Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Happy #EidMubarak to all Muslims around the world, especially to my dear fellow SL citizens on this occasion of #Eidulfitr. May the Almighty accept our supplications, devotion and prayers. May Allah shower his mercy on all humanity and fill our lives with joy & peace & Happiness. pic.twitter.com/NBVhKtKj12 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) May 23, 2020 Qaran News
  2. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has officially instituted legal proceedings at Mogadishu's Regional Court to seek court orders for the investigations and prosecution of suspected killers of more than 50 journalists. Source: Hiiraan Online
  3. Qoysaska boqortooyadda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Turkiga u arka khatar ama cadow. Sababtuna waxaa ay tahay in xukuumadda Ankara aysan dowladahan fursad u siin in ay dhameystiraan qorshooyinka ay ka leeyihiin Bariga Dhexe. Xulufada ay ku mideysanyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sidoo kalena ku jiraan Baxreyn, iyo Masar waxaa u qorshe ah in ay soo dhoweystaan Israel islamarkaana iska fogeeyaan Turkiga. Waxaa ay doonayaan in ay ugu sarreeyaan gobolka. Si kale hadii loo dhigo, waxaa ay doonayaan in wadamadu ay aqbalaan keli talisnimo islamarkana ay daaqadda ka saaraan xorriyadda, isbedel siyaasadeed, dimoqaraadiyad ama in is-beddel dastuur. Dhanka kale, Turkigu waxaa uu taageeray Gugii Carabta, waxaana uu la saftay dalabka dadweynaha, waxaa uu cabsi geliyay boqortooyooyinka gobolka oo aaminay in Guga Carabtu uu yahay kacdoon faafay oo khatar lagama fursadaan ah ku ah xasiloonidooda. Sidaas darted, ololahooda ka dhanka ah Turkiga ma uusan joogsan, Warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka marna ma joojiyaan in ay dalxiiseyaasha carbeed u sheegaan in aysan booqan Turkiga, iyagoo sheegaya warar laga badbadiyay oo ku saabsan afduub iyo xad gudub haweenka Sacuudiga loogu geysto Turkiga. Mar dhow, warbaahinta carbeed waxay Turkiga ku eedeeyeen in uu Coronavirus ku faafinayo Sacuudiga iyo dalal kale ee carbeed. Waxaa ay soo saareen riwaayado sumcad xumeynaya taariikhdii Cusmaaniyiinta. Riwaayad uu Imaaraadku soo saaray oo magaceedu yahay “ Boqortooyadii dabka” ayaa diiradda lagu saaray in khilaafadi Cusmaaniyiintu aysan ka shaqayn midnimadda muslimiinta balse ay ahayd taariikh madow oo soo martay Carabta. Sidoo kale, Dowladda Sacuudiga waxa ay xanibtay labo warbaahin oo laga leeyahay Turkiga, waa qaybta carabiga ee TRT iyo wakaaladda wararka ee Anadolu. Talaabadaasi waxaa ay kusoo aaday markii dacwad oogeyaasha Turkigu ay sheegeen in 20 nin oo Sacuudiga u dhashay ay ka dambeeyen dilkii suxufigii Jamal Khashoggi ee ka dhacay Istanbul. Waxaa uu ahaa dil uga sii daray xiriirka Ankara iyo Riyadh. Xukuumadda Ankara waxaa ay sidoo kale Imaaraadka Carabta ku eedeysay in uu taageerayay afgambigii 2016. Markii laga adkaaday Daacish islamarkaana ay dhacday khilaafadoodii magaaladda Raqqa ee Siiriya, waxaa halkas booqday wasiirka arrimaha khaliijka ee Sacuudiga Thamer Al-Sabhan, waxaana uu la kulmay golaha deegaanka ee magaaladda Raqqa oo ay mamulaan YPG oo gacan saar la leh ururka PKK ee Turkigu la dagaalamayay 40 sano. Turkigu waxaa doorweyn ka cayaaray shaacintii in Sacuudigu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashoggi iyo in lagula xisaabtamo Maxamed bin Salmaan. Jawaabta Turkiga ee siyaasadaha amiiradda Sacuudiga iyo Imaraadka waxaa ay ka hortimid ficilladooda aan macquulka ahayn. Tan iyo markii uu dilku dhacay 2017, Turkigu waxaa uu ku guuleystay olole warbaahineed si uu u dhaqaajiyo beesha caalamka islamarkaana uu shaaca uga qaado wejiga dhabta ah ee Maxamed bin Salmaan iyo taageerayaashiisa reer Galbeedka. Sababtoo ah Turkigu waxaa uu rumeysanyahay in kooxda hadda talada haysa ee dalalkaas carbeed aysan matalin danaha runta ah ee dalalkooda iyo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dalalka kale. Kooxdaasi waxaa ay doorbidayaan in ay ka faa’iideystaan danaha dalalka kale ee gobolka ayna hoos u dhigaan horumaradda maamuleyaasha gobolka. Turkiga badanaa kama jawaabo ololaha ceebeynta iyo aflgaadada ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka. Waxa ahayd wax yaab leh oo caruurnimo ah in warbaahinta Sacudiga ay Turkiga ku eedeeyaan inuu faafinayo cudurka Coronavirus. Hase yeeshee Turkiga kama laba labeeyo inuu qaado tallaabo uu ku ilaalinayo danihiisa. Markii ay Qatar u baahatay taageero kadib go’doonkii ay geliyaan xulfada Sacuudiga iyo Imaaraadka, Turkigu wuxuu go’aansaday inuu ciidamo geeyo dalkaas, wuxuuna heshiis difaac iyo mid wada-shaqeyn la saxiixday Doha. Dalka Libya, Turkigu wuxuu si furan u tagaeerayaa dowladda caalamka aqoonsan yahay oo weerar uu kaga imanayo dagaal-oogaha ay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka taageeraan ee Khalifa Haftar. Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa la filaya in uu ku sii fido qaybo kale Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa ah. Maxamed bin Zayed oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka waxaa uu maal gelinayaa dadaalo lagu jabinayo xabad joojinta u dhaxaysa xoogagga Turkigu taageero ee Siiriya iyo Dowladda Siiriya ee ka dhaqan gashay gobolka Idlib. Xuulfadu Sacuudiga iyo Imaaraadka ma damacsana inay hoggaan u noqdaan dunida Muslimka ah, balse waxay aaminsan yihiin fikrad diidan kala aragti duwanaashaha lana mid ah tii madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ee “waad nala jirtaa ama naga jirtaa.” Turkiga uma cuntamaan hadallada noocan ah, umana muuqdo inuu ka tanaasuli doono ilaalinta danihiisa iyo taageeridda dhiiranaanta dadka ku hoos nool kali-telisnimada. Inta ay sidan jirto, Sacuudi iyo Imaaraad weligood waa necbanaan doonaan Turkey. Qaran News
  4. Dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar oo guul-darrooyin kale la kulmay + Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Libya Dowladda QM ay taageerto ee Libya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay degmooyin cusub oo ku yaalla koofnurta magaalada Tripoli ka qabsadeen ciidamada dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar. Qabsashada cusub ayaa sii wiiqeysa rajada ciidanka Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Siqitaanka ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa dhameystiraysa toddobaad musiibo u ahaa ciidamada dagaal-oogaha, oo horey looga qabsaday saldhigga kaliya ee ay kaga sugnaayeen galbeedka Libya, sidoo kalena lumiyey gacan ku haynta dhowr magaalo. Afhayeen u hadlay dowladda, Mustafa al-Mujie ayaa sheegay in ciidamada ay qabsadeen xiro militari iyo xaafadda Salahudin, ayna kusii siqayaan degmooyinka Mashrou iyo Ain Zara. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta. Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa khamiistii sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga. “Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray. Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya. Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar. Qaran News
  5. Istanbul (Caasimada Online) – (Qoysaska boqortooyadda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Turkiga u arka khatar ama cadow. Sababtuna waxaa ay tahay in xukuumadda Ankara aysan dowladahan fursad u siin in ay dhameystiraan qorshooyinka ay ka leeyihiin Bariga Dhexe. Xulufada ay ku mideysanyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sidoo kalena ku jiraan Baxreyn, iyo Masar waxaa u qorshe ah in ay soo dhoweystaan Israel islamarkaana iska fogeeyaan Turkiga. Waxaa ay doonayaan in ay ugu sarreeyaan gobolka. Si kale hadii loo dhigo, waxaa ay doonayaan in wadamadu ay aqbalaan keli talisnimo islamarkana ay daaqadda ka saaraan xorriyadda, isbedel siyaasadeed, dimoqaraadiyad ama in is-beddel dastuur. Dhanka kale, Turkigu waxaa uu taageeray Gugii Carabta, waxaana uu la saftay dalabka dadweynaha, waxaa uu cabsi geliyay boqortooyooyinka gobolka oo aaminay in Guga Carabtu uu yahay kacdoon faafay oo khatar lagama fursadaan ah ku ah xasiloonidooda. Sidaas darted, ololahooda ka dhanka ah Turkiga ma uusan joogsan, Warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka marna ma joojiyaan in ay dalxiiseyaasha carbeed u sheegaan in aysan booqan Turkiga, iyagoo sheegaya warar laga badbadiyay oo ku saabsan afduub iyo xad gudub haweenka Sacuudiga loogu geysto Turkiga. Mar dhow, warbaahinta carbeed waxay Turkiga ku eedeeyeen in uu Coronavirus ku faafinayo Sacuudiga iyo dalal kale ee carbeed. Waxaa ay soo saareen riwaayado sumcad xumeynaya taariikhdii Cusmaaniyiinta. Riwaayad uu Imaaraadku soo saaray oo magaceedu yahay “ Boqortooyadii dabka” ayaa diiradda lagu saaray in khilaafadi Cusmaaniyiintu aysan ka shaqayn midnimadda muslimiinta balse ay ahayd taariikh madow oo soo martay Carabta. Sidoo kale, Dowladda Sacuudiga waxa ay xanibtay labo warbaahin oo laga leeyahay Turkiga, waa qaybta carabiga ee TRT iyo wakaaladda wararka ee Anadolu. Talaabadaasi waxaa ay kusoo aaday markii dacwad oogeyaasha Turkigu ay sheegeen in 20 nin oo Sacuudiga u dhashay ay ka dambeeyen dilkii suxufigii Jamal Khashoggi ee ka dhacay Istanbul. Waxaa uu ahaa dil uga sii daray xiriirka Ankara iyo Riyadh. Xukuumadda Ankara waxaa ay sidoo kale Imaaraadka Carabta ku eedeysay in uu taageerayay afgambigii 2016. Markii laga adkaaday Daacish islamarkaana ay dhacday khilaafadoodii magaaladda Raqqa ee Siiriya, waxaa halkas booqday wasiirka arrimaha khaliijka ee Sacuudiga Thamer Al-Sabhan, waxaana uu la kulmay golaha deegaanka ee magaaladda Raqqa oo ay mamulaan YPG oo gacan saar la leh ururka PKK ee Turkigu la dagaalamayay 40 sano. Turkigu waxaa doorweyn ka cayaaray shaacintii in Sacuudigu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashoggi iyo in lagula xisaabtamo Maxamed bin Salmaan. Jawaabta Turkiga ee siyaasadaha amiiradda Sacuudiga iyo Imaraadka waxaa ay ka hortimid ficilladooda aan macquulka ahayn. Tan iyo markii uu dilku dhacay 2017, Turkigu waxaa uu ku guuleystay olole warbaahineed si uu u dhaqaajiyo beesha caalamka islamarkaana uu shaaca uga qaado wejiga dhabta ah ee Maxamed bin Salmaan iyo taageerayaashiisa reer Galbeedka. Sababtoo ah Turkigu waxaa uu rumeysanyahay in kooxda hadda talada haysa ee dalalkaas carbeed aysan matalin danaha runta ah ee dalalkooda iyo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dalalka kale. Kooxdaasi waxaa ay doorbidayaan in ay ka faa’iideystaan danaha dalalka kale ee gobolka ayna hoos u dhigaan horumaradda maamuleyaasha gobolka. Turkiga badanaa kama jawaabo ololaha ceebeynta iyo aflgaadada ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka. Waxa ahayd wax yaab leh oo caruurnimo ah in warbaahinta Sacudiga ay Turkiga ku eedeeyaan inuu faafinayo cudurka Coronavirus. Hase yeeshee Turkiga kama laba labeeyo inuu qaado tallaabo uu ku ilaalinayo danihiisa. Markii ay Qatar u baahatay taageero kadib go’doonkii ay geliyaan xulfada Sacuudiga iyo Imaaraadka, Turkigu wuxuu go’aansaday inuu ciidamo geeyo dalkaas, wuxuuna heshiis difaac iyo mid wada-shaqeyn la saxiixday Doha. Dalka Libya, Turkigu wuxuu si furan u tagaeerayaa dowladda caalamka aqoonsan yahay oo weerar uu kaga imanayo dagaal-oogaha ay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka taageeraan ee Khalifa Haftar. Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa la filaya in uu ku sii fido qaybo kale Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa ah. Maxamed bin Zayed oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka waxaa uu maal gelinayaa dadaalo lagu jabinayo xabad joojinta u dhaxaysa xoogagga Turkigu taageero ee Siiriya iyo Dowladda Siiriya ee ka dhaqan gashay gobolka Idlib. Xuulfadu Sacuudiga iyo Imaaraadka ma damacsana inay hoggaan u noqdaan dunida Muslimka ah, balse waxay aaminsan yihiin fikrad diidan kala aragti duwanaashaha lana mid ah tii madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ee “waad nala jirtaa ama naga jirtaa.” Turkiga uma cuntamaan hadallada noocan ah, umana muuqdo inuu ka tanaasuli doono ilaalinta danihiisa iyo taageeridda dhiiranaanta dadka ku hoos nool kali-telisnimada. Inta ay sidan jirto, Sacuudi iyo Imaaraad weligood waa necbanaan doonaan Turkey.
  6. Photo-news:Laba Masuul oo sarsare oo Xafiisyadoodu isku xigaan oo aan Salaanta iska qaadin Deni (midig) iyo Axmed Karaash (bidix) Qaran News
  7. Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in qarax miino oo xooggan uu saaka oo Axad ah halkaasi ka dhacay. Goob-joogayaal ku sugan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa warbaahintu ka soo xigtay in qaraxaas uu ka dhacay xaafadda Afisyooni ee degmadaaasi Waaberi islamarkaan lala eegtay gaari uu la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya. Sarkaalka qaraxa lala eegtay oo magaciisa lagu sheegay Gen Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa balse ay waxyeello ka soo gaartay gaarigiisa islamarkaan ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah. Gen Cali Gaab oo ah Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa todobaadkii hore sidan oo kale qarax lala eegtay gaarigiisa inkastoo uusan xilligaas la socon gaariga. PUNTLAND POST The post Gen. Cali Gaab oo mar kale ka badbaaday qarax miino appeared first on Puntland Post.
  8. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dalalka ay Soomaaliya ku jirto ee shalay ciiday ayaa waxay u badan tahay in aragtida laba ka mid ah meerayaasha, oo kala ah Venus (Waxaraxir) iyo Mercury (Dusaa) ay ku qaldeen bisha, waxaa sidaas sheegtay xarun xiddigis ama cilmi-falag oo caalami ah. Aragtida bisha ee habeenkii Jimcaha ayaa Sabtidii ka dhigi lahayd maalinta ciidda, hase yeeshee dalalka Islaamka, oo uu ugu weyn yahay Sacuudiga, ayaa laga waayey aragtida bisha Shawaal, taasi oo qasabtay in Sabtidii la soomo maalinkii 30-aad ee Ramadan. Si kastaba, dalal dhowr ah oo Afrika ku yaalla, sida Soomaaliya, Morocco, Mauritania, Ethiopia, Senegal iyo Mali ayaa laga sheegay in fiidkii Jimcaha laga arkay bisha, kadibna laga ciiday Sabtidii. Xarunta Cilmi-falagga Caalamiga ah, International Astronomy Centre (IAC) ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi ayaa sheegtay Jimcihii ay bisha ka hordhacday qoraxda dhammaan dalalka Islaamka, taasi oo macnaheedu yahay inaysan suurta-gal ahayn in bisha la arko fiidkii Jimcaha. Xarunta IAC ayaa si kastaba sheegtay in meerayaasha Venus iyo Mercury, ay dhinaca kale si aad isugu dhow uga soo muuqdeen dhinac galbeed ee diilinta araggu qabto ee dhammaadka dhulka, taas oo macanaheedu yahay in Afrika laga arki karay ayaga oo aad ugu yar indhaha. Xarunta ayaa intaas ku dartay in tani “laga yaabo inay tahay sababta” dadka dalalka ciiday ay uga qaateen in ishoodu qabatay bisha, sidaasna ay ku ciideen sabtidii. Inkasta oo dad badan ay ciideen Sabtidii, haddana fiidkii Sabtida ayaan la arag bisha, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen in qalad lagu ciiday sabtidii, sababtoo ah bay yiraahdeen “laguma dhibtoodeen aragtida bil laba ah”.
  9. As Somalians gear up to choose their president on Feb. 7,2021 there is good reason to fear a return to dictatorship -style because incumbent Mohamed Abdulahi Farmaajo always acted outside the provisions of the constitution and that the action amounted to gross misconduct. Source: Hiiraan Online
  10. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 23 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 23, 2020/ — New cases: 61 Active cases: 336 Critical: 0 New recovered: 23 Total recovered: 151 New deaths: 0 Total deaths: 5 Total cases: 494 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  11. PRESS RELEASE Coronavirus – African Union Member States (54) reporting COVID-19 cases (104,279) deaths (3,185), and recoveries (41,717) ADDIS ABABA, Ethiopia, May 23, 2020/ — African Union Member States (54) reporting COVID-19 cases (104,279) deaths (3,185), and recoveries (41,717) by region: Central (10,804 cases; 329 deaths; 2,936 recoveries): Burundi (42; 1; 20), Cameroon (4,400; 159; 1,822), Central African Republic (552; 1; 18), Chad (611; 59; 196), Congo (469; 16; 137), DRC (2,025; 63; 312), Equatorial Guinea (719; 7; 22), Gabon (1,728; 12; 402), Sao Tome & Principe (258; 11; 7). Eastern (11,558; 303; 3,160): Comoros (78; 1; 18), Djibouti (2,270; 10; 1,064), Eritrea (39; 0; 39), Ethiopia (494; 5; 151), Kenya (1,192; 50; 380), Madagascar (488; 2; 138), Mauritius (332; 10; 322), Rwanda (321; 0; 222), Seychelles (11; 0; 11), Somalia (1,594; 61; 204), South Sudan (563; 6; 6), Sudan (3,378; 137; 372), Tanzania (509; 21; 167), Uganda (289; 0; 66). Northern (32,372; 1,541; 14,150): Algeria (7,918; 582; 4,256), Egypt (15,786; 707; 4,374), Libya (72; 3; 38), Mauritania (173; 5; 6), Morocco (7,375; 197; 4,573), Tunisia (1,048; 47; 903). Southern (21,683; 417; 10,706): Angola (60; 3; 18), Botswana (30; 1; 19), Eswatini (225; 2; 119), Lesotho (2; 0; 0), Malawi (82; 3; 28), Mozambique (168; 0; 51), Namibia (20; 0; 13), South Africa (20,125; 397; 10,104), Zambia (920; 7; 336), Zimbabwe (51; 4; 18). Western (27,862; 595; 10,765): Benin (135; 3; 61), Burkina Faso (831; 52; 679), Cape Verde (371; 3; 142), Cote d’Ivoire (2,341; 29; 1,146), Gambia (25; 1; 13), Ghana (6,617; 31; 1,978), Guinea (3,067; 19; 1,575), Guinea-Bissau (1,114; 6; 42), Liberia (249; 24; 136), Mali (969; 62; 560), Niger (937; 60; 764), Nigeria (7,261; 221; 2,007), Senegal (2,976; 34; 1,311), Sierra Leone (606; 38; 230), Togo (363; 12; 121). *Africa numbers are taken from official RCC and Member State reports. Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). View multimedia content SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
  12. (SLT-Qaahira)-Masar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u billowdo wada-hadalladii kala dhaxeeyey Sudan iyo Ethiopia ee ku saabsanaa muranka ka dhashay buuxinta biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia ay ka sameyneyso webiga Nile “Masar mar walba diyaar ayey u tahay inay wada-xaajood la gasho dhinacyada, kana qeyb qaadato kulamada soo socda…si loo gaadho heshiis buuxa oo dheelli-tiran islamarkaana caddaalad ah,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tidhi in heshiiska uu tixgelin doono “danaha biyo ee Masar, si la mid ah kuwa Itoobiya iyo Sudan”. Mowqfika Qaahira ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok uu Khamiistii kulan online ah la yeeshay dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed, si heshiis loo raadiyo. Kulanka ayaa yimid kadib markii Addis-Ababa ay hore u sheegtay in ayna dib u dhigi doonin buuxinta biyo-xidheenka, kaasi oo dhismihiisa ay billowday 2011. Bishii April, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” taasi oo muddo laba sanno gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xidheenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter. Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xidheenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaadha. Wada-hadallada Hamdok iyo Abiy ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey kadib dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Masar iyo Itoobiya, kaasi oo gaadhay Golaha Ammaanka QM. Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xidheenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xidhan tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yidhi warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May. Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye. Source
  13. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Jagadaan Waxaa horay u [...] The post Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo loo magacaabay booskii Axmed Macalin Fiqi appeared first on . Source
  14. Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u billowdo wada-hadalladii kala dhaxeeyey Sudan iyo Ethiopia ee ku saabsanaa muranka ka dhashay buuxinta biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameyneyso webiga Nile. “Masar mar walba diyaar ayey u tahay inay wada-xaajood la gasho dhinacyada, kana qeyb qaadato kulamada soo socda…si loo gaaro heshiis buuxa oo dheelli-tiran islamarkaana caddaalad ah,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tiri in heshiiska uu tixgelin doono “danaha biyo ee Masar, si la mid ah kuwa Itoobiya iyo Sudan”. Mowqfika Qaahira ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok uu Khamiistii kulan online ah la yeeshay dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed, si heshiis loo raadiyo. Kulanka ayaa yimid kadib markii Addis-Ababa ay horey u sheegtay inaysan dib u dhigi doonin buuxinta biyo-xireenka, kaasi oo dhismihiisa ay billowday 2011. Bishii April, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” taasi oo muddo laba sano gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xireenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter. Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xireenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaara. Wada-hadallada Hamdok iyo Abiy ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey kadib dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Masar iyo Itoobiya, kaasi oo gaaray Golaha Ammaanka QM. Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xireenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xiran tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yiri warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May. Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye. “Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xireenka,” ayuu yiri Gedu. Masar ayaa dooneysa in Ethiopya ay taageerto heshiis qabyo qoraal ah oo kasoo baxay wada-hadalladii horraantii sanadkan ay fududeysay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo arrintan soo faro-gelisay kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu cadaadis saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay xulufo yihiin. Hase yeeshee, Ethiopia ayaa ka baaqatay wareeggii ugu dambeeyey wada-hadallada, waxayna beenisay in wax heshiis ah lagu gaaray. Warqadda hadallada kulul lagu qoray ee Masar ay u dirtay Golaha Ammaanka ayaa sare u qaaday suurta-galnimada dagaal ka dhasha is-mari-waagan oo dhex mara labada dal.
  15. Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u direen hambalyo oo ku aadan Munaasabadda Ciidul-Fitriga. “Qaramada Midoobay waxay u rajaynaysaa dadka Soomaaliyeed Ciidul-Fitri nabdoon oo xasiloon maadaama aan soo gaarnay dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan, oo ah waqti dabaaldeg iyo wadajir,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waxay ahayd arrin aad dhiirigein u leh in la arko midnimada iyo isku-xirnaanta ay muujiyeen dad aad u badan bishii la soo dhaafay oo dhan, iyadoo bartanka looga jiro la-tacaalidda COVID-19,” ayuu raaciyay. “Waxaana rajaynaynaa in [midnimada iyo isku-xirnaanta] ay sii socdaan maadaama dadku ay Ciidda ugu dabaal-degayaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay, iyadoo la ilaalinayo tilmaamayaasha bed-qabka caafimaad – Ciid Wanaagsan.” Khilaaf dhanka Aragtida Bisha Shawaal ayaa sababtay inay Dalalka Caalamka Islaamka ku kala qeybsamaan Munaasabadda Ciidul-Fitriga ee sanadkan 1441-ka Hijriyah. Kala duwanaanshaha waxay horseeday in dalal laga sooman yahay oo la dhamaystirayo 30-ka bisha Ramadaan, halka kuwo kalena looga dhawaaqay inay maanta oo Sabti ah tahay Maalintii Koowaad ee Ciitul-Fidriga. Markaynu eegno dalalka Carabta, waxaa la shaaciyey in 2 dal oo kaliya maanta laga ciideeyo, kuwaasi oo kala ah Somalia iyo Mauritania, sida ay shaaciyeen Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Dibedda ee labadaasi dal. View the full article
  16. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga. Madaxweynaha oo ku hadlayay afka Golayaasha dowladda ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, isagoo Alla ka baryay in alla uu naga dulqaado Cudurka Safmarka ah ee Covid 19. “Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah Bulshada Reer Hirshabelle, waxaan rabi uga baryayaa Guud ahaan Dunida Gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed in uu ilaah ka dulqaado Cudurka Sida daran u faafa ee Covid 19” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare. Dr Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida ee ka howlgala deegaannada Hirshabelle ee habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta amniga. Ugu dambeyn Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan, nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo. View the full article
  17. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dhex-maray ciidamada Danab iyo maleeshiyo beeleed gadoodsan. Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dad ku dhow 10 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo ilo-caafimaad. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dagaalka uu billowday kadib markii maleeshiyo beeleedka ay ka carroodeen nin ganacsade ku beel ah, oo ciidamada Danab ay gurigiisa kala baxeen habeen hore. Maleeshiyo beeleedka gadoodsan ayaa kadib waxay saaka hareereeyeen xarunta ay ciidamada Danab ku leeyihiin magaalada, waxaana kadib saacado ay is hor-fadhiyeen billowday dagaal dhex-maray. Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidanka Danab iyo maleeshiyada, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda ay iminka degan tahay. Ciidamada Danab ayaa bilihii dhowaa kordhiyey joogitaankooda iyo howl-gallada ay ka fuliyaan gobolka Mudug, halkaasi oo dad badan laga soo xiray kadib markii guryahooda loogu galay. Ninka ganacsadaha ah ee laga xiray Koonfurta Gaalkacyo ayaan la ogeyn sababta loo xiray iyo tuhunka soo galay.
  18. ADDIS ABABA, Ethiopia - The second Africa Regional Integration Index (ARII 2019) was launched Friday by the Economic Commission for Africa (ECA), the African Development Bank and the African Union Commission (AUC), with a call to action to African economies to deepen their integration. Source: Hiiraan Online
  19. The coronavirus pandemic is limiting Eid holiday festivities around the world. Muslims in the Eastleigh neighbourhood of the capital Nairobi will be among the millions celebrating under lockdown. Source: Hiiraan Online
  20. ABIDJAN (Reuters) - Bakari Diakité normally celebrates the end of Ramadan by visiting the local mosque and hosting a large family gathering. This year, with COVID-19 still spreading in Ivory Coast’s commercial capital Abidjan, he has scaled back festivities. Source: Hiiraan Online
  21. Tripoli (Caasimada Online) – Dowladda QM ay taageerto ee Libya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay degmooyin cusub oo ku yaalla koofnurta magaalada Tripoli ka qabsadeen ciidamada dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar. Qabsashada cusub ayaa sii wiiqeysa rajada ciidanka Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Siqitaanka ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa dhameystiraysa toddobaad musiibo u ahaa ciidamada dagaal-oogaha, oo horey looga qabsaday saldhigga kaliya ee ay kaga sugnaayeen galbeedka Libya, sidoo kalena lumiyey gacan ku haynta dhowr magaalo. Afhayeen u hadlay dowladda, Mustafa al-Mujie ayaa sheegay in ciidamada ay qabsadeen xiro militari iyo xaafadda Salahudin, ayna kusii siqayaan degmooyinka Mashrou iyo Ain Zara. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta. Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa khamiistii sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga. “Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray. Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya. Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.
  22. Galka’yo (PP News Desk ) — At least five persons have died in South Galka’yo after firefight pitted clan militias against Danab Commandos. Militias surrounded the regional HQ of Danab after commandos hauled a man out of his property last night to take him into custody. After a brief stand-off clashes between clan militias and Danab commandos erupted. Clan militias initially demanded the relaase of “the business man”. Danab commandos rejected to oblige. Clashes lasted for several hours before guns fell silent. Traditional leaders and local notables in South Galka’yo are working to diffuse the conflict. © Puntland Post, 2020 The post A CLASH BETWEEN DANAB COMMANDOS AND CLAN MILITIAS LEAVES FIVE DEAD IN SOUTH GALKA’YO appeared first on Puntland Post.
  23. Bishan May 18-keedii 2020, waxa isku beegmay khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi jeediyey ee uu ku tilmaamamay in dawaldda Somalia tahay cadowga Somaliland, iyo baaqii “kacdoon shacab” ee isla maalintaas dhalinyaradu ka soo saartay Hargeysa, kaasoo ay kaga dayriyeen xaaladaha bulsho, siyaaso iyo dhaqaale ee shacabku ku sugan yahay. Waxa isla bisha May 21keedii 2020 ka dabo yimi warbixintii James Swan, xoghayaha gaarka ee Qaramada Midoobay (QM) ee Somalia, uu siiyey Golaha Ammanka ee QM, taasoo uu tibaaxay in wadahadallada Somalia iyo Somaliland ay meel wacan marayaan. Talow haddii m/weyne Biixi wadahadal iyo mufaawado kula jiray Dawladda Federalka Somalia (DFS), maxaa ku kalifay inuu adeegasado erayadan xanafta badan? Tan iyo intii Md Biixi xukunka qabtay ma tiro yara inta jeer ee aflagaaddo iyo cambaarayn uu ku rusheeyey DFS iyo madaxweyne Farmaajo. Hase yeeshee markan waxa uu Md Biixi adeegsaday erayo huwan nacayb iyo colaad-abuur. Mana ahayn erayo munaasib ah, weliba marka laga dhaad qabo in hore loogu heshiiyey in laga dhawrsado weedho xanaf leh oo la isu mariyo warbaahinta. Haddaba su’aashu waa: maxaa Md Biixi ku kalifay erayadan naca huwan? Jawaabtu waa tab lagu yaqaan madaxda qaarkood inay sawiraan humaag cadow, marka ay arkaan baraarug shacab, si ay dadweynaha u Jiho habaabiyaan. Qasadka hadalka Biixi-na wuxu daarnaa in la hadheeyo warka baaqii dhalinyaradu ku beegtay 18ka May 2020. Sida keliya ee dhegeha dadka looga leexin karayey waxay ahayd in Xamar cadow loogu sheego, lagana maqlo afka madaxweynaha. Khudbaddii Md Biixi waxa kale oo ay su’aal gelisay niyad-samida maamulka Hargeysa ee ku aaddan wadahallada; ugu wacnaan waxay u egtahay in aysan ku qancin in mufaawado lala galo Xamar, ama waa in aanay daacadba ka ahayn. Kuma ay qanacin oo waxay is-tuseen in wadahadalladu shaki gelinayaan gooni-isu-taaggii muddada dheer lagu taamayey. Waxa uu maamulku ka dhaad qabaa in wadahalladii madaxweyne Siilaanyo bilaabay 2012 meel looga noqdaa jirin; ku darso iyana baqaha laga qabo dhirbaaxada diblomaasiyadeed ee beesha caalamka. Waxa kale oo Md Biixi yaqiinsaday in beesha caalamaku wado masaalaxo iyo dib-u-heshiisiin (reconciliation); ee aanay wadin kala-saarid (arbitration) iyo garnaqsi midna. Ka garo Md Biixi in khudbadiisii 18ka May 2020 uu ku xusay in kiiska Somaliland uu geyn doono Maxkamadda Caalamiga ah (ICJ), haddii wadahadalku ictiraaf keeni waayo. Cajiib. Dal la aqoonsan yahay uun baa maxakamadd ICJ tegi kara, sow maaha? Kolkaa arrin wuxu ku soo aruuray in la majaro habaabiyo shacabka, la maaweeliyo beesha caalamka (qawda maqashii); Xamarna lala dhuuqo kaalmada caalamiga ah iyo quud-daraynta laga qabo saamiga laga heli doono cafinta deynta ($395 milyan) ee Bangiga Adduunku ansixiyey bishii Marso 2020. Falaqayntan kore waxa laga soo dheegan karaa, in Md Biixi ku jiro xaraj siyaasadeed oo loogu garaabi karo. Laakiin loogu garaabi maayo inuu nacayb ka dhex abuuro labada shacab (Waqooyi iyo koofur). Xasuuso in Ilaah (subxanallah wa tacaala) ku sheegay Quraanka in kelmadda wanaagsani la mid yahay sidii geed wanaagsan, xidid adag leh, laamihiisuna cirka sare gaadhaan (15:24). Waxa maamulka Biixi caawin Kari lahaa, xarajkana ka debcin lahaa, isagoo hagaajiya siyaasadda gudaha ee Somaliland, ka bilaaba eegista baaqii dhalinyarada, dhawra xasaanadda xoriydda shakhsiga iyo cadaaladda, ilaaliya hantida gaarka ah; isla markaana u fasaxa dadweynaha inay dhegeystaan codadka taageersan wadajirka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Ha loogu duceeyo madaxweyne Biixi in Ilaah garansiiyo erayga-san. Aamiin. Wa Bilaahi Towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed, waxaad kala xiriiri kartaa maxamuudaxmed@live.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Sida muuqata Prezo Deni, maahan hogaamiye isku waddi kara madax kala aragti duwan, kala damac duwan, malahan siyaaso dad isku wad,, waxa muuqata Khilaafka VP Karaash, kadib isku shaandheynta sharciga baalmarsan, horey waxay iskugu dhaceen Gudoomiye Dhoobo,, aakhirkiina Xabad iyo Laluush ayuu ku riday Gud. Dhoobo. Isku shaandheynta lagu beegsanayey Sxbadda VP Karaash, waxay baal marsantahay sharciga,, Prezo Deni Ictiraafka uu haysto waxa siinaya Dastuurka Puntland,,, waa innuu ku dhaqmo dastuurka,, tixgeliyana xaqa uu leeyahay VP karaash ee ah latashiga marka lamagacaabayo wasiiradda. Puntland waxay wajaheysaa khatartii ugu weynayd, ee ‘Legitimacy-ga’ dowladnimadda, waxaa horey u dhici jirey ismaandhaafka madaxda, balse waa laga gudbi jirey, madaxda markaas joogta ayaa si’uun xal u raadin jirtey. Dowladda hadda jirta muddo 18 bilood ah waxay wajihin khilaafki labaad. Sida hadda muuqata Khilaafka waxaa hurinaya Prezo Deni, kadib markuu si kelinimo ah uu isku shaandheyn u sameeyey,, bartilmaameedna ka dhigtey sxbbadda VP Karaash. Khilaafka oo sii xoogsadda waxay burburineysaa quruxdii iyo dowladnimaddii Puntland,, waxa immaan karta kala tag ku yimaadda 5tii gobol ee Puntland wadda dhistey (Waxaaba horey ugaaray dhaawac xoogan). Xiliga adag ee lagu jiro Prezo Deni siyaasadihiisa ‘Khilaafka iyo Wax Iska Dhicinta ku saleysan’ waxay burbur u horseedi kartaa Puntland,, suurto gal maahan in Madaxweynuhu ku guuleysto labo khilaaf,, labaddaas oo kala ah 1. Khilaaf dibedda ah, sida khilaafka Farmaajo ee Dowladda Federaalka 2. Khilaaf Gudaha ah,, sida Khilaafka Prezo Deni iyo VP Karaash. Labaddaas Khilaaf suurto gal maahan in Prezo Deni guul ka gaaro,, waxay keenin dhawac xoogan oo ku yimaadda midnimadda 5tii gobol ee Puntland iyo Ictiraafka dowladnimadda oo burbura (Dowladnimo 2/3 gobol kusoo aruurta). Maanta oo kale Puntland waxaa ka macaasha Xildhibaan bilaa damiir ah,, oo caqliga keliya ee uu hayo yahay motion laaluush lagu qaato iyo burburinta Dowladnimadda,, waa sidii ay ku sameeyeen Gud. Dhoobo. Xildhibaanadda damiirka leh iyo Gud. Barlamaanka fadlan arinkaasi yuusan marnaba noqon arin motion lageliyo, ha horseedina kala firxadka dadka iyo bilaabidda dhaqan ugub ku ah Puntland. Waxay illa tahay in lahelo talaabooyinkan 1. In madaxdu ku dhaqanta dastuurka iyo Xeerarka Dowladda. 2. In Isimadda galaan dhexdexaadinta labadda masuul, kana gaaran xal waara. 3. In Prezo Deni wax ka badelo siyaasadisa Khilaafka badan,, wax garadka Puntland waa inney marnaba aqbalin motion laga keeno VP Karaash. Doodda Prezo Deni ee uu ku haysto Dowladda Federaalka ah,,, waxaa ku haystaa federaalka wax adiguba aadan ku dhaqmin Puntland gudaheedda,,,, Mr Pres. Caqli maahan doodaasi. Waxa aynu sheegino meynu ku dhaqano Puntland ahaan,,,, sida; ku dhaqanka dastuurka,, joojinta laluushka, ku takrifalka awoodda dowladnimo ,, Keli talisnimo ,, daahfurnaan la’aan,, talo wadaagga iyo Isla xisaabtan. Waxaad sameyn weyday maahan innaad noogu dirto madaxda federaalka. WQ: Axmed Shire FG: Ra’yigaan wuxuu u gaar yahay Qoraaga Maqaalka ku saxiixan balse Puntland Post mas’uul kama ahan. The post Khilaafka Deni iyo Karaash!! appeared first on Puntland Post.
  25. Garowe (PP News Desk) — Puntland State Vice President Ahmed Elmi Osman has questioned the legality of new ministers and vice ministers appointed by President Said Abdullahi Deni. In a statement issued by the Office of Puntland Vice President’, Ahmed E. Osman distanced himself from the claim that he had been consulted on the Puntland cabinet reshuffle that contravenes the Puntland Constitution. © Puntland Post, 2020 AN UNOFFICIAL TRANSLATION OF PUNTLAND VICE PRESIDENT’S LETTER To: The Puntland Parliament Subject: The Vice President’s Position on the Cabinet Reshuffle May 23, 2020 I am writing this letter in reference to Presidential Act number 45 dated 22 May 2020 about the appointment of Ministers and Deputy Ministers. As the country remains in dire security and heath situation, [Puntland State] President fired Ministers, Deputy Ministers and appointed new Ministers and Deputy Ministers, changes that the President claims to have discussed with me. Therefore, I state that the consultation mentioned in the [presidential ] decree is baseless, and contravenes article 80, paragraph 5 and article 80 and paragraph 2 of Puntland Constitution. With this in mind, I make it clear to government agencies and people of Puntland that the [presidential] decree is against the legitimate role [of the Office of the Vice President] as specified in article 138, paragraph 2 of the Constitution, which is written as follows: “Every article, bylaw or decree that contravenes the Islamic Sharia and Puntland Constitution is null and void.” Signed: Ahmed Elmi Osman (Karaash) The Vice President of Puntland. © An Unofficial Translation by Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND VICE PRESIDENT QUESTIONS LEGALITY OF MINISTERIAL APPOINTMENTS appeared first on Puntland Post.