-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Guuleed Caydaruus oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa sheegay in Golaha Shacabku ay la qaataan soojeedintooda cusub oo aan cidnaloo afduubin Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whts-guuleed.mp4 Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow Oo ah guddoomiyaha guddiga Wadajirka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa faah faahin ka siiyay xildhibaanada golaha shacabka xeerka gaarka ah ee habraaca Kuraasta Somaliland Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-yarow.mp4 Source: goobjoog.com
-
A Somalian politician has said the state government of Galmadug will build a port in the town of Hobyo through a new “public-private entity”, raising questions over the involvement of Qatar, which undertook to fund it last year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka hadlay gadoodkii ay Shalay sameeyeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan. Taliye Odawaa ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse kuwa Shalay banaanbaxa dhigay ay macquul tahay inay kamid yihiin ciidamada aan weli marin tirakoobka iyo kuwa ay cilado farsamo ka yimaadeen diwaangelintoodii oo aan weli lacag la siin sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa ah dowladdii ugu horreysay oo muddo labaatan sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda shaqaalaha rayidka iyo ciidamada kala duwan ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda oo loo tiriyey Odowaa. Hadalka taliye Odawaa ayaa imaanayo xilli shalay ay agagaarka madaxtooyada xirteen Ciidamo ka tirsan Militariga oo kasoo baxay aaggaga difaaca ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan maadaama sida ay hadalka u dhigeen waayeen xuquuqdooda ciidanimo. Qaar kamid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada, iyada oo aan wax mushaar ah qaadan, hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar kasta sheego in dowladiisa ay ku guuleystay bixinta mushaarka ciidamada Dowladda Soomaaliya.
-
Ciidamadda Kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo Gorgor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellah hoose. Howlgalkaan ayaa si gaar uga dhacay deegaannada Jilib Marko iyo Gandarshe, kuwaas oo dhulka xeebta ah ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada Marka, oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda qalabaka Sida ayaa sheegay in ciidanka intii ay howlgalku socday ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabab. Taliyahaa ayaa sheegay saraakiisha ladilay Al-shabab ay u qaabilsanaayeen degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen. waxaana magacyadooda uu ku sheegay Xeroow,iyo Ciise yare. Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa haatan waxay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan amaanka degaanada jilib marko iyo gendershe ee gobolka shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamadda kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay al-shabaab ka saareen degaanada Jilib Marko iyo Gendershe oo ka tirsan degmada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ujeedkiisu ahaa in malayshiyaadka Al-shabaab laga xoreeyo dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko. G/sare Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in sidoo kale hawlgalka lagu dilay laba horjooge oo Al-shabaab u qaabilsanaa degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen. Maalin ayaa magacyada saraakiisha la dilay ku sheegay horjooge xeroowiyo horjooge ciise yare inkastoo uusan faahfaahin kale ka bixin. PUNTLAND POST The post DANAB oo dilay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab degaanno kala duwan ka qabsaday appeared first on Puntland Post.
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor oo si wada jir ah u howlgalaya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanada Jilib-Marko iyo Gendershe oo hoos taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas waxa ay sheegeen in qorshuhu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dhulka xeebta ee u dhaxeeya degaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo degmada Marka. Taliyaha guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen ay ku dileen laba sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada xeebta dhaca ee maanta ay ciidamadu la wareegeen. Taliyahaa ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha laga dilay Al-Shabaab lagu kala magacaabo Xeroow iyo Ciise Yare, haatana ay ku raad joogaan sarkaal kale oo lagu magacaabo Shuceyb Fanax, kaas oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan dhulka xeebta ah. Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor ayaa haatan waxay deegaanadii ay la wareegeen ka wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan ammaanka, sida uu sheegay Taliyaha ka warbixiyey howlgalladaas.
-
qaar ka mid ah haweenka Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida ay u arkaan meel marinta kuraasta ay haweenka ay ku fahdiyaan,iyagoo madaxda Dowladda u soo jeediyay in loo gaar yeelo Halkan Ka Daawo Qaar Ka Mid Ah Haweenka Oo La Hadlay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatssss-1.mp4 Source: goobjoog.com
-
Soomaali iyo Trump siddeed arrimood oo dhexmaray Trump ayaa maanta loo dhaarinaayaa xilka madaxweynaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale soo celiyay weerarrada dhanka afka ah ee uu ku qaadayo Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydan ay dooneysa in ay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”. Donald Trump ayaa sidoo kale horey u jeediyay hadallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida, Ilhan Cumar iyo Muslimiinta. Haddaba qaar ka mid ah hadalladaas ayaan halkan ku soo koobeynaa: 1- “Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan” Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa. Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar. “Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump. Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar. “Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota.” “Aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu hadalka ku sii daray Trump. Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo. 2- “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday” Bishii Nofember, 2019-kii, waxay Donald Trump si wayn isu qabteen haweeney Safiir uga ahayd dalka Ukraine. Wuxuu xilligaas wajahayay mooshinno la xiriiray “fadeexad” ka dhalatay dhaqaale taageero ah oo lagu xiray arrimo siyaasadeed. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista. “Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Soomaaliya, sideey taasi noqotay?” Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”. Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah. 3- “Fikradda xun” ee Trump uu ka qabo Soomaalida Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya. Bishii July, 2019-kii, hadal uu jeediyay Donald Trump ayaa dhaliyay buuq badan, wuxuuna wajahay dhalleeceyn. Inkasta oo uusan xilligaas toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya. Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay. Soomaalida badan ayaa deggan Minneapolis Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta dadkooda ay isku asalka yihiin. Wuxuu yiri: “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimuquraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya.” Wuxuu intaa ku daray: “In hadda (dumarkaas) aydadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegayaan sida wax loo maamulo”. Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay Qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay “madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”. Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa “gudaafad ah”, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan. 4- “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina” Minnesota Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka. “Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida.” “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.” Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka. 5- Daacish iyo Soomaalida Trump ayaa lagu eedeeyay hadallada adag ee uu jeediyo Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan. Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka. Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay “qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan.” Donald Trump wuxuu mar kale ku “celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka.” Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump 6- “Naceybka” uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump “u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.” Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya. Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka. Sida lagu xusay buuggaasi: “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka. 7- Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump? Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo. Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February ee 2019-kii,oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb”, ay ku qortay barteeda Twitter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida: 8- Nin Soomaali ah oo Trump ka mamnuucay magaaladiisa Bishii March 2019-kii, Maajid Maajid oo 30 jir qaxooti Soomaali ah, ayaa ku dhawaaqay go’aan la yaab leh, xilli uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield ee Britain, “taas oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay. Waxaa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan,” ee Sheffield. Trump wuxuu xilligaas ku dhwaaqay dhimista tirada qaxootiga Soomaalida ee dib u dajinta la siinayo. Xilligii uu ololaha ku jiray ee sannadkii 2016-kii wuxuu ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota. Gobolka Minnesota waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka. Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka. “Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% “, ayuu yiri Mr Trump. Waxa uu khubda ka jeedinayay isu soo bax lagu qabtay xarun lagu magacaabo Target Centre. “Sannado badan, hoggaamiyeyasha Washington waxay gobolkiinna keeneen qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamaynta ka dhalan karta ee dhanka iskuullada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha”, ayuu yiri madaxwayne Trump. “Waxaan idiin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta,” ayuu hadalka ku sii daray. Qaran News
-
It has been 60 years since the Italian Somaliland and the British Somaliland became independent from their respective colonial powers to form a union that miserably failed 30 years later. After a long ever-morphing saga of blood, destruction, and loss of identity Soomaalinimo (Somaliness), these two political entities, legally known as Somalia, have just concluded yet another conference to negotiate a reunion or declare their relationship irreconcilable difference and amicably part ways. Many such conferences were hosted by Turkey, and all agreements reached in Istanbul are still pending. While such narrative may have yielded some traction for domestic consumption, in reality, the latest so-called reconciliation on the future of Somalia and Somaliland was nothing more than a geopolitical racket of dangerous consequence to the Somali people on both sides. Due to the secrecy in which the initiative was shrouded, the last minute marching orders given to the top leaders on both sides to come, the foreign heads of states who participated, and the outcome of appointing a reconciliation committees from both sides compels any objective analyst to conclude this was a distraction tactic for a more serious or sinister issues. Since 2012, both sides—Somalia and Somaliland—have appointed similar technical committees a number of times only to see them fizzle before the nostalgic thrill wore off. On more than one occasion, deal-breakers were planted right into the very committees that were established to negotiate a win/win outcome for both sides. And this time is no exception. The Foreign Engines On June 13th, before any announcement or news bulletin from the Federal Government of Somalia or Somaliland, Djibouti President, Ismail Omar Guelleh, tweeted “Tomorrow in Djibouti, I will chair a meeting between President Mohamed Abdullahi Farmajo and President Moussa Bihi Abdi to follow up on the mediation efforts between the two leaders. I have also invited Prime Minister Abiy Ahmed to attend the discussions.” What a comical irony. So, Abiy was in the neighborhood running some errands before getting invited to drop in the powwow? He must have been as he came dressed for the part. Seriously though, Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister, was the most important official who attended that meeting. He is the conduit or the human thread running through all three competing grand strategies that I outlined in an article entitled Transformation Euphoria in the Horn of Africa that I wrote a couple of years ago. None of them earnestly consider Somalia a strategic partner. Each considers it the perfect dispensable pawn with the ideally useful inept and corrupt leaders. Despite the inflated excitement surrounding the Djibouti Conference on Somalia and Somaliland, collectively they remain, as I wrote before, “the most important political theatre in the 21st century as it is where geopolitics, geo-economic, and geo-religious dynamics intersect and interplay.” It is where strategically most important waters—Indian Ocean and the Red Sea—intersect and one of the world’s largest untapped oil and gas resource is, due to chronic corruption, widely exposed for exploitation. To understand President Guelleh’s incentive to give cover to the real deals taking place off the center stage, one must remember that this is the 20th anniversary of the Arta Peace Conference that put Guelleh on the world stage and deservedly so. Guelleh is facing a groundswell of domestic discontent and growing accusations of human rights violations and corruption. He is also the leader that U.S considers the one who compromised its geopolitical poker game against China. And he is well aware there is no way he would defuse his domestic challengers if he does not have political capital in the West. Now you see, now you don’t International predators—including next door neighbors—and their domestic partners know how easy it is to send clan-intoxicated, cash-addicted bunch of charlatans from both sides into a dramatic fool’s errand. The Houdinis of corruption, headquartered in The Villa Somalia, are determined to auction the licensing of Somalia’s oil and gas by the first week of August 2020 without adequate and independent checks and balances. Granted President Farmajo signed into law the so-called Petroleum Bill. But, who were the experts who drafted it and the Parliamentarian experts or other independent committee that scrutinized it to protect Somalia from pending exploitation? Equally important, were all seven Somali presidents on board? The answer is: none and no. Neither Somaliland, nor Puntland, and by extension, Jubbaland are on board. Their unequivocal consent is necessary for some of these licensing shenanigans to materialize and to prevent potential resource wars. In the meantime, the Houdinis have successfully fed two false narratives to a good portion of the Somali public: Somalia’s international loans were forgiven and the International Monetary Fund and the World Bank are giving Somalia a free grant of $800 million. This dangling carrot was good enough to lure Somaliland leadership and it was hoped to boost Presdiden Farmajo and Prime Minister Khaire’s chances for reelection by parliament. Their executive office has already co-opted the parliament unlike any of its predecessors. None of the numerous foreign deals it has been making or new loans received was brought before the parliament for scrutiny or oversight. The Counterintuitive Option Somalia is a web of competing and counter-competing interests and predatory scams. To untangle and sift through all these mostly existential threats requires a moratorium period to administer the shock therapy that it so desperately needs to survive as a nation. Current state of affairs is such that: foreign sponsored national reconciliation has been a periodical ritual since year 2000. The completion and ratification process of the transitional (provisional) constitution that already costed over $60 million has been on-going since 2004. The periodical U.S. aerial bombardments have been on-going since 2007 and are now intensified to bi-weekly deadly drones. AMISOM (including Ethiopia & Kenya with direct conflict of interest) has been fighting al-Shabaab since 2007. The Somali national army has been under a never-ending process of rebuilding since 2004 while Somalia still remains under UN arms embargo. Furthermore, the balkanization process of Somalia into clan-based political entities; each with its own foreign, defense, and immigration policies, so to speak, has been on-going since 1991. Each of these entities is ruled by an Alpha clan that claims exclusive or zero-sum rights over all other clans. And each is founded or sustained by a hate narrative. Sometimes what one says is the most important; other times, how one says it; other times, where one says it; other times, why one says it; yet other times, who says it. Mindful of all that, I opted to go on record and recommend the ‘T’ option. Not terrorism, but trusteeship. For a context, allow me to digress a little in order to describe these four stages of evolution. In 1992, a small group of diverse Somalis founded a volunteer-based organization to help assist Somali refugees in Kenya with blankets and used clothes, and help settle the very few who found sponsors. That small group developed close relations. So one night, after dinner, someone raised the most sensitive question at the peak of the Somali fratricide: How do we get out of this mess? Each one of us was given enough time to ponder the question and add something into the brainstorming basket, so to speak. Each one of us offered something that would be acceptable at the Main Street or the Macca Al-Mukarama Street. All except one of the group who said: We need to ask for ‘Trusteeship’ to provide us time to cool off, address grievances, and streamline our national narrative We need to change the capital, even for temporary We need to redefine the five corner start in the flag to represent values of coexistence instead of lost territories that since accepted to become part of another nation or been recognized as a nation of its own. In 2004, at the Israaca annual conference held in Columbus, members have thoroughly debated and finally approved a policy paper advocating the UN to consider placing Somalia in a trusteeship program. At its peak, that organization—once considered Somalia’s great hope—had a membership of more than 240 of what many considered as some of ‘Somalia’s best and brightest.’ They were from across clan and ethnic lines. The organization’s modus operandi was to identify topics essential for peace and for the reconstitution of Soomalinimo or sense of nationhood. Debate it for two weeks. Elect an ad hoc committee to draft a policy paper to be approved at the annual conferences. In 2008, the regional multi-national assembly or Ethiopian conduit known as IGAD has passed what it called “Declaration of the 13th Extraordinary Session of the IGAD Assembly of Heads of states and Governments” in which the transitional government led by President Abdullahi Yusuf to “sign onto a scheme mimicking the UN Trusteeship only to place Somalia at the mercy of its (then) occupier, Ethiopia. This is a case of putting the fox in charge of the chicken barn…” In 2013, several months after the transitional period has ended, the United Nations Political Office for Somalia was closed, and the country was welcomed back to the international community of nations, the FGS led by President Hassan Sheikh Mohamud, agreed to allow the establishment of UNSOM- United Nations Assistance Mission In Somalia to keep Somalia in an indefinite silent trusteeship. Within this on-going arrangement, the FGS cannot independently enact any significant domestic or foreign policy without getting clearance from UNSOM which is accountable to no Somali office, even symbolically. Never to be left out, President Mohamud also agreed for Ethiopia to join AMISOM. Since Somalia has been in a muted trusteeship in which U.K. still remains the country’s pen-holder or the official gate-keeper of all Somalia related issues at the UN Security Council. The trusteeship system was established to help the Trust Territories (former colonies) attain the capacity for self-determination and self-governance. This is good so long as there is a trustee willing to help in capacity-building and a trustee council providing the necessary supervision and scrutiny. Once The UN Security Council agrees to such proposal, a friendly country with proven goodwill toward Somalia will be invited to serve as a trustor for a period of 4 years. Painful, ego-wounding, and vanity-shattering as it may seem, that official and transparent humiliation maybe the precise condition to level the playing field and expose clan-based false narratives of superiority and equally humble all alpha clans in perpetual zero-sum clan competition: with your mentality Somalia is worse off today than before independence six decades ago. It is the only way to streamline the multilayered Somalia’s domestic and foreign problems; the only way to form an independent reconciliation commission that is not funded and framed by foreign powers. It is the only way to genuinely negotiate a constitution that sidelines all forms of clan-based rights in favor of citizenship rights and Soomaalinimo. Abukar Arman is a Somali political analyst, writer and former Somalia Special Envoy to the United States. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Falanqeeye Ibraahim Geedow Cawaale ayaa sheegay in aad ugu xunyahay macallimiinta iyo ciyaartooydamarkii ugu horeesay Soomaaliya gaarsiiyay fiinalaha tartanka 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ku qabsoomay magaada Bujumbura ee dalka Burundi. Halkan Ka Daawo Falanqeeye Ibraahim Geedow Oo Ka Hadlaya Macallimiinta La Cayriyay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-16.mp4 Source: goobjoog.com
-
Qaramada Midoobay oo Dacwad ku soo oogeysa Ra’iisal-wasaarihii Hore ee Somalia+Kiiska loo haysto War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu beeniyay diwaangalinta & Sharciyadsiinta Jaamacadda United Nations Academy of Somalia uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi. Qaramada Midoobay Warka kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS). War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay dacwad sharci ah ka gudbineyso dadka magacooda ku been abuurtay, waxa ayna Dacwadan saameyn doontaa xubno uu ku jiro Cali Geedi oo aas aasay Jaamacadan Onlinka wax looga barto. Halkan ka Akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’ Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. ‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Markab Sida xoolo isugu jira Adhi iyo Geel ayaa dib loogu soo celiyey Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera, Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo laga soo celiyay Waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, dejintiisuna ka socotay xalay Dekedda. Inkasta oo aanay wali Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah shaaca uga qaadin xaaladda Markabkan lasoo celiyay Haddana waxa shalay laga rogayay rarka xoolahaasi oo waddanka Sucuudigu ku sheegay kuwo aan caafimaadkoodu wanaagsanayn sidaana ay ku amreen in dib loogu soo celiyo goobtii laga raray. Warqad Ay soo saartay Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Waraabka ee Waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ay ku saxeexan yihiin Saraakiisha Maxjarka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee Magaalada Jiddah kuna sheegeen mid sir ah (Confidential) oo ay ku saxeexan yihiin Maamulaha Maxjarka Xawaannada iyo Dhirta ee Dekedda Magaalada Jiddah Xaamid Bin Turki Al-xarbi Iyo Dhakhtarka Gaarka ah ee Maxjarka Xayawaannada ee Dekedda Jiddah Mudane Sacuud Caydah Al Thubayti, kuna taariikhaysan 25/10/1441 oo ku beegnayd 17-ka Bishan Juun laguna socodsiiyay Maamulaha Guud ee Kastamadda Dekedda Jiddah, Maamulaha Guud ee Dekedda Jiddah iyo Maamulaha Amniga ee Dekedda Jiddah ayay ku yidhaahdeen sidan: “Ujeeddo: Celin Rarka Saaran Markabka BANYAS Meeshii Uu Ka Yimid Annaga oo ka duulayna amarkii Nambarkiisu ahaa 7/B/ kuna Taariikhaysnaa 11/11/1409 ee la xidhiidhay ilaalinta Caafimaadka xoolaha ee dalka loo soo dhoofiyo, sidoo kalena isha ku hayna Nidaamka sharci ee Maxjarrada Xoolaha ee dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta iyo sharciga fulinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee waafaqsan Qaraarka Golaha Wasiirrada ee Nambarkiisu yahay 109 kuna taariikhaysnaa 30/04/1424. Maalintii Arbacada ee Taariikhdu ahayd 25/10/1441 waxa soo gaaday halkan Markabka lagu magacaabo Baniyaas oo ka yimid dalka Soomaaliya kaasi oo siday 15980 neef oo Adhi ah iyo 544 Neef oo Geel Ah oo ay dalka keeneen Magacyada ku cad Maanafeestada. Markii la eegay waraaqaha ee la koray Markabka, baadhitaano oogadiisa ahna lagu sameeyey, sidoo kalena laga qaaday shaybaadhka lagama maarmaanka ah ee loo diray Laabka shaybaadhka waxa caddaaday sidan: Natiijooyinka baadhitaankaasi waxa ay muujiyeen in ay jiraan xaalado Caafimaad. Waxaanu rajaynaynaa in lagu celiyo dhammaan waxa uu sido Markabka BENIYAS meeshii uu ka yimid. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow soo gabagaboobay kulan u dhaxeeyey madaxda dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Kulanka oo u qabsoomay habka aaladda fogaan aragga ee ‘ZOOM’ ayaa waxaa ka qeybgalay dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada, oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada qaar ay shirka uga qeyb galeen WhatsApp. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa khadka uga jiray dhanka WhatsApp-ka, waxaana markii dambe dhanka WhatsApp u soo wareegay Madaxweyne Waare iyo Qoorqoor, markii uu ka xumaaday qadka zoomka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo diyaarin lahaa kulanka weyn ee la filayo inay isugu imaadaan Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Waxaa sidoo kale looga wada hadlay saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya iyo sida looga hortagi karo iyadoo ay iskaashanayaan maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Sidoo kale ajendaha labada dhinac ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah isu soo dhowaanshiyaha dhinacyada, amniga, doorashada iyo arrimo kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa horay casuumaad u fidiyey madaxweyneyaasha maamul goboleedyada si looga hadlo arrimaha hortabinta.
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa sii xoogeysanay marba marka ka dambaysa walaaca laga qabo dib u dhaca ku yimaad Doorashada golaha Wakiilada Somaliland, taasi oo ay saddex-da Xisbi Qaran iyo Beesha Caalamku ay ku heshiiyeen inay dalka ka qabsoonto dhammaadka sannadkan 2020, waxaana hadda muuqata ifafaale muujinaya inuu iman karo dib u dhac kale, maadaama aan illaa hadda la samayn wax-yaabihii aasaasiga u ahaa qabsoomida doorashadaas, isla markaana aan la dhammaystirin xubnaha Guddida cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland. Doorashadaasi oo ay hadda ka hadhsantahay wakhtigii loo qoondeeyey afar bilood oo kali ahi, ayaa waxa aan illaa hadda la qaban waxyaabihii aasasiga u ahaa qabsoomida Doorashadaasi, sida Diiwaangelintii iyo saami qaybsigii kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland oo aan ilaa hadda loo dhaqaaqin,kuwaas oo caqabad ku noqon karra qabsoomida Doorashadaasi, isla markaana sababi kara dib u dhac kale, haddii aan si deg deg ah loo xallin Saddexda Xisbi Qaran ayaa sanadkii tegay bishii Julay 2019-ka heshiis is afgarad ka gaadhay muran la xidhiidha arrimaha doorashooyinka oo soo jiitamay iyagoo halkaas ku kale saaxeexday heshiis ay Beesha caalamka soo curaysay, waxaanay isku wafaqeen inay doorashada sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka ay dhammaadkiisa dalka ka qabsoonto, haseyeeshee waxa muuqda ifafaale muujinaya in ay doorashadaasi aanay dalka ka qabsoomay wakhtigaasi loo qoondeeyey,madaama oo aan weli la dhammaystirin xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka, kuwaas oo ay ka maqan yihiin labadii xubnood ee Xisbiyadda Mucaaradka ah oo aanay weli ansixin gollaha Wakiiladu, balse loo ballansan yahay in mar kale la horkeeno todobaadka dambe bilowgiisa. Geesta kalene falaqeeyayaasha Siyaasada Somaliland iyo deneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka Somaliland, ayaa iyaguna walaac mid lamid ah ka qaba qabsoomidada Doorashadaasi, waxaana u muuqada in aan illaa hadda la samayn qodobo dhawr ah oo mihiim u ah qabsoomadida Doorashadaasi December 2020-ka,kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin heshiiska saami qaybsiga kuraasta Golaha wakiilada Somaliland iyo Diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland oo aan ilaa hadda midna loo dhaqaaqin . Dhanka kalena Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan war-baahinta kula haddlayey Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana ka haddlayey halista cudurka Karoona Fayras, ayaa sheegay inuu adduunka oo dhani uu wax kasta iska illaabay oo uu u jeestay siddii uu iskaga difaaci lahaa cudurka Karoona Fayras, isla markaana doorasho haddalkeed la iska daayey, waxaanu sheegay in haddii cudurka Karoona uu illaahay inaga dul-qaado in Doorasho la geli doono Source
-
Somali Awood badan ku lahaa oo laga qaaday Xilkii uu hayey Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi. Xilka qaadistan ayaa aheyd mid la filayey, kadib markii dhowaan in ka badan 130 Mudane ay mooshin ka dhan ah isaga u gudbiyeen madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaas haya ee Jubilee. Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay wajahayey hubanti la’aan iyo culeys uga imaanayey dhinaca baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu xilka hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka hayey tan iyo doorashooyinkii dhacay sanadkii 2013-kii. Xildhibaan Aadan Barre oo Soomaali Keyaan ah, lagana soo doorto gobolka waqooyi bari ayaa ka mid ah xildhibaanada fir-fircoon ee ku jira xisbiga talada haya ee Jubilee. Geesta kalena Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shir gudoominayay kulanka ay yeesheen xisbiga talada Kenya haya ee maanta xilka Hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya looga xayuubiyay Xildhibaan Aadan Barre. Hoggaamiyaha cusub ee Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo doortay Amos Kimunya, waxaa sidoo kale Aadan Keynaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari Kenya loo doortay Xoghayaha Guud ee isbaheysiga xisbiga talada Kenya haya. Xildhibaan Aadan Keynaan ayaa laga soo doortay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxa uuna hada noqonayaa ninka ugu sareeya ee Xisbiga Jubilee ku matalaya Soomaalida Kenya. Aadan Barre Ducaale ayaa mudo 7-sano ah hayay xilka hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya , waxaana xil ka qaadistiisa timid isbadalo lagu sameeyay xisbiga talada dalka haya kadib markii ay kala tageen Madaxweyne Uhuru iyo kuxigeenkiisa. Qaran News
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Sharciga Madaxweynaha Saxiixay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-frmjo.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Tan iyo intii lagu kulmay shirkii Jabuuti ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia ee labada dhan ku heshiiyeen in aan midna midka kale ku xadgubin oo aan la siyaasadayn arimaha samafalka oo aan dhana dhanka kale soo gali karin arimihiisa daakhaliga ayaa dawlada Farmaajo ay kolkii u horaysay ay jabisay arinkaasi. Wasaarada caafimaadka ee Muqdisho oo ka warbixinaysa xaalada hargabka Coronavirus ayay dawlada Somaliland waxa ay la mustawo dhigtay maamul goboleedyada ka jira dalkooda, arintaasi oo ka hor imanaysa kulankii Jabuuti. Sodoo kale warbixintani ay kaga waramayaan xaalada Coronavirus ee Somaliland ma aha mi xaqiiqo ku salaysan waxana ay ujeedadoodu tahay in ay caalamka tusaan in iyaga ay Somaliland hoos timaado oo wixii xanuunkaasi lagula tacaalilahaa iyaga gacanta loo galiyo arintaasi oo qalad ah. Hadaba halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedkii ay saaka la wadaageen dunida PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: Update as of 21.6.2020 MOGADISHU, Somalia, June 22, 2020/ — New cases confirmed today: 24 Somaliland: 15 Puntland: 6 Benadir: 3 Male: 18 Female: 6 Recovery: 31 Death: 2 Total confirmed cases: 2,779 Total recoveries: 782 Total deaths: 90 SOURCE Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia Qaran News
