Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya inay dib u bilaabaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Warbixinta saddex biloodka ah ee uu xoghayaha guud u gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu ku bogaadiyay kulankii Biixi iyo Farmaajo ku dhex maray Addis Ababa, “Kulankii dhex maray Farmaajo iyo Biixi wuxuu ahaa talaabo togan. Waanan bogaadinayaa.” Ayuu yidhi xoghaaha guud waxaanu intaas raaciyay “Farmaajo wuxuu soo saaray warbixin guud oo uu ku qiray xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqal insaanka ee ay dawladii Maxamed Siyaab Barre samaysay, Mr. Biixina wuu aqbalay talaabadaas. Waxaan ugu baaqayaa labada hoggaamiyeba inay ku dul dhisaan xidhiidhkan si ay ugu kobciyaan xidhiidhka oo ay uga sameeyaan horumar dib u bilaabista wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.” Geesta kale ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, oo isagoo Muqdisho jooga khadka Internetka kaga qayb galay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay inuu jiro wada xaajood heerkoodu sareeyo oo u socda Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inuu dhiirigeliyay Qaramada Midoobay, waxaanu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya u muuqdaan inay sii wadayaan xidhiidhka oo ay doonayaan inay wada hadaladu intaas ka sii gun dheeraaadaan. Geeska Qaran News
  2. Waa talo kooban oo maanta ii muuqata, haddii la dhinac marona waqtigu uun baynu isku dheeraynaynaa, dhaxalkuna wuxuu u ekaanayaa halkii hore looga socon lahaa in dib loo noqdo. Talada ii muuqataa waxa weeye, maanta meesha Soomaaliyi taallo waynu aragnaa, soddon sano oo aan dawlad dadka wada meteshaa jirin ayaynu madaxa ka goyney. Waxa inoo dheer ku dhowaad toban sano oo ka sii horreeyey oo wixii hore loo dhisay la duminayey oo burbur iyo kala irdhoow iyo colaado geyiga ka jireen. Afartan sano oo khasaare ah ayaynu badideennu isla qirsannahay (tabashooyinka gaarka ah marka gees la dhigo). Maanta koonfur dawlad Xamar keliya ku filani xitaa kama jirto. Gobolladii koonfurta ee maamullada Federaalku ka jirey qaarkood iyo xukuumaddii Federaalku heshiis maaha. Degaammo badan Shabaab baa ka taliya, meelaha kale oo dhanna dhanka koonfurta gacanta kula jira oo qaraxyo iyo dilalna ka geysta cashuurna ka qaata. Waxa hadda ka aloosan Xamar xummaddii qabiilka oo siyaasiyiin iyo ganacsato dabada ka riixayaan. Maamulka Somaliland muddo ayay gobolladii waqooyiga qayb ka mid ah nidaam iyo kala danbayn ka hirgeliyeen, halka gobollada waqooyi qaarkoodna diiddanaayeen maamulkaas goosashada ku dhawaaqay. Waxase xaqiiqo ah in amni iyo kala danbayn la isku hallayn karo “marka la barbardhigo koonfurta Soomaaliya” uu gobollada taabacsan maamulka Somaliland ka hir galay. Dadaalkii maamulka Somaliland wadey wuxuu maanta soo gaadhay meeshii ugu dambeysey oo dad fakhri ah oo aan la aqoonsanayni gaadhi kari lahaa. Halka ay maanta taagan tahay kor ugama sii kici karto, waayo wixii tamar iyo karti ay lahaayeen ee iyaga gacantooda ku jirtey oo dhan way soo isticmaaleen. Muddadaa Somaliland ictiraaf la’aanta la xarbiyeysey, dadkeedu wuu sii kordhayey, baahida dadkuna way isa sii beddeleysey oo sii kordhaysey. Mar haddii tiradii dadku saddex laabantay (qiyaas ahaan), xukuumadduna tamarteedii gaadhsiisey meeshii ugu sarreysey, waxa halkaa ay taagan tahay ka dhaqaajin karaa si baahiyaha dadka looga jawaabo waa in lahelaa dawlad adduunka la falgasha oo la ictiraafsan yahay. Dawlad adduunka ka heli kara maalgashi caalami ah, bankiyo wax la deymiyo, dawlad wax la amaahin karo, deeq toos ahna la sin karo oo dawladaha xidhiidh toos ah la geli karta iyo mid wadareedba (bilateral and multilateral agreements), dawlad mashaariic horumarineed toos ah heli karta iwm. Hadalkoo kooban Somaliland waxay taagan tahay figtii ugu sarreysey ee garaafka, waxana figtaas hoos ka soo fananaya tiradii dadka oo badatay iyo baahidii dadkoo korodhay marka figta lagu kulmona hoos baa la isula soo dhaadhacayaa (the law of diminishing returns). image.png Maxaa talo ah haddaba. Mar haddii koonfuri haysato ictiraafkii dawladnimo ha yeeshee ay ku shaqaysan kari weydey, sidaa daraadeed ay khasaaraysay. Dhanka kalena Somaliland ay hayso kartidii iyo keni adaygii ay iyadoo aan la aqoonsanayn, degaanadii hore magaca Somaliland u wadaagi jireyna aanay fikirka goosashada ku midaysnayn, haddana ay suurto gelisay goobahay gacanta ku wada heysey inay ka hirgeliso amni, kala danbayn, iyo weliba adeeg bulsho (intii karaankeeda ah). Ha yeeshee Somaliland-na caqabadda dib u celinaysaa tahay ictiraaf la’aanta haysata, miyaanay habboonayn in turubkaa dib loo baandheeyo labada dhinacba. Kartida iyo keni adayga Somaliland iyo ictiraafka Xamar yaalla ee la khasaareeyey dhexdooda miyaan talo laga raadin karin? Waxay ila tahay Simaliland hoos-u-dhicii garaafku waa xaqiiq maanta taagan. Waxaa ka markhaati kacaya, qareemmada baaqa soo saaray, dhallinyarada baaqa soo saaray, qaylodhaanta “Mar kale midnimo”, saluugga iyo ismari waaga xukuumadda iyo ururrada mucaaradka, jabhadihii kala danbeeyey ee sanaag, qabiilooyinka iyo suldaammada saxaafadda hadh iyo habeen taagan, kalsooni darrada beelaha ka dhex dhalatay ee degaamnada la isku haysto iwm. Waxan oo dhammi maaha khalad xukuumadda Muuse Biixi la wada timid, ee waa ceelkii oo biyo yareeyey iyo xoolihii oo oomman oo darkii ku kulmay. Dhanka Xamar intii ay riwaayad isu dhigi karayeen way isu dhigeen, maanta waxay taagan tahay in kuwii madaxweynayaasha dalka ka soo noqday ay abaabulayaan wax u eg colaadihii qabiilka ee 1991kii, waxa muuqda haddaan Alle jid u furin in saacaddu dib ugu noqoto xusuuso la soo hilmaamayey, iyo boogo soo bogsoonayey oo la damqo, daawona aan loo hayn. Gebagebadii: Sida keliya ee lagu badbaadin karaa dhammaan dadka Soomaaliyeed waa in “QOLOBA QOLADA KALE BADBAADISO”. Waa in reer Somaliland wixii ka dhinnaa soddonkaa sannadood oo ah ictiraafka Xamar ku dulman iyaga gacanta loo geliyaa oo l madaxnimadana iyaga loo dhiibaa si ay ummadda Soomaaliyeed oo dhan uga faa’iideeyaan. Cidda maanta wax u unkan yihiin ee faa’iidada ugu badan ka helaysaa waa reer Soomaaliland maxaa yeelay waxa u tolan hadhuubkii ay wax ku maali lahaayeen oo ah amni iyo kala danbayn. Xukuumadda Xamar joogta ee ictiraafka dhaafsiin kari la’ gudaha Villa Somalia, ee karti darrada iyo aragti gaabnidu la degtayna waa inay ka faa’iidaystaan kartida iyo keni adaygga reer Somaliland iyo khibradda soddonka sano wax lagu soo wadey. Haddaan sidaa la yeelin oo talo cid walba u dan ah la gaadhin koonfur iyo waqooyi, waxa iman karaya waa waagoo horteenna ku barya iyo labada dhinac oo mid waliba iskii u dumo (Ilaahay kama dhigee). Soomaalaay kala guuleysan weynee, waxa la soo gaadhay waqtigii aynu wada guulaysan lahayn. Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  3. Saaka waxaa Koonfurta Gobolka Mudug laga cabsi qabaa in uu Dagaal dhex maray Laba amaleeshiyo oo midkood ay Mushaar ka qaataan Dowlada Federaalka Soomaaliya. Maleeshiyaad [...] The post Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Maleeshiyo isku haya Xaafada Baraxley ee Gaalkacyo appeared first on . Source
  4. Guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul Fidriga,iyagoo u rajeeyay dembi dhaaf iyo caafimaad. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ciidda ayaa shacabka Soomaaliyeed u rejeeyey in alle uu dembi dhaaf siiyo,acmaashoodina uu ka aqbalo. Sidoo kale guddoomiyaha golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la qeybsaday hambalyada ciidda,wuxuuna alle uga baryay bash bash iyo barwaaqo. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay iscaawiyaan,islamarkaana ka wada shaqeeyaan horumarkooda. View the full article
  5. Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo warramaya in halkaasi ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubaysan. Malayshiya-beeleedka hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka isku gedaamay xarunta Ciidanka DANAB ay ku leeyihiin Koonfurta Gaalkacyo waxaana sida la sheegay ay dalbanayaan in si deg deg ah loo soo daayo Ganacsade u dhashay Beeshooda oo habeen ka hor ay xabsiga dhigeen Kumaandooska DANAB. Labada dhinac oo haatan isku horfadhiya koonfurta Gaalkacyo ayaa laga cabsi qabaa in halkaas dagaal ku dhexmaro waxaana aga’gaarka la isku hor fadhiyo ka socda barakac ay samaynayaan dadka degaanka si aan loogu dul-dagaallamin. Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayan in aysan sii dayn doonin Ganacsadaha xiran islamarkaana ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadayaan malayshiyaadka hor fadhiya haddii aysan dib u laaban. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  6. Maxkamada Caalamiga ah ee u horyaal Kiiska muranka Bada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamudu waxay shalay oo jimce ah soo saartay Warsaxaafadeedkii [...] The post Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyey in Kiiska Bada dib loo dhigo, waatan cadeyntii appeared first on . Source
  7. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo shir-jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa, ayaa ka hadlay war-bixin ku saabsan saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in war-bixintu ay muujinayso in badeecadihii ay dawladdu u sameysay cashuur-dhaafka uu hoos-u-dhacay qiimahoodii sidoo kale na uu cudurkani saameeyey ganacsiyo tiro badan iyo badeecadaha dalka. Wasiirka, ayaa xusay in sicir-barar ku yimi khudaarta dalka, waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha iyo weli ba sidoo kale ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe oo qaarkood xidhmeen, waxa kale oo uu sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn xooggan ku yeeshay wax-soo-saarkii dhinaca warshadaha iyo weli ba sidoo kale lacagihii dhinacaha xawaaladaha. Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu carabka ku dhuftay in marka loo eego wakhtigii COVID-19 dalka laga dhawaaqay iyo xiligan in maalin ba maalinta ka dambeysa uu hoos-u-dhac ku imaanayo sicir-bararkii ku yimi badeecadaha dalka, isaga oo xusay in ganacsatadu ay ku ammaanan yihiin sida wanaagsan ee ay ugu naxariisteen shacabkooda isla-mar-ahaantaana ay ugu dhimriyeen xaaladaha adag ee lagu jiro awgeed. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu sheegay in Wasaaraddu ay la socoto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay marar kala duwan ka jawaabtay saameynta COVID-19 ee ganacsiga isagoo sidoo kale na xusay in ay wadaan mashaariic lagu horumarinaayo ganacsiga wadanka kuwaas oo jawaab u ah saameynta COVID-19 ee ganacsiga. Wasiirku, wuxu aad u boggaadiyey Ganacsatada Soomaaliyeed oo la yimi hal-abuuro ganacsi oo ay kaga qeyb-qaadanayaan ka hortaga cudurka COVID-19 iyaga oo farsameeyey neefiyeyaal wax-weyn ka taray baahidii cisbitaalada loogga qabay dadka laga dabiibaayo cudurkan, waxa kale oo uu ku ammaanay inay bishan Ramadaan ay aad wax-u-tareen dadka masaakiinta ah ee wadanka ku sugan. Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ugu dambeyn uu ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay dhibbaatada COVID-19 ay u beddelaan fursado ay ku maal-gashanayaan wax-soo-saarka wadanka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in wadanku aanu ku tiirsanaan karin kaalmooyin uga yimaada dalalka dibadda iyo weli ba in ganacsigiisu uu ku tiirsanaado dalal shisheeye. View the full article
  8. (SLT-Riyadh)-Wiilasha suxufigii rer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji ayaa sheegay “inay cafiyeen” kuwii dilay aabahood, hadalkaas oo taxliiliyayaasha ay ku macneeyeen mid si hubanti ah cafis ugu fidinaya shan qof oo lagu helay dilka, kuwaas oo iminka dil sugayaal ah. Khaashquji, oo ahaa xog-ogaal ku dhow boqortooyada balse isu beddelay mid cambaareeya, ayaa lagu dilay kadibna jidhkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, bishi October ee 2018, kiiskaas oo si weyn u dhaawacay sumcadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Cafiska qoyskiisa ayaa bad-baadin kara nolosha shan nin oo aan magacyadooda la sheegin oo bishii December 2019 dil toogasho loogu xukumay dilka Khaashuqji. “Habeenkan barekeysan ee bisha Ramadan, haddii aan nahay wiilasha shahiid Jamaal Khaashuqji waxaan ku dhaawaaqeynaa inaan cafinay oo saamaxnay kuwii dilay aabahayo,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yidhi Saalax Khaashuqji. Mas’uuliyiinta Sacuudiga weli kama hadlin caqabadaha sharci ee ka dhalan kara hadalka Saalax, oo ku nool boqortooyada, kaasi oo beeniyey warar sheegaya inuu heshiis lacageed la galay dowladda. “Waxa tani macnaheedu uu yahay ayaa ah in dilayaasha ay ka badbaadi doonaan ciqaabta dilka, maadaama shareecada Islaamka ay qeexeyso in qoyska ay leeyihiin xuquuqda cafiska,” waxaa sidaas qoraal twitter ku yidhi Ali Shihabi, oo ah qoraa iyo taxliiliye Sacuudiyaan ah oo ku dhow boqortooyada. Taxliiliye Nabel Nowairah ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka qoyska uu macnihiisu yahay “in dilayaasha aan la dili doonin”. Saalax ayaa hore u sheegay inuu “kalsooni buuxda” ku qabo hanaanka cadaaladda Sacuudiga, wuxuuna cambaareeyey mucaarad uu sheegay inay ka faa’iideysanayaan kiiska. Wargeyska Washington Post, oo uu Jamaal wax ku qori jiray, ayaa sanadkii tegay sheegay in qoyska Khaashuqji oo uu ku jiro Saalax, ay dowladda ka heleen guryo malaayiin dollar jooga, islamarkaana lacag tobanaan kun oo dollar ah ay siiyaan mas’uuliyiinta bil kasta. Saalax ayaa ku gacan saydhay warbixintaas, isaga oo beeniyey inuu wax heshiis lacageed kala hadlay dowladda Sacuudiga Source
  9. Hambalyada Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Ee Munaasibadda Ciidul-fidriga- 23/05/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad. Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna. Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Source
  10. Dowlada Soomaaliland waxay Shacabka fartay in Salaada Ciida lagu tukado Guryaha si loo xakameeyo inuu baaho Cudurka Corona Virus, Shacabkana looga badbaadiyo Xanuunkaas. Meelo badan [...] The post Boorame oo iska dhaga tirtay Amarkii Dowlada, Salaadii Ciida oo garbaha la isasaaray appeared first on . Source
  11. Linkigan hoose Riix :- Hambalyada Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Ciidul Fidriga Awgeed Qaran News
  12. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda ayaa dhaqaatiirta iyo howl wadeennada caafimaadka uga mahad celiyay dadaalkooda nafhurnimada leh ee safka hore ay uga galeen dagaalka loogu jiro kahor tagga iyo xakameynta COVID19. “Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa maalinta ciidda ah. waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed hortooda uga mahad celiyo dadka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin taagnaa sida dhibaatadu usoo billaabatay. Waxaa ugu horrreeya wasaaradda caafimaadka iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee u taagnaa inay dad Sooomaaliyeed badbaadiyaan, aan arkin qoysaskooda aan arkin caruurtooda, ee go’aansaday inay safka hore ka galaan dagaal lamid ah dagaalka xabbadda la’isu dhigo””, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda, waxaan leeyahay mahad iyo sharaf ayaad ummadda Soomaaliyeed usoo jiideen. Abaal ayaa ummadda Soomaaliyeed idiin heysaa horumar ayaad gaarteen inta idiin dhimanna waxaan leeyahay dhammeystira”, ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay kahor tagga Feyruska Karoona, waxuuna uga baaqay inay feejignaan dheeri ah la yimaadaan ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad, qofkii awoodana uu gurigiisa ku ciideysto, si looga fogaado khatarta COVID19. View the full article
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee maamulkaasi, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyey ee ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Deni ayaa wareysiga lala yeeshay si gaar ah uga hadlay weeraradii lagu dilay gudoomiyeyaashii gobollada Nugaal iyo Mudug, wuxuuna tilmaamay inay qabaan tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay adeegsanayaan gacmo kale oo leh dano gaar ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdooyinkaasi, islamarkaana ay dhowaan shaacin doonaan natiijada. Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale u soo qaatay warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Al-Shabaab. “Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ay kordhisay weerarada ay ka fuliso maamulkaasi, waxaana weerarkii ugu dambeeyey oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
  14. Waxaa muuqata in Shacabka Puntland ay maqleen Amaradii ay Xukuumadu ku manuucdey in la isugu soo baxo goobihii caadada ahayd in lagu tukado Ciida. Magaalooyinka [...] The post Shacabka Puntland oo u hogaansamay Amaradii Dowlada ee ahaa “Guryaha halagu tukado Ciida” appeared first on . Source
  15. New York - Hertz filed for bankruptcy Friday night, the latest victim of the sudden economic downturn sparked by the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  16. Djibouti has more than 1,800 COVID-19 cases, making it the African country with the highest number of cases per 100,000 people. But more than 1,000 of those cases have already recovered and only nine people have died from the disease. Source: Hiiraan Online
  17. Saaka waxaa Salaadii Ciida lagu tukadey Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho iyadoo uu Magaalada fara kulul ku hayo Xanuunka Koroona Feyruska. Inkastoo xiligii Salaada [...] The post Dowlada Federaalka oo la eedeeyey kadib markii Kumanaal Qof ku tukadeen Masjidka Isbahaysiga appeared first on . Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadkeenna, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed. “Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan. “Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.
  19. When the U.N. secretary-general called for a global ceasefire in March while the world battles COVID-19, most countries supported the measure — but not the U.S. Source: Hiiraan Online
  20. The effect of 3 different dilemmas impacting swathes of east Africa at the exact same time has actually left numerous hundreds of individuals in danger of cravings and health issues, help employees running in the area have actually alerted. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xalay saq-dhexe ah dowladda Soomaaliya ay ku dhawaqday in maanta ay tahay maalinta koowaad ee munaasabadda Ciidul-Fdiriga ayaa waxaa jira magaalooyin aan saaka laga ciidin, islamarkaana laga Sooman yahay. Caasimada Online oo la xariirtay meelo badan ayaa ogaatay in saaka aan laga ciideynin inta badan gobollada dhexe, sida Dhuusamareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in degmooyin ku yaalla gobolka Sh/ Dhexe aan laga ciideynin, sida Warsheekh, Cadale iyo deegaano hoostaga magaalooyinkaasi. Waxaa sidoo kale jira in Muqdisho dadka qaar ay weli Sooman yihiin, islamarkaana ay dhameystirayaan 30-ka bisha ramadaan, inkastoo shacab fara badan oo ku sugan caasimada ay saaka si weyn u ciidayaan, kuwaas oo lagu arkayo meelaha dalxiiska. Kala qeyb-sanaanta ciida ayaa timid, kadib markii xalay fiidkii hore dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar ay shaaciyeen in maanta oo Sabti ah la dhameystiraan Soon, sida wadamo badan ay ku dhawaaqeen, balse DF ayaa xalay xilli dambe sheegtay in maanta ay tahay ciid, bishana laga arkayo meelo badan oo ka mid ah dalka.
  22. Soomaaliya iyo Mauritania ayaa ah labada dal ee carabta ah ee maanta ciiday halka Itoobiya ay ku jirto dalalka Muslimka ah ee fara ku tiriska ah ee ciiday. Waxaa la sheegay inay jiraan dalal kale oo Afrikaan ah ay maanta ciid u tahay sida dalalka Mali, Niger iyo Ivory Coast. Waxaa xusid mudan in Mauritania iyo Itoobiya ay go’aanka hal jeer sheegeen halka Soomaaliya ay kala hadashay wasaaraddaeeda awqaafta iyo diinta. Muqdisho waxaa ay markii hore umadda u sheegtay in axadda tahay ciidul fidri laakin waxaa ay ka laabatay saacado kadib, maamulka Jubbaland iyo kooxda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay in ay maanta ciid tahay dowladda ka hor. Dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, baxreyn iyo Kuwait dhammaan waxaa ay sheegeen in axaddu tahay ciid. Sidoo kale, Suuriya, Ciraaq, Urdun, Lubnaan, Falastiin, Yemen ayaa ka mid ah dalalka sheegaya in axadda ay tahay ciidul fidriga. Afrika dalalka Masar, Libya, Djibouti, Comoros iyo dalal kale yaa iyaguna sheegay in sabti ay tahay dhameystirka soonka halka axad ay tahay ciidul fidriga. Dalal kale ayaa sheegay in aan la arkin bisha sida Malaysia, Australia, Japan, Filipins, Indonsia, Tunis, Libya, Turkiga iyo qaar kale. Waxaa jirta dalalka Suudaan, Cammaan iyo Moroco iyagu waxaa ay soonka bilaabeen 25-kii April oo galabta sabtida ay raadinayaan bisha soonfur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ayaa Alle ka baryey in uu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ugu dulqaateen bandawgii lagu soo rogay dalka ee lagu ilaalinayey badqabka caafimaad ee dadkeenna, gaar ahaan Bisha Ramadaan oo caadi ahaan uu kordho culeyska nololeed. “Waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno la shaqaynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshadeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadda Ciiddan waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgelyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan. “Ciidamadeenna geesiyaasha ah waxa ay xaqiijiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, guud ahaan dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo sanaddo badan kaddib ay shacabkeennu ku soomeen kuna afureen nabad.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in farxadda Ciidul Fidriga awgeed uu qof kasta gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka. DHAMMAAD View the full article