-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Muqdisho 20-kii bishaan ku yeesheen guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga wadajirka ah ee ku howlan dhameystirka sharciyada xoojinaya sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo hadallo kulul. Kulanka Arbacadii la soo dhaafay dhacay ayaa waxaa hareeyay doodo kulul islamarkaana sababay iney si kulul oo anshax aheyn iskula hadlaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo guddoomiyaasha labada gole ee baarlamanka Soomaaliya. Dooda iyo hadalada kulul ee dhaxmaray mas’uuliyiintan ayaa sababay in dhamaan muuqaaladii laga tir-tiro weriyaal xarunta ku sugnaa iyo kuwa muuqaalada duuba oo xarunta baarlamaanka ka tirsan. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay isku khilaafeen arrimo quseeyo doorashooyinka Soomaaliya iyo muddo kordhin ay dalbadeen guddiga warbixinta laga dhageysanayay. “Ma jirto wax muddo kordhin ah oo la sameynayo, Mursal iyo Cabdi Xaashi, dalkaan idinka ayuu idinka socon la’yahay, guddiga howshiisa uma madax banaana, sharciyada sidaan ka dhig ayaa 24 saac dhahdaan, iney doorasho dhacdo ma rabtaan waxaa ka shaqeyneysaan dib u dhac ee yaan dadka been loo sheegin,” ayuu yiri Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey. Hadalka Muudeey ayaa sababay dood kulul iyo eedeyn la isu jeedo, taas oo markii dambe keentay in weriyaasha laga tir-tiro muuqaalladii ay qabsadeen iyo in hadalo kulul la isu adeegsado. Lama oga halka ay ku dambeyn doonto doorashada Soomaaliya oo aan wali go’aan rasmi ah laga gaarin balse waxaa muuqaata iney ku kala fogaan hogaanka Soomaaliya oo aragtiyo kala qaba siyaabo kala duwana u raadinaya in doorashada loo qabto. Guddiga wadajirka ah ee ku howlan dhameystirka sharciyada ayaa la filayey 27-ka bisha ay soo gudbiyaan sharciga doorashooyinka, oo ay kusoo dareen qodobada ka dhiman, balse waxaa lagu warramayaa in waqtiga loo kordhiyey.
-
BAIDOA (HOL) - At least four people were killed and 23 others injured Sunday in a bomb explosion in Baidoa, southwestern Somalia during Eid celebrations. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee caasimadda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay halkaas galinkii dambe, kaas oo sababay khasaare soo gaartay dad shacab ah sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku ugan magaalada Baydhabo . Qaraxa oo ahaa mid dhulka la geliyey ayaa ka dhacay xero ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magalada Baydhabo halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay socday cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo dad isugu yimid ay ugu dalbaal-degayeen munaasabadda maalmaha ciidda. Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan khasaaraha dhabta ah. Weriyeyaal ku sugan magaalada ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in 5 ruux ay geerriyootay halka dadka dhaawaca ahna ay ku dhow yihiin 30 ruux sida ay xaqiijinayaan wararkii ugu dambeeyey ee soo baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray goob ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka lagu ciyaarayay oo ku taalla magaaladaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay 3 qof oo 2 ka mid ah ay caruur ahaayeen, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, halka kuwa kalena ay ku warramayaan inuu ka dhashay bam-gacmeed lagu tuuray halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka ag-dhowdahay xero ay ku nool yihiin qoysas badan oo barakacayaal ah. Ammaanka magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa mid degan. View the full article
-
Benghazi (Caasimada Online) – Taliyaha xoogagga mucaaradka Libya dagaal-oogel Khaliifa Xaftar ayaa ciidankiisa ugu baaqay in ay isu arursadaan sidii ay ula dagaali lahaayeen Turkiga oo Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee ay Hafter is-hayaan ka caawiyay in ay caasimadda ka weeciyaan hirka colaadda militari Horumarkii ay dhowaan sameeyeen ciidanka Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee ay ku qabsadeen saldhigga ciidanka cirka, ayaa hakiyay guluf sanad jiray oo ay wadeen ciidanka Khaliifa Xaftar ee loo yaqaan LNA (Libya National Army). Ciidanka Dowladdu waxay sidoo kale yareeyeen halistii xoogagga Xaftar ee ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Masar ay ku qaadi lahaayeen weerar cirka ah. Sabtigii todobaadkii tegay, ciidanka dowladda caalamku aqoonsanyahay waxay horay ugu siqeen degmooyin ka tirsan magaaladda Tripoli halkaas oo ay sheegeen in ay kasoo saareen miinooyin iyo qaraxyo ay geliyeen Ciidanka Xaftar. Ciidanka Xaftar waxa ay sheegeen in ay dib uga gurteen goobo dhowr ah, laakiin ay sidoo kale weerar ku qaadeen xeradda militariga ee Yarmouk ayna dileen islamarkana qabteen kuwii kasoo horjeeday. Farriin maqal ah oo uu soo duubay Xaftar ayuu ciidankisa ugu sheegay in ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray gumeysiga Turkiga ilaa iyo ay ka adkaadan, waxaana uu soo qaatay taraiikhda mar ay Cusmaaniyiintii maamuli jireen Liibiya. “Waxaad abuureysaan heybad inta aad la dagaalameysaan gumeysiga damciyay kheyraadkeena,” ayuu yiri Xaftar “Dagaalna ku ekeeya dhammaan kuwa idinka soo horjeeda, dagaal aysan ka dhalan waxaan guul ka ahayn.” Hadalka Xaftar waxaa la bahiyay iyadoo Madaxweyne Trump uu codsaday in si deg-deg ah loo damiyo xiisadda dagaalka Liibiya isagoo la hadlay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dalkiisu uu badelay dagaalkii Libya islamarkaana uu ka weeciyay dagaal sokeeye. “Xalka keliya ee Libya waa xal siyaasadeed, Xaftar-na waxaa uu u baahan yahay in uu taas fahmo,” ayuu yiri wasiirka. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo afjarmay Bandowgii ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Muqdisho xiliyada habeenkii ah wixii ka dambeeyo 8:00 pm (habeenimo). Caasimada Online ayaa hubisay in ugu yaraan 4-tii habeen ee la soo dhaafay magaalada ka jirin Bandow, islamarkaana magaalada ay gaadiidka si weyn u shaqeynayeen ilaa saqda dhexe ee habeenkii ah. Sidoo kale Caasimada Online waxay tagtay goobihii ay joogi jireen ciidamada booliska ee Bandowga kuwaas oo aan imaanin wax ku dhaw todobaad. Goobaha ay gaadiidka iyo dadweynaha sida weyn ugu shaqeeyaan islamarkaana aan ciidan lagu arag waxaa kamid ah Xamarweyne, Maka Al-Mukarama, KM4 iyo xaafadaha Muqdisho oo dhan oo qaarkood aan marnay halka kuwa kalane aan la hadalnay dad ku sugan. Ma jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay kaas oo lagu qaadayo Bandowga magaalada hase yeeshee waxaa muuqata in dowladdu fasaxday xayiraadii magaalada. Meelaha qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo boolis ah oo dadka lacag uga qaadanayo haddii ay diidaan dib ugu celinaya halkii ay ka yimaadeen iyagoo sabab uga dhigaya Bandow balse ay ujeedku yahay iney wax helaan. Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata inuu aad ugu sii yaranayo COVID-19 taasina ay sabab u tahay in Bandowga uu soo gaba gaboobmo inkastoo aysan dowladdu shaacin arrimahaan
-
Arab League ambassador to Somalia, Hamud Bin Samran Al-Xuwayti, has on Sunday died in Mogadishu days after falling sick. According to sources, Al-Huweydi who has been serving Arab League in Somalia for the last three years passed on at a hospital in Mogadishu where he was undergoing treatment. The circumstances surrounding the death of the ambassador is yet unclear. Arab League appointed Al-Huweydi mid 2017 as the ambassador to Somalia to head their office in Mogadishu. Ambassador Hamoud’s Profile Dr. Hamud Al-Huweydi was born in Riyadh, the capital city of Saudi Arabia in 1383/1963. He completed his degree In Law from the University of King Saud. He also possesses several certificates on Diplomacy, Constitutional Governance and Conflict Resolutions. The Arab League has its headquarters in Cairo, Egypt. Somalia joined the organization in 1974 during the reign of Said Bare.
-
Qarax jugtiisa meelo Fog Fog laga maqlay ayaa wuxuu ka dhacay Goobo Dad danyar ah ay degan yihiin, Ilaa hada khasaaraha Lama oga. Wariye ka [...] The post War Deg Deg ah Qarax ka dhacay Baydhabo appeared first on . Source
-
The second assassination attempt in a week on a senior Somali police officer ended Sunday in the Somali capital Mogadishu with a narrow escape by the officer. Ali Hirsi Barise (Gaab), the head of health department of the Somali police forces escaped death after a roadside bomb targeted his vehicle in the capital Mogadishu. An eyewitness said the explosion occurred at Aviazione neighborhood in the capital’s Waberi district and could be heard through the area and sent massive plumes of smoke into the sky. “The blast which resulted from a bomb apparently planted on the roadside wounded two civilians and destroyed the vehicle” he added. The blast comes barely four days after a similar bomb attack targeted his vehicle at Banadir junction in Mogadishu’s Hodan district killing three of his bodyguards. Alshabab claimed responsibility for the attack saying the group targeted the senior police officer Ali Gaab. The war-torn Horn of Africa country continues to be riven by violence between government forces, al-Shabbab fighters and other armed groups. Al-Shabab was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. However, it still carries out frequent attacks across Somalia, as well as in neighbouring Kenya, whose soldiers form part of African Union-mandated peacekeeping forces that help defend the Somali government.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegay in qarax xooggan oo sababay khasaare nafeed uu galabta halkaas ka dhacay, sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caaismada Online. Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magaalada, halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay ka socdeen cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo loogu dalbaal-degayey munaasabadda ciidda. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana dad gaaraya illaa iyo 15 ay ku dhaawacmeen, inta la xaqiijiyey illaa iyo hadda. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa intooda badan ah barakacayaashii ku noolaa xerada, waxaana dhimashada ku jira laba caruur ah. Illaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda waxa sababay qaraxa, balse mas’uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay inay loo maleynayo inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dhacdadan Goobta qaraxa ayaa waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
-
Waxaa galabtii sabtida magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii ururka jaamacadda carabta ee Soomaaliya Xamuud Bin Samraan Al-xuweydi. Xogheyaha guud ee jaamacadda carabta Axmed Abuu Geyth ayaa ka tacsiyeeyey isaga oo tacsi u diray ehelka iyo diblomaasiyadda Sacuudiga, una rajeeyey inuu eebe u naxariisto. Abuu Geyth waxaa uu intaas ku daray inuu sharaf u ahaa diblomaasiyadda carabta, waxaa uuna Soomaaliya ka shaqeynayey tan iyo markii la magacaabay 2016-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad cakiran ay ka taagan tahay deegaanada xuduuda goboladaasi, gaar ahaan deegaanka garasle ee hoostaga dagmada lababaar oo ku yaalla xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Ciidamada Liyuu boolis ayaa toogasho ku dilay dad shacab ah oo ku noola deegaankaasi, midaasi oo dhalisay xiisad hor leh oo xoogan. Liyuu booliska ayaa toogtay dadkaasi shacabka ahaa kadib markii uu muran xoogan dhex-maray dadka deegaanka Garasle oo iyagu ka horyimid talaabooyin ay ku kaceen ciidamadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Liyuu boolisku ay si ula kac ah ay u duugeen dhowr barkadood oo dadka deegaanka Ismadhaqo iyo xooluhuba ay ka cabi jireen biyaha. Talaabadaasina ayaa horseeday inay qaraxdo xiisada ka dhex oogan dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu booliska, iyada oo ay bilowdeen abaabulka maleeshiyaad lagu xoojinayo dagaalka kala dhaxeeya ciidamdaaasi. Waxaana laga dareemaya deegaanadaasi saan-saanta colaad hor leh iyo xiisada ka dhex oogan ciidamada Liyuu booliska iyo dadka deegaanka oo isku abaabulay qaab maleeshiyaad hubeysan ah.
-
Jeneraal Caanka ah Somalia oo mar Labaad Todobaad gudihii ka badbaaday qarax lala beegsaday Maanta Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta lala eegtay taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cali Barre Xersi “Cali Gaab” xilli uu marayay waddada Afisoyooni Wararku waxay sheegayaan in taliyaha qaraxa lala eegtay uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah. Sidoo kale gaadhiga taliye Cali Gaab ayaa waxaa soo gaadhay wax-yeello. Waa markii labaad oo muddo hal isbuuc ah la qarxiyo taliyahaasi , waxaana horay qarax loola eegtay ku dhintay dhowr askari oo ilaaladiisa ah, xilliga qaraxaasi hore lala beegsaday Janaraal Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in uusan la socon gaadhiga. Qaran News
-
(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa Xanuunku dunida ku faafaya ee Covid_19 wuxuu gaadhay oo uu ku dhacay Dad dhan 1,800 Qof, taasina waxay ka dhigaysaa Dalalka Afrika kuwa uu Dadka ugu badan ku soo ritay. Xanuunka Covid_19 ayaa Qaaradda Afrika waxa ku dhacay dad gaadhaya 100.000 (boqol kun oo Qof), laakiin Jamhuuriyadda Jabuuti waxa xanuunkaa ka soo kabtay 1,000 Qof oo ka mid ah 1,800 ee uu haleelay. Madaxa Xarunta guud ee la tacaalidda Covid_19 ee Jabuuti ayaa sheegay inay Dadka xanuunku ku dhacay siiyaan daawada lagula dagaalamo Xanuunka duumada ama Kaneecada ee (chloroquine), taasina waata keentay ama sababtay in Dadka Jabuuti ugu dhimanaya Xanuunku u yaraato, hase-ahaatee Saynisyahannadu waxay wer-wer ka muujinayaan isticmaalka Daawada chloroquine loo adeegsanayo Covid_19. Dadkii ugu horreeyay ee Jabuuti kaga soo kabta Xanuunka ayaa ahayd bishii March, 2020, xilligaasna waxa Dawladda Jabuuti iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunku ay jideeyeen in Hab adag loola macaamilo Dadka Xarunta Shaybaadhka la soo xidhiidha ee qaba ama doonaya in laga hubiyo Covid_19, laakiin Habkaasi wuxuu sababay in muddo kooban tirada dadka uu xanuunku soo ritay inay gaadho 77 Qof, taasina waxay Jabuuti ka dhigtay Dalalka uu Xanuunku dadka badan ku soo ritay Qaaradda Afrika oo guud ahaan Dadka uu ritay illaa hadda marayso 100.000 kun. Xanuunka Covid_19 wuxuu ku dilay illaa 9 Qof. In Daawada Malaariyada ee Chloroquine loo isticmaalo Covid_19, waxa hore uga soo horjeedsaday isla-markaana Cambaareeyay Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Doland Trump Source
-
Garowe ( Commentary ) — The ongoing power struggle between Puntland State President Said A. Deni and Vice President Ahmed Elmi raises questions about the efficacy Puntland Constitution, which has its origins in 1998 Charter. Vice President Ahmed Elmi refers to the Constitution when he criticises President Said Deni for not consulting the Office of the Vice President about appointments. President Deni interprets “consultation” as notification. Both Deni and Ahmed Karaash have sound arguments against each other. Is the presidency-controlled Puntland Parliament the venue to settle questions that require constitutional interpretation? A second complication arises from Puntland electoral system based on a shared mandate. MPs elect the President and Vice President. When a Puntland presidential candidate chooses a running-mate, an agreement to prevent power struggle, though not enforceable, does not get attention in the political programme of the Presidential Hopeful. Only the Presidential Candidate has a political programme although the position of the Vice President is heavily contested. President Deni did not expect Ahmed Karaash as his Vice President. It was a bolt from the blue. When an elected President is forming Puntland Council of Ministers, he seeks the the input of the Vice President. Puntland does not have political parties that could enable a presidential candidate to form a bond with influential party members whom he can appoint as Ministers and Vice Ministers after winning the election. Karaash (left) and Deni (right) have a shared mandate under the presidecy-controlled Puntland Parliament Puntland is partly based on a customary law. Traditional leaders select MPs, who elect the President and Vice President. The hybrid nature of Puntland political system weakens the role of the Supreme Court. The Parliament of Puntland is where the dispute between the President and Vice President of Puntland will be settled. The Vice President stands little chance of weathering the Vote of Confidence storm against him. The Parliament does not interpret Puntland Constitution. It may debate the motion from the presidency accusing the Vice President of lack of cooperation with the Puntland President. When Puntland Presidency had fallen out with the former Speaker of Puntland Parliament, the result was an abrupt dismissal of Cabdixakiin Maxamed Axmed through a Vote of No Confidence. The odds of seeing off President Deni in this round of power struggle are stacked against the Vice President. With less than 25% of the territories in the ex-British Somaliland under Puntland’s control, the power struggle in Puntland strengthens the case for a direct federal representation for constituencies in Disputed Territories before 2021 elections. Opinions expressed in this commentary does not necessarily reflect the views of Puntland Post or its subsidiaries. The post THE FAULTY CONSTITUTION OF PUNTLAND BEGETS A DYSFUNCTIONAL GOVERNMENT appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku waxay sugayaan jawaabta Gudigii Baarlamaaniga ahaa ee loo diray iney rogrogaan ayna Baarlamaanka usoo gudbiyaan Qaabka iyo Nooca Doorasho ee Dalka ka [...] The post Hanaanka Doorashada ee Baarlamaanku soo wado wuxuu noqonayaa Qarax Siyaasadeed oo Villa Soomaaliya gilgila appeared first on . Source
-
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa waxaa looga hadlay geerida ku timid, safiirkii Jaamacadda Carabta u joogay Muqdisho, Xamuud Samraan Al-Xuwayti, kaas oo maanta ku dhintay caasimadda. Dowladda federaalka ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid marxuum Al-Xuwayti oo u dhintay xanuun deg-deg ah oo ku soo booday. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Safiir Carbeed oo Maanta ku geeriyooday Muqdisho Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u soo dusiyey in Al-Xuweyti uu ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadibna uu geeriyooday markii la geeyey xarun caafimaad. Ma jirto illaa iyo hadda faah faahin intaasi ka baxsan oo laga bixiyey geerida ku timid, Allaha u naxariistee Marxuum Xamuud Al-Xuweyti. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carbta, iyada oo ka mid noqotay sanadkii 1974-tii, waxaana ururkan ku mideysan wadamo badan oo Carbeed. Qoraal ka soo baxay xukumada Farmaajo:- Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirta deegaanada dhaca xuduuda, gaar ahaan deegaanka Garasle, kadib markii Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ay dileen dad shacab ahaa. Dadka la dilay oo tiro ahaan gaarayey 5 ruux ayaa dilkoodu wuxuu yimid, kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka Garasle, waxaana ciidamada ay toogteen dadkasShacabka ah oo Xoolo dhaqato ahaa. Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadu ay duugeen laba barkadood oo ku yaalla tuulada Is-madhaqo, kuwaas oo dadka rayidka ah iyo xoolaha ay biyaha ka cabi jireen. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Garasle oo ku yaalla xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa masleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis. View the full article
-
Soomaaliland ayaa maanta oo Axad ah shaacisay kiisas horleh oo cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaanadeeda iyo saddex ruux oo cudurkaas u dhintay. Wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomaaliland ayaa shaacisay in la baaray 110 qof oo looga shakisnaa cudurka COVID-19, balse cudurka laga helay 37 ruux. Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in dadka cudurka laga helay oo kala ah 21 rag ah iyo 16 dumar ah ay dhammaantood ku sugan yihiin magaalada Hargeysa,isla markaana ay yihiin kuwo aan waligood ka bixin Somaliland. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 3 ruux oo qabay cudurka ay ugu dhinteen Hargeysa, waxaana ay noqonayaan dadka Somaliland ugu dhinta Corona, 14 ruux. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus ee deegaannada Somaliland waxaa ay yihiin illaa 168 qof, halka ay ka bogsadeen 18 ruux. View the full article