-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xaflad si weyn loo agaasimay oo xalay ka dhacday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray mashruuc ah kii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Galmudug. Xafladda waxaa joogay maamulka cusub ee Galmudug eeuu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qooroor iyo sidoo kale hoggaanka Habardgidir. Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa federaalka ah ku matalayey wafdi uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golka shacabka Mahad Cabdalle Cawad, xildhibaanno golaha shacabka ah, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay ganacsato ka soo jeeda deegaannada Galmudug, kuwaas oo lagu casuumay kulanka iyo marti sharaf kale, waxaana lagu yaboohey lacag dhan 90 Milyan oo doolar oo ah dhismaha wejiga 1aad ee dekadda Hobyo. Faahfaahinta iyo khudabaha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Kalfadhigii aan caadiga aheyn ee golaha wakiillada Somaliland oo dib u dhacay muddo 7 cisho ah. Kalfadhigan aan caadiga aheyn ayaa la rabay in lagu codka kalsoonida loogu qaado labada xubnood ee guddida doorashooyinka Qaranka ee xisbiyadda mucaaridka Somaliland. Source
-
(SLT-Riyadh)-Axmed Abuu Al-Qeyd oo ah xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay wada-hadallada dib ugu bilaamay Somaaliland iyo Soomaaliya. Al-Qeyd ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay dadaallada sii amba-qaadida wada-hadalladaasi, isaga oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaciil Cumar Geelle ku ammaanay martigalinta shirkaasi oo 14-kii bishan ku qabsoomay caasimada Jabuuti. Sidoo kale wuxuu fariin boggaadin ah u diray madaxweynaha Soomalaiya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu ku boggaadiyey dadaalkiisa ku aadan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan taageerada dadaallada wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Ugu dambeyn xoghayaha ayaa ballan qaaday in ay sidoo kale ka gacan ka geysan doonaan arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Jabuuti ay isu tageen wufuud ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo wada-hadadallada labada dhinac dib uga bilaabay dalka Jabuuti, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed, sidoo kalena lagu dhisay guddiya farsamo oo u dhexeeya dhinacyadaasi. Source
-
(SLT-London)-Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (W-H-O) ayaa ka digay in xilligan la debciyo xayiraadaha ay dalalka soo rogeen Fayraska Korona awgii, isagoo sheegay in cudurka uu hadda galay xaalad khatar ah. Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Khamiistii uu keliya ay W-H-O diiwaangelisay in ka badan 150,000 oo kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee maalin qudha la shaaciyay. Waxa uu intaa raaciyay inuu dareensan yahay dhibaatada ay xayiraadaha ku hayaan bulshada iyo dhaqaalaha, balse waxa uu ku baaqay in dalalka ay muujiyaan taxadar dheeraad ah. Digniinta W-H-O ayaa kusoo beegmaysa xilli dalal ay kamid tahay Britain ay hoos u dhigeen heerka khatarta cudurka, isla markaana ay dowladuhu qaadeen xayiraado badan oo dalalkooda saarnaa. Guud ahaan caalamka oo dhan ku dhawaad 8.5 milyan oo qof ayaa qaaday cudurka, halka in ka badan 453,000 ay u dhinteen. Source
-
Waxaa saakay lagu wadaa in wadanka Jibouti ay markale ku kulmaan guddiyada farsamo ee wadahadallada Soomalaiya iyo Somaliland, si ay u gudo galaan howlihii loo idmaday. Shirka ayaa lagu wadaa in hoggaamiyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf, oo dowladdiisu horay ugu dhawaaqday in ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatada labada dhinac. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sidoo kale horay u sheegay in guddiga ay kulmi doonaan 14 maalin kadib, siloo dhameys tiro hirgelinta wixii horay loogu heshiiyey. Guddiga maanta kulmaayo ayaa lgu wadaa in ay dabagalaan wixii horay labada dhinac ugu heshiiyeen, iyadoo 45 cisho ka dib laga sugaayo in ay warbixin u gudbiyaan guddiga wasiirrada ah ee labada dhinac sida horay loo xusay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Abuu Al-Qeyd oo ah xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada dib u bilowday ee dowladda federaalka iyo maamulka Somaaliland. Al-Qeyd ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay dadaallada sii amba-qaadida wada-hadalladaasi, isaga oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaciil Cumar Geelle ku ammaanay martigalinta shirkaasi oo 14-kii bishan ku qabsoomay caasimada Jabuuti. Sidoo kale wuxuu fariin boggaadin ah u diray madaxweynaha Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu ku boggaadiyey dadaalkiisa ku aadan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan taageerada dadaalladaasi iyo ka mira dhalintooda. Ugu dambeyn xoghayaha ayaa ballan qaaday in ay sidoo kale ka gacan ka geysan doonaan arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Jabuuti ay isu tageen wufuud ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha dowladda federaalka iyo midka Somaliland, kuwaas oo wada-hadadallada labada dhinac dib uga bilaabay dalka Jabuuti, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed, sidoo kalena lagu dhisay guddiya farsamo oo u dhexeeya dhinacyadaasi.
-
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabaya inay ka diodaan Sharciga Doorashada ee Maalmo ka hor loo qayboyey. Sharcigaan ayaacwaxaa qaadacay Maamul Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasada [...] The post Baarlamaanka Federaalka oo maanta bilaabaya ka doodida Xeerka Doorashada ee Muranku ka taagan yahay appeared first on . Source
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta KMG ee Villa Hargeysa ee magaalda Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka oo kamid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray iney soo diyaariyaan. Kulanka maanta ayaa waxaa uu kamid yahay kalafadhiga 7-aada ee golaha shacabka, kaas oo ah midka ugu dambeeyo muddo xileedkiisa, waxaana horyaallo ajendayaal badan, sida dib-u eegista dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa lagu wadaa inuu furmo saacadaha soo socda ee maanta, waxaana shir guddoomin doono guddoomiyaha golahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kaas oo dhowaan ka soo laabtay safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Xildhibaanada ayaa kulankooda kaga doodaya xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray in ay soo diyaariyaan. Xeerkaan ayaa haddii uu meel-maro, haweenka xildhibaannada ah waxaa kuraastooda u tartami doono dumar kale. Sidoo kale waxa ay ku doodayaan in ay si saami ah u helaan 30% oo ah qoondada haweenka ay ku leeyihiin dowladda federaalka. Kalfadhigaan oo ah kii 7-aad ee golaha shacabka ayaa ugu dambeeya muddo xileedka baarlamaanka 10-aad ee dalka, waxaana u dhiman oo kaliya labo bilood iyo bar.
-
The sector one commander in Somalia Brig Gen Richard Otto has revealed that AMISOM has successfully mitigated the COVID-19 pandemic so far with the only case registered among soldiers in the Capital Mogadishu discharged after recovery. Source: Hiiraan Online
-
Transnational cartels dictate what’s for breakfast in Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya can boast about being a regional hub for many things, but food sovereignty isn’t one of them, as the latest import dependency ratio on its food balance sheets shows. And not all of these imports are legal, or safe to eat. Source: Hiiraan Online -
Maxkamad ay leeyihiin ururka Al-shabaab oo ku taalla Tuulada Galhareeri ayaa xukuntay rag ay ku eedaysay in ay kufsi ka gaysteen Degaankaas. Labada eedaysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Yuusuf Maxamed iyo Cabdifitaax Salaad Cabdi ayaa midkiiba lagu xukumay min 100 jeedal maadaama aysan soo marin guur hore sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lagu xukumay in ay bixiyaan 14 oo ari ah oo lagu qiimeeyay meherka gabadha la kufsaday waxaana mudda hal sanno ah laga musaafuriyay Degaanka la sheegay in ay kufsiga ka gaysteen. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa inta badan xukunno noocaas ah ka fuliya Degaannada ay ka maamulaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab oo xukuntay Rag ku eedaysnaa Kufsi appeared first on Puntland Post.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia - It’s a clash over water usage that Egypt calls an existential threat and Ethiopia calls a lifeline for millions out of poverty. Just weeks remain before the filling of Africa’s most powerful hydroelectric dam might begin, and tense talks between the countries on its operation have yet to reach a deal. Source: Hiiraan Online
-
Baraawe (Caasimada Online) – Diyaarad jebisay amarkii dowladda federaalka ayaa shalay si sharci darro qaad uga dejisay garoonka diyaaradaha Baraawe, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii March joojisay dhammaan duulimaadyada dalka, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19. Qaadkan ayaa ka yimid dalka Kenya, waxaana dhinaca dhulka laga soo geliyey magaalada Dhoobley, ayada oo kadibna diyaarad ay kasoo qaaday Dhoobley kana soo dejisay garoonka Baraawe, halkaasi oo ay kasii qaadeen doomo geeyey magaalooyin kale oo dalka ka mid ah. Ilo-wareedyada warkan laga soo xigtay ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee qaad laga soo dejiyey garoonka Baraawe, waxaana diyaaradaha qaadka soo gelinaya dalka ay mar walba adeegsanayaan xeelad cusub. Diyaaraddii u dambeysay ee shalay qaadka gaysay Baraawe, ayaa la sheegay inay hawada Soomaaliya kusoo gashay inay waddo howlgal bani’aadannimo balse markii dambe ay beddelatay khadka, kadibna qaadka kasoo qaaday Dhoobley oo baabuur lagu soo geliyey. Waxaa la rumeysan yahay in diyaardaha samaynaya xadgudubkan ay la shaqeynayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka, balse ma cadda kuwa ay yihiin. Ganacsatada qaadka ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa awood badan, islamarkaana saameynta ay ku dhex leeyihiin dowladda iyo lacag badan oo laaluusha ah u adeegsanayaan inay jebiyaan xayiraadda saaran diyaaradaha ee ay soo rogtay dowladda.
-
Forcibly displaced by drought and extremist violence in southwestern Somalia, Fadumo Mohamed Abdi thought she had found safety in the Puntland region's northeastern city of Bosaso. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” uu ka hadlay dagaal qaraar oo todobaadkii hore degaanka Abal ku dhaxmaray ciidankiisa iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalkii ka dhacay degaanka Abal waxaa sida la rumeysan yahay ku dhintay ku dhowaad 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah, waxa uuna ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee dhaxmaray ciidamada Abuu Mansuur oo dowladda taabacsan iyo Al-Shabaab. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Sheekh Mukhtaar Roobow uu Xildhibaano iyo siyaasiin ku beel ah uu ka dalbaday in Muqdisho loo soo qaado 14 askari oo dhaawac ah, waxaana ku jiray taliyaha ciidanka Abuu Mansuur oo sidoo kale ahaa ku xigeenkiisa. Sarkaalkaan dhaawaca ah ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Mukhtaar waxaana hadda lagu dabiibayaa Muqdisho, ayada oo ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad. Sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo dhaawacyo qaba kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Xudur. Abuu Mansuur oo xabsi guri ah ayaa dalbaday in laga warqabo dhamaan dhaawacyada iyo daryeelkooda. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lagu hayaa guri ku yaalla Muqdisho in ka badan hal sano kadib markii la soo xiray isagoo ah musharax Koonfur Galbeed dhamaadka sanadkii 2018. muddo uu ku jiray xabsiga NISA ayaa kadib loo wareejiyey xabsi guri.
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay fadhigoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Ajendaha kulanka oo xalay farriin qoraaleed loogu diray Xildhibaannada ayaa lagu sheegay Doodista xeerka Qoondada Haweenka oo ka mid ah Afartii Xeer ee loo gudbiyay Golaha. Xildhibaannadu waxay si adag uga doodi doonaan habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo Qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamanka in la gaarsiiyo %30. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka Soomaaliya oo Maanta ka doodaya Xaqiijinyta Qoondada Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa ku dhowaaqday inay taageereyso dowladda Libya ee sidoo kale Turkiga ay taageeraan, taasi oo ay is-hayaan fallaagada uu hogaamiyo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar. Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif, oo shir jaraa’id la qabtay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tegay Istanbul. “Waxaan raadineynaa xal siyaasadeed oo loo helo xasaradda iyo dagaalka Libya,” ayuu yiri Zarif. “Waxaan taageereynaa dowladda sharciga ah ee Libya. Arrinta Libya waxaan kala aragti nahay Turkiga, oo doonaya in lasoo geba-gebeeyo xasaradaha Libya iyo Yemen,” ayuu ku daray. Taageerada Iran ee dowladda Libya ayaa ka duwan dalka ay xulufada yihiin ee Syria oo taageeraya dagaal-ooge Khaliif Xaftar. Xaftar ayaa waxaa taageera Ruushka oo ay xulufo yihiin Syria, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta iyo Masar. Dagaalka Syria ayaa toddobaadyadii dhowaa is-beddel weyn uu ku yimid ayada oo maleeshiyada dagaal-ooge Khaliifa Xaftar laga qabsaday magaalooyin badan oo ku yaalla galbeedka Libya. Guul-darrooyinka gaaray Khaliifa Xaftar ayaa meesha ka saaray damicii iyo duulaankii uu waday 14 bilood, ee uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya ee Tripoli.
