Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Xuweyti uu ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadibna uu geeriyooday markii la geeyey xarun caafimaad. Ma jirto illaa iyo hadda faah faahin intaasi ka baxsan oo laga bixiyey geerida ku timid, Allaha u naxariistee Marxuum Xamuud Al-Xuweyti. Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowso. Soomaaliya ayaa xubin fir-fircoon ka ah Jaamacadda Carbta, iyada oo ka mid noqotay sanadkii 1974-tii, waxaana ururkan ku mideysan wadamo badan oo Carbeed.
  2. Lix sano ayaa maanta laga joogaa markii Cabdikariin Xuseen Guuleed uu iska casilay xilka wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya. Dad badan ayaa aaminsan iney aheyd tallaabo garasho xambaarsan iyo masuuliyad qirasho. Wariye Abdullahi Osman Farah ayaa warbixintaan hoose ku eegaaya sidii uu maalinkaas xaalku ahaa iyo hadii ay jirto fursad la dayacay oo ah in lagagga deysado Guuleed. Hoos ka daawo
  3. Dhammaadka todobaadkan, waxaa loo ballansanyahay in mar kale dib loo bilaabo, dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo xallin lahaa khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Isku dayo hore, oo ay sameeyeen guddoonka Baarlamanka iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh Puntland, si loo dhex dhexaadiyo labada mas’uul, ayaa fashil ku dhammaaday, kadib markii lagu guul-darraystay waan-waantii socotay. Khilaafka ayaa sii xoogaystay, kadib markii madaxweyne Deni uu xilka qaadis ku sameeyay wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ka agdhowaa Axmed Karaash, kuwa kalena uu magacaabay, taas oo uu ka horyimid madaxweyne ku xigeenka, isagoo sheegay in aan lagala tashan. Khilaafkaas labada mas’uul, oo soo jiitamayay mudda sannad iyo bar ah, balse huursana, waxa uu markii u horraysay soo shaacbay wakhtigii la magacaabay guddiga doorashooyinka Puntland, inkastoo dib laga wada-hadalsiiyay Deni iyo Karaash. Sidoo kale, horraantii bishii April ee sannadkan, ayuu mar kale dib u bilowday khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, kadib markii la isku fahmi waayay isku shaandhayn la doonayay in lagu sameeyo golaha xukuumadda. Wakhtigaas, waxaa gebi ahaanba la joojiyay qorshihii ahaa isku shaandhaynta xukuumadda, waxaase xumaaday xiriirka labada, inkastoo khilaafkoodu uusan dibadda u soo bixin. Todobaad ka hor ayuu haddana dib u soo ifbaxay muranka labada dhinac, kadib markii madaxweyne Deni uu magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku ka hor yimid isagoo sheegay in aan laga tashan. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay khilaafkii Deni iyo Axmed Karaash? appeared first on Puntland Post.
  4. Qoysaska boqortooyadda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Turkiga u arka khatar ama cadow. Sababtuna waxaa ay tahay in xukuumadda Ankara aysan dowladahan fursad u siin in ay dhameystiraan qorshooyinka ay ka leeyihiin Bariga Dhexe. Xulufada ay ku mideysanyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sidoo kalena ku jiraan Baxreyn, iyo Masar waxaa u qorshe ah in ay soo dhoweystaan Israel islamarkaana iska fogeeyaan Turkiga. Waxaa ay doonayaan in ay ugu sarreeyaan gobolka. Si kale hadii loo dhigo, waxaa ay doonayaan in wadamadu ay aqbalaan keli talisnimo islamarkana ay daaqadda ka saaraan xorriyadda, isbedel siyaasadeed, dimoqaraadiyad ama in is-beddel dastuur. Dhanka kale, Turkigu waxaa uu taageeray Gugii Carabta, waxaana uu la saftay dalabka dadweynaha, waxaa uu cabsi geliyay boqortooyooyinka gobolka oo aaminay in Guga Carabtu uu yahay kacdoon faafay oo khatar lagama fursadaan ah ku ah xasiloonidooda. Sidaas darted, ololahooda ka dhanka ah Turkiga ma uusan joogsan, Warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka marna ma joojiyaan in ay dalxiiseyaasha carbeed u sheegaan in aysan booqan Turkiga, iyagoo sheegaya warar laga badbadiyay oo ku saabsan afduub iyo xad gudub haweenka Sacuudiga loogu geysto Turkiga. Mar-dhawayd, warbaahinta carbeed waxay Turkiga ku eedeeyeen in uu Coronavirus ku faafinayo Sacuudiga iyo dalal kale ee carbeed. Waxaa ay soo saareen riwaayado sumcad xumeynaya taariikhdii Cusmaaniyiinta. Riwaayad uu Imaaraadku soo saaray oo magaceedu yahay “ Boqortooyadii dabka” ayaa diiradda lagu saaray in khilaafadi Cusmaaniyiintu aysan ka shaqayn midnimadda muslimiinta balse ay ahayd taariikh madow oo soo martay Carabta. Sidoo kale, Dowladda Sacuudiga waxa ay xanibtay labo warbaahin oo laga leeyahay Turkiga, waa qaybta carabiga ee TRT iyo wakaaladda wararka ee Anadolu. Talaabadaasi waxaa ay kusoo aaday markii dacwad oogeyaasha Turkigu ay sheegeen in 20 nin oo Sacuudiga u dhashay ay ka dambeeyen dilkii suxufigii Jamal Khashoggi ee ka dhacay Istanbul. Waxaa uu ahaa dil uga sii daray xiriirka Ankara iyo Riyadh. Xukuumadda Ankara waxaa ay sidoo kale Imaaraadka Carabta ku eedeysay in uu taageerayay afgambigii 2016. Markii laga adkaaday Daacish islamarkaana ay dhacday khilaafadoodii magaaladda Raqqa ee Siiriya, waxaa halkas booqday wasiirka arrimaha khaliijka ee Sacuudiga Thamer Al-Sabhan, waxaana uu la kulmay golaha deegaanka ee magaaladda Raqqa oo ay mamulaan YPG oo gacan saar la leh ururka PKK ee Turkigu la dagaalamayay 40 sano. Turkiga waxaa doorweyn ka cayaaray shaacintii in Sacuudigu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashoggi iyo in lagula xisaabtamo Maxamed bin Salmaan. Jawaabta Turkiga ee siyaasadaha amiiradda Sacuudiga iyo Imaraadka waxaa ay ka hortimid ficilladooda aan macquulka ahayn. Tan iyo markii uu dilku dhacay 2017, Turkigu waxaa uu ku guuleystay olole warbaahineed si uu u dhaqaajiyo beesha caalamka islamarkaana uu shaaca uga qaado wejiga dhabta ah ee Maxamed bin Salmaan iyo taageerayaashiisa reer Galbeedka. Sababtoo ah Turkigu waxaa uu rumeysanyahay in kooxda hadda talada haysa ee dalalkaas carbeed aysan matalin danaha runta ah ee dalalkooda iyo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dalalka kale. Kooxdaasi waxaa ay doorbidayaan in ay ka faa’iideystaan danaha dalalka kale ee gobolka ayna hoos u dhigaan horumaradda maamuleyaasha gobolka. Source
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas’uul. Karaash ayaa ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo wasiirro. Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. “Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash. Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Balse waraysi uu maalin ka hor madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go’aanka magacaabista xilalka. “Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go’aanka uu madaxweynuhu leeyahay,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni. Khilaafkooda Isfahan waaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka. Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi. “Ma dhicin [wadatashi], marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin…..war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash. Wasiirrada cusub ee uu magacaabistooda diiday Axmed Karaash waxaa kamid ah rag horay ugala tartamay kursiga madaxweyne kuxigeenka ee Puntland. Mar la weydiiyay waxa uu hadda yeelayo ayaa madaxweyne kuxigeenka waxa uu ku jawaabay in si odaynimo ah uu hawsha kusii wadi doono, isagoo ilaalinaya dastuurka iyo sharciga. Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January 2019. Ma aha markii ugu horreysay ee labada mas’uul ee ugu sarreeya Puntland ay isku khilaafaan hannaanka awood wadaaga labadooda xafiis, iyadoo madaxweyne iyo kuxigeenkii hore ay isku khilaafeen arimo ku aaddan go’aannada masiiriga ah ee maamulkaasi.
  6. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Sh.-Said-Ahmed-Faarah_ENG2_logo.mp4 Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka la wadaagay hambalyada munaasabadda ciidul fidriga ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo uu sheegay in la qaldan yihiin siyasadda. Mudane Xasan oo arrinkan ka hadalaya waxa auu yiri “Beryahan siyaasadda waa tii laga qeyliany ee waxaan leeyahay, dalkan kheyraad naguma yara, nimca ilaahey siieyey naguma yara, meel ilaah dad ku abuuro, meelaha ugu fiican ayaan joognaa, ku abuuranahay, hal cilad ayaan leenahay, waan tashan la’nahay, siyaasaddana waan ka heshiin la’nahay, wax waa isu ogolaan la’nahay, waa isu dhimrin la’nahay, waa isaqbali la’nahay” Xasan Sheekh oo sii-hadlaya “Soomaaliyey aan isaqbalno, aan isdhageynasno, aan is qadarinno, kii waaya arag kii aan waayo arag aheyn ka weydiiyo…, nin walbo meesha uu ku fiican yahay aan ku ixtiraamno, uga dambeyno, oo aan dhageysanno, Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay in haddii midnimo la waayo ay dad kale naga faa’ideysan doonaan isaga oo yiri “Qoom fiican, xoog leh, sharaf leh, musliim ah oo soomaaliya ah, oo karaamo leh aya nahay qoom kale oo naga liilato yaanan qoryaha u gurin, Qoomkii Isquursadaa, Qoom Kale Ayuu Qoryaha u Guraa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qarax maanta lala eegtay taliyaha caafimaadka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed General Cali Barre Xirsi Cali Gaab, waana markii 2-aab muddo todobaad ah oo ay sidaasi dhacdo. Taliyaha ayaa gaari uu la socday waxaa loo dhigay qarax Miino kaas oo la geliyey wadada xaafadda Afisyooni degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana jiro khasaare ka dhashay qaraxa. Inta la xaqiijiyey qaraxa ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray labo qof oo shacab ah kuwaas ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen, wararka ayaana intaas ku darayo in labada ruuux mid ah ay tahay Haweeney. Qaraxa lala eegtay taliye Cali Barre Xirsi Gaab Cali Gaab ayaa waxaa uu noqonayaa qaraxii labaad oo muddo asbuuca lala beegsado, lakiin uu ka badbaaday, iyadoo ay xusid mudan tahay 20 bisha xili uu marayey degmada Hodon waxaana waxyeelo ka soo gaartay askar la socotay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas’uul. Karaash ayaa ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo wasiirro. Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. “Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash. Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Balse waraysi uu maalin ka hor madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go’aanka magacaabista xilalka. “Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go’aanka uu madaxweynuhu leeyahay,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni. Khilaafkooda Isfahan waaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka. Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi. “Ma dhicin [wadatashi], marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin…..war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash. Wasiirrada cusub ee uu magacaabistooda diiday Axmed Karaash waxaa kamid ah rag horay ugala tartamay kursiga madaxweyne kuxigeenka ee Puntland. Mar la weydiiyay waxa uu hadda yeelayo ayaa madaxweyne kuxigeenka waxa uu ku jawaabay in si odaynimo ah uu hawsha kusii wadi doono, isagoo ilaalinaya dastuurka iyo sharciga. Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January 2019. Ma aha markii ugu horreysay ee labada mas’uul ee ugu sarreeya Puntland ay isku khilaafaan hannaanka awood wadaaga labadooda xafiis, iyadoo madaxweyne iyo kuxigeenkii hore ay isku khilaafeen arimo ku aaddan go’aannada masiiriga ah ee maamulkaasi. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wal-wal ka muujiyey, sida loo maamulayo qalabka loogu tala-galay ka hortagga Covid-19 ee loogu deeqay dowladda federaalka Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa sheegay in qalabkaasi aan loo adeegsan, sidii loogu tala-galay, islamarkaana lagu arkayo suuqyada, iyada oo la iibinayo, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa aan la soconaa in qalab badan oo dowlado kala duwan ay keeneen waxaa muuqata in aan loo adeegsan sidii loogu talagalay, waxaa kale oo naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaas ma fiicno, amaanada in sida loo keenay loo guto ayaa la rabaa.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday isbitaalka Martiini oo lagu daaweeyo dadka uu soo rito cudurka safmarka ah ee Corona, wuxuuna tilmaamay in dad badan ay daryeel xumu ugu geeriyoodeen isbitaalkaas oo uu xusay in xaaladdiisu ay liidato. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la’is kaashado, islamarkaana meel looga soo wada-jeeso dagaalka lagula jiro Covid-19. “Waxa aan la soconaa Isbitaalka Martiini in dad badan xannaano xumo ugu dhinteen, xaaladdiisu aad u liitado, mas’uuliyad in aynu isi-saarno ayaa loo baahan yahay, dadkii wax usoo bartay in ay maalin waliba ka fikiraan dhaqaale waa ceyb”. ayuu markale yiri. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigtay agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku kaceen fala xiriira musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.
  11. NAIROBI (HOL) - Kenya sought an indefinite suspension of the maritime case with Somalia in its latest round to postpone the case, correspondence with the Court shows in what confirms its determination to push for out of court deal. Source: Hiiraan Online
  12. Britain will introduce a COVID-19 quarantine for travellers arriving from abroad from June 8, interior minister Priti Patel says. Airlines have warned the measure will devastate their industry. Advertisement All international arrivals, including returning Britons, will have to self-isolate for 14 days and provide details of where they will be staying under the plans, which were criticised by airlines, business groups and politicians alike. “Now we are past the peak of this virus, we must take steps to guard against imported cases triggering a resurgence of this deadly disease,” Patel said at a news conference on Friday. Those who breached the quarantine in England could be fined STG1000 ($A1800) and spot checks would be carried out by health and border officials. READ MORE British coronavirus death toll is now the world’s third-worst Australia had been pushing for an exemption to the quarantine rules for its citizens based on its low infection rates and that it was a low-risk country. But in announcing the measures on Friday Ireland was the only country granted an exemption. The quarantine will not apply to those arriving from the Irish Republic, nor to freight drivers, medical professionals and seasonal agricultural workers. The measures will be reviewed every three weeks. Transport minister Grant Shapps has also suggested the government would seek to negotiate “air bridges” for travellers coming from countries with low virus infection rates. Unlike many other countries, Britain has carried out few tests and checks on visitors, with quarantine limited only to arrivals from China at the start of the outbreak. Spain and Italy have introduced rules that mean international arrivals must self-isolate for two weeks, while on Friday Ireland gave further details for its own quarantine proposals. The British Chambers of Commerce said the blanket quarantine was deeply concerning and could be avoided with strong safety measures. “This approach will damage international business and investor confidence at a time when it is vital to demonstrate that the UK can open for business safely,” BCC director general Adam Marshall said. The opposition Labour Party supported the measures but said the government’s handling of UK arrivals had “lacked urgency, coherence and clarity from the outset”. Some members of Mr Johnson’s Conservative party have also criticised the plan. Chief among industry critics of the plan are airline bosses. They have said the measures would have severe repercussions, with Ryanair’s chief executive Michael O’Leary saying they would be “unenforceable and unpoliceable”. Source AAP Qaran News
  13. Madaxweynaha Hirshabell, Maxamed Cabdi Waare ayaa munaasabadda ciidul-fidriga aawgeed cafis u fidiyay maxaabiis kala duwan oo ku jiray xabsiyada maamulkaasi. Maxaabiista la cafiyey oo ku eedeysnaa dambiyo fudud ayaa gaaraya illaa 10 ruux, iyadoo la faray wasaaradda cadaaladda HirShabelle inay fuliso amarkaasi. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Maalintii labaad ayaa si weyn looga ciidayaa Soomaaliya, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa ku kala horeeya ciidan. Dad badan oo Sabtidii shalay Soomay ayey maanta u tahay maalintii koowaad ee ciidul-fitriga, halka dad kalena ay u tahay maalintodii labaad. Meelaha ugu badan oo maanta dadka ku nool ay u tahay maalintii koowaad ee ciida waxaa ka mid ah inta badan deegaanada maamulka Galmudug, sidoo kale qaar badan oo ka mid dadka reer Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada kale ee dalka ayey maanta u tahay maalintintoodii koowaad ee Ciidul-fitriga. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeen ka hor xilli saq-dhexe ah ku dhawaaqday in Sabtida la ciidayo, kadib markii lala xariiray dad sheegay inay arkeen bilashada bisha Shawaal, taasi waxay dhalisay in dadka Soomaaliyeed bar ka mid ah ay ku adkeystaan inay shalay Soomaan maanta oo Axad ahna ciidaan, sida ka dhacday inta badan dunida Islaamka. Muslimiin badan oo ku nool Bariga iyo Galbeedka Afrika ayaa shalay oogay munaasabadda ciidul fitriga, kuwaas oo ay ku jirto Soomaaliya. Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxreyn, Kuwait, DJibuuti iyo kuwo kale ayey maanta u tahay maalintoodii koowaad ee Ciida. Soomaaliya iyo Ehiopia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga ciiday Sabtidii shalay, sidoo kale dalka Kenya ayey ku kala qeybsameen dadku ciidan, waxaana Sabtidii ciiday qeyb ka mid ah muslimiinta Kenya, halka inta kale ay maanta ciidayaan. Dalalka galbeedka Afrika ee shalay laga ciiday waxaa ka mid ah Mali, Niger, Ivory Coast iyo dalka Muritania. Sidoo kale Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan gobollada Minnesota, Ohio, Washington iyo Main ayaa intooda badan Sabtidii shalay ciiday, kadib markii qaar ka mid ah culimada gobolladaas ay ciida ku dhawaaqeen.
  15. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ka dhacay xaafadda Afisyooni, iyadoo la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab). Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka bad-baaday taliyaha, balse ay ku dhaawacmeen illaa 2 qof oo rayid ah, kuwaas oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay. Waa markii labaad ee uu qarax ka bad-baadayo Cali Gaab, iyadoo todobaadkii horana lagula bartilmaameedsaday agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. View the full article
  16. Ciidamo Isla Deegaanka ah oo Sanad ka hor ku biiray Ciidamada Danab ee Dowlada Federaalka ayaa in Mudo ah waxaa Saldhig u ahaa Isteeshanka Xaafada, [...] The post Dabtidii Maxaa ka dhacay Xaafada Baraxlay ee Gaalkacyo appeared first on . Source
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-240520.mp3 View the full article
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa isagoo ka hadlayey magaalada Nairobi ee caasimada dalka soo hadal qaaday arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Shaakir ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu booriyey reer Galmdug inay isku tashadaan, islamarkaana ay xoojiyaan amnigooda, iyaga oo meel uga soo jeesanaya Al-Shabaab. Madaxii hore ee xkuumadda Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhibaato ku yihiin guud ahaan dalka, islamarkaana ay ka soo horjeedaan horumarka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Ahlu Sunna ayaa waxaa lagu xasuustaa dagaalkii adkaa ee ay Al-Shabaab kula gashay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Galgaduud. Hadalkaan ayaase ku soo aadaya, iyadoo weli degmooyin iyo deegaano ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa saakay mar kale qarax lagula beegsaday gaari uu watay Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab) oo ah Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed. Inta la xaqiijiyay laba qofood oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qaraxaas, waxaana ka badbaaday bartilmaameedkiisii oo ahaa Jeneraal Cali Gaab, balse gaarigii uu watay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoog leh, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Qaraxaas waxaa la sheegay in uu ahaa miino la dhigay wadada dhenaceeda, waxuuna si gaar ah uga dhacay xaafadda Afisiyooni ee degmada Waaberi. Jeneraal Cali Gaab ayaa ah Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliya, sidoo kale waa Taliyaha xarunta barbaarinta agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Todobaadii hore sidaan ayaa kale qarax loola beegsaday gaariga Jeneraal Cali Gaab, xlligaas oo uu marayey inta u dhaxeysa isbitaalada Banaadir iyo Madiina. Jeneraalka ayaan xilligaas la socon gaariga, waxaana qaraxaas oo isana ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ilaalada Cali Gaab, halka seddax kalena ay ku dhaawacmeen, mas’uuliyadda qaraxaasna waxaa sheegtay Al-Shabaab.
  20. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash, oo saaka wareysi gaar ah siinayay BBC-da, ayaa markii u horraysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, oo ku salaysan awoodaha Dastuuriga ah. Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu la xiriiro Dastuur-jebin iyo wada-tashi la’aan uu ka tabanayo madaxweyne Deni, maadaama Dastuurku qorayo in labada mas’uul wada- tashi ka sameeyaan shaqada dowladeed ee ka dhexaysa. Mudane Axmed karaash, oo cuskanaya qodoba kamid ah Dastuurka Puntland, ayaa tilmaamay in uu xaq u leeyahay in madaxweynuhu kala tashado haddii mas’uuliyiin la magacaabayo ama kuwa xilalka laga qaadayo balse taasi aysan dhicin islamarkaana khilaafku halkaasi ka dhashay. Wuxuu sheegay in khilaafku uu soo jiitamayay mudda sannad bar, hase yeeshee midkan cusub uu soo bilowday, kadib markii madaxweyne Deni uu wiil dhankiisa ka socda u magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada, halka uu shaqada ka cayriyay taliye xigeenkii madaxtooyada oo isagu gaystay (Karaash). Sidoo kale, wuxuu sheegay in Karaash ahaan, ay madaxtooyadu ula muuqatay meel aan la isku hallayn Karin, inkastoo uusan faahfaahin shakiga uu qabo ee ku aaddan in madaxtooyada aan la isku hallayn Karin. Madaxweyne ku xigeenka, oo wax laga weydiiyay in lagala tashaday wasiiradii u dambeeyay ee Deni magacaabay? Ayaa sheegay in isaga iyo Deni aysanba salaanta iska qaadin iska daa wada-tashiye isagoo muujiyay in khilaafkoodu uu meel adag marayo. Mr. Karaash ayaa xusay in marar kala duwan oo uu madaxweynaha kala hadlay arrintaas, uu ku jawaabay “adeerow meesha anigaa madaxweyne ka ah” balse intaas uu dul qaadanayay. PUNTLAND POST The post Karaash: Sannad iyo bar buu soo jiitamayay khilaafkeena haddana salaanta iskama qaadno appeared first on Puntland Post.
  21. Some African nations celebrated Eid Al-Fitr on Saturday after declaring sightings of the new moon marking the end of the month of Ramadan on Friday, despite Saudi Arabia having not sighted the moon on Friday and declaring that the Eid would begin on Sunday, according to Al-Araby Al-Jadeed. Source: Hiiraan Online
  22. CAIRO — A series of swift military reversals in Libya has diminished a warlord's hopes of ruling the North African oil producer and allowed Turkey and Russia to deepen their imprint on one of the world's most strategic ­regions. Source: Hiiraan Online
  23. s the number of COVID-19 cases in the St. Cloud area continues to climb, an effort is underway to reach connect the region’s Somali American community with information and assistance. Source: Hiiraan Online
  24. As the number of COVID-19 cases in the St. Cloud area continues to climb, an effort is underway to reach connect the region’s Somali American community with information and assistance. Source: Hiiraan Online