Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Somalia has embraced Egypt's proposal to send peacekeeping troops as part of the incoming African Union Mission to Support Stabilization in Somalia (AUSSOM) to stabilize the country. The mandate for the African Union's current peacekeeping mission, ATMIS, concludes in December. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud kormeeray xerada uu tababarku uga socda ciidanka cirka Soomaaliya ee dalka Eritrea . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo, waxa uuna xusay muhiimadda ay Ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida. Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka Garasbaaley, Waaberi iyo Xamar Jajab, Kaaraan iyo Cabdicasiis, isaga oo dhagax-dhigay waddada isku xirta dabka illaa isgoyska Bakaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka caasimaddu ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha, waxa uuna xusay in Muqdisho hadda ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada. Waxa uu intaas ku daray in dib-u-dhiska waddooyinku ay ka jawaabayaan canshuurtii laga qaaday dadka Soomaaliyeed in ay ku dhacday gacan aamin oo dib ugu soo celinaysa bulshada, iyada oo loogu beddelayo horumarka iyo amniga ay u baahan yihiin. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir horumarka iyo dib-u-dhiska ballaaran ee ay ka wadaan Muqdisho, si ay caasimaddu ula tartanto caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka. Source: goobjoog.com
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo khasaare geystay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka iyo xerada Lamagalaay, wuxuuna dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo kan Hiiraan State. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan HirShabelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan. Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalka saakay ayaa waxaa durba guullo ka sheegtay hoggaanka Hiiraan State, iyada oo ujeedka weerarka ciidanka HirShabelle ku sheegay inay doonayeen carqaladeynta munaasabad loogu dabaaal-dagayo sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan kadib markii odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalkan ay ku guuleysteen inay kala qaadan labada ciidan ee dagaalamay. Hase yeeshe waxaa weli sareysa cabsi la xiriirta in markale dagaalamaan labada dhinac ee gobolkaasi isku haya, maadaama goobaha ay kala joogaan aysan aad u kala fogeyn. Shaqaaqadan ayaa imanaysa xilli maalmihii dambe la warinayay inay sii kala qeybsameen xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhexdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada. The post Dagaal culus oo u dhaxeeya HirShabelle iyo Hiiraan State oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  5. 462664238_1102092064861068_5579060389319474425_n Qaran News
  6. Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunt gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka oo Jimce ah uu halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State ayaa ka dhacay aagga xerada Lamagalaay oo ay ku taallo xarunta gobolka, waxaana dagaalkaas inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo qof. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada taabacsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarunta maamulka gobolka Hiiraan. Odayaal iyo waxgarad dhexgalay dagaalka ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan labada ciidan, waxaana hadda xaaladu tahay mid degan, inkastoo marwalba la filan karo in markale dagaalamaan labada dhinac maadama goobaha ay kala joogaan aysan kala fogeyn. Waa markii labaad oo ay sanadkan gudihiisa magaalada Beledweyne ku dagaalamaan ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State, bishii Maarso ayaa sidaan oo kale dagaal dhexmaray. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe wajaheysay cadaadis xooggan kadib markii dowladda ay qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah ayaa waxay bilowday qorshe ay ku horumarineyso taatikadeeda dagaalka. Baaris dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Al-Shabaab ay haatan isku diyaarineyso adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka. Diyaaradahan ayey kooxda qorsheynaysa inay u adeegsato laba siyaabood, oo kala ah; 1. Sahminta bartilmaameedka Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda ayaa qorsheynaysa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn u adeegsato sahminta iyo xog soo aruurinta bartilmaameedka, sida; saldhigyada ciidamada iyo xarumaha dowladda. Al-Shabaab ayaa horey sahminta bartilmaameedka u adeegsan jirtay xubno kamid ah dagaal-yahaanadeeda, waxayna hadda taatikadaasi noqotay mid ay ku guul-daraysatay kooxda, kadib howl-gallada ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka iyo qorshaha xasilinta caasimada. 2. Fulinta weerarada Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda ku taameyso inay kusoo biiriso taatikadeeda dagaalka ayaa ah nooca xambaara qaraxyada ama is-qarxiya , kuwaas oo burburin kara bartilmaameedka loo adeegsado markaas. Tan waa midda ugu halista badan, kuna riixeysa kooxda adeegsato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, si ay markaas si sahal ah ugu weerarto saldhigyada ciidanka iyo xarumaha dowladda ee sida aadka loo ilaaliyo, waana midda sida weyn uga digayaan khubarada amniga. Haddaba, halkee kooxda ka keenaysa diyaaradahan horumarsan? Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan xiriir iskaashi la gaartay Xuutiyiinta Yemen, oo iyadu taageero ka hesha Iran, waana halka kooxda ay qorsheynayso inay kasoo waarido diyaaradaha aan duliyaha laheyn. Sida ay ogaatay Caasimada Online intii aan wadnay daba-galka qorshahaan halista, waxaa deegaanada Al-Shabaab gaaray tiro Injineero ah oo dhanka Xuutiyiinta Yemen uga yimid, kuwaas oo ka shaqeynaya tababarka iyo ka dhabeynta qorshahaan bilowga ah. Sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegaysa in kooxda wado inay muddo kadib samayso maktab cusub oo ay ugu magacdarayso, tusaale ahaan; maktabka drones-yada ama maktabka diyaaradaha bilaa duuliyaha ah. Qorshahaan oo hadda wejigiisa koowaad uu socdo ayaa sare u qaadaya halista kooxda Al-Shabaab, waxaana khubarada ku talinayaan in tallaabo deg-deg ah ay qaado dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka si uusan qorshaha ugu gudbin wejigiisa labaad. Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in 26-kii August ee 2024 uu maamulka Puntland qabtay toddobo xubnood oo Shabaab ahaa iyo tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kamid ahaa hubkii ay siteen. Kamikaze ayay Puntland ku sheegtay magacyada diyaaradahaas bilaa duuliyaha ahaa ee ay qabteen. Diyaaradahaas oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay kasoo galeen dhanka Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday Gaalkacyo. Kamikaze waa nooc diyaaradeed ku cusub goobaha dagaallada. Waxaana hadda aad u isticmaala Ruushka iyo Ukraine, sidoo kale Xuutiyiinta Yemen ayaa adeegsada diyaaraddaasi. In kasta oo ay jiraan dalal iyo kooxo haysta, oo ay kamid yihiin Israel, Mareykan, Kuuriyada koofureed, Turkey, Shiinaha iyo Iran. Waa diyaarad xajmi ahaan yar, xawaaraheeda ay gaabiso, joogga ay ku duushana ay tahay mid aan la arki karin, masaafo ahaanna duuli karta maylal badan, waxayna sidaa qaraxyo. Waxay awood u leedahay inay ka dhuumato Raadarka, iyada oo burburin karto bartilmaameedkeeda. Si kastaba, xogahan ayaa muujinaya in kooxda isu diyaarinayso inay horumariso taaktikadeeda dagaal iyo inay masraxa dagaalka ku soo dari doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dheerba. The post Xog: Al-Shabaab oo bilowday qorshe halis ah oo la xiriira diyaaradaha Drones-ka appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre on Friday inaugurated a newly paved road in the Garasbaaley district of the Banadir region to improve traffic flow and mobility in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa qabsaday kontaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay la wareegeen gacan ku haynteeda. Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan, waxayna gebi ahaanba qabsadeen kontaroolka waqooyiga Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. “Waxaan cabasho ka nahay in aynaan muddo bilo ah naga maqan yahay mushaarkii iyo xuquudayadii,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan oo ka dalbaday dowladda in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda. Maamulka Puntland illaa hadda kama jawaabin gadoodka ciidankan oo salka ku haya cabasho mushaar la’aan billo ah oo maamulka Deni uga maqan tahay xuquuqdooda. Ma ahan markii u horeysay ee ciidan ka gadoodsan mushaar la’aan ay qaadan tallaabo noocaan ah, iyada oo la xasuusto in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulka ay mar isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyada. Si kastaba, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa weli dul hoganaya fashilka bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo ayagu billooyinka qaar aan helin wax xuquuq ah. The post Ciidamo gadoodsan oo qabsaday kontarolka waqooyiga Gaalkacyo + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  10. The Yemeni Houthi group said Thursday it targeted two ships in the Red Sea and the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  11. Kenya pledged to send 600 more police officers to Haiti to help fight gangs controlling capital, Port-au-Prince, and nearby areas. Source: Hiiraan Online
  12. High-level security coordination in recent weeks has been under way between Egypt and Somalia on the deployment of Egyptian troops as part of the African Union Mission to Somalia (AMISOM), amid regional concerns over Cairo's mounting strategic and military influence in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  13. Kenya announced Wednesday that it will allocate around 775,000 U.S. dollars to support security and other agencies in evacuating its citizens trapped in the conflict between Israel and Lebanon due to the volatile situation in the region. Source: Hiiraan Online
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Laamaha amniga Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka digay qaraxyo ka dhici kara magaalada oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab 48-ka saac oo soo socda. Waxaa heegan xooggan la geliyey ciidamada amniga, ayada oo sidoo kale la adkeeyey baaritaanada amni, si looga hortagi qaraxyadan oo xogtooda la helay. Meelaha laga digay waxaa mid ah; xaruumaha maamulka iyo goobaha bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay laamaha amniga Beledweyne. Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ka fulisay magaalada, ayada oo Beledweyne ay tahay magaalada labaad ee maleeshiyadan ay ugu beegsi badan tahay kadib caasimadda dalka ee Muqdisho. Qaraxii ugu dambeeyey ayaa dhacay dhammaadkii June, waxaana lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay. Markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka. Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State. Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada. The post Qaraxyo laga digay in 48-ka saac ee socda ay ku soo wajahan yihiin magalaada… appeared first on Caasimada Online.
  15. Lee Carsley ran into the first problems of his tenure as England’s interim coach after a bold team selection backfired in a 2-1 home loss to Greece in the Nations League on Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. Former NBA star Derek Fisher has been coaching young players on the basketball courts of Kenya, part of a plan that the NBA has to train and spot new talent on the continent. Our correspondent Olivia Bizot went to take a look. Source: Hiiraan Online
  17. Boqortooyada Midowday ee UK iyo Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar qabyo ah oo ay ku doonayaan in dib loogu cusboonaysiiyo waajibaadka Khabiirka Madaxabannaan ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Qaraarkan ayaa soo dhoweynaya dadaallada Soomaaliya ee joogtada ah ee lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyada oo si gaar ah loo xusay ansixinta Sharciga Xuquuqda Naafada iyo sameynta koox farsamo oo heer wasiirro ah oo ka shaqeysa arrimaha xuquuqda aadanaha. UK ayaa ku ammaantay Soomaaliya wadashaqeynteeda joogtada ah ee la leedahay Khabiirka Madaxabannaan iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Dadaalka Soomaaliya ee dhinaca xuquuqda aadanaha ayaa lagu tilmaamay mid tusaale u ah sida ay u qaadatay waajibka arrintan. Sidoo kale, qaraarka ayaa ku dhiirrigelinayay dowladda Soomaaliya inay sii wado hirgelinta ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyada oo lala shaqeynayo saaxiibada caalamiga ah si looga hortago caqabadaha jira. UK waxay carrabka ku adkaysay in taageerada farsamo iyo dhisidda awoodaha ay noqdaan kuwo dabacsan oo ku saleysan baahida gaarka ah ee Soomaaliya. UK ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay inay sii xoojiso taageerada ay u hayso Soomaaliya, iyadoo golaha ka codsatay in qaraarkan la taageero si loo sii wado iskaashiga iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  18. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa hogaaminaysa dalalka ugu badan ee xukuma dilka, iyadoo ay ku fulisay 74 boqolkiiba dhammaan dilalka xukunka dilka ee la diiwaan geliyay, sida ay sheegtay Midowga Yurub (EU) xuska Maalinta Yurub iyo Adduunka ee Ka Dhanka ah Dilka, oo la qabtay Oktoobar 10. Bayaanka wadajirka ah ee ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Yurub, Alain Berset, ayaa lagu cambaareeyay xukunka dilka in uu yahay fal bini’aadantinimada ka baxsan, bahdilid iyo ciqaab, taas oo u taagan diidmo buuxda oo ka dhan ah sharafta aadamiga. Xuska munaasabadda awgeed, Midowga Yurub iyo Golaha Yurub ayaa si adag ugu adkeystay diidmadooda aan shaki lahayn ee ka dhanka ah xukunka dilka ama dib-u-soo celintiisa, xitaa xaalad kasta oo ku timaada. Waxay ku sheegeen bayaanka: “Waxaan soo dhaweyneynaa taageerada sii kordheysa ee caalamka oo dhan ee ku aaddan baabi’inta xukunka dilka. “In ka badan laba meelood saddex meel dalalka adduunka ayaa baabi’iyay xukunka dilka, ama sharciga ahaan ama ficil ahaan. Sannadkii la soo dhaafay, tirada dalalka fuliyay dilalka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo. Inkasta oo isbeddelkan loo socdo baabi’inta dilka, haddana wali waxaa xukun dil ah laga fulinayaa dalal kala duwan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah. Sida ay sheegeen Golaha Yurub iyo Midowga Yurub, shanta dal ee ugu badan ee xukunka dilka ka fuliyay waxay kala ahaayeen Shiinaha, Iiraan, Sacuudiga, Soomaaliya, iyo Maraykanka. Warbixinno ayaa tilmaamaya in Iiraan ay kaligeed ka dambeysay 74 boqolkiiba dhammaan dilalka la diiwaan geliyay. Isticmaalka nitrogen hypoxia, oo ah hab dil muran dhaliyay oo ka socda Maraykanka, ayaa lagu tilmaamay arrin walaac weyn leh. Golaha Yurub ayaa xusay in Belarus ay tahay dalka kaliya ee ku yaalla qaaradda Yurub ee weli fulisa xukunka dilka. Dhanka kale, hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in saddex dal oo ku yaalla Saxaraha Afrika ka hooseeya oo tixgelinaya inay ka laabtaan xukunka dilka, ay hadda tahay xilligii ay tallaabo qaadi lahaayeen oo gebi ahaanba meesha ka saari lahaayeen xukunka dilka, si waddamada kale ee adduunka ay raacaan. Kenya iyo Zimbabwe ayaa hadda horyaalla hindise-sharciyeedyo la doonayo in dhammaan dembiyada laga baabi’iyo xukunka dilka, halka Gambia, oo horumar joogto ah ka samaysay arrintan tan iyo 2017, ay billowday hab-raac sharci oo ka mid tahay in si buuxda meesha looga saaro xukunka dilka. Amnesty International waxay sheegtay in sanadkii 2023 ay diiwaangelisay 1,153 dil, taas oo ah koror dhan 31 boqolkiiba (270 dilal dheeri ah) marka loo eego 883 dil oo la diiwaangeliyay sanadkii 2022. Waxay sheegtay in sanadkii 2023 uu sii waday isbeddel walaac leh oo ku saabsan kordhinta dilalka Iiraan iyo Sacuudiga, go’aanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ee ah in dib loo bilaabo dilalka, iyo Maxkamadda Sare ee Taiwan oo ku guuldareysatay inay meesha ka saarto xukunka dilka. Soomaaliya oo dal Islaam ah. Waxaa lagu dhaqaa Diinta Islaamka. taasoo jideysay in qofkii qof dila si kas ah loo dilo si umadda loo kala badbaadiyo. Source: goobjoog.com
  19. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talogalay loo dhaca islamarkana la yaab leh”. Yoav Gallant ayaa intaa ku daray in Tehran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhaceen – laakiin ay arki doonaan uun natiijada. Erayadiisa kulul ayaa daba socday wada hadal dhanka teleefoonka oo si aad ah loo wada sugayay oo dhex maray madaxweyne Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yeeshay wadahadlakan oo la rumeysan yahay inuu ahaa wadahadalkoodii ugu horreeyay muddo toddobaadyo. Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Biden ayaa loo rumeysan yahay inay ka wadahadleen jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii gantaallada ee Iiraan toddobaadkii hore iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Bariga Dhexe. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay sidoo kale ku soo biirtay wadahadalka dhanka telefoonka ahaa muddo 30-daqiiqo ah. Waxaa loo malaynayaa in wadahadalka uu daarnaa si Biden uu ugu qanciyo Israa’iil inay xaddiddo jawaabta ay ka bixinayso weerarka Iran. Iyadoo ka hadlayay shir jaraa’id, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad – Kariin Joon-Pia – ayaa sheegtay in wadahadalku uu ahaa mid miro dhal ah: Wax yar ka dib markii la soo gabagabeeyay kulankaas, wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in weerarkooda aargoosiga ah ee Iran uu noqon doono “mid adag oo aan khasaarihiisa la saadaalin karin. “Ma fahmi doonaan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, keliya waxay arki doonaan natiijada,” ayuu yiri Gallant. Dhinaca kale waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil, iyadoo afar qof lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay tuulo Lubnaan ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Sidon. Magaalada yar ee Israa’iil ee Kiryat Shmona, lamaane ayaa lagu dilay gantaallo ay Xisbullah ka soo tuurtay Lubnaan. Waxaana la sheegayaa inay yihiin shacabkii ugu horreeyay ee reer Israa’iil ah oo ku dhinta tan iyo markii uu dagaalka xudduudaha uu sii xoogeystay 12 maalmood ka hor. Gantaallo ayaa sidoo kale lagu garaacay magaalada dekedda leh ee Haifa ee Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof. Xisbullah ayaa labadii maalmood ee u danbeysay waxa ay bartilmaameed toos ah ka dhigteen magaalada dekedda leh ee Haifa oo ah magaalada seddexaad ee ugu wayn Israa’iil. Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay fuliyeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay ku ku garaaceen magaalada Haifa. Magaaladaan ayaa leh dekedda ugu weyn Israa’iil waxaana mararka qaarkood ku soo xirta ciidamada badda ee Mareykanka. Haifa ayaa sidoo kale leh warshado kiimikooyinka iyo goobo lagu sifeeyo shidaalka, waana magaalo uhiim u ah Israa’iil. Gantaalada lagu weeraro magaaladaan ayaa sababi kara dhibaatooyin ballaaran oo soo gaara xarumo kala duwan oo muhiim u ah Israa’iil. Dhanka kale haddii la weeraro xarumaha sifeeya shidaalka iyo kuwa kiimikooyinka waxaa ka dhalan kara khatar ku timaadda dadka iyo deggen magaalada Haifa. Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay in ka badan 1,100 weerar oo dhanka cirka ah tan iyo markii duullaankeeda dhulka ah uu ka billowday koonfurta Lubnaan 30-kii Sebtembar. Duqeynta Israel ee Lubnaan waxaa ku barakacay boqolaal kun guud ahaan dalka. Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ku dhawaad 1.2 milyan ay gudaha dalka barakacayaal ku yihiin iyadoo dad ka badan 400,000 oo intooda badan ay Suuriyaan yihiin ay u qaxeen dalka dariska la ah ee Suuriya. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in rubuc ka mid ah dadka Lubnaan ay Israel ku amartay in ay ka baxaan guryahooda iyadoo xaalada bani’aadannimo ay ka sii dareyso sida ay sheegeen hay’adaha OCHA iyo tan Qaramada Midoobay ee arrimaah bani’aadannimada. Tuulooyin ka badan boqol oo ku yaal koonfurta Lubnaan ayaa dadka loo sheegay in ay ka baxaan. Isha: BBC The post Mareykanka iyo Israel oo go’aan ka gaaray sida looga aarsan doono IRAN appeared first on Caasimada Online.
  20. Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerki iyo Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Asmara. Bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa lagu sheegay in la isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya. Haddaba maxaa mideeyey saddexdan dal? Dr. Cali Siciid Fiqi oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha diblomaasiyadda waxa uu qabaa in muhiimada kulanka ay la xiriirto “sidii looga hortagi lahaa damaca Abiy Axmed”. “Labada dal waxay aaminsan yihiin dhibaatada gudaha ka haysato Abiy Axmed in uu u wareejinayo Soomaaliya ama Eritrea,” ayuu yiri. Sidoo kale Soomaaliya waxay dooneysaa, sida uu sheegay, sidii ay uga hortagi laheyd in uusan dhicin “damac kasta oo Itoobiya ku dooneyso bad ay ka hesho dhulkeeda,” ayuu sii raaciyey. “Soomaaliya waxay dooneyso waa in ay ka hortagto heshiiska isafgaradka iyo damaca itoobiya ay bad ku dooneyso.” Dan ma ugu jirtaa Soomaaliya? Dr. Cali Cabdi Baab waxa uu ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, waxa uuna qabaa in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin shirkan saddax geesoodka ah. “Soomaaliya dan muuqata oo ah mid dhaqaale ama mid amni oo ugu jirta heshiiskan nooma muuqato, Itoobiya waxay dhex joogtaa caloosha Soomaaliya, maamul goboleedyda qaar Itoobiya ayey heshiis la yihiin,” ayuu yiri. Hadaba maxay tahay ujeedka ugu muhiimsan ay u shirayaan? Dr. Cali ayaa u arka in loo heshiinayo Itoobiya. “Nuuxurka shirka waa iskaashi militari oo saddexda dal sameysteen ujeedkuna waa in lagu cadaadiyo dowladda Itoobiya,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga milateri ee Eritareya ay qaybta ka tahay laga yaabo inuu ka caraysiiyo Jabuuti oo weli xurguf xagga xuduudda ah ay kala dhaxayso Eritrea. The post Soomaaliya dan ma ugu jirtaa isbaheysiga cusub ee Asmara? appeared first on Caasimada Online.
  21. Passengers disembark from Starsky aircraft at Caabdudwaaq Airport earlier yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — A light aircraft touched down at Caabudwaaq Airport yesterday, after more than a week of suspended flights. Militias, based 45 km south of Caabudwaaq and armed with 36-calibre anti-aircraft guns, surfaced on social media, threatening to shoot down any aircraft travelling to or from Caabudwaaq. This was reportedly in response to weapons captured in the district several months ago. Aircraft operators based in Mogadishu justified the temporary suspension of flights on grounds of passenger safety, but Caabudwaaq authorities hinted at possible political stratagems aimed at isolating the district and its inhabitants. The threat to the aircraft reminded many of similar tactics used by militias to keep Mogadishu Airport closed, until the Union of Islamic Courts reopened it following the defeat of warlords in 2006. The Federal Aviation Ministry has not issued any statement regarding the risks posed to aircraft by militias in the southern parts of Galmudug. © Puntland Post, 2024 The post Flights Resume at Caabudwaaq Airport After Temporary Suspension appeared first on Puntland Post.
  22. Passengers disembark from Starsky aircraft at Caabdudwaaq Airport earlier yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — A light aircraft touched down at Caabudwaaq Airport yesterday, after more than a week of suspended flights. Militias, based 45 km south of Caabudwaaq and armed with 36-calibre anti-aircraft guns, surfaced on social media, threatening to shoot down any aircraft travelling to or from Caabudwaaq. This was reportedly in response to weapons captured in the district several months ago. Aircraft operators based in Mogadishu justified the temporary suspension of flights on grounds of passenger safety, but Caabudwaaq authorities hinted at possible political stratagems aimed at isolating the district and its inhabitants. The threat to the aircraft reminded many of similar tactics used by militias to keep Mogadishu Airport closed, until the Union of Islamic Courts reopened it following the defeat of warlords in 2006. The Federal Aviation Ministry has not issued any statement regarding the risks posed to aircraft by militias in the southern parts of Galmudug. © Puntland Post, 2024 The post Flights Resume at Caabudwaaq Airport After Temporary Suspension appeared first on Puntland Post.
  23. Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, kaas oo ay uga wadahadleen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka. Shirkan ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi. Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya oo yeeshay isbahaysi ku saabsan xaaladda gobolka appeared first on Puntland Post.
  24. Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, kaas oo ay uga wadahadleen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka. Shirkan ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi. Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya oo yeeshay isbahaysi ku saabsan xaaladda gobolka appeared first on Puntland Post.
  25. United Nations investigators have accused Israel of deliberately targeting Gaza’s health facilities and killing medical personnel during its war on the besieged enclave. Source: Hiiraan Online