-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani oo ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga dib u heshiisinta iyo Siyaasadda ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Galkaacyo xarunta Gobalka Mudug. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looma dooran inuu Hogaamiya Dowlad la yiraahdo Nabad iyo Nolol, ama Jamhuuriyada Soomaaliya, Waxaa loo doortay Inuu [...] The post Sawirka Maanta , Madaxweyne Farmaajo intuu faanayo ayuu Jar Dastuuri ah ka dhacayaa appeared first on . Source
-
Muqdisho waxaa si heer sare ugu socda tartan lagu xusayo xidigihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Jeenyo Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ka qeyb galay ciyaartooydii hore iyo kuwa iminka dheela,iyadoo si wanaagsan loo hadlayo xiisaha tartanka lagu xusayo marxuum Uureey. “ Waan u mahad celinaynaa guddiga abaabulka tartanka lagu xusayo laacibkii hore Soomaaliya Maxamed Aadam waxayna noo tahay sharaf in aan dib u xasuusno taariikhda xidigihii hore dalka ” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan Maxamed Maxamuud Xuseen. tartankan oo si xiiso leh ugu socda magaalada Muqdisho ayaa iminka soo gaaray heer dhexe waxaana ciyaartooydii ay u mahad celiyeen guddiga abaabuulka ciyaarahan lagu waynaynayo marxuum Uurey. “Sababaha aan qabanay tartankan waxa ay tahay in aan dib u xasuusano wax qabadkii iyo kaalintii uu kubbadda cagta dalka kulahaa marxuuma Maxamed Aadam Uurey,waxaanse iminka wadnaa tartamo kale oo lagu xusayo shaqsiyaadkii caanka ee ka baxay isboortiga Soomaaliya” ayuu Goobjoog u sheegay Sheekh Maxamuud Caddow oo ah qaban-qaabiyaha tartankan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Tirsan Tartamada Lagu Xusayo Laacib Uurey https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Whats-upp-1.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda 26-ka June, ayaa soo hadal-qaaday wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee dhowaan ka dhacay dalka Jabuuti. Muuse Biixi ayaa sheegay in lagu heshiiyey inaanan laga hor-imaan karin wixii aan siyaasad la xiriirin, sida isu socodka, dhaqaalaha, cayaaraha iyo ganacsiga shacabka labada dhinac. Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa shuruud iyo xujo adag ku xiray tegitaanka dadka Somaliland ee magaalada Muqdisho. “Is dhexgalka kale wuxuu ku xirnaanayaa, tusaale ahaan koox cayaareysa kubadda cagta ayaaba la doonayaa inay tagto Koonfur, waa inay taggaan ayagoo Basaboorka Somaliland sita, oo Dowladda Somaliland dirtay, oo magaca Somaliland ku cayaaraya,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynaha ayaa yiri “Koox muusik ah ayaa tageysa waxay ku tageysaa Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland ayagoo sita. Qof muraad u socda waa yeelkii, laakiin wixii hay’ad ah ama koox ahi waxay ku taggi karaan Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland. Fiiso ayay siineysaa Muqdisho, waa loogu dhufanayaa, haddii intaa la waayo cidina taggi mayso. Waayo is gaadi mayno, iyagu ma ogola inay sidaa yeelaan oo fiiso bixiyaan, waxay inoo arkaan Gobolada Waqooyiga, inaguna tab ayagoo kale tab ahee, waxaanu u aragnaa laba dowladood inaan nahay. Qof aan Basaboorka Somaliland loo fiiseyneynin isu taggi maayo.” Madaxweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ma xiri karno lacagta iyo ganacsiga is dhexgalay, ma xiri karno qofka sodogii soo siyaaranaya, qofka qof buka u tagaaya ama qof shakhsiya muraadkiisa u tagaaya. Iminka iyo haddeer labada dhinacba waa wada socdaan.” Somaliland ayaan lahayn baasaboor la aqoonsan yahay, waxaana dhici doonin in Muqdisho lagu aqbalo baasaboor Somaliland, taasi oo hadalka Muuse Biixi ka dhigeysa mid lagu xujeenayo dadka Somaliland ee raba inay tagaan caasimadda Soomaaliya.
-
Hargeisa ( PP News Desk) – On the occasion of the sixtieth anniversary of gaining independence from Great Britain to unite with the former Italian Somaliland on 1 July 1960, Somaliland President Muse Bihi Abdi clarified last night an article in the recent agreement signed by delegates from the Somali Federal Government and Somaliland Government in Djibouti. President Bihi: Somaliland anthem will have to be played at a friendly match between Somalia and Somaliland teams. “Social interactions between Somali and Somaliland people particularly in sports will have to follow strict procedures. A Somaliland football team will go to Mogadishu only with a Somaliland passport and a visa from Somalia. The national anthem of Somaliland will have to be played” President Bihi said. “Friendly matches will not take place if this procedure is not followed.” Somalia and Somaliland negotiators have agreed to promote social interactions. Persistent Bihi cautioned against use of social interactions for political goals. “As the Speaker of Somaliland Parliament has said, getting involved in Somalia politics is a crime in Somaliland” President Bihi told the audience at the Presidency. President Bihi’s demand for a visa for Somaliland football teams will not affect other aspects of social interactions that have already been in place before being formalised in an agreement. “Mogadishu will never issue visas for any visitor from Somaliland” says Lul Hassan, a nurse. A Somali citizen does not need a visa to travel from one part of his/her country to another. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT BIHI DEMANDS USE OF SOMALILAND “PASSPORT” FOR SPORTS TOURS appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan hambalyo & bogaadin u dirayaa Shacabkayga JSL, xuska munaasibadda 60aad 26-June 1960 markii aynu xornimada ka qaadannay Boqortooyada Ingiriiska kuna beegan maanta, Waxaa faan iyo taariikh inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaalida oo dhan u horseyday Xornimada #Happy26June. pic.twitter.com/SlkID8rqmV — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 26, 2020 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka. “Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda. “Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.
-
Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta ku kulmay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Labada madaxweyne oo kulan xasaasi ah yeeshay ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen Deni iyo Qoor-Qoor oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta inay jiri doonaan guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona amniga. Puntland iyo Galmudug oo daris ah ayaa marar badan ka arrinsaday xaaladda gobolka Mudug, si looga hortago colaad beeleedyo ka taagan deegaanada gobolkaasi. View the full article -
Puntland iyo Jubbaland Kadib, Madasha Xisbiyada Ayaa Taageeray Aqalka Sare Halkan Ka Daawo Baaq Kasoo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatsss-1.mp4 Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Boqollaal shacab ah oo ay ka muuqato farxadda Xuska 60-Guurada Xornimada iyo Midnimada ayaa Madaxweynaha kula dabbaal degay Taallada Daljirka Daahsoon oo astaan u ah maamuuska iyo qiimeynta Halyeey kasta oo Soomaaliyeed oo naftiisa iyo nolashiisaba u hura difaaca iyo hormarinta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta dalkeenna. Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Daljirka Daahsoon waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada. View the full article
-
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor-dhaweyd safar shaqo ugu amba-baxay dalka Qatar. Wafdiga waxaa qeyb ka ah guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlddda. Qatar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona mashaariic horumarineed ka fuliso gudaha dalka. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda warfaafina dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya iyo xafiisyo cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta qaranka oo dib udhis balaaran lagu sameeyay. Munaasabad kooban oo ka dhacday Wasaaradda waxaa goob joog ka ahaa Wasiiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya iyo dhammaan taliyaasha ciidamada Booliska,Asluubta iyo Xoogga Dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda iyo shaqaalaha iyo madaxa wasaaradda warfaafiinta Dhaqanka iyo Dalxiiska. Madaxweyne Farmaajo waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadkaan dabaal degyada munaasabadaha Todobaadka xorriyadda u bedeshay mashaariic laga hirgalinayo dalka iyo in la daah-furo xarumihi danta guud ee dib udhiska lagu ssameeyay iyo sidoo kale goobihii lagu dhisay Barnaamijka isxilqaan sida Tiyaatartka,Matxafka, Maktabada iyo isbartiibada Stadio Muqdisho oo ka mid ah mashruucyada ugu weyn oo ay dowladdu ku guuleysatay inay dib loo dhiso. Xarumaha kale ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xarriga ka jarayo waxaa ka mid ah Wasaaraddaha,Maaliyadda,Qorsheynta,Arrimaha Dibadda iyo kuwa kale oo dib udhis iyo casriyeyn lagu sameeyay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June, ayaa ka hadlay wada-hadallada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland. Farmaajo ayaa tilmaamay in wadahadalladii dhab u heshiisiinta ee ku dhisan qalbi furnaanta, is ogolaanshaha, walaaltinimada iyo daacadnimada ee ka furmay Jabuuti 14-kii bishan ay yihiin wadahadallo miro dhal ah. “Walaaleheenna Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay fikirkiisa bilowday. Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, mudo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna billaabay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Waxaa xaqiiqo ah, halganku in uusan marnaba dhammaan. Midka ina horyaal, waa uu ka duwan yahay kii gobonnimmo doonka. Waase lagama maarmaan inaan midnimo iyo geesinnimo ku wajahno, annaga oo Ilaahay kaashaneyna, si aan u xaqiijinno mustaqbalka jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.”
-
Tension was high at Sangole in Ijara, Garissa, on Wednesday after an undetermined number of militants suspected to be al Shabaab ransacked shops and set them ablaze. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynayaasha Puntland Iyo Galmudug Siciid Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka qeyb-galay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo. Aqriso Nuxurka Kulanka Madaxda Puntland Iyo Galmudug Galkacyo Oo Martigelineysa Labadeeda Madaxweyne Halkan Ka Daawo Kulanka Gaalkacyo Ku Qabsoomay Ee Madaxda Puntland Iyo Galmudug Source: goobjoog.com
-
View the full article
-
View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-26062020.mp3 View the full article
-
Magaalada Gaalkacyo waxaa ka furmay Shir u dhexeeya Puntland oo ay wada hogaaminayaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Deni Iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor. Gogosha Shirka [...] The post Shir looga hadlayo Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka furmay, Qodobada laga wada hadlayo.. appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu amba baxay magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono. Wafdiga oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Banggiga Dhexe ee dalka ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasii sagootiyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani iyo Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale inoo sheegay in ujeedka safarka uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo warmurtiyeed ka Soo saarey go,aankii Aqalka Sare ee ku aadanaa habraacyada been abuurka ah ee la sheegay lagu sameeyey xeerkii ay Soo wada diyaariyeen Guddigii Labada Gole BFS ka koobnaa ee lagu ansixiyey golaha shacabka, iyaga oo soo dhoweeyey mowqifka golaha aqalka sare. Madasha ayaa kula talisay hoggaanka sare ee dawladdu joojiyo cagajiidka iyo waqti lumiska ayna ka shaqeeyaan kaliya sidii ay dalkan doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd waqtiga hadhay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta kulankii u horreeyay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac uu yahay Shir iskaashi oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayo arrimaha labad maamul. Shirka waxaa ka qayb-galaya xubno ka socda Goleyaasha Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlaya Arrimaha Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, Nabadda iyo dhaqaalaha. “Shirka oo ay ka qeybgalayaan Xubno ka socda Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlay kulanka Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan la qaadanayay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa, in uu dhowaan magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug, kadib markii Guddoomiyihii hore qarax lagu dilay bishii tagtay ee May. Wararku waxay sheegayaan, in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug loo magacaabayo Ex. Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ay walaalo yihiin Guddoomiyihii dhintay AUN Axmed Muuse Nuur. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadlayaan Deni iyo Qoor Qoor? appeared first on Puntland Post.
