-
Content Count
214,505 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo korodhay Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay. Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe. Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka. Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho. Qaran News
-
A Somali army officer says at least five militants killed during a military operation against Al-Shabaab in the southern Lower Shabelle region in the past 48 hours. Speaking to the state-run media, General Abdihamid Mohamed, the senior SNA commander confirmed those killed in the offensive include a senior Al-Shabaab commander. Mohamed identified the commander as Abu Bakar, who is been in Al-Shabaab ranks for years and stationed in the restive region, which has been the scene of military operations. Al-Shabaab has carried out deadly attacks in the country, mainly in Mogadishu, the capital as part of its decade-long insurgency aimed to oust the Somali government and expel AU troops. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Lambar Lixdan ee Sh/Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka oo socday ku dhowaad saacad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada AMISOM ee ka howlgala deegaanka Lambar 60 ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee Shabelle ku ballansan degmooyinka Waabari iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Waabari iyo Kaxda ayaa sidoo kale ka tirsan group-ka D, waxaana guud ahaan ay u dambeeyaan wareega koowaad ee tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle. Sidoo kale labada degmo ayaa leh dhibco siman, marka la eego natiijada tartamadii hore ee ay ka soo qeyb-galeen, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kale ay barbaro soo galeen, hayeeshee degmada badisa caawa ayaa iska xaadirin doonto waereega sideed dhammaadka ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye iyo Taliye ku xigeen u magacaabay ciidanka Madaxtooyada. Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeena looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali. Cismaan Cumar, Taliyaha cusub ee ciidanka Madaxtooyada Puntland Bishan Maajo 5-teedii ayay ahayd markii uu iscasilay Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, halka xilka laga qaaday Taliye ku xigeenkii Axmed Cilmi Cismaan. Hoos ka akhriso wareegtada magacaabida Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen. Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. 2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Heavy fighting between troops from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Alshabab militants has been reported in Lower Shabelle region on Thursday morning. Residents said. The fighting flared up when al Shabaab fighters launched an attack on a military base manned by AMISOM in Lambar 60, a small village in the lower Shabelle region triggering a fierce gun battle. “We heard heavy sounds of gunfire and artillery shelling as the two sides engaged a gun battle that lasted for hours,” said a local resident who declined to be named. There are casualties though the exact figure is yet to be confirmed. Added the local resident. Neither the coalition forces’ officials nor al Shabaab commented on the skirmish. Recently, Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on al-Qaida linked group in some central and southern regions in the Horn of Africa nation. The assault comes amid ongoing military operations against Al-Shabaab in the region by Somali government forces and their allied AMISOM troops. Al Shabaab regularly attacks AMISOM bases in Somalia, they aim to drive out AMISOM and topple Somalia’s Western-backed government and impose its strict version of Islam on the Horn of Africa state. Al Shabaab, the deadliest Islamic organization in Africa declared their allegiance to Al-Qaeda in 2010. The group was driven out of Mogadishu capital in 2011, and has since lost many strongholds to Somali army and African Union troops. The Al Qaeda linked group still holds large rural swathes of the country and continue to wage a guerrilla war against the Western-backed government of Somalia.
-
Burao (PP News Desk) — The Mayor of Burao Mohamed Murad has criticised Somaliland Government for transporting bodies of people who died of Covid-19 to Burao for Burial. “One person who had died in Hargeysa of Covid-19 was buried in Burao. Another body is currently being transported to Burao for burial. We urge Somaliland Government not to authorise the repatriation of body of a person who has died of Covid-19 in Hargeysa to Burao for burial” the Mayor told the media at Burao General Hospital. The Mayor added that transporting the body of Covid-19 victims to Burao increases the spread of the virus. Somaliland Ministry of Health has yet to issue guidelines on funerals for people who died of Covid-19. The number of people who died of the novel Coronavirus in Somaliland has increased. Somaliland has rudimentary health care facilities that will be overwhelmed if the spread of Covid-19 continues. © Puntland Post, 2020 The post MAYOR CRITICISES SOMALILAND GOVERNMENT FOR BURRYING COVID-19 VICTIMS IN BURAO appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in cudurka Covid-19 uu fara ba’an ku hayo bulshada ku dhaqan gudaha degmadaasi. Sidoo kale maamulka ayaa tilmaamay in 50% dadka ku dhaqan Kaxda uu hayo xanuunka, kadib baaritaan socday labo todobaad oo laga sameeyey gudaha degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-safa-cismaan-dagmada-kaxda-.mp3 View the full article
-
Wadayaasha gaadiidka Muqdisho ayaa ka cabanaya isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Qaar ka mid ah darwallada gaadiidka, gaar ahaan kuwa Bajaajleyda ayaa Shabelle u sheegay in lacago joogta looga qaado dhowr goobood oo ku yaalla wadadaasi. Sidoo kale waxa ay tilmameen in mararka qaar loo geystay jir-dil xoogan, waxaana ay baaq u direen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/isbaar.mp3 View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Hay’adda dambi-baarista Mareykanka ee FBI ayaa si aan ku talagal ahayn waxaa ay u shaacisay magaca diblamaasi u dhashay Sucuudiga, oo la tuhunsanyahay in uu tageero siiyay dagaal-yahanadii Al-Qacida ee fuliyay weeraradii Maraykanka lagu qaaday September 11, 2001-dii, sidaas waxaa wariyay Yahoo News. Aqoonsiga Sarkaalkan, oo ka tirsanaa Safaaradda Sucuudiga ee Mareykanka, ayaa waxaa si khaldan u sheegay Sarkaal ka tirsan FBI-da oo ka jawaabay dacwad ay gudbiyeen qoysaska dhibaneyaashii weeradii 9/11, kuwaas oo Dowladda Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku luglahayd weeradda. Michael Isikoff, oo ah suxufi baare ah kana tirsan Yahoo News, ayaa markii ugu horreysay qaladka ogaaday, waxaana uu Al-jazeera u sheegay in uu ogaa qaabka sirta loo shaaciyay in ay ahayd “khalad taxadar la’aan ku dhacay.” “Markii aan ogaaday in shaacinta uu warkani ku jiro, waxaan fal-celin ka raadiyay FBI-da. Sababtoo ah waxaan ogaa in Waaxda Cadaalada iyo maamulka Trump ay si aan caadi ahayn u doonayeen inay arrinta u daboolaan,” yuu hadalkiisa ku daray suxufiga Yahoo News. “Xaqiiqdii xeer ilaaliyaha William Barr iyo sii-hayaha agaasimaha hey’adda sirdoonka Richard Grennell ayaa maxkamadda geeyay mooshin ay ku sheegayaan in warbixin kasta ee la xiriirta sarkaalka safaaradda Sucuudiga iyo dhammaan qoraalada hey’adda FBI-da ay yihiin xasaasi; waxay ahaayeen sir qaranku leeyahay, taas oo micnaheedu yahay haddii shaaca laga qado in ay waxyeelo u geysan karto amniga qaranka.” Ku dhawaaqistaan waxaa sameeyay Jill Sanborn oo ah kaaliyaha Agaasimaha qaybta argagixiso la dirirka ee FBI-da. Mussaed Ahmed al-Jarrah ayaa magaciisa si aan ku talagal ahayn loogu shaaciyay qoraalka la siiyay maxkamadda, Yahoo News ayaa sheegtay in khadalka dhacay uu xaqiijiyay sarkaal Maraykan ah. Al-Jarrah waxaa uu ahaa sarkaal darajada dhexe uga jiray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sucuudiga, waxaa safaaradda Washington loo magacaabay intii u dhaxaysay 1999-kii iyo 2000. Waxaa lagu eedeeyay in uu kormeere ka ahaa dhaq-dhaqaaqa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee joogay masaajid iyo xarumo diinta islaamka lagu dhigo oo ku yaalla Maraykanka, sida wabixinta lagu sheegay. Yahoo News ayaa baahisay in qoraallo ay doonayeen qareenadda qoysaskii dhibaneyaasha 9/11 uu Sanborn ku sheegay in qayb ahaan lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay FBI-da 2012-kii, kadib baritaan ay ku sameysay in xiriir uu ka dhaxayn karo Dowladda Sucuudiga iyo afduubeyaashii Al-Qaacida. Markii hore, baaritaankaas waxaa diiradda lagu saaray laba shaqsi oo kala ah Fahad al-Thumairy oo wadaad ah iyo Omar al-Bayoumi oo ah xubin ka tirsan sirdoonka Sacuudiga. Warbixin ka kooban saddax bog iyo bar oo FBI-du soo saartay October 2012-kii ayey ku sheegtay in sirdoonka FB-du heleen caddeyn muujineeysa in al-Thumairy iyo al-Bayoumi loo xil saaray in ay caawiyaan laba ka mid ahaa Afduubeyaasii Al-Qaacida, waxaana u xil saaray shakhsi magaciisa la qariyay. Waa markii ugu horreeysay oo qofka “sedexaad” loo aqoonsado in uu yahay Diblamasi Sacuudi ah. Laakiin caddeynta ay soo ururisay hay’adda FBI-da ee ku saabsan xiriirka uu Al-Jarrah la sameeyay labada afduube weli wax qarsoon, sida uu shegayo warka Yahoo News. Ma cadda inta ay la egtay awoodda caddeynta ka dhanka ah Al-Jarrah, kaasi oo halka iminka uu joogo aysan weli caddeyn. Laakiin shaacinta sirtaani waxaa ay u muuqaneeysaa in ay su’aal cusub ku dhalineeyso suurta galnimadda in uu jiro xiriir ka dhaxeeyay Sucuudi Carabiya iyo weerarkii 9/11. “Tani waxaa ay muujineysaa in Dowladda Maraykanku ay dabooleyso ku lug lahaanshaha Sacuudiga ee weerarkii,” ayuu yiri Brett Eagleson oo ah Afhayeenka qoysaska dhacwadda ka gudbiyay Sacuudiga. Yahoo News ayaa werisay in ay la xiriirtay waaxda cadaladda Isniintii, laakiin saraakiil ayaa maxkamadda ogeysiiyay, waxaana qoraalkii FBI-da laga saaray qaybta dadweynaha, si loo qariyo. Toban iyo shan ka mid ah 19-ka dagaalyahan ee qaaday weerarkii 9/11 waxa ay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiga u dhashay, waxana weerarkaas ku dhintay 3,000 oo qof. Dowladda Sucuudiga ayaa si isku xig xigtay waxaa ay u diiday in ay ku lug lahayd weerarka ay qaadeen afduubeyashii Al-Qaacida. Waxa ay laba diyaaradood ku garaaceen xaruntii ugu weyneyd ganacsiga aduunka ee magaaladda New York. Diyaaraddii saddaxad waxaa ay ku dhufteen gaashaan dhigga Maraykanka oo ku yaala banaanka Washington, middii afraadna waxay ku dhacday meel banaan oo Gobolka Pennsylvania.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-14052020-ww.mp3 View the full article
-
(SLT-Beijing)-Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyey inay ku gefayaan kadib markii Washington ay sheegtay in kooxo internet-ka jabsada oo Shiinees ah ay isku dayeen inay xadaan cilmi-baaris la xidhiidha horumarinta talaalka cudurka Coronavirus. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in kooxahan internet-ka jabsada ay isku dayeen inay helaan xog la xidhiidha tallaalka iyo daweynta coronavirus, ayaga oo ka digay isku dayadan oo ay ku lug leeyihiin kooxo ku xiran dowladda Shiinaha. FBI-da Mareykanka iyo Hay’adda Amniga Internet-ka ayaa sheegay in dadaallada Shiinaha “ay halis muuqata” ku yihiin jawaabta Mareykanka ee COVID-19. “China waxay si xooggan u muujineysa ayna ku qanacsaneyn, kana soo horjeedoo gefka noocan ah,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian, oo shir jaraa’id ku qabtay Beijing. Zhao ayaa sheegay in Beijing ay guulo u gaar ah ka sameysay dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus. Si kastaba, Zhao ayaa sheegay in ficil kasta oo Online ah oo lagu waxyeeleynayo dadaallada socda ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 ay tahay in la cambaareeyo. Mareykanka iyo Shiinaha, oo horey ay uga dhaxeysay xiisad dhanka ganacsiga ah ayaa marar badan hadallo kulul isku dhaafsaday cudurka Coronavirus. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo saraakiil ka tirsan maamulkiisa ayaa horey Beijing ugu eedeeyey inay qarisay xogta cudurkan, taasi oo sida ay sheegeen gacan ka gaysan lahayd in cudurka laga hortago inta uusan ku faafin caalamka, eedeyntaas oo Beijing ay beenisay. Source
-
The Somali health ministry on Wednesday confirmed 49 new cases of COVID-19, bringing the total of infections to 1,219. Fawziya Abikar, the health minister said four people recovered from COVID-19, raising the total number of people who had been discharged from hospitals to 130. The minister said no person succumbed to the disease as the death toll remained at 52. The minister said 38 of the latest cases are male while 11 others are female. The spike in the COVID-19 cases comes at a time Somalia is facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation and the World Health Organization said it has intensified response efforts for contact tracing in Somalia by deploying some 4,000 community healthcare workers across the country. The UN health agency has also warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care may overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
The novel coronavirus is likely to stick with us for a while, much like HIV has, the World Health Organisation (WHO) has said as it warned people that they may have to learn to live with it. Source: Hiiraan Online
-
The federal government of Somalia has asked its citizens living in Kenya and willing to be evacuated at own cost to file their contact details as soon as possible. Officials at the Somali Embassy in Nairobi issued a notice asking anyone ready to buy a ticket out of Kenya to send their information via an online platform to be helped out of the country. The flight booking will be ongoing until on 17th May 2020, according to the embassy. One of the conditions issued said only Somali citizens will be evacuated as long as they can pay their own ticket. Those citizens will have to prove they are free from the novel coronavirus disease (Covid-19), which means they will have to be certified by the Kenyan authorities before they are flown back to the country. The decision to evacuate citizens comes amid increasing public pressure both at home and among the diaspora community for the government to rescue those stranded in the wake of the novel coronavirus pandemic. Meanwhile, Somalia sees a spike in the covid-19 cases amid the country facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation and the World Health Organization said it has intensified response efforts for contact tracing in Somalia by deploying some 4,000 community healthcare workers across the country. The UN health agency has also warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care may overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights.
-
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegtay laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Canada. Labadaas diyaaradood, ayaa loogu tala galay in Ayax looga buufiyo degaananda uu kaga habsaday Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland, Somaliland iyo Galmudug halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay uu fara ba’an ku hayay Ayaxa. Mashruucaas, waxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado hawada ka buufinaya Ayaxa appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Garoowe)-Tirada wasiirrada Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Laba kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka laba kalena ayna weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covid 19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay. Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degdeg ah kusoo aaday Garoowe. Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baadhitaanka cudurka. Puntland, cudurka covid19 ayaa gaadhay 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday degmooyinka ay rumeysan yahay in laga soo tuuro hoobiyeyaasha lagu beegsado xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in degmooyinkaas ay yihiin Wadajir, Dharkanley iyo Kaxda. Tuulax ayaa sheegay in dhowr jeer saddexdan degmo ee gobolkan Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayna iminka wadaan howl-gallo amingooda lagu xaqiijinayo, loogana hortagayo falal amni darro oo ay ka fuliyaan Al-Shabaab. Tuulax ayaa hadalkan sheegay xilli xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka saddexda degmo Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho. Inkasta oo Tuulax uu sheegay saddexdan degmo, haddana mid ka mid ah weeraradii hoobiye ee ugu dambeeyey waxaa laga soo qaaday degmada Kaaraan, sida ay xog gaar ah ku heshay Caasimada Online. Toddobaadyadii dhowaa, waxaa kordhay weerarada hoobiye ee Al-Shabaab ay ku beegsaneyso xarunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde, ayada oo mararka qaar ay toddobaad gudihiis fuliyeen laba ama saddex weerar. Dhinaca kale, Tuulax ayaa ugu baaqay laamaaha amniga Soomaaliya inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga, islamarkaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga. Hoos ka dhageyso codka Tuulax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Tuulax.mp3
-
Soomaaliland ayaa shaacisay in manta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 14 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 7 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 6 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 68 kiis. Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,219 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu shaaciyay inay dib u habeyn ku sameeyeen sugidda amniga deegaannada maamulkaasi maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay ku jiraan feejignaan amni. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim Goojaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al shabaab ay doonayaan in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay weeraro ka fuliyaan deegaannada maamulkaasi waxa uuna xusay inay ka feejiganyihiin weeraradaasi. Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in amaanka magaalada Kismaayo haatan si aad ah loo adkeeyay isaga oo intaas ku daray in magaalada dhexdeeda aan loo ogolaan doonin qof aan ka tirsanayn ciidanka magaalada inuu hub ku dhex wato. “Dhamaan ciidamada Loogu talagalay sugidda amniga magaalada Gudaheeda waxaa ay Fareynaa in aysan ogolaan cid aan ciidamadooda kamid ahayn aanu la ogoleyn in qori uu ku dhex sito magaaalada dress ha wato amaba yuusan wadan”ayuu yiri Aaadan Goojaar taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland. Dhanka kale Taliye Goojaar ayaa digniin u diray dadka siyaabaha kale u suurad xumeynaya howlaha lagu sugayo amniga isaga oo sheegay in daadkaas ay u arki doonaan inay yihiin kuwa suurad xumeyna howsha amni waxa uuna mar kale yiri “cid kasta oo suurad xumeyneysa howshaas waxaan u aragnaa cid qal qal galineysa amniga,mana u dulqaadaneyno,waxaana laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga,waxaa lagama maarmaan ah kulana xisaabtameynaa,kana dooneynaa cid kasta oo howsha amniga suurad xumeyneysa,waxa ay ku suurad xumeyneyso cadeemaheeda ayaan ka rabnaa”. Jubbaland ayaa qeyb ka ah maamullada dagaalka kula jiro Al shabaab xilli caasimadda maamulkaasi ee Buáalle ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bu’aale (Caasimadda Online) Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoonsan halka laga leeyahay ay duqeymo ka geysteen saacadahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka. Sida warka lagu helay duqeymaha waxaa laga fuliyay goobo ay ka mid yahiin garoonka diyaaradaha magaalada Bu’aale oo la fahamsan yahay iney fariisin weyn ku leeyahiin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Al-Qaacida. Sidoo kale deegaanada Jiira garoob, Sariiraha iyo Arabow ayaa la sheegaya iney duqeymaha ka dhaceen, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda hadii duqeymahaas ay khasaaro naf iyo maalba geysteen. Mudooyinkii dambe gobolada Jubooyinka waxaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysanayay ciidamada Mareykanka kuwaas oo caawinaad ka hela ciidamada Kenya iyo kuweea Soomaalida. Taliska Jubbaland iyo Al-Shabaab qudhooda ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay iney ka dhaceen deegaano dhaca Jubbada Dhexe, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli kooxda Al-Shabaab dhawr dagaalyahan looga dilay hawlgalo laga fuliyay gobolka Shabeelada Hoose.
-
Popular Contributors
