-
Content Count
214,505 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan muddo ku xanibtay markab nooca shidaalka ah oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Som Petroleum, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dekedda Berbera. Somaliland ayaa markabkaasi xanibaad kusoo rogtay xili uu kusoo xidhay dekedaasi, iyada oo aan si cad usoo bandhigin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaad lagu soo rogay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi ayaa muddadii uu ku sugnaa dekedda Berbera waxa la dajiyay maraakiib kale oo siday shidaal, midaasi oo meesha ka saareysa in Haamaha keydka shidaalka ee dekeddu ay buuxaan ama xukuumada ay soo rogtay awaamiir ka dhan ah Shidaalka oo aan la shaacin. Ilo xogagaal ah oo ku dhow Ganacsatada uu ka xaniban-yahay markabkaasi ayaa inoo xaqiijiyey in sababta loo haysto u aaneynayaan mid qabyaaladeeda, halka ay ku sheegen in Maraakiib kale oo rag ay isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi loo ogolaaday inay shidaalkoodii ka rogtan, halka markabkoodu uu weli xayiran yahay. Talaabadan lagu xanibay markabkaasi shidaalka ah ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo hurinta colaado dheeraad ah oo khal-khal gelin karta deganaanta Somaliland, xili dhawaan ay Jabhad cusub ka abuurmatay bariga gobolka Sanaag, midaasi oo kasoo horjeeday talaabo ay xukuumadu kaga laabatay heshiis ay hore u gaashay, kaasi oo ay dib ugula soo laabaneysay huteelka Hargeysa Club. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan xanibaada markabkaasi, xili aan wax xayiraada lagu soo rogin shidaalka soo galaya deegaanada Somaliland, isla markaana aysan buuxsamin haamihii keydka shidaalka ee dekeddu.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay qorsheyneyso in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xarumo dheeraad ah oo dadka looga baaro cudurka COVID-19, xilli kiisaska cudurka ay sii kordhayaan. Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegtay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, taasi oo laga maarmaan ah Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19 Qorshahan ayaa imanaya ayada oo wasaaradda ay maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay inaysan jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Goobaha kiisaska cusub laga diiwaan geliyay, ayaa kala ah gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah, halka 11 ay yihiin haween. Guud ahaan Soomaaliya, 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.
-
Amniga Garoowe ayaa u muuqda inuu galay marxalad cusub ama qaaday wajhad ka duwan kuwii lagu yaqaannay, kadib markii muddooyinkii dambe ku soo badanayeen falalka la xiriira amni darrada, kuwaasi oo iskugu jira kooxo meelo qabsada, weeraro iyo dhac. Muddooyinkii u dambeeyey dhowr jeer ayay kooxo hubaysani qabsadeen meelo muhiim ah oo ka mid ah bartamaha magaalada, kuwaas oo markii dambe lagaga kexeeyey waanwaan odayaal dhaqameed awgeed. Dhacdooyinka amni daro ee bilihii u dambeeyey ka dhacay Garoowe haddii aannu qaar ka mid ah dul istaagno waxaa ka mid ah, bishii Maarso 2020 koox hubaysan ayaa saacad haystay agagaarka xarunta dowladda hoose ee Garoowe, kuwaas oo markii dambe kaga tagay wadahadal ay lagaleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, sababta ay meesha u qabsadeen ayaa la xiriirtay dhul dowladdu dumisay. 29 Maarso, 2020 qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qaraxiyey gaari uu watay Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, guddoomiayha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaaas oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga bartamaha Garoowe, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay sarkaal hore uga soo shaqeeyey booliska gobolka Nugaal, dowladdu waxay wali sheegtaa in ay baarayso falkii lagu dilay Guddoomiye Gu’jir. Bishii Abriil 2020 kooxdii hubaysnayd ee aannu horey u soo sheegnay ayaa mar kale qabsatay halkii hore, saacado badan oo ay haysteen oo ay kala xireen isu socodka dadka iyo gaadiidka, mar kale ayaa baryo ay ka qeybqaateen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan lagaga kexeeyey goobtii, mana jiro xal laga gaaray arrintaas ilaa iyo hadda oo la ogyahay. Bishan Maajo 11-keedii koox hubaysan oo afka soo duubatay ayaa dharaar cad xoog uga qaaday $19,472 shirkadda isgaarsiin Somtel ee Garoowe, mana jrto cid soo qabatay ilaa hadda kooxda dhaca hubaysan geysatay. Xalay saqdii dhexe waxaa Garoowe dadka hurdada ka kiciyey rasaas xooggan oo ka dhacaysay inta u dhexeysa saldhigga bartamaha Garoowe iyo dowladda hoose, kaddib markii kooxo hubaysani ay weerareen saldhigga dhexe ee Garoowe, dad shacab ah oo xiligaas goobo ganacsi ay uga furnaayeen agagaarkaas ayaa khatar ku galay iska hor-imaadkaas. Falalka amni darro ee caasimadda Puntland waxaa walaac weyn ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe, waxayna eedda dusha ka saaran tahay dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo waajibkeeda koowaad yahay ilaalinta nabadgalyada. Garoowe ayaa horey uga mid ahayd magaalooyinka ugu nabadgalyada fiican Soomaaliya, hadaysanba ahayn magaalada kowaad, waxayna ahayd magaalo ka nabad-gashay qaraxyada iyo falalka kale ee amni-darro. Way caddahay in beddelistii hoggaanka boolisku uusan noqon karin siyaasad wax lagaga beddelayo xaaladda amniga. Puntland madaxdeedu way siyaasadeeyaan hay’adaha ka madaxbannaan siyaasadda sida booliska. Inta taasi socoto eex iyo qof-jeclaysi baa beddeli doona karti iyo hufnaan. PUNTLAND POST The post YAA LEH EEDDA NABADGELYO-DARRIDA GAROOWE KA SOO CUSBOONAATAY? appeared first on Puntland Post.
-
Rome (Caasimada Online) – Silvia Romano ayaa waxaa beegsanaya ololaha nacaybka ee kooxaha garabka-midig ee Talyaaniga kadib markii ay wadankeeda dib loogu celiyay 18 bilood oo ay Al-Shabaab Soomaaliya ku haysteen kadib. Silvia Romano waxaa ay diinta Islaamka qaadatay in tii ay Al-Shabaab madax furashadda u haysteen, qoskeeduna waxay xaqiijiyeen in 24 jirkan magaceeda ay u bedeshay Caa’isha. “Islaam iyo farxad. Silvia kuma mahadsana,” ayaa lagu qoray bogga hore ee wargeyska garabka midig ee Il Giornale. Siyaasi kasoo jeeda gobolka Treviso ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Romano la dal-dalo. Balse durbadiiba qoraalkii waa la tir-tiray. Ururkii ay la shaqayneysay ee Africa Milele oo raashin iyo dhar siiya caruurta Kenya ayaa war ay ku daabaceen websitekooda waxay ku sheegeen “soo dhawow Silvia, dhamaanteen waan ku sugeynay.” Madax Furasho Talyaanigu waxaa uu heystaa madhabka masiixiga ah Roman Catholic, kaniisaduna si diiran ayey u soo dhoweysay dib u noqoshada nabad-gelyada ah ee Romano. “Hadda waxaan dhamaanteen dareeymeynaa in ay gabadheenii tahay,” ayuu yiri wadaad kaniisadda ka tirsan oo lagu magacaabo Gualtiero Bassetti. Warbahinta Talyaaniga ayaa warisay in xukuumada Rome ay soo deynta Romano ku bixisay madax-furasho dhan 1.5 million oo Euro una dhiganta 1.6 million oo dollar. Dowladdu weli ma aysan xaqiijin arrintaan. “Qiyaas argagixisada Islaamiga ah: Lacagtii waa ay qaateen, waxay ku geysanayaan dambiyo, waxayna ku guuleysteen dagaalkii dhaqanka iyagoo adeegsanaya magaca Islaamka iyo Muslimin,” ayuu yiri Matteo Salvini oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee garabka-midig. Garsooreyaasha Maxkamadaha hoose ayaa furay baaritaan ku saabsan xad gudub si loo eego haddii ay jiraan eedeymo hanjabaad ah oo laga gudbi karo qaar ka mid ah kuwa soo diray farrimaha ka dhanka ah Romano. Wargeysyo ayaa saraakiil kasoo xigtay in Romano ay sheegtay in ay iyadu dooratay in diinta Islaamka qaadato, waqtigeeda firaaqada ahna ay qur’aanka aqriso, islamarkaana aysan ku xad gudbin kuwii ay u afduubneyd. Alessandro Sallusti, oo madax ka ah Wargeyska Il Giornale, ayaa Twitter-ka kusoo qoray “Silvia waa ay soo laabatay waana ay nabad qabtaa. Laakiin waxay u egtay maxbuus aad loo ilaalinayay waxayna u labisneyd sida Nazigiii, ma fahmin mana fahmi doono.”
-
Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaaray kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019. Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda, halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah. Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Haweeney Talyaaniga u dhalatay oo Afduubka loogu haystay Soomaaliya Muddo 2 sano ah oo Muslintay+Hanjabaado ay kala kulantay Muslinnimadeeda Silvia Romano ayaa dib loogu celiyay Taliyaaniga Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano oo ah Haweeney Talyaaniga u dhalatay ee Afduubka loogu haystay Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA. Waxay ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka, waxaana sannadkii 2018-kii laga afduubtay gudaha waddanka Kenya. Silvia waxaa dib loogu celiyay dalkeeda ka dib markii laga sii daayay kooxdii haysatay. Sidoo kale wakaaladda ANSA waxay sheegtay in Silvia Romano ay ku biirtay diinta ayna la baxday magaca “Caaisha”. Waxay la kulantay naceyb lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu eedeeyay “in aysan weji xumeyn ururka Al-Shabaab iyo in ay qaadatay diinta Islaamka”, sida ay xustay ANSA. Xubnaha ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Talyaaniga ayaa bilaabay olole ka dhan ah gabadhan oo naceyb abuuri kara sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Siyaasi ka soo jeeda gobolka Treviso ayaa barta Facebook soo dhigay muuqaal uu ku sheegayo in Silvia (Caaisha) Romano la dal dalo, waxaana markiiba Facebook laga saaray muuqaalkaas. Muuqaalkaas waxaa wehliyay ereyo “xadgudub ah” oo ka dhan ahaa “Caa’isha” Romano. Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Silvia Romano oo 25 sano jir ah, waxay Talaadadii iska xirtay barta ay ku leedahay Facebook ka dib markii ay kala kulantay qoraallo lagu aflagaadeynayo oo naceyb ah, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA. Dadka soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Taliyaaniga Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga. Hooyada dhashay waxay weriyeyaasha ku sugan magaalada Milan u sheegtay: “Maxaad ka fileysaan gabadha? mid ka mid ah qoysaskiina u dira halkaas muddo labo sanno ah, marka waxaan ka dhuursugayaa in uu soo laaban doono isaga oo aan ku biiray diinta islaamka, adeegsada maskaxdiina… waxaan dooneynaa in aan ku noolaano nabad… waxaan u baahanahay nabad,” sida ay tebisay ANSA. “Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan soo dhoweyno Silbia iyadoo xilligan adag uu dalka ku jiro. Waddanka weligii wuu jirayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha taliyaaniga Giuseppe Conte.. Silvia Romano, markii ay Rome ka degtay waxaa soo dhoweeyay oo laabta geliyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda xilli ay qabtay dhar xijaaban. Silvia Romano markii ay gaartay magaaladii ay ka soo jeeday ee Milan waxay sheegtay in kooxdii afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay xushmad u muujiyeen. “Waxaan la qarxi rabaa farxad hadda. Way adag tahay in la qiyaaso, fadlan ii ogolaada inaan neefsado. Waxaan la taaganahay amakaag iyo farxad, aad ayey iiga tanbateen, wayna qarxi rabaan,” ayuu yiri aabeheed Enzo, oo Axaddii la hadlay warbaahinta sida ay qortay Reuters. “Waan adkeystay, mana is jilcin”, ayaa la soo xigtay iyadoo dheheysa Silvia, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, oo Sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Caa’isha” Romano waxa ay sheegtay inay “maskax iyo jir ahaanba,” caafimaad dareemayso. Qaran News
-
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaalada Nairobi ee is-diiwaangeliyay dalka dib loogu celinayo, islamarkaana ay shirkadda Daallo Airline u jari doonto Tikityadii ay ku laaban lahaayeen. War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in shirkadda Daallo Airline ay la xiriiri doonto dhammaan dadkii is-diiwaangeliyay ee heysta baasaboorka Soomaaliya ama degenaanshaha Kenya. Safaaradda ayaa sheegtay in qof kasta oo safraya inuu iska baara cudurka Covid-19, isla markaana dadka laga waayo cudurkaas la qaadi doono. “Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa, Sidoo kale dadku waa inay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa dhowaan soo saartay wargelin ku aadan in dadka ku xayiran M/ Nairobi ee doonaya in dalka dib ugu laabtaan inay is diiwaan geliyaan, waxaana la soo bandhigay shuruudo la xiriira dadka dib loogu celinayo dalka. View the full article
-
An Italian aid worker has become the focus of a far-right hate campaign after returning home this weekend having been freed from 18 months of captivity by al-Shabab in Somalia. Silvia Romano converted to Islam while being held for ransom, with her family confirming the 24-year-old had changed her name to Aisha. “Islamic and happy. Silvia the ungrateful,” read the front-page headline of right-wing daily Il Giornale on Monday. A politician from the province of Treviso posted on Facebook that Romano should be hanged. The post was swiftly removed. Romano was working as a volunteer in an orphanage in a village in southeast Kenya when she was seized by gunmen in November 2018. She was smuggled across the border into Somalia, where she was believed to have been detained by the armed group al-Shabab that advocates a fringe interpretation of Islam. The group she was working with, Africa Milele, aims to provide food and clothing to children in Kenya. “Welcome back Silvia, we all have been waiting for you,” said a statement on their website. Ransom Italy is predominantly Roman Catholic and the Church warmly welcomed Romano’s safe return. “At this time, we all feel her to be our own daughter,” said Cardinal Gualtiero Bassetti. Italian media reported that Rome paid a ransom of some 1.5 million euros ($1.6m) to secure Romano’s release. As always in such cases, the government declined to comment. “Imagine the Islamic terrorists: They have brought home the money, committing a criminal act, and ‘won’ the cultural battle in the name of the Islamic veil and conversion,” said Matteo Salvini, leader of the far-right opposition League party. Magistrates have opened an investigation into the abuse to see if charges of aggravated criminal threat can be laid against some of the senders, sources told Reuters. Newspapers quoted Romano as telling officials that she had chosen to become a Muslim of her own free will after reading the Quran, and had not been abused by her captors. Alessandro Sallusti, head of the Il Giornale newspaper, which is owned by the brother of former Italian prime minister Silvio Berlusconi, tweeted: “Silvia is back, and well. But it was like seeing a concentration camp prisoner proudly dressed as a Nazi. I don’t understand, I will never understand.” In an interview with La Repubblica newspaper, a spokesman for al-Shabab, named as Ali Dehere, confirmed a ransom had been paid, but declined to say how much. “Some will be used to buy weapons, which we need more and more of to fight jihad (holy war). The rest will be used to run the country: to pay for schools, to buy the food and medicine we distribute to our people, to train the policemen who maintain order and enforce the laws of the Quran,” he said. The spokesman said Romano had converted voluntarily “because she clearly saw with her own eyes a better world than she knew before”. Source: Aljazeera
-
Turkiga oo shaaciyey dhibaato ay Imaaraadka ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale Dowladda Turkiga ayaa dhigeeda Imaaraadka Carabta ku eedeysay iney khalalaaso ka wadaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, waxeyna arintaan keeni kartaa in xiisadda labada wadan u dhaxeysa ay sare u kacdo. Turkiga waxaa lagu cambaareeyay kaalinta uu ka qaadanayo dagaalka Liibya maadaama uu halkaas geeyay dagaalyahanno kasoo jeeda Syria oo caawinaya dowladda uu caalamka aqoonsan yahay. Imaaraadka iyo Masar, oo taageearaya ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Libya, ayaa ayaga oo ay wehliyaan Greece, Qubrus iyo Faransiiska, waxay soo saareen bayaan lagu cambaareeyey “faro-gelinta militari ee Turkey ay ka waddo Libya”. Cavusoglu ayaa taleefishinka Akit ee Turkey u sheegay in Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin “ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan” wuxuuna si gaar ah u beegsaday Imaaraadka. “Haddii aad I weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,” ayuu yiri. “Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen. Cavusoglu ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, halkaasi oo Turkey ay ku leeyihiin saldhig ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya. Hadalka Cavusoglu ayaa yimid kadib markii wasaaraddda arrimaha dibedda ee Ankara ay Isniintii ay cambaareysay bayaanka shanta dal, islamarkaana ku eedeysay Faransiiska “inay isku dayayaan inay noqdaan taageeraha isbaheysiga naceybka.” Imaaraadka Carabta weli kama jawaabin eedeynta Cavusoglu. Qaran News
-
Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019. Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda, halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah. Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa lagu wadaa 27-ka bishan May ku dhawaaqdo xilliga doorashada guud ee Soomaaliya la galayo, sida uu dhigayo sharciga doorashada. Wareysi gaar ah oo ay siisyey idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, oo arrinkan wax looga weydiyey ayey Xaliimo Yarey ku tiri” Si fiican ayuu noogu diyaarsan yahay, waxaan sugeynaa sida sharciga doorashada ku dhigan waxaa uu leeyahay 6 bilood ka hor maalinta doorashada loogu talo-galay guddigu waa inuu baarlamaanka hortago, waxay ku aadan tahay 27-ka May, waa waxyaabaha aan hadda ka shaqeyneyno sidii aan baarlamaanka u hortagi laheyn, si fiican ayaan uga shaqeynay”. Akhriso: Qodobka 13-aad, farqradiisa 3-aad ee sharciga doorashada Baarlamaanka federaalka ah oo hadda fasax ku maqan ayaan la ogeyn in xilligaas ka hor ay fariisan karaan ama iney la kulmi-doonto uun guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah si ay go’aanka ugu sheegto. Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa baarlamaanka federaalka ah uu guddi gaar ah u saaray sameynta habraacyada doorashada, waxaa kale oo isla goleyaasha sharci-dejinta horyaalla sharciga xisbiyada oo dib u eegis ku jira, welina dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada kama heshiin nooca doorashada. Siyaasiyiin iyo falanqeeyeyaal ayaa sheegay iney adag tahay doorasho qof iyo cod ah sanadkan dalka ka dhacdo iyaga oo soojeediyey in lagu laabto middii 2016-ka ama waxyar laga badalo. International Crisis Group ayaa soo jeedisay arrintaas oo kale oo ah iney doorashada golaha shacabka ka qeyb galaan 14,000 oo ergo kuwaasoo dooranaya 275 oo kuraasta golaha shacabka ah. Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey in Nabad iyo Nolol aaney daacad ka aheyn doorasho qof iyo cod ah iney dhacdo 2020-ka iyada oo la diiwaangeliyey 82 xisbi oo aaney ku jirin midka xukuumadda.
-
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aanka wasaaradda batroolka iyo macanta Soomaaliya ay ku iibineyso todobo xirmo oo ah shidaalka laga helay dalka. Dalxa ayaa xusay in kol-hore ay soo ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya sharciga batroolka taasina ay ka dhigan-tahay in sifo sharci ah loo maray. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/qq-1.mp3 View the full article
-
Deeqdaan raashinka ah oo ka kooban bur, bariis, sonkor, timir, caano, saliid iyo sharaab looguna talagalay in la gaarsiiyo dadka ku dhibaatoobay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho iyo gogol ka kooban xasiigyo, firaash, maro-kaneeco iyo bustayaal ayuu xisbigga Hayaan ku wareejiyay gudigga gurmada Qardho taas oo ay uga qayb-qaadanayaan Gurmadka loo fidinayo dadkii ay guryahooda ka barakiciyeen biyihii kusoo fatahmay magaalada Qardho dhamaadkii bishii Apriil ee lasoo dhaafay. Wareejinta deeqdaan waxaa kasoo qayb-galay Duqa Degmada Qardho, dad ka shaqaynaya arimaha gargaarka, iyo xubno ka socday xisbigga Hayaan. ugu horayn Cabdiraxmaan Cali Nuur oo ka mid ah xubnaha Xisbigga ayaa goobta ka hadlay waxa uuna sheegay in xisbigaan uu markasta diyaar u yahay sidii uu shacabkiisa u garab-istaagi lahaa, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Cabdi-xabiib Warsame oo si wayn fududaynta Gurmadkaan uga qayb-qaatay. Cabdi Saciid Cismaan Duqa Degmada Qardho ayaa dhankiisa u mahad-celiyay Xisbigga Hayaan iyo Gudoomiyahooda Cabdi-xabiib Warsame sida ay uga soo jawaabeen baqiii ay dawlada Puntland iyo Gudigga Gurmadku diree, waxa uu sheegay in cidii loogu talagalay ay gaarsiin doonaan deeqdaan hadii Ilaahay idmo. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ururka Hayaan oo deeq raashin iyo gogol ah gaarsiiyay Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
The federal government of Somalia has announced the launching of its first offshore licensing round for seven offshore blocks. The Ministry of Petroleum said the country decided to go ahead with its plan despite the “challenging global circumstances,” as it had received “significant interest” on its acreage from oil companies in recent months. Speaking during his ministry’s webinar launching the round, the minister said, the 2020 Somali licensing round features up to 7 blocks that are up for the bidding process which are estimated to be among the most prospective areas for hydrocarbon explorations and production in Somalia. This licensing round will open on 4th of August this year and will be closing on 12th March 2021. Petroleum Minister Abdirashid Mohamed Ahmed said this roadshow highlights as landmark moment in the development of Somalia’s natural resources, which will be transformational for the country’s development. According to the Minister, Somalia has achieved significant milestones that will provide predictability, reliability and transparency to the oil and gas companies and investors who are willing to do business with the Somali Government. Among such milestones are; the ground breaking Petroleum Law which completed its legislative process earlier this year. The Revenue Sharing Agreement enshrined in The Petroleum Law which indicates how future revenues from the development of the industry will be shared between The Federal Government, the Federal Members States and their local communities. And this agreement has now been ‘road-tested’ with the first revenues, which were recently generated from rental payments from Shell and Exonn. Moreover, Production Sharing Contract model is investor friendly, flexible and top quartile fiscal framework. The Minister assured that the process would be fair and transparent for everyone taking part in the licensing round, adding that the revenues generated from oil gas explorations will be used as the catalyst for a new dynamic, renewable and self-sustainable economy Somalia’s Petroleum Minister Abdirashid Mohamed Ahmed said “The opportunities for the international exploration and development majors are enormous. Somalia is committed to attracting investment and promoting partnership and business in all segments of the oil and gas industry value chain. This event is the starting point to allow the Somali Government to better showcase the vision that our country has for our petroleum and gas industry to potential foreign investors.
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto. Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga. View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dhigeeda Imaaraadka Carabta ku eedeysay iney khalalaaso ka wadaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, waxeyna arintaan keeni kartaa in xiisadda labada wadan u dhaxeysa ay sare u kacdo. Turkiga waxaa lagu cambaareeyay kaalinta uu ka qaadanayo dagaalka Liibya maadaama uu halkaas geeyay dagaalyahanno kasoo jeeda Syria oo caawinaya dowladda uu caalamka aqoonsan yahay. Imaaraadka iyo Masar, oo taageearaya ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Libya, ayaa ayaga oo ay wehliyaan Greece, Qubrus iyo Faransiiska, waxay soo saareen bayaan lagu cambaareeyey “faro-gelinta militari ee Turkey ay ka waddo Libya”. Cavusoglu ayaa taleefishinka Akit ee Turkey u sheegay in Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin “ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan” wuxuuna si gaar ah u beegsaday Imaaraadka. “Haddii aad I weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,” ayuu yiri. “Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen. Cavusoglu ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, halkaasi oo Turkey ay ku leeyihiin saldhig ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya. Hadalka Cavusoglu ayaa yimid kadib markii wasaaraddda arrimaha dibedda ee Ankara ay Isniintii ay cambaareysay bayaanka shanta dal, islamarkaana ku eedeysay Faransiiska “inay isku dayayaan inay noqdaan taageeraha isbaheysiga naceybka.” Imaaraadka Carabta weli kama jawaabin eedeynta Cavusoglu.
-
Degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Labad degmo ayaa u dambeeya group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sidoo kale degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis ayaa isku dhibco ah, marka loo eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen labada degmo, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena laga soo adkaaday. Tartan aqooeedka Shabelle ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana wareega labaad iska sii xaadiriyey illaa shan degmo oo kala ah Howlwadaag, Wadajir, Dayniile iyo Xamarweyne iyo Marka oo ah xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Soomaalida ku xayiran Nairobi oo Shirkada Daallo soo daadgurenayso+Shuruud lagu xidhay Waxaa la qorsheynayaa in dadka Soomaalida ee ku xayiran magaalada Nairobi dib dalka loogu soo celiyo iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay shuruud ku xirtay dadka ay tikidhada u jari doonto diyaaradda Daallo. Shuruudda kaliya ee ku xiran qofka doonaya inuu dalka dib ugu laabto waxey tahay inuu maro baaritaanka xanuunka Coronavirus, waxaana dalka dib loogu celin doonaa kaliya qofka aan qabin xanuunka. Safaaradda waxey dadka u sheegtay iney la xiriiraan Shirkadda Daallo Airline, waana kaliya dadka goor hore is diiwaan-galiyay ee heysta daganaashaha dalka Kenya iyo sidoo kale Baasaboorka Soomaaliya. “Qof kasta oo doonaya inuu safro waa inuu iska baaraa xanuunka Coronavirus, kaliya dadka aan qabin xanuunka ayaa la qaadi doonaa, sidoo kale waa in ugu dambeyn 17-ka May ay heystaan tikidhada, waana maalinta ugu dambeysa is diiwaan-galinta” ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi. Dhawaan ayey aheyd markii safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ay dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran gudaha Kenya ku wargalisay iney is diiwaan galin karaan. Qof walba oo doonaya inuu dib ugu laabto dalka wuxuu ku qasbanaa inuu buuxiyo foom iyo shuruudo la xiriira in dalka dib loogu celiyo. Qaran News
-
Despite the inordinate challenges confronting Somalia for decades now, one pillar has kept the country from relapsing into civil war and further disintegration: national elections every four years. In some ways, it’s nothing short of a miracle that, since 2000, when the Somali state was reconstituted after 10 years of absence from the global stage, presidential and parliamentary elections have been held largely on time, solidifying the country’s democratic credentials in a region where autocracy and dictatorship is the norm. The last four presidents since the Arta (Djibouti) peace process, including myself, have handed over power peacefully after organizing—and losing—competitive elections that were held on time, and only after all relevant stakeholders were duly consulted on the parameters and scope of the polls. These processes took years of laborious and often difficult negotiations, but they were a harbinger for maintaining stability. Unfortunately, that pillar of stability is now under assault by the current administration. Fewer than 10 months are remaining from its constitutional mandate, yet they have neither put forward a workable electoral model that is acceptable to Somalia’s key stakeholders (federal member states and registered parties) nor engaged in a constructive dialogue about it. Instead, the administration is vaguely insisting that a universal suffrage (one person, one vote) election will be held, despite the consensus by virtually all stakeholders, including members of the international community, that the legal and practical infrastructure to implement such a daunting task is ubiquitously nonexistent due to this administration’s failure to focus on it for three years. To be clear, all stakeholders prefer a universal suffrage election instead of the so-called “enhanced legitimacy” processes of the last two elections. However, the last two elections were part of an incremental process that was designed to pave the way for a fully-fledged universal suffrage election for this cycle. Regrettably, the current administration prioritized manipulating local elections with the view toward leveraging their outcomes for the national elections. When that strategy failed in some member states, the administration deployed its plan B, which is to delay elections and blame it on everyone else. By all accounts, a truly free and fair election that meets minimum standards of universal suffrage would require at least two years of intensive preparation. And that is precisely what the current administration is banking on: an extension of their term by default since all the requirements for a universal suffrage are not met. In doing so, this administration is destroying the single most reliable pillar of stability in one of the most unstable countries in the world. That is unacceptable to Somalis who paid a heavy price in fighting a dictator who brutalized them for 21 years before he was ultimately deposed in 1991 for the sole objective of reviving the nation’s celebrated democracy—the first in Africa. What is at stake? Somalia has achieved many milestones over the past 20 years. But no milestone is more important than the nascent democratic institutions and traditions we had built in the face of extraordinary challenges. Our people are rightfully proud of their unfailing capacity to hold their elected leaders accountable through the ballot box every four years. Most importantly, the country’s past leaders have, on their own volition, recognized that protecting this tradition is not only sacrosanct but vital to the country’s fragile peacebuilding and statebuilding agenda. By using a delay tactic and filibustering any substantive dialogue on a workable electoral modality that enjoys the support of relevant stakeholders, this administration is leading the country into unprecedented constitutional crisis. When the constitutional mandate of the president comes to an end, on the 8th of February 2021, the country that was upgraded from “failed state” to “fragile state” in 2013 will risk sliding back into its dark past. A number of federal member states and leading political parties have declared their intention to no longer recognize the legitimacy and authority of this administration. That is an unchartered territory for Somalia and a major setback to the substantial gains made since 2000. For the first time, the clock is ticking towards the end of a mandate, and no one (except the administration) knows if an election would be held on time, and what modality would it be. What should be done? Until now, the legitimacy of Federal Government of Somalia (FGS) has never been seriously challenged by key stakeholders such as member states and major political parties. But that prospect is now real, and its implications are catastrophic for peace and security in the country. To avert that disaster, the international community, through the UN Security Council, must intervene forcefully and urgently. As the US representative rightfully observed during the Security Council’s meeting on Somalia in February, some of the electoral modalities under consideration “provide pretext for delaying the vote”. Therefore, the council must use its prerogative to demand that the election take place on time, and in agreement with relevant stakeholders. Importantly, the council should use the carrots and sticks in its disposal as necessary to ensure that the very progress it had vigorously supported and invested for 20 years is not squandered by the whims of one person. In particular, the United States, UK, the European Union and the African Union have a fiduciary responsibility to act deliberately since they are, collectively, the largest donors and providers of security guarantees to the FGS. The African Union has more than 20,000 troops in the country and other international partners provide nearly half of the national budget, in addition to the hundreds of millions of dollars in humanitarian and development assistance. In February, the Security Council urged the FGS to open a dialogue with the member states and other stakeholders regarding the elections. But that call was not only unheeded by the FGS, but the administration has since ratcheted up its campaign to destabilize member states politically and military. Furthermore, the administration is increasingly violating civil liberties enshrined in our constitution. A number of journalists have been arrested for reporting critically, and others, including a Somali-American who works for the VOA, has been threatened. Finally, Somalia’s main donors should also co-finance the electoral process, much like they did over the past 20 years. This investment is arguably the most important one since it led to four peaceful transfers of power. The overarching objective should be to lay the foundation for a universal suffrage election during the next poll, scheduled for 2025. Hassan Sheikh Mohamud is a former President of Somalia, a member of the parliament and chairman of the Union for Peace and Development (UPD) party. He can be reached at fbhassan55@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta XF, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka hadlay qorshaha ay dowladda federaalka ka damacsan-tahay shidaalka dalka. Cabdirashiid ayaa sheegay inay soo bandhigeen 7 xirmo oo shidaal ah, kuwaas oo ay u tartamayaan shirkado caalami ah oo ka shaqeeya qodista shidaalka iyo iibintiisa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tartankaasi uu bilaaban doono 4-ta bisha August ee sanadkaan 2020-ka, islamarkaana la joojin doono bisha March ee sanadka 2021-ka. Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay heshiis la-gali doono shirkaddii ku guuleysata tartankaasi oo ah mid furan. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/bb.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
