-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulan maanta golaha shacabka ay isugu yimaadeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku meelmariyeen, xeerka qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka ah, kaas oo maalmahan golaha uu dood dheer ka lahaa. Kulanka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan , xeerka ayaa waxaa ogolaaday 134 xildhibaan halka ay diideen 7 xildhibaan, kulanka ayaa qeyb ka ahaa kala fidhiga 7-aad ee golah. Doodda maanta oo aheyd maalintii 2-aad ayaa la isku raacay in aan qoondada haweenka loo gaar yeelo aan lagu midda darin ragga , taas ayaa waxaa ka dhigan tahay in kuraasta golaha ay hadda haweenku ay hayaan kaliya ay u tartami karaan haween Baarlamaanka soo socda 11-aad. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirka sooxiray ayaa waxaa uu sheegay in xeerkaan oo kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen guddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka uu yahay mid ansax ah hadda wixii ka dambeeyo laguna dhaqmaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamo Gadooday oo xidhay Wado muhiima oo ku dhaw Madaxtooyada Somalia+Sawirro Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka caraydhsan mushaar la’aan mudo soo wajahaday ayaa maanta xidhay wadada soo gasha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka dahsoon. Ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka ee ay wateen ku jaray laamiga, waxayna joojiyeen in wax gaadiid ah wadadaasi maraan, ciidamadan ayaana sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo dheer haysatay. Qaar kamid ah ciidamada wadada xidh ayaa sheegay in ay kasoo baxeen aaga dagaalka ee Shabeelooyinka, waxayna tilmaameen in aysan helin xaquuqdii ay dowlada ku lahaayeen. Ciidamadan ayaa ugu baaqay madaxda dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xaquuqda ka maqan la siiyo ama laga fasaxo shaqada ciidanka si ay u noqdaan shacab. Qaran News
-
Trump oo weerar Afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, Somalidana ku gefay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo jeediyey khudbad dheer ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Kongareeska dalkaasi, isagoona sidoo kale u gefay Soomaaliya. Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayaa sheegay in Ilhaan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday oo kale Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Soomaaliya aysan laheyn ciidamo dhisan, sida “Ilhaan Cumar waxaa ay dooneysaa inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, boolis ka ma jiro, nabad kama jirto, balse waxaa kaliya ka jira amar la’aan iyo jahwareer , waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya.” ayuu yiri Madaxweyne Trump. Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay u dagaaalameyso inay galangal xoogan ku yeelato dowladda Joe Biden oo ah Murashax xisbiga dimuqraadiga ee xilka madaxtinimada kula tartami doono Trump. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliys, isagoo ku weerarayo Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka. Dareencelinta Ilhan:- Look, as the impeached President with over 100,000 Americans dead, 40,000,000 people without a paycheck, and massive protests across the country, maybe sit this one out. The only one failing to run our country is you, not this immigrant. Immigrants, we get the job done https://t.co/KR1uUcZPAF — Ilhan Omar (@IlhanMN) June 21, 2020 Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax al-Sisi ayaa Sabtigii ku amray ciidankiisa in ay u diyaar garoobaan howlgal dalka gudihiisa ama dibaddiisa ah, si ay u difaacaan danahiisa amni xilli ay sii kordheeyso xiisadda kala dhaxaysa Turkiga oo taageeraya Dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee Libya. Turkigu waxaa uu taageersan yahay Dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli, waxayna taageerada Turkiga dib uga celisay weerar 14 bilood uu magaaladda caasimadda ah ku hayay Jeneral Khaliifa Xaftar, oo doonayey inuu qabsado. Ciidamada Khaliif Xaftar waxaa taageera Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Al-Sisi waxaa uu Sabtigii u safray saldhig ciidanka cirka ay ku leeyihiin meel 1,200 kilometer u jirta xuduudda galbeed ee ay wadagaan Masar iyo Libya, halkaas oo Tv-ga Dowladdu uu muujiyay Madaxweynaha oo daawanaya diyaarado dagaal oo duulaya. “Isu diyaariya in aad qaadaan howlgal, halkaan xuduudeheena ah – ama haddii ay lagama maarmaan noqoto xuduudeena banaankeeda,” ayuu uu sheegay duuliyeyaal ka tirsan ciidanka cirka iyo askar ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Masar. Waxaa uu yiri “ciidanka Masar waxay ka mid ahaayeen ciidanka ugu xoogga badan gobolka.” “Waa ciidan macquul ah; ciidan wax ilaaliya ee aan wax u hanjabin…tani waxaa xeeladdeena, waxa aan rumeysanahay iyo mabda’eena oo aanan marna bedeli doonin,” ayuu yiri Sisi. Horraantii bishaan, Masar waxay ku baaqday in xabad joojin laga sameeyo Libya taasi oo qaybka ah hindise lasoo jeediyay in lagu doorto gole hoggaamiya dalka. Maraykanka, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweeyay qorshaha. Jarmalka waxaa uu sheegay in wada-hadallada ay garwadeenka ka tahay Qaramadda Midoobay uu muhiim u yahay hanaanka nabadda. Si kastaba, Turkiga ayaa diiday soo jeedinta waxaana uu ku tilmaamay iskuday la doonayo in lagu badbaadiyo Xaftar oo khasaare uu kasoo gaaray goobta dagaalka.
-
Golaha Shacab ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Mudisho ayaa ansixiyay xeerka qoondada haweenka ee doorashada. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana dood dheer kadib 134 Xildhibaan ay ogolaadeen in kuraasta haweenka aan lagu darin kuwa raga oo loo gaar yeelo, halka 7 Xildhibaan ay diideen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijadda codeynta xeerka qoondada Haweenka ee doorashada ee Golaha Shacabka u soo gudbiyay Guddiga KMG ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka. Xeerka ay maanta ansixiyeen Golaha Shacabka ayaa dhigaya in kuraasta labada Aqal ee haweenku hadda haystaan ay u tartami karaan oo kaliya haween. PUNTLAND POST The post Haweenka oo loo xiray kuraasta labada Aqal ay ku leeyihiin appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar , iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Madaxweyne Deni ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo Mas’uuliyiin kale, isla markaana waxaa Magaalada markii uu gaaray kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Bari. Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee halkaas ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo Tababar mudooyinkii dambe ugu socday Qardho iyo Badhan. Inta uu ku sugan yahay Qardho Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka magalada Qardho iyo Odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Daawo Sawirada Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xerada Tababarka Ciidanka ee Xergooble waxaa maanta tababar loogusoo xiray Ciidan ka tirsanaan Doona Ciidanka Xooga Puntland. Madaxweynaha Puntlanf Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan [...] The post Daawo Sawirada Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidan appeared first on . Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamanka Fedederaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay yeesheen waxay ku ansixiyeen mooshinkii shalay loo gudbiyey ee ku saabsan qoondada kuraasta haweenka. Xildhibaanada oo yeeshay kulankii 5-aad ee kalafadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoomiyey guddoomiyaha baarlamanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen 143 Xildhibaan ayaa wuxuu ajandihiisa ahaa dhameystirka dooda ku saabsan xeerka qoondada haweenka kadib markii shalay la hor geeyey mooshin ku saabsan arrintaan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay mooshinkii shalay loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana ay saxiixeen 132 Xildhibaan. 134 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ogolaaday in kuraasta Haweenka aan lagu darin kuwa ragga oo loo gaar yeelo doorashada soo socota, islamarkaana kuraasta hadda ay haweenka ku fadhiyaan ay u tartami karaan oo kaliya haween. Waxaa diiday 7 Xildhibaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Xerkaan oo kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka uu yahay mid ansax ah.
-
Tan iyo intii wasaarada Gaadiidka wasaarada gaar ah laga dhigay waxay dadka ku haysaa dhibaato ay meel ay ula kacaan aanay haysan, dadkii way yaaban yihiin, wax ay sameeyaan iyo cid u dhego nugul oo cabashadooda wax ka qabanaysa ma jirto. Sanad walba lacag aanay fileen ayey dadkii Dirawada ahaa in laga qaado loogu fikirayaa, bilowgii aasaaskeeda waxay bilowday in gaadiidkii numbarka laga bedelo si ay u noqoto hay’ad dakhli soo saar, gaadiidkii numberkoodii baa la yidhi waa la bedelaya, waxaana qofkii ku bedelaya numbarka cusub lacag ka badan hal milyan oo Somaliland ah waa inuu bixiyaa, buuga iyo baleedhkaba hore dawladihii hore uga qaaday lacagtii hadana mar labaad baa buug iyo baleedh cusub laga iibinaya. Mar kale waxa loo fikiray sidii gaadiidka lacag looga qaadi lahaa, waxa la yidhi liisamadii ay dawladihii hore bixin jirey waxba kama jiraan waa in liisan cusub la siiyaa, liisaanka dadku waa laba nooc mid waa buug midna waa laf, labadiiba waa la bedelayaa, waayo dakhli baa dawlada ugu jira. Sanadkan waxa la bilaabay in dadkii laga ururiyo liisaanka, marka laga qaaday jidka ma mari karto liisaan la’aan, awal ninka liisanka haysta cashuur baa ku waajibtay, balse imika waa in liisaan cusub samaysataa oo aad bixisaa lacagtii aad hore u bixisay ee liiisaanka cusub laga qaado. Qofka toban sanno loo cashuurayey liisaanka ee imika laga dhigay qof cusub oo hadda dalbanaya liisaan ee bixinaya sideetan dollar waa isku xaquuq qofkii liisaanka haystay iyo ka imika liisaan doona isku lacagna waa laga qaadaya. Dadkii way yaaban yihiin, sanad walba waa loo fikirayaa sidii dadkan lacag cusub looga qaadi lahaa, waxa ay sameeyaan way garan laayihiin, waxa kaliya ee ay ku ciil baxayaan waa inay ka hadlaan warbahinta oo dadka kale u garaabaan. Qof liisaan baabuur haysta oo dawladihii hore u sameeyaan sabab looga qaado oo loogu qasbo in liisan cusub loogu sameeyo maxay tahay, hadii liisan cusub loo samaynayo sabab lacagtii hore looga qaaday markii loo samayaneyy in mar labaad laga qaada miyeyna xaaraan ahayn miseyna dhibaato iyo cadibadan ku hayn dadka. Waxa kale oo imika soo socda in shirkado tayada baabuurta eegta lixdii biloodba mar la sameeyo, in qofkii waraqdaasi sita baabuurka loo cashuuro, oo waxa la isku xidhayaa waraaqda geerashkaasi iyo cashuurta dawladda waa qorshaha aan wali bilaabmin ee marka liisaanka la dhameeyo la damacsan yahay in la sameeyo. Si kooban hadii aan u dhigo dhibaatada dadka haysta: Baabuurka numbarka hore lahaa waa la bedelaya waxa lagugu bedelaya lacag dhan 110 dollar. Liisankii aad sidatay waa la bedelaya, waxa lagugu bedelaya 80 dollar. Warshada eegi doonta tayada baabuurka oo wali qiimihii la soo saarin oo ah culays kale oo dadkii ku soo kordhaya. Intaas waxa dheer buuga imtixanka lagu gallayo waa laga iibinaya, waraaqda caafimaadka indhaha iyo nooca dhiigaaga waxa kooto loogu xidhay shirkad ku dhex leh xafiis wasaarada oo ka qaalisan lacagta cisbitaalka guud dadka ka qaadi jirey, lama ogola xiitaa in cisbitaalka guud waraaq caafimaadka ka qaadato. Bal ka waran xukuumad kasta oo timaada haday waxba kama jiraan ka dhigto kuwii ka horeeyey liisaamadii ay bixiyeen, oo tidhaa liisaankii hore waxba kama jiraan, baleedhkii hore iyo numbarkii hore waxba kamaa jiraan, waxaas oo dhibi soo kuma dhacayaan dadkan darxumaysan ee nolosha la daalaa dhacaya. Waa la arkaa in loo fikirayo shacabka ee yaanay inkaartoodda idin ku dhicin ee xukuumadda shacabkeeda ha u naxariisato. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa gadood ka sameeyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa taalada Daljirka Daahsoon iyo xarunta wasaaradda amniga Soomaaliya. Ciidamada gadoodsan ayey wararka sheegayaan inay xirteen Daljirka Dahsoon illaa waddada dhanka Xaawo Taako oo ah koontaroolka ugu horeeya ee laga ilaaliyo Madaxtooyada. Ciidankan ayaa ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan oo ah qeybta 27-aad, waxa ayna sheegeen in ay ka soo bexeen saldhigyadoo maadaama sida ay hadalka u dhigeen waayeen xuquuqdooda ciidanimo. Qaar kamid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada, iyada oo aan wax mushaar ah qaadan, hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay. Si rasmi ah looma ogo in ciidamadaan ay ku jiraan ciidamada ay horey u diiwaan galisay wasaaradda Maaliyada Soomaaliya oo ay Dowladda sheegtay in mushaarkooda ay si joogta ah u qaataan. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar kasta sheego in dowladiisa ay ku guuleystay bixinta mushaarka ciidamada Dowladda Soomaaliya.
-
Ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda ayaa xirtay waddo ku dhow Madaxtooyada, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan waxayna madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbadeyn in wax laga qabato cabashooda. Halkan Ka Daawo Ciidamada Ka Tirsan Militiriga Dowladda Oo Ka Cabanaya Mushaar La’aan https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-coiidk.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wax ka bedel ku sameeyay qaabkii uu ula kulmi jiray madaxda labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID. Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID ula kulmi jiray qaab wada jir ah, laakiin markii uu ka soo laabtay wada hadalkii Djibouti, wuxuu isbedel ku sameeyay qaabkaas, waxaanu xisbiyada mucaaradka ula kulmayaa si gooni gooni ah. Xalay ayuu bilaabay kulankii u horeeyay waxaanu kulan xog waran ah la yeeshay madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Habeenada Salaasada ee toddobaadkana wuxuu la kulmi doonaa madaxda xisbiga mucaaradka ah ee UCID. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiga Waddani, haddana wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu uga waramay masuuliyiinta xisbiga, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo Djibouti ku qabsoomay. Sida warku sheegay wuxuu Madaxweyne Biixi xisbiyada la wadaagay aragtida ka madaxweyne ahaan uga soo baxday wada hadalkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo ay la fadhiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo ergadii kale. Madaxweyne Biixi, arrimaha uu xisbiga Waddani uga waramay waxa ka mid ahaa qodobada la isku mari waayay wada hadalkii Djibouti oo uu ka mid ahaa qodobka isu socodka siyaasiyiinta. Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu madaxda xisbiga Waddani uga xog waramay dareenka ay bulshada caalamku ka qaadatay wada hadalkaas Djibouti ku qabsoomay, waxaanu ugu dambayn xisbiga Waddani ka dalbaday inay kala shaqeeyaan arrimaha wada hadaladaas. Geesta kale madaxda xisbiga Waddani ayaa la sheegay inay madaxweyne Biixi siiyeen tallooyin kala duwan oo la xidhiidha wada hadalada iyo qaabka loo sii wado karo, loogana digtoonaan karo khataro siyaasadeed. Xisbiga Waddani waxa ka socday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, guddomiyaha ku meelgaadhka ah Cabdiqaadir Jirde, guddoomiye-xigeenka xisbiga Cabdirisaaq Khaliif, murashixii madaxweyne-xigeen ee xisbiga Maxamed Cali iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online ) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka biyo diiday inuu ka qeyb noqdo go’aan ay si wadajir ah usoo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada oo la xiriira doorashooyinka dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka ay soo saari lahaayeen maamul Goboleedyada ayaa ahaa in laga soo horjeesto afarta xeer uu soo gudbiyay Guddiga wadajirka dhameystirka xeerka doorashooyinka qaranka.. Go’aanka ay soo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa si gaar ah looga soo horjeysan rabay xeerka kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay gobollada, taasi oo maamul goboleedyada ay u arkaan awood ay leeyihiin oo ay dowladda la wareegeyso. Madaxda maamul Goboleedyada oo dhawr habeen ku wada hadlay qadka taleefoonka ayaa waxay xogta sheegeysaa in Maamulka Galmudug uu usoo horjeestay inuu ka qeyb noqdo, inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno go’aanada ay qaateen maamulada kalle ee lagu tiriyo inay aad ugu dhow yihiin Dowladda Dhexe, gaar ahaa Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay in maamulkiisa uu yahay mid cusub, islamarkaana hadda diyaar u aheyn inuu faraha la galo khilaaf iyo xeerar horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Galmudug uu ka gaabsaday inuu ka hadlo baaqii kasoo baxay Guddoomiyaha aqalka sare ee ahaa in Maamul Goboleedyada ay isugu imaadaan kulan deg deg ah si looga tashto waqtiga kala guurka ee uu dalka ku jiro.
-
(SLT-Muqdisho)-Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda Soomaaliya oo ayaa xidhay Waddooyin ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon iyo ilaa agagaarka Guriga wasaaradda amniga. Ciidamada oo ah kuwa badan, isla markaana wada gaadiidka nooca dagaalka ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan soo wajahday muddo sannad iyo bilo ah, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ay u sheegeen inay mushaar la’aan yihiin muddo sannad iyo 9 Bilood ah. Madaxda Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen Saraakiisha Ciidanka in ayna siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaaraadka. Hadlkan ay kasoo saareen Saraakiisha Ciidanka ee cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay ee hadal ahaa in Ciidanka Xoogga ay si joogta ah mushaarka loo siiyo. Source
-
Ciidamadaan oo ka yimid Banaanka Magaalada waxay ka cabanayaan in aysan Mushaar helin mudo Sanad ka badan. The post Daawo Sawirada Ciidamo gadoodsan oo Muqdisho kala xiray appeared first on . Source
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa dib shaqada ugu fasaxay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun. 12-kii bishaan June ayay ahayd markii Taliyaha Booliiska uu shaqada ka joojiyay labadaasi Sarkaal, kadib markii ay ku lug-yeesheen dhacdo la xiriirtay muuqaal Booliiska Qardho ay ka duubeen dhalinyaro xilli habeen ah ku cawaynaysay bannaanka Magaalada Qardho, kuwaas oo la sheegay in si banii’adanimad ka baxsan loola dhaqmay. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in si hoose loo xalliyay cabashadii laga soo gudbiyay labada sarkaal ee ku lug-yeeshay dhacdada muuqaalkii laga duubay dhalinyarada, kaas oo caro iyo hadal-hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada. Taliyaha Booliisku wuxuu horay u sheegay in baaritaan dhab ah lagu samayn doono falkaas ay ku kaceen labada sarkaal, islamarkaana la marin doono ciqaabta ay mutaystaan. PUNTLAND POST The post Qardho: DHalac iyo Kaatun oo shaqada dib loogu fasaxay appeared first on Puntland Post.
-
Sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa, colaad qarniyo jirsatayna ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya, waxa muddo dheer soo kale hogaaminayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkoodii sabab u ahaa jabhadihii dagaalka hubeysnaa la galey ee ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981. Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan(Ethiopa, Eritrea Djibouti iyo Soomaaliya), halka 1991 ka hor ay aheyd 3 waddan. Somaliland , waxey muddo rubuc qarni ka badan dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd, tiiyo ah Dal ay Dawladnimadu u dhameystiran tahey, oo muddo ka badan 25 sanno ahaa waddanka keli ah Geeska Afrika ku dhaqma dimuqraadiyada reer Galbeedku ku faanaan . Hadaaqa iyo oohinta beenta ah een Soomaaliya mar horeynu dhegaha ka fureysaney, Hogaanka Qarankeenuna wuxuu awooda saarey sidii uu Beesha Caalamka uga dhaadhicin lahaa Qadiyada xaqa ah ee Somaliland. Madaxweynuhu, wuxu si cad kor iyo hoosba u sheegey in wax Wadahadal aanu dib u furmeyn ilaa ay Dawlada Soomaaliya garawsato in Somaliland iyo Soomaaliya isu soo hor- fadhiistaan sidii laba Dal oo kala Madax Banaan, israacii 60-kiina burburey. Wax magarata du dooda in Siyaasad Arrimaha Debada Somaliland fashilantey maanta hadal u ma banaana. Guushii hadafkeenu wey soo dhawaatey. Wafdigeeni Jabuuti tegey cadawgii Qarankeena si geesinimo ku dheehan tahey ayuu u weerarey tiiyo waliba marag caalamiya goob joog aheyd. Hagardaamoyinkii qarannimada Somaliland ka dhanka ee laga soo maleegayo Muqdhishu, oo aad uga maseyrsan horumarka dhaqaale ee ifaafaaliisu soo muuqdo maanta ka guuleysaney. Madaxweyne Muuse doodi Garnaqsiga Somaliland wuxuu ka jeediyey Goobteedi iyo goorteedi, maadaama ay Waddamadi ugu tunka weyne duniga goobjoog ahaayeen. Guntii iyo gabagabadii, Goobtaynu naala gardara badan, Guddoon aan gaban baa maanta inoo gadhwadeen ah, shacabkeena Sharafta Leh soo dhaweynta kal gacalka leh ay kala hortegeen markii Wafdigeeni Jabuuti ka soo labtey waa isgarab taag Gadwadeenka iyo Gaadh hayaha Qaranka iyo farriin cad oo ku socota Beesha Caalamka. Dhalintan la maran habaabinaayo ee taariikhda Somaliland la moodo in ay hilmaan sanyihiin, waxaan leeyahey ku diirsada gullaha Qaranku gaadhey idinka dhaxli doonee, riyadii midnimo Somaaliweyn madhan dhimatey waa hore. Mudana Mujaahin Madaxweyne, Qarankaad Dhiiga iyo Dhuuxa u shubtey, Maanta Dheeftiisi gudoon. Wa Bilaahi Tawfiig, Somaliland Guul iyo Gobanimo. Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Cali. mederka@hotmail.com Brussels, Belgium. Qaran News
-
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Dowladda Khadiijo Diiriye oo ah wasiirkii ugu waqti dheeraa ee soo mara wasaarada ciyaaraha ayaa ka gaabisay shaqooyinkii loo igmaday,iyadoo waqtigeeda ugu badan uu ka qaatay amaanta iyo buun buunita madaxda ugu saraysa Dalka manajiro shaqaalo ka tirsan Wasaarada oo ka hadli kara dayacda xumada iyo horomar la’aanta ka jirta wasaarada ciyaaraha . Axmed Cumar Islaw oo ah wasiirka ku xigeenka wasaarada ciyaaraha ayaa goor sii horeeyay uu la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in wasaarada aysan ka soconin wax shaqo horomar la’aanta ka jirtana ay masuul ka tahay wasiirka Khadiijo Diiriye. Dad badan oo la socoda soo kabashada ciyaaraha dalka ayaa ku hamaniyay in Wasiirada Khadiij ay soo kordhiso wax badan oo guulaha u ah wasaarada ciyaaraha,balse waxa ay nasiib daro ku tilmaameen in uu waqtigii uu ka lumiyay,maadaama shaqooyinkii laga sugayay ay u weecisay dhinaca siyaasada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dayacaada Ka Jirta Wasaarada Ciyaaraha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatsww.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo oo shaqo xoogan ka socoto ayaa maanta heshay Agabkii ugu muhiimsanaa ee Wadada lagu dhameystiri lahaa. waxaa Dekada Bosaso maanta oo Axada [...] The post Wadada Ceeldaahir oo dhowaan dhameystirmi doonta appeared first on . Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo ninkii waday, kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgalka oo mid qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyey koonfurta magaaladaasi oo ay ka taliso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Gaariga la qabtay ayaa noociisa saraakiisha amniga waxa ay ku sheegeen NOAH., kaas oo ay tilmaameen in lagu fuliyo weerar is-miidaamin ah. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan gaarigaasi oo aan la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameedkiisa. Gaalkacyo oo kala qeybisa maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amaan dari, waxaana weerarkii ugu dambeeyey lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Marxuum Axmed Muuse Nuur. Saaka ayey sidoo kale aheyd markii qarax is-miidaamin ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. Si kastaba ha’ahaatee muddooyinkii la soo dhaafay ciidmada ammaankabayaa aad u xoojiyey amniga guud ee Gaalkacyo, kadib shirar ay isaga yimaadeen laamaha amniga ee degmadaasi.
