Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u jawaabay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana muuqata in cirka uu isku sii shareeray khilaafka guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Mursal ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu horay golaha shacabka uga hor cadeeyay “In uusan ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan, iyadoo ay jirtay in laba guddoon ee baarlamaanka ay wada saxiixdeen inay wada shaqeeyaan.” Sidoo kale Mursal ayaa sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare. “Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadal jeedintii guddoomiyaha Aqalka Sare halkaan ayuu ka sheegay in uusan marna ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan.” Hoos ka daawo hadalka Mursal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Mursal.mp4
  2. Harare, Zimbabwe (CNN)The shooting of two Zimbabwean workers by a Chinese boss shows the "systematic and widespread" abuse that locals face in Chinese mining operations, says the Zimbabwe Environmental Law Society (ZELA). Source: Hiiraan Online
  3. Toronto (HOL) - Toronto’s Mayor raised the Somali flag at City Hall on Friday to commemorate Somali Day. Source: Hiiraan Online
  4. Police surrounded a statue of Churchill while thousands of Black Lives Matter protest descended on London again today and marched along Whitehall demanding justice for Somali schoolgirl Shukri Abdi. Source: Hiiraan Online
  5. He has a lot of clout and could cross over and team up with the Building Bridges crusaders, forging a new path to power Source: Hiiraan Online
  6. Liverpool have condemned their own supporters for "wholly unacceptable" behaviour after they defied social distancing rules in the city for the second consecutive night to celebrate the club's first league title in 30 years. Source: Hiiraan Online
  7. SPRINGFIELD — Abdirizak Farah looks up at the leaves on the trees in Kenefick Park and laughs as he remembers the first time he saw leaves change color and fall off. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa warbixintii ay ka hor jeedisay golaha shacabka waxay ku soo bandhigtay laba hab doorasho oo dalka ka dhici karta, kuwaas oo mid kasta uu guddiga doorashooyinku u baahanayo waqti kordhin, sidoo kale kharashaadka mid kasta ku baxaya ayey kusoo bandhigtay warbixina. Labada nooc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay waqtiga iyo kharashka ugu badan, waxaana nooca koowaad ee loo yaqaano ‘Biometrika’. Hadii la qaadanayo kaas Xaliimo Yarey waxay warbixinteeda ku sheegtay in guddiga doorashooyinku uu u baahanayo waqti kordhin ku siman 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka. Sidoo kale waxay guddoomiye Xaliimo Yarey warbixintan ku soo bandhigtay kharashka ku baxaya doorashada hadii la qaato nooca koowaad ee ‘Biometrika’ waxaana miisaanayadaas laga reebay tan ku baxeysa sugidda amniga doorashooyinka. Wadarta miisaaniyadda diiwaan gelinta codbixiyaha oo lagu daray waqtiga codbixinta: Kharashka ku baxaya doorashada nooca ‘Biometrika’ sida lagu xusay warbixinta guddiga doorashooyinka guud ahaan waa $69,670,725. Waxuuna guddigu soo bandhigay meelaha ay ku kala baxeyso lacagtaas. $4,122,600 ee ugu horeysa oo ah 6% kharashkaas ayaa ku baxaysa, (Mushaarka shqaalaha ku meelgaarka ah ee ka shaqaynaya kaydinta xarunta agabka doorashada). $21,089,210 oo ah 30% kharashka kor ku xusan ayaa ku baxeysa, (Diiwaangelinta codbixiyaha). $18,971,210 oo ah 27% ayaa ku baxeysa (Codbixinta). $10,511,488 oo ah 15% kharashka guud ayaa ku baxeysa, (Taageerida xisbiga/Musharaxa; Aqoonsi siinta korjoogayasha. Natiijada codbixiyaha. Xalinta khilaafaadka doorashada. Agabka ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tababarida shaqaalaha ku meel gaarka ee doorashada). $14,976,217 oo ah kharashka ugu badan ee halmeel ku baxaya ayaa 21% ka ah wadarta guud ee miisaaniyadda ku baxeysa doorashada nooca koowaad ah, waxaana loo isticmaalayaa (Caawinaada farsamo ee GMDQ ka helo khubaarada ku takhasustay qabashada doorasooyinka). 100% wadarta guud ee lacagta ku baxaysa doorashada nooca koowaad ee uu soo bandhigay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waa $69,670,725. Waana nooca loo qayaan ‘Biometrika.’ Nooca labaad Waxaa jira nooc doorasho oo labaad, taas oo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliima Yarey ay sheegtay inay ka waqti iyo kharashba yar tahay tan koowaad ee aan idiin soo bandhignay waqtiga iyo kharashka ku baxayaba. Noocaas labaas hadii dalku qaato { Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta } si loo hir-geliyo waxay sheegtay in guddigeedu uu u baahanayo waqti dhan 9-ka bilood iyo kharash dhan $46,192,389. $2,714,800 waa 6% kharashkaas, waana lacagta ugu yar ee hal meel ku baxaysa, waxaana loo adeegsanayaan sida ku cad warbixinta, (Mushaarka shqaalaha ku meelgaarka ah ee ka shaqaynaya kaydinta xarunta agabka doorashada). $7,012,518 oo ah 15% kharashka guud ayaa ku baxeysa (Taageerida xisbiga/Musharaxa. Aqoonsi siinta korjoogayasha. Natiijada codbixiyaha. Xalinta khilaafaadka doorashada. Agabka ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tababarida shaqaalaha ku meel gaarka ee doorashada). $10,736,111oo ah 23% lacagta guud ee ku baxaysa doorashadaas ayaa loo adeegsanayaa (Caawinaada farsamo ee GMDQ ka helo khubaarada ku takhasusay doorasooyinka). $25,728,960 oo ah kharashka ugu badan ee hal meel ku baxaya waa 56% tirada guud ee lacagta kor ku xusan waxayna ku baxeysaa, (Diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo codbixinta).
  9. 121 qof oo lagu helay ku lug lahaanshaha qorshe lagu afgambin lahaa Erdogan+Xukunka lagu riday Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xiriirinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda. Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in. Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xarig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe. Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb militariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan. Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay. Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xarig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan. Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso. Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”. Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.” Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay. Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga. Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan. Qaran News
  10. Sidee Jabuuti looga dabaal-degay Maalinta Xoriyadda ee 27-ka Juun? Dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta looga dabbaaldeggay xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska oo ku beegneyd 27-kii Juun sanadkii 1977-kii. Calanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa la suray waddo iyo meel walba, iyadoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ubax dhigay qaar ka mid ah taalooyina halgamayaasha reer Jabuuti. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya. Jabuuti ayaa ka mid ah shantii qeybood ee isticmaarku u qeybiyey Soomaalida geeska Afrika oo labo qeybood oo ka mid ah la raaciyey dalalka Kenya iyo Itoobiya, halka labadii israacday ee Somalia iyo Somaliland ay kala irdhoobeen. Qaran News
  11. Saaxiibbo iyo taageerayaal badan ayaa i soo waydiiyey sababta aan 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir u taageeri waayey. Waxaan ku iri, Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waxay Banaadir xaq ugu lahayd in ay sharciga caasimadda sameeyaan oo Banaadir Golayaal deegaan iyo Baarlamaan Gobol oo la soo doortay hesho, ama dawlad goboleed loo aqoonsado. Taas markii lagu guul daraystay, oo weliba Sharciga doorashooyinkana looga diiday kuraas Baarlamaanka uu Banaadir yeesho ayaa la yiri, Banaadir xaq u qalma xajmigeeda deegaan ee dhabta ah uma haynee, ee Aqalka Sare 7 kursi ha loogu daro. Xildhibaano deegaanka u badan ayaa kacay oo tiro 13 ah gaarsiiyey. Way Mahadsanyihiin Laakiin la isma waydiinin Yaa qaybinaya? yaa kale? Madaxweynaha. Yaa magacaabaya? Yaa kale Madaxweynaha?. Oo sidee laga yeelayaa Dastuurka waxaa ku dhigan 54 xildhibaan in uu yahay Aqalka Sare. Dastuurka iyadoon la beddelin ayaa kuraasta lagu kordhinayaa, sababtoo ah dalka wuxuu leeyahay madaxweyne dastuur jebintu caado u tahay, weilna u dabaaldegaya. Waxaan ku iri, qabiillada dega Banaadir ma metalaad la’aan qabiil ayaa haysa?. Kuraasta aqalka sare miyaa ku yar? Sow xildhibaano Aqalka Sare iyo Baarlamaankaba kuma laha? Banaadir maqaam siyaasadeed iyo matalaad sharci oo xajmigeeda shacab, dhaqaale iyo muunadeeda deegaan u dhiganta ayey rabtaa ee xildhibaano beelo lagu soo xulayo u baahna, kuwii hore ayaan meel la geeyo la la’yahay. Siyaasadda igu sawir kama raadiyo, mana rabo in aan hayi raac taageero been ah loo camiro noqdo, mana doonayo in si sahal ah la ii siro. Buulaay markii aan joognay waxaa maqli jiray hebel balaq ayaa loo tuuray ama qob moos ah ayaa loo dhigay. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Ankara (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xiriirinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda. Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in. Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xarig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe. Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb militariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan. Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay. Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xarig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan. Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso. Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”. Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.” Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay. Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga. Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo golaha aqalka sare ayey si diria usoo dhoweeyeen shacabka gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa ku dhaqan. Durba waxaa bilowday abaabulka qorshe lagu dhigaayo bannaanbax nabadeed oo lagu soo dhoweynaayo go’aanka baarlamaanka Somalia uu ka gaaray xaquuqda ay ku yeelaneyso gobolka Banaadir aqalka sare ee baarlamaanka. Dibadbaxaan ayaa waxaa wararku sheegayaan in ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo ilaa hadda la isku raacin maalinta uu qabsoomi doono dibadbaxaan. Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka ayaa waxaa ku nool dad ka badan Laba Milyan iyo bar, waana magaalada ugu weyn ee dhul Soomaaliyeed.
  14. Oslo (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa sharci cusub oo ay soo saartay bilowgii sanadkaan dhamaanaya ayaa si rasmi ah u dhaqan galay, kaasoo dhigaya in baasaboorka Norge-ha ay qaadan karaan dhammaan dadka kasoo jeeda waddamada ku bohoobay Midowga Yurub iyo dadka kale ee magangelyada kusoo galay dalkaasi, iyadoo wax badan laga badalay nidaamkii horay loogu mari jiray. HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA
  15. In the past three and half years, the UN Security Council (UNSC) suffered shameful humiliation and loss of credibility in Somalia because the Federal Government of Somalia (FGS) of President Mohamed Abdullahi Farmajo not only disregarded but also violated all UNSC Resolutions and expelled disgracefully the Special Representative of the UN Secretary General (UNSG) from the country after he attempted to perform his duties. In response, rather than being disturbed, the UNSC became complicit of FGS’s violations and decided to praise it for fictitious progress. The successor of the expelled UN Special Representative had to behave docilely. That has made the UNSC a paper tiger. Source: Hiiraan Online
  16. This week marks the independence of Somalia from the yoke of British and Italian colonization. During its colonization, Somalia was divided between Britain and Italy, whereby the northern part of the country was called British Somaliland and other parts of the country was under the rule of Italy. By July 1, 1960 Somalia became an independent and unified country. Source: Hiiraan Online
  17. PRESS RELEASE Coronavirus – Djibouti: On the Occasion of the Republic of Djibouti’s National Day The Horn faces the simultaneous challenges of COVID-19, a desert locust infestation, and devastating flood damage WASHINGTON D.C., United States of America, June 27, 2020/ — By Michael R. Pompeo, Secretary of State On behalf of the government and people of the United States, I congratulate the people of Djibouti as you celebrate the 43rd anniversary of your nation’s independence. Djibouti continues to be an important partner of the United States as we work together to foster prosperity and peace in the Horn of Africa. In these difficult times, as the Horn faces the simultaneous challenges of COVID-19, a desert locust infestation, and devastating flood damage, Djibouti has played a leading regional role in addressing these threats. The U.S.-Djiboutian partnership is vital to bringing security and development to the region. We look forward to continuing our important work together for the mutual benefit of the people of Djibouti and the United States. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Department of State. SOURCE U.S. Department of State Qaran News
  18. Demonstrators have gathered in London and other UK cities to demand “justice” for a 12-year-old Somali refugee on the one-year anniversary of her death. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay inuu usoo hanjabay mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka. Mursal ayaa sheegay in madaxweynahan, oo uusan magacaabin, uu usoo diray farriin uu ku dalbanayo in lagu joojiyo shaqada Golaha Shacabka, ama uusan imaan doonin kulanka uu Iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiyaha oo ay ka muuqatay carro ayaa sheegay in fariintan ka timid mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada loo soo marsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay dhaqan aad u xun. “Muddooyinkii dambe waxaa soo baxay dad raadinaya wax badsi, kawaran nin madaxweyne State ah oo dalbanayo in la joojiyo kulamada Golaha, haddii la joojin waayana uusan imaan doonin kulanka wadatashiga ee Madaxweynaha ku baaqay, soo dhaqan xumo ma ahan ilaah ayaa idinku dhaarshee” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulankii Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ma uusan shaacin maga madaxweynaha fariinta soo diray ama maamulka uu hogaamiyo balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in qofkaasi uu yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay xoog iyo xoolaba geliyeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen matalaadda gobalka Banaadir iyagoo sheegay in si toos ah ugu lug lahaa madaxweyne Deni.
  20. Somaliland ayaa faahfaahiisay xiritaanka xaafiisyada Tv-ga Universal iyo Star ee magaalada Hargeysa, iyo sababta ka dambeysa in la xiroay labada Telefeshin. Wasiirka warfaafinta oo Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in loo xiray, kadib markii ay diideen in ay baahiyaan khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee 26-ka June, ayna jabiyeen amarro horay loogu wargeliyey in ay warbaahintu ay tabiyaan maalmaha 26-June iyo 18-ka. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay kala laabteen ruqsadii uu ku shaqeynayay TV-ga Universal guud ahaan degaanada Somaliland, dib uga tabiyowararka sida uu sheegay wasiir Saleebaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta warbixintii laga sugayey guddiga ka hor jeedisay fadhiga golaha shacabka ayaa dalbatay mudo kordhin, maadaama sida ay sheegtay mudada u hartay aysan doorasho dalka uga qaban karin. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa khudbadii ay maanta ka hor jeedisay golaha ku soo bandhigtay laba hab oo ay u dhici karto doorashada dalka, kuwaas oo labaduba u bahan mudada loo kordhiyo guddiga doorashooyinka. Labada nuuc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay uu waqti iyo kharash badan, waqtiga oo ay xustayna waxay ku sheegtay inay u baahanyihiin 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka. Nuuca koowaad ee qaadanaya 13-ka bilood: Diiwangalinta codbixiyaha Bio-metric ka ee dhamaystiran: Tilmaamaha hanaanka Nooca diiwaangelinta Biometricka ah: Codbixiyaasha waxaa la diiwaangelinayaa codaynta ka hor, iyada oo la adeegsanayo qalabka biometricka. Kaarka aqoonsiga codbixiyaha ayaa la bixinayaa diiwaangelinta ka dib, Sixidda liiska codbixiyaashaiyo qaadida cabashooyinkaka yimaada. Kala saarista iyo sixidda xogta (deduplication) ayadooloo adeegsanayo nidaamka aqoonsiga wajiga codbixiyaha(face recognition). Waxaa la soo saarayaadiiwaanka rasmiga ah ee loo adeegsanayodoorashada. Waxay leedahay hawlgal soo noqnoqanaya oo u baahan sugid amnio o joogta ah. Waxaa si faahfaahsan loo qorshaynayaa agabyada doorashooyinka ee loo daabulayo goob kasta. Nuuca labaad ee qaadanaya 9-ka bilood: Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta: Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Yarey ayaa sidoo kale maanta khudbadeedii ku soo bandhigtay hab labaad oo ay ku dhici karto doorashada dalka, kaas oo kharash iyo waqtiba ka yar kii hore, laakiin ka tayo yar. Nuucaan labaad hadii la qaato in lagu qabto doorashooyinka dalka waxa ay sheegtay in uu ka kharash yar yahay kii hore, waqtigana ay u baahanayaan 9-bilood in loogu daro, oo ka bilaabaneysa July 2020 kuna eg Mararso 2021-ka Tilmaamaha Nooca diiwaangelinta Warqadda Codbixiyaasha waxaa lagu diiwaangelinayaa diiwaan yaalla xarunta codbixinta isla maalinta codbixinta iyadoo gacanta lagu qorayo. Ma jiro lamana isticmaali doono karaka codbixiyaha. Fursad looma heli karo cabashooyinka diiwaangelinta iyo sixid codaynta ka hor Diiwaangelinta la sameeyey lama sii isticmaali karo. Howlgalka codaynta kaliya ayaa looga baahanayaa ciidanka amniga Waxaa adag in la qiyaaso codbixiyaasha imanaya goobta codbixinta. Guud ahaan howlgalka codayntu wuxuu ka badan karaa maalin taasoo saamayn karta waqtigii ku dhawaaqidda natiijada. Hoos ka aqriso labada nooc oo dhameystiran
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. “maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com