-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
While Somalia is facing one of the world’s biggest public health threats from COVID-19, the country is also struggling with floods in the north that have killed 24 people and are affecting over 700 000 people in 24 districts. These floods have also displaced almost 283 000 people in the area. All 6 states have suffered the effects of this flash flood that occur annually as a result of the Gu rains, which is a monsoon like rainfall Hirshabelle, Jubaland, Southwest and Puntland states being the most affected. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tog-Wajaale)- Hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ayaa baadhitaan iyo xaqiijin ku soo samaysay raashin dhacay oo laga soo celiyay dalka Itoobiya, kaasoo markii hore ka dhoofay dhinaca Somaliland. Raashinkaasi dhacay oo noociisa lagu sheegay Misir ayaa la dhigay magaaladda Tog-wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya. Kadib markii la ogaaday in uu dhacay ama xumaaday oo aan la isticmaali Karin. Wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ayaa maanta kormeer ugu baxay magaaladda Wajaale si ay u soo cadeeyaan in Misirkaasi uu dhacay ama xumaday iyo in kale. Markii ay weftiga guddoomiyaha hay’adda tayadu gaadheen Wajaale waxay kulan la qaateen masuuliyiinta degmadda Wajaale, kuwa maamulka kastamka Wajaale iyo ciidamadda Tulba-taariyadda. Waxaanay masuuliyiinta Wajaale warbixino la xidhiidha sida ay magaaladu ugu baahan tahay in la xoojiyo baadhitaanadda dhinaca badeecadaha kala duwan ee ka dhoofa ka siiyeen guddoomiyaha hay’adda tayadda iyo xubnihii la socday. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay maamulka degmadda Tog-Wajaale warbixinta fiican ee ay ka siiyeen xaaladaha alaabooyinka dhacay iyo waxyaabaha magaaladda ka dhex socda. Guddoomiyaha hay’adda tayadu waxa kaloo uu sheegay Wajaale ay muhiim u tahay in la balaadhiyo hawlaha baadhitaanadda badeecadaha ka dhoofa, maadaama oo ay ku taallo xuduudka Itoobiya. Waxaanu balan qaaday in ay ka hay’ad ahaan is-bedel weyn ku samayn doonaan tiradda shaqaalaha ka hawl gala xafiiskoodda Wajaale. Geesta kale guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale Xaashi Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in Wajaale ay ka jiraan in raashin iyo waxyaabo kaloo taariikhdii la isticmaalayay dhaafay ay yaalaan, isla markaana ay ganacsatada qaarkood wax ka bedelaan taariikhda sheegaysa wakhtiga uu shaygu dhacayo. Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda tayadda Somaliland ayaa denbi qaran ku tilmaamay ganacstadda wax ka bedela taariikhda uu dhacayo badeecadaha ay iibiyaan. Waxaanu sheegay in cidii lagu qabto iyagoo wax ka bedel ku sameeyay badeecado dhacay in ay sharciga la tiigsan doonaan. Daawo: hadaladii Masuuliyiinta: Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato Wasiirada iyo Xildhibaanada deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Kulankaas oo ah mid quraac ah ayaa lagu ku casuumay Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, isla markaana waxaa loo diray fariimo ku aadan in kulan uu ku Casuumay Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in Wasiirrada iyo Xildhibnaanada uu warbixin ka siiyo Shirkii dhawaan Magaalada Jabuuti ku dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo lagaga hadlayo Arrimo kala duwan. Sidoo kale inta uu socdo kulanka ayaa waxaa lagaga hadli doonaa Arrimo ku saabsan Doorashooyinka. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kulanka Maanta uu hogaamin doono dhanka Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland Raysal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan gaar ah oo dhacaya saaka ku casuumay wasiirada, senatorada iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi. Kulanka ayaa la filayaa in goor dhow uu ka bilowday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa horkacaya xildhibaanada iyo wasiirada maanta la kulmaya madaxweyne Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xildhibaanadaasi kala hadli doono arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021, maadaama cabasho badan iyo dood ay ka taagan tahay kurasaata xildhibaanada ka soo jeeda dhinaca deegaanada Somaliland. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madaxweynaha uu warbixin uu xubnahaasi ka siiyo shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalka Jabuuti. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey muranka iyo qeylo dhaanta ka taagan kuraasta gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo maanta xeerkaasi ay dood adag ka leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
-
(SLT-Koonfur Afrika)-Wararka aanu ka heleyno Magaalo ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka laga helay Meydka nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku nool. Meydka Marxuumka ayaa waxaa laga helay Xarunta laga raaco Tareenada “Train Station” ee taalla Magalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in la dilay. Dad Soomaali ah oo tegay goobta ayaa waxaa ay sheegeen in ninkan xiligii ay dul-tagayeen Meydkiisa uu qorta xadhig uga xidhnaa, isla markaana halkaas ka qaadeen, iyagoo geeyay Xarun Meydadka lagu baadho. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninka Soomaaliga ee la dilay uu la shaqeyn jiray dad Koonfur Afrikaan ah, welina si dhab ah looma oga sababta keentay dilka ninkaasi. Source
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga doodayaa sida uu qorshuhu yahay xeerka matalaada gobolka Banaadir iyo xeerka kuraasta gobolada waqooyi. Labadaan xeer oo muhiim u ah doorashada soo socota ayaa waxaa soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee labada aqal ee loo xil-saaray diyaarinta xeerarka doorashada. Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa weli ay dood adag ka taagan tahay, kadib markii aqalka sare laga siiyey illaa 7 kursi oo loo qeybsan doono nidaamka 4.5, taas oo ay cabasho xoogan ka keeneen siyaasiyiin badan iyo waxgaradka gobolka Banaadir. Sidoo kale kuraasta gobollada waqooyi ayaa iyana waxa ka taagan muran xoogan, waxaana la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaato xildhibaanada ka soo jeeda gobolladaasi, si uu ugala hadlo arrimaha doorashada, wada-hadallada u bilowday Soomaaliya iyo Somaliland, kadib shirkii dhowaan ku qabsoomay dalka Jabuuti. Arrimahaan oo dil ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu guda jiro xilli kala guur ah, islamarkaana uu waqti yar u haray muddo xileedka dowladda federaalka ah ee Somalia.
-
Waxaa maanta lagu wadaa in golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka ayaa ah, ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo baarlamanka 11-aad iyo kuraasta gobolada Woqooyi ka soo galaya. Waxaa la filayaa in dood dheer goluhu ay geliyaan, maaddaama ajandaha uu yahay mid muhiiomadiisa leh , gobolka Banaadir ayaa horay loogu Ansixiyey 7 kursi in ay ku mataan golaha Aqalka sare . Kulanka golaha ayaa kamid ah kala fadhiga 7-aad , kaas oo ah midkii ugu dambeeyey, mudo xileedkiisa, waxaana laga sugayaa howlo badan, oo ay ugu weyn tahay dib u eegista dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka saxiixay sharciga duuliska rayidka hawada, kaas oo xilligaan muhiim ah Soomaaliya oo horey ula soo wareegtay maamullida hawadeeda. Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixa kadib u mahadceliyey xildhibaanada labada aqal iyo khuburadii qeybta ka soo qaatay sharcigaasi. Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa aintaasi kadib magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, kaas oo loo magacaabay Mudane Axmed Macalin Xasan oo xilkaasi horey ugu hayey si kumeel gaar ah. Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
-
Mogadishu (HOL) - Somali government soldiers have blocked vital roads on Sunday in Mogadishu as they protest over unpaid wages. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ku dhaw laba sano ayaa ka soo wareegtay markii magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay laga soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, waxa uuna xiligaas ahaa musharaxa ugu cad cad doorashada Koonfur Galbeed. Tan iyo markii la xiray Abuu Mansuur waxaa socday dadaallo lagu sii deynayo hase yeeshee wali laguma guuleysan waxaana soo baxaya warar sheegaya in aan la sii deen doonin ilaa ay ka hagaagto cabsi uu ka qabo Madaxweyne Lafta-gareen. Warar aan ka helnay xildhibaano iyo siyaasiin xog ogaal ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Abuu Mansuur uu u xiran yahay in laga cabsi qabo in uu mucaarad ku noqdo maamulka Koonfur Galbeed, maadaama taagero badan uu leeyahay. “Abuu Mansuur, in uu sii xirnaado waxaa dalbaday siyaasiin ku xiran Villa Somalia iyo Lafta-gareen waxayna aaminsan yihiin inuu mucaarad ku noqon karo Laftagareen iyo Farmaajo iyo inuu noqon karo mucaarad saameeya nabad iyo nolal ilaa doorashada 2021-ka” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bishii koowaad ee sanadkii hore Baydhaba ka sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan usii deyn doonaan Abuu Mansuur. Sidoo kale wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xildhibaan Cabdifitaax Geeseey ayaa isu casilay arinta Abuu Mansuur isagoo sheegay inuu ka shaqeyn doono sii deesmadiisa ilaa haddana kuma guuleysan arrintaasi.
-
NEW YORK— President Donald Trump's return to the campaign trail was designed to show strength and enthusiasm heading into the critical final months before an election that will decide whether he remains in the White House. Instead, his weekend rally in Oklahoma highlighted growing vulnerabilities and crystallized a divisive reelection message that largely ignores broad swaths of voters — independents, suburban women and people of color — who could play a crucial role in choosing Trump or Democratic challenger Joe Biden. Source: Hiiraan Online
-
The last word that Mariam Abdi Adam heard her mother utter was a muffled, unanswered “HELP”. It was relayed from the floor of the isolation ward where her pre-paid phone had fallen in the middle of a call. Source: Hiiraan Online
-
At least seven people were killed in two separate attacks by the al-Shabab militant group in Somalia in the last 24 hours. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Kenya ayaa ka hadlay waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya. Faarax ayaa sheegay in madaxwayne Saciid Deni dagaalka uu kula jiro dowladda federaalka uu salka ku hayo doorashadii uu kusoo baxay, oo xukuumadda Soomaaliya ay musharax kale taageeraysay, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inuu noqdo nin ciil-qaba oo weli cadhaysan, iyadoo laga rabey inuu go’aan taariikhiya qaato marka uu hogaanka Puntland ku guulaystay, ee ololihii doorashadu dhamaaday. “Saciid Deni wuxuu ka kori waayey, shalay waa lagaa horyimid, balse maanta hadii aad soo gashay iyagoo ku neceb waxaa badan kalsoonida laguu qabo, ciil kama kore ha noqon, nasiib xumo soomaali waxay dhahdaa rag waxaa ugu daran ciil kama kore iyo calooshii la ciyaar, waxaana sidoo kale meesha ku jira doorka imaaraadka oo khilaafka hurinaya,” ayuu yidhi Faarax Macallin. Dhinaca kale wuxuu sheegay in Puntland iyo maamulada kale aysan xaq u lahayn in lagala tashado sharciyadda kala duwan ee kasoo baxaya baarlamaanka iyo dawladda dhexe, balse taas bedelkeeda wuxuu sheegay in maamulada laga rabo sharciga dhankooda kasoo baxaya inuu waafaqo shuruucda dalka iyo dawladda dhexe. “Xadiisku hadii uu ka hor imaanayo aayad qur’aan ah, daaqadda ayaa laga tuurayaa, madaxda soomaalida waa in la baro shuruucda iyo sida dalalka caalamku ay u shaqeeyaan,” ayuu raaciyey hadalkiisa. Siyaasiga Faarax Macallin wuxuu sidoo kale ka hadlay faragelinta lagu hayo arimaha Soomaaliya iyo doorashadii madaxwayne Farmaajo. “Madaxwayne Farmaajo waxaa loo doortay inuu Soomaaliya ka xoreeyo Itoobiya, Imaaraadka iyo wixii aan wadin dan Soomaaliyeed, oo dalka uu xor ka dhigo, Maraykanka waxa uu Soomaaliya ku leeyahay ogolaada/aqbala, dalkooda maka aqbalayaan Maraykanku?” Faarax Macallin wuxuu sheegay in la dayacay fursad ay Soomaaliya ku heli lahayd iskaashi dhinaca difaaca ah oo turkigu doonayey inuu la galo, sida uu dalka qatar ula galay. “Turkiga ayaa usoo jeediyey laba sanno ka hor dawladda Soomaaliya inay la galaan iskaashi dhinaca difaaca ah, balse madaxda dowladda Soomaaliya ayaa diiday iyagoo ka baqaya Maraykanka iyo reer galbeedka,” ayuu yidhi Faarax Macallin.
-
Wasaarada Gaadiidku Dadka Dalka Miyey Nacsiinaysa ?? Weriye Barkhad-Ladiif M. Cumar Tan iyo intii wasaarada Gaadiidka wasaarada gaar ah laga dhigay waxay dadka ku haysaa dhibaato ay meel ay ula kacaan aanay haysan, dadkii way yaaban yihiin, wax ay sameeyaan iyo cid u dhego nugul oo cabashadooda wax ka qabanaysa ma jirto. Sanad walba lacag aanay fileen ayey dadkii Dirawada ahaa in laga qaado loogu fikirayaa, bilowgii aasaaskeeda waxay bilowday in gaadiidkii numbarka laga bedelo si ay u noqoto hay’ad dakhli soo saar, gaadiidkii numberkoodii baa la yidhi waa la bedelaya, waxaana qofkii ku bedelaya numbarka cusub lacag ka badan hal milyan oo Somaliland ah waa inuu bixiyaa, buuga iyo baleedhkaba hore dawladihii hore uga qaaday lacagtii hadana mar labaad baa buug iyo baleedh cusub laga iibinaya. Mar kale waxa loo fikiray sidii gaadiidka lacag looga qaadi lahaa, waxa la yidhi liisamadii ay dawladihii hore bixin jirey waxba kama jiraan waa in liisan cusub la siiyaa, liisaanka dadku waa laba nooc mid waa buug midna waa laf, labadiiba waa la bedelayaa, waayo dakhli baa dawlada ugu jira. Sanadkan waxa la bilaabay in dadkii laga ururiyo liisaanka, marka laga qaaday jidka ma mari karto liisaan la’aan, awal ninka liisanka haysta cashuur baa ku waajibtay, balse imika waa in liisaan cusub samaysataa oo aad bixisaa lacagtii aad hore u bixisay ee liiisaanka cusub laga qaado. Qofka toban sanno loo cashuurayey liisaanka ee imika laga dhigay qof cusub oo hadda dalbanaya liisaan ee bixinaya sideetan dollar waa isku xaquuq qofkii liisaanka haystay iyo ka imika liisaan doona isku lacagna waa laga qaadaya. Dadkii way yaaban yihiin, sanad walba waa loo fikirayaa sidii dadkan lacag cusub looga qaadi lahaa, waxa ay sameeyaan way garan laayihiin, waxa kaliya ee ay ku ciil baxayaan waa inay ka hadlaan warbahinta oo dadka kale u garaabaan. Qof liisaan baabuur haysta oo dawladihii hore u sameeyaan sabab looga qaado oo loogu qasbo in liisan cusub loogu sameeyo maxay tahay, hadii liisan cusub loo samaynayo sabab lacagtii hore looga qaaday markii loo samayaneyy in mar labaad laga qaada miyeyna xaaraan ahayn miseyna dhibaato iyo cadibadan ku hayn dadka. Waxa kale oo imika soo socda in shirkado tayada baabuurta eegta lixdii biloodba mar la sameeyo, in qofkii waraqdaasi sita baabuurka loo cashuuro, oo waxa la isku xidhayaa waraaqda geerashkaasi iyo cashuurta dawladda waa qorshaha aan wali bilaabmin ee marka liisaanka la dhameeyo la damacsan yahay in la sameeyo. Si kooban hadii aan u dhigo dhibaatada dadka haysta: Baabuurka numbarka hore lahaa waa la bedelaya waxa lagugu bedelaya lacag dhan 110 dollar. Liisankii aad sidatay waa la bedelaya, waxa lagugu bedelaya 80 dollar. Warshada eegi doonta tayada baabuurka oo wali qiimihii la soo saarin oo ah culays kale oo dadkii ku soo kordhaya. Intaas waxa dheer buuga imtixanka lagu gallayo waa laga iibinaya, waraaqda caafimaadka indhaha iyo nooca dhiigaaga waxa kooto loogu xidhay shirkad ku dhex leh xafiis wasaarada oo ka qaalisan lacagta cisbitaalka guud dadka ka qaadi jirey, lama ogola xiitaa in cisbitaalka guud waraaq caafimaadka ka qaadato. Bal ka waran xukuumad kasta oo timaada haday waxba kama jiraan ka dhigto kuwii ka horeeyey liisaamadii ay bixiyeen, oo tidhaa liisaankii hore waxba kama jiraan, baleedhkii hore iyo numbarkii hore waxba kamaa jiraan, waxaas oo dhibi soo kuma dhacayaan dadkan darxumaysan ee nolosha la daalaa dhacaya. Waa la arkaa in loo fikirayo shacabka ee yaanay inkaartoodda idin ku dhicin ee xukuumadda shacabkeeda ha u naxariisato. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wax badan ka badalay qaabkii uu ula kulmi jiray xubnaha xisbiyada mucaaridka ah, kadib shirkii Jabuuti oo uu dhawaan kasoo laabtay. Madaxweynaha ayaa si gooni-gooni ah ula kulmaya guddoomiyeyaasha mucaaridka ah, isagoona uga xog waramaya arrimihii wada-hadalada ee dhawaan ka furmaya dalka Jabuuti iyo aragtidooda, maadama aysan ka qeyb galin xisbiyada mucaaridku. Madaxweyne Biixi ayaa hore si wada-jir ah kulamada ula qaadan jiray guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka, balse xalay waxa uu kulan gaar ah la qaatay mid kamid ah xisbiyada mucaaridka. Muuse Biixi ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro iyo xubno kale, isagoona dhowr maalin kadibna la kulmi doona guddoomiyaha xisbiga Ucid. Sida ay ogaatay Caasimada Online, talaabada Biixi ayaa ah xeelad cusub oo uu ku rabo in labada xisbi uu si kala gooniya u kala xado, isla markaana uu midkasta ku marxabeysiiyo qorshe gooniya, walow uusan ilaa hadda si cad usoo shaac bixin. Talaabada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay imaneysa xili ay labada xisbi ku kala aragti duwan-yihiin arrinta wada-hadalada, maadama uu si adag uga horyimid xisbiga mucaaridka ah ee Ucid in wax wada-hadal ah lala furo dowladda federaalka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan xiligan munaasib aheyn in wada-hadal lala furo dowladda federaalka, oo uu aaminsan yahay inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland. Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa ku kala aragti duwan dib u furista wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee madhaleyska noqday, xili dhowaan loo balansan-yahay inay kulamo kale ka dhacaan dalka Jabuuti.
-
Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka+Sawirro Nin Soomaali ah ayaa la soo sheegayaa inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cloppenburg oo ka tirsan gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka. Gabadha la dilay oo magaceeda lagu sheegay Allaha u naxariistee Marxuumad Leylo Saciid ayaa aheyd gabar Soomaali ah oo sanadkii hore dhammaadkiisa dalka Masar qaxooti ahaan looga soo qaaday. Ninka wax dilay ayaa la sheegay iney bil iyo bar ka hor isguursadeen Marxuumada, waxaana gacanta ku dhigay Booliska xabsiga ayaana la dhigay, lamana oga illaa hadda sababta uu u dilay xaaskiisa inkastoo loo malaynayo inuu khilaaf soo kala dhex galay. Marxuumadda ayaa ka geeriyootay Wiil yar oo labo sano jir ah kaasoo ay u dhashay nin ay horey u kala tageen, waxaana hadda gacanta ku haya qolada caruurta iyo da’ yarta qaabilsan ee Jugendamt-ga loo yaqaano. Booliska ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan dilkan, ayna su’aalo weydiinayaan ninka wax dilay oo aan magaciisa la shaacin, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay Soomaalida ku nool dalka Jarmalka oo si weyn u hadal haya. Qaran News
-
Sababta Somalia u furi weyday Duulimaadyada Gudaha & Debeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sababta Somalia u furi weyday Duulimaadyada Gudaha & Debeda Dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Masar iyo kuwa kale oo Afrika ku yaalla ayaan furi doonin duulimaadyada gudaha iyo dibadda ilaa ay ka helaan lacago malaayiin doolar ah oo uga xiran arrintaasi. Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in ay milkiso lacag malaayiin dollar ah oo loogu talagalay cudurka safmarka ah ee COVID-19, taasi oo ah deeq caalami ah. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in laga yaabo in illaa bisha August ee sanadkaan ay sii xirnaan doonto hawada Soomaaliya, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo gaarin lacagta loogu talogalay in la siiyo si ay ula dagaasho cudurka Coronavirus, taas oo laga sugayo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dalal kale oo taageera Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa shaacisay in ilaa bisha August ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda sababo la xariira cudurka Covid-19, halka wadamadaan kale oo ay Soomaaliya ku jirto la filayo in ay shaaciyaan dabayaaqada bishaan. Dalalkaan haddii ay furaan hawada islamarkaana ay soo celiyaan jawi xasilooni ah waxaa la aaminsan yahay in ay weyn doonaan lacago malaayiin doolar ah oo loogu yaboohay si ay ula dagaalamaan cudurka Covid-19, sababtoo ah waxay u muuqan doonaan kuwa aan dagaal kula jirin cudurka, una baahneyn taageero. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan dunida halka qaarkoodna ay doonayaan in ay dano badan soo gutaan waxaana dhamaantood saameeyay xayiraadda adduunka saaraan ee ka dhalatay Coronavirus. Qaran News
