-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhiilada ilma Mohamed Daahir Cusbitaalka Guud kala kulmeen waa, “hurdaayaw toos!” (It is a wakeup call). Farrimaha ugu muhimsan ee kharshka Korona Fayraska lagu bixiya waxa ka mid ah wacyigelintaa ah: faraxasha, kala durka iyo garaaca lambarka heeganka ee 988 baa ka mid ah. si aad talo iyo tusaalo u hesho. Shilka dhacaday: Ilma Mohamed Daahir walaalkood oo xanuunka la ildaran bay dhakhtarka keeneen. Neeftaa haysee oksijiin noogu qabta. Ma hayno ayay jawaabtii cusbitaalku noqotay. Mishiinkii Oksijiinta debedday ka doonteen, qofkii ninka buka ku xidhi lahaa baa la waayey, markii la soo helayna, wuxu u sheegey in mashiinkay sidtaan biri ka maqan tahay, birtii bay dib u baadi dooneen. intii ay hore iyo dib u sii socdeen ayaa walaalkood geeriyooday. Ambalaas aannu maydka ku qaadno na siiya, jawaabtii waxay noqotay, ambalaasyadu way wada jajaban yihiin, haadana ilma Maxamed Daahir waxay codsadeen, bal hadda na siiya qalabkii dadka aasayaa xidhan lahaayen. kaa si waa lacag, $294 keena. Sheekadii ilma Moxamed Daahir oo kooban waa taas. Hurdaayaw Toos Murugo iyo xannun kasta ay leedahay, dhacdadani waa HURDAAYAW TOOS! Xanuunka waa bilaw, hay’adaheenii caafimaadkana waad aragtaan. Sidee xaal noqon doonaa marka tarabtarab bukaanihii ay cusbitaalka ku soo faruurmaan? Talo Bixin: xaalad dagaal baa ina soo waajahday, dagaal kaga qaylisiiyey dawladihii inaga taagta roonaa. Yeelkeed, rag baa waa ku raqdiis. Cusbitaalka Guud halaga furo xafiiska la dagaalanka cadawga karoona Fayras. (Operations room for the fight against the Corona Virus). Xafiiskaa waxa fadhiisanaya Guddomiyaha guddida la dagaalanka cudurka uu magacaabay madaxweynuhu kaas oo ah madaxweyne xigeenka JSL Mudane Saylici iyo koox dhakhaatiir ah oo volintiir ah(volunteers) baa halkaa saldhig hawlgal ka dhiganaysa. hawlaha guddida dagaal-gelintu qabanaysaa waxa kale oo ka mid ah inay gebi ahaanba dib u habayn ballaadhan ku sameeyaan qaab maamaluka cusbitaalka guud, inay dooriyaan hab-dhaqanka dhaqaatiirta iyo maamulka cisbitaalka ka hawlgala, in la hagaajiyo daryeelka iyo dhiirigelinta dadka waanaagsan ee cisbitaalka ka hawlgala. Dhacdadan murugada lihi ha noqoto mid aynnu ku saxayno qaladaadka iyo xilkasnimo darrada sida weyn dalkeena uga jirta. Source
-
Kulanka ay yeesheen guddiga heer Federaal ee ka hortaga xanuunka covid-19 oo qaab muuqaal ah loo adeegsaday Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay xanuunkaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga heer Federaal ee xakameynta COVID19 kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay in uu bilowday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay. PUNTLAND POST The post Hoos u dhac ku yimid faafidda Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Buurdhuubo (Caasimadda Online) Xoogagga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ciidamad dowladda Soomaaliya ku leeyahiin dagmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Habeenimadii xalay aheyd ayuu weerarka dhacay, waxaana la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama ay adkeyd in la ogaado wax walba, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada dowladda ay baaritaanno ka sameeyeen goobahii ay dirirtu kula dhexmartay Al-Shabaab marka ay kala joogsatay rasaasta. Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney ka war heleen weerarka lagu soo yahay ka hor inta uusan dagaalka bilaaban. Taliyaha Amniga dagmada Buurdhuubo Nuur Kadiye Ibraahim ayaa sheegay iney khasaaro gaarsiiyeen kooxahii weerarka soo qaaday, taliyaha wuxuu sidoo kale sheegay iney mar walba yahiin kuwa heegan ugu jira weerar kaga yimaada kooxo uu ku tilmaamay canaasiir. Dhawaan ayey aheyd markii xukuumadda ay ciidamo gaarsiiyay gobolka Gedo si ay u kaabaan kuwii horay ugu sugnaa, mana jiraan wax natiijo ah oo ay kasoo calaameeyeen hawlgalkii ay kadib dagaalka xalay ka sameeyeen duleedka dagmada.
-
Kulanka ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Covid-19 oo ahaa qaab muuqaal mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray qiimeynta guud ee lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah dalka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay kulanka 4-aad ee doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka. Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale, waxa ka qayb-galay Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro. Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah yaana sii socon doona illaa ugu danbeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe kaga qayb-galay Kulan looga hadlayay Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus, kuwaas oo wasaaraddu sheegtay in qaarkood laga helay xanuunka. Qoraal ka soo baxay guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus u qaabilsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 35 qof, balse cudurka laga helay 7 ruux oo kala ah 6 rag ah iyo hal dumar ah. Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in dadka laga helay cudurka COVID 19 ay kala joogaan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Bari, islamarkaana haatan la karantiilay dadkaasi. Ugu dambeyn guddiga ayaa tilmaamay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan-geliyey ay tahay illaa 170 qof, halka 5 qof ay u geeriyoodeen xanuunka. View the full article
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay ergayga UNka James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale. Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas. Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada. Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”. Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka oo ka shiray Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku guuleysatay kaalinta koowaad ee barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle, kaas oo ay sanadkan ku tartamayeen illaa 16 degmoo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Waabari ayaa ka badisay dhiggeeda degmada Hodan, kadib markii ay xalay isaga hor yimaadeen Final-ka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Waabaari ayaa la yimid 14 dhibcood, halka Hodan oo gashay kaalinta 2-aad ee tartanka ay keensatay 2 buundo, sida uu shaaciyey Xasan Weli Sh. Abuubakar. Sidoo kale waxaa kaalinta saddexaad ku soo baxay degmada Wadajir, ka-gadaal markii ay xalay ka guuleysatay dhiggeeda degmada Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Cadaani-Waabari.mp3 View the full article
-
Faah afaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi. Taliyaha amniga ee magaaladaasi, Nuur Kadiye Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu dagaalku ka dhacay uusan soo gaarin wax khasaare ah. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb-galay kulanka 4-aad ee doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka, kaas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Kulanka oo ay ka soo wada-shaqeeyeen wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland iyo hay’adda PDRC, waxaa ka qey-bgalay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Senator Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile iyo xubno kale. Intiisa badan waxaa kulanka looga dooday hanaanka doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, doodaha noocan oo kale ah ayaana la sheegay inay sii socon doonaan, illaa ugu dambeyn ay ka soo baxdo aragtida Puntland ee nooca doorasho ee dalka ka dhici karta. Madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in madaxda hadda dalka xukunta si aysan muddada u kordhisan ay muhiim tahay in la helo dad hortaagan, sidoo kalena wuxuu intaas ku daray in Somalia aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-22052020-ok.mp3 View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres, oo warbixin ku saabsan Soomaaliya u gudbiyey Golaha Ammaanka, ayaa walaac ka muujiyey khilaafka weli taagan ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada. “Waxaan weli ka walaacsanahay inkasta oo ay jiraan baaqyadeyda, iyo dadaallada joogtada ah ee wakiilkeyga gaarka ah ee Soomaaliya, haddana xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu weli yahay mid kacsan,” ayuu warbixintiisa ku yiri António Guterres. Xoghayaha guud ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib usoo celiyo kulamadii uu la yeelan jiray madax goboleedyada. “Waxaan ku dhiiri-gelinayaa Mr. Farmaajo inuu dib usoo nooleeyo madashii kulamada hogaamiyayaasha dalka, si loo wada-hadlo islamarkaana horey loogu dhaqaajiyo arrimaha qaranka,” ayuu yiri António Guterres. Guterres ayaa sidoo ugu baaqay madax maamul goboleedyada inay si wanaagsan uga jawaabaan tallaabooyinkan, ayaga oo ka billaabaya inay soo magacaabaan wakiilo dowladda kala shaqeeyaa diyaarinta kulan madaxeed ay yeeshaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyey xiisadda gobolka Gedo, iyo dagaalkii halkaas ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, wuxuuna yiri “Waa muhiim in dib loo soo celiyo wada-shaqeynta iyo wada-hadallada dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta Jubaland.”
-
Having re-started commercial services in 2015, after more than a dozen years in the airline wilderness, Air Djibouti is embarking on ambitious plans to expand both freight and passenger services regionally and internationally. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madasha xisbiyada qaran, Cabdirisaaq Shoole oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in ciidamo huwan magaca AMISOM ay hub fara badan soo galiyeen gudaha dalka. Shoole ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in hubkaan laga soo galiyey dhinaca dhulka, gaar ahaan dhanka xuduudaha, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in la geeyey gobollada Gedo, Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya. Afhayeenka madasha xisbiyada qaran oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay walaac ka qabaan arrintaas oo uu tilmaamay inay sii hurin karto xiisadaha ka jira gobolka Gedo. C/risaaq Shoole ayaa intaasi ku daray in laga rabo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika inuu la socdo dhaq dhaqaaq ciidamada AMISOM iyo hubka ay soo gelinayaan dalka. “Waxaan maqli jirnay maleeshiyaad aan heybtooda la aqoonin, maanta marka ciidamo shisheeye oo aan heybtooda la aqoonin ayaa waxaa ka dambeeyey ama sameeyey looma dul-qaadan karo.” ayuu yiri afhayeenka madasha xisbiyada qaran ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd ee Shariif Sheekh Axmed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintaan ay ku soo aadeyso, kadib dhacdadii lagu soo riday diyaaddii rakaabka aheyd ee ku socotay garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale, taas oo la sheegay inay gantaal ku dhufteen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Shoole.mp3
-
pic.twitter.com/oSpAZxSniO — salah khashoggi (@salahkhashoggi) May 21, 2020 Jamal Khashoggi has become an international symbol bigger than any of us, admired and loved. His ambush and heinous murder does not have a statue of limitations and no one has the right to pardon his killers. I and others will not stop until we get #JusticeForJamal (1/2) pic.twitter.com/hX0kFRPNvr — Hatice Cengiz / خديجة (@mercan_resifi) May 22, 2020 Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Xiisadda Itoobiya iyo Masar ee biyo-xireenka webiga Nile ayaa kasii dareysa ayada oo Itoobiya ay billowday difaac ay kaga hortageyso weerar ay ka cabsi qabto, halka ciidamada Masar heegan culus la geliyey. Wargeyska The New Arab ayaa ilo-wareedyo Itoobiyaan ah kasoo xigtay in horraantii bishan ay Itoobiya billowday inay habka gantaallada lidka diyaaradaha gayso halka laga sameynayo biyo-xireenka, si ay isaga difaacdo duqeymo ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado. Daad gureynta gantaalladan oo weli socota ayaa la filayaa in lasoo geba-gebeeyo bisha June. Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay gantaalladan ka heshay Ruushka iyo dalalka kale. Dhinaca kale, madaxweynaha Masar Abdifatah Sisi ayaa Talaadadii la kulmay wasiirka difaaca Mohammed Zaki iyo taliyayaasha ciidamada isaga oo amray in ciidanka heegan culus la geliyo si loo difaaco amniga qaranka. Si kastaba, inkasta oo ay jiraan dhacdooyinkan cabsida leh, islamarkaana Masar ay biyo-xireenka u aragto inuu halis ku yahay, haddana xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in dagaal dhex-mara labada dal uusan u muuqan mid dhici kara mustaqbalka dhow. Xiisadda ayaa sare u kacday Bishii April, markii ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” biyo-xireenka taasi oo muddo laba sano gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xireenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter. Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xireenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaara. Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xireenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xiran tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yiri warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May. “Tani waa xaalad suurta-gal ay tahay inay halis muuqata ku noqoto nabadda iyo amniga gobolka oo dhan,” ayuu yiri. Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, islamarkaana ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye. “Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xireenka,” ayuu yiri Gedu. “Ethiopia waxay saameyso dadaallo aan caadi ahayn oo ay ku tix-gelineyso dalabyada aan dhammaadka lahayn iyo dhaqanka aan la saadaalin karin ee Masar,” ayuu yiri.