Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada Hoose. Qaraxa ayaa lala beegsaday sida dadka deegaanka ay innoo sheegeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo marayey halkaasi. Sidoo kale waxaa qaraxa xigay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada lala beegsaday, mana cada khasaaraha dadka shacabka ka soo gaaray rasaastaasi. Dhanka kale Al-Shabaaab ayaa sheegatay qaraxan, waxaana ay baahisay in ay ku dishay ugu yaraan 2 askari sidoo kalena ay ku gubtay Gaari uuraal ah oo ay wateen ciidankaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada huwanta ee isaga kala goosha gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska guud ee Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo u warramay Dalsan TV ayaa si adag uga hadlay arrinta maqaamka magaalada Muqdisho, gaar ahaan 7 xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Golaha Aqalka Sare. Ugaaska oo si adag uga hoyimid arrintaasi ayaa sheegay inay tahay dulmi iyo ihaano loo loo geystay saddexda million ee ku nool gudaha caasimadda, sida uu hadalka dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin todobada kursi ee gobolka Banaadir loo qoondeeyey, islamarkaana loo qeybsan doono nidaamka 4.5. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gacan bidixineyso maqaam u sameynta Muqdisho, iyada oo ay u yaallaan howlo kale oo ka muhiimsa , sida u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda 2020 illaa 2021-ka. Waxa kale oo uu ka dalbaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dib u dhigaan arrinta caasimadda, haddii aysan si sax ah meel u saari karin xuquudeeda. ”Dowladda waxaan leennahay howlo kale ayaa idiin yaalla howlihiinna kale ku mashquula.” ayuu yiri Ugaaska Mudulood. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in Muqdisho la xaqiray, marka la bar-bar dhigo magaalooyinka kale ee dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay Garoowe. “Yuu yahay ninka dhihi kara Garoowe wax matala malahan masiirna malahan ee xuquuqda dadkaasi waxaa ka talinayaa baarlamaanka Puntland, cida reer Garoowe u sheegi karta oo marsiin karta yey tahay canshuur ka qaadan karta, iyadoo xuquuq laheyn.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ugaasku. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka degan magaalada Muqdisho, gaar ahaan aqooyahanada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka inay isugu yimaadaan shirweyne si ay uga arrinsadaan masiirkooda iyo aayaha caasimadda.
  3. Somaaliland ayaa maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Saf-mareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay xanuunka. Warbixin ka soo baxday wasaaradda caafimaadka maamulkaasi ayaa siddan u qorneyd:- Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80 Lix iyo labaatan qof (26) ayaa laga helay xanuunka, 22 waa Somalilander, halka 4 qof ay udhasheen Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 7 qofna waa dumar Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) View the full article
  4. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta gacanta lagu dhigay gaari la sheegay in lagu afduubtay, ka hor inta aan la dilin dhalinyaradii dhowaan lagu laayey deegaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad. Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa qabtay gaariga oo ah kan Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay darawaalkii gaariga waday, milkiilihii iyo nin kale oo la sheegay inuu gaariga u kireysnaa maaalintii uu dhacayey falkaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in loo soo gudbiyey xarunta dambi baarista CID-da. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laanta CID-da la geeyey qaar ka mid ah shaaqaalaha ka shaqeeya xarunta caafimaadka ee laga watay sideedii dhalinyarada aheyd ee la dilay, kadibna meydadkooda lagu soo dhigay tuulada Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadii deegaanka Gololey oo loo saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo maalmo ka hor gaaray deegaankaasi, si ay ula kulmaan waxgaradka iyo dadka deegaanka intaba. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-balcad-gololey-.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-02062020.mp3 View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday baadhitaan dhinaca caafimaadka oo lagu sameeyay dhowr qof oo looga shakisnaa xanuunka Covid 19. Warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay 80 qof oo baadhitaanka lagu sameeyay in 26 ka mid ah laga helay xanuunka Covid 19. Warbixinta ayaa lagu muujiyay in 22- ka mid ah dadkaa ay u dhasheen Soomaaliland 4-kalana ay u dhasheen dalka Hindiya. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 2 qof) (20jir ilaa 29jir = 9 qof) (30jir ilaa 39jir = 7 qof) (40jir ilaa 49jir = 6 qof) (50jir ilaa 59jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) qof. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan helnay ayaa sheegaya in dood ay ka taagan cidda la siinayo qandaraaska maqaayad laga dhex furayo tiyaatarka qaranka oo dhowaan dib loo furay. Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa doonaya inay helaan qandaraaskaas, hase yeeshee waxay ka cabanayaan wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay sheegeen inuu doonayo inuu qandaraaska si kale ku bixiyo. Wararka ayaa sheegaya in wasiir Maareeye uu qanadaraaska siiyey xildhibaan iyo nin kale oo ganacsato ah, oo ay isku dhow yihiin ayada oo aan tartan la gelin, taasi oo ay qalad ku tilmaameen. Maareeye iyo xubnaha qandaraaska la siiyey ayaa lagu warramay inuu ka dhaxeeyo heshiis hoose oo lacag kasta oo laga faa’iido maqaayadda lagu qeybsanayo. “Maadaama tiyaatarku yahay xarun qaran, waxay ahayd in qandaraaska si shaacsan bulshada loogu soo bandhigo, looguna tartamo,” waxaa sidaas yiri qaar ka mid ah ganacsatada lasoo xiriiray Caasimada Online. Dooddan ayaa gaartay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sida la sheegay joojiyey bixinta qandaraaska, islamarkaana ku amray wasiirka inuu joojiyo. In qandaraaska la siiyo xildhibaano ama xubno dowladda ka tirsan ayaa ka hor-imaneysa xeer uu soo saaray Kheyre sanadkii 2018, kaasoo mamnuucaya in xubno ka tirsan dowladda ay ku lug yeeshaan qandaraasyada dowladda bixineyso, si loo yareeyo musuq-maasuqa. Wasiir Meereeye oo aan xiriir la sameynay si aan wax uga weydiino arrintan nooma jawaabin.
  8. The investment minister of the northern breakaway region of Somaliland, Mohamed Ahmed Ahmed Awad said he tested positive for Coronavirus and went in self-isolation. Sources in Hargeisa confirmed that a second minister has contracted the virus with reports that their condition has so far been stable and is under self-quarantine. Somaliland which announced unilateral independence in 1991 recorded 26 new cases of Coronavirus after over 100 samples were being tested in the last 48 hours. The region has 358 positive cases since March while the death toll stands at 22. View the full article
  9. Somalia evacuated 84 of its citizens early on Monday from Uganda where it has suspended international flights due to the novel coronavirus. The Somali nationals were repatriated by the Federal Government of Somalia as part of the COVID-19 response plan instructed by President Farmajo. In conjunction with Saudi Arabia, the horn of the Africa nation evacuated more Somalis who stranded in the Gulf nation since the outbreak of COVID-19. The latest flight comes hours after the government brought back 132 nationals from KSA. The Somali government is working together with several countries in the world to ensure all Somalis who wish to return home get the chance. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay raadkii ugu horreeyey ee lagu ogaan karo cidda ka dambeysay xasuuqii shaqaalaha caafimaadka loogu gaystay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Saraakiisha baaraya xasuuqa ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan gaari nooca rakaabka ah, oo loo adeegsaday afduubkii loo gaystay shaqaalihii caafimaadka ee halkaas lagu laayey, ka hor intii aan la dilin. Waxaa sidoo kale la qabtay darawalkii gaariga, iyadoo la keenay magaalada Muqdisho, si loo wareysto, sida uu xaqiijiyey Nabadoon Maxamed Cali Madoobe oo ah nabadoonka shaqaalihii caafimaad ee la laayey. Nabadoon Maxamed Cali Madoobe ayaa tilmaamay in gaariga oo ahaa mid rayid leeyahay in ay xoog u adeegsadeen raggii tuutaha militariga ku labisnaa, ee shaqaalaha ka afduubtay Xarunta Hay’adda Zamzam Foundation ee Gololey, wax yar ka dibna dilay. Dadka la dilay oo sideed qof ahaa ayaa toddobo ka mida waxay ahaayeen shaqaalihii hay’adaasi. Nabadoon Madoobe oo ka waramay gaariga la qabtay ayaa yiri “Hoomeydii askarta xoogtay, askartii dadka xasuuqday ay wadatay ayaa (shalay) la qabtay. waxaana lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da.” Isagoo wareysi siinayay Radio Kulmiye ayuu yiri “Gaariga waxaa saarneyd shan nin oo ka degatay oo shaqaalaha indhaha ka xiray oo afduubatay. Xerada xageeda ayay gaariga u kaxeeyeen, anigana goobjoog maanan ahayn maalintaas, laakiin dadkii goobjoogga ahaa sidaas ayay noo sheegeen. Gaarigii ayayna suurtagashay in la soo qabto, darawalka gaariga ayaana warbixinta siin doono dowladda oo gaariga lala soo qabtay.” “Gaariga wuxuu ahaa gaari la yaqaanay oo jidka ay askarta ka afduubteen. Darawalkii ayaana la socday iyo shaqaalihii la soo afduubay, waxaana laga soo afduubay MCH-ka Gololey. Niman afka xiran oo tuuteysan ayaana afduubka gaystay.” Darawalka gaariga ayaa la rumeysan yahay inuu bixin karo xogta ragga ka dejiyey gaariga, taasi oo gacan ka gaysan doonta in la ogaado cidda xasuuqi fulisay. Nabadoon Madoobe oo la weydiiyay wax kaloo raad ah oo illaa iyo hadda laga helay dhacdadii Gololey ayaa wuxuu yiri “Wax kaloo raad ah illaa iyo hadda ma hayno.”
  11. Authorities in the breakaway region of Somaliland have announced that two ministers have tested positive for coronavirus. Health ministry in the region announced they had registered 26 new infections in the previous 24 hours bringing the total confirmed cases to 358. The ministry also said 48 patients have so far recovered from the disease and a total of 22 people have succumbed to it since its outbreak in the region. Somaliland minister of investment Mohamed Ahmed (Awad) said he is one of the two ministers who tested positive for the disease. The minister announced his infection in a post published on Twitter on Monday. “I have tested positive for the disease after showing mild symptoms, my condition is stable and I don’t feel any pain,” said on twitter Waxaan sameeyey Baadhitaanka caabuqa Covid19, jawaabtuna positive bay noqotay Xaaladayduna way fiican tahay. Wax xanuun ah oo aan dareemaya ma jirto #Somaliland #COVID19 — Mohamed Ahmed (Awad) (@CAWADAYN) June 1, 2020 The announcement in the region comes a day after the country’s health minister announced 47 new cases. The latest cases come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. The World Health Organization (WHO) has warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. WHO said in its latest report on COVID-19 that Somalia will need to make difficult decisions to balance the overwhelming demands of responding to COVID-19, while maintaining essential health service delivery to prevent health systems from collapse. Somalia has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights.
  12. Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu amri doono ciidamada militariga inay la tacaalaan dibad-baxyada rabshadaha wata ee lasii degaya gobollo badan oo ka mid ah Mareykanka. Trump ayaa sheegay inuu kumanaan askari usoo diri doono waddooyinka caasimadda, wuxuuna ku hanjabay in sidoo kale gayn doono gobollada aan awoodin inay xakameeyaan xaaladda. Hadalka Trump ayaa yimid toddobaad kadib markii George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubeysneyn lagu dilay magaalada Minneapolis kadib markii askari caddaan ah inta madaxa dhulka u dhigay, kadibna luqunta jilib ka saaray illaa ay nafta ka baxday. Kadib markii lagu cambaareeyey inuu ka aamusan yahay xasaraddan kasii daraysa, ayaa Trump waxa uu khudbad uu kula hadlay shacabka ka jeediyey Aqalka Cad, xilli booliskuna ay dibad-baxayaal ku sugnaa banaanka u adeegsanayeen sunta dadka ka ilemysiisa. “Waxaan dirayaa kumanaan iyo kumanaan ciidamo aad u hubeysan ah, shaqaale milatari iyo saraakiisha hirgelinta sharciga, si ay u joojiyaan rabshadaha, bililiqada, burburinta hantida iyo weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump. Waxa uu cambaareeyey rabshado habeen ka hor ka dhacay Washington, oo uu ku qeexay “ceeb buuxda”, wuxuuna ugu baaqay barasaabyada gobolka inay si deg deg ah uga howlgalaan inay si awood leh “u maamulaan waddooyinka.” “Haddii magaalo ama gobol uu diido inuu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah inay difaacaan nolosha iyo hantida dadkooda, waxaan keeni doonaa militariga Mareykanka, waxaana si deg deg ah ugu xallin doonaa dhibaatadan.” Hadalka Trump ayaa durba la kulmay cambaareyn xooggan. “Waxa madaxweynaha uu maanta sameeyey ayaa ah inuu militariga Mareykanka ugu wacay shacabka Mareykanka,” waxaa sidaas twitter ku yiri barasaabka New York, Andrew Cuomo. AFP + VOA
  13. Askari ka tirsan booliska magaalada Las Vegas ayaa ka mid ahaa laba qof oo lagu toogtay halkaas maalintii Isniinta ahayd, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay. Warbixin oo lagu qoray wargayka the Las Vegas Review-Journal ayaa lagu sheegay in booliska magaaladaas ay xaqiijiyeen in askariga lagu toogtay huteel agtiisa. Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay inuu dirayo milatari kala eryi karo xasiloonidarrada ay shacabku ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan, mudaharaadyadaasi oo ka dhashay dilki loo geystay nin madow ah oo booliska gacantooda ku jiray. Wuxuu Trump sheegay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada iney ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo “iney difaacaan shacabka” sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro inuu howlgelinayo. Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka. Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal mudahaaradaayl ah oo mudaharaad halkaasi ka waday. Isniinta shalay ahaydna waxaa si rasmi ah loo shaaciyey baaritaankii la sameeyey in lagu ogaaday dilka loo geystay Mr Floyd inuu ahaa mid bareer ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan uu ku bixin doono sidii Maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ay mideeyaan Awoodda maamulka Galmudug, islamarkaana Maleeshiyaad beeleedyadda loo badali doono Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka Galmudug. “Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Dhinaca kalana waxa uu shaaca ka qaaday in qorshahaan hubka dhigista uu sii soconayo,si galmudug nabadeedu u xoogeysato. Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay Maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen isaga oo shaaciyay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ) oo ku sugan Gaalkacyo ayaa shaaciyey in maamulkiisa uu hub ka dhigis ku sameyn doono maleeshiyaadka ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Qoor-Qoor ayaa sheegay inay la wareegi doonaan hubka ku jira gacmaha gooni-goonida ah, si loo xasiliyo amniga deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay Qarameyn maleeshiyaadka hubeysan, kuna biirin doonaan ciidamada daraawiishta iyo kuwa booliska ee maamulkaasi. “Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada.” ayuu yiri Qoor-Qoor. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu dadaallo xoogan ka waday Mudug, isagoo lagu wareejiyey maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Arrintaan ayaa haddii ay Galmudug sii wado, islamarkaana ay dhaqan-geliso waxa ay soo afjareysaa colaadaha ka jira gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.
  16. Kismaayo (Caasimada Online ) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta howlgalka AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Husingow oo ka tirsan gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay 2 askari, sidoo kalena ay ku dhaawacday 2 kale oo ka tirsan ciidamada Kenya. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ay ku gubeen gaari ay lahaayeen ciidamada milatariga dowladda dalka Kenya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo sidoo kale kuwa dowladda oo ku aadan qaraxaasi miino. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badna weerar jidgal ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolladaasi.
  17. Wasiirka maalgashiga iyo hormarinta Soomaaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku shaaciyay in laga helay fayraska COVID-19 ka dib baaritaan lagu sameeyay. Mr Cawad ayaa sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan isaga oo xusay inuusan jirin wax xannuun ah oo uu dareemayo. Dhanka kale Soomaaliland ayaa maanta oo ah Talaado 02-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1401 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 26 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 8 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 48 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 22 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 358 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta baarlamaanka ee magaaladaasi, kadib markii ismimada maamulkaasi ay ku guuleysteen inay isu-keenaan. Kulankan ayaa ah mid lagu dhex-dhexaadinayo labada adhinac, si ay xal uga gaaraan khilaaafka xoogan ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey. Isimada Puntland oo markasta u istaaga xalinta khilaafka madaxda sare ee maamulkaasi ee haatan xalinta wada ayaa waxaa ka mid ah, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, kuwaas oo dhex-dhexaadinaya mas’uuliyiintaasi. Sida qorshuhu yahay waxaa kulanka hadda socda lagu soo afjari doonaa khilaafka hareeyey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey deegaanada maamulkaasi. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka ka soo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.
  19. Kenya Airways plans to resume passenger flights from June 8. While domestic airlines in Kenya like Safarilink, Air Kenya and even Kenya Airways's subsidiary Jambojet will remain on the ground until the movement restrictions in and out of Nairobi, Mombasa, Kwale and Kilifi counties remain in place, according to transport cabinet secretary James Macharia. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wareysi dheer bixiyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan maqaamka Muqdisho. Ugu horreyn Madaale ayaa si weyn u dhaliilay kuraasta 7 xubnood ee loo qoondeeyey in gobolka Banaadir uu ku yeesho Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xusay in matalaadaasi ay tahay mid aan ku dhisneyn dadka waxa ay muddan yihiin, islamarkaana aan laga fiirsan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu u arko arrintaasi qalad la galayo, ayna adkaan doonto in beri la saxo, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in weli maqaamka Muqdisho kor loo sii hayo, islamarkaana la siyaasadeynayo xaqa shacabkeeda oo uu carabka ku dhuftay inay yihiin kuwa bixiya canshuurta ugu badan, sidoo kalena ay heysataan dhibaatooyin is-biirsaday. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo si aad ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Muqdisho ay uga falceliyeen go’aankii ay soo saareen guddiga labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo lagu shaaciyey in gobolka Banaadir uu 7 xubnood ku yeelan doono Aqalka Sare, islamarkaana lagu soo xuli doono nidaamka beelaha ee 4.5. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Cod-Madaale.mp3
  21. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/VIDEO_SHEIKH_ALI_WITH_LOGO_ENG2.mp4 Source: goobjoog.com
  22. Maamulka gobalka Banaadir ayaa ka joojiyay taakuleyntii uu siin jiray macallimiinta iyo guud ahaan iskuulka 15 May ee magaalada Muqdisho. Warqad uu ku saxiixanyahay guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud kuna taariikheysan 21-05-2020 oo ay heshay Goobjoog News ayaa lagu yiri “Wasaaradda waxbarshada hiddaha iyo tacliinta sare oo ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto, waxaan si xushmad leh iyo qaddarin leh idiin la socodsiineynaa maadaama wasaaraddu joojisay howlihii 15 May gabi ahaanba, maamulka gobalka Banaadirna wuxuu sidoo kale idiin caddeynayaa inuu joojiyay heshiiskii labada dhinac ahaa ee tixraaca sare ku xusan iyo dhaqaalihii maamulka gobalka Banaadir ku bixin jiray iskuulka 15 May” Arrintan ayaa daba socota waqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya 7-March ee sanadkan laguna hakiyay howlihii iskuulka 15 May. Sida ay ogaatay Goobjoog News in ka badan 1000 ardey ayey saameyn doontaa heshiiska ay wasaaraddu laashay ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Masar. Goobjoog News Source: goobjoog.com