-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in uu ku biiro barnaamijka bank-yada adduunka ee tala-bixinta iyo maareynta kaydka ee lagu magacaabo RAMP, isagoo noqday 𝐱𝐮𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟕𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee ku biirta shabakaddan caalamiga ah oo ay ku mideysan yihiin bangiyada dhexe ee adduunka, hay’ado maaliyadeed oo caalami ah, iyo sanduuqyada maareeya maaliyadda howl-gabka. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi , oo ka qeyb-gelay shir-sannadeedka Bangiga Adduunka (WB) iyo hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) 2024 uga socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa saxiisay heshiika uu Bankiga Dhexe ugu biiray Barnaamijka RAMP ee Bangiga Adduunka. Guddoomiyaha oo tilmaamaya muhiimadda heshiiskani u leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ku biirista barnaamijkani ay bank-ga dhexe Soomaaliya ka dhigayso mid la jaan-qaadaya hannaanka casriga ah ee kaydka iyo maareynta bank-yada dunida, wuxuuna hoosta xariiqay in tillaabadani ay tahay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay. Source: goobjoog.com
-
Taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee gobolada Saaxil Awdal iyo Togdheer ayaan caawa isu soo bixin sidii hore looga bartay. Xisbiga Kulmiye ayaa caawa ilaa bari u lahaa in ay isu soo baxaan oo ay muujiyaan cududooda hadaba magaalooyinka Burco,Boorama iyo Berbera ayaa caawa haawanaaya oo aanu Xisbiga Kulmiye aanu wax awood ku lahayn. Waxa caawa lagu arkay magaaladda Ceerigaabo oo uu ku suganyahay mid ka mid ah wasiir ku xigeenada xukuumadda Muuse Biixi waxana uu halkaasi maryo ugu qaybiyay 10 qof si ay u taageeraan xisbiga Kulmiye. Waxa xoogaa dad ah lagu soo daabulay Khayriyada nmagaalada Hargeysa, sidoo kale waxa caawa ay tiro dad ahi isugu soo baxeen magaaladda Gabiley dadkaasi oo lagu qiyaasay in ay isku dhow dhowyihiin dadkii xalay Gabiilay isugu soo baxay. Isku soo wada duub’oo xisbiga Waddani waxa u eegyahay mid codaynta horteedba hantiyay gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Sanaag iyo galbeedka Sool, waxana la filayaa in gobolka Maroodijeex ay isku garab dhacaan Qaran News
-
Wasiirka ganacsiga Somaliland isla markaasina ah musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mr Saajin, walaashii oo ah haweenay mutacalimad ah dhawaana ka soo laabatay qurbaha oo degan deegaanka Xaliimaale ee gobolka Awdal ayaa maanta taageero u muujisay xisbiga Waddani. Waxana ay balan qaaday in ay taageerayso musharax Cirro iyo isbedelka dalka la rabo in uu ka dhaco Qaran News
-
Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa maanta ganaaxyo lacageed ku xukumay Xisbiyada Waddani, Kulmiye.Ururka Kaah iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo golaha degaanka degmada Hargeysa kuwaas oo gudigu sheegeen in ay jabiyeen Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda JSL. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay xubno Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Burco, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro culus. Hey’adda Sirdoonka Somaliland ayaa baahisay sawirrada 7 qof oo shan kamid ah ay rag yihiin iyo labo dumar ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin Shabakad Shabaab ah. Sirdoonka Somaliland ayaa warbixintaan ku sheegay in xubnahaan Shabaab-ka ah ay ka soo safreen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xudunta Al-Shabaab. Sidoo kale, Sirdoonka Somaliland ayaa shaaciyey in xubnahaan la qorsheeyey inay weerarro culus ka geystaan gudaha Somaliland inta ay socdaan doorashooyinka maalmo kadib bilaabanaya. Somaliland ayaa sheegtay in labada dumarka ah ee Shabakadaan la qabtay ku jirta ay ahaayeen xaasaska labo kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab. Sirdoonka Somaliland ayaa ku raadjooga 20 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Shabakadaan, kuwaas oo la qorsheeyey inay wax oa fuliyaan weerarrada loo qorsheeyey inay Somaliland ka dhacaan maalmaha doorashada. Qabashada shabakadaan la sheegay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab ayaa ku soo adeysa xilli dhowaan la guda-geli doono doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceysa Somaliland, taas oo xamaasad gooni ah leh xisbiyo waaweyna ay ku tartamayaan. Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa koonfurta Soomaaliya ayaa awoodi weysay inay dhibaatooyin ka geystaan deegaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, waxaana maamulka ka jira deegaanadaas lagu amaanay sida ay amniga u adkeysteen. The post Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay shabakad Shabaab ah oo qorshe halis ah wadday appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka oo ku eedeeyey madaxda maamulkaas ay diideen in deegaanadaas laga sameeyo baaritaan shidaal, si lamid ah qeybaha kale ee dalka. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan jirin meel Puntland ay ku diiday in deegaanadeeda laga sameeyo sahamin shidaal. “Puntland Batrool la baaro Soomaaliya iyadaa ugu horreysay, kolba in madaxda Soomaliya eedo aan macno ku fadhin iska dhahaan, hadhowna raali galin ayey ka bixiyaan” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin meel wasiir ka tirsan dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wada hadleen arrimaha Shidaalka. “Dowlad-dhiska dalka waxyaabo badan ayaa laga wada hadlyey, waxaana ka mid ah khayraadka, mana jirto in si gaara wasiirka iyo madaxweynuhu ugu wada hadleen arrimo gaar ah oo quseeya shidaal Soomaaliya laga qodoyo iyo cida qodaysa,” ayuu yiri. Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa ku adkeystay in Madaxweynaha Putnland iyo wasiir ka mid ah wasiirada dowladda federaalka aysan weli ka wadahadlin arrimo ku saabsan bartoorlka iyo shidaal ama wax kheyraad qeybsi ah. Wasiiru dowlaha ayaa la weydiiyey in Puntland ay shirkado shisheeye kala hadashay shidaal baaris, maadaama dowladda dhexe ay Saciid Deni ku eedeysay in shirkad uu heshiis la soo galay, balse laga hor istaagay. “Maya, ma jirto heshiisyo daaha dabadiisa oo cidnaba lagala hadlay, haba yaraatee arrin ku saabsan shidaal qodista iyo baaris, Puntland waxay doonaysaa in si dhab ah looga wada heshiiyo qaybsiga khayraadka dalka, iyadoo lagu saleeyo wadar ogol,” ayuu yiri wasiirkaan u hadlay Puntland. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shalay barlamaanka maamulkaas ka hor jeediyey khudbad uu ku dhaliilay DF, isagoo ku heystay qariirad qaldan oo lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya. Wasiir Cabdirisaaq ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Puntland inuu diiday in deegaanada maamulkaas laga sameeyo wax ku saabsan sahmin shidaal, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay Deni ka hor istaagtay qorshe uu ka damacsanaa shidaalka deegaanada uu xukumo. “Deni wuxuu dowladda dhexe ka hor istaagay masuuliyadii ay lahayd ee oo ay ka mid tahay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland, anaga dowladda ayaan nahay masuuliyad ayaa na saaran, waxaan ka shaqaynaa ganacsi ay wada leedahay umadda Soomaaliyeed oo dadka si siman wax loogu qabanayo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa dhacday inuu la yimid shirkad uu yiri shirkadaanaa ii samaynaysa sahmin shidaal, waliba anigaa saxiixa wax ku yeelanaya, anaguna waa ka diidnay, xitaa masuuliyiinta shirkadu way ogaayeen in dowladda dhexe ay masuuliyaddaas leedahay.” The post Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii wasiirka Batroolka DF u jeediyey Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka kulan muhiim ah waxa uu kula yeeshay 𝐍𝐢𝐞𝐥𝐬 𝐀𝐧𝐧𝐞𝐧 oo ah Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, xili uu gaba gabo ku sii dhaw yahay shirka sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024-ka. Kukanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay koow ka tahay sidii labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen kobaca maaliyadda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dhinac ee ku qotoma Maalgalinta mashaariicda horumarineed. Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdiga uu hoggaaminayo waxa ay kulan miro-dhal ah la qaateen xubno sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Mareykanka oo kamid ah Dowladaha sida dhaw ugala shaqeeyay Dowladda Soomaaliya ka gun gaariddii barnaamijkii Dayn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbihii ay ku muujin laheyd kaalinteeda Wadamada Gobolka ee horumarinta Hannaanka Maaliyadda oo dadaal xoogan la galiyay sanadihii la soo dhaafay Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan. Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada ayaa isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka. Labadaan masuul ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamka ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Ethiopian Dialogue Commission is pressing the Ogaden National Liberation Front (ONLF) to reconsider its decision to boycott Ethiopia’s National Dialogue Conference, a move they say threatens to destabilize the already fragile peace agreement established between the two sides in 2018. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay imaatinka markabka Oruç Reis oo Soomaaliya ka sameyn doona hawlo shidaal baaris ah. Burhaan oo qoraal soo saaray ayaa Turkiga ku ammaanay tallaabadan oo ku tilmaamay mid caalamka u cadeynaysa in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo. “Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Boqor Burhaan. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga mahad-celiyay dadaalka dheer ee u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna ee aan marna laga faa’ideysan. Hoos ka aqriso qoraalka BISMILLAAH Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa imaanshaha markabka cilmi-baarista iyo sahminta ee ORUC REIS si uu hawlo shidaal baaris ah uga sameeyo biyaha Soomaaliya. Hindisahan ayaa markhaati kale u ah xiriirka qotoda dheer ee Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirkaas oo gaaraya qarniyaal badan. Turkigu waxay Soomaaliya u yimaadeen in ay nafta dadka Soomaaliyeed badbaadiyaan kadib macaluushii dalka ka dhacdey 2011 waxayna maanta maraysaa iskaashi lagu soo saarayo shidaalka iyo kheyraadka dalkeena. Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale. Walaalaha Turkiga iyo hoggaaminta wanaagsan ee Madaxweyne Erdoğan waxay u caddaysay caalamka in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadiisa oo dadaal dheer u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadkeena aan marna laga faa’ideysan. The post Boqor Burhaan oo war kasoo saaray qorshaha shidaalka iyo imaatinka Oruc appeared first on Caasimada Online.
-
Dembi baarayaasha dalka Kenya ee u howlan daba-galka dilkii foosha xumaa ee gabdhaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay wejiga tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii foosha xumaa ee 24-kii October ka dhacsy xaafadda Islii, kaas oo si bahalnimo ah loogu qur-gooyay labo dumar ah iyo gabar yar oo dhammaantood Soomaali ah. Hay’adda dambi baarista ee DCI ayaa soo bandhigtay sawirka Haashim Dagane Muxumed oo 24-jir ah, kaasi oo la rumeysan yahay inuu watay gaarigii loo adeegsaday afduubka dadka dilka loo geystay. Muuqaallada Kaamirada Qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya Gaariga oo noociisu ahaa Nissan Note oo dadka la dilay ka soo qaaday gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Islii saacado ka hor inta aan meydadkooda laga helin meelo kala duwan. Gaariga ayaa laga helay isagoo cidlo ah Suuqa Wakulima oo u dhow masraxa Tababarka ENA ee magaalada Nairobi, waxaana loo jiiday Xarunta DCI-da si baaritaan loogu sameeyo. DCI-da ayaa hadda ka codsatay qaybaha bulshada inay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta soo qabashada Haashim Muxumed, maadaama ay gacanta ku hayaan hal eedeysane oo la xariirinayo ka luglahaanta falkan arxan-darrada ah. Si kastaba ha ahaatee eedeysanaha koobaad ayaa hadda si xooggan loo baadi-goobayaa, lamama oga jihada rasmiga ah ee uu u baxsaday, waxaa’se gacanta laamaha nabad-gelyada ku jira xubno kale oo la tuhunsanyahay, kuwaas oo uu kamid yahay nin lagu tilmaamay gacan ku dhiigle oo habeenkii faldembiyeedku dhacay la xariiray Haashim oo eedeysanaha koobaad ah. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Puntland officials have firmly rejected claims by Somalia's Federal Minister of Petroleum, who recently accused the region's leadership of obstructing federal oil exploration initiatives. The dispute has reignited tensions between Puntland and Mogadishu, highlighting the ongoing struggle over resource control and regional autonomy. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kiiska dilka loo geystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi. Waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa shaacisay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday tuhmanaha ugu weyn ee kiiskaan, ayada oo soo bandhigtay xogta ninkaan. “Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd, ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay waaxda dambi-baarista Kenya ku baahisay barteeda Facebook. Sidoo kale waxay waaxdu soo bandhigtay sawirka iyo magaca nin ay sheegeen inuu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay. “Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tuhmanaha uu dhibbanayaasha kasoo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay.” Baabuurka lagu qaaday haweenka la dilay ayaa laga helay meel cidlo ah, oo ku dhow suuqa suuqa Wakulima, iyada oo DCI ay u jiidatay xarunteeda si baaritaan dheeraad loogu sameeyo. “Iyadoo hal qof oo la tuhunsan yahay uu xiran yahay oo gacan ka geysanayo baaritaanka, waxaan ka codsaneynaa qof kasta oo laga yaabo inuu helo macluumaad gacan ka geysan kara xiritaanka ninkaan inuu la soo xiriiro DCI”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DCI . Allaha u naxariistee hooyada iyo labada gabdhood ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay aaskooda ka soo qeyb-galeen dadweyne aad u fara badan. The post Xog xasaasi ah oo ka soo korortay dilkii hooyo iyo gabdhaheeda loogu geystay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamud Xaaji Ibraahim Cigaal, marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa kolkii u horaysay tan iyo geeridii odaygeeda ka soo muuqatay saaxada siyaasadda Somaliland. Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa maanta ka khudbadaysay beerta xorriyadda ee Hargaysa oo ay isugu soo baxii ugu balaadhnaa ay maanta ku soo bandhigeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Marwo Kaltuun oo ku jeeni qaaran isla markaasna sidata calanka xisbiga Waddani ayaa la hadashay kumaan kun oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani waxana ay sheegtay in ay hada tahay markii u horaysay ee ay fagaare noocani ah timaado tan iyo geeridii odaygeedii marxuum Cigaal, waxa ay sheegtay in ay maanta dhisayso musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay taageersantahay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ayaa maanta markale dib uga furmay magaalada Muqdisho. Furitaanka shirkan ayaa waxaa durba ka dhalatay fal-celin xooggan, maadaama ay shirka ka maqan yihiin madax goboleedyada qaarkood, halka ay soo xaadireen madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Shirkaan oo inta uu socdo looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka ayaa waxaa horay isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? · Cabdirashiid Muxiyadiin: “Kulanka xiga waxaa ka baqaa in 2 kale la waayo ee Madaale Villa-da yuusan ka bixin illaa amar dambe.” “Puntland, Khaatumo, Jubbaland maamuladii Daarood Ismaaciil oo maqan waxba kama soconayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caaqil. Mansuur ayaa isna waxa uu yiri “Guusha dalku waxay ku xidhan tahay waxa kasoo baxa shirkaan iyo sida loo hirgaliyo. Dalka waa inuu ka gudbaa isbaaro uu qofkasta dhigan karo.” “Madaxweyne hadii aadan wax kheyr ah iyo wax cadaalad u ah umada marna ka shaqeyneyn ilaahay ayaa garabkaaga ka baxaya oo waxba kuu socon mayaan,” ayuu yiri Cusmaan Cabdulle Aw Cali. Cabdirisaaq Mataan: “Dowlad goboleedyadu waa inay doorasho aadan, hadii madaxweynuhu sameeyo ku darsasho dowlad-goboleed waxa uu soo wado waa ku darsasho heer federaal, taas oo wixii uu mirinaayo sanadka u dagana oo uu ciidan ugu aruursanayay.” Ismaaciil Maxamed Daahir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Rag wada shaaxeeyey uma xumidiin. Shir ha dhihina sababtoo ah nin ajendihiisa meesha ku fadhiya kuma jiro marka laga reebo xasan waxa uu rabo in la fuliyo.” “Madaxwaynaha iga gaarsiya fariintan Inta xildhibaan ka amarqata maamul goboleed markii u yeertaba aadaya horay loo socan maayo, siyasadaada uleexi xoraynta wadanka ayaga noqon doona rah biyihii ka guuren kadibna isa soo dhiibi doona,” ayuu yiri Cusmaan Sabaax. Cali Haruuse: “Shaqo wacan ninkii dalka dib u dhiciisa iyo dadka ineey wax doortaan kasoo horjeedo yaan loo dhutin horay haloo wado dalka mudane madaxweyne.” Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Masha Allah guul ayaan u rajeynayaa shirka iyo doorsho qof iyo cod inta diyaarka ah ha laga qabto inta kalena markii ay diyaar noqoto ayaaa laga qabanaa horay haloo socdo.” The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay shirka maanta ka furmay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska & guriyeyta, Cilmi Maxamud Nuur iyo wasiirkii hore Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay. Ra’iisul Wasaaraha oo halkaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa waxa uu tilmaamay in wasaaradda hawlaha guud ay kamid tahay wasaaradaha muhiimka u ah qaranka. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha u rajeeyay wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka. Mudane Xamza ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore oo hadda noqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka labbaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday. Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkii hore dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama. Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta xilka u kala wareejiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wasiirkii hore Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Dalka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha Bulshada, barnaamijyo shaqo abuur ah oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka. Mudane Cabdisalaan Dhaay ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore ee wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday. Dhanka Kale, waxaa xilka wasiir dowlaha ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada la wareegay, Mudane xildhibaan Caynaanshe yuusuf. Source: goobjoog.com
-
AQOJtKtDifaOLXL7UzNbH2Nx07Fu3kbHVKW8rhVKlXzyJ1c3y8sD8UNrrs55be89e3FSFuTCiEdw6qz88IdybZBi Qaran News
-
AQM_M9MBysHDdduL0QZWhinCNtpn3pwjvEqmVeu39FPRkLUMdSCnRHMf2kcwlhoC2Tmz59FTaHAmOH2H-3PyoD21 Qaran News
