-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxaha burcadda ah ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada hubeysan oo ay la beegsanayaan Soomaalida ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika. Xalay waxaa magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi goobtiisa shaqada ay kooxahaasi ku dhaawaceen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Barre, kaas oo haatan xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo. 27-kii Bishii la soo dhaafay waxaa lagu dilay gobolka Eastern Cape muwaadin kale oo lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, halka la dhaawacay, Cumar Maxamed Dhiblaawe. Dilalka, dhaawaca iyo boob hantiyadeed ayaa waxaa ay si joogta ah uga dhacaan Koonfur Afrika, waxaana falkaasi geysta Kooxaha burcadda ah, iyad aoo aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo Soomaalida ku nool magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaankaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal muddo saacado ah socday uu ka dhacay halkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegaya in khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, kana dileen illaa 5 xubnood. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Baay. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamadaas ay ku leeyihiin Awdiinle. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay weerarka, kadib dagaal toos oo u dhexeeyey labada dhinac. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka warbixiyey dagaalkaasi ayaa waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday, islamarkaana ay ka hortageen. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan illaa 5 ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in y kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee maagalada Muqdisho. Ajandaha kulanka golaha ayaa waxaa uu yahay Saddex qodob oo kala ah 1. Codeynta H/Sh Mihanadlayaasha Caafimaadka 2. Akh2aad H/Sh qareemadda Soomaaliyeed. Godddoonka gol;aha ayaa Xildhibaanada waxaa uu xalay waxaa ku wargeliyay in uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla. Kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka yahay falafadhiga 7-aad ee golaha, kaas oo ah kii ugu dambeeyey ee golha, maadaama uu soo dhammaaday muddo xiloodkooda, lana filaayo in loo dhaqaaso doorashada Baaralamaanka 11-aad 2021-ka, waxaana golaha horyallo ajandayaal dhowr ah uu ugu weyn yahay dib u eegista Dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaqadiisa dib ugu fasaxay guddoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Maxamed Siidow Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo ku xigeenkiisa Mudane Nuur Axmed (Nuur Baadiyow,) ayaa shaqada laga joojiyey 12-kii bishii April ee sanadkan,kadib markii lagu eedeeyay soo jeedin ka timid guddiga isku dhafka ah ee loo xil-saaray colaad beeleed xilligaasi ka taagneyd degmadaasi oo la sheegay inay ka qeyb qaateen mas’uuliyintaas. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed oo la ogeysiiyay, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, agaasimaha wasaaradda, wasiir ku xigeenka wasaaradda & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shaqadiisa loogu fasaxay Sidow. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Miraa traders decry denial of entry to Hargeisa-bound plane
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Miraa traders in the country are up in arms after Somalia turned back an aircraft transporting 13.6 tonnes of khat to Hargeisa, the capital of the breakaway Somaliland region. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-06072020.mp3 View the full article
-
Beesha Caalamka ayaa Xalay shir deg deg ah waxay u qabteen Maamul Goboleedyada, Kulankasoo ku dhacay Aalada Zoom-ka ee la iska arko. Kadib markii ay [...] The post Shirkii Madaxweyne Farmaajo u iclaamiyey Maamul Goboleedyada oo laga boodey , iyo Maamulada oo shir ugaara isugu imaanaya 8 luuliyo appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray ku joojiyay Dhisidda iyo Degaamaynta dhammaan dhul-daaqsimeedka ku yaalla degaannada Puntland. Wareegtada waxaa lagu amray saddexda Wasaaradood ee Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Amniga, oo ay weheliyaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta, in ay joojiyaan Dhisidda iyo Degaamaynta Dhul-daaqsimeedka gudaha Puntland. “Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa, laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020, in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta Dhul-daaqsimeedka Degaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka. Wareegtada waxaa sidoo kale lagu xusay, in Dowladda Puntland ay soo saari doonto Habraac iyo Shuruuc gaar ah oo loo maro, marka la doonayo in Dhul cusub la Degaameeyo “Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo amray in aan wax Degaamayn cusub ah laga samayn karin gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa cambaareeyay tallaabadii ciidamo ka tirsan DF ay si sharci daro ah rasaas ugu adeegsadeen inay ku kala eryaan banaanbaxayaal kasoo horjeeday dowladda federaalka, kaasoo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. Xildhibaan C/raxmaan Odawara ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda ay u adeegsato rasaas dad shacab ah oo si nabadgelyo ah ku bannaanbaxay, halka dadweynaha madaxweyne Farmaajo u bannaanbaxa lagu waardiyeeyo tikniko, halka kuwa kasoo horjeeda loo adeegsado rasaas. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu wuxuu ku yiri “ Suurogal maahan in dadweynaha madaxweyne Farmaajo u soo banaanbaxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro”. Wuxuu ku baaqay xildhibaan Odawaa in si dag dag xoriyadooda loogu soo celiyo dadka sida sharci darada ahayd lagu xiray oo uu ka mid yahay Cusmaan Cariif, Gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdicasiis, kaasi oo xalay lasii daayey kadib baaqa Odawaa. Dibad-baxa maanta ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa billowga kacdoon baaxad weyn oo ka dhici kara Muqdisho haddii Farmaajo isku dayo inuu xilka korarsado, waxaana jirta cabsi xooggan oo arrintaas ku saabsan oo ay qabto Villa Somalia. Ammaanka Villa Somalia ayaa aad loo adkeeyey, ayada oo laga feejigan yahay in haddii shacabka kacaan ay suurta-gal tahay inay soo galaan madaxtooyada.
-
Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, oo Xalay kulan ku yeeshay Khadka Taleefonka, ayaa ku ballamay in ay Shir u gaar ah isu’gu yimaadaan, kadib markii uu fashilmay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee Amniga Qaranka. Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa isla go’aamiyay in Shirka uu marti-geliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, islamarkaana lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Ajandaha ugu muhiimsan Shirka, waxa lagu sheegay Arrimaha Doorashooyinka dalka, Amniga iyo La-dagaallanka Al-shabaab, Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo Dhammeystirka dib u eegista Dastuur dalka. Shirkaas ayaa la filayaa, in Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay ugu dambayn ka soo saaraan war-murtiyeed ay heshiis ku yihiin, kaas oo ku wajahan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Shir gaar ah ka yeelanaya Xaaladda Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Wargeys kasoo baxa dalka Kuwait oo lagu magacaabo Al-Jarida ayaa daabacay in Israa’iil ay weerar Internet-ka ah ku qaday warshad soo saarta Nuclear oo dowladda Iran ay ku leedahay magaaladda Natanz. Dowladda Iran ayaana dhacdadaas waxaba kasoo qaadin, balse qubaradu waxay sheegayaan in Bakhaar xasaasi ah oo qalab badan ku jiro ay waxyeelo soo gaartay. Ilo-wareed ayaa Wargeyskan aan soo xiganeyno ee Al-Jaridda u sheegay in weerar Internet-ka ah warshaqadda lagu qaaday. Warkaan waxaa uu xiriir la leeyahay weerar hore oo lagu qaaday kaabeyaasha biyaha Isra’iil, kaasi oo lagu edeeyay in ay fulisay dowladda Iran. Sida uu wargeysku ku waramay howlgalladaan waa kuwo cuuryaamin ah. Qaraxyo ka dhacay Natanz iyo Parchin waxaa lala begsaday Bakhaaro lagu keydinayay gaaska UF6 oo lagu bacriminayay Uranium-ka. Bishii November sanadkii 2019-kii Iran ayaa shaaca ka qaaday soo saarista gaaska IR-6. Waxayna dowladda Iran soo saaristaas ku horumarisaa magaalada Natanz. Cali Akbar Salixi oo ah afhayeenka ururka Quwadda Atomic-ga ee Iran ayaa ka hadlay gaaska iyo soo saaristiisa cusub. Wuxuuna sheegay in magaalada Nantz sanadkii 2019-kii ay aheyd meel ay ku yaalaan ku dhawaad 30 Bakhaar oo uu ku keydsanyahay gaaska loo yaqaano IR-6. Wargeyska Iran ayaa ku dooday in dowladda Iran ay hadda weysay 80% gaaskeeda. “Kani waxaa uu u egyahay weerar Electronic ah oo lagu qaaday isku xirka Internet-ka, kaasi oo ilaaliya haamaha Keydka. Iran waxay u baahantahay laba bilood si ay khasaarahaas uga soo kabsato” ayuu wargeysku qoray.
-
Former NTV journalist and blogger Yassin Juma was reportedly arrested and detained in Ethiopia by the country's military on Friday, July 3. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal Beeleedka ka qarxay Buhoodle+Waxa laysku hayo Waxaa deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle gaar ahaan Gocondhaalle, Ceegaag iyo Horufadhi Laga darmeeyaa Xaalad Colaadeed oo kasoo Cusboonaatay Taasi oo salka ku haysa Aanooyin Qabiil iyo Dilal mudooyinkii dambe ka dhacay deegaanadaasi. Dhowaan waxaa deegaanka Gocondhaalle lagu dilay Nin dhalinyaro ah, waxaana in muddo ah Waxgaradka deegaankaa iyo Odayaasha labada dhinac ay ku howlayeen sidii xal looga gaadhi lahaa Arintaasi, Inkastoo aysan muuqan Guul la taaban karo oo laga gaadhay, marka laga reebo in Maleeshiyaadkii la kala qaaday. Balse Waxaa la sheegaya in Ehelada ninkii horay loogu dilay deegaanka Gocondhaalle ay Doraad dil aano ah, ugu gaysteen Gudaha Magaalada Buuhoodle Nin dhalinyaro ah oo aan waxba isagu horay u dilin, laakiin Naftiisa ku waayey Haybta iyo Qabiilka guud ee uu ka dhashay. Arintaasi ayaa sidoo kale waxay sababtay in Xaaladii Colaadeed ay dib usoo Cusboonaato markale, waxaana lagu soo waramayaa Shalay in iska Hor imaad Hubaysan uu Labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Horufadhi oo dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle. Colaada u dhaxaysa Labada Beelood [Hagar iyo Hayaag] ayaa u Muuqata mid aan Xal Rasmi ah laga gaadhin, Sidoo kalana Doorkii Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee Colaada lagu dhamayn lahaa ayaa meesha ka maqan, Kaba darane Waxaanba xil la iska saarin in Qofka dhagar qabaha lasoo qabto, si dadka aan waxba galabsan Naftooda loo kala badbaadiyo .! Qaran News
-
In our series of letters from African journalists, Ismail Einashe considers how Somalia has become caught up in the US election campaign. Source: Hiiraan Online
-
Degmada Ceegaag ee Gobolka Cayn waxaa Maanta oo Isniin ah ka socda dadaal xooggan oo loogu jiro joojinta Colaad ka aloosan Degaanno ka tirsan Gobolkaasi Cayn. Colaadda oo u dhexaysa laba Beelood ayaa ka taagan Degaanka lagu magacaabo Horufadhi waxaana shalay oo u dambaysay halkaasi dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay ku dhexmaray labada Beelood. Wefdi Isimo ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha soo socda gaaraan Degmada Ceegaag oo ay haatan ka socota qaban-qaabada Gogosha Nabadaynta labada Beelood. Ergooyin kale ayaa iyaguna Maanta ku wajahan Degaanka si ay uga qayb-qaataan Nabadaynta waxaana la filayaa in Isimadu halkaas kaga dhawaaqaan Xabad-joojin deg deg ah iyo in Gogol Nabadeed la isu’gu keeno dhinacyada dagaallamay. PUNTLAND POST The post Isimo isu taagay joojinta Colaad Beeleed ka aloosan Degaanka Horufadhi appeared first on Puntland Post.
-
Wargeys Caana oo faafiyey Arrin ay Israel iyo Imaaraadka Carabtu qarinayeen Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo if-baxaya in xiriirka uu la leeyahay Israel uu ka ballaaran yahay sidii markii hore loo maleeyey, sida ay sheegeen warbixino cusub. Imaaraadka ayaa coronavirus-ka cusub u isticmaalaya in uu heshiis kula galo Israa’iil taasi oo ah tii ugu dambeysay ee madax carbeed ay xiriir kula yeelanayaan Israa’iil, sida baahiyay wargeyska Al-Qudus al-Carabiya oo fadhigiisu yahay London. Wargeyska ayaa Jimcihii waxaa uu daabacay in 42 shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka ay heshiis la galeen laba shirkadood oo laga leeyahay Israa’iil, si loo horumariyo xalka farsamo loona xakameyo safmareenka. Imaaraadka ayaa markii hore shaaciyey kaliya in heshiiska ay ku jireen laba shirkad, waxaase hadda soo baxday.Labada shirkadood ee Israa’iil laga leyahay waxay la shaqeeyaan wasaaradda dagaalka ee Dowladda si ay militaria u siiso qalab iyo gantaalo. Bishii June 26-keedii, Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu mashaariic dhanka dawada ah ka fulinayo Israa’iil si loola dagaalamo coronavirus, waana isla maalintii ay warbaahinta Israa’iil wariyeen in xukuumadda Abu Dhabi ay siisay Tel Aviv 100,000 oo ah qalabka lagu tijaabiyo coronavirus. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in maalmaha soo socda ay Dowladiisu la kashan doonto Imaaraadka la dagaalanka coronavirus kasokoow in uu maqanyahay xiriir kii diblomaasiyadeed. Imaaraadka Carabta xiriir diblomaasiyadeed lama lahan Israa’iil, laakiin sanadihii u dambeeyay waa ay isu soo dhowaanayeen labada Dowladood. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa shir golaha wasiiradu ay ku yeesheen Qudus bishii August ee sanadkii hore in uu ka shaqaynayo in uu heshiis la gaaro islamarkana uu xiriir wanaagsan la sameysto dalalka gacanka carbeed ku yaalla. Bishii December, wasiirka arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray maqaal ay daabacday majaladda The Spectator oo sheegaya xulifadda Carab iyo israa’iil ay qaabeynayaan Bariga Dhexe. Durbadiiba waxaa maqaalka soo dhoweeyay Netanyahu oo yiri “waan soo dhoweynayaa xiriir isu soo dhawaanshaha Israa’iil iyo dalal badan oo carbeed. Waxaa la joogaa waqtigii hagaajinta xiriirka iyo nabadda.” Dhamaan dalalka carbeed, keliya Jordan iyo Masar ayaa xiriir toos ah la leh Israa’iil. Dadaaladda xiriir hagaajinta ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo Israa’iil ay qorsheyneyso in ay goosato qaybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed, oo ay ka mid tahay dooxada Jordan – talaabadaas oo ah mid aad loogu muransan yahay islamarkaana ay diideen madaxda iyo dadka Falastiin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali taagan dood adag oo u dhaxeysa Ururka Haweenka Qaranka iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed taas oo todobaadkaan gaartay dagaal gacan ka hadal ah, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog u ahaa. Labadaan urur oo isla dagan dhismaha Guriga Hooyooyinka ayaa dooddooda waxay soo taagneyd mudooyinkii ugu dambeeyay oo ka soo billaabata markii Guddiga Shaqaalaha la dejiyay dhismaha Hooyooyinka. Maalmo ka hor ayaa xubno madax ah oo ka kala tirsan labada hay’adood waxay ku doodeen boor ay guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed damacsanaayeen in ay ku dhagsadaan guriga, waxaana arrintaasi ka soo hor jeestay Batuulo Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Dhinacyadan ayaa waxaa dhaxmaray dood adag halka qaarkood ay sameeyeen gacan qaad inkastoo markii dambe la kala qabtay. Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in Ururka Haweenka ay wali diidan yihiin in Guddigan Dhismaha uu dagan yahay ee Hooyooyinka ku dhagsadaan boor halka wali guddiga shaqaalaha ay ku doodaan arintaasi. Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa ku doodaya in iyagoo fulinaya amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyeed oo ah in boorar ay dhagsadaan xafiisyada hay’adaha dowladda ay dhagsan doonaan boor halka Ururka Haweenku ay ku doodayaan in ay raadsadaan xarun ay leeyihiin ama kiro ah oo ay ku dhagsadaan balse halkaan aysan aheyn xaruntooda loona baahan yahay in ay ka guuraan. Halkii ay dooda ka taagneed ee la damacsanaa in boorka lagu dhejiyo waxaa hadda mid cusub ku dhagsaday Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed maadaama ka hor doodaan uusan guriga Hooyooyinka ku dhaganeen wax boor ah oo labada dhinac ah.
-
The new date for the FGS-FMS National Security Council (NSC) meeting shall be communicated at the appropriate time. The objective is in line with the strong desire of the Somali people for the meeting to take place with progressive results propelling the national agenda at hand. — Abdinur Mohamed (@AbdinurMAhmed) July 5, 2020 Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiriirka diblumaasiyadeed ee la yeelatay Taiwan, midkaasi oo horseeday in labada dhinac ay wakiilo isku magacaaban. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa si cad u sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen Taiwan uu ahaa mid ‘qarsoodi ah’, isla markaana uu soo socday muddo. Wasiir Faratoon ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Taiwan ay hore iskugu af-garteen qarinta xiriirkooda cusub iyo heshiiskaasi, kaasi oo markii dambe dhawaan dibada u soo baxay. Heshiiska cusub ee Taiwan iyo Somaliland ay kala saxiixdeen ayaa ku saleysan mid ganacsi iyo siyaasadeed, walow uusan si cad uga warbixin wasiirku. Somaliland iyo Taiwan oo ah labo maamul oo ku dooda inay yihiin dal madax-banaan ayaa waxa kala sheegta dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha, oo iyagu caalamku u aqoonsan-yahay inay hoostagaan. Xiriirkaasi cusub ayaa abuuray xiisad cusub, xili uu si adag uga horyimid Shiinuhu, isla markaana uu ganafka ku dhuftay madax-banaanida Taiwan oo Somaliland u aragto fursad u horseedi karta aqoonsi. Heshiiska labada dhinac ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay inuusan wax badan soo kordhin doonin, maadama Somaliland iyo Taiwan aysan weli beesha caalamka ka helin aqoonsi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ehellada marxuum Maxamed Maxamuud Siyaad, oo ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle islamarkaana ay shalay dileen Al-Shabaab ayaa sheegay in Meydka Marxuumka ay Al-shabaab ku xireen lacag kumanaan doolar ah. Xubnaha qoyska oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Al-Shabaab ay weydiisteen lacag dhowr kun oo dollar ah, si ay usoo dhibaan meydka Maxruumka oo ay shalay toogteen kadib markii ay kala dageen gaari uu saarnaa. Masuuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in marxruumka uu wali ku jiro gacanta Al-Shabaab islamarkaana ay ku heestaan degaankii ay ku dileen oo ku yaala duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe. Sarkaal ka tirsan booliska Somalia islamarkaana ay qaraabo yihiin marxuumka la dilay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shabaabka ay sheegeen in haddii aan lacagtaas laga bixin ay meydka ayaga aasi doonaan oo aan dib loo arki doonin. Xubno kale oo ka mid ah qoyska ayaa sidoo sheegay in Shabaabka ay aaseen, kadib markii la diiday lacagtaas. Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad oo ahaa Xildhibaan iyo Nabadoon ayey Al-Shabaab kala dageen gaari Naoh ah oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho waxayna u socdeen in ay dhax-dhaxaadiyaan beelo ay u dhaxeysay muran muddo soo taagnaa.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa dib shaqadiisa ugu fasaxay Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dikreeto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa dib shaqadiisa loogu celiyay Guddoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan oo 12-kii bishii April ee 2020 lagu sameeyay shaqo joojin. Mr Siidow Maxame ayaa shaqa joojinta lagu sameeyay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug yeeshay dagaal beeleed xun oo ka dhacay Wan-laweyn kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Guddoomiyaha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Wanlaweyn oo dib shaqadiisa loogu fasaxay appeared first on Puntland Post.
