-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow dib uga qarxay deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu daba socdo midkii shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad illaa 10 ruux. Dadka ku dhintay dagaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi oo dhaawac soo gaaray u geeriyooday. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda halkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed uu dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid culus ayaa wuxuu ka socdaa deegaanka Qalanqalle oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Maleeshiyaadka labada dhinac ee diriraya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu daba socdo midkii shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure, kaas oo ay ku dhinteen illaa 10 ruux. Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, balse aan la shaacin karin inta uu la’egyahay. Dhanka kale madaxweynaha Galmudug oo si adag uga hadlay dagaalkaasi ayaa ciidamada dowladda ku amray inay kala dhexgalaan labada beelood, si loo joojiyo dagaalka. Galgaduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaallo sokeeye oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ku wada sugan gobolkaasi
-
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay xayiraad dal ku gal ay ku soo rogayso saraakiil ka tirsan xisbiga shuuciga ee shiinaha kuwaas oo la aamminsayhay inay wax u geysteen xorriyadda Hong Kong. Mr Pompeo ayaa sheegay in xayiraaddan ay bartilmaamedsaneyso saraakiil hadda kamid ah xisbiga iyo kuwo horay xisbiga uga tirsanaaba. Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay daba socoto ballanqaadkii Madaxweyne Trump ee ahaa in tallaabbo laga qaadi doono cid walbo oo madaxbannaanida Hong Kong dhibaata u geysatay. Shiinaha ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay tahay mid qaldan sidaa awgeedna loo baahanyahay in laga laabto. Arrintan ayaa kusoo aadaysa maalmo ka hor inta baarlamaanka shiinaha uusan furmin. Guddiga Joogtada ee Golaha Shacbiga ayaa ka doodi doona sharciga cusub kulankiisa, kaasoo bilaabanaya maalinta Axadda. Shiinaha ayaa soo jeediyay shuruucyo amni oo dambi ka dhigaya cid walba oo wiiqdo awoodda xukumadda Beijing ee Hong Kong, taas oo u horseedi karto shiinaha in ay ciidamadeeda ammanka la wareegaan gacan ku haynta Hong Kong markii ugu horeysay. Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii, Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam, ay sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen” iney soo farageliyaan sharciga ammaanka uu Shiinaha qorsheynayo ee quseeya arrimaha ammaanka gudaha dalka Shiinaha. Sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo gooni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong. Balse Ms Lam oo marki ugu horreeysay meel fagaara ah ka hadashay waxay sheegtay tallabbada sharcigaasi lagu meel marinayo iney tahay tallaabbo “xilkasnimo ah” oo lagu dhowrayo dadka ugu badan ee sharciga u hoggaansamo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kadib dib u dhac horay ugu yimid ku dhawaaqista waqtiga doorashada ayey mar kale maanta oo sabti ah u balansan yihiin guddiga madaxbannaan ee doorashada si ay ugu cayimaan maalinta la aadayo doorashada 2020/2021. Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada u qabtey iney ku hortimaado 27-ka oo ku beegan maanta, iyada oo la doonayo ku dhawaaqista waqtiga doorashada 2020/2021. Lama oga iney u diyaarsan tahay arrintan iyo in kale, laakin balantan ayaa ah fursadda ugu dambeysa ay ku sheegi karto in dalka doorashao qof iyo cod ah ka dhici karto iyo kale. Guddiga doorashada waxaa ay heyseen 5 sano, waxaa u haray hal sano iyaga oo dhici-doona July 2021-ka, kahor waa iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah, waana shaqada loo abuuray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ku baaqay in in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedyo, kasoo cusboonaaday deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo sababay khasaare ka duwan, oo dhimasho iyo dhwaac isugu jiro. Madaxweynaha qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa maamulka Galmudug iyo dhaqanka ugu baaqay in si dhaqso ah loo gaaro deegaannada lagu dagaalamay” Waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro dagaalada kasoo cusboonaaday Xananbuure iyo Qalaanqal ee Gobolka Galgaduud, Madaxda sare ee Galmudug iyo Odayaasha dhaqan waxgaradka intaba waxaa ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan sidii uusan u daadan laheyn dhiig dambe. Waxaa nooga baxay dad muhiim ah waxa ay u dhimanayaa waa micno daro wax laga aamusi karana ma ahan waa in talaabo degdeg ah la qaado oo arinta la xaliyo. Dagaalka beelahaan oo ka bilowday waabarigii maalinimadii shalay deeggaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ee hoos yimaado gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku geeriyootay ku dhowaad 15 qofood, halka ka badan 20 kalena dhaawacyo, waxaa degan goobtii lagu dagaalamay , waxaana gaaray ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee 21-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu wadaa in maanta looga hadlo dhameystirka iyo u codeynta matalaadda Banaadir iyo in muddeynta waqtiga doorashada. Ajendaha loo diray xildhibaannada ayaa waxaa ku qornaa in la sii-wadayo matalaadda Banaadir isla markaana ay la sugayo hor imaatinka Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashada oo laga sugayo iney ku dhawaaqdo waqtiga doorashada 2020/2021. Wixii ka soo baxa halkan kala soco. Source: goobjoog.com
-
Kani waa sawir hore Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa saaka oo Sabtiya ka qarxay degaanka Cawsane ee Gobolka Sanaag halkaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. Dad ku sugan gudaha degaanka Cawsane ayaa ka soo warramaya in dagaalka labada beelood dhexmaraya uu salka ku hayo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla degaankaas oo dhinacyadu isku hayaan. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka oo mudda saacado ah socday inkastoo aysan jirin weli xog sugan oo laga helay tirada dhimashada iyo dhaawaca kala gaaray labada dhinac ee dagaallamaya. Dagaalka ayaa haatan istaagay waxaase weli is hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay iyadoo mararka qaar la maqlayo Rasaas goos-goos ah islamarkaana ma jirto cid weli kala dhex gashay labada beelood. PUNTLAND POST The post Puntland: Dagaal u dhexeeya laba beelood oo ka qarxay Cawsane appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti ugu hambalyeeyey 43-guurada ka soo wareegtay maalintii ay gobonimada qaateen. Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacabka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo ah u diray dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay ku beegan tahay xuska sannad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii lixaad (June) sanadkii 1977-kii. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland waxaa uu ku booriyey shacab-weynaha iyo dowladda dalka Jabuuti xuska sanad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, isaga oo u rajeeyey inay ku gaaraan sanadkaa kiisa kale horumar, bash-bash iyo barwaaqo. “Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dowladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulka Somaliland. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa lagu wadaa in maanta ay hortagto xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xaliimo Yarey ayaa sida uu qorshuhu yahay kulanka baarlamaanka ee maanta ka shaacin doonto laba arrin midood, taas oo la xiriirta doorashada 2020/2021-ka. Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqi doonto xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada, ama inay cudur daarato, maadaama aysan weli dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada aysanisaga imaan arrimaha doorashooyinka dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiga doorashada laga dalbaday inay dib u dhigaan warbixintooda, illaa uu ka qabsoomayo kulanka uu iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo marti-qaad u fidiyey madax goboleedyada dalka. Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay dhameystiraan xeerka matalaada gobolka Banaadir oo dood adag ay ka yeesheen. Sida aan xogta ku helnay waxaa jira xildhibaano ay ku jiraan Wasiiro oo u badan hal beel , kuwaas oo wada oo lole ka dhan ah codeynta Xeerka Mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, xilli haatan uu sii dhamaanayo muddo xileedka madaxda dowladda Somalia.
-
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo faah-faahiyey kulan uu la qaatay madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan amniga Gaalkacyo. Deni ayaa sheegay in labada maamul ay yeelan doonaan iskaashi weyn oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug ay kala shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin ee maamulkaasi. Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay in amniga Gaalkacyo laga sameeyay horumar weyn, tan iyo markii laga bilaabay howlgal uu garwadeen ka yahay wasiirka amniga Galmudug, Mudane Axmed Macalin Fiqi. Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii dambe howlgallo ay ka sameeyeen Gaalkacyo ku soo qab-qabtay in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinayo Al-Shabaab. View the full article
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa xildhibaanadu ay ku dhameystiri doonaan xeerka matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen. Sida qorshuhu yahay xildhibaanada ayaa cod u qaadi doono xeerkaas oo qeexaya matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa lagu wadaa maanta in baarlamaanka ay hortagto guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey). Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shaacin doonto xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021-ka. Wararka qaar ayaa sheegaya inay u badan tahay inay cudur daarato, maadaama aysan weli dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada aysan isaga imaan arrimaha doorashooyinka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyadoo lagu guda jiro marxalad kala guur ah, welina ma cada nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa soo bilodway gelinkii dambe ee shalay, wuxuuna soo gaaray illaa xalay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisu uu ka dhacay deegaanka Xananbuure oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay. Ku dhowaad illaa 10 qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi oo dhaawac ka soo gaaray dagaalka u geeriyooday. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo intaasi ka badan, kuwaas oo la kala geeyey magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is-horfadhiya maleeshiyaadka diriray ee labada dhinac. Dhanka kale madaxweynaha Galmudug oo si adag uga hadlay dagaalkaasi ayaa ciidamada dowladda ku amray inay kala dhexgalaan labada beelood, si loo joojiyo dagaalka. Galgaduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaallo sokeeye oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ku wada sugan gobolkaasi
-
Ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay amniga degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduug halkaas oo maalmihii la soo dhaafay dagaallo ku dhexmareen laba malayshiya beeleed. Dagaalkaas ka dhacay Xananbuure waxa uu ka dhashay muran la xiriira baraago degaanka laga qoday waxaana uu sababay khasaare kala duwan oo labada dhinac gaaray. Ciidanka dowladda yaa haatan ku sugan degaanka kadib markii ay kala dhex-galeen labada Maleeshiyo isla markaana la wareegeen amniga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud sida laga soo xigtay saraakiil ciidan. PUNTLAND POST The post Ciidamo kala dhex galay malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Wrka-Subax-27062020.mp3 View the full article
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Sabtiya lagu wadaa in ay manata cod u qaadaan xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodaayeen. Xeerka Matalaada gobolka Banaadir waxaa uu ka mid yahay xeerar maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka yeesheen dood adag. Guddiga xeerka doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga dhigay 7 ruux taas oo ay si adag uga horyimaadeen qaar kamid ah xildhibaannada. Todobaadkii tegay In ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan PUNTLAND POST The post Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maanta Cod loo qaadayo appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Qoor-Qoor ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin ururada argagixisada ah. Sidoo kale wuxuu wacad ku maray in ciidamada ay howlgallo wadaji ka bilaabi doonaan gobolka, wuxuuna wacad ku maray dhammaan gobolkaasi laga saarayo Al-Shabaab. Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa suu wata ayaa intaasi ku daray in kooxdaasi oo sii hurineyso dagaal beeleedyada ay dhibaato xoogan ka wado gobolka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul oo loo hirgelin doono si ficil ah. Al-Shabaab ayaa weli heysata deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug, waxaana sidoo kale weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka fulisaa deegaano hoosta Galmudug iyo Puntland.
-
London (HOL) - A teenage Somali asylum seeker is among the six injured by a knifeman at the Park Inn Hotel in Glasgow, Scotland on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Dowladaha kala ah Itoobiya, Masar iyo Sudan, ayaa heshiis waqti gaaban ah ka gaaray in Itoobiya ay bilowdo biyo xireenka ay ka dhisayso webiga Nile, kaas oo si adag ay uga soo hor jeesteen dowladaha Masar iyo Sudan. Heshiiska cusub, ayaa dhigaya in guddiyada farsamada ee gacanta ku haya xalinta khilaadka ka dhaxeeya seddexda dowladood ay heshiis dhinacyadu ka qanci karaan ka gaaraan mudda laba todobaad gudahood ah. Itoobiya ayaa la filayey in ay todobaadka soo socda ee bilowga bisha July ay bilowdo buuxinta biya xireenka wabiga Nile, kaas oo ay horay ugu dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa, waxaana si adag uga hor yimid Masar iyo Sudan. Masar iyo Sudan, ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay doonayso Itoobiya ay yaraan doonaano biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaha laga is ticmaalo dalkeeda. PUNTLAND POST The post Is afgarad wakhti gaaban oo laga gaaray muranka Webiga Nile-ka appeared first on Puntland Post.
-
Under a blazing afternoon sun, dozens of University of Minnesota students poured through the gate in a white picket fence and onto the lawn of the university president’s mansion overlooking the Mississippi River. They brought bottles of water, disposable masks, hand sanitizer, granola bars, a speaker to blast their curated playlist — and signs demanding the defunding of the university police department. Source: Hiiraan Online
-
Minnesota now has a senior-level leadership position explicitly dedicated to immigrants for the first time in the history of the state. Source: Hiiraan Online
-
Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo arooskeeda u baajisay ka qeyb galka shir Awgii Ra’isul Wasaaraha dalka Denmark, Mette Frederiksen ayaa mar kale dib u dhigtay xaflada arooskeeda, waxa ayna markan shaacisay in sababta arooskeeda dib uga dhacay tahay ka qeyb galka shir muhiim ah owgiis. Mette Frederiksen, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooka ku sheegtay in ay ka qeyb galeyso shir muhiim ah ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Yurub, shirkan ayaana looga hadlayaa saameynta uu yeeshay Covid-19 iyo arimo kale. Arooska haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ee Bo Tengberg ayaa qorshuhu ahaa in uu dhaco 18-ka bisha July, hasa ahaatee shirka ay yeelanayaan Madaxda Midowga Yurub ayaa dhacaya 17-ka ilaa 18-ka july. Ra’isul Wasaare Mette Frederiksen, ayaa sheegtay in ay ku qasban tahay ilaalinta danaha dalkeeda, waxa ayna sheegtay in arooskooda dib u dhacay sababo la xiriira shirka dhacaya, waxa ayna xustay in ninka ay guursaneyso uu yahay mid dulqaad badan. “Waxaan aad u rajeynayaa inaan guursado ninkan cajiibka ah. Laakiin sida caadiga ahba, taasi ma aha inay noqoto wax iska sahlan, shirka golahaha wuxuu dhacayaa Sabtida bisha July ee aan ku ballansaneyn xafladda arooska.” ayey tiri Mette. Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ayaa qorshuhu ahaa in markii ugu horeesay arooskooda dhaco sanadkii hore, hasa ahaatee arooska ayaa u baaqday doorasho dalkaasi ka dhaceysay owgeed. Qaran News
