Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, Somalia - Somalia has flagged more than 100 Iranian ships fishing illegally in the Horn of Africa country, which boasts the longest coastline in the mainland Africa. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU (Xinhua)-- Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on Thursday called for a crucial security meeting between the federal government and leaders from the federal member states to be held in July to discuss key issues ahead of the elections. Source: Hiiraan Online
  3. The House of Peoples Representatives has approved proclamation of extradition agreements which Ethiopia has signed so far with Djibouti and Rwanda. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka ka codsaday inay hal mid wada sameeyaan. Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si aynu u muujinno farxaddeenna ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.” Waxa uu sidoo kale ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah.
  5. Magaalada Zwolle oo ka mid ah Magaalooyinka ay dagan yihiin jaaliyadaha Soomaalida ee waddanka Nederlands, waxaa muddo ku dhow 2 sanno ka taagan khilaaf kala qaybsanaan jaaliyada dhexdeeda ah taas oo dad badan oo waxgarad ah niyad-jab ay ka muujiyeen. Khilaafkani, wuxuu dhashay markii guddi metala jaaliyada oo muddo 10 sanno ah uu guddoomiye u ahaa C/qaadir Cali oo loo yaqaan [Nuune] iyo xubno ka tirsan isla guddiga uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay in 3 xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa ay dhinac u baxaan, xilkana ka qaadaan guddoomiyaha oo cod aqlabiyad leh ay ku doorteen inta ugu badan Soomaalida dagan Zwolle iyo nawaaxigeeda. Saddexda xubnood ee guddiga ka tirsanaa, xil ka qaadistana ku sameeyey Guddoomiyihii jaaliyada ayaa u doortay Axmed Hayaan inuu jaaliyada madax ka noqdo, taas oo xubnihii kale ee guddiga ka tirsanaa ay u arkeen tillaabo shari darro iyo qar iska xoornimo ah, iyaga oo qaadacay xil ka qaadistaas, sheegayna in ay hogaanka jaaliyada u aqoonsan yihiin C/qaadir, waxaana ay taasi sababtay in 2da guddi oo magaalo qura wada dagan ay 2 goobood kala dagaan, dhinac waliba na uu howlihiisa si habsami leh u wato. Guddiga uu madaxda u yahay C/qaadir Nuune, ayaa haysta aqlabiyadda ugu badan ee jaaliyada sida ay dad badani ictiqaadsan yihiin, haddana qudhiisa waxaa daba socda eedo badan oo loo jeedinayo iyada oo la leeyahay; waa shaqsi keligii ku muraad-qunsada magacii jaaliyada, oo aan doonayn in ay garbihiisa soo buuxiyaan dad aqoon leh, shirarka uu Soomaalida ku metalo na uu kaligii tago, iskana ilaaliyo inay guddiga la soo galaan dad aqoon ahaan u diyaarsan. Guddiga kale ee uu hogaamiyo Axmed Hayaan, inkastoo marka la barbar dhigo dhinaca kale aad looga tiro badan yahay, haddana waxaa aad loogu ammaanaa inay waqti iyo juhdi badan geliyaan in ay caawiyaan caruurta Soomaalida, oo maalin walba oo Axad ah ay ka caawiyaan casharada iskuulaadka iyo barashada dhaqanka iyo diinta, sidaas oo ay tahay qudhoodu ma dhaliil la’a, waxaanna lagu dhaliilaa: in ay yihiin dad fara ku-tiris ah oo gaar uga baxay jaaliyada, markii ay qoonsadeen taageerada iyo kalsoonida ay jaaliyada ku qabaan C/qaadir Nuune oo ah shaqsi aalaaba caawiya qof kasta oo Soomaali ah xittaa haddii uu la soo xiriiro habeen-barkii. Cabbaas Cali Nuur, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aasaasay jaaliyada muddo 26 sanno ka hor, isaga dhowr jeer isku dayay inuu u kala dab-qaado 2da dhinac, si loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirkii ay jaaliyadu muddo ka badan 20 sanno ku soo caana-maalaysay, hasse ahaatee isku dayga iyo niyad-samida Cabbaas waxa ay meelmar noqon waysay markii 2da daraf uu daraf kastaba ka meermeeray in la isku yimaado. “Khilaafka waxaa dhaliyey is afgaran waa u dhexeeya Axmed Hayaan & C/qaadir Nuune, haddii khilaafku yahay wax shaqsi ah xal looma heli karo, hadduu khilaafku yahay danta & maslaxada Soomaalida waxaan oran lahaa waxyaabaha aan isku khilaafsanahay aan iska deyno, oo waxyaabaha aan ku middeysanahay aan isla qabano, kana hormarino danta gaar ah. Dadkii ayaa u kala baxay dad kala raacsan 2-da dhinac, sababtaas waxeey dhalisay in xal loo waayo dhexdhexaadinta & middeynta ururka Jaaliyadda” Ayuu yiri Cabbaas. Dhinaca kale, Maamulka degmada Zwolle [Gemeentehuis], oo ku soo baxay khilaafka 2da dhinac ee Soomaalida ayaa u xilsaaray Wim van Hattum, xalinta khilaafkaasi. Wim, wuxuu sheegay in kala qaybsanaanta guddiga jaaliyada ay sabab u noqonayso dib u dhac soo wajaha kalsoonidii iyo fursadihii degmadu ay siin lahayd dadka Soomaalida ah. “Wax badan ayaa lagu gaari karaa midnimadda, dadku marka ay wada socdaan degmadu waxay siisaa fursado wax loogu qabanayo mushtamaca ay matalaan, fursadahaasi waxaa ka mid ah; tababaro, wacyigelin, guddiga uu metelo Axmed waxay ka faaídeysteen fursado xirfad loogu samaynayo, wuxuuna ahaa barnaamij guul ku dhammaaday” Ayuu yiri Wim van Hattum, isaga oo ku ammaanay Guddiga uu madaxda u yahay Axmed Hayaan kuwa waxqabadkoodu muuqdo, isla markaanna fursadihii ay maamulka degmadu siiyeen kaga faa’ídeystay sidii loogu talogalay.
  6. Kadib kulan ay maanta ku yeesheen uqdisho mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen inay ku dulman yihiin nidaamka awood qeybsiga dalka ee 4.5. Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer-weyne ayaa waxa ay sheegeen in wadanka uu hadda galay nidaam doorasho, beelahana ay isku howli doonaan sidii ay markale uga soo muuqan lahaayeen siyaasadda dalka, iyaguna uu maqan yahay doorkoodiii. Tan iyo shirkii Carto ayey sheegeen in ay ku dulman yihiin nidaamka awood qeybsiga ee 4.5, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in haatan wixii ka dambeeya aysan aqbali doonin in xuquuqda siyaasadeed la dudsiiyo, sida ay hadalka u dhigeen. Beesha Jareer-weyne ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, man’ahan markii ugu horreysay oo ay cabasho ka muujinayaan nidaamka beelaha ee haatan wax lagu qeybsado. View the full article
  7. Ma jirin taariikhda Soomaaliya maalin ay ugu farxad badanayd dhalashadii & israacii Woqooyigii iyo Koofurtii dalka. Dadka Soomaaliyeed, iyagaa isdoontay oo isku hiloobay inay dawlad noqdaan. Markii taladu ay ka soo maaxatay Ururkii SYL in la raadsho shantii Soomaaliyeed. Ingiriiska iyo Talyaanigu ba way ogaayeen halka Soomaalidu u socoto Xornimada kaddib. Calankii laga taagay Hargaysa June 26, 1960, waxaa la saaray calanka buluugga ah ee xiddigta shangeeska ah dhaxda ku leh. Laba maalmood kaddibna waxaa Xamar ka yimid Wafdi uu hoggaaminayo Aadan Cabdulle oo Woqooyi iskula soo afgartay in July 1, 1960 noqoto maalinta Xorriyadda Koofur iyo israaca labada gobol. Awoowayaasheen waxay ahaayeen dad is-oggol oo danta guud ka hormariya danta gaar. 5 maalmood kaddib israacii labada gobol, waxaa warqad ay u qoreen Golaha loo dhan yahay ee Qarsmmada Midoobay si loogu aqoonsado dal madax banaan. Waxayna UNka Soomaaliya u aqoonsaday dal madaxbannaan September 20, 1960. Waxaana lagu qeexay sharciga 76aad, Xeerka 1479 (XV). 60 sano kaddib waxaa wali jira Jamhuuriyadda Soomaaliya, waloow aan soo marnay hagardaamo iyo turunturooyin badan. Jiilalka cusub ee hadda jira, waa kuwa la wareegi doona Mas’uuliyadda dalkan. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad la wareegtaan Mustaqbalka iyo ayaa-katalinta Soomaaliya sidii dhallinyaradii SYL ay sameeyeen oo kale. Xisbiga Garsoor Madaxdiisa iyo Xubnahiisaba, waxaa ka go’an in ay isku soo dunto dhammaan shucuubta Soomaaliyeed iyo inay u horseeddo Caddaalad buuxda oo loo siman yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay warar soo baxay maalmihii dhowaan oo sheegayey in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa idaacadda VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid beddeshay. “Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku. Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood. Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano. Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda. Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan. Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.
  9. Sawirka labada gaari ee shilka galay Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo oo qiyaastii 120km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaas uu ka dhacay shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay. Goob-joogayaal ayaa soo sheegaya in gaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca Raaxad ah oo ka yimid dhinaca Boosaaso waxaana shilku ka dhacay dalcad qiyaastii 5km dhanka Garoowe ka soo xigtay degmada Dangoroyo. Gaariga Raaxad ah waxaa saarnaa saddex ruux oo laba goobta ku dhimatay halka dhaawac qofkii saddexaadna loo qaaday isbitaalka magaalada Garoowe oo hataan lagu dabiibayo. Labada ruux ee dhintay midkood ayaa isna weli gaariga ku hoos jira sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Taraafikada gobolka Nugaal. Sawir goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gaariga xamuulka ah oo ku taagan gaariga yare ee Raaxad ah waxaana burbur xooggan ka muuqdaa gaariga yar oo daasad noqday balse ma jiro wax khasaare ah oo gaaray dadka saaran gaariga xamuulka ah. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.” Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si aynu u muujinno farxaddeenna ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah. View the full article
  11. Taliyaha ururka 39-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa’uud ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga deegaanada hoos-taga gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya. Daa’uud ayaa xusay in y howlgallo ka fuliyeen deeegaanka Jawiil, islamarkaana uu ujeedkiisu ahaa in la soo qabto kooxo falal amni daro ah ka geystay halkaasi. Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaan amar ku siisay saraakiisha ciidanka in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo deegaanka Jawiil. Ugu dambeyn taliye ku xigeenka guutada 5-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan. View the full article
  12. Madaxweyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.” Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si loo muujiyo farxadda ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay Maalmaha xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha dalka Eritrea Asaias Afeworki ayaa socdaal ku tagay dalka Sudan maanta oo Khamiis ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sudan. Socdaalka Madaxweynaha Eritrea oo la sheegay inuu qaadan doono saddex maalmood ayaa waxa uu durtaba kulan la yeeshay Lieutenant General Abdul Fattah Al-Burhan, oo ah guddoomiyaha Golaha Sare ee hoggaamiya dalka Sudan iyo ku xigeenkiisa Lieutenant General Mohammed Hamdan Daqlo oo isaga laftiisu safar shaqo oo saddex maalmood qaatay kaga soo laabtay dalka Ethiopia todobaadkii la soo dhaafay. Kulanka labada hoggaamiye ee dalalka Eritrea iyo Sudan ay yeesheen ayaa diirada lagu saaray xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo wadashaqaynta ay leeyihiin. Hase yeeshee, xiisada xiligan ka aloosan gobolka ee ku saabsan Biyo-xidheenka dalka Ethiopia uu dhisay ee Ethiopian Grand Renaissance Dam (GERD) ee u dhaxaysa dalka Ethiopia, Masar iyo Sudan ayaa la filayaa inay abuurtay socdaalka Madaxweynaha dalka Eritrea uu ku tagay dalka Sudan, isla markaana Ajandaha ay labada hoggaamiye ay ka wadahadlayaan ay ku jirto arinta khilaafkaasi biyaha Wabiga Nile-ka. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Tirada dadkii Xanuunka Covid_19 laga helay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay. Wasaaraddu waxay sheegtay in 24-kii saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyay 68 Qof, 6 ka mid ahna laga helay Xanuunka. Lixda Qof ee Xanuunka laga helay ayaa dhammaantood reer Somaliland ah, waxayna kala yihiin 5 Rag ah iyo 1 Dumar ah. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 29jir = 3 qof) (30jir ilaa 39jir = 2 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 5 qof iyo Ceerigaabo oo ah 1 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo Lix iyo Konton (156). Source
  15. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Bada iyo kuwa ladagaalanka Argagixaisada. Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Ciidamada soo [...] The post Madaxweyne Deni oo mar kale Tababar usoo xiray Ciidamada Puntland appeared first on . Source
  16. Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Fedraalka,Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacaya Muqdisho horaanta bisha Luuuliya. wariyaha Goobjoog Abdirahman Qaasim Savana ayaa la kulmay qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho,isagoo wax ka waydiiyay aragtidooda ku aadan kulankaas. Halkan Ka Daawo Aragtida Shacabka Muqdisho Iyo Shirka Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Savanna.mp4 Source: goobjoog.com
  17. Yuusuf Xasan Mursal oo ah guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, islamarkaana ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay. Guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda ayaa u sababeeyey go’aankooda in guddiga uu ku si foobay dhex-dhexaad la’aan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeyo arrimaha Soomaaliya inay dib u eegis buuxda ku sameeyaan dhaqaalaha ay siiyaan guddiga doorashooyinka Qaranka, isagoo ku eedeeyey guddigaasi in lacagaha la siiyo ay ku bixiyaan dano gaar ah. Ugu dambeyn dambeyn guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal ayaa waxaa uu sheegay in aan lagu kalsoonaan karin shaqada guddiga doorashooyinka, islamarkaana aan lagu aamini karin qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka qabtaan dalka dhammaadka sanadkan 2020 illaa sanadka xiga ee 2021-ka. View the full article
  18. Wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gaaray Beledweyne ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo mas’uuliyiin kale. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wasiirka madaxtooyada Hirshabelle Cabdullahi Maxamed Cadow, wasiirro kale oo Hirshabelle ka mid ah, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ka socday ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan amniga, is-dhaxgalka iyo horumarka dadka degan dhulka dowlad deegaanka yo kuwa Hirshabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, ayna dhammeyn doonaan shaqaaqooyinka ka dhacay deegaanADA xuduuda gobolka Hiiraan uu la wadaago is-maamulka Soomaalida. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa mas’uuliyiinta labada dhinac waxa ay wadeen dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaha colaadeed ee ka taagan halkaasi. View the full article
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Khamiis ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Madaxweyne Deni oo saaka safar kooban oo dhanka Cirka ah ku tegay magaalada Boosaaso ayaa tababarka u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF oo mudda 5 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Ciidanka Badda ee ku taalla duleedka Boosaaso. Madaxweynaha ayaa markii uu tababarka soo xiray wuxuu Boosaaso uga sii duulay dhanka magaalada Gaalkacyo halkaas oo kulamo kala duwan kula qaadan doono mas’uuliyiin dowladda iyo bulshada Gaalkacyo. Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda Gaalkacyo kula kulmo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ka wada hadli doonaan arrimaha muhiimka u ah labada maamul. PUNTLAND POST The post Wararka ku xeeran safarka madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta saacado hakad ku jiray ayaa ugu dambeyn ka furmay xarunta baarlamanka, ayada oo looga doodayo matalaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare. Kulanka ayaa hakad galay kadib markii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu is-hortaagay mooshinka matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Xildhibaano gaaraya 130 ayaa shalay mooshin ay keeneen ku dalbaday in gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi, waxaana qorshuhu ahaa in maanta cod loo qaado mooshinkaas. Hase yeeshee, waxaa soo baxday in arrintaas uu diidan yahay Mursal, islamarkaana uu isku dayey inuu ajendaha ka saaro, taasi oo xildhibaano badan ay ka horyimaadeen ayaga oo ballan-qaaday inaan kulanka maanta looga hadli karin arrimo kale. Si kastaba, saacado kadib, ayaa Guddoonka baarlamanka uu la kulmay Guddi ka socday Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in maanta laga doodda matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare la soo gabagabeeyo, isla markaana maalinta Sabtida cod loo qaado. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa qabay in isla maanta cod la geliyo, balse Guddoonka ayaa diidanaa in codeyntaas in xaalad fowdo iyo qas inay horseedo, waxaana la isla meel dhigay in Guddoonka iyo Xildhibaannadab ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ay caawa shir gaar yeeshaan, Sabtida gelinka horena la ansixiyo. Arrintan matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd afar xeer oo ka harsanaa sharciga doorashooyinka oo lasoo dhameystiray, waxaana laba ka mid ah oo kala ahaa qoondada haweenka iyo doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi lagu ansixiyey mooshinno. Wararka qaar ayaa sheegayey in Guddoomiye Mursal uu markii hore doonayey inuu arrintan guddi u saaro, si ay sharci gaar ah uga soo tala bixiyaan, balse xildhibaannada mooshinka keenay ayaa aad uga biyo diiday, kuna adkeystay in la mariyo halkii la marsiiyey xeerarkii hore. Dagaal iyo dood dheer kadib, Mursal ayaa aqbalay codsiga xildhibaanada, kadib markii uu arkay sida ay u tiro badan yihiin iyo inay arrintan ka go’an tahay.
  21. Dhacdo argagax leh ayaa saaka waxa ay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolkaan Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa uu toorey ku dilay walaalkiis. Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Kaaraan, waxaana nin lagu magacaabo Xasan Nuur Ciroobe uu dilay walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe. Gurigooda hortooda ayey isku qabsadeen, waxaana Xasan Nuur Ciroobe uu sameeyay inuu la soo baxay toorey, kadibna uu la dhacay Allaha u naxariistee Marxuumka. Illaa 10 mar ayaa la sheegay inuu jirkiisa galiyay tooreyda, kadibna halkaasi uu isaga cararay sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana goobta ku geeriyooday marxuumka. Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaaraan oo meesha tagay ayaa waayay gacan ku dhiiglaha oo baxsaday, waxaana socota baadi-goobka loogu jiro ninkaasi. Lama garanayo sababta ay isku qabteen ee kaliftay inuu toorey la dhaco walaalkiis oo ugu dambeyn dhintay. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wali ah kuwa ‘aan awood u laheyn’ in ay ka saaraan meelaha ay ku xoogan yihiin ee Al-Shabaab, taas oo u suurta gelisay in Al Shabaab gacan ku hayso qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibada ee Mareykanka. Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka ayaa ku xustay warbixinteeda wadaniga ah ee laxiriira argagixisannimada 2019, in ay muuqato in aan guul laga gaarin Al Shabaab ka dib 13 sano oo dagaal ah waxa ayna sanadkii la soo dhaafay fuliyeen in kabadan 1000 weerar oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo waqooyiga Kenya sida ku cad bayaanka Maraykanka. Qaybta Soomaaliya ee sahanka sanadlaha ah ee adduunka ayaa ku qiyaaseysa in Al-Shabaab dhanyihiin tiro ahaan inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 9,000 xubnood. Maalgalinta Al Shabaab ayaa ku maalgalisa howlaheeda “soosaarka dhuxusha sharci darrada ah iyo dhoofinteeda, canshuuraha shacabka iyo ganacsiyada, iyo lacagaha loogu diro xawaalaha Soomaalida,” ayay warbixintu intaas ku dartay. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ma sheegay lacagaha ay u qoondaysay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo inta ay la egtay lacaga soo galaha Xoogga gacansaarka la leh Al Qaacida ee ku sugan Soomaaliya. Howlgallada la bartilmaameedsaday Al Shabaab oo ay fulinayaan cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ee Mareykanku tababaray ayaa lagu sheegay warbixinta in ay u taagan yihiin dagaalka Al Shabaab si ka duwan weerarada kale ee ciidamada qaranka. Laakiin warbixinta ayaan xusin ololaha sii xoogeysan ee weerarada cirka ee ay fuliyeen Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ee ka dhanka ah Xoogga Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya iyo waqooyio barI Kenya. Africom waxa ay fuliyeen 63 shaweerar oo cirka ah sanadkii hore, marka la barbar dhigo 47 sanadkii 2018 iyo 35 sanadkii 2017. Dib-u-habeynta amniga. Mas’uuliyiinta Soomaaliya “waxa ay ku guul darreysteen hirgelinta isbadallada amniga qaranka iyo sharci u dejinta oo gacan ka geysan kara kor u qaadista awoodda dowladda ee sugidda iyo Maamulidda si hufan dhammaan heerarka DFS iyo Goboleedyada dalka,” ayaa lagu sheegay warbixinta. Laakiin waxa ay ku amaantay dowladda federaalka ” in ay raali katahay dadaalada Mareykanka ee lagu hagaajinayo tayada xarumaha booliska ee waddanka oo dhan.” Dowladda Kenya ayaa warbixintu ku tilmaantay “iskaashi Mareykan ah oo raali ka ah” baarista, maxkamadaynta iyo ka jawaabista weerarada Al Shabaab. Sikastaba, warbixintu waxa ay xustay in ciidamada amaanka Kenya lagu soo wargaliyay in ay ku xad gudbeen xuquuqul insaanka howlihii la dagaalanka Al shabaab, Xadgudubyada loo haysto waxa ka mid ah dilal sharci-darro ah, xiritaan iyo jir-dil. Weerarkii DusitD2 Booliska Kenya iyo ciidamada kale ee dalkaasi ayaa lagu amaanay sida ay ugu jawaabeen weerarkii Janaayo 2019 DusitD2 Hotel. Wax qabadkooda munaasabaddu waxay ahayd “si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee looga jawaabayo halista argagixisada iyo weerarada,” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixinta wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maxkamadaynta Kenya ee dadka argagixisada looga shakisan yahay ay muujineyso horumarin iyo qaladaadka dhacay garsoorada sida ku cad warbixinta Maraykanka. “Maxkamadaynta kiisaska argaggixisannimada ayaa inta badan si tartiib tartiib ah oo aan habooneyn u bilaabma,” warbixinta ayaa sheegtey, iyadoo la tixraacayo in saddexda eedeysane ee hartay weerarkii Westgate Mall ee 2013 ay wali maxkamad ku jiraan dhamaadka 2019. “Guul muhiim ah” oo la gaarey sanadkii la soo dhaafay waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta xukunnadii iyo 15 sano oo xukunno ah oo laba Iiraaniyiin ah oo ku lug lahaa qarixii bambaanooyinka ee sanadkii 2012. Sidoo kale sanadkii hore, maxkamad ku taal Kenya ayaa ku heshay saddex ka mid ah afarta eedeysane in ay ka qayb galeen xasuuqii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015.