-
Content Count
213,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI, Oct. 12 (Xinhua) — Kenya Airways said Friday that it would suspend all flights into and out of Mogadishu, the capital of Somalia, from Oct. 15 due to operational challenges as it adjusted its network. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is at growing risk of climate-induced displacement, with floods expected to drive tens of thousands from their homes annually in the coming decades, according to a new report by the Habitable Project. The report, released in July 2024, warns that flood risks are set to rise significantly due to climate change, which could increase the number of displaced people in Somalia by as much as nine times under pessimistic projections. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Saalax Jaamac ayaa maanta waayey xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare, sida uu shaaciyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen Senatorada Aqalka Sare. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aanu soo xaadirin kulamada golaha muddo laba sano iyo bar ah, sidaasna uu ku lumiyay kursigiisa. “Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale wuxuu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booska uuu waayay Saalax, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale. Dhanka kale arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha oo doonayay in isla maanta kursigan loo dhaariyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare. Xildhibaannada ka horyimid magacaabidda ayaa ku dooday in aysan suurtagal ahayn, maadaama aan dastuurka lagu heshiin. Senator Xasan Kobac oo kamid ah xubnaha diiday ayaa yiri “Waa degdeg arrintan sax maaha in golaha uu ka shaqeeyo nidaam aan sax ahayn oo qofaan keenaa, midna waan tiraa ah”. Dhankeeda Senator Zamzam Daahir ayaa ku jawaabtay “Kursiga reer Soomaaliland ayaa iska leh Cabdi Xaashi ayaana masuul ka ah wixii reer Soomaaliland ah Gudoomiye Xafiiskaaga kusoo dhamee Senatorka nasoo ag fadhiisi kaliya”. The post Ra’iisul Wasaare xigeenka dalka oo waayey kursigiisa Aqalka Sare, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan in uu xubinimadii aqalkaasi lumiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray go’aan maamul oo ku saabsan buuxin xubinta uu sheegay in ay ka banaanaatay Golaha Aqalka Sare ee uu lumiyay Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka kaddib markii laga qaaday maamuuskii kursigiisa maadaama aanu afar kalfadhi oo Golaha uusan soo xaadirin. Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa musharixii xubnimada aqalka sare kula tartamay Saalax kaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay xaq u leh in uu buuxiyo xubintaas uu banneeyay raysal wasaare ku xigeenka. Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ayaa dib u dhigay in Ibraahim Iidle Sulaymaan loo dhaariyo xubinimada aqalka sare kaddib markii xubnaha aqalka sare ay diideen in ay u codeeyaan in xubinimada laga qaado Saalax Jaamac. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo lumiyay Xubinimada Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Beesha Akishe oo si buuxda ugu biiray xisbiga Waddani Daawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
462752439_417172181151346_7571918240116330507_n Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, xilli ay golaha yaallaan mooshino iska soo horjeeda oo ay wadaan xildhibaano leh ujeedooyin kala duwan. Sheekh Aadan Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa si deg-deg ah usoo laabtay, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda wadankaasi oo uu ka mid yahay dhigiisa dalkaasi Saqr Ghobash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadanka gaar ahaan dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Aadan Madoobe waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horreyso xal ka gaarista arrinta mooshinada iska soo horjeeda oo sababay inuu baaqdo kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in kala aragti duwanaan ay soo kala dhex gashay xildhibaannada oo uu dhinac walba u ololeynaya qorshahiisa gaarka ah, uuna doonayo in la dhaqalgeliyo soo jeedintiisa. Xildhibaannada qaar oo ka hadlay arrintan, gaar ahaan baajinta kulankooda maanta ayaa si weyn u dhaliilay guddoonka golaha, waxaana arrintan ay dhalisay kala qaybsanaan wayn. Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana dhowr kulan la baajiyay xilligii ay taagnayd xiisaddii ka dhalatay xildhibaannadii taageeray Itoobiya, illaa mar dambe si hoose la xalliyay kadib dagaallo kala duwan oo uu sameeyay guddoonka sare ee baarlamaanka dalka. The post Aadan Madoobe oo kusoo laabtay dalka, xilli ay yaallaan mooshino iska soo horjeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah argagixisada, barwaaqana ay ku noolyihiin dadkeedu. Source: goobjoog.com
-
462535244_574753598434800_8875802276376253963_n Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan aan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay dullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka cadowga Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Waajid (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab. Ciidamada ayaa ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Waajid ee gobolja Bakool. Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkaasi, waxayna shaacisay in weerar ay ku beegsatay saldhig ku yaalla Waajid, ayna ku dishay askar Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay hub kasoo furatay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Waajid ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya. The post Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex-maray BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
-
Maantoo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 70 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calanku waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba looga faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Laakin markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay. Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/Q/ Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada aaggaas. Kulanka Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa daarranaa dardar gelinta howlgallada iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jira kooxda Alshabaab ee ka socda dalka. Taliye Dayax ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay ka dib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Baaritaanka ay sameeyeen ciidamada badda ee Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday dhacdo murugo leh oo ka dhacday badda Soomaaliya bishii Janaayo 2024. Intii ay ku jireen hawlgal ay ku doonayeen inay ku qabtaan dooni looga shakisan yahay inay hub u sidday kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, laba askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Navy SEALs—Christopher Chambers iyo Nathan Ingram—ayaa ku dhintay hawlgalkaas. Warbixinta baaritaanka waxay iftiimisay in labada askari ay la kulmeen dhibaatooyin halis ah intii ay ku jireen dabaasha, taasoo ugu dambayn sababtay inay biyaha ku hafteen. Culeyska qalabkooda dabaasha ayaa ahaa mid aad u weyn, taasoo si xun u saameysay kartidooda inay si habsami leh u dabaashaan. Waxa kale oo la sheegay in aysan u isticmaalin jaakadaha sabeynta ee loogu talagalay badbaadada si waafaqsan hab-raacyadii saxda ahaa. Tani waxay noqotay mid ka mid ah qaladaadkii sababta u noqday dhimashadooda. Hawlgalka ayaa ahaa mid khatar badan, waxaana ujeeddadiisu ahayd in la qabto dooni looga shakisan yahay inay hub sharci-darro ah u gudbinaysay kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan Yemen, kuwaasoo dagaal kula jira xukuumadda Yemen oo taageero ka helaysa isbahaysiga Sucuudiga iyo Mareykanka. Dhacdadan ayaa muujisay baahida loo qabo feejignaanta sare iyo ilaalinta hab-raacyada badbaadada xilliyada hawlgalka noocan ah. Source: goobjoog.com
-
Germany forward Deniz Undav scored two first-half goals in six minutes to guide them to a 2-1 victory over Bosnia on Friday and keep them top of their Nations League group. Source: Hiiraan Online
-
Kenya has appealed for urgent financial support from the international community to sustain a police deployment in Haiti, which has been extended by a year. Source: Hiiraan Online