing the total number of infections in the country to 1,170. During a press briefing, Fawziya Abikar, the health minister, said the death toll stands at 52 with no death case reported on Tuesday while the number of patients who recovered from the disease have so far reached 126. Fawziya Abikar, the health minister said 44 of the latest cases were found in Banadir, an administration area that covers the capital, Mogadishu, 24 cases were detected in Jubbaland state, 5 cases in the breakaway region of Somaliland, 6 cases in Somalia’s autonomous region of Puntland and 2 other cases in Hirshabelle state. The latest cases come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to the limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. The World Health Organization (WHO) has warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. WHO said in its latest report on COVID-19 that Somalia will need to make difficult decisions to balance the overwhelming demands of responding to COVID-19 while maintaining essential health service delivery to prevent health systems from collapse. Somalia has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hor leh ayaa laga helayaa qaabkii loo soo riday diyaaradii shirkadda African Express ee toddobaadkii hore ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Bay. Weydow Cali Xasan waa guddoomiyihii hore ee degmada Bardaale, haatana ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee degmadaas, waxa uu xog cusub ka bixiyay qaabii ay ciidamada Itoobiya u soo rideen diyaaradda. Weydow Cali Xasan ayaa VOA u sheegay in diyaaradu ay garoonka uga timid dhanka waqooyi, balse halkii ay caga dhigan laheyd uu taagnaa gaari ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kaas oo uu saarnaa qori suug ah. Intaas kadib duuliyihii diyaaradda ayaa isku deyay in uu jiiro kale soo geliyo diyaaradda inta uu gaarigaasi ka wareegayo goobta, balse nasiib darro waxa uu sheegay Weydow in durbadiiba ay ciidamadu seddax xabadood ku dhifteen diyaaradda, kuwaas oo laga riday qorigii gaariga saarnaa ee Suuga. Saraakiil kale oo u waramay VOA waxa ay sheegeen in diyaaradda markii lasoo riday ay ku jirtay wareegii labaad, iyadoo markii hore garoonka halkii ay caga dhigan laheyd ku aragtay Dameer gudbayey, sidaasna ay uga shakiyeen ciidamada Itoobiya. Hase yeeshee guddoomiyihii hore ee Bardaale Weydow Cali waxa uu sheegay in garoonku uusanba laheyn meel dameer kasoo galo iyo meel uu uga gudbo toona, balse sida muuqatay ay ciidamadu ku naxeen diyaaradda. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deegaanka badankood, gaar ahaan mas’uuliyiinta uu isagu ku jiro ay ka war hayeen in diyaadu ay kusoo wajahantahay magaalada, sidoo kale waxa uu xusay in garoonka horay ay diyaarado ugu degi jireen. Ilo kale waxa ay sheegeen in askariga riday xabadaha ku dhacay diyaaradda uusan ka tirsaneyn AMISOM, balse uu ka mid ahaa ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmo ka hor dhanka xuduuda kasoo galay Soomaaliya, kuwaas oo ku cusbaa magaalada. Maalmaha nasoo aadan waxaa lagu wadaa in uu bilaawdo baaritaan seddax geesood ah oo ay sameynayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Diyaaradda ayaa ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya Mas’uuliyiin ka kala socday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo maalin kadib markii diyaaradda lasoo riday gaaray Bardaale, kuwaas oo uu hogaaminayey Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Oomaar, waxa ay xaqiijiyeen in Sanduuqii madoobaa iyo Rikoorka dooba codadka ay yaalaan halkii ay ku dhacday diyaaraddu, halkaas oo haatan lagu ilaalinayo ilaa laga baaro. Sanduuqii madoobaa iyo Rikoorka dooba codadka ayaa laga heli karaa xogtii ugu dambeysay inta aysan dhicin diyaaradu, sida jawigu ahaa iyo waxa ay sababsatay. Halkan ka dhageyso wareysiga Weydow Cali Xasan uu siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Weydow-Cali-Xasan.mp3
-
Al-shabab ayaa soo bandhigtay askar ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen, waxaana askartaan lagu soo bandhigay gobolka Jubbada hoose. Ciidamada lasoo bandhigay ayaa ku sugnaa Saldhig ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada caasimadda ah ee Kismaayo. Alshabab ayaa ku sheegtay tirada askartaan isa soo dhiibtay ilaa 5 askari kuwaas oo la soo goostay hubkooda iyaga oo sidoo kale shaaciyey magacyada askartaan. 1-Maxamed Cali Bakar 2-Aadan Cismaan Cumar 3-Xuseen Ibraahim Xasan 4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi 5-C/qaadir Cumar. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Askarta ay Al-shabaab soo bandhigeen , isla markaana ay ku sheegeen inay ka soo goosteen Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
