-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Godinlabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qof loo qabtay dil loo geystay gabar yar oo meydkeeda laga helay duleedka dagmada. Gabadhaan meydkeeda la helay oo magaceeda lagu sheegay Caaisha Maxamed Shaanley isla markaana 11-jir aheyd ayey Ciidamada Booliska dagmada baaritaan dheer kadib usoo qabtay qof haweeney ah oo la sheegay iney waalid u aheyd gabadha. Saraakiisha ku hawlan baaritaanka waxey sheegeen in lasoo qabtay qof ay uga shakisan yahiin dilka, taasoo la sheegay iney gabadha u aheyd habaryar, balse ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan. Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska degmada Godinlabe ayaa sheegay iney wali ku hawlan yahiin baaritaanno la xiriira arrinta isla markaana wadatashiyo kadib ay aasi doonaan meydka gabadhaan oo la saaray sida la sheegay geed korkiis. Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa dalka gaar ahaan gobollada dhexe kusoo badanayay tacaddiyada loo geysto haweenka gaar ahaan kuwa aadka u da’da yar.
-
Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa War-murtiyeed ay soo saareen Maanta oo Isniin ah si rasmiya ugu shaaciyay, in ay Shir deg deg ah isu’gu imaan doonaan Khamiista todobaadkan. Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo soo saaray War-murtiyeedka, ayaa sheegay in ay isla garteen in Shir deg deg ah ay isu’gu yimaadaan 9-ka bishaan July ee ku beegan Khamiista, Shirkaas oo ka qabsoomi doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Shirka, waxay sheegeen in ay uga tashanayaan Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka, gaar ahaanna Doorashooyinka soo socda iyo sidii ay Shir guud isu’gu imaan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada wakhtiga ugu dhow. PUNTLAND POST The post Madaxda Dowlad Goboleedyada oo si rasmiya u shaaciyay Shir iyaga u gaar ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxda Maamul goboleedyada Somalia oo iclaamiyey shir Xukumada Farmaajo debeda ka tahay+Halka lagu qaban doono Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay isugu imaanayaan shir aysan qeyb ka aheyn Madaxda dowlada federaalka si ay uga arinsadaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Khilaafka dowlada iyo maamulada qaar iyo arimo kale. Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay in telfoon kuwada xiriireen ayna isla garteen in shir deg deg ah isugu yimaadaan si kaligood uga wada arinsadaan xaaladaha murugsan ee hada taagan. Sida aan wararka ku helnay shirkan ayaa la filayaa in 8-da bishan ka dhaco magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ,waxaana shirkan qeyb ka noqon doonin Madaxda sare ee dowlada federaalka. Qaban qaabada shirkan cusub ay isugu imaanayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa timid kadib markii uu fashilmay shir uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada oo la filayay in shalay furmo. Kulanka Madaxda maamul goboleedyada kadib ayaa la filayaa in ay soo saaraan War Murtiyeed wadajir ah ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan tan doorashada oo khilafa xoogan ka jiro nuuca doorasho ee dhaceysa iyo waliba waqtiga. Qaran News
-
Itoobiya oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay Rabshadihii ka qarxay Fanaankii Hachalu hundessa Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay rabshadihii xooganaa ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogashadii loo geystay Haacaaluu hundeessa oo ahaa fanaan caanka ah wadankaasi. Taliye ku xigeenka Booliska deegaanka Oromada, Girmaa Galaan ayaa sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen 166 ruux, sidoo kalena ay waxyeelo soo gaaray 167 kale. Girmaa Galaan ayaa xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ay xireen intii ay rabshadaha socdeen iyo kadib illaa 1,084 qof, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah. Dhimashada ayuu sheegay inay timid, kadib rasaas ay ciidamada ammaanka ku fureen dibad-baxayaasha iyo sidoo kale isku dhac dhex-maray dibad-baxayaasha iyo Booliska. Xaaladda Itoobiya ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay aheyd mid degan, balse waxaa jidadka Addis Abab ku sugan ciidamo dheeraad ah oo xoojinayo amniga magaaladaasi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/21-ka ayaa eedeyn u jeediyey guddoonka Golaha Shacabka. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ay wadaan muddo kororsi hor leh iyo in xilligan la bedalo xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in muddada afarta bil ee u hartay inay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacdaa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi ku daray haddii ay ka gaabiyaan dadaalka laga sugayo inay soo bixi doonto cid kale oo buuxisa booskooda, sida uu hadalka u dhigay. Dhankale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dhiiro-gelin mudan yahay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dhankiisa dadaal xoogan wada. “Mursal iyo Muudeey muddo xiloodkooda 4 bil oo keli ah ayaa ka harsan. Halkii uu waqti kaga lumi lahaa muddo kororsi iyo in xiligan xukuumad la bedelo, waxaa u haboon in ay waqtigooda geliyaan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo si nabad ah xiligeeda ku dhacda, Haddii ay kaalintooda gabaan, cid kale ayaa kol aan dheerayn buuxin doonta. Waxaa dhiragelin mudan kaalinta Guddoonka Aqalka Sare.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo marar badan si adag uga hadlay xaaladda dalka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadaa shalay guddoonka Golaha Shacabka uu kulan gaar la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/21-ka.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda goboleedka Goonfur Galbeed ayaa shaqadiisa dib ugu fasaxday, guddoomiyihii degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Maxamed Abuukar, ayaa lagu ogolaaday in guddoomiye Maxamed Siidow Cabdiraxmaan dib ugu laabto shaqadiisii degmada Walanweyn. Guddoomiyaha ayaa 12-kii bishii Aoril 2020-ka waxaa lagu sameeyey shaqo joojin , kadib lagu soo oogay inuu kulug lahaa dagaallo ka dhacay deegaanka oo sababay dhimasho iyo dhaawac, soo kala gaaray beelo wada dagaalamay Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Meel u dhow Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga helay Meydka Gabar yar oo 11 iyo bar jir ah , oo la gawracay. Caisha Maxamed oo [...] The post Gabar yar oo la gawracay oo laga helay Gobolka Galgaduud appeared first on . Source
-
Waxaa saaka waabarigii Meydka gabar yar oo muddo dhowr iyo maamlmood ah la la,aa laga helay duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee maamulka goboleedka Galamudug. Gabadhaan yar ayaa ehelkeedu waxaa ay baadigoob ku haayeen muddo 15 cisho ah, waxaana ugu dambeyn saaka isniin ah la helay meydkeeda iyadoo la gowracay, sidoo kalena laga xiray gacmaha sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Marxuumadda ayaa aheyd 11 sano jir, waxaana la lagu Magacaabi jiray Caaisha Maxamed Shanle, isla markaana waxay Eheladeeda ay sheegeen in gabdhooda la waayey 22 bishii June 2020-ka, lagana helay meydkeeda deegaanka Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Godin-labe ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan dilka gabadha yar iyo cidda ka dambeysay, qoyska ayaa sheegay inuu jiro tuhun laga qabo in dilka Caaisho ay a dambeysay Habaryarteed oo ay la nooleed, waxaa sidoo kale jira gabar yar oo ciidamada Booliska deegaan ay gacanta ku soo dhigeen oo lagu tukusan yahay in ay ku lug laheed dilka Caaisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyey dhammaan dhisidda iyo deegaameynta dhul-daaqsimeedka ku yaalla deegaanada maamulkaaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Deni ayaa waxaa lagu faray laamaha amniga in ay joojiyaan dhismayaasha nuucaas ah. Qoraal ka soo maxay madaxtooyada ayaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta. Ku: Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada Ku: Wasaradda Amniga iyo DDR Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland. Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland. Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay rabshadihii xooganaa ee dhowaan ka dhacay dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogashadii loo geystay Haacaaluu hundeessa oo ahaa fanaan caanka ah wadankaasi. Taliye ku xigeenka Booliska deegaanka Oromada, Girmaa Galaan ayaa sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen 166 ruux, sidoo kalena ay waxyeelo soo gaaray 167 kale. Girmaa Galaan ayaa xusay in dadka dhintay ay isugu jiraan 145 qof oo shacab ah iyo 11 askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska ay xireen intii ay rabshadaha socdeen iyo kadib illaa 1,084 qof, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah. Dhimashada ayuu sheegay inay timid, kadib rasaas ay ciidamada ammaanka ku fureen dibad-baxayaasha iyo sidoo kale isku dhac dhex-maray dibad-baxayaasha iyo Booliska. Xaaladda Itoobiya ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay aheyd mid degan, balse waxaa jidadka Addis Abab ku sugan ciidamo dheeraad ah oo xoojinayo amniga magaaladaasi.
-
ENTEBBE- At least 133 Somali nationals have been repatriated to Somalia after being stranded in Uganda for close to three months when flights were suspended after the breakout of coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimad Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in gabar yar oo la-la’aa muddo 15 cisho, iyada oo meyd ah laga helayo deegaanka Ceyn oo hootaga magaalada Godinlabe ee gobolkaasi. Gabadhaan yar oo da’deeda lagu sheegay 11 sano jir ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la gowracay, kadibna iyada oo gacmaha iyo lugaha ka xiran geed lagu dhex riday. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Caa’isho Maxamed Shanley, waxayna la nooleyd Ayeeyadeed oo degan duleedka Godinlabe. “Gacmaha iyo lugaha ayaa laga xiray, waana la bireeyay, rag dhagax qodanayay ayey wax u soo ureen markii ay u tageenna waxay arkeen maydka oo geed lagu dhex riday.” ayey tiri mid ka mid ah qoyska Caa’isha. Sidoo kale waxaa goobta laga helay meydka tegay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowlad goboleedkada Galmudug, kuwaas oo sheegay inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Lama oga illa aiyo adda sababta ka dambeysa dilkaasi arxan darrada ah ee loo geystay gabadhaasi yar. Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay meelo badan oo ka mid ah dalka ka dhacayey falal isugu jira dil iyo kufsi lagula kaco gabdhaha yar-yar.
-
Somalia celebrates its 60th Independence Day this year while the country continues on the path of fundamental recovery. In a quest to shed the stubborn label of a “failed state,” the once war-torn country has made significant strides towards rebuilding despite grappling with Al Shabaab and their grand attacks against civil society. Source: Hiiraan Online
-
Major opposition parties in Somalia are against the decision by the electoral body to postpone the 2020 elections, citing possibilities of inter-clan violence. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya — The crunch of young locusts comes with nearly every step. The worst outbreak of the voracious insects in Kenya in 70 years is far from over, and their newest generation is now finding its wings for proper flight. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan dhanka Internet-ka ah oo ay yeesheen madaxweynayaasha shanta maamul goboleedka ee dalka, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa isku raaceen inay kulan wadatashi yeeshaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Kulankaas ayaa la qorsheeyey inay madaxda maamul goboleeyada isugu yimaadaan 8-bishan, kaas oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa marti-geliyey kulankan oo lagu soo aadiyey, kadib markii uu shalay baaqday shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020 illaa 2021, amniga iyo khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeyo dowlad goboleedyada qaar, sida Puntland iyo Jubbaland. Sidoo kale gaba-gabashada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadalayaan maamul goboleedyada. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dalku haatan ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana aysan weli cadeyn nooca doorasho ee 2020/2021.
-
Wasiirka amniga gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa tabar u furay askar kamid noqoneyso Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo lagu xareeyey xerada Dhaan Karoone ee duleedka degmada Gelinsoor. Wasiirka ayaa sheegay in askartaan lasiin doono tabar dhowr bilood ah loona carbinayo sidii ay uga mid noqon lahaayeen aasaaska daraawiista dowlad goboleedka. Ciidamadaan ayaa horay ugu xareysnaa xerada indhoqaris ee duleedka deegaanka Docol ee gobolka Mudug ayaa waxaana loo soo wareejiyey xeradaan si ayu u qaataan tabarkii u haray. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waday sidii loo unki lahaa ciidamdo Daraawiish ah oo uu yeesho maamulka, kuwaas oo la wareega amniga guud ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Deni Oo Amarro Ka Soo Saaray Deegaameynta Dhulka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowlad gooboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa war ka soo saaray deegaameenta laga sameeyo dhulka daaqsimeedka, waxaana uu faray laamaha amniga in ay joojiyaan dhismayaasha nuucaas ah. Qoraal ka soo maxay madaxtooyada ayaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta. Ku: Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada Ku: Wasaradda Amniga iyo DDR Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland. Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland. Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Wada-hadallo dhinaca qadka taleefoonka ah ayey wada yeesheen madaxda dowlad goboleedyada, Puntland, Galmudug, Hir-Shabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxayna isku raaceen inay dhawaan yeeshaan kulan wadatashi gaar ah. Xogaha la helay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxda maamul goboleedyada ay ku hehsiiyeen inay shir ku yeeshaan Dhuuaamareeb kaas oo ay martigelineyso Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi ay uga hadli doonaan sida ugu fudud ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyad qaar, sida ay uga wada hadli lahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo Amniga dalka. Kulanka oo socon doona maalmo kooban ayaa waxaa geba-gabadiisa la filayaa in War-murtiyeed ay ka soo saaraan madaxda shanta maamul goboleed ee ka jira dalka. Kulankaan gaar ah ayaa ka dambeeyey, kaddib markii uu fashilmay shirkii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray maamul goboleedyada, kaas oo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, kaddib markii ay qaadaceen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. View the full article
