-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-California)-Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga bayoolajiga Mareykanka ee fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo lagaga hortigi karo Cudurka Corona Virus. Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani’aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib. War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bil walba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha Dowladda Mareykanka. Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19. Shirkadda ayaa ka warbixisay baadhitaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2. War saxafadeedkan oo jimcihii shalay ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay beesha caalamka u bandhigtay mawqifkeeda qaabka ay Itoobiya iyo Maraykanku u wadaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Ma jiro war rasmi ahi, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Dawladu ay toddobaadkii u dambeeyay xidhiidho kala duwan la sameeysay dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka wada shaqayneed la leh Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay u bandhigtay inaanay Somaliland u sacabo tumayn qaabka wakhtigan ay Maraykanka iyo Itoobiya doonayaan inay noqdaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay dawladu sheegtay inay Somaliland diyaar u tahay dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ee istaagay, laakiin aanay la dhacsanayn in laga leexiyo jidkii hore oo loo duwo wadiiqo kale. Siyaasiyiinta Somaliland qaar ka mid ah ayaa dhawr goor sheegay in ay Itoobiya iyo Maraykanku doonayaan inay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhaan isfaham deg deg ah. Diblomaasiyiinta ay dawladu Xidhiidhada kala duwan la sameeysay ayaa la sheegay in qaarkood soo dhaweeyeen doodda Somaliland, waxaana toddobaadkan uu kulan adeega casrig ah ee ‘Zoom’ ku dhex maray dalalka beesha caalamka, kuwaas oo isla soo qaaday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo doodda Somaliland. Diblomaasiyiin ka socotay dhawr dal oo reer Yurub ah sida Ingiriiska, Norway iyo dawladda Turkiga oo iyadu hore gadh-wadeen uga ahayd wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ayaa la sheegay inay kulanka ka sheegeen mawqifka Somaliland. Lama garan karo in Itoobiya iyo Maraykanku hakin doonaan xawaaraha ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib mawqifkan Somaliland, laakiin safiirka Maraykanka ee Soomaaliya danjire Donald Yamamoto oo dhawaan u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa soo dhaweeyay kulankii Addis Ababa ku dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo. Dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo aan hore uga dhex muuqan jirin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday muraayada wada hadaladan, waxaanu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku guulaystay inuu Addis Ababa isugu geeyo Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo hore hawada isugu marin jiray hadalo kulul oo hakiyay wada hadaladii u dhaxeeyay dawladihii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool, ayaa sheegay in aanay haba-yaraatee jirin wax kiis ah oo la xidhiidha cudurka Corona Virus oo laga helay gobolka, wasaaradduna heegan ugu jirto la socodka xaaladaha cudurkaasi. Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif oo daba socda qoraallo been abuur ah oo ay dad aan ehel u ahayn arrimaha caafimaadku ku baahiyeen baraha bulshada, ayaa sheegay in uu jiray qof Cisbitaal gaar loo leeyahay u soo gudbiyey, kaddib markii laga shakiyey, kaasoo la dhigay xarunta loo diyaariyey daaweynta Covid19, isla markaana xannuunkiisu la xidhiidho cuduro kale. Dr. Khaliif ayaa sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyey bar uu xafiiskiisu ku leeyahay baraha bulshada. Waxaanu yidhi “ma jiro wax Kiis ah oo laga helay gobolka sool xalay(habeen hore) baaro 1:30 am ayaa maamulka cisbitaalka gargaar ay u soo gudbiyeen teamka RRT ee gobolka sool inay hayaan bukaan ay ka shakiyeen. Bukaankaas waxaa lagu dabiibayaa xarunta Daaweynta (treatment center) laascaanood. Dhakhaatiirta la tacaalaysa bukaankan waxay xaqiijiyeen in bukaanka sonkortiisu dhacsantahay baadhitaana u socdo xaaladiisuna aad u wangsantahay.” Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadku, waxa uu dadka baraha bulshada wax ku qora uga digay in ay shacabka manjaro-habaabiyaan, isagoo dadweynaha ku booriyey in aanay ku jaha-wareerin wararka been abuurka ah ee ay fidiyaan dadka aan xilkaska ahayni, wixii xog iyo xaqiiqo ah ee dhanka caafimaadka ku saabsana uga marti-noqdaan Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo heer qaran. “Waxa mar labaad iyo mar sadexaadba aan uga nasteexaynayaa bulshada reer sool inay joojiyaan qoraalada aan xaqiiqda ku qotomin oo cid aan ahayn wasarada horumarinta caafimadka aanay shaacin karin ama xogtiisa daabici karin kumana jirto sharciga iyo xuquuqda bukaanka ee fadlan hala dhawro. Bulshada gobolka sool waxaan kaloo u sheegayaa wax waliba oo aad ku aragtaan baraha bulshada yaan loo qaadan run wixii jira dhanka caafimaadka waxaad saacad walba kala soconaysaan wasarada caafimadka ee heer gobol iyo heer qaran” ayuu yidhi Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Gobolka Sool Dr. Maxamud Xaaji khalif. Source
-
Guddoomiyaha hore Naadiga Kubbadda Cagta Elman, Cabdirisaaq Faarax Cumar (Goroje) ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyenimada, kaddib muddo 2 sano ah oo uu xilkaas hayay. Mudane Goroje oo is casilaaddiisa kaga dhawaaqay magaalada London ayaa sheegay in uu ka tagay oo kaliya xilka guddoomiyenimada arrimo isaga u gaar ah, laakin Elman uu markasta qeyb ka yahay horomarkeeda wuxuunta intaa ku daray in uu iminka qeyb ka yahay maamulka sare ee Elman Sports. “Inta badan nolosheyda waxaan ku soo dhex jiray kubbadda cagta walina waan ku dhex jiraa, waana jeclahay kubbadda cagta. Waana jeclahay naadiga Elman, Waxaan ka tagay oo kaliya xilkii aan ka hayay, laakin waxaan caddeynayaa in aan diyaar u ahaan doono in aan kooxdeyda ku caawiyo wax kasta oo ay iiga baahto mustaqbalka, waxaana kasii mid ahaan doonaa kubbadda cagta Soomaaliya” “Xilka guddoomiyenimo ee nadiga Elman FC ayaan ka tagay oo keliya sababo la xiriira aniga oo aan u heli karin waqti igu filan oo aan kusii hoggaamiyo, taas ayaana ah sababta is casilaaddeyda. Wali jacayl aad u weyn ayaan u hayaa bahweynta Elman, waxaana mar kasta ku faraxsanahay in aan caawiyo Elman iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya intii karraankeyga ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay . Intii uu talada hayay waxaa naadiga Elman loo aqoonsaday kooxdii ugu fiicneyd dhanka maamul wanaagga sanadkii 2019, iyadoo guddoomiye Goroje abaal marinta lagu guddonsiiyay xafladii abaal marinnada kubbada cagta Soomaaliya ee dhacday horraantii janaayo ee sanadkan. Mudane Goroje ayaa ah macallin dhanka gool-heynta ah wuxuuna shahaado heerka 1aad ah ka heystaa FA-ga Ingiriiska. Dalka Soomaaliya ayuu 3 sano ka hor ka hir-geliyayakadeemiyada tababarka gool-hayennimada, si dalkiisa uu wax ugu qabto, waxaana ka faa’iideystay caruur badan oo Soomaaliyeed. Guddoomiyaha is casilay ee naadiga Elman ayaa ah aabaha dhalay Yoonis Faarx oo ka tirsan cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee sameeyay taariikhda aan horay u dhicin kaddib markii ay sanadkii hore Soomaaliya ku hoggaamiyeen in ay badiso cayaar ka tirsan is reeb reebka FIFA World Cup oo Soomaaliya intii ay jirtay aanay waligeed badin. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Guddoomiyihii Is Casilay Ee Cabdirisaaq Garooje Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhinaca Galmudug, gaar ahaan koonfurta magaalada Gaalkacyo. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la soo qabtay gaariga uu noociisu yahay Probox, taarkadiisuna ay tahay CN 721, balse ma shaacin Booliska in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey falkaasi dhaca ah. Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in laamaha amniga ee Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wada shaqeyntooda, si loo sugo nabad-gelyada. “Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska Puntland. Ugu dabeyn taliska ayaa uga mahaceliyey shacabka ku dhaqan Gaalkacyo wada shaqeynta buuxda ee ay la leeyihiin ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Qorshaha ayaa sidoo kale ah in Booliiska Galmudug lagu wareejiyo gaariga, si ay ugu gacangeliyaan milkiilaha laga soo dhacay. Si kastaba ha’ahaatee falalka dhaca ah oo ay inta badan geystaan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugun gobolka Mudug ayaa ka dhaca deegaanada gobolkaasi.
-
Today, the Federal Ministry of Health Somalia has launched the Coronavirus Information Service on WhatsApp. The new service, which is free-to-use, provides a central source of accurate, trustworthy and up-to-date information about Coronavirus (COVID-19), with the goal of keeping Somali people safe and constantly informed about the virus. The Coronavirus Information Service is an automated ‘chatbot’ service which will allow Somali people to get answers to the most common questions about Coronavirus from the Federal Ministry of Health- Somalia 24 hours a day. Enabling two-way conversations on WhatsApp, the Coronavirus Information Service has been built on the WhatsApp Business API, using Infobip’s global communication platform to enable the sharing of timely and vital information about the virus. The service will enable the Federal Ministry Of Health Somalia to send urgent and real-time messages to all Somali people who opt into the service, with subscribers also being able to engage directly to share or get more information. All WhatsApp users can access the free information service by simply adding the number: +252 613600700 to their phone contacts. To get started, users can text any key word for example, “Hi” to the number through WhatsApp chat which prompts a list of options. The service can also be initiated by clicking the link. Speaking on the collaboration with WhatsApp and Infobip, Minister of Health, H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur said: “WhatsApp is one of the most common social media platforms in Somalia, therefore, we thank WhatsApp and Infobip for their contribution to our efforts of risk communication and community engagement to fight Coronavirus in Somalia”. Matt Idema, WhatsApp’s Chief Operating Officer, commented: “At difficult times like these, people use WhatsApp more than ever to connect with and support their friends, family and communities. We are pleased to be able to provide the Federal Ministry of Health Somalia with the communications tools to help them respond to citizens’ questions about the virus with reliable, timely health advice, in order to keep people safe.” PRESS RELEASE
-
Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General CabdiCasiis Cabdilaahi Cabdi Qooje ayaa sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo la dhax dhigay beelo ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Taliyaha ayaa sheegay inay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo colaadii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono. Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ah, isla markaana ay ka qeybgaleen odayaasha dhaqanka iyo madaxda taliska qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ,waxaa lagu go’aamiyay in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabadda iyo horumarka degaanka iyo howlgalada ciidamadu ay ku doonaayeen inay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolka Mudug. Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa inta badan waxa ku soo laablaabta dagaal beeleedyada dhexmara beellaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Tel Aviva)-Haweeneyda wasiirnimada Israa’iil ay u magacaawday oo lagu magacaabo Nita Tamano Shata waxay ka mid ahayd Yuhuudda Itoobiya ee Israa’iil dib looga celiyey. Haweeneydan oo noqotay haweeneydi ugu horreysay oo Yuhuudda Itoobiya ka soo jeedda oo golaha wasiirrada Israa’iil ka mid noqoto, Golaha wasiirrada cususb ee Israa’iil ayaa in mudda ah dib u dhacay kaddib marki ay dowladda wadajirka ee ay xisbiyadu dhisayeen lagu heshiin waayey ugu dambeyna la filayo in Axadda barri ah la dhaariyo wasiirrada cusub. Nita oo ka tirsan Xisbiga Ra’isal wasaaraha cususb ee Israa’iil Beni Gantez ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha qoxootiga. Xilligi ay Itoobiya ka arrimineysay dowladda millatariga uu hoggaanka u hayey Mangistu Haylamaaryaam 1984-1985 ayey sirdoonka Israa’iil ee Mosad howlgal ay fuliyeen dadki lagu qaaday ka mid ahayd, xilligaasi oo ay Nati da’deedu ahayd 3 jir. Nita Tamano Shata waxay hore uga soo shaqeyneysay xirfadda wariyenimada Xilligaasi oo 16,000 oo yahuudda Itoobiya ay lug ku tageen dalka Suudaan kaddibna halkaasi diyaarado ay Israa’iil leedahay looga daad gureyey. Inta ay dadkaasi waddada u dhaxeeysa Itoobiya iyo Suudaan ku sii jireen waxaa dhibaatooyin kala duduwan ku nafwaayey 1,500 oo qof. Yuhuudda Itoobiya laga qaaday oo Israa’iil la geeyey ayaa marar badan ka cawda cunsuriyad ay kala kulmaan yuhuudda inteeda kale. Israa’iil oo ay xilligaasi xurguf siyaasadeed oo aad u xun oo sababay iney dagaalla qaraar dhacaan kala dhaxeysay waddamada carabta ayaa Suudaan oo ka mid ah dalalka carabta Israa’iil u adeegsatay marin ay dadkaasi sii mariso. Yuhuudda Itoobiya ee ku nool Israa’iil oo haatan tiradooda lagu qayaaso 140,000 oo intooda badan shaqa la’aan ah ayaa ka mid ah muwaaddininta Israa’iil ee saboolka ah. Source
-
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay markale dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taas oo taal maxakmadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Kenya ay ku andacoonayso in cudurka safmarka ah ee Coronavirus uu adduunka saameyn adag ku yeeshay sidoo kalane dhaqaalaheeda uu hoos u dhigay waxaana warqadda ay Kenya u dirtay ICJ ku xusnaa in qareennadeeda ay kala go’doomeen oo aysan suura gal ahayn inay kulmaan, balse hadalkaas iyo marmarsiyahaas waxaa ka soo horjeesatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay inaysan marnaba ogoleyn in dib loo dhigo kiiskaas. Rai’sulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay in iyadoo dowladda garawsantahay saameynta uu caalamka ku yeeshay safmarka Coronavirus haddane dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inaan marnaba dib loo dhigin kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeeya Kenya isaga oo intaas ku daray in dhageysiga dacwaddaasi loo qaadi doono qaab maqal iyo muuqaal ah. Mahdi Guuleed ayaa tibaaxay in maxkamadda Cadaaaladda adduunka ee ICJ ay sheegtay in dacwadaha inta lagu guda jiro COVID-19 ay u qaadi doonaan hab maqal iyo muuqaal ah “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna”. Kenya ayaa markii saddexaad dalbanaysa in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ee horyaalla ICJ waxaana dowladda federaalka ah ay ku dhawaaqday in Kenya ay doonayso in kiiskan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda islamarkaana waxa ay dowladda Soomaaliya intaas ku dartay in Kenya ay waddo culeys diblomaasiyadeed. Bisha foodda inagu soo heysa ee Juun ayey maxkamadda ICJ go’aamisay inay noqoto kama dambeysta garnaqsiga la xiriira muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, walina majirto go’aan kale oo ka soo baxay maxkamadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Coronavirus-ka cusub wuxuu dili karaa 150,000 oo qof oo ku nool qaaradda Afrika sanad gudaheed haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin, sida lagu sheegay daraasad ay soo saartay WHO oo sheegaysa in ku dhowaad rubuc bilyan oo qof ay cudurka qaadi doonaan gudaha qaaradaan. Qorayaasha cilmi-baarista, ayaa Jimcihii ku soo daabacay joornaalka BMJ Global Health, waxa ayna saadaalinayaan heerka infekshanku ka hooseeya qaybaha kale ee adduunka sida Yurub iyo Mareykanka, oo ay ka yaraato xaalado halis ah iyo dhimasho badan. Inkasta oo ay sheegeen in dalal badan oo Afrikaan ah ay ku degdegayeen in ay qaadaan tillaabooyin xakameyn, hadan cilmi baarayaashu waxa ay ka digayaan in nidaamyada caafimaad ee Afrika ay si dhakhso ah u buuxsami karaan. “Qaabkeenu wuxuu tilmamaa baaxadda dhibaatada ee nidaamyada caafimaadka haddii tallaabooyinka xakameynta ay ku guul darreystaan,” ayay qoraayaashu ku sheegeen warbixinta. Daraasadda ayaa timid iyada oo ay jiraan digniino adag oo ku saabsan in Covid-19 uu halis gelinayo xaalad caafimaad oo deg deg ah, waddamada soo koraya ku waas oo nidaamyada caafimaad ee jilicsanyihiin ayna durba la halgamayaan cuduro kale oo raga sida dhiig karka, Sokorta iyo cuduro kale. Khubaro ka socota xafiiska WHO ee Africa ayaa qaabaynaysa heerarka ay u badan tahay soo-gaarista fayraska iyo caabuqa ka jira 47-da dal ee uu aadka u saameeyay gobolka,oo ay ugu daranyihiin wadamada Carbeed ee Jabuuti, Masar, Libya, Morocco, Soomaaliya, Sudan iyo Tunisia. Qiyaastii 231 Milyan oo dad ah, ama 22% (oo leh inta u dhexeysa 16 illaa 26%) oo ka mid ah halka bilyan ee dadka gobolka ku nool ayaa la filayay in ay cudurka qaadaan 12 bilood gudahood – badidoodu waxa ay muujinayaan astaamo ama astaamo aan badnayn sida ku cad warbixinta. Laakiin dad lagu qiyaasey 4.6m oo qof ayaa u baahan doona in isbitaal la dhigo, halka 140,000 ay qabaan infakshanka Covid-19 ayna noqo doonaan bukaan socod halka 89,000 ay aad u xanuunsan doonaan sida lagu sheegay daraasadaan. Taasi waxa ay horseedi doontaa ilaa 150,000 dhimasho ah (inta u dhaxaysa 83,000 iyo 190,000) daraasadda ayaa soo jeedisay. Qaabaynta ayaa ku qiyaaseysa waxa ku dhici doona waddan kasta muddo sannad ah laga bilaabo bilowga baahinta baahsan ee bulshada. Baarayaasha waxa ay ka digayaan in isbitaalka ee loogu talagalay Covid-19 loo weecineyso kheyraadka horey u xaddidanaa si wax looga qabto arrimaha waaweyn ee caafimaadka ee gobolka, sida HIV, qaaxada, duumada iyo nafaqo-xumada, oo sii xumeyneysa saameynta coronavirus ee Gobolka. Gobolku ayaa lahaan doona tiro yar oo dhimasha ah, laakiin wuxuu ku dhacaa si aad u yar dadka da ‘yar ah, oo ka mid ah dadka horey loogu arkaayay in ay caafimaad qabaan – sababa la xiriira cudurrada aan la-kala-qaadin”ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo intaas ku dartay in isbeddelladaas ay durba soo baxeen. Baarayaasha waxa ay sheegeen in ay filaayeen in fayrasku u badan yahay in uu ku faafi doono gobolka muddo ka dheer wadamada kale, laga yaabee dhowr sano. Faafitaanka ayaa lagu qiyaasey in ay ugu badan tahay waddamada yaryar, iyadoo Mauritius la ogaaday in ay leedahay khatarta ugu sarreysa ee soo-gaarista xanuunka. Wadamada waaweyn ee gobolka, Koofur Afrika, Cameroon iyo Algeria ayaa iyaguna ku jiray 10ka ugu sareeya ee halista Xanuunka Coronavirus. Qoraayaashu waxa ay ku xisaabtameen khatartan iyagoo eegaya faafitaan xanuunka iyo sida dalalkaasi ugu fududaan karto dhaqdhaqaaqa, fayadhowrka iyo dhaqanka nadaafadda si ay awood ugu yeeshaan xakamaynta Cudurka safmareenka ah. Waxa ay sidoo kale ku daraan cimilada – lama oga haddii heerkulka diirran uu hoos u dhigo faafitaanka Covid-19, in kasta oo cilmi baarisyada qaarkood ay soo jeediyeen in ay saameyn ku leedahay coronavirus kale. Waxa ay sidoo kale eegeen arrimaha khatarta caafimaad – cabirka dadka ka weyn da’da 65, faafitaanka HIV (oo wakiilka ugu ah cudurada faafa) iyo sonkorowga (oo wakiil u ah cudurada dabadheeraha ee aan faafin). Warbixintu waxa ay qiyaastay in qaar ka mid ah 88% dadku aysan ogaan doonin in ay qabaan fayraska, oo leh astaamo fudud ama midkoodna haba yaraatee, halka 4% ay la kulmi doonaan jirro daran ama nafta halis gelisa. Waxa ay ku baaqeen dalalku in ay si dhakhso leh kor ugu qaadaan awooda daryeelka caafimaadka, gaar ahaan Isbitaalada aasaasiga ah caafimaadka bulshada. Bishaan May, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tirada dhimashada cudurrada la xiriira Aids-ka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay sii labanlaabmi karto haddii bixinta daryeel caafimaad la siiyo dadka qaba cudurka HIV-da oo la carqaladeeyo inta lagu jiro dhibaatada cudurka coronavirus.
-
Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay 19 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 8 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 8 qof. Sidoo wasaaradda ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in xanuunka ay u geeriyoodeen 2 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 87 kiis. Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,219 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kani waa sawir hore Wararka ka imaanaya Tuulada Qarxis, oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ku warramaya in Ayax diigaanyo ah(fara badan) ku habsaday dhul-daaqsimeed ballaaran, oo ku yaalla duleedka Bari ee Tuuladaasi. Ayaxa ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ku habsaday dhul-daaqsimeedkaas, oo hoos yimaada tuulada Qarxis, baaxaddiisana lagu qiyaasay 25KM isku wareeg ah, halkaas oo uu saacado kooban gudahood si ba’an u diirtay. Dadka ku nool tuulada Qarxis iyo reer miyiga deggan nawaaxigeeda, oo saaka isku dayay in ay kiciyaan ayaxaas, ayaa soo sheegaya in aysan weli ku guulaysan, islamarkaana ay gurmad uga baahan yihiin dhanka dowladda. Waxaa xusid mudan, in shalay ay Garoowe soo gaareen laba diyaaradood oo ah nooc loo yaqaan Helicopter-ka, kuwaas oo loogu tala-galay in ay muddo 10 cisho ah Puntland ka sameeyaan buufinta Ayaxa. Diyaaradahaas oo laga leeyahay dalka Canada, waxay ka socdaan mashruuc ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adaha FOA iyo USAID, islamarkaan ay fududaynayso dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ayax diigaanyo ah oo ku habsaday degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxaa xalay ku baratamay illaa afar degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Kulanka ugu horreeyey oo la qabtay 8:00 habeenimo ayaa waxaa isaga hor yimid Kaxda iyo Waabari, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Waabari oo u gudbay wareega sideed dhammaadka, tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiyaha guddiga tartanka, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ku dhawaaqay natiitada ayaa sheegay in Kaxda ay la timid 10, halka Waabari ay keensatay 12. Sidoo kale waxaa xalay baratamay oo uu kulan kale oo xiiso badnaa dhexmaray degmooyinka Wadajir iyo Xamarweyne, kaas oo isna soo galay 10:00 habeenimo. Labada degmo oo dadaal muujiyey ayaa waxaa guusha la hoyatay Xamarweyne oo la timid 12 dhibcood, halka Wadajir ay iyana la timid 10 buundo. Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sidaasi ugu gudubtay wareega afar dhammaadka ama Sama-Finalka ee tartanka Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay waxa uu soo dhameystiray liiska golahiisa wasiirada iyadoo la filay in madaxweynuhu uu liiskaan ku dhawaaqo. Liiska masuuliyiin la magacaabay ayaa waxa ay isugu jiraan wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal waxaana xusid mudan in masuuliyaan ay u badan yihiin dhalinyaro. Xubnahan iyo kuwii iyaga ka horeeyay ee la magacaabay ayaa la filayaa in si wada jir ah loo hor geeyo golaha baarlamaanka Galmudug si ay u meel mariyaan. Madaxweynaha Galmudug Qooqoor oo xafiiska jooga muddo ka badan 100 maalin ayaa la sheegay inay u suurta galeen waxyaabo badan oo maamulkiisa kor u qaadaya taas oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta uu ka sameeyay Galmudug. Halkan ka akhriso Liiska Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saacadihii la soo dhaafay deegaannada maamulka Puntland waxaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo Coronavirus ah ka dib war ka soo baxay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi. Wasaaradda ayaa shaacisay in 11 ruux laga helay xanuunka COVID-19 ka dib baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkaasi. Dadka cudurka laga helay ee maamulka Puntland ayaa kala ah 7 rag ah iyo 4 dumar ah kuwaas oo kala jooga goballada Nugaal iyo Karkaar. Puntland waxaa cudurka Coronavirus uu ku dhhacay guud ahaan 136 ruux halka 5 qof ay xanuunka u geeriyoodeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulka Jubbaland loogu geystay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in toogashada uu fuliyey askari kale oo ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dilka ayaa yimid, kadib markii la sheegay in labada askari uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo sababay in askariga geeriyooday rasaas lagu furo, taas oo keentay in meesha uu ku dhinto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka Jubbaland ay isla markiiba gacanta ku dhigeen askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga Jubbaland oo la xariira dhacdadaasi. Inta badan dilalka ay isku geystaan askarta dhexdooda ayaa yimaada, kadib is-faham waa soo kala dhexgala ciidamada, taas oo marar badan ka dhacday gudaha dalka.
-
Qaran News
-
Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in saacadihii la soo dhaafay maamulkaasi laga diiwaan-geliyey 11 xaaladood oo 7 ka mid ah ay rag yihiin, halka 4 kalena ay dumar yihiin. Sidoo kale wasaarada caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in dadka cusub ee xanuunka laga helay ay ku kala nool yihiin gobollada Nugaal iyo Bari ee maamulkaasi. Tirada guud kiisaska Coronavirus ee Puntland ayaa haatan maraya 130 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso illaa shan ruux. View the full article
-
BBC oo heshay dokumentiyo muujinaya sida Soomaaliya, Kenya ugu kala aragti duwanyihiin dhegaysiga dacwadda badda Khariidad muujinaysa soohdinta badda ee lagu muransanyahay Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun. Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo ay BBC-du aragtay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska korona awgood. Laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxaanay sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arintaa la xidhiidha. Kenaya waxay sheegayaa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen. Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada oo tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka fayraska Karona oo aanay lacag ay ku bixiso khidmadda qareenada haatan heli karin. Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-du weydiisay in arintaasi tahay mid laga garaabi karo ayaa ku jawaabay: “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna” Ra’isal wasaare ku xigeenka oo ay BBC-du weydiisay in uu faahfaahiyo cadaadiska dawladiisu sheegtay in ay Kenya saarayso ayaa ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo hase yeeshe ku gaabsadya jawaabtan oo uu yidhi “horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo”, Dhanka Kenya ilaa haatan wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin oo ku saabsan waraaqahan ay ku kala aragtida duwan yihiin Soomaaliye ee ay u direen labada dalba Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, hase yeeshee waxa la filayaa in ay maxkamaddu go’aanka ay ka gaadho codsigaa Kenya shaacin doono todobaadka dambe. Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqad ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC weydiisay in arintaasi ay tahay mid laga garaabi karo ayaa yiri “waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin.” Sidoo kale wuxuu faah faahiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cadaadis ay Soomaaliya sheegtay in ay saareyso Kenya, isagoona ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo. “Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo.” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn maxkamadda ICJ ayaa shaacisay in shaqadeeda ay ku wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka, islamarkaana ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. View the full article
-
Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay xisbiya siyaasadeed oo aan buuxinin shuruudihi looga baahnaa inuu ruqsadda xisbinimo kala noqnay. Xisbiyadaasi oo badankood shruucdii hore ee u yiillay guddiga doorashooyinka Itoobiya lagu diiwaangeliyey ayuu guddigu dib u habeyn ku sameeyey qaabka xisbiyada loo diiwaangeliyey ka hor inta aan la gaarin doorashada dalkaasi ka dhaceysay. Wuxuuna guddigu sheegay 13 ka mid ah xisbiyada shuruudaha xisbinimo buuxin waayey in rusqada xisbinimo lagala noqday. Sida oo kalana 14 xisbi oo guddiga doorashooyinka uu ugu yeedhay iney soo dhammeystiraan dokumantiyada looga baahnaa oo aan ka soo jawaabin u yeeritaanka guddiga sida oo kale ruqsadda lagala noqday. Guddiga doorashooyinka Itoobiya wuxuu intaa ku daray 106-da xisbi siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka jira 76 ka mid ah oo shuruudihi looga baahnaa soo buuxiyey, in aqoonsiga xisbinimo loo cusbooneysiiyey. 2 xisbi oo siyaasadeed oo iyaguna dhibaato gudaha xisbigaasi ka jirta awgeed aan shuruudda soo dhammeystirinna waxaa loo qabtay muddo ay ku soo dhammeystiraan wixi macluumaad ah uu guddigu ugu baahan yahay. Xisbiyada siyaasadeed ee rusqada xisbinimo lagala noqday waxaa ka mid ah laba xisbi oo deegaanka Soomalida ka soo jeedda xisbiyadaasi oo kala ah: 1)Xisbiga Midnimada Soomaalida (SUP) iyo 2)Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Shacabka Diil wabi (DPDM) Dalka Itoobiya oo ay ka diiwaangashan yihiin xisbiya siyaasadeed oo ka badan 100, inkasta oo ay qaar ka mid ah xisbiyadaasi ay khadka ka baxeen oo ay tirada xisbiyadu xoogaha isdhintay haddana weli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ah kuwa aad u badan. Dalka Itoobiya oo lagu waday doorashada guud oo shanti sanaba mar la qabto iney ka qabsoonto bisha August ee sanadkan 2020 ayaa dib loo dhigay cabsi coronavirus laga qabo awgii, inkasta oo aan wakhtiga rasmi ah oo ay doorashada ku dhaceyso weli la shaacinin. Qaran News
-
Midowga Yurub oo lacag ugu deeqay Soomaaliya iyo dalal kale
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu siin doono dalalka geeska Afrika dhaqaale dhan €105.5 milyan oo dheeri ah si wax looga qabto cudurka halista ah ee Coronavirus oo dalalka Geeska Afrika si weyn ugu sii fidiya. Midowga Yurub waxaa uu sheegay xaalada bini’aadminimo ee gobolka oo dad badani ay weli la daala dhacayaan dagaalada hubaysan, barakaca, abaaraha soo noqnoqda iyo daadadka loo baahan yahay in si weyn loo taageero. “Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Midowga Yurub. Deeqda Midowga Yurub ayaa looga heli doono sidaan Jabuuti (€ 500,000), Itoobiya (€ 42 milyan), Kenya (€ 15 milyan) iyo Soomaaliya (€ 48 milyan). Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii maalmahan ka dhacayay Soomaaliya, in ka badan 283 qofna ay barakaceen, daadadkaas oo saameyay 700 oo kun oo qof oo ku nool 24 degmo. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka ee ee Qaramada Midoobay ee OCHA, daadadkan ayaa yimid xilli waddanku uu la daalaa dhacayo ka hortagista xanuunnka COVID-19 oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 53 qof, 1,284 qofna uu ku dhacay. View the full article -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-160520.mp3 View the full article