Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka hadalay dil maanta loo geystay xildhibaan ka tirsanaa maamulkaas, oo gari uu saarnaa lagala dagay kadibna la dilay. Guddoomiyaha oo soo saar qoraal ayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Hirshabeelle kaga tacsiyeey geetida ku timidid xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad, oo dagaalamayaal ka tirasan Al-shaab ay kala degeen gaari uu saarnaa oo ku safraayey wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhay iyo Muqdisho, kadibna ay dil u geysteen xildhibaanka. Qoraalka ka soo baxay guddoomiye Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa lagu yiri “Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho. Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle” Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta xildhibaan ka tirsanaa lagu dilay gobolka Shabeellaha dhexe, kaas oo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay gaari uu saarnaa kala degaan deegaanka Gololeey, kadibna ay dileen sida ay ku shaaciyeen barahooda Bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Waxaa saaka si habsami leh u bilowday dhismaha wadada isku xirta Beledweyne ilaa jento kundisho taasi oo bur bur xoogan u geysteen fatahaadihii kusoo laalabtay sanadihii dambe magalada Mashruuca dhismaha Wadadaan ayaa horaantii sanadkan waxaa Dhagax dhigay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Qaar kamid ah bulshada gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweynaayo dhismaha ka bilawday wadadan isku xirto magaalada Baladweyne ilaa Jento Kudisho madama bur bur xoogleh ka jiray isla markaan dhibaato xoogan lagu qabay isticmaalka wadadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle lagu dilay wadada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow, waxaana dilkiisa sheegatay Al-Shabaab, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka. Canab Axmed Ciise guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka HirShabelle ayaa ka warbixisay dilka xildhibaanka, waxaana ay sheegtay in lagala dagay gaari uu la socday oo ka soo amba-baxay Jowhar, kuna soo jeeday dhanka magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa ay tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo Alle uga bariday in xildhibaankaas uu ka waraabiyo Janadiisa Firdowso. Dhinaca kale ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabeen agagaarka degmada Balcad, kuwaas oo lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey dilka xildhibaankaasi. Amniga wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa in muddo ah laga deyrinayey, waxaana horey loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka HirShabelle, kadib weeraro ay halkaasi ka fuliyeen dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article
  4. Al-shabab ayaa maanta dil u geystay Xildhibaanka tirsan dowlad goboleedka Hir-shabeelle, kaas oo lagala degay gaari uu saarnaa oo marayey gobolka Shabeellaha dhexe. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa gaari ka soo raacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, kaas oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho,. Al-shabaab ayaa xildhibaanka la degay xili gaariga uu maraayey deegaanka Gololeey ee gobolka. waxaana mas’uuliyadda dilka xildhibaanka ay ku sheegay baraha ay ku leeyihiin Internetka. Al-shabab ayaa dhowr jeer mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaa ay ku weerareen gobolka Shabeellaha dexe, xili ay ku safrayeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo loo yaqaanay “Xuurshow” kana tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu dilay Duleedka Magaalada Balcad kadib markii kooxo hubaysan ay afduubteen. Dilka [...] The post Xildhibaan ka tirsan Hirshabeele oo Balcad lagu dilay appeared first on . Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xildhibaan ka tirsan HirShabelle oo maanta lagala dagay gaari uu la socday, islamarkaana lagu warramayo in lagu dilay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaar ka mid ah Ehellada xildhibaankaasi oo lagu magcaabi jiray, Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa xaqiijiyey in lagu dilay marxuumka deegaanka Yaaqle oo hoostaga Balcad. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay fulisay dilkaasi, waxaana ay shaacisay in dagaalyahanadooda ay kala tageen marxuumka gaari uu la socday. Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ayaa durbo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaankaasi. Ammaanka jidka dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liitada, waxaana inta badan weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab, waxaana qaarkood weeraradaas ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa mamaulka HirShabelle.
  7. MOGADISHU (HOL) - The militant group Al-Shabaab has claimed it killed a Federal MP whom its fighters abducted Sunday morning. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu ( PPM ) — During 1980s Somalia launched a campaign against female genital mutilation. Health hazards of the heinous practice was becoming clear due to medical advances. The practice of FGM dates back to Pharaonic Egypt, one reason why Somalis call it Gudniinka Fircooniga ( Pharaonic Circumcision ). It was not enough to enlist the help of religious leaders and educationists. The campaign required significant involvement of women in the spread of the message against FGM. Raqiya Haji Duale Abdalla, a former Deputy Minister of Health Minister and co-author of a 1973 book on Somali mothers, wrote Sisters in Affliction: Circumcision & Infibulation of Women in Africa, a book that gave Somalia the distinction of being the first country in Africa to ditch insouciance about pain and long-term reproductive health problems inflicted on women in many African countries. UNICEF commissioned a Somali translation of the book. The late Dr Mohamed Hamud Sheikh translated Raaqiya’s book into Somalia ( Walaasha Dhibaataysan). Cultural activities formed an important part of the campaign. Songs by Iftin, the Ministry of Education troupe, helped raise citizens’ understanding about a practice that had been promoted as an element of female chastity. Raqiya’s book galvanized anti-FGM campaigners In present-day Somalia female genital mutilation is a less discussed topic. There is not a solid evidence that the FGM is more widely practised in Somalia now than before 1991. There is a risk that lack of government attention to FGM can desensitise people to its health hazards. Authorities pay scant attention to health awareness about FGM in Somalia. The fight against FGM in a country such as Somalia should not be confined to annual celebration of Women’s Day. A robust health policy towards fighting FGM and enforcing existing laws against it can become a bulwark against it. Somalia once was a country known for its anti-FGM campaigns. It is time to revive the fight against FGM in Somalia. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post WHEN SOMALIA WAS A PIONEER OF ANTI-FGM CAMPAIGNS appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xir-xiray qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galay iyo kuwii soo abaabulay dibad-bax looga soo horjeeday dowladda federaalka oo ay saaka ka hortageen Booliska Soomaaliyeed. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xabsiga dhigeen guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis, Mudane Cismaan Muxiyadiin Cariif iyo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo haween u badnaa, kuwaas oo qaarkood la sheegay in la jir-dilay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay qalabkii ka qaateen wariyeyaal tegay halkaasi, kuwaas oo laga hor istaagay inay soo tabiyaan dibad-baxaasi. Wariyeyaasha qalabka laga qaatay waxaa ka mid ah howl-wadeeno ka tirsan TV-ga Universal, sida lagu shaaciyey qoraal la soo dhigay bogga telefishinkaasi. Sida ay horey u baahisay Caasimada Online dibad-baxa ujeedka wuxuu ahaa mid looga horjeeday in muddo kororsi hor leh ay sameysato dowladda federaalka Soomaaliya. Xaaladda ayaa hadda degan, inkastoo ciidamadu kala dareerinta dadkaasi ay u adeegsadeen rasaas, balse ma jirto khasaare ka dhashay oo la soo wariyey.
  10. Duulimaadyada diyaaradaha ee gudaha dalka ayaa maanta si rasmi u furmay, sida uu Goobjoog News u xaqiijiyey mas’uul ka tirsan gedida diyaaradaha ee Aden Cadde International Airport. Dowladda federaalaka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay todobaadkii hore ku sheegtay in laga bilaabo maanta uu bilaabanayo dulimaadyada, iyada oo sida la qorsheeyey dowlad goboleed kasta ay aadeyso hal duulimaad. Arrinta joojinta duulimaadyada ayaa waxaa sabab u ahaa Covid 19, waxaana kala go’ay dalka taasi oo saameyn ku yeelatay dad badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay kala degeen gaari uu saarnaa oo marayay deegaanka Gololey ee gobolka Sh/Dhexe. Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa dableyda kala degtey gaariga loo malaynayaa inay yihiin ka tirsan yihiin ururka Alshabaab. Gaariga lagala degey xildhibaanka ayaa ka tegey saaka magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho,waxayna dableyda wadada u gashay gaariga ay fasaxeen dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaarigaas oo noociisu ahaa Noah. Wadada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa hore weeraro ay uga geysanayeen labadii sano ee la soo dhaafay dagaalamayaasha Al-shabaab iyagoo weeraradaas ay ku dhinteen xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle. View the full article
  12. Xildhibaan Farxiya Xasan Axmed oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee kasoo galay Jubbaland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay iska fogeysay jiritaanka wararka sheegaya in kursiga ay xildhibaanka ugu tahay reerkeeda ee yaallay Badhaadhe, Jubbada hoose la wareejiyey Deegaan Doorashadiisa loona geeyey Baardheere. Xildhibaanka waxaa ay leedahay kursiga degmo ayaa leh, reer ayaa leh, matalaaddii degmada Badhaadhe waaye, waxay intaa raacisay kursiga ma aha shaati ama guri uu qof leeyahay ee meesha uu rabo u guurayo iyada oo xaqiijisay in weli uu yaallo Badhaadhe, isla markaana ka digtay in laga been abuurto. Naga dhageysta codka xildhibaan Farxiya Xasan Axmed oo arrinkan ka hadleysa https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/WhatsApp-Video-2020-07-05-at-10.49.01.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa in maanta laga qafaashay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaankaasi oo lagu magacaabo, Maxamed Maxamuud Siyaad ay rag hubeysan kala dageen gaari uu la socday oo marayey wadadaasi. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu saaka ka soo amba-baxay Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, balse ay wadada u galeen rag loo maleynayo inay ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo horey u kaxeystay mudanahaasi ka tirsan baarlamaanka HirShabelle. Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu la socday xildhibaanka oo ahaa Noah ay kooxdaasi fasaxday dhamaan dadkii kale ee saarnaa, lamana oga halka ay la aadeen xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad . Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo madaxda sare ee HirShabelle ka soo baxaya oo ku aadan afduubka xildhibaankaasi. Ammaanka jidka dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liitada, waxaana inta badan weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab, waxaana qaarkood weeraradaas ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa mamaulka HirShabelle.
  14. Safiirkii hore ee Somaliland u qaabilsnaa Urur Gobolleedka IGAD, Aadan Muuse Jibriil ayaa ka hadlay Dariiqyada Somaliland Beesha Caalamku ku qiimaynayso ee u sahlaya inay hesho Dariiqa loo maro Ictiraafka ay ku raad-joogto. Aadan Muuse Jibriil waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka dhex maray Somaliland iyo Dawladda Taiwan, waxaanu sheegay in xidhiidhkani aanu ahayn mid cusub, balse uu hadda sii xoogaystay, inkasta oo xilliga uu ku soo beegmay la taagan Xaalad Dunida u diyaar-garoobayso Dagaalkii Qaboobaa isla-markaana loo kala fadhiyo ‘Reer Galbeed iyo Reer Bari’. Ambassador Aadan Muuse Jibriil oo ugu horrayn ka hadlaya waxyaabaha Midnimada Dadku ka mid tahay ee Somaliland looga baahan ayaa yidhi “Ictiraafku waa inaad dalkaaga Hantidid, midnimada dadkaaga iyo Wada-jirkiisa iyo xaq qaybsigiisa, hadday tahay dhinaca Maamulka, dhinaca dhaqaalaha inay isku dheeli-tiran tahay Maamulka dalkaaga.” Aadan Muuse waxa kale oo uu sheegay “Innagu Somaliland ahaan 30-kaa sanadood waxaynu ku jirnay halgan ah sidaynu u xoojino Dawladnimadeena, mar walbana Mushaakil wuu jiraa, is-qabad baa jira oo Nolosha ayuu ka mid yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dunidu waxay eegaysaa oo ay indhaha ku haysaa saddex Waxyaabood, inaad amniga dalkaaga inaad sugayso, Midnimada dalkaagu inay sugan tahay iyo inaad Istaraatiijiyad leedahay, inaad leedahay Qorshe dheer oo meesha uu u socdo la garan karo.” Aadan Muuse Jibriil oo u warramay Telefiishanka Saab ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ee dhawaan soo shaac-baxay uu muddo dheer jiray “Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan imika muu bilaabmin Runtii, illaa 20 sano ayuu jiray, laakiin wuxuu ahaa xidhiidh aan la shaacin oo hoose, dhallinyaradeenu Jaamacadaha Taiwan wax way ka dhiganayeen waxay ina siinayeen Waxbarasho (bilaash ah), laakiin kan imika bilaabmay waa mid kii hore ka qoto-dheer oo ka ballaadhan.” Ambassador Jibriil wuxuu ka hadlay sida muhiimka u tahay in Shacabku ogaado in sida Dunidu sii qaybsamayso isla-markaana qoloba dhinac isku bahaysanayso “Arrinta loo baahan yahay in Dadkeenu ogaado waxa weeyaan markaynu xidhiidhka la samaynay Taiwan Cid baynu dooranay inaynu xidhiidh la samayno Cid kalena waynu ka tagnay, waxa la yidhaahdaa Meesha aad Nin ku qaadanayso Nin baad kaga tagaysaa, taasina aad bay xidhiidhka Arrimaha dibedda muhiim ugu tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaalad baa Maanta jirta uu bilaabmayo Dagaalkii Qaboobaa, dunidii way kala safatay, Reer Galbeed iyo reer Bari ayay u kala safatay, dhinac waxa taagan Shiinaha iyo Ruushka oo ah Quwado xoog leh oo imika soo baxay oo Cid walba isha ku hayso, dhinaca kale waxa taagan Dawladihii reer Galbeedka ee Dimuqraadiga ahaa, haddii innaga laga hadlo Somaliland ahaan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, dimuqraadiyadda Xisbiyada badan ku dhisan ayaynu u taagan nahay, waxaad mooddaa Adduunkaa cusub ee samaysmaya inaynu meel ka galayno ama meel ka galnay..” Qaran News
  15. Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday Mudaharaad loogasoo horjeedo Dowlada Federaalka Soomaaliya, kasoo dhaliyey iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amaanka iyo Shacabkii Mudahaarayay. Mudaharaadku wuxuu saaka [...] The post Mudaharaadyo ka bilowday Muqdisho iyo Ciidanka Rasaas ku furay appeared first on . Source
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay diyaarad ay shalay dowladda Soomaaliya ka celisay hawada, taas oo qaad u siday magaalada Hargeysa. Faratoon ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka ay qaaday tallaabo qaldan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabadan ay qeyb ka tahay dagaal uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula jirto Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sidoo kale wareysiga lala yeeshay ku sheegay in arrintan ay dhaawici karto heshiisyadii horey loo galay, gaar ahaan midkii Jabuuti oo uu sheegay inuu qeyb ka ahaa inay wada maamulaan hawada. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in meeshii laga filayey in la’isku soo dhowaado, islamarkaana la buuro kalsooni ay haatan uga sii dareyso xukuumadda Muqdisho. “Waxaad moodaa in meeshii laga filyay kalsooni iyo isku soo dhawaansho lana qadariyo heshiisyadii ay horay u wada galeen ee ahaa in la wada maamulo hawada Soomaaliya ay meesha ka baxeyso,waxaana dowladda aysan ixtiraameyn wixii lagu hehsiiyay oo kalsooni keeni kara.” wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland. Si kastabaha ha’ahaatee weli dowladda federaalka kama aysan hadlin go’aankii shalay dib loogu celiyey diyaaraddii ku socotay Hargeysa oo ku laabatay gudaha dalka Kenya.
  17. Howlgal ay Ciidamada Amaanku ka fuliyeen Bosaso ayaa lagu soo qabqabtay Uguyaraan 6 Qof oo looga shakisan yahay iney gacanta kula jireen falal Argagixiso. Sida [...] The post Ciidamada Amaanka aa qabtay hub iyo Waxyaabaha Qarxa appeared first on . Source
  18. MOGADISHU (Halbeeg News) - Somalia has dismissed the Taiwa-Somaliland diplomatic accord and reiterated its position on a ‘one-China-policy’. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) - Somalia has dismissed the Taiwa-Somaliland diplomatic accord and reiterated its position on a ‘one-China-policy’. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah xildhibanada baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa eedayn u soo jeediyay, laanta Socdaalka ee Dowlada Soomaaliya ee uu madax ka yahay Taliye Maxamed aadan koofi. Xildhibaanka ayaa sheegay in sanadkii hore mar uu ka soo dagaayay Garoonka Muqdisho, gar ahaan Qeybta Xalane uu la kulmay bahdilaad, waxa uuna sheegay in loo diiday in uu ka soo dago ama ka soo galo garoonka Qeybta Xalane, oo Pasaporka uu watay oo ahaa Diplomatic loo garaaco, waxa uuna sheegay in uu dhibaato badan kala kulmay arintaas. Xildhibaan Liban ayaa sheegay in loo sheegay in arintaan ay ogtahay waaxda Socdaalka, taasina uu sheegay in uu Su’aal ka waydiinayo Taliye Koofi oo ku sugnaa kulanka baarlamaanka Soomaaliya. Taliye Maxamed Aadan Koofi oo ka jawaabayay arintaas ayaa sheegay in halka uu ka soo dagay Xildhibaan Liibaan aysan ka Duulin Somali aysana ka soo Dagin, waxa uuna sheegay Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya koofi, in halkaas ay ka duulaan ama ka soo dagaan oo kaliya UN-ka iyo shaqaalaha u shaqeeya. “Waxaan xildhibaan liibaan u sheegaa, waan ka xumahay horta ma ogolin in Xildhibaanadeena lagu xad gudbo marka hore waxaysan mudneen la marsiiyo, mana u malaynaayo in sarkaal ka tirsan Hay’ada in uu ogolaanaayo taas, meeshaas waxaa ka soo daga oo kaliya UN-ka, markii la samaynaayay waxaa lagu sameeyay Duruuf iyo Heshiis waxaa loo ogoladay in ay ka soo dagaan ama ka baxaan ajaaniinta u shaqaysa UN-ka oo kaliya”ayuu yiri Taliye Maxamed aadan koofi oo su’aashaas ka shaafiyay ama uga jawaabay Xildhibaan liibaan oo aad u Caraysan. “Meeshaas ma yaalo System qaban kara Pasaporka Diplomatic ah, waa sababta Xildhibaane sarkaalka kula hadlay uusan wax uga qaban Karin, VIP ayuu yalaa System- kaas Mara waxaan idinka codsanayaa xildhibaanada sharafta leh inaa intaas nala fahamtaan,” ayuu mar kale yiri Taliye Maxamed aadan Koofi oo in badan isku dayay in uu Qanciyo Xildhibaanada baarlamnaanka Soomaaliya. Dhinaca kale taliye Koofi ayaa su’aalihii la waydiiyay dhamaan uga jawaabay baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ay aad ugu qanceen una sacbiyeen. Taliye Maxamed Aadan Koofi ayaa taliye ka ahaa laanta Socdaalka iyo Jinsiyadahga Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay, waxa uuna wax badan ka badalay qabka loo maro sharciga oo awal ahaa ii fuuti, taasi oo aad loogu amaano taliye maxamed aadan koofi oo ah nin dhalinyaro ah sharci yaqaana ah, dalkana wax badan u qabtay intii uu shaqaynayay Dowladihii iskaga Danbeeyay dalka. Sidoo kale Taliye Koofi ayaa intaas ku daray in uusan jirin System aqrin kara Pasaporka Somaliga oo yaala qeybaha ay ka duulaan UN-ka iyo meesha ay ka soo dagaan, taasi oo keentay in Xildhibaanka uu eedaynta u soo Jeediyo waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu Mas’uul ka yahay maxamed aadan Koofi. Cabdixakiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com Tell-+254-711830393 Nairobi Kenya
  21. ku dhawaad boqol cesho oo ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee civod19 oo yaraatay. munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha garoonka Adan Cade ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus. Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19. Dowladda Soomaaliya ayaa 29 bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19. View the full article
  22. Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari, ayaa Magaalada Boosaaso ku qabtay shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish. Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Bari, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in hawlgal saacadihii la soo dhaafay ciidamadu ka sameeyeen gudaha Boosaaso, ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 10 ruux oo lala xiriirinayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Saraakiishu waxay sheegeen, in guryaha dadkaas laga soo qabtay qaarkood laga helay hub iyo jaakadaha loo adeegsado Qaraxyada, oo ay doonayeen in ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay haatan baaritaan ku hayaan shakhsiyaadka la qabtay, islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan natiijada ka soo baxda baaritaanka ku socda shakhsiyaadka. Ciidamada Amniga Puntland, waxay todobaadyadii u dambeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadaan gudaha Boosaaso, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada, laguna fashiliyay weerarro kala duwan oo ka dhici lahaa Boosaaso. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay Shakhsiyaad lagu tuhmayo Al-shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho ( (Caasimada Online) – Waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka bilowday duulimaayada gudaha oo hakad ku jiray bilihii u dambeeyey, sababo la xariira xakameynta cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus. Diyaaradaha isaga kala gooshaya magaalooyinka dalka ayaa si rasmi ah u bilaabay duulimaadyadooda , iyada oo ay dadka safraya ay si aad ah u soo dhaweeyeen in dib loo fasaxo duulimaadyada gudaha, inkastoo weli kuwa caalamiga ah aan dib loo fasixin. Mid ka mid ah dadkii saaka ka amba-baxayey garoonka Aadan Cadde oo ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyey socdaalkiisa iyo dib u furista garoonka “Waxa aan joognaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, qorshaheenu waa in aynu ka duulnaa, waxa aan ku qoranahay diyaarad safarkeedu yahay Magaalada Dhuusamareeb” ayuu yiri qofka ka mid ah rakaabka diyaaradaha maanta baxaya. Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka raacaya diyaaradaha inay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona. Soomaaliya oo kiisaska cudurkan laga xaqiijiyey bishii March ee sanadkan 2020-ka ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameynayo cudurka faafa ee Covid-19, iyada oo hakad galisay dhamaan duulimaadyada, sidoo kale xirtay goobaha waxbarashada ee dalka.
  24. War qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayay ku sheegteen in ay dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle. Al-shabaab ayaa qoraalkooda ku sheegay in Xildhibaanka kala degeen gaari uu ka soo raacay Jowhar kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho kadib weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen gaarigii uu saarnaa. Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa Qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyay Qoyska iyo Ehellada Xildhibaanka la dilay isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo. Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Maamulkaas in ay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay dileen Xildhibaankii la af-duubtay ee Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kala eryey dad dhigayey dibad-bax oo isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Dibad-baxa ayaa lagu soo warramayaa in looga soo horjeeday dowladda federaalka, gaar ahaan inay muddo kororsi sameysato. Wararka ayaa sheegaya in dad kooban iyo qaban-qaabiyeyaasha dibad-baxasaas ay rasaas ku kala eryeen ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo u tegay halkaasi, si ay uga hortagaan banaabaxaasi oo la sheegay inuu ahaa mid la soo abaabulay. Sida ay ogaatay Caasimada Online dibad-baxa ayaa hordhac u ahaa mudaharaadyo kale oo ay qorsheynayaan inay dhowaan mucaaraadka ka dhigaan magaalada Muqdisho. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana weli taalada Daljirka Dahsoon ku sugan ciidamada Booliska oo wata gaadiidka dagaalka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda olole siyaasadeed oo aad u xoogan. maadaama lagu guda jiro xilli kala guur ah, waxaana sidoo kale si aad ah la’isugu hayaa arrimaha doorashada dalka ee la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan illaa 2021-ka.