Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyey dilkii loo geystay guddoomihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Axmed Muuse Nuur Yarre oo maanta Gaalkacyo ugu geeriyooday qarax lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Mudug ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa tacsi u diray maxada iyo dhammaan shacabka dowlad doboleedka Puntland iyo weliba Eleadii uu ka baxay guddoomiyahii gobolka Mudud waxaa uu xusay in muruga iyo tiiraanyada ay la qeybsanayaan shacabka dowlad goboleedka Puntland waxuuna yiri mar uu arrintaas ka hadlaayey. “Waxaa nasoo gaartay in cadowga Argagixisada ah ay qarax ka geysteen dowlad goboleedka walaalaha ah ee aan deriska nahay uuna ku dhintay guddoomiyihii gobolka Mudug, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa madaxda, shacabka iyo dhammaan reer Puntland waxaana uga tacsiyeenaynaa dhibaataaas Argigixisadu geysatay insha allah waana ay heli doonaan waxaa ay mudan yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaban gabeeyey Madaxweynaha. Hadalka galabta ka soo yeeray madaxweynaha doowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta magaalada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan labada dhinac Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur Yarre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah ayaa horay u sheegay in ku dhawaad shan jeer uu ka badbaaday shirqoollo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku khaarajiyaan. Allaha u naxariistee Axmed Muuse ayaa wareysi uu bixiyey dhawaanahaan waxa uu ku sheegay in laamaha ammaanka, gaar ahaan ciidanka PSF-ta Puntland ay uga digeen isku dayo dil oo lala damacsan yahay, waxuuna intaas ku daray in saraakiisha ammaanku ay kula dardaarmeen in uu is ilaaliyo shirar iyo goobaha lagu beegsan karana uusan tegin. “Qolada PSF-tu waxay igu yiraahdeen taxadar, qorshayaal kugu socdaa jiree, waxaa jirtay in dhawaan jaakad qarax ah laga soo saaray guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo, lamana qaban qofkii watay baaritaano ka dibna waxaa soo baxday in PSF-tu igu wargeliso in aan taxadaro” ayuu yiri xilligaas marxuum Axmed Muuse. Isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yiri, “Ilaaheybaan tala saartay anigana ima dili karaan Al-Shabaab, shaqadeydana si daacad ah ayaan u qabsadaa, hada ka horbey I qarxiyeen oo aysan waxaba I gaarin oo gaarigii kaliya iga baaba’ay, marbey u soo dhaceen gurigeyga si ay ii khaarajiyaan, mar kale ayey igu sugeen hotel aan deganaa hortiisa, balse markaas aniga oo gaari wadan ayuu Alle igu soo beegay oo aan iska gudbay, marka anigu kama baqayo waxna ma dili karaan Alle ayaa wax dila, mida kale qof is dilaya cid iska waardiyey karta malahan.” Sidoo kale 4-sano ka hor ayuu sidaan oo kale Axmed Muuse uga hadlay arrimaha Al-Shabaab xilligaas oo uu sheegay in uu uga go’ay goobihii cibaadada, dhex galkii bulshada iyo kaalmeyntii dadka dan yarta ah oo hadii uu gaari wato uusan horay u sii dhaweyn karin, taasna ay ku kalifeen Al-Shabaab. “Waxaan soo marnay waqti uu dalkeena gumeyste heystay, balse waqtigaas diinteena ayaan ilaashan karnay, hada waxaa yimid dad diintii kugu dulminaya, xaafidul Qur’aan ilmaha kaa kaxeysanaya, oo qarax kuugu soo xiraya ayaa hada soo baxay, taas ayaana gumeysi ka daran, anaga waxaa nagala rabaa in aan dadka u sheegno in Shabaabka na gaaleysiinaya ay iyagu gaalo yihiin,” ayuu yiri marxuum Axmed Muuse Nuur afar sano ka hor. Xilligaas waxa uu intaas ku daray, “Ma garanayo waqti iigu dambeysay in aan jameeco tago, oo masjidkiibaa la iga ceyrsaday, aadanihii ayey cabsi ku abuureen, dadkii iskuma lugeynayo oo isma aamini karo, argagax ayey ku abuureen bulshada, laakiin waxan maanta ku dhiiranayaa in aan idiin sheego in Shabaabku gaalo yihiin, diinta Islaamka iyo noloshaba kasoo hor jeeda. “Hadaan safar ahay dhalinyarada ma qaado waxaan ka baqaa in uu I qarxiyo, waana asxaan darro Cadaylaha ma qaado maanta, waa qaadi jiray waagii hore qofka Islaamka ah wado loogama tago , kii tuugsanayey ayaan ka baqay, axsaankiibaa lumaya, islaamnimadii iyo ajarkiiba lumaya Ilaahey hanaga qabto ee aan iska helino shayaadiinta” ayuu xilligaas ku yiri bulsho uu khudbeynayey. Axmed Muuse Nuur ayaa maanta duhurkii lagu khaarajiyay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii gaari uu watay lagu dhuftay gaari NOAH ah oo qarax ku rakibanyahay, kaas oo uu ka xeynayey qof naftiisa halige ah, waxaana halkaas kula geeriyooday seddax ka mid ah ilaaladiisii. Hoos ka dhageyso codka marxuum Axmed Muuse oo sheegaya in la dili rabo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/COD-Guddoomiyaha-Gobolka-Mudug.mp3
  3. At least four people including the governor of Mudug, a region in Somalia’s semi-autonomous state of Puntland were killed in a suicide bomb attack, witnesses said, in an attack claimed by the Al-Qaeda linked group al-Shabaab. The attack on Ahmed Muse Nur, governor of Mudug region, happened in the regional capital of Galka’yo on Sunday, May 17. Officials said. A suicide bomber driving explosives-laden motorized cycle rammed into the governor’s vehicle outside the headquarters of Mudug region killing him and three of his bodyguards instantly. Said a witness. “We heard a huge blast and soon clouds of smoke went into the air. Before the blast, the governor accompanied by his bodyguards were seen moving out of the regional headquarter” added another witness. Security officials have confirmed that the explosion was very strong and has caused serious damages. In late March, the governor of Nugaal region in Somalia’s Puntland state was also killed in similar circumstances. Alshabab claimed full responsibility for the bomb attack that left the governor dead through a statement posted on its affiliated media online sites. “The governor of the apostate administration in the Mudug region was killed in a martyrdom operation in Galkayo today.” Alshabab said in a statement. The militant group, together with a branch of the Islamic State in the country, operate in Bari Regin’s Golis mountain ranges. Both groups have been carrying out attacks and assassinations against Puntland security forces, who have been struggling to expel the militants from the region. Al Shabaab frequently carries out bombings to try to undermine Somalia’s central government, which is backed by the United Nations and African Union peacekeeping troops. The most deadly attack blamed on al Shabaab was in 2017 when a truck bomb exploded next to a fuel tanker in Mogadishu, killing nearly 600. .
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay gobolka Mudug, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur , dowladda ayaana cambaareysay qaraxaasi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca dowladda ayaa sheegay in ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan shacabka Magaalada Gaalkacyo ee maanta weerarka lala beegsaday oo waxyeeladu ka soo gaartay. Wasiirka Maareeye ayaa xusay si kulul u cambaareeyaan weerarkaas uu ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo lagu dilay gudoomiyihiii gobolka Mudug Allaha u naxariisto Axmed Muuse Nuur yare iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaqnaa woqooyiga magaalada Gaalkacyo sida lagu xusay qoraal ka soo baxay wasiirka Warfaafinta. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Galka’yo (PP News Desk) — The Governor of Mudug Ahmed Muuse Nur and three soldiers died after a tuktuk laden with explosives was rammed into the vehicle of the governor earlier today in North Galka’yo. Al-shabaab has claimed responsibility for the attack. A senior security officer in Galka’yo told the media the attacker targetted the governor’s vehicle in an area near the headquarters of the regional adminstration. President of Puntland State Said Abdullahi Deni sent condolences to the families of the late governor and the three soldiers who lost their lives in the attack. Puntland State condemned the perpetrators of the terrorist attack in Galka’yo. In March Al-shabaab used a similar tactic to assassinate the governor of Nugaal Abdisalam Hassan Hirsi. The deteriorating security situation in Mudug has prompted some people to question the effectiveness of the security reforms initiated by the incumbent Puntland State administration. © Puntland Post, 2020 The post AL-SHABAAB ASSASSINATES MUDUG GOVERNOR appeared first on Puntland Post.
  6. Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab Caafimaadka geysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka galmudug taasi oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka dalka kusii faafaya ee covid-19 . Agabkaan oo isugu jiray Sariiro iyo qalabkale oo looga hortaga cudurka safmareenka ayaa waxaa kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ay ku bogaadiyeen dadaalka wasaaradda ay dowlad-goboleedyada ku geyneyso daawooyinka iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo ka hortaga cudurkaan qatarta ah Karoona Feyrus. Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga iyo xakameynta Covid-19 u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan galineyso sidii loo xakameyn lahaa caabuqaan aduunka uu sida xooggan ula dagaalamayo ee covid-19 iyadoo la kaashaneyso dhammaan dowlad-goboleedyada dalka si loo ilaaliyo bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Israel ayaa raadineeysa inay dib usoo celiso xiriirkii diblamaasiyadeed ee ay la lahayd Dowladda Turkiga iyadoo labada dhinacba ay safiirro isu magacaabayaan, sidaa waxaa wargeyska Middle East Eye u sheegay sarkaal Israeli ah. Waxa uu xusay in labada dowladood ay dano isku mid ah ka leeyihiin, Syria iyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah. War laga helay dad isticmaala warbaahinta bulshada ee Turkiga ayaa sheegay in Israel ay soo jeedisay in ay Turkiga la sixiixato heshiis xadeynta badda Mediterranean-ka ah, kaasi oo la mid ah mid ay sanadkii lasoo dhaafay la gashay Libya, sii loo wiiqo qorsha Greek-gu uu doonayo in uu dhinaca ugu riixo Turkiga. Qoraal muujinaya suurta-galnimada in xiriirka lasoo celiyo oo lagu daabacay akoon rasmi ah oo Twitter-ka ah ayaa lagu sheegayin Israel ay ku faaneeyso xiriirka diblamaasiyadeed ee Turkiga ay la leedahay ayna rajeyneyso in xiriirku uu sii xoogeysto mustaqbalka. Dadka indha-indheeya xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Israel ay iska indho tirtay qoraal ay saxiixeen xulafadeeda oo Dowladda Turkiga ku cambaareeynaya dhaq-dhaqaaq sharci darro ah, gaas qodis iy is-bal-aarin ay ka wado bariga Mediterranean-ka. Qoraalka waxaa sixiixay wasiirada arrimaha dibadda ee Cyprus, Masar, France, Greece iyo the Imaaraadka. “Weligeen Turkiga kalama aanan hadlin xadeynta badda, xitta barisamaadkii xiriirka labada dhinac ee sagaashamaadkii,” ayuu sarkaal Israel u dhashay u sheegay Middle East Eye. “Waxa aan raadineyno hadda waa xiriir rasmi ah oo aan la yeelano Turkiga. Haddii aanan xiriir yeelan, waxa aan wada jir u gaari karno ayaa yar.” Sarkaalku waxaa uu sheegay in Turkiga uu safiir ku leeyahay Greece inkasta oo xiisad ay kala dhaxayso. “Imaaraadka Carabta iyo Turkiga xitaa dhibaatooyin ayaa ka dhaxeeya laakiin Imaaraadka safiir ayaa u jooga Ankara,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray. Mar la weydiiyay warka lagu cambaareeyay Turkiga ee ay Israel ka maqnayd, ayuu sarkaalku ku jawaabay in Israel aysan marnaba qayb ka noqon kooxdaas. “Keliya waxaan xubin ka nahay madasha Gaaska ee bariga Mediterranean-ka, kaasi oo fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira. Turkiga iyo Israel safiirro uma kala joogaan caasimadahooda tan iyo markii uu Maraykanku safaaradiisii Tel Aviv u raray Qudus, bishii May ee 2018-kii. Kadib markii ciidanka Israel ay xuduudda Israel iyo Falastiin ku dileen dad badan uu dhashay Falastiin ayaa Turkigu ku amray safiirkii Israel in uu si ku meel gaar ah uga baxo wadanka, waxaana uu u wacay safiirkiisii Tel Aviv. Sarkaalka Israel waxaa uu sheegay in arrinta Syria ay tahay mid ka mid ah sababaha ay labada Dowladood xiriirkooda u soo celinayaan. “Sidoo kale ururka ay taageerto Iran ee Xisbullah waxaa uu caqabad ku yahay ciidanka Turkiga ee Idlib, iyo ciidankeena koofurta Suuriya. Taasna waa dan aan ka mideysannahay, iyo sidoo kale tamarta,” ayuu yiri sarkaalku. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Israel iyo xukuumadda Ankara ay ku dhowaayeen in ay ku heshiiyaan in gaaska Israel la geeyo Tukiga ka hor intii uusan xiriirkoodu bur-burin. Israel waxa ay Turkiga ka caawisay horraantii bishaan in uu shixnad dawo ah gaarsiiyo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, Ankara-na waxaa ay ogolaatay in Isbitaaladda Israel ay dhoofsadaan qalab caafimaad oo lagula dagaalamo Coronavirus. Si kastaba uma muuqato in xiriirku soo hagaagayo iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo xiriirka uu la leeyahay Erdogan uusan wanaagsaneyn uu ku guuleystay in uu soo dhiso Dowlad kadib saddax doorasho oo sanad gudihiis ah. Turkigu waxa uu rajeynayay in Dowlad uu hogaaminayo Benny Gantz ay horseedi lahayd dib u heshiisiin. Laakiin taas bedelkeeda, isbuucaan waxaa la dhaariyay Dowlad isbaheysi ah oo heshiis ku ah in ay Daanta Galbeed lagu daro Israel.Taas Turkiga ma aqbali doono.
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. “Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale si kulal u cambaareeyay falkii beegsaday Xarunta guddoomiyaha Gobolka Mudug waxaana madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryay intii ku dhimatay weerarkaasi in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay in uu u boogadhayo, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo.” Hadalka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maanta qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay goddoomihii gobolka Mudug, kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Mudo Bil ku dhow Waxaa Gaalkacyo ku sugnaa Ciidan Dheeraada oo ay Dowladu Keentay Magaalada, kadib markii kooxo Burcad ah ay Magaalada ka dilaaceen iyo [...] Source
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-17052020.mp3 View the full article
  11. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween. 1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada. Goobjooj News Source: goobjoog.com
  12. Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir ee ka qeyb-galaya tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo soo booqday shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa raalli-gelin iyo cudur-daar ka bixiyey kala qeybsanaan ku timid tartanka waxayna dalbadeen in dib loogu soo celiyo barnaamijka, si ay markale u tartamaan. Cabdiraxmaan Maxamed Cali guddoomiyaha degmada Wadajir oo ku hdlayey afka maamullada degmooyinkaasi ayaa sheegay inay iyagu xal ka gaareen kala aragti duwanaan ka dhex-jirtay tartamayaasha Wadajir, Waabari, Xamarweyne iyo Kaxda. Dhankiisa Aweys Xaaji Nuur oo ka mid ah maamulka Shabelle ayaa xusay inay aqbaleen cudur-daarka degmooyinkaasi, islamarkaana caawa loogu celinayo tartanka. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-safa-RAALI-GALIN-TARTANKA-DEGMOOYINK.mp3 View the full article
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shalay deeq mucaawino ah soo gaarsiisay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka qeyb qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus/Covid-19. Xukuumada Somaliland ayaa si yaab leh uga fal-celisay deeqdaasi, iyada oo laga dheehan karayey hab maamuska lagu gudoomey heerka uu marayo xiriirka labada dhinac. Deeqdaasi ayaa shalay soo gaartay madaarka Hargeysa, midaasi oo uu waday safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Amb Xassan bin Xamza Hashem, iyada oo ay soo dhoweynta wafdiga mucaawinada waday ay ka muquurteen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Somaliland. Waxaa soo dhaweeyay wafdiga Qatar ee siday deeqda caafimaad xubno meeqaam buuran laheyn oo ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo uu hor kacayey Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka iyo Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka. Meeqaamka ay ku gudoontay deeqdan xukuumada Biixi ayaa waxa uu si weyn uga hooseeyaa midkii ay dhawaan kaga gudoomeen dowladda Imaaraadka, oo iyadu deeqdan caafimaad oo kale keentay Somaliland. Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa xiligaasi ka gudoomay deeqdaasi xubnihii Imaaraadka ahaa, iyada oo ay madaarkana si meeqaam leh ugu soo dhaweeyeen Wasiirada maaliyadda, diinta & awqaafta, midka caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo darajadoodu ay aad u sareyso. Somaliland iyo Imaaraadka ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, halka uu hooseeyo xiriirka kala dhaxeeya Qatar oo iyadu saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya. Waxayna u muuqata hab maamuuska hooseeya ee Xukuumada Somaliland ku qaabishay deeqda Qatar, mid ay ku raaligelinayso dowladda ay saaxiibka la tahay Imaaraadka Carabta, oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso Qatar.
  14. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween. 1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay kiisas badan oo Coronavirus ah, waxayna shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurkaas laga helay 64 qofood. Inta ugu badan dadkaas waxa ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, sidoo kale Somaliland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa laga diiwaan geliyay kiisas cusub, waxaana u dhintay hal qof, sida ku cad warbixinta wasaaradda. Gobolka Banaadir oo hoggaaminaya tirada ugu badan ee kiisaska cusub ayaa laga helay 33-kiis, deegaanada Somaliland ayaa laga diiwaan geliyay 16, sidoo kale Galmudug ayaa laga helay 8-kiis, halka Koonfur Galbeed laga diiwaan geliyay 7-kiis oo COVID-19 ah. 45 kamid ah dadka cusub ee Coronavirus laga helay waa rag, halka 19-ka kale ay dumar yihiin, waxaana saacadihii u dambeeyay cudurkaas kasoo bogsatay afar qofood. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,421 xaaladood, 152 qof ayaa kasoo bogsatay, halka uu dhimasho ku sababay 56, inta la ogyahay.
  16. Doha (Caasimada Online) – Ururka caalamiga ah ee midowga culimada Muslimiinta, International Union for Muslim Scholars (IUMS) ayaa maanta ku baaqay in dhammaan dunida iyo dalalka Islaamka ay u istaagaan inay ka hortagaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Falastiin. Xoghayaha guud ee IUMS, Ali al-Qaradaghi ayaa ku eedeeyey Israel inay ka faa’iideysaneyso kusii jeedka caalamka ee cudurka Coronavirus, iyo taageerada maamulka Trump, si ay ugu dhaqaaqdo siyaasadaheeda gardarrada ku dhisan ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. “Culimada Muslimiinta waxay ku baaqayaan in la garab istaago shacabka Falastiin, iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay arrimahooda go’aan ka gaaraan iyo inay xorreeyaan dhulkooda la haysto,” ayuu yiri al-Qaradaghi. Waxa uu sheegay in maamulka Mareykanka uu si buuxda mas’uul uga yahay ansixinta qorshaha Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Qudus iyo dhulalka kale ee Falastiin. Goosashada Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ayaa dhici doonta 1-da July, sida ay isku raaceen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo ninka ay doorashada ku loolameen ee Beny Gantz. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka bixi doonaan heshiisyada wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Israel, haddii ay ku dhaqaaqdo qorshahan, taasi oo wiiqi doonta dadaallada lagu raadinayo xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel. Goosashada Daanta Galbeed ayaa qeyb ka ah waxa loogu yeeray “Heshiiska Qarniga”, oo 28-kii Janaayo uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Qorshahan ayaa Qudus u aqoonsanaya “caasimadda aan la kala qeybin” ee Israel, wuxuuna Israel siinayaa madax-banaanida qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed. Falastiiniyiinta iyo ururka dalka Islaamka ayaa si weyn uga hor-yimid qorshahan.
  17. Daawo;Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Ee Magaalada Burco Oo Ka Jawaabay Cabasho Kaso Yeedhay Shacabka Magaalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer. Source
  18. Agaasinka baanka adduunka ayaa ansixiay in lacag dhan 137.5 million loogu yabooho Somaaliya si wax looga qabto abaaraha, fataahadaha dalka ku dhuftay iyo safmarka Coronavirus. Sanduuqa Hormarinta Caalamiga ah ee Bangiga oo soo marinaya Mashruuca ka jawaabida xasarada Soomaaliya ayaa bixinayaa dhaqaalahan Bankiga Adduunka Lacagta uu ansixiyey ayaa qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Mashruuca Ka-Jawaabidda Xasaradaha Soomaaliya Somalia Crisis Response Project (SCRP), waxaana uu kaalmo deg deg ah siin doonaa meelaha ay dhibaatada ugu xooggan saameysay, waxaana ka faa’ideysanaya dadka barakacaayasha ah, kuwa ku dhaqan magaalooyinka ama miyiga. Barnaamijkan waxaa wax looga qaban doonaa biyaha fatahaadda, bulaacadaha iyo in lagu sameeyo buundooyin iyo waddooyinka yaryar. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa soo dhoweeyay kana mahad celiyay deeqdaan Bangiga aduunka siinayo Soomaaliya. “Waxa aan aad u soo dhaweynayaa talaabada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatahaadaha iyo Abaaraha” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan la daalaa dhaceysa safmarka Coronavirus iyada oo ay u sii dheeryihiin fatahaado dalka ku dhuftay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayey magaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyey qarixii is-miidaaminta ee ka dhacay waqooyiga magalada Gaalkacyo oo lagu dilay guddoomiyihi gobolka Mudug, Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur. Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay guddoomiyaha iyo saddex askari oo ilaalo u aheyd. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Puntland iyo sidoo kale ehellada marxuumka, isagoona alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadiisa Firdowso. “Innaa lilaahi wa inaa ileyhi Raajincuun dhammaan intii ku dhimatay weerarkii xooganaa ee maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaan leenahay Alle Janadiisu Firdowso ha idinku abaalmariyo gacan idinka xaq-daran ayaa idin dishay, sidoo kale dowladda Soomaaliya af-adag ayey ku cambaareyneysaa falkaasi arxan darada. “ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya. Axmed Muuse Nuur ayaa xilliga uu dhacayey qaraxa ka soo baxay shir amniga looga hadlayey oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. View the full article
  20. The Kenya Defence Forces (KDF) launched sustained overnight airstrikes targeting Al-Shabaab militants following an attack at Khorof Kharar Police Post in Wajir on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay Kiisaska Coronavirus ee deegaanadeeda oo markasta Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay ku darsato Liiska kiisaskeeda. Wasiir kuxigeenka xanaanada xoolaha Somaliland, Yurub Abiib Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadleysay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay inay dowladda federaalku ku koobnaato deegaanadeeda, maadama ay Somaliland tahay dal madax-banaan, sida ay hadalka u dhigtay. Wasiiradda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay warbixinta maalinlaha ah ee ay wasaaradu soo jeediso, isla markaana ay kusoo hadal qaado Somaliland oo ay sheegtay inay tahay qaran madax-banaan, sida ay tiri. Yurub ayaa Wasiirada caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur uga digtay inay mardambe soo hadal qaado Somaliland, sida maamulada kale ay uga warbixiso, maadama ay xili hore kala go’een, waa sida ay hadalka u dhigtaye. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, iyada oo dalalka caalamku ula tacaamulaan sida maamul ka tirsan Soomaaliya, xili ay ku guuldareystay inay hesho aqoonsi caalami ah
  22. Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil. Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa. Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uuna dhalay wiil keliya balse qoyskiisa. Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: ”Booliska haatan waxay ku sugan yihiin goobta si ay baaritaan u sameeyaan.” Telefishanka kanaal 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo wareedyo caafimaad oo aan la magacaabin ayaa sheegaya in Mr Du uu u geeriyooday isagoo hurda. Farriin lagu daabacay bogga safaaradda magacaabistiisii kaddib, ayuu Mr Du ku ammaanay xiriirka u dhaxeeya dalkiisa Shiinaha iyo Israa’iil. Jimcihii safaaraddiisa ayaa weerar afka ah ku qaadday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo dhaleeceyay qaabkii uu Shiinaha ula tacaalay fayraska corona xilli uu ku sugnaa Israa’iil. Jawaab lagu daabacay jariiradda Jerusalem Post ayay safaaraddu ku dhaleeceysay hadalka ka soo yeeray Mike Pompeo iyagoo sheegay in Shiinuhu uusan weligii qarinin xaaladda fayraska corona. Qaran News