-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
45 maalin ayaa laga joogaa diyaaddii ku dhacday Bardaale, tan iyo xilligaas ma jirin cid sheegatay masuuliyadda shilkaas inay, lama oga natiijadii baaris ay sameeyeen guddiga saddex geesoodka ahaa. Aqirso Xogta Diyaaraddii Lagu Soo Riday Bardaale Xogta Daahsoon ee Diyaaraddii Lagu Soo Riday Bardaale Halkan Ka Daawo Warbixin Soo Koobaysa Diyaaradii Lagu Soo Diray Bardaale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-berdaale.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey, kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqabadka maxaliga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in falkaas uu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, waxaana dilka uu ka dambeeyay kadib markii Askariga iyo Ninka ay wada-murmeen. Sidoo kale dadka la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in askariga Dowladda uu Darawalka weeydiistay lacag dhan 5-kun oo Shilin Soomaali ah, hayeeshee uu ka dhago adeegay, sidaasina uu Askariga fasaas ugu furay Darawalka oo geeriyooday. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga falka geystay uu si Deg deg ah u baxsaday, waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydka ka qaaday Dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa, sidoo kalena falkaas siweyn uga cadhooday. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Bnaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah. Source
-
It’s a clash over water usage that Egypt calls an existential threat and Ethiopia calls a lifeline for millions out of poverty. Just weeks remain before the filling of Africa’s most powerful hydroelectric dam might begin, and tense talks between the countries on its operation have yet to reach a deal. In an interview with The Associated Press, Ethiopian Foreign Minister Gedu Andargachew on Friday declared that his country will go ahead and start filling the $4.6 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam next month, even without an agreement. “For us it is not mandatory to reach an agreement before starting filling the dam, hence we will commence the filling process in the coming rainy season,” he said. “We are working hard to reach a deal, but still we will go ahead with our schedule whatever the outcome is. If we have to wait for others’ blessing, then the dam may remain idle for years, which we won’t allow to happen,” he said. He added that “we want to make it clear that Ethiopia will not beg Egypt and Sudan to use its own water resource for its development,” pointing out that Ethiopia is paying for the dam’s construction itself. He spoke after the latest round of talks with Egypt and Sudan on the dam, the first since discussions broke down in February, failed to reach agreement. No date has been set for talks to resume, and the foreign minister said Ethiopia doesn’t believe it’s time to take them to a head of state level. The years-long dispute pits Ethiopia’s desire to become a major power exporter and development engine against Egypt’s concern that the dam will significantly curtail its water supply if filled too quickly. Sudan has long been caught between the competing interests. The arrival of the rainy season is bringing more water to the Blue Nile, the main branch of the Nile, and Ethiopia sees an ideal time to begin filling the dam’s reservoir next month. Both Egypt and Ethiopia have hinted at military steps to protect their interests, and experts fear a breakdown in talks could lead to conflict. Ethiopia’s foreign minister would not say whether his country would use military action to defend the dam and its operations. “This dam should have been a reason for cooperation and regional integration, not a cause for controversies and warmongering,” he said. “Egyptians are exaggerating their propaganda on the dam issue and playing a political gamble. Some of them seem as if they are longing for a war to break out.” Gedu added: “Our reading is that the Egyptian side wants to dictate and control even future developments on our river. We won’t ask for permission to carry out development projects on our own water resources. This is both legally and morally unacceptable.” He said Ethiopia has offered to fill the dam in four to seven years, taking possible low rainfall into account. Sticking points in the talks have been how much water Ethiopia will release downstream from the dam during a multi-year drought and how Ethiopia, Egypt and Sudan will resolve any future disputes. The United States earlier this year tried to broker a deal, but Ethiopia did not attend the signing meeting and accused the Trump administration of siding with Egypt. This week some Ethiopians felt vindicated when the U.S. National Security Council tweeted that “257 million people in east Africa are relying on Ethiopia to show strong leadership, which means striking a fair deal.” In reply to that, Ethiopia’s foreign minister said: “Statements issued from governments and other institutions on the dam should be crafted carefully not to take sides and impair the fragile talks, especially at this delicate time. They should issue fair statements or just issue no statements at all.” He also rejected the idea that the issue should be taken to the United Nations Security Council, as Egypt wants. The latest talks saw officials from the U.S., European Union and South Africa, the current chairman of the African Union, attending as observers. Sudan’s Irrigation Minister Yasser Abbas told reporters after talks ended Wednesday that the three counties’ irrigation leaders have agreed on “90% or 95%” of the technical issues but the dispute over the “legal points” in the deal remains dissolved. The Sudanese minister said his country and Egypt rejected Ethiopia’s attempts to include articles on water sharing and old Nile treaties in the dam deal. Egypt has received the lion’s share of the Nile’s waters under decades-old agreements dating back to the British colonial era. Eighty-five percent of the Nile’s waters originate in Ethiopia from the Blue Nile. “The Egyptians want us to offer a lot, but they are not ready to offer us anything,” Gedu said Friday. “They want to control everything. We are not discussing a water-sharing agreement.” The countries should not get stuck in a debate about historic water rights, William Davison, senior analyst on Ethiopia with the International Crisis Group, told reporters this week. “During a period of filling, yes, there’s reduced water downstream. But that’s a temporary period,” he said. Initial power generation from the dam could be seen late this year or in early 2021, he said. Ethiopia’ foreign minister expressed disappointment in Egypt’s efforts to find backing for its side. “Our African brotherly countries should have supported us, but instead they are tainting our country’s name around the world, and especially in the Arab world,” he said. “Egypt’s monopolistic approach to the dam issue will not be acceptable for us forever.” Source Ahram.org Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa markale ka hadashay shirkii dhowaan ka furmaya dalka Jabuuti ee wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Itoobiya ayaa shirkaasi ku tilmaamtay mid muhiim u ah gobolka geeska afrika, iyada oo warbixin ay soo saartay ku taageereysa midnimada Soomaaliya. Warbixinta todobaadlaha ah ee Wasaarada arrimaha dibeda Itoobiya, ayaa si toos ah loogu soo xigtay hadalkii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu ka jeediyay kulankii ay isku hor-fadhisteen Farmaajo iyo Muuse Biixi. Abiy Axmed ayaa khudbadiisa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay nabada geeska iyo dib u heshiisintu, xili ay Somaliland ku doodeyso inay ka go’day Soomaaliya. “Intii lagu gudo jiray kulankan wada-tashiga ah ee xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya, Ra’iisal wasaare Abiye Axmed wuxuu hoosta ka xariiqay qiimaha ay nabadda iyo dib u heshiisiintu u leedahay gobalka oo fure u ah is dhex galka gobalka. Waxa xusid mudan in kulankan wada-tashiga ahi dabo socdo kulankii uu bishii February ee sannadkan Addis Ababa ku qabsoomay” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada. Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu xusay rabitaanka beesha caalamka ee midnimada, xili ay u muuqata inay god dheer ku dhacday, maadama uu mowqif adag iska taagay Madaxweynaha Somaliland. Muuse Biixi ayaa si cad uga sheegay shirka Jabuuti in marnaba ay ka tanaasuleyn madax banaanida ay ku doodo ee muddo ka badan 29-ka sanno ay u weyday ictiraafka. Mowqifka Biixi ayaa u muuqda mid sii fogeynaya midow dambe, iyada oo ujeedka rasmiga ah ee Wada-hadaladaasi ay ka leeyihiin beesha caalamku ay tahay midnimo dib u dhalata, sida ay rumeysan-yihiin qaar kamid ah aqoon-yahanka darsa arrimaha siyaasada. Dowladda Itoobiya ee uu hogaaminayo Abiy ayaa iyadu laftigeedu dadaal dheer ka gashay siday u dhalan laheyd midnimadaasi, iyada oo ugu dambeyntii ay fashil ku dambeeyen qorshayaal la aaminsan yahay inuu ugu xaglinayay dhanka Soomaaliya. Somaliland ayaa iyadu aaminsan in beesha caalamku ay dhagaha ka fureysanayso inay ictiraafto, iyada oo dhawaana luuqad adag uu kula hadlay Madaxweynaha Somaliland oo isagu dalbaday in si madax-banaan loogala tacaamulo mucaawinooyinka loo soo marinayo dowladda federaalka.
-
Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa Imaaraadka ugu goodiyay in uu kusoo rogayo cunaqabateyn isagoo cuskanaya xeerka Caesar, kaasi oo bartilmaameedsanaya rajiimka Siiriya iyo xulifadiisa. Washington waxay carrabka ku adkeysay in ay kasoo horjeedo talaabooyin ay Abu Dhabi u qaaday si ay ugu soo dhawaato rajiimka Siiriya, waxayna tilmaantay in cuneqabateynteeda ka dhanka ah Bashaar al-Assad ay bartilmameedsan karto qaybo Imaaraadka ka mid ah. Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Siiriya James Franklin Jeffrey oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay dhaqan-gelinta xeerka ilaalinta rayidka Siiriya ee Caesar ayaa ku dhawaaqay “Imaaradku waa ogyihiin in aan gebi ahaanba diidanay in ay sii wadaan talaabooyinkaas….si cad ayaan ugu sheegtay in aan fikrad qaldan u aragn dib u furista safaaradda Imaaraadka ee magaaladda Dimishiq, iyo booqashadii ay dhawaan halkaas ku tageen wafdi ka socday Imaaraadka.” Jeffrey ayaa sheegay in talaabooyinkaasi “aysan ka qayb qaadan doonin fulinta qaraarkii Qaramadda Midoobay [No. 2254] iyo dhameynta colaadda Siiriya, taasi oo si adag wal-wal ugu abuurtay dhammaan gobolka”. “Cid walba oo sameysa dhaq-dhaqaaq dhaqaale, Imaaraadka ha ahaado ama wadan kale, dhaq-dhaqaaqyadaasna ay wafaqayaan heerka cunaqabateynta, waxaa bartilmaameedsan doona cunaqabateynta Mareykanka,” ayuu yiri Jeffrey. Arbacadii, Maraykanka ayaa cuneqabateyn kusoo rogay 39 dad iyo shirkado isugu jira, oo ay ka midyihiin al-Assad iyo marwadiisa Asma, si uu u hor istaago ilaha dhaqaale ee Dowladda Siiriya, waana isku day ladoonayo in dib loogu celiyo wadaxaajoodka ay Qaramadda Midoobay garwadeenka ka tahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo ayaa warkii cunaqabateynta ku xaqiijiyay in cuneqabateyn dheeri ah la fili karo in lagu soo rogo al-Assad todobaadyadda iyo bilaha soo socda. Dhamaadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta aya furay safaaradii uu ku lahaa magaaladda Dimishiq, kadib lix sano oo ay xirneyd, inkastoo Imaaraadka Carabta ka mid yahay dalalka sida daran fagaareyaasha caalamiga ah uga dhaleeceeya Dowladda Assad. Muddo sanado ah Imaaraadka Carabta waxaa uu soo dhaweynayay, ganacsato xiriir la leh Bashar al-Assad, kuwaas oo laga yaabo in cuneqabateynta Maraykanku bar-tilmaameedsato .
-
Mandera political leaders have thrown their weight behind President Uhuru Kenyatta and his Handshake with ODM leader Raila Odinga as a new wave of realignments sweeps across the country. Source: Hiiraan Online
-
Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiye Mursal u gudbiyay Mooshin. Mooshinka oo ay ku saxiixnaayeen 132 Xildhibaan ayaa ku saabsan haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay kuraastooda u tartamaan haween kaliya, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka. “Mudane Guddoomiye anaga oo ah xildhibaanada halkan ku saxiixan waxaan soo jeedinaynaa mooshin ah, in haweenka labada aqal ee taradoodu tahay 24% in ay kuraastooda u tartamaan haween kaliya, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ugu yaraan 30%, si waafagsan qodobka 23 ee sharciga doorashooyinka qaranka Federaalka” ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo mooshinka ka hor akhrisay Baarlamaanka. Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa fadhiyay 156 mudane, waxaana ajandayaasha kamid ahaa ka doodista xeerka qoontada haweenka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Soomaaliya oo gudbiyay mooshin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay mid kamid ah darawalada kaxeeyo baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan Homey. Goobjoogaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ee Ex-Control Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay iyo darawalka la dilay uu dhex maray muran kadibna horseeday dilka. Askariga dilka geystay ayaa lacag dhan 5 kun oo Shillin Soomaali ah waydiistay darawalka waday gaariga dadweynaha, balse darawalka ayaa ka biyo diiday inuu lacagtaas bixiyo waxaana xigay rasaas uu askariga ku furay darawalka dhintay. Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday xilli ay goobta ku sugnaayeen askar kale oo ka tirsan kuwa Dowladda ee Ex Control lacagaha uga qaado gawaarida. Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Banaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah. Dilka ay geysanayaan askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo badanayo Magaalada Muqdisho, waxaana taas loo sababeeyaa inaan la ciqaabin askariga dilka geysto.
-
Wareegto uu soo saaray Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa lagu magacaabey Taliyaasha iyo Taliye Xigeenada Ururada Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo Taliye Xigeenka Guutadaasi. 1-Taliye xigeenka Guutada 15-aad ayaa loo magacaabey Gaashaanle c/samad muuse Yuusuf . 2-Gaashaanle Cismaan Cali Xaashi ayaa loo magacaabey Taliyaha Ururka 71-aad Guutada 15-aad QB-21-aad 3-Gaashaanle Axmed Dabeyl Cabdule ayaa loo dhiibay Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad . 4-Dhamme Sayid Cabdi Axmed Abtidoon ayaa loo magacaabey Taliye xigeenka Ururka 71-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad. 5-Dhamme Fatxi Sayid Muxudiin Axmed oo laga soo badaley Ururka 38-aad ee Taliska Guud loona soo badaley QB-21-aad ayaa soo magacaabey 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad . 6-L/X/Le: Maxamed Nuur Cabdi Cawaale oo laga soo badaley Turkisom ayaa loo dhiibay Taliye Xigeenka Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad. 7-L/X/Le: Cali Abdule Hiraabe ayaa isna loo magacaabey Taliye Ku xigeenka Ururka 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: On World Refugee Day, UN calls for continued efforts to help refugees and displaced people in Somalia World Refugee Day comes at a time of a triple threat for Somalia – in addition to the COVID-19 pandemic, the country is dealing with effects of desert locusts and flooding MOGADISHU, Somalia, June 20, 2020/ — Marking World Refugee Day, the United Nations in Somalia today called for continued efforts to alleviate the plight of refugees and displaced persons in Somalia. Despite significant efforts by the Somali authorities, there are still at least 2.6 million Somalis who are internally displaced, and the country hosts more than 30,000 refugees and asylum-seekers, mainly from Ethiopia and Yemen. “I pay tribute to the resilience and courage of refugees and displaced persons, and all those fleeing conflict or persecution. I assure them that the United Nations is committed to their protection and to helping to rebuild their livelihoods. We also support the Somali government to uphold their right to asylum and protection. This has been made more challenging by the COVID-19 pandemic,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, “World Refugee Day comes at a time of a triple threat for Somalia – in addition to the COVID-19 pandemic, the country is dealing with effects of desert locusts and flooding. These have presented unprecedented challenges, yet we have seen remarkable resilience and contributions from displaced persons who are doing their part to make a difference, with activities such as making face masks and soap[AR1] . We must stand with them and ensure that the gains are not lost,” said the Representative of the Office of the UN High Commissioner for Refugees (UNHCR), Johann Siffointe. In Somalia, refugees and displaced populations are particularly vulnerable to the COVID-19 pandemic due to the large number of people living in congested urban centres and settlements for internally displaced people (IDPs). Nearly 800,000 Somali refugees continue to reside in the Horn of Africa region, with outflow figures in recent years in sharp decline given Somalia’s progress in peace and security. Over the course of the past decade, many refugees have decided to return home and UNHCR has assisted with voluntary repatriation of more than 90,000 Somali refugees. World Refugee Day celebrates the extraordinary courage and resilience of the forcibly displaced and pays tribute to the generosity of host and donor governments and populations. The theme of this year’s Day is ‘Everyone can make a difference, Every Action Counts’ and comes against a backdrop of the global COVID-19 pandemic and calls for equality. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). SOURCE United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kadib shirkii Jabuuti ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la filayaa in kulamada guddiyada farsamada ee labada dhinac ay kulamo kale iskugu yimaadaan caasimada dalka Jabuuti. Guddiyada farsada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inay kulmaan 14-beri kadib, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye. Kulankaasi ay iskugu imanayaan guddiyada labada dhinac ayaa waxa lagaga wada-hadli doonaa sidii loo dhameystiri lahaa, isla markaana loo hirgelin lahaa heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dhinac ay wada gaareen. Waxaana kulankaasi hogaamin doonta dowladda Jabuuti, gaar ahaan wasaaradeeda arrimaha dibada, oo iyadu hore u sheegtay inay ka go’an tahay in xal buuxa loo helo xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Soomaaliya. Guddiyada kulmaya ayaa ah kuwa gaar ah oo labadda dhinac ka socda, isla markaana sii ambo qaadaya wajiyada kale ee wada-hadalada, iyada oo muddo ka siman lix todobaad ay kulmi doonaan Wasiirada labadda dhinac ee qeybta ka ah wada-hadalada bilowday. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa si cad u sheegay inay diyaar u yihiin inay gudiyadooda farsamo ay dalkaasi u safraan marka la gaaro xiliga loo balamay kulanka oo ku siman 14-maalin kadib. Wada-hadalada labada dhinac ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka duwaneyn kuwii hore ee dowladihii Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh, iyada oo qodobadii dhowaan laga soo saaray kulankii u dambeeyay ay u muuqdeen kuwo lasoo min-guuriyay.
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa habeenkii khamiista soo dhigay qoraal uu ugu xaqiijiyey bulshada deegaanada SSC in madaxda Dowladda Federal-ka ah ay ka go’antahay midnimada dalka Soomaaliya. Qoraalka Wasiirka ayaa ku soo aaday xilli dadka deegaankaas ay walaac badan ka muujiyeen wadahaladdii DFS ay Jabuuti kula gashay Somaliland. Dadka deegaanka ayaa ka wal walsanaa masiirkooda maadama aan laga qeybgalin wadahallada taas oo ahayd shuruud ay Somaliland ku xirtay in dadka Gobollada Waqooyi aysan qeyb ka noqon wadahadallada. Walow ay dad badani arrintaas dhallileen hadana qoraalka Wasiir Bidhaan ayaa u muuqday mid dajisay dadka deegaanka oo uu isaguba ka soo jeedo. Qoraalka Wasiirka ayaa sidan u dhignaa: “Waxaan maanta ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen bulshada SSC. Anigoo garowsan dadaalka ay dadkaasi ku bixiyeen in la helo midnimo Soomaaliyeed. Waxaan la wadaagay xog ogaalnimadeyda shirkii Jabuuti iyo sida ay madaxda DFS uga go’antahay ka miro dhalinta midnimada dalka.” Maxaa laga fahmi karaa qoraalka? Dhigaalka Wasiirka oo u muuqda mid farriin qoto dheer bixinaya ayaa laga dhadhansan karaa in Madaxa Dowladda ay iyagu matalayeen dadka Midniada raba oo aan ku goobneen deegaanada SSC balse ay xataa ku jiraan dad kale sida Gobolka Awdal iyo beelaha qaar ee Gobollada loo yaqaan kuwa “Beesha Dhexe”. Dhinaca kale Wasiirka ayaa qaatay door wanaagsan marka la eego sida uu ugu xog warramay qeybaha kala duwan ee bulshada uu matala kaddib sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah bulshada deegaankaas oo nala soo xiriiyey kana qeybgalay kulan qado ah oo uu Wasiirka Khamiistii Hotel Decale ku yeeshay Xildhibaanada labada Gole, siyaasiin hore iyo dhallinyarada deegaankaas. Waxyaabaha kulankaas looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sida aan xogta ku helnay horumarka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo doorashooyinka soo socda oo la filayo in markan ay ka dhacaan halkaas. Wasiir Cabdillhi Bidhaan waxa uu ka mid yahay xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Nabad iyo Nolol kuwooda ugu saameynta badan.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka qeyb galayey munaasabadda daahfurka dekadda magaalada Hobyo, ayaa sheegay in dhismaheeda la bilaabayo dabayaaqada sanadkaan 2020-ka. Madaxweynaha ayaa xusay in dekadda dhismaheeda la bilaabayo dhowwaan “Waxaan rabaa inaan iraahdo, dekadda caawa howsheeda halkan lagu galay Hobyo shaqada bilowga dekadda waxaa la bilaabayaa sida noo qorsheysan, sanadka cusub inta uusan dhalan, meel ayaa wax noo joogaan meesha ay noojoogaan ayaan ku dhisaynaa, inta naga dhimman ayaan dhisaynaa, intii lagu tashaanaa oo dhimmanaa caawa ayaa la gaaray. sidaas darteed qorshayaashii aan sameynay waa ay najaxeen waqtina waa ay leeyihiin lagu sameeyo qiimeyntii laguna bilaabo dekaddii, waana xiliga aan sheegay dekaddiina xiligaas ayey noo bilaabanaysaa waa inta laga iyo sida loo dhiso ayey noqonaysaa” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. Madaxweynaha sii hadlayo ayaa yiri” Waxaan rabnaa sida aan ugu midaysannahay, Galmudug mid ah, caawa gacanta noogu jirto, la isugu tagay dib u dhiska dalka, Allah idankiis, dib uga noqon mayno, sabab dib noo celin kartaana majirto. Waxaan leenahay meel walbo oo aad joogtaan reer Galmudug dalkiina dhista, u soo jeesta, halkaan caawa waxaa fadhiya hoggaankii ama madaxdii reer Galmudug, oo la dhihi karo Soomaalina waa ay u yihiin, wax kasta oo faa’iido ah oo Galmudug ay gaarto Soomaali ayaa gaartay, Soomaali oo dhan ayaa ka faaiideysanaysa. waxaan rabnaa meel weliba aad joogtaan inaan idiin kalsooni gelinno oo idiin dhiiro gelinno” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor. Hadalka madaxweyna ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhowr jeer lagu fashilmay dhismaha dekadda Galmudug, maadaama ay ka jereen xasiiloni darro siyaasadeed, hadda ayaana waxaa hormuud ka ah dhismaha dekadda ganacsato reer Galmuduh ah, wolow dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha ka taageerayo dhismaha Hobyo, Googjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ay soo saareen xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu eedeeyay dowlada federalka inay ku fashilantay qabashada doorashada qof iyo cod ah,iyagoo ku baaqay shirweyne deg-deg ah. Waxay ugu baaqeen Baarlamaanka in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyay Guddigii wadajirka ahaa , ayna dalka iyo deegaanadaba u horseedeyso qalalaase iyo degenaansho la’aan xalintiisu adkaato muddo dheer. Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegtay in hoggaanka dowladda Soomaliya uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo Cod ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga tashado. Waxa ay sidoo kale ka Codsatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan ansixin qodobo ka mid ah kuwii ku xusnaa xeerka doorashooyinka Qaranka oo abuuri kara Xasiilooni daro Siyaasadeed. Halkaan uoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran
-
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku taliey in la laalo talooyinka ay baarlamaanka horkeeneen guddiga wadajirka ahaa ee habraacyada doorashooyinka. Waxaa kale, oo ay soojeediyeen in la qabto kulan looga tashanayo qaabka doorashada 2020/2012 kadib markii maamulka hadda jira ku fashilmay qabashada qof iyo cod. Qodobbada Madasha Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Bardaale (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca aan duuliya laheyn oo ay Laheyd Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo riday gudaha Soomaaliya sida ay ogaatay Shabakadda Caasimadd Online. 17-kii Bishii June ee sanadkaan 2020 ayey Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan toogteen diyaaradaan aan duuliyaha laheyn oo ay laheyd kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab xilli ay mareysay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Luuq iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Baay. Diyaaradda ay laheyd Al-Shabaab ee la toogtay ayaa lasoo sheegaya in xilliga la tooganayey ay kormeer ku kor sameeneysay kollonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Diyaaradda lasoo riday ayaa basaaseysay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee deegaanadaas ku sugan ka hor inta aan lala helin Gantaal. Saraakiisha Al-Shabaab kama aysan hadlin diyaaradaan laga soo riday sidoo kalana AMISOM war kama aysan soo saarin dhacdadaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsato kolonyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo lasoo rido diyaarad ay laheyd Al-Shabaab.
-
Ibraahim Geedoow Cawaale oo ka mid aha falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha aya waraysi dhinaca Skyp siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin horomarka iyo hiigsiga isboortiga Soomaaliya mustaqbalka soo socda iyo Xiriirada ka dhisan dalka ay dhageystaan talada ciyaartooydii hore iyo bahda isboortiga dalka. “Wuu jiraa horomar,bale madaxda xiriirada dalka waxaa ku bahoon in ay dhageystaan cabashada iyo baaqyada kaga imaanaya dadka ku jira xeyndaabka ciyaaraha Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Ibraahim Geddoow Cawaale. Dowladda ayaa dib u hagaajin ku samaysay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium waxaana su’aal badan laga keenay in la wafaajiyo heerarka caalamiga ee garoomada dunida,si aysan markii la dhameeyo ceeb ama in la dhaho garoonka uma diyaarnayso in lagu martigeliyo tartamada caalamka. “shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Stadium Muqdisho,balse Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha waan in ay xooga iska saaraan in aysan ceeyb ka imaanin kolkii la dhameeyo dib u hagaajinta lagu sameeyo Muqdisho Stadium waa in la wafaajiyaa hanaanka garoomada ay aqoonsanyihiin ha’yadda caalamiga ee isboortiga dunida” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Ibraahim Geedoow Cawaale. Hoos u dhac weyn uu ku yimid daawadashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxayna arintaas keentay in ay si weyn ugu hadlaan gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha Soomaaliya. “Ma garan karo daawasho la’aanta ka jirta horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya,balse hadii uu sidan ku sii socda wuxuu niyad jab ku noqonayaa ciyaarayahanada iyo kooxaha ka qeyb galaya,waan in Xiriirka uu la yimaadaa qorsho wax looga badalaya daawasho xumada horyaalka Soomaaliya” ayuu sheegay. Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in la baralaariyo horomarka kubbadda cagta iyo in dhamaan Maamul Goboleedyada la gaarsiiyo deeqaha lagu taageero Soomaaliya. “Mas’uuliyeenta Xiriirka waa in ay ka dhaqaaqaan Muqdisho oo ay Maamul Goboleedyada gaaraan,si fursad wanaagaan ay u helaan ciyaarayahanada iyo madaxda ururada isboortiga guud ahaan Gobolada” Falanqeeye Ibraahim Geedoow wuxuu Xiriirka ku dhaliilay is badalka joogtada ah ay sanad walba ku sameeyaan tababaarayaasha Xulka Qaranka,isagoo sheegay in muhiimada kowaad ay tahay in la hormariyo aqoonta macallimiinta Soomaaliyeed lagana maarmo tabarayaasha ajaanibta ee qarashka badan ku baxa wax badan aan ku soo kordhin natiijooyinka Xulka,isagoo sheegay in fursad wanaagsan tababarayaasha dalka. “Gabi ahaan waan in la joojiyaa qaadashada macallimiinta ajaanibta ee lagu bixiyo dhaqaalaha badan,waase in Xiriirka uu la yimaadaa wado ka wanagsan mid aan aragnay sanadihii lasoo dhaafay,balse taa badalkeed waa in Xulka lagu aaminaa tababrayaasha Soomaaliyeed ee kala jooga gudaha Wadanka iyo qrubaha. Dhinaca kale falanqeeye Geedoow waxa uu madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta u soo jeediyay in waqti geliyo lagana faa’ideestay dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku nool gudaha dibada. “Yurub,Afrika iyo Carabta waxaa laga helayaa macalliniin iyo xirfadlayaal tayo wanaagsa oo qeyb ka qaadan kara mahsruuca guulaha Xulka,wuxuuna Xiirirka u soo jeediyay in dhaqaalo badan lagu bixiyo kobaca iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Falanqeeye Geedoow Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinacyo Badan Uu Falanqeeye Geedoow Siiyay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
