-
Content Count
214,505 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Al-shabab ayaa soo bandhigtay askar ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen, waxaana askartaan lagu soo bandhigay gobolka Jubbada hoose. Ciidamada lasoo bandhigay ayaa ku sugnaa Saldhig ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada caasimadda ah ee Kismaayo. Alshabab ayaa ku sheegtay tirada askartaan isa soo dhiibtay ilaa 5 askari kuwaas oo la soo goostay hubkooda iyaga oo sidoo kale shaaciyey magacyada askartaan. 1-Maxamed Cali Bakar 2-Aadan Cismaan Cumar 3-Xuseen Ibraahim Xasan 4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi 5-C/qaadir Cumar. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay uga hadlayaan Askarta ay Al-shabaab soo bandhigeen , isla markaana ay ku sheegeen inay ka soo goosteen Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s fast-rising cases of Covid-19 are exposing African Union Mission peacekeepers to the disease, risking key operations against the militant group al-Shabaab. Lacking adequate health infrastructure and personnel, Somalia had recorded 873 cases and 38 deaths by Thursday. The country had 26 cases just two weeks ago. Sources within the African Union Mission in Somalia (Amisom) told The EastAfrican that so far there have been 30 confirmed cases in the Ugandan contingent and seven among Burundi troops. Amisom has troops from Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda and Burundi. Affected Amisom soldiers are being attended to in Halane, which is within the camps, and their condition is a matter of military intelligence. Al-Shabaab is already spreading propaganda that Covid-19 is a punishment for non-believers. Since the advent of Covid-19, Amisom has scaled down its operations in the war against Al-Shabaab, and are only conducting low key operations in Lower Shabbelle, avoiding unnecessary exposure. The Somalia government lacks the capacity to enforce lockdowns in Mogadishu and the vast rural areas controlled by the militia. Early this week, Abdirizak Yusuf Ahmed, who is leading the response team against Covid-19 in Somalia, warned the world that there could be thousands of untested cases in the country. Shortage of supplies Mogadishu’s Martini Hospital is the only facility handling cases of Covid-19 amidst critical shortage of medical supplies and personnel. The country has only three laboratories for testing for Covid-19, with millions living in camps for internally displaced persons who have limited access to running water. There is scanty information on the spread of the disease, but a recent survey by the East African Centre for Research and Strategic Studies (ECRSS), conducted between April 15 and May 3, revealed over 50 per cent of the Mogadishu population could be affected, with fatalities 10 times more than the official government figures. Abdalla Ahmed Ibrahim, the ECRSS director, said the lack of co-ordination between the federal states and the central government led by President Abdallah Mohamed Abdallah Farmaajo is a weak link in the pandemic fight. He added that no one follows government directions on social distancing as they attend family Ramadhan evening prayers. Source: The EastAfrican
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah caawa ugu dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baarayo ee Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa qoraalka uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in maanta la bilaabay tartankaasi, isla markaana uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaalla Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Wasiirka ayaa intaas ku daray in balookyada lagu tartamayo ay kala yihiin 52,153,164,165,177,178 iyo 204), kuwaas oo lagu maamuli doono xeerka Batroolka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in 130 maal-gashadayaal caalami ah ay ka qeyb-galeen kulan ay dowladda qabatay oo looga dhawaaqay tartanka bixinta shatiyada shidaal sahminta ee toddobada balook. Balookyadan ayaa waxay maamul goboleedyada ugu kala yaalaan: Galmudug: 152 iyo 153 HirShabelle: 164 iyo 165 Koonfur Galbeed: 177 iyo 178 Jubaland: 204 Qorshahan tartanka shati bixinta ayaa socon doona ilaa bisha Maarso 2021, sida uu sheegay wasiir Hilaal. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in xogtii laga soo ururiyey ciidda ee ay dowladda Soomaaliya amartay ay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo oo la qorsheynayo in la baaro ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-12052020.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo Covid-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo, 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 44, Jubaland 24 ,Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2, bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha Covid-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,170, geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in cudurkaan uu dalka aad ugu fidayo, ayna dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxayna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada. Waxaa si xowli ah u sii kordhaya kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Soomaaliya, iyadoo uu ku fiday dhammaan gobolada dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Tiradii ugu badneyd oo 24 saac laga helo Covid-19 oo maanta la diiwaan geliyay appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 44 Jubaland 24 Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2. Bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,170, Geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya. Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka.ayaa lagu yiri qaraalka qaramada midoobay. Qodobada looga hadlay Kulanka hab muqaalka ay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay arrimaha cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa haatan ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraanisaga oo halkaasi u tegay Arrimo la xiriira fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyad (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa qaadeysa tallaabo ay ku kaabeyso dhaqaalaheeda kadib markii xanuunka safmarka ah ee Coronavirus uu hoos u dhac weyn oo dhanka dhaqaalaha ku keenay dunida oo dhan. Saameynta dhaqaale ee xun wuxuu dowladda Sacuudiga ku qasbay iney joojineyso maciishadii ay siin jirtay muwaadiniinta, waxaana looga gol leeyahay in la yareeyo kharashaadka ka baxaya dowladda. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga waxaa jirtay cunno dhan 1,000 riyaal oo u dhiganta 267 Doolar oo la siin jiray shaqaalaha, inkastoo la bilaabay sanadkii 2018 markaas oo laga kaabayay culeyska ka qabsan kara canshuurta iibka iyo sicirka shidaalka oo sare u kacay. Boqortooyada Sacuudiga waxey la kulantay hoos u dhac dhaqaale midkii ugu weynaa muddooyinkaan maadaama uu hoos u dhac ku yimid iibka saliidda, Bangiga dhexe ayaa diiwaangaliyay in tan iyo sanadkii 2011 ay keydka lacagta qalaad ee dalka uu gaaray bishii Maarso heerkii ugu hooseysay. Laga bilaabo 1-da July canshuurta iibka sacuudiga waxey noqoneysaa 15% halka markii hore uu ahaa 5%, sidoo kale gunadii maciishadda waxaa la joojin doonaa 1-da June. Sida la baahiyay Boqortooyada waxey u baahatayn 9 Bilyan Doolar oo amaah ah saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan, sidoo kale 22% ka mid ah dakhliga dalka ayaa hoos u dhacay kadib hoos u dhaca ku yimid Saliidda, waxaana lagu sheegay iney dhan tahay 34 Bilyan oo Doolar.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwaan-geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka bogsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan-geliyay gobalka Banaadir 44 Jubaland 24 Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2. Bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan-geliyay ayaa gaartay 1,170, geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
At least four people including two government soldiers were reported to have been wounded after unidentified assailants threw a hand grenade at a security checkpoint in Mogadishu, the Somali capital on Monday night. An eyewitness who spoke to Caasimada Online said the assailants thought to Alshabab members tossed a grenade bomb at a police checkpoint at Tarabunka junction in Mogadishu’s Hodan district. Following the explosion, security forces opened fire at different directions with reports that two civilians at a nearby area have been wounded by the stray bullets. added the eyewitness. The wounded have been admitted to a local hospital for treatment, according to the police. No comment has been released yet by security forces for the attack. No group claimed responsibility for the attack, but, al Shabaab often claims responsibility for the bombings in Mogadishu, targeting Somali government officials.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda galabta ku shaacisay kiisas aad u badan oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga kala diiwaan geliyay inta badan deegaanada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo laga helay tirada ugu badan ee kiisaska cudurkaas. Wasaaradda ayaa ku sheegtay warbixinteeda in 24-kii saas ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81-kiis oo COVID-19 ah, mana jirto cid loo diiwaan geliyey saacadihii lasoo dhaafay inay u dhimatay xanuunkaas, sida ku cad warbixinta. Tirada ugu badan ee dadka laga helay cudurkaas waxay ku noolyihiin gobolka Banaadir waxayna gaarayaan 44 qofood, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyay 24, Puntland ayaa iyana laga diiwaan geliyay 6-qof, Somaliland waxaa laga helay cudurka 5-qof, halka Hirshabelle laga helay 2-qofood. 50 kamid ah dadkan laga helay xanuunka Coronavirus waa rag, halka 31-ka kale ay dumar yihiin, sidoo kale shan qof ayaa kasoo bogsasatay cudurkan saacadihii u dambeeyay. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,170 xaaladood, tirada guud ee bogsashada ayaa gaartay 126 qofood, halka dhimashada uu sababay xanuunkaas ay gaartay 52 qofood, inta la ogyahay.
-
Jubaland Vice President Muhamud Siyad Adan says the federal government of Somalia has on Monday blocked a cargo plane carrying medical supplies and humanitarian aid to flood-stricken towns in Gedo region amid rift with central government. In a press conference held by Jubaland vice president in Kismayo, he said federal government is politicizing the medical aids meant to Gedo despite the region immensely hit by flash floods and are now struggling to cope with the coronavirus crisis. FGS authorities at Adan Adde International airport intentionally blocked the plane with essential supplies from delivering to the region amid the deteriorating flood situation.He added. The vice president also spoke about the arrest of Garbaharey District Commissioner Iman Adow Karshe, who was flown with a private plane to Mogadishu on Monday describing the move as against the law and forceful abduction. Over the weekend, two Somali senators have accused the federal government of barring them from traveling to the southern port city of Kismayo to attend the funeral of Jubbaland education minister who died recently. The two senators said in a press conference that officials from National Intelligence and Security Agency (NISA) and the Federal Ministry of Transport and Aviation stopped the plane that they had boarded to Kismayo and asked all passengers to disembark. The relationship between FGS and Jubbaland have soared since Madobe was elected as the regional president of Jubbaland. However, The contest has also stoked tensions between Kenya and Ethiopia, long-time allies who both have large contingents of peacekeepers in the country and see Jubbaland as a buffer zone against Islamist attacks in their own countries. Kenya supported the victor, Ahmed Mohamed Madobe, while Ethiopia has grown increasingly close to the federal government in Mogadishu. The federal government in Mogadishu declined the election process saying the candidate selection process had been unconstitutional. It has accused Madobe of interfering in the process and has backed opposition candidates, who were rejected by the electoral commission when they attempted to register.
-
MOGADISHU (HOL) - Over 200,000 people have been displaced in Somalia with half of the displacements recorded in Beletweyne as rivers Shabelle and Jubba break their banks amid sustained rainfall in recent weeks. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintiisii maalinlaha ahayd la wadaagaya bulshada ayaa maanta sheegay inay afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey baadhitaanadii ay sammeeyeen ay ku ogaadeen shan kiis oo cusub oo xannuunka karoona fayras ah. Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku waxa uu cadeeyey in shanta kiis ee cusub shantuba ay rag yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin gobolkan Maroodi-jeex, iyadoo da’adoodu ay u dhaxayso 30 jir ilaa 70 jir, taas oo tirada guud ee xannuunka karoona fayras dadka uu soo ritay ee Somalialnd ka dhigaysa 48 kiis, waxayna shantan qof ka soo baxeen labaatan qof oo baadhitaan lagu sameeyey iyadoo tirada guud ee baadhitaanka lagu sameeyey dalka oo dhan ay noqonayso 426 qof. wuxuuna agaasimuhu sheegay inay sideedii u soconayso baadhitaanadii laga waday goobaha kala duwan ee xadduudaha dalka laga soo galo, iyadoo afar iyo labaatankii saacadood ee uu dambeeyey laga hubiyey xannuunka dad tiradoodu gaadhayso laba kun boqol iyo laba iyo sideetan qof, halka ay xarunta guud ee la socodka xannuunka koofidh-19, ay la soo xidhiidheen dad gaadhaya saddex iyo toban kun laba boqol iyo sagaal iyo labaatan qof, iyadoo ay xaaladda karantiinka ay ku jiraan todobaatan qof oo ay wasaaradda caafimaadku ku hayso goobo loogu talo galay. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu intaas ku daray inay tirada xannuunkaas ka bogsatay ay tahay lix qof, halka dadka ay xaaladoodu adag tahayna ay gaadhayaan ilaa shan iyo toba qof, wuxuuna agaasimuhu ka codsaday bulshada inay qaataan fariimaha wacyigelinta wasaaradda caafimaadka ee la xidhiidha xannuunka koofidh-19, isagoo intaas raaciyey inay dadku kala fogaadaan isla markaana ay ku dedaalaan nadaafada guud si looga dheeraado wax kasta oo uu xannuunkaasi ku faafi karo. Source
-
Wararka naga soo gaaraya magalada Beledweyne ee xurunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu ku fatahay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Biyaha webiga ayaa galay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada, iyadoona qoysas badan ay isaga barakaceen halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa socday dadaalo xoogan oo ay iska kaashanayeen HirShabelle iyo dowladda dhexe, balse ma noqon kuwo lagu guuleystay, si looga hortago fatahaada webiga Shabelle oo marar badan fatahaad ka geystay Beledweyne. View the full article
-
Barnaamij lagu Ciidsinayo illaa 170 caruur ah oo ay hal abuurkiisa leedahay shabkadda warbaahinta Shabelle oo kaashaneysa culimada masjidka Xaaji Yuusuf ayaa waxaa maanta lagu qabtay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, halkaas oo caruurta loogu qeybiyey dhar iyo agab kale oo ka qayb qaadanaya farxadooda Ciida. Cumar Sheekh Axmed (Cumar Shaam) oo ku hadlayey magaca Shabelle ayaa uga mahadceliyey dadkii xoolahooda ugu deeqay Ciidsiinta caruurtaasi Agoonta ah. Dhankooda culimada masjidka Xaaji Yuusuf ayaa waxa ay ka sheekeeyeen muhiimadda iyo xilliga barnaamijkaani soo bilowday, iyaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in sanadkaan kan xiga ciidsiinta caruurta au intaan ka sii badnaato Sidoo kale qaar ka mid ah hooyooyinkii caruurtooda loo Ciidsiiyey oo iyaguna helay dhar Ciid ayaa ka mahadceliyey dadaalka ay ugaleen culimada Masjidka Xaaji Yuusuf iyo sidoo kale shabkadda warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn Cabdiraxman Xuseen Tahliil oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa xusay in barnaamijkaan lagu Ciidsiiyey agoonta uu yahay mid xilligan aad loogu baahnaa. Waa markii afaraad oo ay Shabelle iyo culimada masjidkaa Xaaji Yuusug ay iska kaashanayaan Ciidsiinta Agoonta ah, si looga farxiyo caruurtaasi. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya. Qoraalka ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka” ayaa lagu yiri qaraalka qaramada Qidoobay. Kulanka hab muqaalka ay yeesheen labada dhinac waxaa looga hadlay arrimaha Xanuunka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ amniga iyo arrimo kale uu quseeya maamulka Hirshaneelle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Dowladda Soomaaliya u sheegay inay soo celiso lacag uu sheegay inay ka dhacday dadka reer Beledweyne. Odawaa ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu soo celiyo illaa 13 waxyaabood oo uu sheegay inuu madaxweynaha ka qaatay dadka iyo dalka Soomaaliya. Odawaa ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu kaliya rajo ka yeelan karo inuu gaaro waqtiga doorashada haddii uu intaan arrin soo celiyo haddii kale uusan gaari doonin xilliga xil heyntiisa ka dhiman sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay barta Facebook Madaxweyne CBB kursiga kuguma hayn karaan. Waxaa maalmahaan soo caddaaneysa in lagaaga adkaanayo loollanka baraha bulshada, oo aad ku bixisay malaayiin doollar si laguu libaaxeeyo, dadka kaa aragti duwanna loo sumcad dhaamo. Haddaba, maadaama aad ku fashilintay hoggaaminta dalka, waxba ha isku mashquulin inaad muddo kororsi raadsato, ee fadlan #SooCeli karaamada dalka: 1. Fadlan #SooCeli lacagta aad ka dhacdeen dadka Beledweyne. Wali qeybtii China ayaa idinku maqan. 2. Fadlan #SooCeli ciidanka qaranka ee aad Gedo u dirtay si aad u naafeyso maamulka Jubbaland, una huriso colaad beeleed. 3. Fadlan #SooCeli karaamada mujaahid Qalbi Dhagax, raalli galinna ka bixi cadow u dhiibiddii aad ku sameysay, ONLF na ka saar liiska argagixisada. 4. Fadlan #SooCeli haybaddii Baarlamanka Federaalka oo aad afduubtay markii aad si sharci darro ah ku ridday Guddoomiye Jawaari. 5. Fadlan #SooCeli wadashaqeyntii wanaagsaneyd ee ka dhaxeysay Dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. 6. Fadlan #SooCeli canshuurta dadka Muqdisho, ugu dhis waddooyinka burbursan ee roobabku qaadeen. 7. Fadlan #SooCeli furnaanshaha waddooyinka Xamar oo aad xiratay 3 sano kahor, si aad u cabburiso dadka Xamar. 8. Fadlan #SooCeli xorriyadda saxaafadda ee aad qaarna iibsatay, inta kalena cabburineyso. 9. Fadlan #SooCeli xorriyadda muwaadinka iyo dhaqdhaqaaqiisa oo aad xannibtay. 10. Fadlan #dibuceli ciidanka Itoobiya ee aad dalka ku baahisay oo haatan soo ridaya dayuuradaha gargaarka. 11. Fadlan #SooCeli wiilasha aad u dirtay Eritrea ee aad usoo tababareyso in Soomaaliya ay dalkaas oo kale ka dhigaan. (Dictatorship). 12. Fadlan #SooCeli wadahadalkii mira dhalka ahaa ee lagula jiray Somaliland, kana jooji colaadda aad ka hurineyso dhulkaas nabadda ah. 13. Ugu dambeyn, fadlan #SooCeli neefsiiyihii (ventilator) aad ka qaadatay Martini Hospital adigoo naftaada ku ilaalinaya. FG: Muwaadin waxaad ku dari kartaa wixii kale oo ay kula tahay in uu soo celiyo Farmaajo inta uusan xilka wareejin dhawaan. Intaas haddii aad sameyso, waxaad leedahay rajo aad ku gaarto doorashada. Haddii kalena, 7 bilood ee kuu hartay ayaa nagu badan.
-
Aqoonyahanka Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah ayaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay doonayaan inay midnimo qasab ah ka dhex dhaliyaan mar kale Somaliland iyo Soomaaliya. Qormo uu shalay baahiyay Michael Rubin, ayaa wuxuu ku sheegay in danjiraha Maraykanku uu si indho la’aan ah u doonayo inuu heshiis jujuub u muuqda ka dhex dhaliyo Somaliland iyo Soomaaliya, “Arrintani waa isku day uu danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto isaga oo kaashanaya raysalwasaaraha aan waayo aragga ahayn laakiin himilada badan ee Itoobiya, uu ku doonayo in xal lagu soo rogo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu intaas ku daray “Fikirka ah wadahadallo uu ka dhasho midowga Soomaaliya, ma’aha wax cusub; Turkiga ayaa hore ugu dadaalay in uu dhexdhexaadiyo, inkasta oo damaciisa dhaqaale iyo aragtiyihiisu ay sababeen in dadka deegaanku (Somaliland) ay ka aamin baxaan awoodda uu arrintaas u leeyahay ama damaciisa ah in uu noqdo dhexdhexaadiye daacad ah. Si kastaba ha ahaato ee, ma cadda, sababta arrintan hadda keentay? Somaliya waxa ay qarka u saaran tahay guul darro, halka Somaliland ay si weyn u xasiloontahay. “ Wuxuu sheegay in Somaliland ay tan iyo 1991kii ku jirtay hayaan horumar, “Waxaas oo dhan ka sokow, markii ay Soomaaliya burburtay 1991 kii, Somaliland guul ayaa ay kor ugu soo kacday – waxa ay soo jiidatay ganacsiyo, waxa ay dhisatay dugsiyo heerkoodu aad u sarreeyo, waxa aanay qabsatay doorashooyin dimuqraaddi ah oo lagu hubiyey qalabka sawirka isha. Wadaniyiiyinta Soomaalidu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan talada Somaliland. Si kastaba ha ahaato ee dadka Somaliland intooda ugu badani, ma xiisaynayaa in ay nafahooda raciyad uga dhigaan dal ah kan ugu musuqmaasuqa badan adduunka welina qarka u saaran guuldarro.” Wuxuu danjire Yamamoto ku eedeeyay inuu madaxda Soomaalida ugu hanjabo inay gaadhaan heshiis midnimo ah, “Yamamoto waa uu iska jeclaan karaa in uu shaqadiisa ku galaalo guulo diblumaasiyadeed, waanu aamini karaa in uu hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu cawaandadoodo in ay heshiis midnimo gaadhaan, inkasta oo ay Washington taladu ka baahsantahay. Dib u dhiska Soomaaliya iyo israaca gobalku waxa ay ahaayeen mawduuca ugu muhiimsan ee shaqadiisa.” Ayuu yidhi. Waxa kale oouu Dr. Rubin intaas raaciyay in dadka reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan midnimo mar dambe dhex marta Soomaaliya oo ay xorriyadooda dib ugala soo noqdeen sannadkii 1991kii. Source
-
Popular Contributors
