-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay hoos u dhigayso saanadda ciidan ee ay siiso ama ka iibiso maamulka Israa’iil, ayadoo sheegtay inay joojinayso 30 ka mid ah 350-ka shatiyada hubka ah ee ay u dhoofiyo Israa’iil, sababa la xariira halis ka dhalan karta iyo waxyaabaha shuruucda caalamiga ah iyo bini’aadantinimada ka baxsan ee loo adeegsado qalabkaas militari. Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska David Lammy ayaa isniintii usheegay baarlamaanka dalkaas in mamnuucida qeyb ka mid ah dhoofinta hubku ay tahay tillaabo looga hortagayo in loo isticmaali karo dagaalka hadda ka socda marinka Qasa. Markii uu Xisbiga Shaqaalaha UK ku guuleystay doorashadii guud ee bishii Luulyo ka dhacday dalkaas David Lammy ayaa sheegay in ay dib u u eegis ku samayn doonaan shatiyada iibka hubka ee Britain ay ka iibiso xulafada Israa’iil si loo hubiyo inay u hoggaansameen sharciga caalamiga. David Lammy ayaa intaa ku daray in aysan tillaabadani ka dhignayn xayiraad ama cunaqabatayn dhanka hubka ah ee ay Israa’iil saarayaan, islamarkaana UK ay sii wadi doonto taageeridda Israa’iil ay xaqa u leedahay ee is-difaaca ah si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, sidoo aysan hubkan ku jirin diyaaradaha dagaalka ee F-35. Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia u soo bandhigtay hindise cusub oo xalin kara baahida ay Ethiopia u qabto helista marin biyood, laguna xalin karo khilaafka ka taagan gobolka oo hadii uu gacan ka hadal isu bedello saameyn kara guud ahaan dalalka gobolka. Hindisaha Jabuuti ayaa ah in Ethiopia ay ka hesho deked dalka Jabuuti, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf, balse wuxuu cadeeyey in dekedda ay u yaboohayaan Ethiopia ay tahay mid ganacsi oo aysan ku jirin mid milatari, rajana ay ka qabaan in Ethiopia ay ka soo jawaabto. “Hadii dagaal dhaco gobolkeena oo dhan ayuu saameynayaa, Soomaaliya iyo Itoobiya waxaan ku dadaali doonaa inay xal u helaan khilaafkooda, waxaan nahay wadan yar oo hoggaamiya IGAD, laakiin talooyinkeena aad ayaa loo dhageystaa, labada dhinacba waa na ixtiraamaan, waxaan Alle ka rajeynaa inaan ku guuleysano xalinta khilaafkaan,” ayuu yiri wasiirka u hadlay Jabuuti. Wasiirka Maxamuud ayaa rajo badan ka muujiyey in khilaafka labada dalka wadahadal lagu dhameyn karo, “madaxda labada dal hadii ay wada fariistaan oo wax badan falanqeeyaan waxaan aaminsanahay in wax kasta diblomaasiyad lagu dhameyn karo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa cadeeyey ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay u baahan yihiin deked ay wax kala soo degaan, in kastoo baahida dekedaha ay u bahaan yihiin ay badan tahay, hadana wuxuu sheegay in deked ganacsi ay siinayaan, hadii xal loogu helayo khilaafkaan. Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay la wadaageen in dekedaan ay uga qeyb qaadanayaan xal u helidda khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya ee salka ku haya dekedaha, wuxuuna sheegay inay ka war sugayaan jawaabta Itoobiya. “Waxa aan Itoobiya u ogolnahay saldhig military kuma jiro, ganacsiga bulshada inuu ka faa’iideyso ayaan ugu talagalnay, intaas wax dheer malaha, waana la wadaagnay masuuliyiinta ugu waaweyn dalkaas, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha, waana ka sugeynaa jawaabtooda,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf. Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/09/Ja.mp3 The post Dhageyso: Jabuuti ma waxay Itoobiya siineysaa dekad ganacsi mise saldhig militery? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay shaaciyay inay kala furteen madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ahaayeen saaxiib dhow oo siyaasadeed. Kadib shaacinta Fahad ee ay kala tageen saaxiibka, waxaan baaris ku ogaanay in kala-gurashada madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo isaga ay salka ku hayso laba arrimood oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah; 1. Xiriirkii dowladda Qatar Sida aan xogta ku helnay, waxaa si toos ah isugu xirmay Farmaajo iyo sirdoonka Qatar oo markii hore uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin. Dood iyo khilaaf tallaabadan ka dhashay ayaa muddo soo jiitamayay, illaa uu soo dedejiyay kala-furashada xulafadii Nabad iyo Nolol. Xiriirka tooska ah ee Farmaajo iyo Qatar waxaa caawiyay saluug ay labada dhinacba ka qabeen hannaankii uu Fahad u maareeyay qarashaadkii ay dawladda Qatar ku bixin jirtay taageeridda nidaamkii Farmaajo iyo ololihii dib-u-doorashada ee guuldarreystay 15-kii May 2022. 2. Raalli-gelinta Xigta iyo Raadinta Xeelad Xuub-dhacsi Wararku waxa ay sheegayaan in Farmaajo uu in muddo ah la kulmayay cadaadis uga imaanaya jilba-culusta beeshiisa oo ay ku jiraan ganacsato uu taakulo siyaasadeed ka helo, kuwaas oo ku qancinayay in uu heysto fursad uu isaga nadiifin karo eedihii loo heystay maamulkiisa, taas oo ay shardi uga dhigeen in uu iska fogeeyo raggii xulufada la ahaa sida Fahad Yaasiin. Farmaajo, oo u muuqda mid aragtidaas la dhacay, ayaa la soo werinayaa inuu hadda quud-darreynayo in gefafkii iyo garaafooyinkii siyaasadeed ee ka soo gaaray muddo xileedkiisi hore uu ku geddiyo raggii talada la lahaa, kaddibna uu xulufo cusub kasbado isaga oo isku ekeysiinaya nin dib u saxaya wixii uu qalday. Waxaa muuqata in dhaxalkii shanta sano ee Nabad iyo Nolol uu ku soo dhammaaday dhaliilo laga kala dhuumanayo. Hase ahaatee, si kasta oo ay raggii wada joogay u kala jeestaan, waxaa calaamad su’aal saaran tahay sida ay ugu suurtogeli doonto in uu mid kasta goonidiisa u soo xiro xisaabaadkii hore ee ay dartood u kala xarig-furteen. The post Xog: Laba arrin oo sabab u ah kala furashada FARMAAJO iyo FAHAD appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed ayaa meel adag iska taagay in baarlamaanka Soomaaliya laga taageero Itoobiya oo ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna. Xildhibaan Ilyaas ayaa dalbaday in liiska madow la galiyo sawirada xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya taageerada u muujiyay Itoobiya oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya. “Xildhibaanada Itoobiya taageeray hadii ay cudur daaran waayaan sawiradooda liis madow hala galiyo, waxaan ka xumahay in aan kamid noqdo baarlamaanka 11-aad oo taariikhda u gashay taageerada Itoobiya,” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadda waa isku riix-riixi karnaa ee waa idinka qaldantay ee soo laabta, haddii aad ku dhiiran weydaan maalinta adag ee ku jirno, waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed sawiradooda waa haysataan ee liis madow galiya oo wax dambe ha ka aqbalina.” Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiyaanka aysan u tureyn gobol ama qabiil gaar ah ee ujeedkoodu yahay boobka dhulka Soomaaliyeed, “si isku siman ayey u rabaan in ay noo boobaan oo noo dhacaan.” “Mustaqbalka caruurtayda iyo caruurta Soomaaliyeed ayaa u daneynaya, taariikhda umadda Soomaaliyeed ayaa rabaa in aan u daneeyo ee qof walba dalkaaga adiga leh ee dhulkiisa iyo baddiisa loo socdaa oo wax aan siyaasadeyn karno maaha.” Dad badan ayey fajaciso ku noqotay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay taageero u muujiyaan Itoobiya oo haatan ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna, maadaama aysan aheyn waxa la isku hayo wax mucaaradad gala. Hoos ka daawo muuqaalka The post “Xildhibaanada Itoobiya taageeray waa in sawiradooda liis madow la galiyo haddii…” appeared first on Caasimada Online.
-
Inta lagu jiro xilli roobaadyada waxaa biyo dageenno maristoodu ay adag tahay isku badeli qaar kamida waddooyinka ku yaalla faras magaalaha caasimadda dalka ee muqdisho, waxaana ka dhasha caqabado ka dhan isku socadka dad iyo gaadiidka. Jidadkaas oo ilaa 7 gaaraya waxaa ugu daran waddada daalo ee isku xirta isgoysyada Baar Ubax iyo Balaagsii, waxayna kuwa kale uga duwantahay in biyaha roobku ay muddo bilo ah fadhiyaan, islamarkaana bulshadu caafimaad darro iyo cariiri kala kulanto, caasimaddana ay bilic xumo ku noqato. Wadadan dhowr jeer ayaa dowlad iyo shacabba laysku dayay in la hagaajiyo, balse waxba iskama badelin biyaha wasakhaysan ee fadhiyaahina waa kuwo bulshada halis ku ah iyo caasimaddana bilic xumo u horseeday. Source: goobjoog.com
-
Booliska dalka Tuniisiya ayaa xiray siyaasi mucaarad ah oo caan ah, iyadoo la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa laba qof oo doorashada kula loolami lahaa madaxweynaha hadda talada haya Kais Saied. Ayachi Zammel ayaa la xiray aroornimadii isniinta, wax yar ka hor ku dhawaaqistii guddiga doorashada ee dalka oo shaaciyay inay ku dareen liiska ugu dambeeya ee musharrixiinta doorashada dhici doonta 6-da bisha soo socata ee Oktoobar. Kooxaha xuquuqda aadana u dooda madaxweyne Kais Saied ku eedeeyay inuu doonayo inuu tirtiro tartanka siyaasadeed, xilli siyaasiga mucaaradka ah ee Zammel loo kaxeeyay saldhig booliis oo ka baxsan caasimadda Tunis, isaga oo la sheegay in looga shakiyay in uu been abuur ku sameeyay taageerada uu ku doonayo in uu ka qayb qaato doorashada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weji cusub yeelatay, kadib markii ay dowladea Itoobiya soo saartay bayaan u muuqday baqdin, goodin iyo doonis qarsoon. Qoraal ayd dhawaan soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Itoobiya ayaa lagu sheegay inay Itoobiya si dhow ula socoto dowladdo raba inay xiisad ka abuuran gobolka Geeska Afrika. Addis Ababa ayaa ku goodisay in aanay gacmaha laaban doonin, iyada oo dhinacyadaasi qal-qal amni ka abuurayaan gobolka. Inkasta oo bayaanka Itoobiya dal gaar ah lagu xusin, haddana waxay Itoobiya ku riixday Soomaaliya inay gacan-saar la leedahay kooxo u ooman inay xasillooni darro ka abuuran gobolka. Bayaanka Itoobiya waxaa ku jirtay inay ka walaacsan dariiqa uu ku socdo gobolka. Farriinta Itoobiya ayaa kusoo aaday 24 saac kadib markii diyaarado milateri oo Masar leedahay ay kaalmo milateri geeyeen Soomaaliya. Labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan gaaray heshiis amni oo dhinaca barriga u badan, waxay kale oo Masar aqbashay inay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee ka bilaabanaya Soomaaliya bisha Janaayo ee sanadka soo aadan. Masar iyo Itoobiya waxaa waayihii dambe ka dhex taagneyd xiisad ka dhalatay biyo xireenkii ay Itoobiya ka sameysay webiga Niil. Dadka arrimaha gobolka ka faallood waxay aaminsan yihiin inay Soomaaliya noqon karto furin cusub oo labadan dal iyo dano badan oo gobolka ah isku hirdiyaan. Muqdisho iyo Addis Ababa waxaa dhex yaalay khilaaf tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, kadib heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland. Waxaana sida ay hadda wax ku socdaan bixineysa odoros uga sii dari kara xaaladda. Masar fursad ayey u aragtaa inay hesho meel kale oo ay ka damqin karto Itoobiya kadib markii ay awoodi weysay inay joojiso biyo-xireenkii ay Itoobiyaanka ka sameeyeen aagga webiga Niilka. Dhinaca kale, dowladda Itoobiya waxay muujineysa sida ay u diidan tahay inay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya ama in laga saaro howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee dhawaan ka bilaabanaya Soomaaliya. Waxaa la aaminsan yahay inay Mareykanka iyo dowladdo waaweyn kala hadleen in laga caawiyo rabitaankooda sii joogista Soomaaliya, iyagoo u sameeyay sababo badan oo amni. Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhawaatay Turkiga iyo Masar tan iyo markii ay Itoobiya soo damaacisay biyaheeda, waxaase su’aal weyn ah sida ay Muqdisho siyaasad ahaan ugu diyaarsan tahay is-waafajinta badbaadeeda iyo danaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay raadinayaan Masar iyo Turkiga. Ankara ayaa weli Itoobiya u aragta saaxiib weyn ok ay ku leedahay Geeska Afrika, taas oo sidoo kale su’aal gelinaysa inta ay dhan tahay waxa ay Turkiga u huri karaan Soomaaliya marka qadiyaddan la eego ama haddii ay xaaladda faraha ka baxdo. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ayaa dhawaan loogu baaqay inay qadiyadahan isa-saaran iyo dalalkan kala danaha ah arrintooda inay ka dhigaan mowduuc qaran oo si weyn looga doodo, si loo helo aragti intaan ka xoog badan oo loogu diyaar garoobo fal-celin walba oo ka timaada dalalka maanta la is-hayo iyo kuwa danahooda qarsoon yihiin ee dib kala imaan kara damacyo filan waa ah. Soomaaliya inay noqoto garoonkii colaadda ee gobolka ma xiiso badan, laakiin markii dalkaaga si cad loogu soo duulo waxaa ku qasban tahay in aad qoriga dabka dhinacaaga ka qabsato oo aad ugu yaraan muujiso inay wax walba ka suurtooban haddii aan lagu nabad-gelin. The post Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex oogan oo weji cusub yeelatay kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopian Foreign Minister Taye Atskeselassie has called for joint efforts among countries in the horn of Africa region to fight al-Shabaab, an Islamist insurgent group still active in Somalia. Briefing journalists on Friday in the Ethiopian capital, Addis Ababa Atskeselassie said that al-Shabaab is “well equipped” to carry out deadly attacks beyond Somalia and urged caution about writing them off. The group has been waging a deadly insurgency against the Somalia government since 2006 and had targeted neighbouring countries like Kenya in the past for contributing troops to a hybrid African Union peacekeeping force in the war-torn country. “al-Shabaab is one of the wealthiest terrorist groups in the world and is capable of carrying out massive attacks in Somalia and nearby countries,” Atskeselassie warned. Noting that al-Shabaab is not an ordinary insurgent, Atske Selassie said the group is guided by the most extreme ideology, with a primary goal of shedding blood. He said countries in the region must unite more than ever before to defend the terror activities of al- Shabaab and keep it at bay. “There is a need for watching out every activity of the terrorist group which is creating alliance with those forces bent on exploiting every sense of opportunity to destabilise the region,” he said. The foreign minister said Ethiopia is committed to jointly fighting the insurgent group by providing unreserved military and other support to Somalia until the Somali National Army is able to deal with security challenges in the country by itself. According to the minister, Ethiopia is willing to resolve the underlying differences with the government of Somalia through peaceful and diplomatic means. The foreign minister further said countries in the horn African region must redouble their efforts to stop those forces trying undo the hard-won gains against terrorism in the region. He said Ethiopia will continue building, mending and enhancing relations with neighboring countries, noting that there are unbreakable bonds of fraternity among the peoples of the region. MG/as/APA Qaran News
-
Abiy Ahmed has taken a leaf from Al-Shabaab’s book to destabilise Somalia. He is a spoiler who deserves to be reined in. Mogadishu (PP Editorial) —Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, repeatedly claimed that his country lost soldiers to protect the sovereignty of Somalia against Al-Shabaab. If this claim is true, why did Ethiopia adopt the strategy of Al-Shabaab to attempt to return Somalia to “the ungoverned spaces” era by disregarding the sovereignty of the Federal Republic of Somalia? As a beneficiary of the Westphalian system, Ethiopia understands that respect for the sovereignty of a country is an obligation it must honour, not an obligation it can dispense with on a whim. The Government of Ethiopia and Al-Shabaab have one thing in common: both entities regard Somalia as a country without sovereignty. In January 2024, when Abiy Ahmed signed an illegal maritime Memorandum of Understanding with Muse Bihi Abdi, the President of the Somaliland administration, a secessionist entity, Ethiopia violated a cardinal tenet in the African Union Charter on the territorial integrity of member states. Recently, in response to the defence pact between Somalia and Egypt, the Foreign Minister of Ethiopia, Taye Atske Selassie, said that “Ethiopia had not forgotten the invasion of Ethiopia by Somalia in 1977.” Ironically, it is Ethiopia that in 2024 is violating the territorial integrity and political independence of Somalia by attempting to annex a coastal district and questioning the right of Somalia to enter a defence pact with Egypt. Somalia supported the Ethiopian position on the GERD and in principle agreed to Abiy’s now ill-reputed Horn of Africa Economic Integration. In 2014, President Hassan Sheikh Mohamud authorised the deployment of Ethiopian troops as peacekeepers in Somalia outside AMISOM (now ATMIS) without repealing the 2008 agreement between the former Transitional Federal Government of Somalia and the Alliance for the Re-liberation of Somalia that paved the way for the withdrawal of Ethiopian troops from Somalia. Ethiopia misinterpreted all those diplomatic moves to enhance bilateral relations as weakness on the part of Somalia. Abiy Ahmed is waging two wars inside Ethiopia – in the Amhara and Oromia regions, after the Tigray War of 2020-2022. His political survival is uppermost in his mind, not the peaceful co-existence of the Somali and Ethiopian people. That is why he opted for taking a leaf from Al-Shabaab’s book to destabilise Somalia. He is a spoiler who deserves to be reined in. © Puntland Post, 2024 The post Why Ethiopia Adopted Al-Shabaab’s Strategy to Destabilise Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha aaya ka tashiga beesha Sacad ee dagta Mudug iyo Galgaduud oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah, oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay doorashada maamulka Galmudug. Shirka oo ay ka qeyb ka ahaayeen waxgaradka, odayaal dhaqameedka beesha, ganacsato, siyaasiyiin iyo xildhibaannada labada aqal ee DFS iyo kuwa Galmudug ayaa waxaa looga arrinsanayay xaaladdaha ka jira dalka iyo deegaannada beeshu dagto, iyadoo si gaar ah loo gorfeeyay dadaallada nabadeynta ee socda, iskacaabinta duullaanka Shabaab iyo tabashooyin ka dhashay siyaasadda maamulka Galmudug. Shirka oo ay kasoo baxeen go’aanno culus ayaa loogu baaqay beelaha dega Galmudug in ay iska wareystaan xaaladda amni, tan siyaasadeed iyo midda horumarineed ee ka jirta deegaanadda si loo badbaadiyo Galmudug, isla markaana loo yagleelo nidaam doorasho oo looga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Galmudug. Go’aanadda kasoo baxay shirka oo dhowr qodob ah ayaa u dhignaa sidan; 1. Shirku wuxuu cambaaraynayaa hadalada khiyaanada qaran ah ee kasoo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada federaalka ll ay ku taageereen cadowga ummadda Soomaliyeed ee Ethiopa, isla markaana uga horyimaadeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee dowladda shexe la gashay dalka Masar ee aannu walaalaha nahay. Shirka ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay u middoobaan difaaca iyo madaxbannaanida dalkooda. 2. Shirka wuxuu xaqiijiyay madaxbannaanida dawladda Soomaaliya, kuna tilmaamay heshiisyada iyo iskaashiga dalalka kale kuwa xoojinaya wadajirka dalka iyo dadka. 3. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa maamulka Galmudug inuu ka fogaado wax walba oo keeni kara deggenaansho la’aan iyo kala qaybin bulsho, taas oo dhaawici karta xasilloonida deegaanka, wiiqi karta dagaalka lagula jiro argagixisada, burburinna karta waanwaanta laga dhex wado beelaha colaaddu kala irdheysay. 4. Maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii maamulka Galmudug, Shirku wuxuu ugu baaqayaa madaxda dawladda Dhexe in ay hirgaliso doorashooyin madaxbanaan oo xor ah si meesha looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo maamuladda la midka ah. 5. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Galmudug in ay iska kaashadaan difaaca dalka, la-dagaallanka argagixisada, qaabaynta hirgelinta doorasho wakhtigeeda dhacda, iyo nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar ka mid ah deegaanadda. 6. Shirka wuxuu ugu baaqayaa beelwaynta Sacad in la xoojiyo xirlirka wanaagsan ee kala dhexeeya beelaha Galmudug iyo Soomaalida kale, loona guntado sidii Galmudug loogu soo dabaali lahaa heshiisiin, isfaham iyo kalsooni deegaanka u noqota dhaxalgal. 7. Shirku wuxuu qorsheeyay diyaarinta gogol looga arrinsanayo aayaha beelwaynta Sacad oo ka dhici doonta magaalada Gaalkacyo. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Shirka beesha Sacad oo laga soo saaray bayaan xasaasi ah oo loogu digay… appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti Foreign Affairs Minister Mahamoud Ali Youssouf could be Raila Odinga’s main contender in the race for the Africa Union Commission (AUC) chairperson. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku xigeennada maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah. Xasan ayaa Cali Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan la yeeshay kulan gaar ah, kaas oo ay sidoo kale ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka ,arrimaha dastuurka, dorashoyinka iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sidoo kale lasoo wariyay in madaxda uu la kulmay ee Galmudug iyo Jubbaland uu ku boggaadiyay horumarrada ay ka sameeyeen maamulladooda iyo doorka ay ka qaateen howlgallada xoreynta ee haatan ka socda gudaha dalka Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda si gaar ah doorashada, maadaama madaxda maamullada ay ka dhammaadeen muddo xileedka. Dhincyada ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ah, ayada oo ujeedka kulanan uu yahay mid Villa Somalia ugu diyaarabeyso doorashooyinka soo socda iyo isbeddalla la filan karo. Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay is aragga madaxweyne Xasan Sheekh iyo labada madaxweyne ku xigeen maamullada Galmudug iyo Jubbaland, maadaama kulankooda uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana xaaad kacsan laga dareemayo gudaha dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana is haya dowladda iyo mucaaradka, ayada oo halkeedii weli tahay xiisadda Itoobiya. The post Xogta kulan uu XASAN la yeeshay madaxweyne ku-xigeennada laba maamul appeared first on Caasimada Online.
-
Washington, D.C (HOL) - Somalia's Minister of Finance, Bihi Iman Egeh, recently held high-level discussions in Washington, D.C., with key officials from the World Bank and the International Monetary Fund (IMF) to address Somalia's ongoing economic challenges and opportunities. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xildhiban Maxamed Abiib Oo ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland la xiray xilli uu ka soo dagayay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaaladaas. Xildhibaanka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka carabta ayaa markii uu soo gaaray Hargeysa xabsiga loo taxaabay, lamana oga sababta ka dambaysa xariga mudanahan sida weyn uga soo horjeeday siyaasadda Muuse Biixi. Maxamed Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa kamida xubnaha golaha wakiilada Soomaaliland ugu cadcad, dhowr jeer ayaana laysku dayay in xasaanadda laga qaado maadaama uu aad u dhaliilo xukuumadda Soomaaliland iyo hab maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa shaagaya in goordhow magaalada Hargeysa lagu xiray Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi. Abiib ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Lama oga sababta ramsiga ah ee loo xiray xildhibaanka oo maalmo kahor isaga oo ku sugan Imaaraadka weerar afka ah xukuumadda Muuse Biixi, sidoo kalena duray SNM. Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo dheer ay is hayaan madaxweyne Biixi, waxaana dhowaan xeer-ilaalinta Somaliland uay ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo ay usoo jeediay xukuumadda Somaliland. Ujeedka ugu wayn ee maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ayaa la xiriirtay qorshe ay wadatay madaxtooyadu oo doonayso inay xirto si loo maxkamadeeyo. Xildhibaanka ayaa isagana iska difaacay xukuumada, wuxuuna ku laabtay Boorama oo laga soo doorto, halkaas oo uu abaabul bulsho ka sameeyay, kadib markii laga taageeray. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayada oo su’aal ay ka taagan tahay qaabka loo wajahay, maadaama uu yahay xildhibaan, welina aan laga qaadin xasaanadda. The post Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Fahad Yasin Haji Dahir, the former Director-General of Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA), has officially severed his political ties with former President Mohamed Abdullahi Mohamed, commonly known as Farmaajo. In a statement released on September 1, 2024, Yasin announced his decision to distance himself from any future political activities associated with Farmaajo. Source: Hiiraan Online
-
Waxa maanta madaarka Hargeysa lagu qabtay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo laga soo doorto gobolka Awdal. Wararku waxa ay ku darayaan in xildhibaanka la geeyay xarunta CID, sidaasi waxa xaqiijiyay dadkii ku sugaayay madaarka Xildhbaan Maxamed Abiib ayaa ah xildhibaanada mucaaridka ku ah xukuumadda Muuse Biixi, waana shaqsi u ololeeya in wax loo qabto ummadda Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal. Hore ayay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ugu fashilantay in xildhibaan Abiib lagu sameeyo xil.ka xatuubin arinkaasi oo baal marsanaa dastuurka uma ay suurto galin xukuumadda . Qaran News