Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Galkayo (HOL) - Puntland President Said Abdullahi Deni met with his Galmudug counterpart Ahmed Abdi Kariye on Friday. Source: Hiiraan Online
  2. Tel Aviv (Caasimada Online) – Shirkado ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Isarel ayaa xooggooda isugu gayn doono cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyad lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Khamiistii ku dhowaaqay labada dal oo aan lahayn wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah. Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday warka wada-shaqeynta u dhaxeysa dalka Yahuudda iyo Dalka Carbeed, kadib “xiriiro dheer oo xasaasi ah”. “Wada-shaqeyntan waxay ku saabsanaan doontaa agga cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyadda, taasi oo horumarin doonto amniga caafimaadka gobolka,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaan uu soo saaray. Saacado kadib, wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa xaqiijisay qorshahan. “Laba shirkadood oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Imaaraadka ayaa heshiis la galay laba shirkad oo laga leeyahay Israel si ay u horumariyanaan cilmi-baaris iyo teknoolajiyad lagula dagaalamo COVID-19,” ayey tiri WAM. Lama shaacin magacyada labada shirkad iyo faah-faahino intaas dheer. Marka laga reebo dalalka Masar iyo Jordan, dalalka Carabta wax xiriir rasmi ah lama lahan Israel. Hase yeeshee dalalka Carabta ee Khaliijka, oo Imaaraadka Carabta ay ku jirto, ayaa sanadihii tegay waxay xiriiro aan rasmi ahayn la sameysanayeen Israel oo wadaagaan walaac la xiriira Iran, oo Israel ay u aragto cadowgeeda koowaad. “Hadba sida aan u xoogganahay ayaan awood ugu yeelan doonnaa inaan iska leexino cadawgeena oo aan soo dhoweysano saaxiibadeenna,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaanka uu soo saaray. Hadalka Netanyahu ayaa yimid maalmo un ka hor xilliga la filayo in Israel ay billowdo qorshe Mareykanka uu taageerayo oo ay ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed ee ay haysato iyo Dooxada Jordan.
  3. One witness said he had heard a drone overhead. “It is the ‘oooooooo’ sound,” he told investigators. “Everyone recognizes it because they live in an al-Shabab place.” Source: Hiiraan Online
  4. Kadib dib u dhac horay ugu yimid ku dhawaaqista waqtiga doorashada ayey mar kale berri oo sabti ah u balansan yihiin guddiga madaxbannaan ee doorashada si ay ugu cayimaan maalinta la aadayo doorashada 2020/2021. Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada u qabtey iney ku hortimaado 27-ka oo ku beegan berri subax, iyada oo la doonayo ku dhawaaqista waqtiga doorashada 2020/2021. Guddiga doorashada waxaa ay heyseen 5 sano, waxaa u haray hal sano iyaga oo dhici-doona July 2021-ka, kahor waa iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah, waana shaqada loo abuuray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Since the beginning of the week, Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, has launched two suicide bombings on two military bases across Somalia. One of the bases targeted was Turkey’s military base in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  6. IT STARTED IN Minneapolis. The murder of George Floyd by Minneapolis police officers, the ensuing uprisings, and the work of Black women abolitionists like Mariame Kaba, Ruth Wilson Gilmore, and Angela Davis have sparked a global conversation with demands to defund the police. Source: Hiiraan Online
  7. A report estimates that the number of victims of female genital mutilation in Germany has increased by 44% since 2017, and nearly 15,000 girls may be at risk. The minister responsible linked the increase to migration. Source: Hiiraan Online
  8. In april david beasley, the head of the World Food Programme (wfp), warned of the danger of “multiple famines of biblical proportions” as a result of covid-19. History suggests that Somalia’s 16m people are especially vulnerable. Famines in 1992 and 2011 each claimed more than 200,000 lives. A drought in 2016-17 displaced more than 1m people and caused losses and damage of over $3bn. This year, in addition to the pandemic, crops have been swept away by floods and ravaged by desert locusts (with a new swarm on the way). The triple blow means that 3.5m people, more than a fifth of the population, face hunger between July and September, according to an agency of the un and the Famine Early Warning Systems Network, an American-funded outfit that monitors some 30 countries. Source: Hiiraan Online
  9. Doha: HH the Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani held Thursday via telephone a conversation with HE President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo. Source: Hiiraan Online
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani ayaa maanta ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga, dib u heshiisinta iyo Siyaasadda. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo. Labada Madaxweyne oo Warbaahibta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin heshiis wadashaqeyneyd oo ay wada gaareen,isla markaana la fulin doono waxyaabaha lagu heshiiyay.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-26062020.mp3 View the full article
  12. JOHANNESBURG - A half-year into the most momentous pandemic in decades, it’s hard to imagine that anyone, anywhere has not heard of the coronavirus. But scores of migrants arriving in Somalia tell United Nations workers every day that they are unaware of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  13. Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo waxaa maanta shir iskaashi ah ugu soo dhamaadey Puntland iyo Galmudug, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland Axmed QoorQoor iyo Saciid Deni ayaa labada [...] The post Daawo Shirkii Jaraa’id ee Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland appeared first on . Source
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka. “Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda. “Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaarshe Qoorqoor oo booqasho ku jooga Gaalkacyo ayaa laga yabaa inuu Garowe u raaco Madaxweyne Deni. Warar hordhac ah oo Puntlandi.com [...] The post Madaxweyne Qoorqoor oo laga yaabo inuu Madaxweyne Deni u raaco Garowe appeared first on . Source
  16. Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani oo ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga dib u heshiisinta iyo Siyaasadda ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Galkaacyo xarunta Gobalka Mudug. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looma dooran inuu Hogaamiya Dowlad la yiraahdo Nabad iyo Nolol, ama Jamhuuriyada Soomaaliya, Waxaa loo doortay Inuu [...] The post Sawirka Maanta , Madaxweyne Farmaajo intuu faanayo ayuu Jar Dastuuri ah ka dhacayaa appeared first on . Source
  18. Muqdisho waxaa si heer sare ugu socda tartan lagu xusayo xidigihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Jeenyo Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ka qeyb galay ciyaartooydii hore iyo kuwa iminka dheela,iyadoo si wanaagsan loo hadlayo xiisaha tartanka lagu xusayo marxuum Uureey. “ Waan u mahad celinaynaa guddiga abaabulka tartanka lagu xusayo laacibkii hore Soomaaliya Maxamed Aadam waxayna noo tahay sharaf in aan dib u xasuusno taariikhda xidigihii hore dalka ” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan Maxamed Maxamuud Xuseen. tartankan oo si xiiso leh ugu socda magaalada Muqdisho ayaa iminka soo gaaray heer dhexe waxaana ciyaartooydii ay u mahad celiyeen guddiga abaabuulka ciyaarahan lagu waynaynayo marxuum Uurey. “Sababaha aan qabanay tartankan waxa ay tahay in aan dib u xasuusano wax qabadkii iyo kaalintii uu kubbadda cagta dalka kulahaa marxuuma Maxamed Aadam Uurey,waxaanse iminka wadnaa tartamo kale oo lagu xusayo shaqsiyaadkii caanka ee ka baxay isboortiga Soomaaliya” ayuu Goobjoog u sheegay Sheekh Maxamuud Caddow oo ah qaban-qaabiyaha tartankan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Tirsan Tartamada Lagu Xusayo Laacib Uurey https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Whats-upp-1.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda 26-ka June, ayaa soo hadal-qaaday wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee dhowaan ka dhacay dalka Jabuuti. Muuse Biixi ayaa sheegay in lagu heshiiyey inaanan laga hor-imaan karin wixii aan siyaasad la xiriirin, sida isu socodka, dhaqaalaha, cayaaraha iyo ganacsiga shacabka labada dhinac. Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa shuruud iyo xujo adag ku xiray tegitaanka dadka Somaliland ee magaalada Muqdisho. “Is dhexgalka kale wuxuu ku xirnaanayaa, tusaale ahaan koox cayaareysa kubadda cagta ayaaba la doonayaa inay tagto Koonfur, waa inay taggaan ayagoo Basaboorka Somaliland sita, oo Dowladda Somaliland dirtay, oo magaca Somaliland ku cayaaraya,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynaha ayaa yiri “Koox muusik ah ayaa tageysa waxay ku tageysaa Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland ayagoo sita. Qof muraad u socda waa yeelkii, laakiin wixii hay’ad ah ama koox ahi waxay ku taggi karaan Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland. Fiiso ayay siineysaa Muqdisho, waa loogu dhufanayaa, haddii intaa la waayo cidina taggi mayso. Waayo is gaadi mayno, iyagu ma ogola inay sidaa yeelaan oo fiiso bixiyaan, waxay inoo arkaan Gobolada Waqooyiga, inaguna tab ayagoo kale tab ahee, waxaanu u aragnaa laba dowladood inaan nahay. Qof aan Basaboorka Somaliland loo fiiseyneynin isu taggi maayo.” Madaxweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ma xiri karno lacagta iyo ganacsiga is dhexgalay, ma xiri karno qofka sodogii soo siyaaranaya, qofka qof buka u tagaaya ama qof shakhsiya muraadkiisa u tagaaya. Iminka iyo haddeer labada dhinacba waa wada socdaan.” Somaliland ayaan lahayn baasaboor la aqoonsan yahay, waxaana dhici doonin in Muqdisho lagu aqbalo baasaboor Somaliland, taasi oo hadalka Muuse Biixi ka dhigeysa mid lagu xujeenayo dadka Somaliland ee raba inay tagaan caasimadda Soomaaliya.
  20. On 7th June, the joint 17-member parliamentary committee tasked with the preparation of election regulations – which requires only parliamentary approval Source: Hiiraan Online
  21. Hargeisa ( PP News Desk) – On the occasion of the sixtieth anniversary of gaining independence from Great Britain to unite with the former Italian Somaliland on 1 July 1960, Somaliland President Muse Bihi Abdi clarified last night an article in the recent agreement signed by delegates from the Somali Federal Government and Somaliland Government in Djibouti. President Bihi: Somaliland anthem will have to be played at a friendly match between Somalia and Somaliland teams. “Social interactions between Somali and Somaliland people particularly in sports will have to follow strict procedures. A Somaliland football team will go to Mogadishu only with a Somaliland passport and a visa from Somalia. The national anthem of Somaliland will have to be played” President Bihi said. “Friendly matches will not take place if this procedure is not followed.” Somalia and Somaliland negotiators have agreed to promote social interactions. Persistent Bihi cautioned against use of social interactions for political goals. “As the Speaker of Somaliland Parliament has said, getting involved in Somalia politics is a crime in Somaliland” President Bihi told the audience at the Presidency. President Bihi’s demand for a visa for Somaliland football teams will not affect other aspects of social interactions that have already been in place before being formalised in an agreement. “Mogadishu will never issue visas for any visitor from Somaliland” says Lul Hassan, a nurse. A Somali citizen does not need a visa to travel from one part of his/her country to another. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT BIHI DEMANDS USE OF SOMALILAND “PASSPORT” FOR SPORTS TOURS appeared first on Puntland Post.
  22. Waxaan hambalyo & bogaadin u dirayaa Shacabkayga JSL, xuska munaasibadda 60aad 26-June 1960 markii aynu xornimada ka qaadannay Boqortooyada Ingiriiska kuna beegan maanta, Waxaa faan iyo taariikh inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaalida oo dhan u horseyday Xornimada #Happy26June. pic.twitter.com/SlkID8rqmV — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 26, 2020 Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka. “Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda. “Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.
  24. Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta ku kulmay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Labada madaxweyne oo kulan xasaasi ah yeeshay ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen Deni iyo Qoor-Qoor oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta inay jiri doonaan guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona amniga. Puntland iyo Galmudug oo daris ah ayaa marar badan ka arrinsaday xaaladda gobolka Mudug, si looga hortago colaad beeleedyo ka taagan deegaanada gobolkaasi. View the full article
  25. Puntland iyo Jubbaland Kadib, Madasha Xisbiyada Ayaa Taageeray Aqalka Sare Halkan Ka Daawo Baaq Kasoo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatsss-1.mp4 Source: goobjoog.com