Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masar Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayo webiga Blue Nile ayaa bilhii dambe sii xoogeystay. Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay isbuucan ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo. Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto. Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada. Itoobiya ayaa u aragta in Mareykanka aanu dhexdhexaad ka ahayn wadaxaajoodka, uuna la safan yahay dalka Masar, sida ay sheegtay jariiradda Foreign Policy. Addis Ababa ayaa dhowr jeer ku gooddisay inay difaacan doonto biyo-xireenka ayna xaq u leedahay ka faa’iideysiga biyaha webiga. Arrintan ayaa timid kaddib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhammeystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo. Haseyeeshee, dowladda Masar ayaa ku doodeysa in haddii Itoobiya ay dhammeystirto biyaxireenkaasi uu saameyn ku yeelan karo biyaha ay masar ka hesho webiga. Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya? Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga. Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida. Awoodda milateri ee Masar Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas. Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof. Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba. Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316. Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta. Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso. Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka. Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara. Awoodda milateri ee Itoobiya Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux. Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari. Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska. Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya. Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad. Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya. Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doono dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan, iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti. Sida uu wargeyskaas qoray arrintan waxaa lagaga hadlay kulan Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ku dhexmaray dalka Jibuuti. Hasayeeshee, wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax, oo yiri: “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah,” ayuu yiri. Maxamed Idiris Faarax ayaa intaas ku daray: “Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqoto in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”. Qaran News
  2. 5 Maalin ayaa laga joogaa markii Djibouti lagu soo gabagabeeyey wadahaddallada Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas ay tahay dowladda federaalka ah kama hadlin waxa lagu heshiiyey halka Somaliland ay soo bandhigtay uun qodobbo cabbirayey isfahamka guud tiiyoo keentay kutirikuteen iyo Mala-awaal badan, in la isweydiiyo aawey dokomentiga la kala saxiixday, ma jirtaa cid guuleysatay, aaway qoraalladii saxda ahaa ee fadhiyada guddiga, waa maxay sababta loo qariyey war-muriyeedka wadajirka ah ee shirka guddiga farsamada ee heer wasaaradeed? Warmurtiyeedkan soo socda oo u gaar ah Goobjoog News, uuna mas’uuliyiinta ka helay, soona akhriyey Cabdicaziz Gurbiye waxaa uu soo ka soo baxay kulamada ergada farsamo ee heer wasaaradeed ee Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo markii ugu horeysay is arkay 16-kii Juun 2020, waxaa taabbageliyeen kullamadan Mareykanka iyo Midowga Yurub, Qodobbada qalinka lagu duugay waxaa ka mid ahaa: 1. In la dhiso guddi ka kooban 14 xubnood, oo mas’uul ka noqon doona wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana kala hoggaaminayaan Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud(Faratoon), ujeedkuna waa in xal waara lgaa gaaro arrimaha la isku heysto. 2. Waxaa lagu heshiiyey tallaabooyin lagu xoojinayo isku-kalsoonaanta labada dhinac si loo dardargeliyo wada-hadallada, waxaana ay isla garteen in ay ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara wada-hadalka. 3. Waxaa la isla gartey in qodobbada la isku maandhaafsan yahay ee ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland loo daayo hoggaamiyeyaasha si ay iyagu xal kama danbeys ah uga gaaraan. 4. Iyada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. 5. Sida oo kale, iyada oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyadda hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. 6. Labada dhinac waxaa kale oo ay isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgalka bulshada labada dhinac hawlaha la xiriira dhaqanka ee ay ka mid yihiin ciyaaraha, fanka iyo suugaanta. Si yoolkaan loo xaqiijiyo, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta bulshada. 7. Si xal loogu helo danaha ka dhexeeya labada dhinac, waxaa la go’aamiyay in la sameeyo guddiyo dhowr ah oo wax ka qaban doona ajendayaasha ay ka mid yihiin gargaarka aadanenimo, kaalmooyinka horumarineed, iskaashiga amniga, wada-noolaanshaha bulshada, iyo maareynta hawada. Labada dhinac ba waxa ay mar kale caddaynayaan sida ay uga wada go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo hirgelinta maamul-wanaagga iyo horumarinta ganacsiga. 8. Sidaas awgeed, labada dhinac waxa ay mabda’ ahaan isku raaceen in aan la siyaasadayn arrimaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, waxaa na ay isla oggolaadeen in degdeg loo hirgeliyo guddi-hoosaadyo farsamo, kuwaas oo labo toddobaad gudahood ku kulma si ay uga shaqeeyaan dardargelinta hawlaha la is la ku raacay. 9. Guddi-farsameedka wadajirka ah ee heerka wasaaradeed waxa ay 45 beri gudahood ku kulmi doonaan dalka Jabuuti si ay u korjoogteeyaan u na qiimeeyaan shaqada guddi-hoosaadyada, u na sii wadaan wadahallada labada dhinac. 10. Ugu danbeyntii, labada dhinac waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo sii wadista wadahallada iyo in lagu shaqeeyo waqti la is la cayimay oo is-fahan guud lagu gaari karo. W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye, Xogtan waa mid ah u gaar ah bartan, lamana qaadan karo xigasho la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ururka Danab ee qeybta 21aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goor dhow ku qabtay magaalada Galkacyo gaari noociisu yahay Noah kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday. Ma jiraan wali wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka amniga gaar ahaan kuwa ururka danab ee fadhigoodu yahay magaalada Galkacyo. Ciidamada Amniga qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday howlgallo lagu adkaynayo amniga oo ay iska kaashanayeen maamullada Puntland iyo Galmudug. Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21 aad ayaa saaka waxaa sidoo kale lagu weeraray gaari lagu soo buuxiyey walxaha qarxa, fariisin ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah , soo gaaray ciidanka, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. One man is dead and 11 people suffered non-life-threatening wounds in a shooting in Minneapolis, police there said early Sunday. Source: Hiiraan Online
  5. Nin Liibiyaana oo weerar Dhimasho,dhaawac & khasaaro Culus koobsaday ka fuliyay Dalka Uk Nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ka fuliyay magaalada Reading ee dalka Britain, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warbaahinta dalka Britain ayaa ku waramay in ninkan Mindida ku hubeesnaa uu weeraray koox dhalinyaro ah oo khamri ku cabeesay beerta lagu nasto ee Forbury oo kutaala magaalada Reading. My thoughts are with all of those affected by the appalling incident in Reading and my thanks to the emergency services on the scene. — Boris Johnson #StayAlert (@BorisJohnson) June 20, 2020 Inta la xaqiijiyay weerarkan mindida loo adeegsaday waxaa ku dhintay sadex qof halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale, waxaana dadka dhaawaca weerarkan kasoo gaaray qaarkood la sheegay in dhaawac culus kuyaalo. BREAKING: Officers have arrested a man at the scene of a "serious incident" at a park in Reading, and he is now in police custody. More on this story: https://t.co/KtXHsRQ8nh pic.twitter.com/453PXoiUds — SkyNews (@SkyNews) June 20, 2020 Ciidamo katirsan booliiska magaalada Reading ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geestay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana booliiska bilaabeen baaritaano ku aadan weerarkan iyo ninka fuliyay ujeedka uu ka lahaa. Weerarkan ka dhacay magaalada Reading ayaana wali loo aqoonsan mid argagaxiso, waxaana Warbaahinta Britain ku waramayaan in weerarkan uu fuliyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya. Guntii & Gebagebadii Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo.Geesta kalena waxaa dadka loogu baaqay ineysan baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka. Qaran News
  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kulul uga hadlay weerarkii loo adeegsaday qaraxyada ee xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Shariif aya weerarkaasi oo lala beegsaday guriga sarkaal ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ka dambeysay Al-Shabaab. Sidoo lale wuxuu shaaciyey inuu aad uga xun yahay weerarkaasi, isago tacsi u diray dadkii ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. “Waxaan cambaareynayaa, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee Al Shabaab ka geysteen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa intaasi ku daray in dadka ugu badan ee uu khasaaraha soo gaaray ay yihiin dad shacab ah oo aan ku lug laheyn siyaasad iyo dagaal. “Waxaan xog ku helay in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan oo carruur u badan.” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri. Weerarada ugu badan ee ka dhaca deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.
  7. WASHINGTON (HOL) - US President Donald Trump has described Somalia, where American troops fight the terrorist groups Al-Shabaab and ISIL a nation of anarchy with no government. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, oo dhwaan deegaan hoos yimaado ay ka dhaceen dilal la xiriiro aanooyin Qabiil. Guddoomiya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay deegaanka kulan kula qaaaan wafdi kale oo ka socday dowlad deegaanka Soomaalida, oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka Abaaley, oo hoos yimaado deegaanka Feerfeer . Deegaanka Abaaley ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal beeleed, kaas oo ay ku geeriyoodeen lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiri dad ah, waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka gaaran xal waara ka gaaran dilalka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Washington (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo jeediyey khudbad dheer ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Kongareeska dalkaasi, isagoona sidoo kale u gefay Soomaaliya. Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayaa sheegay in Ilhaan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday oo kale ee Soomaaliya Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Soomaaliya aysan laheyn ciidamo dhisan, sida Boolis iyo Nabad Sugid, isaga oo tilmaamay in kaliya uu ka jiro amar la’aan iyo jahwareer. “Ilhaan Cumar waxaa ay dooneysaa inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, boolis ka ma jiro, nabad kama jirto, balse waxaa kaliya ka jira amar la’aan iyo jahwareer , waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya.” ayuu yiri Madaxweyne Trump. Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay u dagaaalameyso inay galangal xoogan ku yeelato dowladda Joe Biden oo ah Murashax xisbiga dimuqraadiga ee xilka madaxtinimada kula tartami doono Trump. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliys, isagoo ku weerarayo Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.
  10. Qarax Ismiidaamin ah ayay Al-Shabaab la beegsadeen Xero ay Ciidanka Dowladu ku leeyihiin Tuulada Bacaadweyne oo ku taal Koonfurta Gobolka Mudug. Ugu yaraan 4 Askari [...] The post Xero Ciidan oo ku Taal Bacaadweyn Koonfurta Mudug oo Al-Shabaab weerareen appeared first on . Source
  11. Gaalkacyo (Caasimada Online ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka qarxay deegaanka Deeraley oo ku yaal dhanka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadkaasi ay isku qabteen baraag biyood laga sameynayey halkaasi. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaafkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhamaan ahaa dhinacyadii diriray, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona ay weli is- hor fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Mudug ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobolkaasi, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
  12. Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa, qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu ahaa Leylo Calaawi oo lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xero ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin duleedka magaalada, gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore ee xerada, kadib markii ay ciidanku joojiyey. Waxaa inta inta la xaqiijiyey qaraxa ku geeriyooday labo askari oo ka tirsan xoogga dalka, halka ay ku dhaacmeen afar kale, waxaa sidoo kale goobta ku geeriyooay ruuxii naftii huraha ahaa ee waday gaagiga nuusana ahaa. Qaraxaanka ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa ah qaraxii ugu horeyey oo nuucaas ah oo ka dhacay deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) -Taliska ciidamada Xoogga ayaa faah faahiyey howlgal qorsheysan oo laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed. Taliyaha ciidamada dhulka Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi oo dhacay duleedka Janaale ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Dirir ayaa xusay in howlgalka uu yimid, kadib markii kooxda Al-Shabaab weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigyada ciidan ee ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah howlgalkan uu uga dhacay tuulada Dug-wariiri, ayna ku dileen labo sarkaal oo Al-Shabaab ahaa iyo 27 dagaalame, sida uu hadalka u dhihay. Ugu dambeyn taliyaha ciidmada dhulkabee Xoogga Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howlgallada ballaaran iyo dhaq dhaqaaqyad ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. Janaale oo ka mid ah magaalooyinkii u dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada dowladda, ayaa waxaa inta badan weeraro ku qaada Al-Shabaab.
  14. Mushkiladda barakaca ama in qaxooti la noqdo waa astaan ka mid ah kuwa lagu yaqaannay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay. Maanta, sida ay sheegayaan hey’adaha dowladda federaalka ah ugu yaraan 2.6 million oo Soomaali ah ayaa barakac ku ah gudaha dalka, waxaa intaa dheer in ka badan 30,000 oo ah qaxooti ka yimid dalalka Ethiopia a iyo Yemen. Dhanka kale, weli ugu yaraan 800,000 oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka geeska Afrika, waxaana in muddo ah soo laabtay qaar kale oo lagu qiyaasay 90,000 . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka lagu weeraray xerada 2-aad ee ciidamadda dowladda Federaalka Somaliya ay ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug. Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya, qarax waxaa ku dhintay inta la hubo labo askari oo ka tirsan ciidamada qaybta 21-aad, halka ay ku dhaawacmeen labo kale. Qaraxa ayaa dhacay abaaro 6: 30 subaxnimo, kadib markii gaariga xawaare sare ku socday lagu dhuftay albaabka hore ee xerada ciidamadda 21-aad, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah. Saraakiisha ciidamada ee aagaas ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariira qaabka uu qaraxa u dhacay, waxayna ku eedeeyeen in ay ka dambeysay kooxda Al-shabaab. Al-shabaab ayaa weeraro ismiidaamin ah marar badan la beegsay saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Xero ciidan oo ku taala Galmudug oo la weeraray appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Qorax Madoobaad ayaa saaka oo Axad ah lagu arkay Magaalooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka Somaliland. Culumada Cilmiga Xiddigaha ayaa shalay waxay saadaaliyeen inuu Qorrax madoobaad ka dhici doono dalal ka tirsan Khaliijka, Bariga Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoona saaka la arkay. Dadka ku sugan Gobolada dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen qeyb kamid ah Qorraxda oo Madoobaatay. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Masaajido ku yaalla Hargeysa iyo Gobolada dalka lagu tukaday salaad Alle baryi ah, waxaana buux-dhaafiyay dadweyne badan. Dhacdooyinka Qorraxda ama Dayaxa oo Madow noqdo waa arrin awoodda Rabi ku dhacda, loona baahan yahay inay dadka Muslimiinta ku cibaara qaataan iyo in la tukado Salaad iyo Taqwada Alla bari ah oo la badiyo xiliyadaas. Source
  17. (SLT-Reading)-Saddex qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baarkin ku yaalla magaalada Reading, ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen. Nin 25 sanmo jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka. Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaare 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska halkaas oo dhowr qof toorri lagu weeraray. Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay Liibiyaan. Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco. Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhmanaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror. Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay in ayna jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan. Waxa uu intaasi ku daray in ayna haatan dhacdadaan u aqoosanayn fal argagixsisonimo ah balse booliska ay weli baadhitaan wadaan iyagoo taageero ka helaya booliska la dagaalanka argagixisada ee koonfurgalbeed. Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo. Balse waxaa dadka loogu baaqay in ayna baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka. Booliska Thames Valley ayaa sheegay in dhacdada ayna la xidhiidhin ololaha nolosha qofka madaw waa muhiim oo mar sii horreysay ka socday goobta ay mashaqadu ka dhacday. Source
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah fàahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ahaa oo kooxda Al-Shabab saaka aroortii hore ay ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhigga ciidmada qeybta 21-aad ay ku leehiin deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen, islamarkaana ay qarxiyeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaaano Leyla Calaawi oo laga soo buuxiyey wayaabaha qarxa. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay halkaasi ku dhinteen raggii saarnaa gaariga ee weerarka qaaday. Saraakiisha ka hadashay weerarkaasi ayaa dhankooda xaqiijiyey in weerarkan looga dilay illaa laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.
  19. OTTAWA -- Chants of "No Justice No Peace" and "Black Lives They Matter Here" filled the streets of downtown Ottawa on Saturday. Source: Hiiraan Online
  20. Hong Kong (CNN Business)China has become one of Africa's largest creditors in recent years, lending hundreds of billions of dollars to governments to build roads, railways and ports. Now it's promising to write off a small part of that debt as countries on the continent battle the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Baqdaad)-Howlgaladda mataanaha ah ee Turkigu ku duqaynayo kooxda argagixisada Kurdiyiinta ee PKK ayaa toddobaadkaan soo jiitay dareenka dadka indha-indheeya xaaladda Ciraaq. Waxay u nuuqataa in tallaabada Ankara ay ku soo aaday kadib markii Imaaraadka Carabtu uu taageero dhaqaale siiyay kooxdan gooni u goosadka ah, taasi oo muujineysa cabsi ah in dagaal qarsoon uu Imaaraadka iyo Turkiga ku dhex maro Ciraaq. Billowgii weerarada Turkiga ee PKK Turkigu waxaa uu laba howlgal toddobaadkaan ka bilaabay woqooyiga Ciraaq, kuwaas oo ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta, howlgaladdu waxay sababeen in xukuumadda Baqdaad ay si adag u diido ficilka millatari ee Ankara ee ka dhanka ah ururka PKK oo ku dhuumanaya gobolka buuraleyda Ciraaq. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay bur-burisay in ka badan 500 oo bartilmaameedyo PKK ah 36 saacadood ee ugu horreysay howlgalka. Weli ma kala saarin in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay beegsadeen, ama keydka raasta, ama meelo kale oo ay kooxdu heysteen. Taleefishinka dowladda ee TRT ayaa weriyey in ciidamada Turkish-ka ay burburiyeen ugu yaraan 81 gobood oo ay ku dhuumaaleysan jiraan PKK iyo meelo hubka loo soo mariyo. Lacag ka timid Imaaraadka Carabta Go’aanka uu Turkigu ku bilaabay howlgalka waxaa uu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka Carabta uu raadinayo in uu taageero ololaha gooni u goosadka PKK ee ka dhanka ah Turkiga, kaasi oo socday ku dhawaad 40 sanno islamarkaana galaaftay nolosha 40,000 oo qof. Laanta Afka Carabiga ee wargeyska Al-Arabi Aljadiid ayaa werisay in ilo-wareed ka tirsan Dowladda Gobolka Kurdiyiinya ee fadhigeedu yahay Erbil u sheegay in ay ogaadeen lacago badan oo Imaaraadka Carabtu siiyay PKK. Ilo-wareedku waxaa uu sheegay in Dowladda Gobolka Kurdiyiinta ay weydiisatay in caddeyn ogolaansho laga keeno masuuliyiinta lacagta kasoo diray Imaaraadka iyo akoonada bangiyadda. Sarlot Cali, oo ka tirsan siyaasiyiinta Kurdishka ayaa sheegay in xiriirka lacagta ee ka dhaxeeya Kurdiyiinta mucaaradka ku ah Turkiga iyo Imaaraadka uu socdo afar sano, kaasi oo soo mara ururadda bulshadda iyo howlgaladda gar-gaarka ee dadka barakacay. Kuwa uu dagaalku saameeyay waxaa la dejiyay goboladda kala duwan ee Ciraaq ee Kurdistan, gaar ahaan xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Iran, halkaas oo dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiintu ay ka howlgalaan. Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka Imaaraadka iyo Turkiga waxay isku haystan kuna muransanyihiin dhinacyo badan oo gobolka ah, waxaa ugu dambeeyay Liibiya oo xukuumadda Ankara ay taageereyso Dowladda Caalamku aqoonsanyahay, halka Abu Dhabi ay malaayiin lacag ah ku taageereyso General Khaliifa Xaftar oo dhawaan looga adkaaday Tripoli. Imaaraadka waxaa uu sidoo kale ka careysanyahay taageeradda Turkigu uu siiyo Qatar oo uu geeyay militari si uu uga difaaco isbahaysigii gacanka carbeed ee ay hogaaminayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. Sidaas darteed layaab malahan in Imaaraadku raadiyo xasilooni daradda Turkiga isagoo taageeraya PKK. Si kastaba, talaabadaas waxay khatar ku tahay in Abu Dhabi lagu calaamadiyo maalgelinta argagixisada PKK oo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Europe ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso. Xitaa iyadoo ay caawimaad ka helayaan Imaaraadk Carabta, PKK ma awoodaan in ay xasilooni darro ku abuuraan Turkiga. Ku dhawaad 40 sano oo colaad ah ayaa muujisay in ay xadidan tahay awoodda PKK ay u leeyihiin in ay qasaan Turkiga, inkastoo ay weli yihiin khatar maxali ah. Taas bedalkeeda, Turkigu wuxuu sii wadi doonaa barnaamijkiisa mudda dheer ee uu heshiiska kula jiro Dowlada Gobolka Kurdiyiinta kuwaas oo si hoose u ogolaaday howlgalkii millatari ee Ankara kasokoow kalsooni daradii xukuumada Baghdad. Source
  22. The African Union (AU) has suspended South Sudan from the continental body after Juba failed to pay its annual contributions amounting to over 9 million U.S. dollars. Source: Hiiraan Online
  23. Tensions were rising in a late-night debate in the Minnesota Senate last week when Sen. Patricia Torres Ray turned to each member of the People of Color and Indigenous Caucus (aka "POCI") and asked if they'd been consulted on a pending GOP police reform measure. Source: Hiiraan Online
  24. Qorax madoobaad ayaa laga arkay Saaka oo Axada Bishuna tahay 21-ka Juun 2020 Dalalka Geeska Afrika Qaarkood Sida Somalia & Somaliland. Abaara 7:30 ayaa lagu war helay ama la arkay Cadceedii oo badhkeed madoobadeyd halka qadar yar ka dibna madow isku xeeray Cadceeda oodhan waxaana shiiqay Iftiinkii cadceeda sidii hoosiis jiro. Geesta kalana Culimada Masaajidada ayaa oogay salaad Alla bariya,Ducooyin & Khudbado Diiniya,halkaas oo buslahaduna camirtay Masaajida Qaran News